Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,241
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday Garoowe ayaa ugu horreyn u hambalyeeye madaxweynaha cusub ee maamulkaasi Dani. Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay nidaamkii ay doorashadaasi u dhacday, sidoo kalena u hambalyeenayo madaxweynaha cusub. Gaas ayaa sheegay in Dani uu yahay shaqsi aqoon leh, wax badanna ka qaban kara xaaladda guud ee Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CWELI-GAAS.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Talaadada maanta ah loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland,kadib markii uu wareegii seddexaad ee doorashada kaga guulaystay Asad cismaan Diyaano oo kula tartmayey. Haddaba waa kuma Siciid Cabdullaahi Deni madaxweynaha cusub ee la doortay? Taariikh kooban Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya, sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luuqadaha, 1998 – 2000,Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management). Waxbarashada ayuu ka soo shaqeeyay Kaddib markay burburtay dowladdii dhexe ee dalka,Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahankii dib ugu soo noqday degaannadii la oran jiray gaari waa’ (Puntland), qeyb weynna ka qaaatay as’aasidda iyo yagleelidda goobaha waxbarasho ee laga hirgeliyay gobolka Bari gaar ahaanna magaalada Boosaaso. Sannadkii 1992dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuuna kamid ahaa as’aasayaashii hay’adda Kheyriga ah ee Tadamun, oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada, haddana gacanta ku haysa in ka badan 15,000 oo arday. Sidoo kale mudane Deni ayaa mar soo noqday guddoomiyaha Jamciyaddaasi Taddamun sannadihii 1992 ilaa 1997 Intii u dhaxaysay,isagoo wax ka as’aasay Dugsiyada Imaamu Nawaawi,islamarjaana soo noqday maamulihii kowaad ee Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998-dii. Sannadkii 1994-kii Siciid Deni wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya,isagoo sidoo kale Sannadkii 1996-dii noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobolladii loo yaqaanay “waqooyi Bari Soomaaliya” (Puntland) Arrimaha Ganacsiga Sannadidii 2002 ilaa 2012 wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman. Taariikhdiisa Siyaasadeed Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaliyeed Sannadkii 2012,wuxuuna xubin ka aha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,isagoo mar ku sigtay in uu Ra’iisul wasaare noqdo,kadib markii la riday xukuumaddii Cabdiweli Sheikh Axmed oo uu ka tirsanaa. Sannadkii 2017 mudane Siciid Denni wuxuu ku jiray murashixiintii u tartamayay doorashadii madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa. Talaadada saaka 8-da Jannaayo 2019 ayaa loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland ee 5-ta sano ee soo socota,kadib markii uu 35-cod ka helay wareeggii seddexaad ee doorashada oo uu kula tartamay Asad Cismaan Cabdullaahi(Diyaano) oo helay 31-cod. PUNTLAND POST The post Waa kuma Siciid Deni madaxweynaha cusub ee Puntland? appeared first on Puntland Post.
  3. Ciidamada Amaanka Puntland ayaa dirba la wareegay Amaanka Madaxweynaha Cusub ee Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani. Koox kasocda Ciidanka Amaanka Madaxtooyada oo u badan dharcad [...] Source
  4. Garowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani) ayaa ku guuleystay madaxtinnimada dowlad goboleedka Puntland, isaga oo goobta lagu dhaariyey si uu Puntland u hoggaamiyo 5-ta sano ee soo socota. Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay Caasimadda dalka ee Muqdisho. Sanaddii 1972-dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho. 1980 ilaa 1984-kii wuxuu Dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986-dii ilaa 1990-kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda Luuqadaha. 1998 – 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management). Kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahanadii dib ugu soo noqday Puntland, qeyb ayuuna ka qaaatay horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, kor uqaadista ganacsiga wax uuna qayb wayn ka qaatay dib u dhiska Dawladda Puntland. Waxqabadka Ururada Bulshada iyo Ganacsiga. Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992-dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha Maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadaamun oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada oo mar gacanta ku heysay in ka badan 15,000 oo arday. Wuxuu 1992 ilaa 1997 ahaa madaxa Hay’adda Tadaadum iyo asaasihii Dugsiyada Imaamu Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998dii, iyadoo maanta Imaamu Nawaawi ay Dugsiyadiisu yihiin 22 Dugsi oo 5 kamid ah Dugsi Sare. Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1994, wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya, Sannadkii 1996, wuxuu noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobollada waqooyi Bari Soomaaliya. Sannadihii 2002 ilaa 2012, wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman. Waxqabadka Arrimaha Siyaasadda–Heer Federaal Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xubin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaliyeed Sannadkii 2012, waxa uuna qeyb wayn ka qaatay shaqooyinka barlamaanka isaga oo xubin ka ahaa guddiga Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah. Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Intii uu joogay Wasaaradda waxa uu qayb wayn ka qaatay sidii ay Soomaaliya uheli lahayd qorshe horumarineed oo taabagalay. Sannadkii 2017, Siciid Denni wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd doorashadii Madaxweyne-nimada Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa. Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu maanta 9-ka January 2019 ku guuleystay xilka Madaxweynaha Dawladda Puntland. Waxaa uu ku hadlaa Somali, English iyo Arabic. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  5. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa hadal kooban ka jeediyay hoolka doroshada ee lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Senetor Faroole ayaa hadalkiisa ku muujiyay siduu ula dhacsanaa in doorashada uu ka haro Madaxweyne Gaas, waxaana uu sheegay in doorashada ka dhacday magaalada Garowe ay aheyd mid xalaal ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweynaha cusub ee la doortay uu wax badan ka yaqaano islamarkaana uu hogaamin karo shacabka Puntland. “Waa maalin weyn waa maalin isbadal xalaal ah uu ka dhacay Puntland, waxaa dadka Puntland loo xulay qof xilka lagu aamini karo, waxaan u mahad celinayaa xildhibaanada golaha wakiilada Puntland, waxaana kaga mahadcelinayaa doorashada ay doorteen hogaamiye Saciid Cabdullaahi Deni oo ah siyaasi Nadiif ah”, “Waa nin nadiif ah oo aan aqaan, hadda ka horna ku sigtay inuu ra’iisul wasaare noqdo, waan ku naqaanaa kartida uu leeyahay Saciid Deni, waxaan kaloo aan u mahadcelinayaa Generaal Asad oo ciidamada ugu tayada wanaagsan ee Puntland hogaamiye ka ahaa xiligii aan madaxweynaha ahaa”. “Dabeyshii ina heysatay ayaa ina dhaaftay, waxaan dadka shacabka ah u rajeynayaa inay helaan barwaaqo iyo xasilooni”ayuu yiri C/raxmaan Faroole. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  6. Garowe, (Qaran news)-Siciid Cabdilaahi Dani Oo maanta loo doortay madaxweynah Shanta sanadood ee soo socda waa kuma Musharax Siciid Deni Hoos ka aqriso Taariikh Nololedka iyo Waxqabadkiisa. Dhalashada iyo Waxbarashada: Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay magaalada Muqdisho, sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsane- Muqdisho halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luuqadaha, 1998 – 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management). Shaqada Kaddib markay burburtay dowladdii dhexe ee dalka, Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kamid ahaa aqoonyahankii fara kutiriska ahaa ee dib ugu soo noqday deegaankii la oran jiray gaari waa’ (Puntland), qeyb weynna ka qaaatay, sidii ay uheli-lahaayen bulshadii ku noolayd goboladaas adeegyada bulshada sida waxbarashada , caafimaadka , kor uqaadista ganacsiga wax uuna qayb wayn ka qaatay dib u dhiska Dawladda Puntland. 2.1. Waxqabadka Ururada Bulshada iyo Ganacsiga. Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadamun, oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada, haddana gacanta ku haysa in ka badan 15,000 oo arday. wuxuuna Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni ahaa guddoomiyaha Jamciyadda sannadihii 1992 ilaa 1997 Intii u dhaxaysay, sidaas oo kale wuxuu ahaa Asaasihii Dugsiyada Imaamu Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998dii, iyadoo maanta Imaamu Nawaawi ay Dugsiyadiisu yihiin 22 Dugsi oo 5 kamid ah Dugsi Sare. Dr. Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1994, wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya, Sannadkii 1996, wuxuu noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobollada waqooyi Bari Soomaaliya. Sannadihii 2002 ilaa 2012, wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman. Sannadkii 2005 Musharrax Siciid wuxuu noqday Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ee ganacsatada iyo Dowladda, ee loo xilsaaray habeyntii canshuuraha Puntland. 2.2. Waxqabadka Arrimaha Siyaasadda–Heer Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kaddib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka waxa uu ka mid ahaa indheer-garadkii qayb wayn ka qaatay sidii bulshada Puntland u heli laheyd nidaam Dowladnimo oo waara. Sannadkii 1997, waxa uu kamid ahaa ergadii gobolladii la isku oran jiray Bari (Bari, Gardafuu, Karkaar ), kuwaas oo ahaa ergooyinka laf-dhabarka u ahaa aasaaska Dawladda Puntland Sannadkii 2003, waxa uu qayb wayn ka qaatay, dib uheshiisiintii khilaafkii siyaasadeed ee Puntland ka dhacay. isaga oo xubin ka ahaa Guddigga dib-u Heshiisiinta iyo Nabadeynta Puntland. Sannadkii 2008, waxa uu qayb wayn ka qaatay dib uhabaynta dhaqaalaha Puntland isaga oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Guddiga isku-dhafka ee dhawrista ammaanka iyo dib u habeynta ilaha dhaqaalaha ee Puntland. Sannadkii 2009, waxa ka mid ahaa aqoonyahankii loo xilsaaray dib u habaynta Hanaanka maammul ee Puntland oo ahayd tallaabadii ugu mirodhalsanayd ee loo qaado nidaamka dowladnimo Puntland aasaaskii ka dib. Isla sannadkaas 2009 wuxuu noqday La-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee Dhinaca kobcinta dhaqaalaha iyo Maalgashiga. 2.3. Waxqabadka Arrimaha Siyaasadda–Heer Federaal Siciid Cabdullah Deni wuxuu noqday Xubin ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaliyeed Sannadkii 2012, waxa uuna qeyb wayn ka qaatay shaqooyinka barlamaanka isaga oo xubin ka ahaa guddiga Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah. Sannadkii 2014 wuxuu noqday Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya. Intii uu joogay Wasaaradda waxa uu qayb wayn ka qaatay sidii ay Soomaaliya uheli lahayd qorshe horumarineed oo taabagalay. Sannadkii 2017, Musharax Siciid Denni wuxuu ka mid ahaa musharaxiintii u taagneyd doorashadii Madaxweyne-nimada Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa 6da musharax ee ugu codadka badnaa. 2.4. Xiriirka Caalamiga Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka qeyb galay shirar badan oo heer caalami ah iyo kuwo heer Goboleed oo uu ku metelayay dowladda Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka qeyb galay shirar ku saabsan Horumarinta Ganacsiga oo ka dhacay waddamo kala duwan. Qaran News
  7. Garowe (Caasimada Online) – Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha Puntland waxaa khdubado la siiyay masuuliyiin kale oo ku sugan goobta ku sugan. Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa lagu dhaariyay goobta doorashada ay ka dhacday, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo doortay. Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi oo dhankiisa ka hadlay goobta ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee Puntland, waxaana uu sheegay in Puntland ay isku duuban tahay. Dr C/Welli Maxamed Cali Gaas oo dhankiisa khudbad goobta ka jeediyay ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub, waxaana uu shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub. Wuxuu sidoo kale sheegay in Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay mid Puntland ka saari kara dhibaatooyinka ka jira, waxaana uu kula dardaarmay madaxweynaha cusub inuu ka shaqeeyo cadaalada Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  8. Maamul goboleedka Puntland ee Somaliya ayaa goordhaweyd doortay madaxweyne cusub. Qaran News
  9. Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani) ayaa ku guuleystay madaxtinnimada dowlad goboleedka Puntland, isaga oo goobta lagu dhaariyey si uu Puntland u hoggaamiyo 5-ta sano ee soo socota. Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani), waxaa uu waxbrashada dugsiga hoose dhexe ka dhameeyey 1-da July ee Muqdisho(1972-80), dugsi sare waa Xasan Barsane(1980-84) halka uu BA ka diyaariyey jaamacadda umadda Soomaaliyeed ee kuliyadda luqadaha(1986-1990), Masterkana Jaamacadda Putra ee dalka Malaysia(1998- 2000) isaga oo ku taqasusay maamulka iyo maareynta. Shaqooyinkii Ugu Muhiimsanaa: Shaqooyinkii ugu muhiimsanaa uu soo qabtay Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani) waxaa ka mid ahaa isaga oo xubin ka noqday baarlamaanka Soomaaliya, waxaa uu sidoo kale noqday wasiirka qorsheynta. 1997-dii, waxaa uu ka mid ahaa dadkii wax ka dhisay dowlad goboleedka Puntland, waxaa uu sidoo kale ahaa ganacsade iyo milkiilaha shirkado ay ka mid yihiin Towfiq Company , African Horn Co iyo Tadamum Society. Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani) waxaa uu sidoo kale ka shaqeeyey dekadda Boosaaso, rugta ganacsiga Puntland iyo meelo badan oo Puntland ah. Waxaa uu ku hadlaa Somali, English iyo Arabic Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Saciid Cabdullahi Maxamed(Dani) ayaa ku guuleystay madaxtinnimada dowlad goboleedka Puntland kadib markii wareegga 3aad uu helay 35, Waxaa uu ka adkaaday Asad Cusmaan Cabdullahi Diyaano oo helay 31. Doorashadan oo bilaabatay saaka waxaa ku tartamay 21 murashax, iyada oo la iska gaaray ilaa wareegga 3aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Garoowe ( Sh. M. M. Network )-Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhow madaxweynaha cusub ee maamulkaasi u doortay Saciid Cabdullahi (Deni), kadib doorasho ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Saciid Deni ayaa helay 35 Cod ,kaas oo wareegii saddexaad la tartamay General Asad Cismaan C/laahi (Diano) oo helay 31 Cod. Sidoo kale waxaa wareega labaad ku haray Faarax Cali Shire oo helay 7 Cod, halka dhammaan Musharraxiinta kalena ay ku hareen wareegii koowaad ee doorashadaasi. Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha cusub ee maamulkaasi uu yahay Saciid C/laahi Deni. Madaxweynaha la doortay oo ah kii shanaad ee Puntland ayaa maamulkaasi hoggaamin doono illaa iyo 2023-ka. The post Baarlamaanka Puntland Oo doortay Madaxweyne cusub appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Madaxweynaha cusub ee Dowlada Puntland waa Saciid Cabdullaahi Dani, Dani ayaa wareegii u dambeeyey wuxuu ka guulaystay Asad Cusmaan. Mid kamida asxaabta Saciid Cabdullahi Dani [...] Source
  13. Waxaa goordhow soo dhamaatay wareegaad ee tirinta Codadka musharxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha dowladda Puntland, oo ay ku tartamayeen labo musharax. Waxaa xilka madaxweynaha [...] Source
  14. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo doortay madaxweynaha dowladda Puntland ee 5-ta sano ee soo socota,kadib markii uu 35-cod ka helay wareeggii seddaxaad ee doorashada. Asad Cismaan Diyaano oo kula tartamayay wareegga saddexaad ayaa isna helay 31-cod Weli waxaa harsan doorashada madaxweyne ku xigeenka oo goor dhow bilaabaysa. Doorashada madaxweyne ku xigeenka waxa ku tartamayaa 11 murashax oo uu ku jiro Cabdixakiin Camey oo hore kursigan u fadhiyay. PUNTLAND POST The post Siciid Deni oo loo doortay madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  15. Garowe (Caasimada Online) – Kadib doorasho saacado socotay oo ka dhacday magaalada Garowe, waxaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha maamulka Puntland. Doorashadan ayaa la isla gaaray wareega seddexaad ee doorashada waxaana ku tartamay Saciid Cabdullaahi Deni iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi. Labada Musharax ayaa kala helay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 35 iyo Generaal Asad Cusmaan Cabdullaahi oo helay 31 Sidaas ayaa waxaa lagu shaaciyay in Saciid Cabdullaahi Deni uu yahay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland shanta sano ee soo socoto. Doorashada oo ay ku tartamayeen 21 Musharax ayaa waxaa kusoo baxay Saciid Cabdullaahi Deni oo kamid ahaa musharixiinta loogu hadal heynta badnaa doorashada. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  16. Waxaa goordhow soo dhamaatay Wareega 2-aad ee tirinta Codadka musharxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha dowladda Puntland, oo ay ku tartamyeen saddex musharax. Wareega 2aad [...] Source
  17. Wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada Puntland ayaa hadda soo dhammaaday,waxaan wareegga saddexaad u soo gudbay murashax Siciid Cabdulaali Deni iyo murashax Asad Cismaan Cabudullaahi Diyaano. Mudane Siciid Deni ayaa helay 29-cod,halka murashax Asad Diyaano helay 30-cod. Waxaa goor dhow bilaabayana wareegga saddexaad oo cod-dheeri ah. PUNTLAND POST The post Diyaano iyo Deni oo u gudbay wareegga saddexaad ee doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
  18. Waxaa lasoo gabagabeeyay tirinta Wareegga Koowaad ee doorashada madaxweyne ee Puntland, iyadoo ay codeeyeen 66 xildhibaan. Guddiga doorashada ayaa shaaciyey cidda usoo gudbtay wareegga Labaad, waxaana ay kala yihiin. Saciid C/laahi Dani oo helay 20 Jeneraal Aasad Cismaan C/laahi oo helay 17 Faarax Cali Shire oo helay 9 Madaxweynihii Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka mid ahaa musharraxiintan ayaa ka mid noqday xubnihii aan usoo gudbin wareegga Labaad. Xildhibaannada ayaa hadda guda galaya codeynta Wareegga Labaad ee doorashada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha xilku ka dhamaadey Cabdiwali Maxamwd Cali Gaas ayaa wareegii kowaad ku haray kadib markuu hekay 7 cod oo qura. Mudane Dani ayaa ilaa hada [...] Source
  20. Wareega koowad ee doorashada madaxtinimada Puntland ayaa hadda soo dhammaaday,waxaana wareegga labaad u gudbay saddex murashax oo kala ah Siciid Cabdullaahi Deni,Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano iyo Faarax Cali Shire. Murashixiinta u gudbay wareegga labaad ayaa kala helay; Faarax Cali Shire 9-cod, Asad Cismaan Diyaano 17-cod iyo Siciid Cabdullaahi Deni 20-cod,iyadoo haatan ay bilaabanayso codaynta wareegga labaad ee doorashada. Madaxweynaha talada haya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kamid noqday murashixiinta ku haray wareega kowaad isagopo helay 8-cod. PUNTLAND POST The post Puntland: Yaa u gudbay wareegga labaad ee doorashada? appeared first on Puntland Post.
  21. Puntland state parliament is expected to elect a new president on Tuesday barely a week after its assembly was formed. According to the polls agency, 21 candidates will participate today’s election which will be held at the state’s administrative capital, Garowe. The 66 newly sworn in Lawmakers will be electing a new president who will lead Somalia’s oldest regional state for the next five years. Among potential candidates in this election is the incumbent leader of the state, Abdiweli Gaas who has been ruling the state for the last five years. Gaas, a former Prime minister of the federal government will face stiff competition from several former federal and regional leaders and other potential candidates. The main rivals of Gaas in the contest include Abdi Farah Saed Juha, former regional Education and Federal Interior Minister, Said Abdullahi Deni, a former federal minister for planning. Others are General Said Mohamed Hersi, a former head of Puntland’s army who has commanded the offensive against Islamist militants, and Ali Isse Abdi, an economist with a background in accounting and finance. The security of Garowe town was beefed up and venue the election secured by hundreds of security forces. The post Puntland to elect new president in an election ongoing in Garowe appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa bilaabay codeynta doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi, waxaana ku tartamaya 21 musharrax. 66 xildhibaan ayaa dooranaya madaxweynaha cusub ee Puntland, waxaana wareegga Koowaad ku guuleysan kara oo kaliya musharraxii hela codadka Saddex meel Labo meel. Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyey iyadoo la wada eegayo hannaanka ay doorashadan u socoto. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com