-
Content Count
209,983 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kooxda Alshabaab ayaa subaxnimadii hore ee maalintii arbacada weerar culus ku qaaday deegaanka Masaajid Cali guduud oo ka tirsan gobolka shabeellada dhexe, kana mid ah aagagga istiraatiijiga ah markii laga hadlayo isku socadka Muqdisho iyo degmooyinka gobolka Shabeellaha dhexe. Deegaankan oo ay maraan jidadka halbowlaha u ah isku gudubka ciidamada howlgallada ku jira iyo dadweynaha u socdaalaya gobollada dhexe ayaa wajigii koobaad ee dagaalka laga saaray kooxda Al-Shabaab, waxaana xorayntiisii oo maalmo qaadatay ku dhintay tobanaan askari oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida. Haddaba weerarkii ay Alshabaab ku soo qaadeen deegaankaaas waxaa ka falceliyay masuuliyiin hore uga tirsanaa dowladda iyo xeeldheerayaal amni, waxayna dowladda u jeediyeen inay qaado tillaabooyin adag jawaab u ah wixii ka dhacay Cali-guduud. Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh oo ka dib weerarkaas Muqdisho dib ugu soo laabtay ayaa la sheegay inuu saraakiisha ammaanka shir degdeg ah la yeeshay, kana dalbaday in deegaankaas gacan bir ah lagu qabto, lagana hortago inuu kooxda Al-Shabaab dib ugu soo laabato. Si kastaba ahaatee xeeldheerayaasha ayaa qaba inay muhiim tahay in aad loo adkeeyo ammaanka deegaannada horay looga saaray kooxdw Alshabaab, halkii howlgallada keliya xoogga la saari lahaa. Source: goobjoog.com
-
Faahfaahin ka soo baxaysa duqeyntii habeen ka hor Mareykanku ka fuliyay buuraha Calmiskaad ayaa muujinaysa in khasaare aan hore loo qiyaasin argagixisada ISIS kala kulantay duqeyntaasi. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo adeegsaday bombooyinka culus ee burburiya difaacyada adag ayaa beegsaday saddexdii talis ee ugu muhiimsanaa, oo ay argagixisada Daacish ku lahayd inta u dhexaysa togaga Miiraale iyo Baalade, kuwaasi oo horay loo sahamiyay. Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sheegaya in talisyada la burburiyay uu ku jiro god weyn oo dhaca inta u dhexaysa Miiraale iyo togga Baalade, kaasi oo ay si gaar ah ugu dhuuman jireen hoggaamiyaal sare oo ka tirsan argagixisada, islamarkaana ay aaminsanaayeen in aysan duqeymaha waxba ka tari karin, balse gebi ahaanba dhulka lala simay. Duqeymaha Mareykanka ayaa sidoo kale burburiyay talis labaad oo ay argagixisada ISIS ku keydsan jireen noocyada kala duwan ee saadka, halkaasi oo ahayd ceel biyood muhiima oo dhaca nawaaxiga togga Miiraale oo ay hadda ku go’doonsan yihiin dagaallamayaasha argagixisada. Taliska saddexaad oo ahaa Miiraale waxa duqeyntu burburisay wixii hub iyo saanad ciidan uga harsanaa kooxda, oo ay ku jiraan hoobiyaal, waxaana meeshaasi ku lumay rajadii yareyd ee mileeshiyaadka IS ka qabeen in ay sii joogaan Miiraale iyo Baalade sare. PUNTLAND POST The post Puntland: Duqeyntii u danbaysay ee Mareykanka oo kooxda Daacish gaarsiisay khasaare aan hore loo qiyaasin appeared first on Puntland Post.
-
Armed assailants on Wednesday attacked Bosaso’s main police station. The reason for the armed assailants launched an attack on the police station is to forcibly take weapons that Puntland security forces recently confiscated in an operation. Security agencies confirmed that clash ensued between the armed assailants and Puntland police which resulted the death of one person from the armed assailants. Security forces stationed in Bosaso main police station repulsed the attack which led the armed assailants to retreat. Puntland deployed additional troops to prevent any attempts to take the weapons. The incident occurred while Puntland President Saed Deni is currently in Bosaso. Somaliland Standard Qaran News
-
Waxaa saakay barqo hore lagu dilay deegaanka Moqokori Sakariye Shiiq Cali Carab oo ka mid ahaa wadayaasha gaadiidka u kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka. Dilka marxuumka ayaa ka dhacay bar koontarool oo ku taalla degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in koox ku sugnayd bartaas ay rasaas ku fureen gaadhigiisa, taasoo sababtay dhimashadiisa. Lama oga sababta rasmiga ah ee dilkiisa, mana jiro ilaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Sakariye Shiiq Cali Carab wuxuu ahaa darawal caan ka ah gobolada dhexe gaar ahaan magaalada Cadaado. Ehelka iyo dadka deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha ammaanka in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadan, si cadaaladda loo horkeeno cidda ka dambeysay dilka marxuumka. Source: goobjoog.com
-
South Sudan’s First Vice President Riek Machar, the long-time rival to President Salva Kiir, was arrested on Wednesday — a move described by the UN as leaving the country on the brink of widespread conflict. FILE – South Sudan’s President Salva Kiir, right, and Vice President Riek Machar, left, attend a Holy Mass led by Pope Francis at the John Garang Mausoleum in Juba, South Sudan . AP A convoy of 20 heavily armed vehicles entered Machar’s residence in the capital Juba and arrested him, according to a statement issued by a member of his party, in a dramatic escalation of a conflict that has been building for weeks in the world’s youngest country. A power-sharing deal between Kiir and Machar has been gradually unravelling, threatening a return of the five-year civil war that killed around 400,000 people between 2013 and 2018. “We strongly condemn the unconstitutional actions taken today by the Minister of Defense and the Chief of National Security, who, alongside more than 20 heavily armed vehicles, forcefully entered the residence of the First Vice President,” said the statement, which was shared on Facebook by Reath Muoch Tang, his party’s foreign relations committee chairman. “His bodyguards were disarmed, and an arrest warrant was delivered to him under unclear charges. Attempts are currently being made to relocate him,” it added. The United Nations Mission in South Sudan (UNMISS) said Thursday the reported arrest left the country on a precipice. “Tonight, the country’s leaders stand on the brink of relapsing into widespread conflict,” UNMISS head Nicholas Haysom said in a statement. Breaches of the 2018 peace deal “will not only devastate South Sudan but also affect the entire region,” he added. South Sudan — which declared independence from Sudan in 2011 — has remained plagued by poverty and insecurity since the peace deal. Analysts say an ageing Kiir, 73, has been seeking to ensure his succession and sideline Machar politically for months through cabinet reshuffles. More than 20 of Machar’s political and military allies in the unity government and army have also been arrested since February, many held incommunicado. There have been violent clashes between forces loyal to the two rivals, most notably in the northeastern Nasir County of Upper Nile State. Machar’s party says a military base and two military training centres around Juba have been attacked by government forces since Monday. A spokesman for Machar’s military wing, the Sudan People’s Liberation Army In Opposition (SPLA-IO), on Wednesday condemned the attacks as “terrorism” in a post on Facebook, and urged the international community to act. The training centres were established to prepare opposition forces for integration into the unified army, a key provision of the 2018 peace agreement aimed at uniting government and opposition troops. None of the incidents have been confirmed by the Kiir-aligned army, the South Sudan People’s Defence Forces (SSPDF), though it accused Machar’s forces of aggressive manoeuvres from one of the bases on Monday. Many in Juba are unsettled by the latest clashes and political tensions. “I am so worried about the situation. I feel like we are going back to war while we still need peace,” Lilian Sukeji told AFP. “Our leaders need to embrace dialogue rather than guns,” she said. ‘Red warning’ Prior to Machar’s arrest, Kiir said he reaffirmed his “unwavering commitment to restoring peace” following a meeting with church leaders. But it follows weeks of violent clashes, particularly in Nasir County, where government forces loyal to the president have battled the so-called White Army, a militia with ties to Machar. “The violence that started in March in Nasir seems to be spreading across a number of states in South Sudan,” warned International Crisis Group’s South Sudan senior analyst Daniel Akech. He said the refusal of Kiir and Machar to engage in dialogue — despite pressure from the international community — was a “red warning”. If wider conflict did break out, he said, “it will be a very decentralised kind of violence, which would be very difficult to stop” as it could quickly escape the two leaders’ control. International observers have expressed increasing concerns, with Norway and Germany closing their embassies in Juba. The British and US embassies in Juba announced they were reducing to minimal staffing, and urged citizens to leave the country. Source: Al Ahram Online The post S.Sudan Vice President Riek Machar arrested appeared first on Puntland Post.
-
Shiinaha ayaa si xowli ah ugu dhaqaaqaya qorshe uu kula wareegayo saameynta dhaqaale iyo gargaarka bani’aadamnimo ee uu horey u maamulayay Mareykanka, gaar ahaan mashaariicdii ay fulin jirtay hay’adda USAID. Warbaahinta Bloomberg ayaa sheegtay in Shiinaha uu hadda bixinayo adeegyo iyo maalgelin cusub oo uu ku beddelayo kaalintii Mareykanka, taasoo sii xoojinaysa saameyntiisa caalamiga ah. Si gaar ah, Shiinaha wuxuu diiradda saarayaa dalalka Aasiya, halkaasoo uu ku maalgelinayo barnaamijyadii USAID ee uu maamulka madaxweynihii hore Donald Trump hakiyay. Hay’adda gargaarka caalamiga ah ee Shiinaha, oo loo yaqaan CIDCA (China International Development Cooperation Agency), ayaa si rasmi ah loogu wargeliyay dalalka ay saameeyeen isbeddelkan, taasoo muujinaysa in Shiinuhu uu si dhab ah u doonayo inuu buuxiyo booskii USAID ee gobolka. Talaabadan waxay ka tarjumaysaa istiraatiijiyadda ballaaran ee Beijing ee ah inay si tartiib tartiib ah u xoojiso saamaynteeda caalamiga ah, iyadoo adeegsanaysa maalgelin iyo mashaariic horumarineed, gaar ahaan dalalka u nugul saameynta dhaqaale. Waxay sidoo kale muujinaysay loolanka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka, xilli labada dal ay isku hayaan hoggaanka dhaqaale iyo siyaasadeed ee dunida. Waxaa la filayaa in maalgelinta CIDCA ay door weyn ka ciyaarto horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalalka Aasiya iyo Afrika, taasoo sii xoojin doonta xiriirka Shiinaha iyo waddamadaasi. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha beesha Abgaal ee dagaalka Khawaarijta, isagoo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey dagaalkii ka dhacay Masaajid Cali Gaduud, wuxuuna sheegay in lagu guuleystay in deegaanka dib looga qabsado kooxda Al-Shabaab. “Sheekh Shariif iyo Cali Guudlaawe oo deegaanka madax ka ah ayaa noogu weyn, waan la wadaagnay culeyska jira waana diyaar, Sheekh Shariif hada wuxuu ku maqan yahay cumrada, markii uu yimaado waa safka hore dagaalka ayuu wax ka gelayaa,” ayuu yiri Xasan Xundubey. Xundubey oo wareysi siiyey Dalsan TV ayaa sharaxaad ka bixiyey qorshaha socda, wuxuu sheegay inuu xubin ka yahay guddi beesha ah oo baaritaan ku sameeyey sababta u fududeysay kooxda Al-Shabaab inay soo galaan Shabeellaha Dhexe, baaritaan kadib wuxuu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh ay kula kulmeen Cadale, iyagoo u gudbiyey warbixin dhameystiran. “Intii aan joognay Cadale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, si guud iyo siyaabo gaar gaar ahba waan ula kulanay, waxaan u gudbinay go’aan lagu abaabulayo howlgalka oo beeshu ka mideysan tahay, in kastoo ay jiraan dad muhiim ah uu cumrada jira, hadana wax kasta waa noo diyaar, waana ku laabaneynaa deeganaada kooban ee cadowgu soo galay,” ayuu yiri Xundubey. Wuxuu sheegay in dadka reer Sh/Dhexe ay diyaar u yihiin in dhulkooda ay xoreystaan oo difaacdaan, “dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa waxaan u diyaarsanahay in sidii aan horay uga xoreysanay deegaanka aan hadana u xajisano guusha, marka yaan afka lagu taageerin Khawaarijta,” ayuu yiri. Xundubey ayaa sheegay deegaanada ay Shabaab soo galeen inay yihiin kuwo kooban oo isku aadan, “qaladaadii dhacay ee sababay inay Shabaab soo galaan deegaanka ayaan saxeynaa, kadibna waxaan iska saareynaa cadowga, ragga dhan waa diyaar, xitaa aniga, furinta ayaan tegeynaa,” ayuu yiri Xundubey. Wuxuu sheegay in aysan jirin cid hadda lagu eedeyn karo in dagaalka aysan diyaar u aheyn, laakiin waa la isku canaana karaa gaabiska jira, “anigu waxaan qabaa hadii dulduleelkaan aan saxno Al-Shabaab malaha awood ay dadkaan ku hor istaagaan,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku sii daray in gobollada Shabeellooyinka ay muhiim u yihiin amniga Muqdisho iyo difaaca qaranimada Soomaaliya, “Taasi waxay sababtay in madaxweynuhu baxo oo Shabeellaha Dhexe dego, si loo difaaco qaranimada, meeshii culeys ka yimaado in madaxweynuhu u gurmado wax ceeb ah maaha,” ayuu yiri. Wasiirkii hore ee amniga ayaa sheegay in Shabaab aysan laheyn awood ay ku hor istaagaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka “Howlgalka hadda bilaabanaya waa kii lagu soo afjari lahaa kooxdaan, malaha wax awood ah, dadka afka ku jebinaya ha joojiyeen, hadii kale waxaad gaari doontaan maalin aad ka shalaayi doontaan,” ayuu hadalkiiisa ku sii daray. Hoos ka daawo
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogaan. “Inta lagu gudajiro booqashada, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa la kulmi doona dhiggiisa Turkiga, iyaga oo ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta” ayay sheegtay Villa Somalia. “Booqashadani ayaa muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee lagu ciribtirayo argagixisada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dagaalka adag ee lagula jirto Khawaarijta si loo xaqiijiyo xasilloonida, nabadda, iyo dib u dhiska dalka” ayay sii raacisay Madaxtooyada Soomaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalin ka hor ka soo laabtay furimaha dagaalka Gobolka Shabeellada dhexe ayaa dalalka dibadda taageero uga raadinaya dagaalka ka dhanka ah dagaallamayaasha Al-shabaab oo culays soo saaray Gobollada Shabeelooyinka ee deriska la ah magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta safar ugu baxay dalka Turkiga kaddib marti qaad uu ka helay Madaxweyne Erdogaan appeared first on Puntland Post.
-
MOGADISHU: The United States and Somalia have conducted air strikes on Daesh group targets in northern Somalia, the Somali federal government said Wednesday. Source: Hiiraan Online
-
JOHANNESBURG, South Africa (HOL) — Dozens of foreign nationals, many of them teenagers and young adults from Ethiopia and Somalia, escaped from a house in Lombardy East, Johannesburg, on Wednesday morning in what police are investigating as a potential violation of South Africa’s Immigration Act. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay si weyn u damqisay in argagaxisadu ay dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ay Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa deegaanku ka xoreeyeen laba sano ka hor. Kheyre ayaa sheegay inuu uga digayo bulshada Soomaaliyeed in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah, taas oo uu sheegay inay bulshada kala qeybineyso, midnimada ummadda kala dhantaaleyso, isla markaana hiillo iyo dhiirrigelin u tahay argagaxisada arxanka daran. Hoos ka aqriso qoraalka Kheyre oo dhameystiran: Waxaa i damqisay in argagaxisadu ay maanta dib u qabsadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ay Ciidamada Qalabka Sida iyo halyeeyada deegaanku ka xoreeyeen laba sano ka hor, ayna nooga shahiideen halyeeyo qaran oo naftooda qaaliga ah u huray xoreynta dadkooda iyo dalkooda. Argagaxisadu waa caqabadda ugu weyn ee maanta hortaagan horumarka Soomaaliya, waxayna duullaan ku yihiin guud ahaan dadka iyo deegaannada Soomaaliyeed. Soomaalidu waa ul iyo diirkeed, waana fashil u soo hoyday qof kasta oo Soomaali ah mar kasta oo ay argagaxisadu naga qabsadaan taako ka mid ah dhulkeenna hooyo. Haddaba, waxaan bulshada Soomaaliyeed uga digayaa in deegaan ay argagaxisadu la wareegeen loo fasiro fashil ku yimid qof, koox, ama beel gaar ah. Fasirkaasi wuxuu bulshada kala qeybinayaa, midnimada ummaddana wuu kala dhantaalayaa, wuxuuna u yahay hiillo iyo dhiirrigelin argagaxisada arxanka daran. Guulihii horay looga gaaray la dagaallanka argagaxisada iyo deegaannadii laga xoreeyay waxaa lagu xaqiijiyay wadajirka dadka Soomaaliyeed, shacab iyo dowladba, taas oo tusaale nool u ah awoodda wadajirka iyo in midnimadu tahay jidka kaliya ee looga guuleysan karo argagaxisada. Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa inuu qaato kaalinta hoggaamineed ee samatabixinta dadka iyo dalka, meel iska dhigo waxyaabihii sababay in lagu kala irdhoobo siyaasadda, bulshada Soomaaliyeedna u fidiyo gogol qaran oo looga tashanayo samatabixinta dalka, si wadajir looga shaqeeyo xoreynta dalka iyo ciribtirka khawaarijta. Waxaan ku jirnaa tobanka dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ku boorrinayaa in loo duceeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed, si aan kala har lahaynna u garab istaagno Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada dalka looga xoreynayo khawaarijta.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya dagaal shalay ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka oo ay weheliyaan kuwa deegaanka, iyo kooxda Al-Shabaab, deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi sababay in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku dhigto xero ciidan. Weerarka ayaa mid culus oo ku bilowday qaraxyo, kadibna uu xigay weerar toos ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen fariisimaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la soo werinayaa. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Arbacadii Cadale kula hadlay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa yiri: “Maanta cid iga dambeyso oo aad sugeysaan ma jirto. Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaan idinla jooga.” Muhiimadda Masaajid Cali Gaduud Deegaanka Masaajid Cali Gaduud wuxuu hoos yimaadaa deegaanno badan marka juqraafi ahaan la eego, wuxuuna muhiimad gaar ah u leeyahay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Labada dhinac ee is haya—ciidamada dowladda federaalka iyo Al-Shabaab—ayaa u muuqda kuwo ku loolamaya gacan ku haynta deegaankaas. Hase yeeshee, la wareegista deegaankaasi ayaa adkaatay maadaama uu yahay magaalo u furan tuulooyin badan isla markaana aan lahayn difaac xooggan. “Dowladda marka la eego, runtii dagaalka Masaajid Cali Gaduud muhiimad gaar ah uma siineyso in si joogto ah loo joogo. Waxaadse mooddaa inay tahay meel munaasab ah oo labada dhinac ay awooddooda ku soo bandhigayaan,” ayuu yiri Axmed Kaboole, oo ah khabiir ka faallooda arrimaha amniga. “Dowladdu waxay dooneysaa inay firfircooni muujiso oo ay deegaannada la wareegtay gacanta ku hayso, balse aad bay u muuqataa in halkaas uusan ka jirin ciidan joogto ah oo difaaca deegaanka. Dhanka kale, Al-Shabaab waa koox guurguurta oo si sahal ah deegaanka ku soo gali karta, shacabka dhibaateyn karta, kadibna ka baxda. Arrintaas waxay saameyn ku yeelan kartaa wada-shaqeynta shacabka iyo dowladda,” ayuu hadalkiisa ku daray. Kaboole wuxuu sidoo kale sheegay in ujeedka ugu weyn ee Al-Shabaab ka leedahay deegaankaasi ay tahay inay niyad-jabiyaan shacabka, una muujiyaan inay weli awood ku leeyihiin deegaannadaas. Magaaladu ma laha difaacyo adag oo dowladda u suuragelin kara in ay si joogto ah u ilaaliso. “Magaaladan waxa ay muddo dheer hoos tagtay Al-Shabaab, marka la eego. Haddii ay gacanta ku dhigaan, waxay u sahlaysaa inay weerarro ka abaabulaan dhanka Jowhar, Baladweyne iyo Galgaduud, iyadoo dhammaan gobolladaasi muhiim u yihiin isku xirka kooxdu,” ayuu yiri. Duqeymaha cirka iyo dagaalka Al-Shabaab Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib u billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo hakad ku yimid muddooyinkii u dambeeyay. Dagaalladii ugu cuslaa ee ugu dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, gaar ahaan Ceel-Baraf iyo Daaru-Nicma, halkaas oo Al-Shabaab laga saaray mar kale. Duqeymaha cirka ayaa sidoo kale lala beegsaday kooxda. “Duqeymaha waa bartilmaameedyo qorsheysan, waxaana fuliya dowladaha aan saaxiibka nahay ee beesha caalamka. Annaguna waxaan tilmaannaa halka ay joogaan. Duqeymuhu waxa ay ka dhaceen Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose, waana sii wadeynaa. Meel kasta oo ay joogaan waxay noo yihiin bartilmaameed,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi. Wuxuu sidoo kale sheegay in duqeymahaas lagu dilay horjoogayaal badan oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab. Wasiirka ayaa xusay in dalalka ka caawiya Soomaaliya duqeymaha cirka ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga, Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta. Duqeymaha cirka waxay ka mid yihiin istaraatiijiyad dagaal oo Mareykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya, si loo yareeyo khatarta weerarrada tooska ah iyo in lagu wiiqo awoodda kooxaha hubeysan. Mareykanka ayaa duqeymahaas u kala saara kuwa qorsheysan iyo kuwa isdifaac ah.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii shaacisay inay magacaabi doonto hoggaamiye cusub oo madax u noqon doona maamulka ku-meel gaarka ah ee gobolka Tigray, halkaas oo xiisado bilooyin socday oo u dhexeeya kooxo iska soo horjeeda ay halis gelinayaan heshiiskii nabadda ee jilicsanaa. Gobolka ayaa weli la daalaa dhacaya saamayntii dagaalkii culusaa ee socday laba sano, kaas oo ku dhammaaday heshiis nabadeed oo sanadkii 2022 lagu gaaray magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, heshiiskaas oo lagu dhisay maamulka ku-meel gaarka ah ee hadda jira. Dagaalka ayaa ka mid ahaa kuwii ugu dhimashada badnaa tobankii sano ee la soo dhaafay, isaga oo galaaftay nolosha ku dhawaad 600,000 qof. Waxaa isku dagaallamay kooxda mucaaradka Tigray iyo ciidamada federaalka Itoobiya oo ay taageerayeen maleeshiyooyin deegaanka ah iyo ciidamada dalka Eritrea. “Dowladda federaalka, iyadoo tixgalinaysa xaaladaha dhabta ah ee dhulka ka jira, waxay qaaday tallaabo ay muddo hal sano ah ugu kordhinayso waajibaadka maamulka ku-meel gaarka ah,” ayuu ku qoray Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed bartiisa X. Waxa uu intaa raaciyay in maamulka hadda jira uusan ku guulaysan inuu dhamaystiro howlihiisa muhiimka ah muddadii loo qorsheeyay. Abiy oo fariintiisa ku qoray afka Tigrinya ayaa sheegay inay lagama maarmaan noqotay in madax cusub loo magacaabo maamulka ku-meel gaarka ah ee Tigray, kaas oo beddeli doona Getachew Reda, balse ma sheegin wakhtiga rasmiga ah ee lagu beddelayo. Getachew kama jawaabin codsi faallo oo ay u dirtay wakaaladda wararka AFP. Khilaafka Getachew iyo Debretsion Xiisadda hadda ka taagan Tigray ayaa ka dhalatay khilaaf gudaha ah oo la xiriira awood qaybsiga, kaas oo u dhexeeya Getachew iyo Debretsion Gebremichael, oo ah hoggaamiyaha Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray (TPLF). “Haddii si wanaagsan loo maareeyo xilliga kala-guurka, waxay noqon kartaa fursad looga baxo xiisadda hadda jirta,” ayuu AFP u sheegay Wondimu Asamnew, oo aad ugu dhow Debretsion. “Labadii sano ee maamulka uu hayay Getachew Reda waxaa lagu tilmaami karaa mid xiisado iyo iska hor imaadyo badan lahaa; hadda waxaan u baahanahay dowlad xasiloon,” ayuu sii raaciyay. Inkasta oo xabbaddu istaagtay, haddana fulin la’aanta qayb ka mid ah heshiiskii Pretoria ayaa sii hurisay khilaafka ka dhex jira hoggaanka siyaasadeed ee gobolka Tigray. Taageerayaasha hubaysan ee Debretsion ayaa bishan la wareegay maamulka degmada Adigrat, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn gobolka Tigray, kuna dhow xadka Eritrea, waxayna meesha ka saareen duqii magaalada ee uu magacaabay Getachew. Kooxda Debretsion ayaa sidoo kale la wareegtay xarunta maamulka magaalada Mekele, iyagoo dib ugu soo celiyay duqii magaalada ee ay iyagu doorteen iyo idaacadda deegaanka. Awoodda Getachew oo sii yaraaneysay Kjetil Tronvoll, oo ah khabiir arrimaha Geeska Afrika ahna borofisar ka tirsan Jaamacadda Cusub ee Oslo, ayaa sheegay inuusan la yaabin isbeddellada hadda socda. Kooxda Getachew ayaa si tartiib-tartiib ah u waayay gacan-ku-hayntii maamulka, wuxuuna sheegay in awoodda Getachew ay sii yaraanaysay. “Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa si dhow ula socday isbeddelka xaaladda loollanka siyaasadeed,” ayuu Tronvoll u sheegay AFP. Wuxuu intaas ku daray inay ahayd waqti munaasib ah in dowladda federaalka ay xilka ka qaaddo Getachew maadaama uu dhammaaday waqtigii maamulka kumeel gaarka ah. Midowga Afrika oo xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadaha cusub ee gobolka. Sidoo kale, dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay xiisadda qaboojiyaan, isla markaana si degdeg ah u bilaabaan wadahadallo xal lagu raadinayo.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa xaqiijiyay in Talaadadii ay fuliyeen duqeymo badan oo cirka ah oo ka dhan ahaa Daacish-ta Soomaaliya, iyadoo howlgalkaasi lagu fuliyay iskaashi buuxa oo lala yeeshay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Weerarrada ayaa ka dhacay Buuraha Golis, oo ah dhul buuraley ah oo ku yaalla waqooyiga Soomaaliya, kaas oo muddo dheer xarun u ahaa kooxda xiriirka la leh Daacish ee ka howlgasha Geeska Afrika. Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in qiimeynta hordhaca ah ay muujinayso in lagu dilay dhowr xubnood oo ka tirsan ISIS-Somalia, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah. “ISIS-ta Soomaaliya waxay muujisay rabitaan iyo awood ay ku weerarto ciidamada Mareykanka iyo kuwa ay bahwadaagta yihiin,” ayuu yiri taliska AFRICOM, wuxuuna intaas ku daray, “Kooxdani waxay si joogto ah halis ugu tahay amniga iyo danaha Mareykanka.” Howlgalka Talaadada ayaa qeyb ka ah taxane weerarro ah oo dhawaanahan lala beegsanayay xubnaha kooxda Daacish ee Soomaaliya. Laga soo bilaabo 1-da Febraayo, oo ahayd dhowr toddobaad uun kaddib markii madaxweyne Donald Trump uu dib ugu soo laabtay xafiiska, AFRICOM waxay fulisay ugu yaraan afar duqeyn oo cirka ah oo lala beegsaday ISIS-Somalia, iyo dhowr kale oo lala beegsaday kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida. Duqeyntii dhacday 1-dii Febraayo ayaa lagu dilay 14 dagaalyahan, oo uu kamid ahaa Axmed Macalinaynayn, kaas oo ahaa mas’uul sare oo ISIS-Somalia u qaabilsanaa qorista iyo maalgelinta dagaalyahannada. Saraakiisha ayaa ku tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye muhiim u ah howlaha dibadda, isla markaana mas’uul ka ahaa dirista dagaalyahannada jihaad-doonka ah ee gudaha u gala waddamada Mareykanka iyo Yurub. Duqeyntaasi oo sidoo kale lagu qaaday Buuraha Golis ayaa lagu burburiyay godad iyo bohollo ay ku dhuumanayeen madaxda sar-sare ee ISIS-ta Soomaaliya. Kooxda Daacishta Soomaaliya ayaa la aas-aasay sanadkii 2015-kii, waxaana sameeyay xubno hore uga tirsanaa Al-Shabaab. Tan iyo markaas waxay isku ballaarisay awooddeeda, iyadoo noqotay halis weyn oo gobolka ka jirta. Warbixinno sirdoon ayaa qiyaasaya in tirada dagaalyahannada kooxdaasi ay u dhaxeyso 600 ilaa 1,500 dagaalyahan, iyadoo tiradu isbeddelayso marka loo eego qorista dagaalyahannada ajaanibta ah iyo xiriirada kooxdu ay la leedahay ururrada kale ee xagjirka ah. Daacishta Soomaaliya ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal qorsheysan, qaraxyo, iyo weerarro isdaba joog ah oo ka dhan ahaa ciidamada Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah. AFRICOM ma aysan shaacin faahfaahin gaar ah oo la xiriirta weerarradii Talaadada, iyadoo sabab looga dhigay ilaalinta amniga iyo xogta sirta ah ee howlgalka.