-
Content Count
207,241 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___Qubanaha-Shabelle-080119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wafdi isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya ayaa maanta goor dambe u duulay Magaalada Garoowe oo lagu qabtay isla maanta doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaasi. Markii ay ka dageen garoonka diyaaradaha Garoowe durbadiiba waxa ay la kulmeyn Madaxweynaha cusub ee maanta la doortay ee maamulkaasi Saciid Deni. Wafdigan ka socday dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Mudooyinkan Ku Xayirnaa Magaaladda Muqdisho ka dib Amarkii dhawaan ka soo baxay Madaxtooyadda Magaaladda Garoowe. Wafdiga oo aad u Daneynayay inay ka Qeybgallaan Doorashadda Madaxweynaha Puntland ayay Maanta u suurta gashay in ay Garoowe u Duulaan, kadib markii doorashada maamulkaasi maanta qabsoontay oo sidaasi xayiraadii saarneyd lagaga qaaday. Maamulka Puntland ayaa kol sii horeysay soo saaray amar ah in dhamaan masuuliyiinta xukuumada federaalka Saoomaaliya aysan soo caga dhigan karin inta lagu gudo jiro doorasho, waxa ayna ku micneeyeen in ay kaga hortagayaan faragelin lagu sameeyo doorashada.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inuu weerar cirka ah kula beegsaday xoogag ka tirsan Al-Shabaab, degaanka Baqdaad, oo xiriiriya degmooyinka Balcad iyo Afgooye, ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo Balcad. Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa tilmaamay in duqaynta oo dhacday shalay oo Isniin ahayd ay ku dileen afar [4] kamid ah xubnaha Al-Shabaab. AFRICOM ayaa meesha ka saartay in howlgalkaan ay qaadeen uu ka dhashay khasaaro soo gaarey dad shacab ah. Illaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan duqayntaan oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab. Waa duqayntii 3aad oo uu Mareykanku ka fuliyo Soomaliya tan iyo markii uu bilowday sanadkaan 2019. The post Mareykanka oo fahfaahiyay duqayn uu ka fuliyay Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha cusub ee Puntland, Saciid Cabdullaahi Dani, ayaa la kulan la yeeshay wafdiga ay dowlada Federaalka udirtay magaalada Garowe. Wafdiga ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Soomaaliya, Axmd Ciise Cawad, iyadda oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale. Mr Dani ayaa maanta oo Talaadda waxaa loo doortay Hogaamiyaha Puntland, isaga oo xafiiska joogi doona Shanta sano ee soo socota. The post Madaxwaynaha Puntland oo qaabilay wafdiga DFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
The United States military says it has carried out two airstrikes in Somalia that killed four al-Shabab extremists. The U.S. Africa Command statement on Tuesday says Monday’s airstrikes were in the vicinity of Baqdaad after the military’s Somali partners “were engaged by al-Shabab militants.” It does not say whether any of the partners were killed. Another U.S. airstrike on Sunday killed six al-Shabab members near Dheerow Sanle in Lower Shabelle region. The U.S. military says no civilians were injured or killed in any of these airstrikes. The U.S. carried out at least 47 such airstrikes last year in the Horn of Africa nation. The al-Qaida-linked al-Shabab continues to control large parts of Somalia’s southern and central regions and carry out deadly bombings against high-profile targets in the capital, Mogadishu. The post US says airstrikes in Somalia kill 4 al-Shabab militants appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-08012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Puntland, Somalia’s northern semi-autonomous region, has elected a new president Tuesday. Mr Said Abdullahi Deni emerged winner in the third round of voting in the region’s parliament beating 20 other candidates. He is a former Planning Minister and had contested the Somali presidency in 2017 which President Mohamed Abdullahi “Farmajo” won. In the Tuesday poll, Mr Deni garnered 35 votes closely followed by former intelligence chief Mr Asad Osman Abdullahi, who got 31 votes. The two edged out ex-finance minister Farah Ali Shire who received only three votes in the second round. All other candidates including president Abdiweli Ali Gaas lost in the first round of voting. Mr Deni takes over from the Gaas administration rocked by allegations of graft, nepotism and insecurity. He will lead the region until 2023. Somalia’s five regions – Puntland, Galmudug, Hirshabelle, South West State, and Jubaland – have been holding presidential elections progressively from November to end of 2019. The South West State went to the polls in November. Hirshabelle is next after Puntland. Puntland, an oil rich state, despite becoming semi-autonomous in 1998 is yet to achieve universal suffrage. The region is also often entangled in territorial disputes with the self-declared republic of Somaliland.
-
Qoryooley ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in maanta qarax ay caruur wax ku noqdeen uu ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi. Qaraxan ayaa la sheegay in uu ka dhashay walxo qarxo oo ay ku ciyaarayeen Caruurtaasi. Ugu yaraan 5 caruur ah ayaa ku Geeriyootay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmadaasi Seyd-Cali Ibraahim Xasan. Guddoomiyaha oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ee magalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay qaraxaasi. Hakan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-qoryooley.mp3 The post Shan caruur ah Oo ku Geeriyootay qarax ka dhacay Qoryooley appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi (Deni) ayaa soo saaray wareegtadii ugu horreysay ee uu ku xannibayo Kharashaadka maamulkaasi ee ku keydsan Bankiga Dhexe iyo Xawaaladaha gaarka loo leeyahay. Amarkan ayaa lagu wargaliyay mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe ee dowlad goboleedka Puntland. Halkan hoose ka akhriso:- The post Madaxweyne Deni Oo hakiyay kharashaadka Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland. Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Hambalyo u diray Madaxda Cusub ee Dowladda Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) iyo Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maanta ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Puntland. “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Siciid Deni iyo K/xigeenkiisa Mudane Axmed Karaash ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Puntland ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan amni, caddaalad iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Puntland. Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka Puntland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Puntland. Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday. The post Madaxweynaha JFS Oo hambalyo u diray P/land appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo dhamaaday tirinta codadka wareega saddexaad ee doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay ku tartameen labada musharax ee kala ah Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan). 66 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa codkooda dhiibanayay, waxaana xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ku guuleystay Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Labada musharax ayaa codadka u kala helay sidan, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo helay 47 cod, iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo helay 19 cod. Axmed Karaash ayaa kasoo jeeda beelaha Khaatumo, waxaana uu ka mid ahaa aas-aasayaashii maamulka Khaatumo. Codbixintan ayaa soo afjareysa doorashadii Puntland ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Puntland oo xilka loo dhaariyey shanta sano ee soo socota. Madaxweynaha cusub Siciid Cabdullahi Deni oo isagu saaka xilka loo doortay ayaa u hambalyeeyey Madaxweyne kuxigeenka cusub Axmed Karaash oo ah siyaasi saameyn weyn ku leh gobalka Sool, isla markaana taageero xoogan ka heystay issimada gobalkaasi kasoo jeeda. Axmed Karaash oo isla markiiba loo dhaariyey xilka loo doortay ayaa hadal kooban oo uu soo jeediyey ku sheegay inuu balan qaadayo inuu si wanaagsan ulla shaqeeyo Baarlamaanka doortay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka cusub ee dowladda Puntland,kadib markii uu wareegii u dambeeyay dhulka ku jiiday Cabdi Ibraahim Warsame Qawdhan oo la tartamayay. Mudane Axmed Karaash ayaa helay aqlabiyad buuxda 47-cod,halka murashixii la tartamayay Cabdi Qawdhan uu helay 19-cod oo keliyah. Madaxweyne ku xigeenka cusub, Axmed Karaash ayaa hore u soo qabtay xilal kala ah; wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiirka Duulista hawada ee Puntland oo uu ka soo qabtay xukuumadii Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Axmed Karaash oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Waxaa la soo gabagabeeyey doorashada madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, iyada oo la isla gaaray ilaa wareegga 3aad. Natiijada wareegga 3aad ayaa noqotay: Cabdi Ibraahim Warsame(Qowdhan) 19 cod iyo Axmed Cilmi Karaash: 47 cod, waxaana sidaasi ku soo baxay Axmed Cilmi Karaash. Goor sii horeysay oo maanta ah waxaa madaxweyne loo doortay Saciid Deni, oo Puntland hoggaamin-doona 5-ta sano ee soo socota. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Waxaa goor dhow la soo gabagabeeyay doorashada Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, iyadoona golaha wakiilada maamulkaasi ay xilkan u doorteen Axmed Cilmi Cismaan (Karaash). Madaxweyne ku xigeenka cusub ayaa helay 47 Cod, kaas oo wareegii u dambeeyay la tartmayay Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan), oo helay 19 Cod. Wareegii labaad ayaa waxaa sidoo kale ku haray C/laahi Cali Xirsi (Timacadde) oo helay 9 Cod, halka Musharraxiinta kalena ay ku hareen wareegii 1-aad ee doorashadaasi. Axmed Karaash ayaa 5 sano ee soo socota heyn doono xilka Madaxweyne ku xigeenka Puntland, iyadoona maanta Madaxweynaha maamulkaasi loo doortay Saciid Deni. The post Axmed Karaash Oo loo doortay ku xigeenka Puntland appeared first on Shabelle. View the full article