Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,241
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha amniga ee maamulkaasi. Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa waxaa looga hadlay xoojinta ammaanka deegaanada maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa ku booriyay saraakiisha amniga adkeynta nabadgalyada iyo sidoo kale in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin shacabka Puntland. Waa kulankii ugu horreeyay oo uu Madaxweynuhu la qaato saraakiisha amniga, tan iyo shalay markii lagu doortay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. The post Madaxweyne Deni Oo la kulmay saraakiisha amniga Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Furitaanka tababarkan iyo aqoon isweydaarsigan oo ku saabsan tubaha loo dhanyahay oo loo qabtay shaqaalaha iyo maamulka wasaradda Dekdeha iyo Gaadiidka badda XFS waxaa goob joog ka ahaa xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha,wasiir kuxigeenka wasaaradda,agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale. Mudada uu socdo oo 4 maalmood ah waxaa diiradda lagu saari doonaa Tubaha horumarinta dhaqaalaha,siyaasadda loo dhanyahay,ariimaha bulshada amniga iyo cadaaladda,waxaana aagaasimaha guud ee wasaraadda dekedaha iyo Gaadiidka badda uu sheegay in wasaarddu ay wado qorshayaal ay kamidka yihiin dhismahah xaruntii wasaraadda iyo sare u qaadista aqoonta shaqaalaha. “Si wasaaradda ay cageheeda ugu istaagto waxaan xooga saaranay horumarinta howlaha horyaal sida dhismaha xaruntii wasaaradda,hada waxaa ay mareysaa meel dhamaad ah,waxaa jira shaqaale kooban oo dowladii dhexe soo joogay oo kooban,balse waxaan ku qasbanaanay in aad waxbarasho u dirno dhalinyarada cusub si sare loogu qaado aqoontooda,waxaana dirnay dhalinyaro badan”. Ayuu yiri agaasime Dhagaxtuur. Maxamed Nuur Maxamed Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska R/wasaaraha XFS ayaa ka sheekeeyay ahmiyadda laga leeyahay tubahani loo dhanyahay. “Tubaha loo dhanyahay waxkale ma ahan waa Soomaali is xilqaantay oo garatay wadadii ay ku socotay una diyaar garowday dhibaatooyinka wadadaasi ay leedahay in ay u bareerto,intii karaan ah,awood iyo caqli iyo dadnimoba la isugu geeyo si loo soo celiyo sumcaddii sharafkii iyo karaamadii dalka.” Mudane Cismaan Cabdi (Daalo) wasiir kuxigeenka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS ayaa ku booriyay shaqaalaha wasaraadda in ay ka faaidaystaan tababarkan. “Sanadkii 2018 waxyaabihii ay gudbisay wasaaraddu oo loogu talagalay waa ay qabatay, sanadkan 2019 maxaa horyaala wasaaradda Dekedaha,tababarkan waxaad ka faaidaysaan waxaad arkaysaan wixii aan soo qabanay 2018 si daahfuran, si 2019kan ay uga timaado maskaxdiin”. Ayuu yiri Wasiir Daalo. The post XFS Oo ku howlan horumarinta tubaha loo dhanyahay appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ku xigeenka ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Raisedon Senenga ayaa hambalyo u diray madaxweyanha cusub ee Puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Kaaraash ,kuwaasi oo ku guuleystay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi. Sidoo kale Amabasdor Senanga ayaa bogaadiyay guddiga doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo uu sheegay in ay suura galiyeen in doorashadu ay u qabsoonto qaab daahfuran oo nabdoon, islamarkaana ah xor iyo xalaal. Ku xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonan madaxda cusub ee maamulkaasi. Mr Senenga ayaa sidoo kale amaan u jeediyay madaxweynahii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, waxaana uu xusay in guddiga doorashooyinku usuura galiyay in qabtaan hanaankii doorashooyinka ee guuleystay. Shalay ayey aheyd markii Madaxweyanaha cusub ee Puntland loo doortay Saciid Deni, halka ku xigeenka maamulkaasina loo doortay Axmed Karaash. The post QM Oo hambalyo u dirtay madaxda cusub Ee Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 09 January 2019 qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Kaaraash. Kulanka uu laqaatay Madaxweynihii hore ee Puntland Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey masuuliyiin ka tirsan gelyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shalay 08 January 2019 ku guulaystey Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ee shanta sano ee soo socota, ummadda Soomaaliyeed, shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo dowladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa qiray in Puntland ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaala oo taarikhdu ay xusidoonto. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kusoo dhoweeyey Madaxweynaha cusub iyo masuuliyiinta wehelinayseyba qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, waxaana ay wadayeesheen kulan gaara oo ay kaga wadahadleen arrimo muhiim u ah dowladda Puntland iyo shacabkeeda. Ugu danbeyntii, Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Cusub ee Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta dowladda Puntland iyo shacabka Puntland kula dardaarmay inay ilaaashadaan sharaftooda karaamadooda, dowladdooda iyo wada jirkoodaba, kana wada shaqeeyaan kobcinta horumarka Puntland maanta ka jira. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  5. Wakiilka gaarka ah ee urur goboleedka IGAD u qaabbilsan Soomaaliya, Dr, Maxamed Cali Guuyo, ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Maxamed Deni ee shalay la doortay. Wuxuu sidoo kale u hambalyeeyay dhammaan tartamaashii xilka madaxtinimo ee Puntland, isagoo madaxweynaha cusub kula dardaarmay in uu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag,islamarkaana uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka dhisan. Dhinaca kale qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya(UNSOM) ayaa hambalyo iyo bogaadin loogu diray hoggaanka cusub ee dowladda Puntland,waxaana ay sheegeen in ay si dhow ula shaqeyn doonaan madaxda cusub. PUNTLAND POST The post Beesha Caalamka oo u hambalyeeysay madaxda cusub ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  6. Warsidaha Puntlandi ayaa maanta aragtidooda ka qaaday shacabka magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, si ay uga aragti dhiibtaan doorashadii dhacday maalintii shalay iyo madaxda cusub [...] Source
  7. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya loogu geystay gudaha M/ Muqdisho. Dilkan oo ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye , gaar ahaan qeybta xigta degmada ayaa waxaa loo geystay laba Askari oo ka tirsanaa Ciidanka milatariga Soomaaliya. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay fuliyeen weerarkaasi, islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay dilka Askartaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in Dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ay fuliyeen weerarkaasi, kadibna ay si nabad galyo ah uga baxsadeen goobtaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa beegsada saraakiisha iyo askarta Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho. The post Dabley hubeysan Oo askar ku dishay M/ Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Dr Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqday qasriga madaxtooyada ee magaalada Garowe isaga oo halkaas kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaaya Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Madaxweynaha la doortay ee Puntland(Saciid Deni) iyo Madaxweynaha talllada ka degaaya(Cabdiwali Gaas) Madaxweyne Deni waxaa qasriga madaxtooyada kusoo dhaweeyey hawldeenada madaxtooyada iyo qaar kamida masuuliyiinta xilka kasii degaaya oo kamid yahay madaxweyne Gaas. booqashada Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa kusoo aadaysa xili ay xukuumadii hore diyaarinayso sidii ay xilka ugu wareejin lahayd Dawlada cusub ee talada la wareegtey. Doorashadii Puntland ayaa muujisay bisaylka iyo ilbaxnimada umadda Puntland, waxaana doorashadan amaanay dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Dawlado caalami ah. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha cusub ee Puntland oo booqday qasriga madaxtooyadda appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta u dhoofay dalka Jordan oo uu uga qayb galayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo looga hadlayo Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka. Shirkaan oo diiradda lagu saarayo hanaanka wadamada Carabtu isaga iskaashanayaan hagaajinta deegaanka iyo arrimaha la xariira is-bedelka cimilada aduunyada ayaa waxaa sidoo kale ka qayb gelaya hey’adaha caalamka ee ka shaqeeya deegaanka iyo is-bedelka cimilada aduunyada. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay Soomaaliya oo kamid ah dalalka dhibaatada badan ku qaba xaalufinta iyo jaridda dhirta iyo waxyaabaha kale ee laga dhaxlo ee ay kamidka yihiin fatahaadda iyo abaaraha. The post R/wasaare Ku-xigeenka XFS Oo u dhoofay Dalka Jordan appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-090119.mp3 The post Dhageyso:-Warka DuhurEe Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. The Officer-in-Charge of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and Deputy Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, Raisedon Zenenga, congratulates Mr. Said Abdullahi Deni and Mr. Ahmed Elmi Karash on their election as President and Vice-President of Puntland, respectively, in yesterday’s balloting in the Federal Member State’s Assembly. The Officer-in-Charge also congratulates Puntland’s electoral commission for organising and conducting a transparent, peaceful, free and fair electoral process. “We look forward to working closely with the administration of President Deni in Puntland,” said Mr. Zenenga. “We also commend outgoing President Abdiweli Mohamed Ali ‘Gaas’ and his administration for overseeing a peaceful transfer of power and for establishing conditions that enabled the electoral commission to conduct a successful electoral process.” The post UN congratulates the president-elect of Puntland appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in koronto la’aan ay ka jirto degmadaasi 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Maamulka degmada Balcad ayaa la sheegay in ammar uu ku bixiyey in la damiyo korontada oo dhan, kadib markii ay isku dhaceen maamulka shirkaddii adeeggaasi siin jirtay degmada. Ilo lagu kasloon yahay ayaa u sheegay Goobjoog News, in shirkaddan ay lacag awgeed korontada uga jaratay hoyga guddoomiyaha degmada Balcad, isaguna uu ammar ku bixiyey in shirkadda dhan la damiyo. Koronto la’aantan ayaa saameyn weyn ku yeelatay guud ahaan degmada, si gaar ahna xarumaha caafimaadka iyo ganacsiga. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WARKA-KORONTO-LA-AAN-KA-JIRTA-DEGMADA-BALCAD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa maanta magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal kula kulmay saraakiisha ciidamada maamulkaasi. Taliyeyaasha ciidamada Booliiska iyo daraawiishta ayaa ka mid ah xubnaha uu madaxweyne Dani la kulmay, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan sugista ammaanka. Waxa uu ka dalbaday taliyeyaasha in la adkeeye amniga guud ee Puntland, islamarkaana shaqada ammaanka ay ahaato mid aad loo xoojiyo. Dani ayaa doorahadiisa kadib wuxuu kulamo la qaatay xubno ka socday DFS, saraakiil ciidan iyo sidoo kale waxgaradka Puntland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WARIYAHA-GAROOWE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay duulaan ku yihiin degmada Bu’aale oo caasimadooda ah si ay halkaasi uga saaraan dagaalyahannada Al-shabaab. Madaxweynaha maamulkan, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa u sheegay warbaahinta isaga oo ku sugan degmada Afmadow iney soo gabagabeeyeen isku diyaarintooda howlgalladan. Axmed Madoobe ayaa sheegay in gobolka Jubbada Dhexe dhan ay doonayaan iney ka saaraan Al-shabaab islaamarkaana dhowr jiho ay ka weerari doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye. Shacabka ayuu ugu baaqay in kaalin ay ka qaataan sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen guud ahaan deegaannada Jubbaland. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/AXMED-MADOOBE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD oo goob joog ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa qoraal kasoo saaray sida ay wax u dhaceen. Maxamed Cali, wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay in doorashadaasi ay soo dhoweynayaan qaabka ay u dhacday una hambalyeenayaan madaxweyne Dani. Waxa uu sheegay in ay arkeen doorasho si xalaal ah uga dhacday magaalada Garoowe, walibana si buuq la’aan ah. Dhanka kale, IGAD ayaa ka dalbatay madaxweynaha cusub ee Puntland in wadashaqeyn uu la yeesho dowladda federaalka Soomaaliya. Dr. Guuyo ayaa sidoo kale kula dardaarmay Madaxweynaha cusub ee Puntland, inuu la yimmaaddo hufnaan iyo maamul wanaag, sidoo kale uu la shaqeeyo Dowladda Federaalka iyo maamullada Dalka ka jira. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Saciid Cabdillahi Maxamed oo loo yaqaan Saciid Deni ayaa shalay loo doortay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Puntland. Saciid Deni ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada madaxweynaha Puntland, oo shalay ka dhacday magaalada Garoowe, waxa uu kaga adkaaday Asad Cismaan Diyaano. Deni ayaa helay codadka 35 ka mid ah 66-ka xildhibaan ee golaha wakiilada Puntland, halka Asad uu ka helay 31 cod. Waxa uu beddeli doonaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo ku hadhay wareegga koowaad ee doorashada, isaga oo helay kaliya sideed cod. Ragga kale ee tartanka ka qayb galay lana filayay inay codad badan helaan balse khasaaray waxa ka mid ah Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye oo dhaqaale badan doorashada ku bixiyay lana filayay inuu ugu yaraan wareega dambe soo gaadhi doono balse ku hadhay wareega koowaad. Mr. jabiye ayaa waxa watay oo la sheegay inuu lacag ugu soo deeqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo. Sidoo kale Dr. Cali Ciise Cabdi, oo ah siyaasi u dhashay Somaliland oo ka qayb galay tartanka madaxweynenimo ee maamulka Puntland ayaa isna helay hal cod, taas oo yaab ku noqotay dad badan oo ugu yaraan saadaalinayay inuu heli doono codadka xildhibaanada baarlamaanka Puntland kaga jira gobalka Sool. Laakiin siyaasiyiinta Reer Sool ayaa ku keliyaystay tartanka madaxweyne-xigeenka Puntland, waxaana ku guulaystay Axmed Cilmi Karaash oo noqday madaxweyne-xigeenka Puntland. Cabdiweli Gaas maxaa helay? Cabdiweli Gaas, ayaa loolan adag kala kulmay murashixiin ka soo horjeeday oo u muuqday inay is bahaysteen, kuwaas oo uu dabada ka riixayay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole. Murashixiinta is bahaystay doorashada ka hor ee muquuniyay Cabdiweli Gaas waxa hoggaaminayay Siciid Deni oo shalay noqday madaxweynaha Puntland. Waxyaabaha kale ee uu Cabdiweli Gaas eersan karo waxa ka mid ah inuu ku fashilmay ballamihii uu hore u qaaday oo ay ka mid yihiin, ballantii ahayd inuu Puntland gaadhsiin doono doorasho qof iyo cod ah. Kahor inta aanu ugu dambeyntii ku dhawaaqin in uu yahay musharax, Cabdiweli ayaa dhowr jeer oo hore kala caddeyn waayay inuu isa soo sharaxi doono iyo in kale, taas oo sababtay hubanti la’aan ku aadan mustaqbalkiisa siyaasadeed. Musuqmaasuqa ayaa isna ah qodob daciifiyay dawladnimadii laga filayay Cabdiweli Gaas, waxaana lagu eedeeyaa inuu hanti iyo guryo badan ka iibsaday magaalada Nayrobi ee dalka Kenya mudadii uu ahaa madaxweynaha Puntland. Waa kuma Siciid Deni? Saciid Cabdullaahi Dani oo ku dhashay magaalada Muqdisho sanandkii 1966-dii. Madaxweyne Siciid Dani ayaa waxbarashada dugsiga dhexe iyo kan sare ku qaatay isla magaalada Muqdisho. Wuxuu sidoo kale ka baxay jaamacadda ummadda, gaar ahaan kuliyaddii luuqadaha. Wuxuu sidoo kale takhasuuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia, kahor inta aanu ku biirin siyaasadda. Saciid Dani ayaa Soomaaliya ka soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid tahay wasiirka qorsheynta ee dowladdii Xassan sheekh iyo xildhibaan dawlada Soomaaliya sannadkii 2012-kii, waxaana siyaasad ahaan la sheegaa in uu aad ugu dhawaa dowladdii Xassan Sheekh Maxamuud. Saciid Dani oo aan Soomaaliya ka bixin ayaa waxaa uu deegaanada Puntland ka hirgeliyay shirkado ganacasi, waxaana siyaasadda uu kusoo biiray sannadkii 2002. Geeska Qaran News
  17. Tilifishanka qaranka Somaliland qaybtiisa gudaha Hargeysa laga daawado ayaa xalay hawada ka baxay. Ma jiro wax war ah oo ay wasaarada warfaafintu ka soo saartay ciladan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegaya inay ciladi ku timid taraasmiitarkii uu ku shaqaynaayay oo muddo dheer aan laga badalin. Sida ay wararku sheegeen Taraasmiitarkan ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay lagu soo waramaayay in cilad ay la soo daristay taas oo aan waxba laga qaban, waxaana ugu danbayntii uu xalay Telefishanku qaybtiisa maxaliga ahi ka baxay hawada. Qaybta gudaha ee Telefishanka qaranka ayaa dhawr sannadood ka hor sidan oo kale u fadhiisatay, laakiin xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ayaa wakhtigaas u iibisay taraansimiitarkan hadda ciladoobay. Farsamayaqaanada Telefishanka qaranka ayaa la sheegay inay xalay fiidkii aad ugu mashquuleen inay xaliyaan ciladan, laakiin kumay guulaysan. Geeska Qaran News
  18. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta 09 Jan, 2019 waxay kulan Deg-Deg ah la [...] Source
  19. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan deg deg ah la qaatay laamaha amaanka ee deegaanada maamulka Puntland, kaasi oo looga hadlayay amaanka Puntland. Kulanka waxaa ka qeyb galay saraakiisha iyo taliyaasha ciidamada kala duwan ee Puntland, waxaana looga hadlay inta howlaha kala wareega xilka ay socdaan sidii loo adkeyn lahaa amaanka Puntland. Madaxweyne Deni ayaa saraakiisha ciidamada ku wargeliyay in isbadal weyn aan hadda lagu sameyn doonin laamaha amaanka Puntland, waxaana uu kula dardaarmay inay amaanka adkeeyaan. Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa la filayaa in dhawaan ay Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ka dhacdo munaasabad lagu Caleemo saarayo. Shalay ayaa waxaa uu Garoowe kula kulmay wafdi ka socday Dowlad Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada Soomalaiya Axmed Ciise Cawad,kuwaas oo maalma kahor loo diiday inay Garoowe tagaan. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com