Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,241
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar__Qubanaha-090119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Wareysigii u horeeyay bixiyay ayaa sheegay, in uusan Puntland iyo somaliland ka dhaxeyn muran dhaleed, hase yeeshee Somaliland ku soo xadgudubtay dhul ay Puntland leedahay. Madaxweynaha oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay, in dhulka maqan ee Puntland aan wax gor-gortan lagala gelin dooni maamulka Somaliland,islamarkaana aan laga yeeli dooni xuduudka ay ku andacoonayan in ay Ingiriis ka dhaxleen Dhinaca kale mudane Deni ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Federalaalka wuxuu sheegay, in uu ka shaqeyn doono sidii loo dhisi lahaa dowlad Federaalk ah oo sal adag,isagoo tilmaamay, in Dastuurka dalku iudan diidayn in la dhisto Gole iskaashi oo maamulladu yeeshan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha cusub ee Puntland oo sheegay in aan gorgortan laga geli doonin dhulka Somaliland qabsatay appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland Sicid C/laahi Deni ayaa Waraysigiisii ugu horeeyey oo lala yeesho wuxuu uga hadlay arimo dhowra. Madaxweyne Dani wuxuu hoosta ka [...] Source
  4. PRESS STATEMENT 02/2019 Mogadishu – The Officer-in-Charge of the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) and Deputy Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, [...] Source
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in golaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu sii jiri doono, oo aanay waxba iska beddeli doonin. Deni oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in dastuurka dalka Soomaaliya uu dhigayo in Maamul goboleedyada is kaashadaan, danahooda ka shaqeeyaan, sidaas darteedna wax kasta oo dastuurka dhigayo ay ku dhaqmi doonaan. Hadalka Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa durba muujinaya in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo sanadkii 2017 la aas aasay uusan waxba iska bedeli doonin, sida la filayey. Golahan ayaa waxaa ka baxay saddex madexweyne oo kala ah Waare, Shariif Xasan iyo Gaas, waxaana hadda ku haray Deni iyo Xaaf. Dhinaca kale, Saciid Deni ayaa sheegay in Somaliland ay ku soo xadgudubtay dhulka Puntland, isagoo ugu baaqay inay dib ugu laabtaan goobahooda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  6. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garoowe, ayaa ka hadlay doorashadii shalay looga guuleystay, isaga oo farriinna u diray shacabka Puntland. Gaas ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland loo doortay, isaga oo sheegay in si xor iyo xalaal ah ay ku dhacday doorashada, islamarkaana dadka reer Puntland ay yihiin dad mid ah. “Puntland waa mid mana kala lahan qabiil iyo reer iyo gobol” ayuu yiri Gaas. Gaas ayaa ciidamada qalabka sida ee Puntland ugu baaqay inay shaqooyinkooda sii waataan, isla markaana ay si adag u ilaaliyaan xaduudaha dowlad goboleedka Puntland. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in uu si gaar ah ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Puntland loo doortay, sidoo kalena uu tallooyin ku darsan doono, waxaana shacabka iyo ciidamada Puntland uu ugu baaqay inay midoobaan. Waa shirkii jaraa’id ugu horeeyay ee uu qabtay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 24 saac kadib markii looga adkaaya doorashada madaxtinimo ee shalay ka dhacday magalada Garoowe. Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id ee Gaas https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Codka-Madaxweyne-Gaas.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  7. Caasimada Garowe waxay manta ahayd mid Feysto iyo shaahaysi ka socdo, waxaa la hadal hayaa isbadalka siyaasadeed ee ku soo kordhay Puntland. Madaxweyne Sciid Cbdullaahi [...] Source
  8. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe] oo uu wehliyo wasiiru-dowladaha wasaarada iyo xubno kale, ayaa maanta booqday Isbitaalka ciidaamda xooga dalka ee ku yaala magaalada Muqdisho. Isbitaalka oo loo yaqaano “Martini” kaasi oo saameyn uu ku yeeshay dagaaladii dalka ka dhacay, ayaa waxa uu Hoy uyahay halyeeyadii ku naafoobay dagaalkii 1977-dii ee Soomaaliya iyo Ethiopia. “Waxaan ka dhageysanay baahiyaha gaarka ah oo ay qabaan,” ayuu Wasiirku u sheegay warbaahinta, isaga oo intaasi raaciyay inay dowladdu kasoo jawaabi doonto waxyaabaha ay ubaahan yihiin. Booqashada wasiirka ayaa waxay kusoo aadeysaa iyada oo dhowaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu meel-mariyay sharci xuquuq-siinaya ciidamadda qaranka usoo halgamay iyo kuwa haatan difaaca dalka ku howlan. The post Wasiirka Difaaca XFS oo booqday Isbitaalka Martini appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Asad Cismaan Diyaano oo ahaa musharaxii madaxweyne Deni uu doorashada kaga guulaystay wareegii sadaxaad ayaa balan qaaday in uu la shaqayn doono xukuumada cusub . [...] Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo horumarka oo uu hogaamiyaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay is hor istaagii lagu sameeyay aqoon isweydaarsigii Xisbiga Wadajir uu ku qabanayay Hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho. War saxaafadeed kasoo baxay xisbiga UPD ayaa lagu sheegay inay ku cambaareynayaan ishor istaaga lagu sameeyay Xisbiga Wadajir iyo sidoo kale handadaada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay ku sameyso xisbiyada kala duwan ee dalka. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in xisbiyada ay yihiin kuwo ka diiwaangashan dhanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay la kulmaan hadadaad joogto ah. Warsaxaafadeedka xisbiga UPD ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ku cambaareynayaan bartilmaameydsiga dowladda Soomaaliya ay ku heyso hoteelada qaar ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo xisbiyada dalka. Ugu dambeyn waxaa qoraalka looga codsaday saaxiibada garab taagan dowladda Soomaaliya inay garab istaagaan Dimuqraadiyadda iyaga oo ka dalbaday in dowladda Soomaaliya ay xushmeyso xoriyadda hadalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-090119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  12. The United Kingdom has joined Russia and the United Arab Emirates in the scramble to set up military bases in Somaliland. UK Defence Secretary Gavin [...] Source
  13. Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Bari Marayn Gadoodu oo Waraysi gaar ah oo dhinacyo badan taabanaya siisay warsidaha Puntlandi.com ayaa waxa ay ka hadashay dowrlka [...] Source
  14. Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo Galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Garoowe, ayaa ciidamada Qalabka sida ee Puntland ugu baaqay, in ay hawshooda difaaca dalka iyo dadka ay sideedii u wataan oo uusan saamayn ku yeelan is-beddelka madaxda. Dr, Gaas ayaa ciidamada iyo shaqaalaha dowaladda xasuusiyay, in aysan u shaqeyn cid gaar ah iyo qabiiltoona,balse waajib koodu yahay, in ay u shaqeeyaan shacabka Puntland ee ku midaysan sagaalka gobol. Sidoo kale mudane Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay, in ay si buuxda u taageeran madaxda cusub ee loo doortay hoggaanka Puntland,islamarkaana muujiyaan wadajir iyo midnimo looga gudbo wakhtigan kala guurka ah. Hadalka madaxweyihii hore ayaa ku soo beegmay,saacado yar kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya, in cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ay soo banneeyeen jiidda Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku’ hor fadhiyaan Puntland iyo Somaliland. Ciidamada jiidda soo banneeyay, ayaa sida wararku sheegayan ka carooday,guul-darrada ay doorashadii shalay kala kulmeen, saraakiil ciidan oo isu’sharraxay xilka madaxweynaha Puntland,hase yeeshee aan wax codad ah ka helin. PUNTLAND POST The post Dr Gaas oo baaq u diray ciidamo ka soo baxay Tukaraq appeared first on Puntland Post.
  15. Shacabka ku dhaqan magaalada Bosaaso ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay guushii uu ka gaaray Madaxweyne Deni ,doorashadii ka dhacday shalay magaalada Garoowe oo uu [...] Source
  16. Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal waxaa maanta lagu qabaty kulan lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdilaahi Deni. Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay [...] Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweynaha Soomaaliyeed ee Qaadanaya Boosaboorka Soomaaliga ah ayaa waxaa wali heysta xayiraad dhinaca helidda Baasaboorka ah. Dadweynaha horay u dalbaday Baasaboorka ayaa muddo laba bilood ku dhow waxaa ay la’yihiin Baasabooraddii dalbadeen. Qaarkood oo maanta Magaalada Muqdisho kula hadlay dalka ayaa sheegay in maalin waliba la ballamiyo haddana aan loo sheegin sababta uu hakadka ugu jiro baasaboorka lacagaha looga qaatay. Dadka ka cabanaya Baasaboor la’aanta ayaa sheegaya in ay Bukaanno uga jiraan Ibsitaallada una rabaan Isbitaallo dibadda ah,kuna adag tahay in ay helaan Baasaboorkooda. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo uu u xayiranyahay Baasaboorka, waxaana ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in uu jiro muran u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo sharikadda sameysa Baasaboorka Soomaaliya. Xogta ay heshay Caasimada Online waxaa ay sheegeysaa in Dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in ay ka wareegto sharikadda sameysa Baasaboorrada, sharikaddana ay lacag ku leedahay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay dowladoodooda cusub u soo dhaweeyaan si wanaagsan oo qalbi [...] Source
  19. Baarlamaanka Hindiya ayaa talaaladadii ogolaaday sharci dhalasho ama jinsiyad lagu siinayo dadka laga tirada badan yahay ee ku nool dalkaasi. Dadkaasi jinsiyadda la siinayo waxaa ku jira dad aaminsan Hinduus, Christian iyo Siikh, kuwaas oo ka yimid dalalka Bangladesh, Pakistaan iyo Afgaanistaan, laakin waxaa laga reebay kuwa diintoodu tahay Islaamka. Dad arrintan dhaliilsan waxaa ay sheegeen in ra’isul wasaare Narendra Modi uu iska gadayo codbixiyeyaasha ka hor doorashada May. Ilaa shalay waxaa socdo dibad-baxyo arrintaasi looga soo horjeedo, waxaana muuqato in loo arko takoor iyo mid laga leeyahay ujeedo gaar ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. The Deputy Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Mahdi Mohamed Guled has jetted out of the country on an official trip to Jordan on Wednesday. The deputy PM is expected to attend a conference by the Arab league members in the capital of Jordan, Amman to discuss climate and environmental change. Mahdi Guled said his presence at the climate conference is very significant to Somalia since the country is one of the league members heavily impacted by the influence of climate change including recurring droughts and famines that have been experienced in the horn of the African nation in recent years. The forum will be also be attended by the leading international organisations dealing with the climate, and environmental changes will discuss how the Arab league members can cooperate to curb the challenges that arose as a result of human impact on nature. The post Deputy PM leaves for Jordan on official visit appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Wasiir hore oo Israeli ah oo qirtay in uu basaas u ahaa dowladda Iran+Xukun lagu riday Wasiir hore oo ka tirsanaan jiray Israa’iil ayaa qirtay inuu basaas u ahaa Iiraan, Gonen Segev oo ahaan jiray wasiirkii tamarta Israa’iil badhtamihii sagaashamaadkii ayaa lagu wadaa in lagu rido xukun 11 sanno oo xadhig ah. Gonen Segev ayaa lagu eedeeyay in xog ku saabsan suuqyada tamarta, saldhigyada ammaanka Israa’iil iyo xog ku saabsan saraakiisha sirddoonka uu u gudbin jiray dalka Iiraan. Dacwad oogayaasha Israa’iil waxay sheegen in arrintani uu ku tallaabsaday markii Segev uu ku sugna dalka Nigeria tan iyo sannadkii 2012-kii ilaa sannadkii lasoo dhaafay. Gonen Segev ayaa xabsiga la dhigay isagoo la sheegay inuu jaajuus u ahaa Iiraan Qaran News
  22. Ex-Wasiir Yuusuf Garaad oo sheegay hal arrin oo warqadii kasoo baxday Deni ay muujisay Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ammaanay warqaddii shalay kasoo baxday madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ee uu ku joojiyey in wax kharash ah ay ka baxsaan qasnadda dowladda Puntland. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in tallaabadaas ay muujineyso in Deni yahay nin qorshe lahaa ka hor inta aanu xilka ku guuleysan, oo uusan kaliya ka fakarin inuu guuleysto. Yuusuf Garaad ayaa yiri “Marka doorasho lagu dhawaaqo, murashixiinta qaar waxa ay ka fekeraan sidii ay doorashada ugu guuleysan lahaayeen oo keliya. Kharash iyo dadaal aad u fara badan ayay geliyaan. Marka la doorto ka dib ayay is weydiiyaan wixii ay qaban lahaayeen!” “Warqadda maanta ku asteysan ee Kharash – Joojinta Puntland haddii ay sax tahay, waxaa cad in Siciid Dani aanuu keliya ku mashquulin ololaha doorashada ee uu hore uga fekeray waxa uu qaban doono doorashada ka dib iyo halka uu ka billaabayo.” Go’aankan ayaa u muuqda mid uu Deni kaga hortagayo in wax is-daba marin ay dhacdo ama lacag laga lunsado qasnadda dowladda, inta lagu guda jiro xilliga kala wareegga labada maamul. Qaran News