-
Content Count
207,247 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Booqashadii uu Xoghayaha Gaashaanidhigga ee Biritayn, Gavin Williamson toddobaadkii hore ku tagay Hargeysa waa tilmaan muujinaysa in kalsoonidii ay dowladda Biritayn ku qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay sii yaraatay. Sanadkii 2012kii ayay dowladdii uu hoggaaminay David Cameron abaabushay Shirkii London ee Soomaaliya. Shirkaasi wuxuu dhabbaha u jeexay soo gabagabayntii dowladdii ku meelgaarka ahayd. Mid ka mid ahaa qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkaas wuxuu dhigayay in lacagta Soomaaliya loogu yabooho la soo mariyo guddi wadajir ah oo dowladda iyo deeq-bixiyeyaashu xubno ka yihiin ( Joint Financial Management Board) . Guddigaasi muu dhaqangelin waayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muu ku qasbanayn inuu qaato qodobbo madaxdii Soomaalidu isku raceen waqti dalku lahaa dowlad ku meel gaar ah. Guddigii wadajirka ahaa waxaa beddelay Guddiga Maamulka Maaliyadda ( Financial Governance Committee) oo hadda ku dabajira hantidii dowladda oo uu maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iibiyay ama kireeyay— gaar ahaan hantida dowladdu ku leedahay Muqdisho. Dowladda hadda jirta, oo dhowaan laba jirsan doonta, ayaa ka dambaysay dowladdii kowaad oo aan ku meelgaar ahayn. Inkastoo dowalddu leedahay awoodo ay heshiisyo kula gasho shirakdo shisheeye, may laha awoodda maamul oo ay dowlad dalka oo dhan ka talisa in ay yeelato lagama maarmaan tahay. Federaalnimadu waxay ka caawisay dowladda hadda jirta inay ka faa’iidaysato gefefkii dowladdii hore oo isku dayday inay noqoto dowlad lagu aamino yabooha Soomaaliya loo soo ururiyo. Dowladda hadda jirta may qaadin waddadaas oo waxay aqbashay awoodyarideeda waxayse si aan gabbasho lahayn u adeegsatay awoodda ay ku bixin karto shatiyo kalluumaysi ama ay ku iibin karto ceelal saliid laga baarayo oo ku yaalla xeebaha Koonfurta Soomaaliya. Taageerayaashii maamulkii hore way qaadan la’ yihiin dhiirranaanta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku saxiixdo heshiisyo waaweyn. Dadkii u doodi jiray dowlad dhexe oo awood-badan waxay maanta u doodayaan federaalnimo. Dowladda Biritayn waxay qabatay laba shir ( 2013kii iyo 2017kii) waxayse hadda u muuqataa inaysan la dhacsanayn siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed war kama soo saarin booqashada Xoghayaha Gaashaandhiga ee Biritayn ku tagay Hargeysa. Booqashadani waxay keentay jahwareer diblomaasiyadeed: Wafdiyada heer sare oo ka socda Biritayn waxay ku soo horreyn jireen Muqdisho si ay u muujiyaan siyaasaddooda ku salaysan dhowrista midnimada siyasasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya. Gavin Williamson wuxuu kormeeray xarunta Ciidammada Somaliland ee Hargeysa oo wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Booqashadani waa suurtogal inay hordhac u tahay siyaasad dowladda Biritayn ay si toos ah kula shaqaynayso maamul federaaleedyada Soomaaliya oo badankood hadda ka cabsiqaba awoodda sii korodhay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Inkastoo Biritayn ay ku sugan tahay xaalad siyaasadeed oo ay keentay aftidii Biritayn kaga baxday Midowga Yurub, dalal badan oo Soomaaliya ku howlan waxay ku qaddariyaan Biritayn kaalinta ay ku leedahay unkidda hey’adaha dowladda federaalka. Waxaa hadda muuqata in Biritayn aysan ku qanacsanayn maamulkii ay samaysankiisii kaalinta ku lahayd. Soomaaliya waxaa ku loollamaya dowlado badan. In ka badan 95% yabooha Soomaaliya magaceda lagu soo ururiyo waxaa la siiyaa ciidammada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa (AMISOM). Dowladdii hore iyo tan hadda laba jirsan doonta midna kuma guuleysan yaraynta ku tiirsanaanta ciidammada nabad-ilaalinta. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shirkii 2017kii lagu qabatay London ka sheegay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto ka hortagista halis dunida ku soo wajahan. Madaxbannaanida Soomaaliya, oo ah labada erey oo ay Dowladda Federaalku adeegsatay markii ay qaadatay go’aankii erinta ergeyga Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya, waa halkudhegyo madhan marka la eego aqoonsiga Dowladda Federaalku haysto oo aan ku sargo’nayn awooddeeda maamul heer qaran. Booqashada Gavin Williamson waxay hoosta ka xarriiqday xujooyinka horyaalla Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo maarayn kari la’ danaha isdiiddan ee dalalka Soomaaliya la shaqeeya. W.Q. Liibaan Axmad Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka mid ah madaxda Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka (NIEC) oo ay hogaaminayso Guddoomiyaha guddigaas Marwo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa booqday xarunta Xisbiga Qaran ee UPD, ayagoo kulan waqti Dheer qaatay halkaas kula yeeshay guddoomiyaha Xisbiga UPD Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoga-hayaha Guud Md. Axmed Macallin Fiqi. Ujeedka booqashada madaxda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa qeyb ka aheyd booqashooyin ay ku kala bixinayeen xarumaha xisbiyada qaran ee diiwaangashan, si loogu kuurgalo habsami u socodka hawlaha xisbiyada, iyo in xisbiyada la diiwaangeliyay ay yihiin kuwa shaqaynaya iyo in kale. Mas’uuliyiintii ka socday Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo madaxda xisbiga UPD ayaa is-dhaafsaday aragtiyo lagu hormarin karo hawlaha xisbiyada iyo abuuridda jawi dimuqraadi ah oo suuratagalin kara in xisbiyadu si xor ah hawlahooda ugu qabsan karaan, isla markaana loo heli karo nidaam bulshada loogu wacyigelin karo nidaamka axsaabta badan iyo faa’idooyinkiisa, Xubnaha ka socday guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa bogaadiyey habsami u socodka hawlaga xisbiga UPD iyo xaruntiisa cusub-ba, waxaana madaxda xisbigu soo dhoweeyeen hawlaha kormeerka guddigu ay wadaan iyo dadaalka guddigani ku bixinayo in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan, oo u dhacda qaab daahfuran oo xisbiyaduna ay kaalintooda ku leeyihiin.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay Degmada Yaaqshiid. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan daadejinta maamulka iyo xoojinta wada shaqeynta degmooyinka. Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu joogtayn doono ku qabsoomidda shirka todobaad laha ah degmooyinka Gobolka, si loo kormeero hannaankooda shaqo, loolana socdo tabashooyinka iyo baahiyaha ka jira. Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2019ka, iyadoona dib loo eegay miisaaniyaddii sannadkii hore oo la xaqiijiyey in ay ka badnayd tii 2017ka. Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in lagu jaan gooyo miisaaniyadda sanadkan 2019ka arrimaha bulshada iyo daadejinta adeegyada asaasiga ah, maadama ay xowli ku socoto dib u kabashada Caasimadda. Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijyada darisaynta iyo Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud.
-
Fariin Ku Socota Qurbajooga Beelaha West Burco Clan. W/Q: Eng Anwar sheik Mohamed Abdalla Ku qurba jooga West Burco Clan Waxan jeclaystay mar hadaan qurba joog aniga qudhaydu aan mudo dheer ahaa hadana aan waddan kii ku suganay in waxay ila tay fikir ahaan shirkii shalay ama casumadii ka dhacday Madaxtoyada somaliland aan idin la wadaago siday igu muqato. Waxa jirta in Gudi guud uu reer ku leyey oo la yidha Gudida Garaxjis kuna hadasha afka beesha arinka beeshuna iyaga ka Go’o. ! Waxa dhacday in markii la maqlay in Madaxweynuhu Garaxjis kula shirayo Madaxtoyada odayaal iyo aqoon yahan badani Burco ka hadleen iyaga oo leh talada reer ka Gudida Garaxjis bay ka Go’daa , Manshalaa aniga qudhaydu waxan aad u so dhaweyey arinta markii an tv ga ka dawaday iyo habeen kii xigey markii aan Gudida Garaxjis iyagana TV ga ka dawaday aniga oo u arka yey raga taga inay gudidii reer ku doortay ay barbar ordayaan oo taladii ku haystaan. Hadaba casumadii iyo waxay ku Saabsanayd hadii aan eegno gebiga casumadu waxay ku sabsanayd inu Muse Bixi oo markii hore intanu bari u anbabixin loga dhigayey ama u haystay in aan lana so dhawyneyn uu caqabado kala kulmi doono haduu Berbera bari u dhaafo sidii dhaqan ka rer ku ahaa cid waliba way ka dheregsan tay sidii hagrasho la’aanta ahayd ee loo soo dhaweyey tii waxay ku dhalisay inu inta karaan kisa ah uu casumad u sameeyo si uu u yidhaa Thanks sidas ayay na u dhacday waxaynu ognay in aan gudida garaxjis haduu xata casumi laha anay casumada ka qayb galeen marka intii madax dhaqameed iyo shicib uu heli kara yey inu isugu yeedho intii iman kareysay way timid si fiican bay u dhacday . 1 – Cuqaaasha shirka ka qayb gashay arin ay Garaxjis ku matalayeen oo masiirka reer ka ah kamay hadal iyaga oo arinta u dhafayey cidii loo igmaday oo ah Gudida West Burco Clan . 2 – hadii laga tegi waayo Suldaan Mohamed Hersi qani ayaa khudbadisii ku daray oo yidhi Hadii Madaxweyne ay sidaa kugu wayntay So dhaweyntii Gobolada Bariga ee West Burco Clan hadana aad leeday tabashoyinkii Gudida Garaxjis Miiskay ii saran yihiin waxa aan jeclaan lahayn in hordhaca aanu ka argano waliba horta Inaad Muj Ahmed Adib aad faraha ka qaado markii uu khudbadisii dhameyeyna wuu baxay iyada oo Muse bixi yidhi suldan Mohamed Hersi qani codsigisi waan aqbalay Ahmed Adibna hada laga bilobo waa fasax. Ujedadaydu waxa weeye . oo wax lala yaabo ah ma arkaysid reer Salaadinteda ama Cuqaaasheeda facebook ku cayda Kuwa West Burco Clan lakiin kuwa caaya waxa u badan qurba jooga oo aan imika idhaa tolow halkan ay ka eegen waa xagee hore waan u arkay 24 sacdood ee u danbeyey na waan arkayey Suldaan Mohamed Abdiqadir iyo Suldaan Mohamed Hersi qani oo facebook lagu cayayo. Qaar baa leh Ahmed Adib marka horeba denbi muu galin waa run aniga qudhayduna sida aad u aragto ayaan u arkaa lakiin ma inu iska xidhnaado ayad ka jeclayd qofka xaq ama xaqdaro kii la rabo halagu xidhee inu soo baxo ayay dantu ku jirtaa kalmada iyo casumada ayaana sabab u noqotay inu suldaan Mohamed Hersi qani la faideysto ilahay na wuu la qabtay . Waxa gaf ah inaad cuqaaasha mesha tagtay aad ka dhigto dad lacag loo qaybiyey ama mansab yo lagu maamusay ama qado u doontay . Arinta iyo talada garaxjis waxa loo igmaday Gudida West Burco Clan hadii cidi masiirkii reer ka ama taladii reer ka ay boobaan yidhahdan anaga ka masula sidas ayanu rabnaa iyo sida ha la yeelo waa meel ka dhac . Dawlada iyo dalka waa la wada leyey warqad fasaxa cid dan u leh dawladu cid ay ka qadanaysa ma jirto muhiim ku waa arinta kaga xidhan dawlada office kad uga bahntay ka so dhamayso adigu . Maaha in laga dhigo cidi dawlada aragta inay tahay cid diinta ka baxday waxa qalad ah marka ama suldaan ama shariif uu masiirki Gudida West Burco Clan loo igmaday uu ka hadlo . Cayda joojiya cuqasha iyo suldanada aad la daba socotaan, Qof waliba waa xor hadad argtidayda ila qabto iyo hadad mid ka duwan qabto, Mahdsanidin Dulucda sheekadaydu waxa weeye inan cay uun anad kula dul kufin cuqaaasha oo aanad ku go’aan qadan Muse Bixi ayay la kulmen ee bal horta war ka iyo waxa la is yidhi iyo ujedada hubi oo xaqiiqda markad hesho ku Go’an qaado. W/Q: Eng Anwar sheik Mohamed Abdalla Hargeisa/Somaliland Fariin Ku Socota Qurbajooga Beelaha West Burco Clan. W/Q: Eng Anwar sheik Mohamed Abdalla Qaran News
-
It will be difficult for Kenya to pull out its troops from Somalia. This can only happen if the war-torn country attains peace, Foreign Affairs Permanent Secretary Macharia Kamau has said. Speaking during a four-day workshop in Nairobi, yesterday, Mr Macharia said the contribution of the Kenya Defence Forces (KDF) in the horn of Africa was unavoidable.“It is easy to get into peace building in Somalia. But it is hard to get out. This is because of our peace enforcement capabilities,” said Macharia. KDF has been in Somalia since 2011. Critics have been calling for withdrawal of the soldiers from the troubled country. President Uhuru Kenyatta has, however, stood steadfast against pressure to recall the troops.He said it would only happen when peace was realised in Somalia. During his keynote speech, Macharia repeatedly expressed confidence that Kenya’s peace-building contribution in Somalia would yield fruit.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar__Qubanaha-090119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Wareysigii u horeeyay bixiyay ayaa sheegay, in uusan Puntland iyo somaliland ka dhaxeyn muran dhaleed, hase yeeshee Somaliland ku soo xadgudubtay dhul ay Puntland leedahay. Madaxweynaha oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay, in dhulka maqan ee Puntland aan wax gor-gortan lagala gelin dooni maamulka Somaliland,islamarkaana aan laga yeeli dooni xuduudka ay ku andacoonayan in ay Ingiriis ka dhaxleen Dhinaca kale mudane Deni ayaa mar uu ka hadlayey arrimaha Federalaalka wuxuu sheegay, in uu ka shaqeyn doono sidii loo dhisi lahaa dowlad Federaalk ah oo sal adag,isagoo tilmaamay, in Dastuurka dalku iudan diidayn in la dhisto Gole iskaashi oo maamulladu yeeshan. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha cusub ee Puntland oo sheegay in aan gorgortan laga geli doonin dhulka Somaliland qabsatay appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayaa shaaca ka qaaday in golaha iskaashiga dowlad goboleedyada uu sii jiri doono, oo aanay waxba iska beddeli doonin. Deni oo wareysi siiyey BBC-da, ayaa sheegay in dastuurka dalka Soomaaliya uu dhigayo in Maamul goboleedyada is kaashadaan, danahooda ka shaqeeyaan, sidaas darteedna wax kasta oo dastuurka dhigayo ay ku dhaqmi doonaan. Hadalka Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa durba muujinaya in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo sanadkii 2017 la aas aasay uusan waxba iska bedeli doonin, sida la filayey. Golahan ayaa waxaa ka baxay saddex madexweyne oo kala ah Waare, Shariif Xasan iyo Gaas, waxaana hadda ku haray Deni iyo Xaaf. Dhinaca kale, Saciid Deni ayaa sheegay in Somaliland ay ku soo xadgudubtay dhulka Puntland, isagoo ugu baaqay inay dib ugu laabtaan goobahooda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garoowe, ayaa ka hadlay doorashadii shalay looga guuleystay, isaga oo farriinna u diray shacabka Puntland. Gaas ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Puntland loo doortay, isaga oo sheegay in si xor iyo xalaal ah ay ku dhacday doorashada, islamarkaana dadka reer Puntland ay yihiin dad mid ah. “Puntland waa mid mana kala lahan qabiil iyo reer iyo gobol” ayuu yiri Gaas. Gaas ayaa ciidamada qalabka sida ee Puntland ugu baaqay inay shaqooyinkooda sii waataan, isla markaana ay si adag u ilaaliyaan xaduudaha dowlad goboleedka Puntland. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in uu si gaar ah ula shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Puntland loo doortay, sidoo kalena uu tallooyin ku darsan doono, waxaana shacabka iyo ciidamada Puntland uu ugu baaqay inay midoobaan. Waa shirkii jaraa’id ugu horeeyay ee uu qabtay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas 24 saac kadib markii looga adkaaya doorashada madaxtinimo ee shalay ka dhacday magalada Garoowe. Hoos ka dhageyso shirka jaraa’id ee Gaas https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Codka-Madaxweyne-Gaas.mp3Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed [Amar-dambe] oo uu wehliyo wasiiru-dowladaha wasaarada iyo xubno kale, ayaa maanta booqday Isbitaalka ciidaamda xooga dalka ee ku yaala magaalada Muqdisho. Isbitaalka oo loo yaqaano “Martini” kaasi oo saameyn uu ku yeeshay dagaaladii dalka ka dhacay, ayaa waxa uu Hoy uyahay halyeeyadii ku naafoobay dagaalkii 1977-dii ee Soomaaliya iyo Ethiopia. “Waxaan ka dhageysanay baahiyaha gaarka ah oo ay qabaan,” ayuu Wasiirku u sheegay warbaahinta, isaga oo intaasi raaciyay inay dowladdu kasoo jawaabi doonto waxyaabaha ay ubaahan yihiin. Booqashada wasiirka ayaa waxay kusoo aadeysaa iyada oo dhowaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu meel-mariyay sharci xuquuq-siinaya ciidamadda qaranka usoo halgamay iyo kuwa haatan difaaca dalka ku howlan. The post Wasiirka Difaaca XFS oo booqday Isbitaalka Martini appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo horumarka oo uu hogaamiyaha ka yahay Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay is hor istaagii lagu sameeyay aqoon isweydaarsigii Xisbiga Wadajir uu ku qabanayay Hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho. War saxaafadeed kasoo baxay xisbiga UPD ayaa lagu sheegay inay ku cambaareynayaan ishor istaaga lagu sameeyay Xisbiga Wadajir iyo sidoo kale handadaada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay ku sameyso xisbiyada kala duwan ee dalka. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in xisbiyada ay yihiin kuwo ka diiwaangashan dhanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay la kulmaan hadadaad joogto ah. Warsaxaafadeedka xisbiga UPD ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ku cambaareynayaan bartilmaameydsiga dowladda Soomaaliya ay ku heyso hoteelada qaar ee ku yaala magaalada Muqdisho iyo xisbiyada dalka. Ugu dambeyn waxaa qoraalka looga codsaday saaxiibada garab taagan dowladda Soomaaliya inay garab istaagaan Dimuqraadiyadda iyaga oo ka dalbaday in dowladda Soomaaliya ay xushmeyso xoriyadda hadalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-090119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo Galabta shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Garoowe, ayaa ciidamada Qalabka sida ee Puntland ugu baaqay, in ay hawshooda difaaca dalka iyo dadka ay sideedii u wataan oo uusan saamayn ku yeelan is-beddelka madaxda. Dr, Gaas ayaa ciidamada iyo shaqaalaha dowaladda xasuusiyay, in aysan u shaqeyn cid gaar ah iyo qabiiltoona,balse waajib koodu yahay, in ay u shaqeeyaan shacabka Puntland ee ku midaysan sagaalka gobol. Sidoo kale mudane Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay, in ay si buuxda u taageeran madaxda cusub ee loo doortay hoggaanka Puntland,islamarkaana muujiyaan wadajir iyo midnimo looga gudbo wakhtigan kala guurka ah. Hadalka madaxweyihii hore ayaa ku soo beegmay,saacado yar kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya, in cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland ay soo banneeyeen jiidda Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku’ hor fadhiyaan Puntland iyo Somaliland. Ciidamada jiidda soo banneeyay, ayaa sida wararku sheegayan ka carooday,guul-darrada ay doorashadii shalay kala kulmeen, saraakiil ciidan oo isu’sharraxay xilka madaxweynaha Puntland,hase yeeshee aan wax codad ah ka helin. PUNTLAND POST The post Dr Gaas oo baaq u diray ciidamo ka soo baxay Tukaraq appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweynaha Soomaaliyeed ee Qaadanaya Boosaboorka Soomaaliga ah ayaa waxaa wali heysta xayiraad dhinaca helidda Baasaboorka ah. Dadweynaha horay u dalbaday Baasaboorka ayaa muddo laba bilood ku dhow waxaa ay la’yihiin Baasabooraddii dalbadeen. Qaarkood oo maanta Magaalada Muqdisho kula hadlay dalka ayaa sheegay in maalin waliba la ballamiyo haddana aan loo sheegin sababta uu hakadka ugu jiro baasaboorka lacagaha looga qaatay. Dadka ka cabanaya Baasaboor la’aanta ayaa sheegaya in ay Bukaanno uga jiraan Ibsitaallada una rabaan Isbitaallo dibadda ah,kuna adag tahay in ay helaan Baasaboorkooda. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo uu u xayiranyahay Baasaboorka, waxaana ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in uu jiro muran u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo sharikadda sameysa Baasaboorka Soomaaliya. Xogta ay heshay Caasimada Online waxaa ay sheegeysaa in Dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in ay ka wareegto sharikadda sameysa Baasaboorrada, sharikaddana ay lacag ku leedahay dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com