-
Content Count
207,241 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo u muuqda mid ku tashanaya in ciidamada Jubbaland loo diyaariyay ay Al Shabaab ka saarayaan deegaanada maamulkaasi ayaa u jeediyay dardaarankii ugu dambeeyay. Axmed Madoobe ayaa u sheegay ciidamada inay yihiin kuwo Geesiyaal ah oo laga sugayo inay Al Shabaab ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin, waxaana uu sheegay in howlgalka ugu horeeya yahay sidii loo xoreyn lahaa Bu’aale. Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo marka hore Al Shabaab. Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada Jubbaland, Dagaalka Shabaab lagu qaadi doono ayuu Madaxweynahu hoosta ka xariiqay in dhinacyo badan laga fulin doono sida deeganada Xeebaha ku teedsan iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo kol dhow gacanta soo gali doona sida uu Madaxweynahu sheegay. Dhaqdhaqaaqa ciidamada Jubbaland ay ka wadaan Jubbooyinka ayaa maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada, waxaana ciidamada qaar lagu geeyay magaalada diyaaradaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Somaliland iyo sida ay u arkaan khilaafkaasi. Dani oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aanay u arag khilaaf inuu kala dhaxeeyo Somaliland, balse ay taasi u arkaan iney tahay duulaan lagu soo qaaday dhulkooda. “Annaga iyo maamulka Somaliland muran dhuleed nagama dhaxeeyo, laakiin waxay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland, waad ogtihiin 1991 dalku markuu dhacay, dalka waxaa ka jiray 18 gobol oo la yaqaanay, wixii intaa ka dambeeyey dadku waxay isugu guureen nidaamka federaalka ah, intii rabtay baa wada heshiisay, Somaliland waxaa lagu aas-aasay markii ugu dambeysay Boorame marka Burco laga tago, qabaa’ilkii ku bahoobay waa la yaqaanaa, Garoowe markii la’aas aasayna qabaa’ilka ku bahoobayna waa la yaqaanaa, qabaa’ilka u bahoobay Puntland dhisiddeeda waa gobollada Bari, Nugaal, Waqooyoga Gaalkacyo, Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle” Madaxweyne Dani oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale sheegay in Somaliland ay Ingiriis is moodday, balse Puntland aanay noqoneyn Talyaani. “Haddii ay iyagu ingiriis noqdeen annagu Talyaani ma nihin, dhul 60-kii kahor Talyaani iyo ingiriis baa gumeysan jiray halkan ma yaallo, dal Soomaaliyeed oo calan qaatay, umadda Soomaaliyeed oo xor ah taas baa adduunka aqoonsan yahay…marka cidda qaldan iyana wey is yaqaanaan annagane waan ognahay” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee Puntland. Waxaa jira muran dhanka dhulka ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland iyadoo ciidamo Labada dhinac ah weli isku horfadhiyaan aagga deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Marka ( Sh.M.Network):-Dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Somalia ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Russia ee Magaalada Marka. Waxaana dagaalkaasi uu yimid kadib weerar xoogan oo dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay ku soo qaadeen Fariisin Ciidanka dowladda Somalia ku leeyihiin Xaafaddaasi Russia ee Magaalada Marka. Lama oga Khasaaraha labada dhinac ee ka dhashay dagaalkaasi oo hubka culculusay iyo kuwa fudud intaba la isku weedaarsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo ka wada Xaafado ka tirsan Magaalada Marka. Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe joogteeyay weerarada ka dhanka ah Magaalada Marka oo kol hore Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen. The post Dagaal Ciidamada DF iyo Al Shabaab ku dhexmaray Magaalada Marka. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-100119.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamado ka tirsan Jubaland oo u diyaar garoobaya howlgal Al-shabaab looga saarayo gobolkaJubbada Dhexe. Ciidamada uu madaxweynuhu khudbadda u jeediyay waxaa kamid ah kuwa ka howlgalayay aagga degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose oo madaxweynuhu sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen Al-shabaabna u diideen in ay degaanka soo holiyaan, wuxuuna ku ammaanay hawshaasi ay qabteen. Mudane Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray in degmada Afmadow isbadal lagu samayanayo oo Maamul Ra’yid ah loo dhisayo iyadoo ciidamadii halkaasi fadhiyayna ay hawlgallo u tegi doonan degaanno kale oo Al-shabaab gacanta ku hayso. Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo malayshiyaadka lagu qaadayo,si shacabka ay dhibaatada ku hayaan looga kiciyo. Sidoo kale Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada ku jira dagaalka Al-shabaab lagu qaadayo. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dhinacyo badan laga fulin doono hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab sida degaannada Xeebaha ku teedsan iyo gobolka Jubada dhexe oo haatan ku jira gacanta Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jubaland oo amar lagu siiyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo ( Sh.M.Network):-Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen nin uu ku sheegay in uu yahay Gacan ku dhiigle dil u geystay Ganacsade can ka ahaa Magaalada Gaalkacyo. Taliye ku xigeenka ayaa xusay in baaritaanno ay ku hayaan shaqsigaan ku eedeysan falkaasi dilka ah. Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in dilalka ku soo noq noqda Magaalada Gaalkacyo ay sabab u yihiin hubka buux dhaafiyay Magaaladaasi Gaalkacyo kaas oo haatan ay qorsheynayaan in ay wax ka qabtaan. Ninkaan ay sheegeen Booliska Gaalkacyo in ay gacanta ku soo dhigeen ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Ganacsade Magaciisa lagu soo gaabiyay Bashiir shalay Galinkii dambe , waxaanta haatan uu ku jiraa Xabsi ku yaallo Magaalada Gaalkacyo. Dilkaan ayaa loo sababeeyay kadib muran dhexmaray Marxuumka iyo Ninka falkaasi dilka ah geystay. The post Booliska Gaalkacyo oo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Gacan ku dhiigle dil ka geystay Magaaladaasi. appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ugu baaqay shacabka maamulkaasi in ay wadashaqeyn buuxda u muujiyaan madaxweynaha cusub ee Puntland. Gaas ayaa sheegay inuu hubo in madaxweyne Dani yahay shaqsi wax bada ka qaban kara xaaladda Puntland, islamarkaana isbedal ballaaran keeni kara haddii fursaddiisa la siiyo. Xilligan ayuu sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay iney muujiyaan wadajir iyo Midinimo. “Puntland waa mid, waxaan u baahannahay midnimo iyo Wadajir, madaxweynaha cusub waan ku kalsoonahay, waana nin shaqadiisa kasoo bixi kara, shacabkana waxaa ugu baaqayaa iney la shaqeeyaan” ayuu yiri Gaas. Dhanka kale, C/weli Gaas ayaa ballanqaaday in haddii madaxweynaha cusub uu uga baahdo talo iyo la shaqeyn uu xilli walbo diyaar u yahay inuu waayo-aragnimadiisa ku biiriyo. Doorasho 8-dii bishan ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa ku dhawaaqay arin uu xilka ku waayay guddoomiyihii ka horeeyay Taabid Cabdi Maxamed. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in sanadkaan uu wado qorshihii shacabka Muqdisho ay ku heli lahaayeen Matalaad siyaasadeed oo ay ku yeeshaan dowladda Dhexe. Wuxuu sheegay in sanadkaan cusub ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii shacabka Muqdisho ay ku heli lahaayeen matalaada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waana arintii uu xilka ku waayay guddoomiye Taabid, kadib markuuu olole u galay maqaamka Muqdisho. “Sanadkaan wuxuu noqon doonaa Sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda aayahooda uga tashan lahaayeen, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka aan u istaagno, islamarkaana aan ka dhabeyno inay matalaada ka helaan golaha shacabka iyo aqalka sare”. “Taasi waxaan ku heli doonaa wadajirkeena, iyo inaan dulqaadkii badnaa ee aan sameynay u helno, oo aan ka dhabeyno dadaalkeena oo wadajira, waa inaan mar walbaa ummadda Soomaaliyeed u horseednaa inaan Hormuud u nahay”ayuu yiri Yariisow. Eng Yariisow ayaa hadalkaan ka jeediyay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, laakiin guddoomiyaha ma uusan sheegin wadada uu umari doono ka dhabeynta balanqaadkaasi oo guddoomiyihii ka horeeyay uu ku baxay. Waxaana Su’aasha taagana ay tahay muddo uu xilka hayo kadib miyuu ku guuleysan doonaa ka dhabeynta qorshahan mase xilka ayuu ku weyn doonaa? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararku ayaa waxay sheegayaan in weerarka dagaalkan ay lahaayeen Al-shabaab, iyadoo dagaalka xooggiisa uu ka dhacay xaafadda Ruusiya ee magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in dagaalkaasi uu socday in ka badan Hal saac. Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa sheegay iney jirto waxyeello badan oo soo gaartay dadka shacabka ah, kadib markii rasaas badan ay guryahooda ugu tagtay. Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkana lama oga, hase ahaatee ugu dambeyn Al-shabaab ayaa dib uga laabtay Marka. Magaalada Marka ayaa dhowaan waxaa dib ugu laabtay shacabkii ka barakacay, iyadoo magaaladaasina marar badan kusoo noqnoqdeen dagaallada u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn ay 8-dii bishan ay fuliyeen deegaan ka mid ah gobolka Baay. War-saxaafadeed kasoo baxay taliskan ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka fuliyeen deegaanka Yaaq Baraawe ayna ku dileen 6 ka mid ah Al-shabaab. Waxaa lagu sheegay qoraalkan in deegaankaasi ay iska soo abuubuli jireen Al-shabaab, sidaa darteedna weerarka loogu qaaday. Sidoo kale, Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntan aanay waxyeello kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku dhowaa halkaasi. Waa duqeyntii Shanaad oo dowladda Maraykanka sanadkaan gudahiisa ka fuliso gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo lala eegtay Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirrada bey’ada Carabta ayaa kulan ku leh dalka Urdun halkaas oo ay uga hadlayaan arrimaha bey’adaha gaar ahaan dhibaatada gashinka. Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)،Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Shirkan ayey carabta uga hadlayaan Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka waxaa uu hordhac u yahay shirka Nairobi. Qaramada midoobey ayaa la sheegayaa in shirka bey’adada ku qaban-doonto Nairobi March 11-15 in Nairobi, Kenya, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysi uu dhinacyo badan kaga hadlayo siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysiga wuxuu kaga hadlay arimaha Somaliland, sida loo xalin karo Khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada iyo in doorashadiisii ay Musuq maasuq ka madax banaaneyd. Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Deni, ayaa ugu horeyn sheegay in Somaliland ay kusoo xad gudubtay xuduuda Puntland, isaga oo sheegay in xuduuda deegaanada Puntland la wada yaqaan. Wuxuu si cad u sheegay in xad gudubta Somaliland ee dhanka xuduuda inuu yahay mid aan la aqbali doonin isaga oo sheegay in xuduudooda tahay deegaanada dadka Soomaaliyeed oo dhan wada yaqaanaan. Arinta labaad ee Muhiimka ah ee uu ka hadlay ayaa ahaa khilaafka madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxda Soomaaiiyeed balse ay jiraan kala aragti duwanaan ku aadan hanaanka la doonayo in loo hormariyo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in kala aragti duwanaantaasi jirta loo baahan yahay in madaxda ay xaliyaan, isagana uu doorweyn ka ciyaari doono kala aragti duwanaantaasi, sidii loo dhameyn lahaa. Arinta kale ee uu kaga hadlay wareysiga ayaa aheyd in doorashadiisa ay ka madax banaaneyd Musuq maasuq, waxaana uu sheegay in wax musuq ah aan isaga lagu dooran, sida uu sheegay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Laba maalin ayaa laga joogaa kaddib is bedelkii ka dhacay maamulka Puntland. Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo 30 sano ah halgan siyaasadeed ku soo jiray ayaa bedelay Cabdiweli Cali Gaas oo 5tii sano ee u dambeeysay majaraha u hayey Puntland. Hase ahaatee, su’aasha la is weydiinayo ayaa ah muxuu Deni ka bedeli doonaa habdhaqankii Puntland ku soo dhaqmeysay 20kii sano ee ay jirtay. Deni wax badan oo caqabado ah ma horyaalaan maadama uu qabanayo maamul afar Madaxweyne uga horreeyeen, kaliya waxaa laga rabaa in uu mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah joogteeyo, ciidamada dib u hayan ku sameeyo oo uu mushaarkooda meel saaro, xal waara u helo amni darada Bosaaso oo uu doorasho qof iyo cod ah gaarsiiyo Puntland. Dhamaan qodobadaas waxbaa ka bilaaan oo isaga kaliya wax ku darid iyo dhammeystir ayaa laga rabaa. Hadaba, waa maxay qodobka ugu weyn ee ay Soomaali oo dhan isha ku hayso? Doorashadii Puntland salaasadii ka dhacday waxa ay saameyn weyn ku lahayd Soomaaliya, gobolka iyo caalamka oo dhan taas waxaa tusaale u ahaa sidii xamaasadda lahayd ee loola socday. Deni waxaa la rabaa ama Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ka sugeysaa in uu hagaajiyo xiriirka waligiiba xumaa ee Garoowe iyo Muqdisho. Tan iyo markii uu Cabdullahi Yusuf (AUN) ka tagay Puntland, dhammaan madaxdii soo martay waxa ay laf dhuun gashay ku ahaayeen dowladnimada Soomaaliya iyaga uu xifaaltan kula jiray raga Villa Soomaaliya joogay. Waxaa ugu dambeeyey Cabdiweli Cali Gaas oo gaarsiiyey heerkii ugu xumaa abid. Dhaqankaas Puntland kuma ekaan oo xataa waxaa sidaas u dhaqmay maamulada kale, horaa Soomaali ugu maahmaahday ‘Ratiga dambe ratiga hore saan qaadkiisa ayuu leeyahay!’ Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni waxaa habboon in uu Cabdullahi Yusuf (AUN) uga daydo ku dhaqanka mabaa’diidii Puntland loo dhisay oo ahayd in marka hore iyaga ku kala badbaadaan oo ay nolol horumar leh ku noolaadaan iyo in lagu raadiyo dowlad Soomaaleed oo hana qaada, taas wey dhacday oo Puntland waxa ay noqotay budhigga Federaleenta dalka. Tusaale wanaagsan waxaa kuugu filan, Cabdullaahi Yusuf (AUN) markii loo dhaarinayey xilka Madaxweyne ee Puntland waxa uu ku dhaartay “Ku dhaqanka dastuurka maamul gobolleedka Puntland” halka kuwii ka dambeeyey oo uu ku jiro Deni marka laga reebo Cadde Muuse (AUN) oo aan ka warqabin ay dhammaan ku dhaarteen (Dowladda Puntland) taas waxa ay caddeyn u tahay sida Cabdullaahi Yusuf u ilaalinayey mabaadi’dii loo aas aasay. Deni waa in uu kala gartaa kuna dhaqmaa waxa ay dowladda dhexe xaqa u leedahay iyo waxa uu dastuurka u gaar yeelayo Puntland oo uu meesha ka saaraa danihii gaarka ahaa ee madaxdii ka horreysay xadka ka saarayey. Arrintaas oo uu fuliyo waxa ay dhaxalsiin doontaa in uu halyey u noqdo Soomaaliya oo dhan, berrina isu soo taago isaga oo la jecelyahay xilka ugu sarreeya ee dalka. Ma aha in uu qaado tallaadii Soomaali iyo Puntland-a hoojisay ee kala irdheynta umadda. Deni waa in uu ka fogaadaa hadaladdii xanafta lahaa ee ka soo yeeri jiray kuwii ka horreeyey madaxdii ka horreeysay iyo xiriir u jarkii joogtada ahaa ee dowladda dhexe. Taas haddii uusan uga dayan Gaas iyo kuwii ka horreeyey, Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu noqon doonaa shaqsi ka qeyb qaata dib u curashada qaran Soomaaliyeed oo sumcad dunida ku leh. W/Q: Mahad Axmed Warsame Garoowe, Puntland, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Xog: Sababta ay Xukumada Farmaajo u joojisay Bixinta Basaboor Soomaaliga Dadweynaha Soomaaliyeed ee Qaadanaya Boosaboorka Soomaaliga ah ayaa waxaa wali heysta xayiraad dhinaca helidda Baasaboorka ah. Dadweynaha horay u dalbaday Baasaboorka ayaa muddo laba bilood ku dhow waxaa ay la’yihiin Baasabooraddii ay dalbadeen. Qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalin waliba la ballamiyo haddana aan loo sheegin sababta uu hakadka ugu jiro baasaboorka lacagaha looga qaatay. Dadka ka cabanaya Baasaboor la’aanta ayaa sheegaya in ay Bukaanno uga jiraan Cibsitaallada una rabaan Isbitaallo dibadda ah,kuna adag tahay in ay helaan Baasaboorkooda. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xayiray Baasaboorka, waxaana ilo-wareedyo la hadlay Warbaahinta ay sheegeen in uu jiro muran u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo sharikadda sameysa Baasaboorka Soomaaliya. Xogta ay heshay Warbaahintu waxaa ay sheegeysaa in Dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in ay ka wareegto sharikadda sameysa Baasaboorrada, sharikadduna ay lacag ku leedahay dowladda Soomaaliya. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka carootay socdaalkii uu xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson ku yimdi caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Wargeyska Geeska Afrika oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer Somaliland ayaa sheegay in madaxda sare ee dowladda Somalia ay wax iska weydiiyeen socdaalka uu xoghaye Gavin ku tagay caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Sida wargeyska uu yiri, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in socdaalkaas iyo ogaysiin la’aanta dawladoodu ay tahay xad gudub ay dawladda Ingiriisku samaysay oo aan laga aamusi karin, waxaana ay ku talisay in sida ugu dhaqsaha badan looga jawaabo. Raysal wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa wargeyska sheegay inuu yiri in haddii aan jawaab deg deg ah laga bixin socdaalkaas xoghayaha difaaca Ingiriiska ay dawladda UK ku dhaqaaqi karto talaabooyin kale, waxaanu intaas raaciyay inaan la aqbali Karin in dawladda Ingiriisku ku xad gudubto wax uu ugu yeedhay midnimada Soomaaliya. Wargeyska ayaa sheegay in la isku qaaday qodobadan: In sida ugu dhaqsaha badan loogu yeer safiirka Ingiriiska u jooga Muqdisho danjire David Concar, loona muujiyo dareenka taban ee ay dawladda Soomaaliya ka qabto socdaalka xoghayaha gaashaandhiga Ingiriisku uu ku tagay Hargeysa In Wasaaradda arrimaha dibaddu ay dhambaal u dirto Wasaaradda arrimha dibadda ee Ingiriiska, taas oo nuxurkeedu noqon doonto dacwad ka dhan ah socdaalka xoghayaha gaashaandhiga ee Ingiriiska. Si kastaba, ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay inuusan jirin wax qorshe ama dacwad ah oo Soomaaliya ay ka qorsheysay safarka Gavin Williamson ee Hargeysa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Marko (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal saacado qaatay oo ka dhacay degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay weerareen ciidamo hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab. Weerarka koowaad ayaa ka bilowday Xaafadda Ruusiya ee degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada Al Shabaab jug culus ay ku bilaabeen dagaalka. Saraakiisha ciidamada dowladda u hadlay ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka kaga yimid Al Shabaab, waxaana saraakiisha qaar ay sheegeen inay Al Shabaab ku celiyeen halkii ay kasoo weerartameen. Dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaartay dhinacyada dagaalamay, waxaana la sheegay in 10 ruux ay waxyeelo kasoo gaartay dagaalka xalay ka dhacay degmada Marko, kaasi oo waqti badan dhacayay. Wararka saakay naga soo gaaraya Magalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Shabaab ay dib ugu laabteen deegaanka Jilib Marka oo ay markii hore ka yimaadeen,hayeeshee dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay wadaan Cidamada Dowladda Soomaaliya. Dagaal Kale ayaa ka duleedka magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Sh.Hoose Caasimada@live.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Doorashadii Maalin ka hor ka dhacday magaalada Garowe ayaa aheyd mid cajiib ah oo ka duwan doorashooyinkii ka dhici jiray magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland. Doorashadaan ayaa waxyaabaha laga diiwaan geliyay waxaa kamid ahaa in dad u dhashay deegaanka ay dalalka dibadda kaga yimaadeen doorashada darteed, waxaana kamid ahaa dhalinyaro doorashada darteed kaga yimid dalka Mareykanka. Arimaha kale ee cajiib lahaa ee laga diiwaan geliyay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayaa ahaa in gaadiid badan iyo dad badan ay ku sugnaayeen magaalada, iyadoo maalintii doorashada ay ka mashquul badneyd magaalada Garowe maalmaha kale ee caadiga ah. Goobaha laga cunteeyo aad ayay u adkeyd in dadka qaar ay helaan fursad ay ku cunteeyaan, maadaama mashquulka dadweynaha uu aad u badnaa, waxaana arinta ay timid markii dad aad u badan ay tageen magaalada Garowe. Arimaha kale ee layaabka lahaa ee laga diiwaan galiyay doorashadii Puntland ayaa ahaa in dad u dhow goobta doorashada ka dhaceysay ay shaashada kaliya kala socdeen doorashada iyo codeynta xildhibaanada. Dadka ku sugan magaalada Garowe ayaa sheegaya inay sugayaan shan sano kadib inay shaashada ka daawan doonaan doorashada xigta iyo inay fursad u heli doonaan inay iyaga codeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Booqashadii uu Xoghayaha Gaashaanidhigga ee Biritayn, Gavin Williamson toddobaadkii hore ku tagay Hargeysa waa tilmaan muujinaysa in kalsoonidii ay dowladda Biritayn ku qabtay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay sii yaraatay. Sanadkii 2012kii ayay dowladdii uu hoggaaminay David Cameron abaabushay Shirkii London ee Soomaaliya. Shirkaasi wuxuu dhabbaha u jeexay soo gabagabayntii dowladdii ku meelgaarka ahayd. Mid ka mid ahaa qodobbadii warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkaas wuxuu dhigayay in lacagta Soomaaliya loogu yabooho la soo mariyo guddi wadajir ah oo dowladda iyo deeq-bixiyeyaashu xubno ka yihiin ( Joint Financial Management Board) . Guddigaasi muu dhaqangelin waayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muu ku qasbanayn inuu qaato qodobbo madaxdii Soomaalidu isku raceen waqti dalku lahaa dowlad ku meel gaar ah. Guddigii wadajirka ahaa waxaa beddelay Guddiga Maamulka Maaliyadda ( Financial Governance Committee) oo hadda ku dabajira hantidii dowladda oo uu maamulkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iibiyay ama kireeyay— gaar ahaan hantida dowladdu ku leedahay Muqdisho. Dowladda hadda jirta, oo dhowaan laba jirsan doonta, ayaa ka dambaysay dowladdii kowaad oo aan ku meelgaar ahayn. Inkastoo dowalddu leedahay awoodo ay heshiisyo kula gasho shirakdo shisheeye, may laha awoodda maamul oo ay dowlad dalka oo dhan ka talisa in ay yeelato lagama maarmaan tahay. Federaalnimadu waxay ka caawisay dowladda hadda jirta inay ka faa’iidaysato gefefkii dowladdii hore oo isku dayday inay noqoto dowlad lagu aamino yabooha Soomaaliya loo soo ururiyo. Dowladda hadda jirta may qaadin waddadaas oo waxay aqbashay awoodyarideeda waxayse si aan gabbasho lahayn u adeegsatay awoodda ay ku bixin karto shatiyo kalluumaysi ama ay ku iibin karto ceelal saliid laga baarayo oo ku yaalla xeebaha Koonfurta Soomaaliya. Taageerayaashii maamulkii hore way qaadan la’ yihiin dhiirranaanta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku saxiixdo heshiisyo waaweyn. Dadkii u doodi jiray dowlad dhexe oo awood-badan waxay maanta u doodayaan federaalnimo. Dowladda Biritayn waxay qabatay laba shir ( 2013kii iyo 2017kii) waxayse hadda u muuqataa inaysan la dhacsanayn siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliyeed war kama soo saarin booqashada Xoghayaha Gaashaandhiga ee Biritayn ku tagay Hargeysa. Booqashadani waxay keentay jahwareer diblomaasiyadeed: Wafdiyada heer sare oo ka socda Biritayn waxay ku soo horreyn jireen Muqdisho si ay u muujiyaan siyaasaddooda ku salaysan dhowrista midnimada siyasasadeed iyo dhuleed ee Soomaaliya. Gavin Williamson wuxuu kormeeray xarunta Ciidammada Somaliland ee Hargeysa oo wuxuu kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Booqashadani waa suurtogal inay hordhac u tahay siyaasad dowladda Biritayn ay si toos ah kula shaqaynayso maamul federaaleedyada Soomaaliya oo badankood hadda ka cabsiqaba awoodda sii korodhay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Inkastoo Biritayn ay ku sugan tahay xaalad siyaasadeed oo ay keentay aftidii Biritayn kaga baxday Midowga Yurub, dalal badan oo Soomaaliya ku howlan waxay ku qaddariyaan Biritayn kaalinta ay ku leedahay unkidda hey’adaha dowladda federaalka. Waxaa hadda muuqata in Biritayn aysan ku qanacsanayn maamulkii ay samaysankiisii kaalinta ku lahayd. Soomaaliya waxaa ku loollamaya dowlado badan. In ka badan 95% yabooha Soomaaliya magaceda lagu soo ururiyo waxaa la siiyaa ciidammada nabad-ilaalinta ee Midowga Africa (AMISOM). Dowladdii hore iyo tan hadda laba jirsan doonta midna kuma guuleysan yaraynta ku tiirsanaanta ciidammada nabad-ilaalinta. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa shirkii 2017kii lagu qabatay London ka sheegay in AMISOM ay Soomaaliya u joogto ka hortagista halis dunida ku soo wajahan. Madaxbannaanida Soomaaliya, oo ah labada erey oo ay Dowladda Federaalku adeegsatay markii ay qaadatay go’aankii erinta ergeyga Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya, waa halkudhegyo madhan marka la eego aqoonsiga Dowladda Federaalku haysto oo aan ku sargo’nayn awooddeeda maamul heer qaran. Booqashada Gavin Williamson waxay hoosta ka xarriiqday xujooyinka horyaalla Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo maarayn kari la’ danaha isdiiddan ee dalalka Soomaaliya la shaqeeya. W.Q. Liibaan Axmad Wardheernews.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka mid ah madaxda Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka (NIEC) oo ay hogaaminayso Guddoomiyaha guddigaas Marwo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa booqday xarunta Xisbiga Qaran ee UPD, ayagoo kulan waqti Dheer qaatay halkaas kula yeeshay guddoomiyaha Xisbiga UPD Md. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoga-hayaha Guud Md. Axmed Macallin Fiqi. Ujeedka booqashada madaxda guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa qeyb ka aheyd booqashooyin ay ku kala bixinayeen xarumaha xisbiyada qaran ee diiwaangashan, si loogu kuurgalo habsami u socodka hawlaha xisbiyada, iyo in xisbiyada la diiwaangeliyay ay yihiin kuwa shaqaynaya iyo in kale. Mas’uuliyiintii ka socday Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo madaxda xisbiga UPD ayaa is-dhaafsaday aragtiyo lagu hormarin karo hawlaha xisbiyada iyo abuuridda jawi dimuqraadi ah oo suuratagalin kara in xisbiyadu si xor ah hawlahooda ugu qabsan karaan, isla markaana loo heli karo nidaam bulshada loogu wacyigelin karo nidaamka axsaabta badan iyo faa’idooyinkiisa, Xubnaha ka socday guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa bogaadiyey habsami u socodka hawlaga xisbiga UPD iyo xaruntiisa cusub-ba, waxaana madaxda xisbigu soo dhoweeyeen hawlaha kormeerka guddigu ay wadaan iyo dadaalka guddigani ku bixinayo in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan, oo u dhacda qaab daahfuran oo xisbiyaduna ay kaalintooda ku leeyihiin.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir oo ku qabsoomay Degmada Yaaqshiid. Guddoomiyaha ayaa ka warbixiyey qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan daadejinta maamulka iyo xoojinta wada shaqeynta degmooyinka. Eng.Yarisow ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu joogtayn doono ku qabsoomidda shirka todobaad laha ah degmooyinka Gobolka, si loo kormeero hannaankooda shaqo, loolana socdo tabashooyinka iyo baahiyaha ka jira. Shirka Todobaadlaha ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2019ka, iyadoona dib loo eegay miisaaniyaddii sannadkii hore oo la xaqiijiyey in ay ka badnayd tii 2017ka. Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in lagu jaan gooyo miisaaniyadda sanadkan 2019ka arrimaha bulshada iyo daadejinta adeegyada asaasiga ah, maadama ay xowli ku socoto dib u kabashada Caasimadda. Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijyada darisaynta iyo Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo xarumaha danta guud.
-
Fariin Ku Socota Qurbajooga Beelaha West Burco Clan. W/Q: Eng Anwar sheik Mohamed Abdalla Ku qurba jooga West Burco Clan Waxan jeclaystay mar hadaan qurba joog aniga qudhaydu aan mudo dheer ahaa hadana aan waddan kii ku suganay in waxay ila tay fikir ahaan shirkii shalay ama casumadii ka dhacday Madaxtoyada somaliland aan idin la wadaago siday igu muqato. Waxa jirta in Gudi guud uu reer ku leyey oo la yidha Gudida Garaxjis kuna hadasha afka beesha arinka beeshuna iyaga ka Go’o. ! Waxa dhacday in markii la maqlay in Madaxweynuhu Garaxjis kula shirayo Madaxtoyada odayaal iyo aqoon yahan badani Burco ka hadleen iyaga oo leh talada reer ka Gudida Garaxjis bay ka Go’daa , Manshalaa aniga qudhaydu waxan aad u so dhaweyey arinta markii an tv ga ka dawaday iyo habeen kii xigey markii aan Gudida Garaxjis iyagana TV ga ka dawaday aniga oo u arka yey raga taga inay gudidii reer ku doortay ay barbar ordayaan oo taladii ku haystaan. Hadaba casumadii iyo waxay ku Saabsanayd hadii aan eegno gebiga casumadu waxay ku sabsanayd inu Muse Bixi oo markii hore intanu bari u anbabixin loga dhigayey ama u haystay in aan lana so dhawyneyn uu caqabado kala kulmi doono haduu Berbera bari u dhaafo sidii dhaqan ka rer ku ahaa cid waliba way ka dheregsan tay sidii hagrasho la’aanta ahayd ee loo soo dhaweyey tii waxay ku dhalisay inu inta karaan kisa ah uu casumad u sameeyo si uu u yidhaa Thanks sidas ayay na u dhacday waxaynu ognay in aan gudida garaxjis haduu xata casumi laha anay casumada ka qayb galeen marka intii madax dhaqameed iyo shicib uu heli kara yey inu isugu yeedho intii iman kareysay way timid si fiican bay u dhacday . 1 – Cuqaaasha shirka ka qayb gashay arin ay Garaxjis ku matalayeen oo masiirka reer ka ah kamay hadal iyaga oo arinta u dhafayey cidii loo igmaday oo ah Gudida West Burco Clan . 2 – hadii laga tegi waayo Suldaan Mohamed Hersi qani ayaa khudbadisii ku daray oo yidhi Hadii Madaxweyne ay sidaa kugu wayntay So dhaweyntii Gobolada Bariga ee West Burco Clan hadana aad leeday tabashoyinkii Gudida Garaxjis Miiskay ii saran yihiin waxa aan jeclaan lahayn in hordhaca aanu ka argano waliba horta Inaad Muj Ahmed Adib aad faraha ka qaado markii uu khudbadisii dhameyeyna wuu baxay iyada oo Muse bixi yidhi suldan Mohamed Hersi qani codsigisi waan aqbalay Ahmed Adibna hada laga bilobo waa fasax. Ujedadaydu waxa weeye . oo wax lala yaabo ah ma arkaysid reer Salaadinteda ama Cuqaaasheeda facebook ku cayda Kuwa West Burco Clan lakiin kuwa caaya waxa u badan qurba jooga oo aan imika idhaa tolow halkan ay ka eegen waa xagee hore waan u arkay 24 sacdood ee u danbeyey na waan arkayey Suldaan Mohamed Abdiqadir iyo Suldaan Mohamed Hersi qani oo facebook lagu cayayo. Qaar baa leh Ahmed Adib marka horeba denbi muu galin waa run aniga qudhayduna sida aad u aragto ayaan u arkaa lakiin ma inu iska xidhnaado ayad ka jeclayd qofka xaq ama xaqdaro kii la rabo halagu xidhee inu soo baxo ayay dantu ku jirtaa kalmada iyo casumada ayaana sabab u noqotay inu suldaan Mohamed Hersi qani la faideysto ilahay na wuu la qabtay . Waxa gaf ah inaad cuqaaasha mesha tagtay aad ka dhigto dad lacag loo qaybiyey ama mansab yo lagu maamusay ama qado u doontay . Arinta iyo talada garaxjis waxa loo igmaday Gudida West Burco Clan hadii cidi masiirkii reer ka ama taladii reer ka ay boobaan yidhahdan anaga ka masula sidas ayanu rabnaa iyo sida ha la yeelo waa meel ka dhac . Dawlada iyo dalka waa la wada leyey warqad fasaxa cid dan u leh dawladu cid ay ka qadanaysa ma jirto muhiim ku waa arinta kaga xidhan dawlada office kad uga bahntay ka so dhamayso adigu . Maaha in laga dhigo cidi dawlada aragta inay tahay cid diinta ka baxday waxa qalad ah marka ama suldaan ama shariif uu masiirki Gudida West Burco Clan loo igmaday uu ka hadlo . Cayda joojiya cuqasha iyo suldanada aad la daba socotaan, Qof waliba waa xor hadad argtidayda ila qabto iyo hadad mid ka duwan qabto, Mahdsanidin Dulucda sheekadaydu waxa weeye inan cay uun anad kula dul kufin cuqaaasha oo aanad ku go’aan qadan Muse Bixi ayay la kulmen ee bal horta war ka iyo waxa la is yidhi iyo ujedada hubi oo xaqiiqda markad hesho ku Go’an qaado. W/Q: Eng Anwar sheik Mohamed Abdalla Hargeisa/Somaliland Fariin Ku Socota Qurbajooga Beelaha West Burco Clan. W/Q: Eng Anwar sheik Mohamed Abdalla Qaran News
-
It will be difficult for Kenya to pull out its troops from Somalia. This can only happen if the war-torn country attains peace, Foreign Affairs Permanent Secretary Macharia Kamau has said. Speaking during a four-day workshop in Nairobi, yesterday, Mr Macharia said the contribution of the Kenya Defence Forces (KDF) in the horn of Africa was unavoidable.“It is easy to get into peace building in Somalia. But it is hard to get out. This is because of our peace enforcement capabilities,” said Macharia. KDF has been in Somalia since 2011. Critics have been calling for withdrawal of the soldiers from the troubled country. President Uhuru Kenyatta has, however, stood steadfast against pressure to recall the troops.He said it would only happen when peace was realised in Somalia. During his keynote speech, Macharia repeatedly expressed confidence that Kenya’s peace-building contribution in Somalia would yield fruit.