Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,251
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dowladda Puntland Injineer C/xakiin Xaaji Cumar Camey oo Garoowe kula hadlay warbaahinta ayaa shacabka ugu baaqay in la ilaa liyo kala [...] Source
  2. (SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Golaha Guurtida u gudbiyay codsiga muddo kordhinta Golaha Wakiilada Oo 13-sanno Oo hore fadhiyay . Hoos ka akhrisyo codsiga muddo kordhinta Wakiilada Source
  3. (SLT-Hargaysa) Waxaa shalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland soo gaadhay qunsulka cusub ee ay dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland danjire Shamsudiin Axmed Rooble. Ma jiro wax war ah oo ay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Qunsuliyada Itoobiya ka soo saareen imaanshaha danjirahan cusub, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in danjire Shamsudiin uu shalay ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa. Ma jirin cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo qunsulkan cusub ku soo dhawaysay madaarka Cigaal. Danjire Shamsudiin ayaa bedeli doona qunsulkii hore ee Itoobiya Berhe Tesfaye oo muddo toban sannadood ah ahaa qunsulka Itoobiya u jooga Hargeysa. Imaanshaha diblomaasigan cusub ee ay Itoobiya u soo dirtay Somaliland, ayaa wuxuu meesha ka saarayaa warar ay warbaahinta Soomaaliya muddooyinkii u dambeeyay baahin jirtay oo ahaa inay Itoobiya doonayso inay hoos u dhigto xidhiidhka ay Somaliland la leedahay, ka did markii ay u yeedhay qunsulkii hore Berhe Tesfaye. Qunsulkan cusub ayaa ah diblomaasi sare oo Itoobiya safiir uga noqday dalalka Kenya iyo Djibouti, waxaanu ka mid yahay diblomaasiyiin tiro badan oo ay Itoobiya u magacowday safaaradaheeda iyo qunsuliyadeedaha dunida ku kala yaala. Source
  4. (SLT-Muqdisho) Iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada Dawladda Dalkaasi Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday fadhiisimo ciidamada dowladdu ku lahaayeen gudaha Marka, waxaana la sheegay iska hor imaad saacad socday uu dhex maray. Guddoomiyihii hore degmada Marka Maxamed Cismaan yariisow ayaa sheegay in Al-Shabaab ay soo weerareen xaafado ka tirsan Marka, isla markaana la iska caabiyay, waxaana uu intaa ku daray in aanay jirin wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor imaadkaas. Waxaa uu sheegay in qoriga Baasuukaha oo ay soo tuureen uu ku dhacay warshad barafka oo dabka siisa xaafadaha Marka, waxaa uu tilmaamay in ciidamada ay damiyeen dab ka dhashay baasuukaha. Saraakiisha Booliska magaalada Marka ayaa sheegay in Shabaabkii soo weeraray ay ka dileen labo dagaalame, ayna iska caabiyeen, una carareen dhanka deegaanka Jilib Marka sida uu yiri. Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa sanadkii hore si buuxda ula wareegay ammaanka magaalada Marka oo muddo sanado aheyd mid kala qeybsan oo ay isku hayeen maleeshiyo beeleed, ayna magaalada afaafkeeda hore kaga sugnaayeen Source
  5. London (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Ingiriiska ay usoo magacowday ergay gaar ah oo Arrimaha Somaliland lagala xaajoon doono. Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri Barwaaqo ayaa shaaciyay in dowladda Ingiriiska ay usoo magacowday ergay cusub, kaasi oo ka dhigan in loo aqoonsaday dowlad madax banaan. Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa intaasi ku daray in safirka UK ee Somaliland uu fadhigiisu ahaan doono magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, taasi oo shaki badan dhalin karta. Wasiirka wuxuu sheegay in ergaygaasi uu Somaliland wakiil kaga noqon doonaa wasaarada arrimaha dibadda Somaliland, sida uu sheegay Wasiirka. “Runtii waxaan la kulmay uqaabilsanaha Wasaaradda arrimaha dibada UK ee Somaliland, oo fadhigiisu noqon doono Addis Ababa, dhawaanna la wareegi doono xafiiska, wax badan ayaan kala hadalnay, baahida ay dadka Somaliland qabaan”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Somaliland. Marka laga yimaado hadalka wasiirka Warfaafinta Somaliland Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Ingiriiska oo ay kaga hadleyso warka kasoo yeeray maamulka Somaliland. Arrintaani ayaa kusoo aadaysa iyadoo dhawaan xoghayaha difaaca Britain uu booqasho aan hori loo sii shaacin ku tagay Somaliland, balse isagu qudhiisa kama uusan hadal arrintaani. Dowladda Ingiriiska ayaa kamid noqotay dowladaha daneynaya inay saldhig ciidan ka sameystaan dalalka Bariga Africa, gaar ahaan gobolka Awdal ee maamulka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  6. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay arimaha maqaamka caasimaha Soomaaliya ee Muqdisho. Eng Yariisoow ayaa sheegay in ay tahay wax muqadas ah in Muqdisho ay hesho maqaamkeeda iyo xuquudeedi si la siman sida gobolada kale ee dalka Soomaaliya. “Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda uga tashan lahaayeen aayaheeda, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka, waxaan u istaagi doonaa in aan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka”ayuu yiri Yariisow. Gudoomiyihii ka horeeyay Eng Yariisoow ee Thaabid Cabdi Maxamed ayaa xilka looga qaaday arimo la xariira ka hadlida maqaamka Muqdisho oo dowlada Soomaaliya ay u aragto in aan hadda la joogin waqtigeedii. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Eng. Yariisow “Maqaamka caasimada waa Muqadas” appeared first on Puntland Post.
  7. Garoowe ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Cusub ee maamulka Puntland Saciid Dani ayaa ugu baaqay maamulka Soomaaliland in ay dib uga baxaan deegaanada maamulkiisa ka tirsan ee ay ku sugan yihiin Ciidamadooda. Mr Dani ayaa xusay in dhulkaasi uusan muran ka taagneen sidaas daraadeed loo baahan yahay in Somaliland ay Ciidamadeeda kala baxdo. “ Haddii ayagu Ingiriis yihiin annagu Talyaani ma nihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Cusub ee Puntland Saciid Dani. Dhawaan ayey ahayd markii Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay Saciid Dani u doorteen Hoggaanka maamulkaas. The post Madaxweynaha Cusub Puntland oo Somaliland ugu baaqay in Ciidamadooda ay kala baxaan , Sool iyo Sanaag. appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey ciidamo badan oo dhowaan dowladda federaalka ay geysay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Guddoomiyaha gobolkaasi, Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ulajeedka ciidamadan loo geeyay ay yihiin sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga degmadaasi. Waxa uu tilmaamay in maamulkooda uu gacan weyn siinayo ciidamada sugaya amniga degmada Afgooye. “Ciidamadan xilligii la rabo ayaa la geyn karaa Afgooye, mana ahan in munaasabad gaar ah loo geeyo waxay sugayaan ammaanka degmada Afgooye, waana soo dhoweynay ka maamul ahaan waana la shaqeyneynaa” ayuu yiri guddoomiyaha. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan waxa ay ciidamo badan geysay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, kuwaasi oo weli wada howlgallo ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Gabon) Cali Bongo Madaxweynaha Dalka Gabon Dadka qaar, wuxuu u yahay amiir edebta aanan la barin, oo u arka inuu xaq u leeyahay xukunka dalka saliidda qaniga ku ah ee Gabon; wuxuu mar ahaa fannaan, wuxuuna gashaday kabaha aabbihiis si uu u sii wado xukunka 50-ka sano ee qoyskiisa. Qaar kalena, wuxuu u yahay qof is beddel sameeyay – nin ay ku doodayaan, in si dimuqraadiyad ah ay shacabka u doorteen. Balse xaaladda caafimaad ee la soo deristay dhawaan ayaa xiisad ka abuurtay dalkaas oo ay ku nool yihiin in ka badan labo milyan oo qof. Maalintii shalay ahayd, koox saraakiil dhalinyaro ah ayaa isku dayay afgembi dhicisoobay. Sida ay sheegeen saraakiishaasi wuxuu ahaa isku day “lagu soo celinayay dimuqraadiyadda”. Doorashadii sanadkii 2016, ayuu Bongo si dirqi ah ugu guuleystay iyadoo ay jiraan eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo qalalaaso. Dibad-joogaha Gabon Cali Bongo oo loo yaqaannay Alain Bernard Bongo wuxuu ku dhashay dalka deriska la ah dalkaas ee Congo-Brazzaville, bishii February sanadkii 1959. Balse xitaa dhalashadiisu waxay ahayd mid lagu murmay. Warar aan la hubin ayaa sheegaya, in la deyriyay oo la korsaday isagoo laga soo kaxaystay koofur-bari Nigeria markii uu socday dagaalkii Biafra. Alain Bernard weli wuxuu dhiganayay dugsiga hoose markii aabbihiis Cumar Bongo uu la wareegay xukunka Gabon sanadkii 1967. “Laguma dhalin qasriga madaxtooyada, balse wuu ku sigtay. Wuxuu jiray qiyaastii siddeed sano markii uu aabbihiis madaxweyne noqday,” François Gaulme, oo ah taariikh yahan Faransiis ah iyo qoraa wax ka qora siyaasadda Gabon, ayaa sidaas BBC-da u sheegay. “Xaqiiqda ah inuu wax ka bartay iskuullada ugu wanaagsan Libreville isla markaana inuusan baran luqadaha dalkaas looga hadlo, waa wax uu hadhow ku muteysan doono cambaareyn.” Markii uu sagaal sano jirsaday, Cali Bongo waxaa loo diray iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla xaafadda Neuilly ee magaalada Paris, ee dalka Faransiiska, markii dambena, wuxuu galay Jaamacadda Sorbonne oo uu sharciga ka bartay. Taariikhdiisa dibadda ayaa sababtay in dad badan oo reer Gabon ah ay u arkaan ajanbi Alain Bernard ayaa la baxay Cali, aabbihiisna waxaa loogu magac daray Cumar sanadkii 1973, kaddib markii ay muslimeen – waxayna noqdeen labada qof keliya ee qoyskooda ka tirsan ee diinta Islaamka qaata. Go`aankaas ayaa loo arkay mid lagu soo jiidanayo maalgashiga dalalka Islaamka. Balse aabbihiis oo aan markii horeba si fiican u haysan diinta Kirishtaanka ayaa beeniyay arrintaas. Xiisihiisa muusikada Cali Bongo weligiisba ma uusan jecleyn siyaasadda, si kastaba. Wuxuu markiisii hore muujiyay xiisaha uu u qabo kubadda cagta iyo muusikada – oo ah wax uu ka dhaxlay hooyadiis, oo ah heesaa u dhalatay Gabon laguna magacaabo Patience Dabany. Sanadkii 1977 wuxuu soo saaray album cusub. Ma cadda haddii uu weli jaceyl u hayo muusikada iyo haddii kaleba. Dhowaanahan, intii uu xilka hayay waxaa Cali Bongo la sheegay inuu ku raaxeysto heesaha jaaska. Afar sano kaddib albunkaasi, wuxuu damaciisa u weeciyay siyaasadda. Ali Bongo ayaa dowladdii aabihiis ka soo noqday wasriirka gaashaan-dhigga, oo uu muddo toban sano ah hayay. Sanadkii 1989 waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda ee Gabon, balse wuxuu dhammaaday saddex sano kaddib markii uu dhacay isbedel dhanka dastuurka ah, kaas oo qasab ka dhigay in wasiir uu noqon karo keliya qofka ay da`diisa ka weyn tahay 35 sano. Xilligaas wuxuu jiray 32 sano. Si kastaba, waxay u muuqataa inaan loo arkin mid si dabiici ah u dhaxlaya aabbihiis. Wuxuu isku soo taagay doorasho, laakiin dadka reer Gabon uma aysan arkeyn musharrax ay dhab ka tahay doorashada. Cod bixiyeyaasha Gabon ma aysan qanacsaneyn markii uu aabbihiis geeriyooday sanadkii 2009. Balse Cali Bongo ayaa isbeddel la yimid isagoo olole doorasho ku maray gobollada dalkaas. Ugu dambeyntii Cali Bongo ayaa la doortay, isagoo helay 42% codadka. Waxay ahayd mar uu shir maalgashi uga qayb galayay dalka Sacuudiga bishii October, sanadkii 2018 markii ugu horreysay ee isbitaal la dhigo. Wuxuu isla markiiba u baxay dalka Morocco dhammaadkii November, halkaas oo uu weli ku sugan yahay. Waxaa loo maleynayaa in xaalad hubanti la`aan ah oo ku aaddan caafimaadkiisa ay sababtay isku dyagii afgembi ee dhicisoobay. Waxayse tan muujineysaa in Gabon – oo ah dal ay inta badan dadkiisu sabool yihiin uu u baahan yahay isbeddel. Haantan, si kastaba, waxay u muuqataa in awoodda ay weli haystaan madaxweynaha iyo xulafadiisa. Source
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in sanadkan uu yahay sanadkii dadka reer Muqdisho ay heli lahaayene matalaadooda, ayna ula mid ahaan lahaayeen gobolada kale ee dalka. Eng. Yariisow ayaa hadalkaan ka jeediyay degmada Yaaqshiid oo uu kaga qeyb galayay Munaasabad halkaas lagu qabtay, isagoo markii u hoerysay soo hadal qaaday arrinta Maqaamka Muqdisho oo aan weli cadeyn, isla markaana ka jiro muran siyaasadeed. Duqa Muqdisho ayaa xusay in Sanadkaan uu yahay sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda uga tashan lahaayeen aayahooda, islamarkaana ula mid noqon lahaayeen goboladakale ee dalka Ugu dambeyn ayuu Carabka ku adkeeyay Mudane Engineer Yariisow in xuquuqda Gobolada kale ay heleen oo kale ay heli doonto Muqdisho, taas oo uu xusay in ay ku imaan doonto wadajirka iyo midnimada dadka reer Muqdisho sida uu hadalka u dhigay. The post Duqa Muqdisho oo markii ugu horreysay ka hadlay Maqaamka Magaalada Muqdisho. appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Kismaayo (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland oo u muuqda mid ku tashanaya in ciidamada Jubbaland loo diyaariyay ay Al Shabaab ka saarayaan deegaanada maamulkaasi ayaa u jeediyay dardaarankii ugu dambeeyay. Axmed Madoobe ayaa u sheegay ciidamada inay yihiin kuwo Geesiyaal ah oo laga sugayo inay Al Shabaab ka saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin, waxaana uu sheegay in howlgalka ugu horeeya yahay sidii loo xoreyn lahaa Bu’aale. Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo marka hore Al Shabaab. Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada Jubbaland, Dagaalka Shabaab lagu qaadi doono ayuu Madaxweynahu hoosta ka xariiqay in dhinacyo badan laga fulin doono sida deeganada Xeebaha ku teedsan iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo kol dhow gacanta soo gali doona sida uu Madaxweynahu sheegay. Dhaqdhaqaaqa ciidamada Jubbaland ay ka wadaan Jubbooyinka ayaa maalmihii ugu dambeeyay laga dareemayay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada, waxaana ciidamada qaar lagu geeyay magaalada diyaaradaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  12. Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Somaliland iyo sida ay u arkaan khilaafkaasi. Dani oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aanay u arag khilaaf inuu kala dhaxeeyo Somaliland, balse ay taasi u arkaan iney tahay duulaan lagu soo qaaday dhulkooda. “Annaga iyo maamulka Somaliland muran dhuleed nagama dhaxeeyo, laakiin waxay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland, waad ogtihiin 1991 dalku markuu dhacay, dalka waxaa ka jiray 18 gobol oo la yaqaanay, wixii intaa ka dambeeyey dadku waxay isugu guureen nidaamka federaalka ah, intii rabtay baa wada heshiisay, Somaliland waxaa lagu aas-aasay markii ugu dambeysay Boorame marka Burco laga tago, qabaa’ilkii ku bahoobay waa la yaqaanaa, Garoowe markii la’aas aasayna qabaa’ilka ku bahoobayna waa la yaqaanaa, qabaa’ilka u bahoobay Puntland dhisiddeeda waa gobollada Bari, Nugaal, Waqooyoga Gaalkacyo, Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle” Madaxweyne Dani oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale sheegay in Somaliland ay Ingiriis is moodday, balse Puntland aanay noqoneyn Talyaani. “Haddii ay iyagu ingiriis noqdeen annagu Talyaani ma nihin, dhul 60-kii kahor Talyaani iyo ingiriis baa gumeysan jiray halkan ma yaallo, dal Soomaaliyeed oo calan qaatay, umadda Soomaaliyeed oo xor ah taas baa adduunka aqoonsan yahay…marka cidda qaldan iyana wey is yaqaanaan annagane waan ognahay” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee Puntland. Waxaa jira muran dhanka dhulka ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland iyadoo ciidamo Labada dhinac ah weli isku horfadhiyaan aagga deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Marka ( Sh.M.Network):-Dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Somalia ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Russia ee Magaalada Marka. Waxaana dagaalkaasi uu yimid kadib weerar xoogan oo dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay ku soo qaadeen Fariisin Ciidanka dowladda Somalia ku leeyihiin Xaafaddaasi Russia ee Magaalada Marka. Lama oga Khasaaraha labada dhinac ee ka dhashay dagaalkaasi oo hubka culculusay iyo kuwa fudud intaba la isku weedaarsaday. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo howlgallo ka wada Xaafado ka tirsan Magaalada Marka. Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe joogteeyay weerarada ka dhanka ah Magaalada Marka oo kol hore Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen. The post Dagaal Ciidamada DF iyo Al Shabaab ku dhexmaray Magaalada Marka. appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-100119.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa saaka khudbad u jeediyay Ciidamado ka tirsan Jubaland oo u diyaar garoobaya howlgal Al-shabaab looga saarayo gobolkaJubbada Dhexe. Ciidamada uu madaxweynuhu khudbadda u jeediyay waxaa kamid ah kuwa ka howlgalayay aagga degmada Afmadow ee gobolka Jubada hoose oo madaxweynuhu sheegay in shaqo wanaagsan ay qabteen Al-shabaabna u diideen in ay degaanka soo holiyaan, wuxuuna ku ammaanay hawshaasi ay qabteen. Mudane Axmed Madoobe ayaa intaasi ku daray in degmada Afmadow isbadal lagu samayanayo oo Maamul Ra’yid ah loo dhisayo iyadoo ciidamadii halkaasi fadhiyayna ay hawlgallo u tegi doonan degaanno kale oo Al-shabaab gacanta ku hayso. Madaxweynahu wuxuu sheegay in Ciidamada Jubbaland oo dhan ay howlgalkan fulinayaan ayna u diyaarsan yihiin iyadoo si wadajir ah loo bilaabaya howlgalo qorshaysan oo malayshiyaadka lagu qaadayo,si shacabka ay dhibaatada ku hayaan looga kiciyo. Sidoo kale Xarun Cusub oo tababar ayuu sheegay in la hirgalinayo inta uu howlgalkan socdo iyadoo dib u habayn iyo qaabayn lagu samayn doono dhamaan Ciidamada ku jira dagaalka Al-shabaab lagu qaadayo. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dhinacyo badan laga fulin doono hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab sida degaannada Xeebaha ku teedsan iyo gobolka Jubada dhexe oo haatan ku jira gacanta Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada Jubaland oo amar lagu siiyay dagaal ka dhan ah Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  16. Gaalkacyo ( Sh.M.Network):-Gaashaanle dhexe Maxamuud Cilmi Gulaafe oo ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ayaa sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen nin uu ku sheegay in uu yahay Gacan ku dhiigle dil u geystay Ganacsade can ka ahaa Magaalada Gaalkacyo. Taliye ku xigeenka ayaa xusay in baaritaanno ay ku hayaan shaqsigaan ku eedeysan falkaasi dilka ah. Waxaana uu ku nuux nuuxsaday in dilalka ku soo noq noqda Magaalada Gaalkacyo ay sabab u yihiin hubka buux dhaafiyay Magaaladaasi Gaalkacyo kaas oo haatan ay qorsheynayaan in ay wax ka qabtaan. Ninkaan ay sheegeen Booliska Gaalkacyo in ay gacanta ku soo dhigeen ayaa lagu eedeeyay in uu dilay Ganacsade Magaciisa lagu soo gaabiyay Bashiir shalay Galinkii dambe , waxaanta haatan uu ku jiraa Xabsi ku yaallo Magaalada Gaalkacyo. Dilkaan ayaa loo sababeeyay kadib muran dhexmaray Marxuumka iyo Ninka falkaasi dilka ah geystay. The post Booliska Gaalkacyo oo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Gacan ku dhiigle dil ka geystay Magaaladaasi. appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ugu baaqay shacabka maamulkaasi in ay wadashaqeyn buuxda u muujiyaan madaxweynaha cusub ee Puntland. Gaas ayaa sheegay inuu hubo in madaxweyne Dani yahay shaqsi wax bada ka qaban kara xaaladda Puntland, islamarkaana isbedal ballaaran keeni kara haddii fursaddiisa la siiyo. Xilligan ayuu sheegay in shacabka Puntland looga baahan yahay iney muujiyaan wadajir iyo Midinimo. “Puntland waa mid, waxaan u baahannahay midnimo iyo Wadajir, madaxweynaha cusub waan ku kalsoonahay, waana nin shaqadiisa kasoo bixi kara, shacabkana waxaa ugu baaqayaa iney la shaqeeyaan” ayuu yiri Gaas. Dhanka kale, C/weli Gaas ayaa ballanqaaday in haddii madaxweynaha cusub uu uga baahdo talo iyo la shaqeyn uu xilli walbo diyaar u yahay inuu waayo-aragnimadiisa ku biiriyo. Doorasho 8-dii bishan ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu doortay madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa ku dhawaaqay arin uu xilka ku waayay guddoomiyihii ka horeeyay Taabid Cabdi Maxamed. Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in sanadkaan uu wado qorshihii shacabka Muqdisho ay ku heli lahaayeen Matalaad siyaasadeed oo ay ku yeeshaan dowladda Dhexe. Wuxuu sheegay in sanadkaan cusub ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii shacabka Muqdisho ay ku heli lahaayeen matalaada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waana arintii uu xilka ku waayay guddoomiye Taabid, kadib markuuu olole u galay maqaamka Muqdisho. “Sanadkaan wuxuu noqon doonaa Sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda aayahooda uga tashan lahaayeen, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka aan u istaagno, islamarkaana aan ka dhabeyno inay matalaada ka helaan golaha shacabka iyo aqalka sare”. “Taasi waxaan ku heli doonaa wadajirkeena, iyo inaan dulqaadkii badnaa ee aan sameynay u helno, oo aan ka dhabeyno dadaalkeena oo wadajira, waa inaan mar walbaa ummadda Soomaaliyeed u horseednaa inaan Hormuud u nahay”ayuu yiri Yariisow. Eng Yariisow ayaa hadalkaan ka jeediyay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, laakiin guddoomiyaha ma uusan sheegin wadada uu umari doono ka dhabeynta balanqaadkaasi oo guddoomiyihii ka horeeyay uu ku baxay. Waxaana Su’aasha taagana ay tahay muddo uu xilka hayo kadib miyuu ku guuleysan doonaa ka dhabeynta qorshahan mase xilka ayuu ku weyn doonaa? Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararku ayaa waxay sheegayaan in weerarka dagaalkan ay lahaayeen Al-shabaab, iyadoo dagaalka xooggiisa uu ka dhacay xaafadda Ruusiya ee magaaladaasi. Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in dagaalkaasi uu socday in ka badan Hal saac. Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa sheegay iney jirto waxyeello badan oo soo gaartay dadka shacabka ah, kadib markii rasaas badan ay guryahooda ugu tagtay. Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkana lama oga, hase ahaatee ugu dambeyn Al-shabaab ayaa dib uga laabtay Marka. Magaalada Marka ayaa dhowaan waxaa dib ugu laabtay shacabkii ka barakacay, iyadoo magaaladaasina marar badan kusoo noqnoqdeen dagaallada u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn ay 8-dii bishan ay fuliyeen deegaan ka mid ah gobolka Baay. War-saxaafadeed kasoo baxay taliskan ayaa lagu sheegay in duqeyntan ay ka fuliyeen deegaanka Yaaq Baraawe ayna ku dileen 6 ka mid ah Al-shabaab. Waxaa lagu sheegay qoraalkan in deegaankaasi ay iska soo abuubuli jireen Al-shabaab, sidaa darteedna weerarka loogu qaaday. Sidoo kale, Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntan aanay waxyeello kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku dhowaa halkaasi. Waa duqeyntii Shanaad oo dowladda Maraykanka sanadkaan gudahiisa ka fuliso gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo lala eegtay Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Wasiirrada bey’ada Carabta ayaa kulan ku leh dalka Urdun halkaas oo ay uga hadlayaan arrimaha bey’adaha gaar ahaan dhibaatada gashinka. Soomaaliya waxaa uga qeyb galaya ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)،Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar). Shirkan ayey carabta uga hadlayaan Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka waxaa uu hordhac u yahay shirka Nairobi. Qaramada midoobey ayaa la sheegayaa in shirka bey’adada ku qaban-doonto Nairobi March 11-15 in Nairobi, Kenya, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysi uu dhinacyo badan kaga hadlayo siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysiga wuxuu kaga hadlay arimaha Somaliland, sida loo xalin karo Khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada iyo in doorashadiisii ay Musuq maasuq ka madax banaaneyd. Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Deni, ayaa ugu horeyn sheegay in Somaliland ay kusoo xad gudubtay xuduuda Puntland, isaga oo sheegay in xuduuda deegaanada Puntland la wada yaqaan. Wuxuu si cad u sheegay in xad gudubta Somaliland ee dhanka xuduuda inuu yahay mid aan la aqbali doonin isaga oo sheegay in xuduudooda tahay deegaanada dadka Soomaaliyeed oo dhan wada yaqaanaan. Arinta labaad ee Muhiimka ah ee uu ka hadlay ayaa ahaa khilaafka madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxda Soomaaiiyeed balse ay jiraan kala aragti duwanaan ku aadan hanaanka la doonayo in loo hormariyo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in kala aragti duwanaantaasi jirta loo baahan yahay in madaxda ay xaliyaan, isagana uu doorweyn ka ciyaari doono kala aragti duwanaantaasi, sidii loo dhameyn lahaa. Arinta kale ee uu kaga hadlay wareysiga ayaa aheyd in doorashadiisa ay ka madax banaaneyd Musuq maasuq, waxaana uu sheegay in wax musuq ah aan isaga lagu dooran, sida uu sheegay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  23. Laba maalin ayaa laga joogaa kaddib is bedelkii ka dhacay maamulka Puntland. Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo 30 sano ah halgan siyaasadeed ku soo jiray ayaa bedelay Cabdiweli Cali Gaas oo 5tii sano ee u dambeeysay majaraha u hayey Puntland. Hase ahaatee, su’aasha la is weydiinayo ayaa ah muxuu Deni ka bedeli doonaa habdhaqankii Puntland ku soo dhaqmeysay 20kii sano ee ay jirtay. Deni wax badan oo caqabado ah ma horyaalaan maadama uu qabanayo maamul afar Madaxweyne uga horreeyeen, kaliya waxaa laga rabaa in uu mushaharaadka shaqaalaha rayidka ah joogteeyo, ciidamada dib u hayan ku sameeyo oo uu mushaarkooda meel saaro, xal waara u helo amni darada Bosaaso oo uu doorasho qof iyo cod ah gaarsiiyo Puntland. Dhamaan qodobadaas waxbaa ka bilaaan oo isaga kaliya wax ku darid iyo dhammeystir ayaa laga rabaa. Hadaba, waa maxay qodobka ugu weyn ee ay Soomaali oo dhan isha ku hayso? Doorashadii Puntland salaasadii ka dhacday waxa ay saameyn weyn ku lahayd Soomaaliya, gobolka iyo caalamka oo dhan taas waxaa tusaale u ahaa sidii xamaasadda lahayd ee loola socday. Deni waxaa la rabaa ama Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ka sugeysaa in uu hagaajiyo xiriirka waligiiba xumaa ee Garoowe iyo Muqdisho. Tan iyo markii uu Cabdullahi Yusuf (AUN) ka tagay Puntland, dhammaan madaxdii soo martay waxa ay laf dhuun gashay ku ahaayeen dowladnimada Soomaaliya iyaga uu xifaaltan kula jiray raga Villa Soomaaliya joogay. Waxaa ugu dambeeyey Cabdiweli Cali Gaas oo gaarsiiyey heerkii ugu xumaa abid. Dhaqankaas Puntland kuma ekaan oo xataa waxaa sidaas u dhaqmay maamulada kale, horaa Soomaali ugu maahmaahday ‘Ratiga dambe ratiga hore saan qaadkiisa ayuu leeyahay!’ Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni waxaa habboon in uu Cabdullahi Yusuf (AUN) uga daydo ku dhaqanka mabaa’diidii Puntland loo dhisay oo ahayd in marka hore iyaga ku kala badbaadaan oo ay nolol horumar leh ku noolaadaan iyo in lagu raadiyo dowlad Soomaaleed oo hana qaada, taas wey dhacday oo Puntland waxa ay noqotay budhigga Federaleenta dalka. Tusaale wanaagsan waxaa kuugu filan, Cabdullaahi Yusuf (AUN) markii loo dhaarinayey xilka Madaxweyne ee Puntland waxa uu ku dhaartay “Ku dhaqanka dastuurka maamul gobolleedka Puntland” halka kuwii ka dambeeyey oo uu ku jiro Deni marka laga reebo Cadde Muuse (AUN) oo aan ka warqabin ay dhammaan ku dhaarteen (Dowladda Puntland) taas waxa ay caddeyn u tahay sida Cabdullaahi Yusuf u ilaalinayey mabaadi’dii loo aas aasay. Deni waa in uu kala gartaa kuna dhaqmaa waxa ay dowladda dhexe xaqa u leedahay iyo waxa uu dastuurka u gaar yeelayo Puntland oo uu meesha ka saaraa danihii gaarka ahaa ee madaxdii ka horreysay xadka ka saarayey. Arrintaas oo uu fuliyo waxa ay dhaxalsiin doontaa in uu halyey u noqdo Soomaaliya oo dhan, berrina isu soo taago isaga oo la jecelyahay xilka ugu sarreeya ee dalka. Ma aha in uu qaado tallaadii Soomaali iyo Puntland-a hoojisay ee kala irdheynta umadda. Deni waa in uu ka fogaadaa hadaladdii xanafta lahaa ee ka soo yeeri jiray kuwii ka horreeyey madaxdii ka horreeysay iyo xiriir u jarkii joogtada ahaa ee dowladda dhexe. Taas haddii uusan uga dayan Gaas iyo kuwii ka horreeyey, Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu noqon doonaa shaqsi ka qeyb qaata dib u curashada qaran Soomaaliyeed oo sumcad dunida ku leh. W/Q: Mahad Axmed Warsame Garoowe, Puntland, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. Xog: Sababta ay Xukumada Farmaajo u joojisay Bixinta Basaboor Soomaaliga Dadweynaha Soomaaliyeed ee Qaadanaya Boosaboorka Soomaaliga ah ayaa waxaa wali heysta xayiraad dhinaca helidda Baasaboorka ah. Dadweynaha horay u dalbaday Baasaboorka ayaa muddo laba bilood ku dhow waxaa ay la’yihiin Baasabooraddii ay dalbadeen. Qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maalin waliba la ballamiyo haddana aan loo sheegin sababta uu hakadka ugu jiro baasaboorka lacagaha looga qaatay. Dadka ka cabanaya Baasaboor la’aanta ayaa sheegaya in ay Bukaanno uga jiraan Cibsitaallada una rabaan Isbitaallo dibadda ah,kuna adag tahay in ay helaan Baasaboorkooda. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xayiray Baasaboorka, waxaana ilo-wareedyo la hadlay Warbaahinta ay sheegeen in uu jiro muran u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo sharikadda sameysa Baasaboorka Soomaaliya. Xogta ay heshay Warbaahintu waxaa ay sheegeysaa in Dowladda Soomaaliya ay go’aansatay in ay ka wareegto sharikadda sameysa Baasaboorrada, sharikadduna ay lacag ku leedahay dowladda Soomaaliya. Qaran News