-
Content Count
207,257 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Askari ka tirsan ciidamada somaliland ayaa dhaawac u gaystay Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye. Warar aanu helayno ayaa waxa ay sheegayaan in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu ku furay askari deganaa dhul la doonayey in laga raro. Askarigan rasaasta ku furay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa ka mid ahaa dad la sheegay inay dagan yihiin dhul uu leeyahay dugsiga caafimaadka ee dawladu maamusho, kaas oo loogu tala galay inay galaan macalimiinta wax ka dhigta dugsigaas balse burburkii dawlada Soomaaliya ka dib ay daganayeen dad shacab ahi. Agaasimaha guud ayaa la sheegay inuu askarigan oo qoyskiisu daganaa dhulkaas ku amray inuu ka guuro, taas oo keentay in cadho ku dhalatay askariga ay keentay inuu rasaas furo. Wararka ayaa sheegay in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu ka dhaawacmay bawdada isla markaana ay rasaastu dhex martay hilibka balse aanay jabin, kaas oo haatan ku sugan gurigiisa magaalada Hargeysa ka dib dawayn kooban loo loo sameeyey. Source
-
London (Caasimada Online) – Wargeyska The independent ee kasoo baxa London ayaa qoray in xiisad siyaasadeed oo xooggan ay ka dhex oogan tahay dowladaha Soomaaliya iyo UK. Wargeyska ayaa sheegay in go’aankii dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom uu sababay in UK ay joojiso safar la qorsheeyey in wasiirka difaaca dalkaas Gavin Williamson uu ku tago magaalada Muqdisho. Wargeyska waxa uu sheegay in Williamson uu la kulmi lahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda, hase yeeshee UK ay baajisay safarkaas ayada oo u muujineysa Muqdisho, sida aysan ugu qanacsaneyn go’aanka lagu cayriyey Haysom. Williamson ayaa taas beddelkeeda booqday magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Britain ayaa golaha ammaanka ee QM hor-dhigtay bayaan sabtidii la isku raacay oo golaha uu ku muujiyey sida uu uga xun yahay go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku cayrisay Haysom. Wargeyska waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax fal-celin ah ka sameyn bayaanka UK ee golaha ammaanka iyo joojintii safarkii la qorsheeyey inuu Williamson ku tago magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
The Somali National Army (SNA) carried out an operation to clear illegal checkpoints along roads in Afgoye district on Thursday. The operation led by General Odowa Yusuf Raage removed several checkpoints that were used to distort money from road users and arrested five people who were among those operating them. General Rageh who spoke to the media said SNA also confiscated weapons used by the criminals and added that they will defend the public from such harassment. The representative of the loweShabellele region’s administration has commended the SNA for their action. The post Somali arms launches an operation to clear up Illegal Checkpoints appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa lagu magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka. Guddigaan oo ka kooban 11 xubnood oo khabiiro ah ayaa waajibaadka laga doonayo wuxuu yahay tirakoobka hantida dawladda iyo soo celinta dhulka iyo gaadiidka sida sharci darrada ah dawladda uga maqan. Hoos ka akhriso magacyadda Guddiga The post Khayre oo magacaabay guddiga Badbaadinta Hantida Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka Guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida Qaranka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka kooban 11 xubnood oo ay kujiraan 8 wasiir, guddoomiyaha gobolka Banaadir, hanti-dhowraha iyo xeer ilaaliyaha. Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Odayaashii is-xilqaamay ee muddoba dhexdhexaadinta ka dhex waday isu soo jiididda xisbiyada qaranka Somaliland ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI si ay qabsoomidda doorashada xal uga gaadhaan ayaa waxa soo food saaray culays weyn oo hakinaya dadaalkooda aan wali midho dhalin, kadib markii ay kulankoodii ugu dambeeyey oo ay la qaateen saraakiil ka socda xisbiga WADDANI wax natiijo ahi ka soo bixin iyada oo Xisbiga WADDANI ku adkaystay mawaaqiftiisii uu hore arrinka doorashada uga qabay. Kulan gaar ah oo ka qabsoomay Guriga Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ay isugu yimaadeen xubnaha odayaasha ah oo kala ahaa Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin oo hore Madaxweyne ku xigeenno uga soo noqday Somaliland iyo Masuuliyiin Xisbiga WADDANI ah ayaa ku dhammaaday in aanay wax natiijo ahi ka soo bixin, kadib markii saraakiisha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI odayaasha dhexdhexaadinta waday u sheegeen in xisbigu ku taagan yahay go’aankii iyo mawaaqiftii ay hore uga qaateen duruufaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanka Somaliland oo dib u dhac ku yimid waxaanay sheegeen in aanu xisbigu aqoonsanayn Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ay hore kalsoonida ugala laabteen kuna adkaysanayaan in la kala diro xubnaha Komishanka haddii bay yidhaahdeen la doonayo in doorasho xor iyo xalaal ahi dalka ka qabsoonto. Xubnaha ka socday dhiaca xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Mudane Jamaal Jaamac Xaamud, Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiqaadir Saalax Iidle ayaa waxa ay kulan gaar ah la yeesheen Madaxweyne ku xigeennadii dalka soo maray oo ka mid ah odayaasha sida gaarka ah isugu xil qaamay in ay isku soo jiidaan Xisbiyada qaranka oo ku kala qaybsan qaabkii ay xal uga gaadhi lahaayeen in ay ku qabsoonto doorashooyinkii wakhtigooda dib uga dhacay. Masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee ay kulankan la yeesheen Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa waxa ay sheegeen in aanay waxba iska baddalin shuruudihii ay ku xidheen in wax laga qabto haddii la doonayo in ay doorshadu innoo qabsoonto waxaanay si gaar ah u adkeeyeen in la kala diro Komishanka doorashooyinka. Waxa ay sidoo kale talo ahaan Masuuliyiinta xisbiga WADDANI odayaasha ku siiyeen in Guddidan dhexdhexaadinta isu xilqaamay laga saaro xubno hore u soo maray xisbiyada qaarkood kuwaasi oo aan lahayn wax kalsooni ah oo ay cid isugu soo jiidi karaan. Marar badan ayuu xisbiga WADDANI ku celcelinayay aragtidiisa la xidhiidha qaabka ay dalka doorshooyinku uga qabsoomin karaan isaga oo mar walba sheegayay in aanay wax kalsooni ah ku qabin Koomishanka Doorashooyinka ee wakhtigan jooga, waxaana toddobaaadkii hore burburay wada hadallo muddo u socday saddexda xisbi qaran. Lamana oga sida xaaladdani ku dambayn doonto. Qaran News
-
Guddoomiyayaasha Guurtida Iyo Wakiilada Oo Ku Mashquulsan Qorshe Ay Xisbiyada Mucaaridka Ku Furfu- rayaan + Shir Qarsoodi Ah Oo Ay La Galeen Sarkaal Xisbiga UCID Ka Tirsan Xukuumadda iyo Gudoomiyayaasha Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda ayaa dadaal dheer ugu wada jira sidii ay Xisbiyadda Mucaaridka u kala jabin lahaayeen ee ay u ogolaysiin lahaayeen inay ka soo tanaasulaan Mawqifkii ay kala taagnaayeen Komishan Doorashooyinka, waxaanay si gooni gooni ah ula faqayaan inay marsiiyaan Korodhsiimo la sheegay inay Xukuumaddu rabto inay wakhti dheer dib ugu dhigto qabsoomida Doorashooyinka Wakiiladda Iyo Goleyaasha Deegaanka, iyo sidii komishankan Sidaa uu yahay loogu dayn lahaa inta Doorashadan Soo socota la qabanayo. Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa shalay Galinkii hore kulan gaar ah oo qarsoodi ah la yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, kulankaasi oo la sheegay inuu qayb ka yahay dadaal ay Labadan Gudoomiye ugu jiraan sidii ay marka hore Xisbiga UCID oo isagu meel dhexe jooga ay uga dhaadhicin lahaayeen sidii ay uga soo tanaasuli lahaayeen mawqifkii ay ka qaateen Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Fadhigii u dambeeyay ee ay Saddex Xisbi ka yeesheen kaasi oo uu Xisbiga UCID dalbaday in Komishankan sidaasi lagu daayo doorashadan soo socota islamarkaana laba Xubnood uun loogu daro Xisbiyadda Mucaaridka ah, qorshahaasi oo uu mid ka duwan uu la yimid Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee WADDANI, Islamarkaana ay iyagu ku adkaysteen in Gabi ahaanba lakala diro Komishanka hadda jooga oo kuwo kale oo Cusub lasoo magacaabo, Arintaasi oo khilaaf abuurtay, islamarkaana sababtay in fadhigaasi lagu kala kaco, oo uu wada hadalkii burburo. Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax iyo Gudoomiye Saleebaan ayaa kulankan sida gaarka ah ay Shalay ula yeesheen Sarkaalkan ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa sida aanu xogtan ku helnay,waxay ay kala hadleen sidii ay Xisbiga UCID uga wada shaqayn lahaayeen sidii aragti midaysan iyo mawqif isku mid ah looga wada yeelan lahaa Qabsoomidda Doorashooyinka Wakiilada Iyo Deegaanka iyo sidii meesha looga saari lahaa ku kala aragti duwanaan shiyaha Arimaha Doorashooyinka iyo sidoo kale sidii looga heshiin lahaa Khilaaf taagan, waxaanay u muuqataa inay Sarkaalkan oo aad uga agdhaw Gudoomiyaha Xisbiga UCID ay ka doonayaan inuu Gudoomiyahiisa kula noqday islamarkaana uu kasoo dhaadhiciyo in khilaafka iyo muranka Jooga geed la iskaga tiiriyo, islamarkaana danta caamka ah laga wada shaqeeyo, iyo sidii wakhti ku haboon loogu cayimi lahaa Qabsoomida Doorashada Goleyaasha Muddo dhaafay. Dhinaca kale Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa isagu mawqifkiisa ku adag, islamarkaana xal u arka in Komishanka hadda jira lakala diro oo kuwa kale lasoo magacaabo. Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Shirka oo looga hadlayo qorshaha kala guurka ee ciidamada nabad ilaalinta ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho Madaxa xafiiska taageerada howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, Gen Fidza Dludla oo ka qayb kulankaasi ayaa ujeedka shirkaasi ku sheegay xoojinta howlagalkooda dalka. Mr Fidza ayaa xusay in kulankaasi looga hadlay qorshaha ku meel gaarka ah ee ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay kula wareegayaan mas’uuliyiinta ammaanka dalka. Shirka oo ay soo qaban qaabisay dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa difaaca ciidamada AMISOM. Col. Olugbemi Adeboye Obasanjo oo ka tirsan saraakiisha ciidamada AMISOM ayaa xusay in amniga ciidamada ka jooga Soomaaliya uu yahay mid muhiim ah isla markaana uu qayb ka yahay hindisa AU-da. Midowga Afrika ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga 20,000 oo askar, iyadoo lagu wado in ciidamadaasi ay ka baxaan dalka sannadka 2021, taasoo qayb ka ah qaraar ka soo baxay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. The post Shir ku saabsan bixitaanka AMISOM oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Maano Maxamed Caamir oo ah Muwaadin Soomaaliyeed oo si sharci darro ah looga haystay gurigeeda ku Wareejiyey oo ku yaalla degmada Shibis. Guddoomiyaha Gobolka ayaa markii uu eegay dhammaan sharciyadii la soo bandhigay oo soo maray heerarka kala duwan, isla markaana u caddaatay in Maano Maxamed Caamir ay leedahay gurigan, waxuu si rasmi ah ugu wareejiyey furayaasha gurigeeda. Duqa Muqdisho ayaa xaqiijiyey in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay ilaalinta sharciga iyo caddaladda bulshada, lagana hortagayo cid walba oo doonaysa in ay ku xad-gudubto hantida muwaadiniinta. Sidoo kale, waxuu digniin u jeediyey dadka ku dacwoonaya sharciyada been abuurka ah ee ku baneysanaya hantida dadka masaakiinta ah in tallaabo adag ay mudan doonaan, gacanta sharciguna gaari doonto. “Marna ma aqbalayno in Muwaadiiniinta Soomaaliyeed ay guryahooda xoog uga haystaan dad ku dacwoonayo sharciyo been abuur ah, Maamuulka Gobolka Banaadir waxuu mar walba u taagan yahay yahay ilaalinta nafta iyo maalka shacabka ku nool Caasimadda”. Maano Maxamed Caamir ayaa uga mahadcelisay Madaxda Qaranka iyo Guddoomiye Eng. Yarisow soo celinta gurigeeda oo muddo badan ka maqnaa.
-
Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni ayaa maanta markii ugu horeysay waxaa kulan la qaatay golaha wasiirrada ee dowlad goboleedkaasi. Shirka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdi Xakiin Xaaji Cumar (Cameey). Shirkan oo lagu adkeeyey inay dhammaadeen xiligii ololaha iyo kala qeybsanaanta haddana loo baahanyahay in la wada shaqeeyo ayaa qodobbadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa: 1. In laamaha dowladda ay si degdeg ah shaqadooda ugu noqdaan. 2. In amniga guud ee dalka la ilaaliyo, lagana hortago wax kasta oo hoos u dhac amni keeni kara, lana ilaaliyo qaan-gaarnimada iyo jiritaanka Puntland. 3. guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimayaasha iyo shaqaalaha ay dib ugu noqdaan shaqadooda. 4. In aan laga faa’ideysan waqtiga kala guurka ah ee ay Puntland ku jirto, oo ah in ay ilaashadaan dowladnimadooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garowe kula kulmay musharixiintii uu kaga guuleystay xilka madaxweynaha iyo kuwii isaga u tanaasulay. Kulan ka dhacay magaalada Garowe oo Qado Sharaf ahaa ayaa kadib madaxweynaha cusub ee Puntland wuxuu la hadlay musharixiinta kula tartantay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe. Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland kaligii uusan waxba ka qaban karin, islamarkaana uu u baahan yahay in musharixiinta ay kala shaqeeyaan sidii loo hormarin lahaa deegaanka. Doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayuu sheegay inay ka dhigan tahay inay dhamaantood wada guuleysteen, waxaana uu ka codsay inay kala shaqeeyaan horumarinta deegaanka. Madaxweynihii hore ee Puntland iyo ku xigeenkiisii ayaa qeyb ka ahaa kulanka maanta ka dhacay magaalada Garowe. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magacaabay guddiga badbaadinta iyo soo celinta hantida qaranka. Guddigan ayaa shaqadiisa tahay inuu xaqiijiyo ilaalinta iyo bad-baadinta hantidii qarankii ee ay lahayd dowladii dhexe ee Soomaaliya ka hor 1991-kii. Waxyaabaha guddiga laga doonayo ayaa wxaaa ka mid ah inay si deg deg ah gacanta dowladda ugu soo celiyaan goobaha dowladeed ee loo baahan yahay. Hoos ka aqriso magacyada xubnaha guddiga
-
The new President of Puntland State of Somalia Saeed Cabdullaahi Deni and have deputy Ahmed Elmi Osman Karash has attended the weekly cabinet meeting which was held at the presidential palace in Garowe. The meeting was also attended by the former President Dr. Abdiweli Mohamed Ali Gaas and his deputy Eng. Abdullahi Omar Amey, and they jointly chaired the cabinet meeting. The new President of Puntland is the second visit of the Presidential House since he was elected president of Puntland. Former Puntland President Abdiweli Gaas called on the people of Puntland and the armed forces to work with the new government. PUNTLAND POST The post New Puntland President meets with cabinet ministers appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, oo ku sugan degmada Afmadow ayaa sheegay in isbedal lagu sameynyo maamulka degmadaasi ka tirsan gobolka Jubadda Hoose. Mr Axmed Madoobe oo fahfaahinaya ujeedka ay ka leeyihiin arrintaasi, wuxuu ku tilmaamay si shacabka ay uhelaan adeegyadda ay uga baahan yihiin maamulka. Dhanka kale, Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyay in dhowaan la qaadi doono guluf ay ku xorreynayaa degaanada ka maqan gacanta dowlad goboleedka Jubbaland. Ugu dambeyntii, shacabka iyo ciidamada ayuu ku tartarsiiyay inay udiyaar-garoobaan dagaal balaaran oo uu shaaciyay in dhowaan la qaadi doono, islamarkaana ka dhan ah Al-Shabaab. The post Isbedal lagu sameynayo maamulka D/Afmadow appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Xoghayaha joogtada ah wasaraada arrimaha dibada Kenya, Macharia Kamau, ayaa sheegay in ay adag tahay in ciidamadooda xiligani ay kasoo saaraan dalka ilaa iyo inta laga soocelinayo nabadii iyo xasiloodii Soomaaliya Isagoo warbaahinta kula hadlayay magalada Nairobi xarunta dalkaasi ayuu sheegay in ay fududaday in laga qeybgalo nabadeynta Soomaaliya basle ay adag ay tahay in laga soo baxo Somalia, sida uu yiri. Mr Kamau ayaa intaasi ku daray hadlkiisa in uu ku kalsoon yahay in kaalinta haatan Kenya ay ka ciyaarayso nabadeynta Soomaaliya. Hadalka xoghayah ayaa kusoo aadaya iyadda oo Madaxwayne Uhuru Kenyatta uu wajahayo cadaadis ku aadan inuu ciidamadiisa kala soo baxo Soomaaliya. Qorshahaan oo ay hor-boodayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa doonaya in si loo dhigo kaalinta dalkooda ee nabadeynta Soomaaliya, taasi oo ay ku yareynayaa khasaaraha ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha wadankaasi. Ciidamada Kenya oo gudaha dalka soo galay sanadkii 2011-kii ayaa qayb ka ah howlgalka AMISOM, iyaga oo ku sugan goboladda Jubooyinka, halkaasi oo ay ku leeyihiin saldhigyo waawayn. The post Kenya: “Ciidamadeenu way sii joogayaan Somalia” appeared first on Shabelle. View the full article