Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,257
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somali Prime minister Hassan Ali Kheire has today appointed a committee to protect the public properties. In a statement issued on Thursday, Prime minister Kheire nominated 11 member committee majority of them selected from his cabinet. The members are tasked to protect and recover the public lands and other government properties. “Based on the directive from the president which was ordering protection and recovery the public properties left by the central government in 1990 [therefore] we appointed protection and recovery committee,” the statement reads in part. The 11-member committee tasked with the protection and recovery of public lands and properties includes Mogadishu mayor, Abdirahman Omar Osman. Others are eight ministers from the cabinet, the Auditor General and the Attorney General. The post Somali PM names committee to protest public properties appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Waxaa sii xoogeeystay dab fiidkii caawa ka kacay Suuqa ugu weeyn Soomaaliya ee Suuqa Bakaaraha. Dabkaasi ayaa la sheegay in uu ka kacay Koronto inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin dabka waxa uu ka dhashay. Dadka ayaa ku sii fidaya goobo aad u farabadan oo gudaha suuqa Bakaaraha ah. Goobo ganacsi oo hor leh ayuu dabku sii gaarayaa hadda. Gaadiidka dab damiska ayaa ku guul dareeystat daminta dabkaaasi. Dad weeyne farabadan oo ay ku jiraan ganacsatada ayaa soo gaaraya suuqa. Ciidamada amaanka ayaa lagu soo daadiyay gudaha suuqa inkastoo meelaha qaarna laga soo sheegayo boob loo geeystay goobo ganacsi. Tira koob rasmi ah oo ku aadan qasaaraha dabku uu geeystay lama hayo hayeeshee qasaaraha ayaa aad u badan. Faah faahinta dabkaasi PP kala soco. Xasan Maxamed Samatar Cowke Bakaaro Muqdisho Somalia The post Dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha oo sii xoogeeystay appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Shabelle-10012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online)-Dab Xoogan ayaa ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga baqayo inuu kusii faafo goobo kale oo ka baxsan halka uu ka kacay. Labadii maalin ee lasoo dhaafay dabeylo xoogan ayaa ka jiray magaalada Muqdisho kuwaasi oo sii faafin kara dabka ka kacay caawa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Lama yaqaano waxa uu dabka ka bilowday, laakiin wuxuu markii hore ka bilowday qeybta Huudheyda ee Suuqa Bakaaraha, isaga oo goobo kale gaaray. Dadweyne badan ayaa la arkayaa kuwaasi oo ku baxay goobahooda ganacsiga si ay kaga badbaadsadaan hantidooda inta uusan dabka gaarin. Gurmad xoogan oo la doonayo in daba lagu joojiyo ayaa hadda socdo, waana markii afaraad oo dab sidaan u xoogan uu suuqa ka kaco labadii sano ee lasoo dhaafay. Qorshe la’aan ka hortaga Dabka ayaa kordhin kara dababka magaalad ka kaca. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Dab aad u xoogan ayaa goordhow waxaa uu ka kacay suuqa weeyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Dabka ayaa si gaar ah waxa uu uga kacay suuqa lagu iibiyo huudheeyda. Warar is qilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa sababay dabkaan wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo hubeeysan ay isku rasaaseeyeen gudaha suuqa rasaaataasina ay sababtay dabka. Gaadiidka dab damiska ayaa ku hoowlan daminta dabkaasi. Suuqa Bakaaraha dhoowr jeer oo hore ayaa waxaa ka kacay dab ceenkaan oo kale ah geeystay qasaare aad u badan. Faah faahinta dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dab Caawa ka kacay suuqa Bakaaraha appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo suuqa Bakaaraha ee Muqdisho waxay sheegayaan inuu dab halkaasi ka kacay. Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaya in Dabka uu ka kacay dhinaca suuqa lagu iibiyo Huudheyda, islamarkaana uu kusii fidayo qaybaha kale. Kooxaha dab-damiska ayaa ku howlan sidii ay baq-tiijin lahaayeen dabka, oo bas-beeliyay xarumo badan oo ganacsi. Khasaaraha ayaa lasoo sheegayaa inuu ubadan yahay mid Hantiyadeed, iyadda oo aanan wali lasoo warin hadii ay mid nafeed jirto. Wixii warar ah ee kusoo kordha kula soco wararkeena dambe, Insha Allah The post Dab xoogan oo ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Wararka aan ka heleyno suuqa Bakaaro, ee degmada Howl-wadaag ee caasimadda Muqdisho ayaa sheegaya in ay gubteen qeybo ka mid ah suuqa kuwa ugu muhiimsan. Qeybaha dharka, bagaashka iyo qalab kale ayaa waxaa ka kacay dab, waxaana laga arkayaa guud ahaan magaalada Muqdisho. Lama oga sababta uu dabka ka dhashay, laakin wararkeenna dambe la socda Source: goobjoog.com
  8. Somaliland: M/Weynaha Cusub Ee Puntland Oo Durtaba Hanjabaad Bilaabay adaxweyne cusub ee maamul go Maamul goboleedka Puntland, Cabdillaahi Deni ayaa durtaba bilaabay hanjibaadka ku aadan Somaliland. Cabdillaahi Deni oo ay doorteen xildhibaanada barlamaanka Puntland, oo aan lagu dooran, hal qof, hal cod, sida Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa yidhi “Somaliland baa ku soo xad-gudabtay xaduudka gobolkiisa”.. Waxaanu leenahay, mabruuk doorashadaada, xafiiska iyo masuuliyadda cusub ee kula soo wadaagtay. Lakiin, Mudane, Xaduudka Somaliland waa mid jira oo in ka badan kontan sannadood ka hore la xeeray. Markaa, marka hore miiska laguha hoos gasho, madaxtooyada quruxda badan ee Garoowe ku naso, bisinka qabso, hawlaha kale ee ishaada u baahan ku bilaaw. Hanjibaada jooji. Somaliland cidna kuma duulaso, cidna kuma xad-gudbaso, lakiinse xuduudkeeda iyo dalkeedaba way difaaci kartaa. Adigoon weli dawlad dhisan miyaad durbaba Somaliland isku qaaday. Sidaa lama amaaneyn. Waa la is yaqaan. Waa la is bartay. Xidhiidh wanaagsan oo xushmad iyo walaalnimmo leh baa lagula barbar taaganyahan. Ahmed Khayre Qaran News
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland soo gaadhay qunsulka cusub ee ay dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland danjire Shamsudiin Axmed Rooble. Ma jiro wax war ah oo ay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo Qunsuliyada Itoobiya ka soo saareen imaanshaha qunsulka cusub, laakiin warar aa helnay ayaa xaqiijiyay in Shamsudiin uu arbacadii ka soo degay madaarka Cigaal ee Hargeysa. Ma jirin cid ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo qunsulkan cusub ku soo dhawaysay madaarka Cigaal. Danjire Shamsudiin ayaa bedeli doona qunsulkii hore ee Itoobiya Berhe Tesfaye oo muddo toban sannadood ah ahaa qunsulka Itoobiya u jooga Hargeysa. Qunsulkan cusub ayaa ah diblomaasi sare oo Itoobiya safiir uga soo noqday dalalka Kenya iyo Djibouti, waxaanu ka mid yahay diblomaasiyiin tiro badan oo ay Itoobiya u magacowday safaaradaheeda iyo qunsuliyadeedaha dunida ku kala yaala. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  10. Saxaafada Ingiriiska ayaa daabacday Siyaasada ka dambeysay Safarkii Deg dega ahaa ee uu Wasiirka Difaaca UK Gavin Williamson uu ku tagay Hargaysa todobaadkaan. Wargayska Independen [...] Source
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii haayaha xilka ergayga qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Rai Zenenga. Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa fahfaahin ka bixiyay qodobadda ay ka wada hadleen mas’uulkaan ka tirsan xafiiska UN-ka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tibaaxay inay kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadda oo muhiimada 1aad la siinayo danta dalka iyo dadka. Inline with our efforts to strengthen a new chapter in FGS-UN relations with Somali statebuilding & peacebuilding top of the agenda, received Ag SRSG @UNSomalia Rai Zenenga to discuss UN's strong support towards delivering Somali priorities to benefit Somalis#NabadIyoNolol pic.twitter.com/ecXzKhx0Ng — SomaliPM (@SomaliPM) January 10, 2019 The post RW Khayre oo la kulmay sii-haayaha xilka ergayga QM appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Hargeysa (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan maamulka Puntland ay doorteyn Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi majaraha u qaban lahaa Shanta sano ee soo socoto ayaa waxaa durbadiiba soo baxaya eedeymo Somaliland ay u jeedinayso Puntland. Madaxweynaha csusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysi uuu dhawaan siiyaay BBC-da ayuu ku sheegay dhulka ay ku dagaalayaan Somaliland iyo Puntland ay si sharci ah u leeyihiin Puntland. Waxaa hadalkaasi ka jawaabay Somaliland oo iyana dhankeeda sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in madaxweynaha cusub ee Puntland uu doonayo in coolada kala dhexeyso Somaliland uu sii huriyo. “Waxaan is leheyn madaxweynaha cusub ee la doortay ee Puntland, wuu ka duwanyahay midkii hore, laakiin kama aynan fileyn in uu sidii midkii ka horeeyay uu isagana colaad u doonayo” sidaasi waxaa maanta magaalada Hargaysa ka sheegay wasiirka Biyaha Somaliland Saleemaan Cali Kore. Waxa ay u muuqataa in weli wax xal ah aanan loo heynin dagaalada soo laablaabtay ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland. Hoos ka dhageyso codka Saleemaan Cali Kore https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Codka-Soomaaliland.mp3Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-10012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. (SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha dalka Ismaaciil Cumar Geellee ayaa waxa uu La Kulmay Wasiirka Difaaca Dalka Itoobiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargaysa) Ayaan Maxamuud Cashuur, oo ah wakiilka Somaliland u jooga waddanka Ingiriiska ayaa beenisay in UK Ergay ama safiir u soo magacawday Somaliland. “UK waxaa u jooga Somaliland representative u qaabilsan xidhiidhka UK and Somaliland. Please joojiya warka aad faafinaysiin; safiir iyo envoy midna maaha. Ilaahey maalintaas ha inna gaadhsiiyo. Insha allah dhawaan” ayay tidhi Ayaan. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo ayaa isaguna Sheegay warka ah In Ingiriisku Safiir gaara u magacaabay Somaliland . wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo, oo ku sugan UK ayaa sheegay in uu la kulmay Ergaygaasi oo dhawaan xilka qaban doona. waxa uu sheegay in uu hoos iman doono wasaarada arrimaha Dibadda UK. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo todobaadkan Xoghayaha Gaashaandhigga Ingiriisku socdaal ku yimi magaalada Hargeysa. Source
  16. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa magacaabay Guddiga Badbaadinta iyo soo celinta Hantida Qaranka Soomaaliyeed. Guddigaan ayaa ka kooban 11-xubnood oo sideed ka mid ah ay ka mid yihiin Golaha Wasiirada Somalia, waxaana sidoo kale ka mid ah Duqa Muqdisho, Hanti-dhowraha Qaranka iyo Xeer-ilaaliyaha Qaranka. Guddigaan ayaa waxay ka shaqeyn doonaan soo celinta Hantida Qaranka iyo meelaha loo baahan yahay in laga billaabo. Dhanka kale, Guddigaan ayaa la faray inay joojiyaan ibinta iyo bixinta dhulalka dowladda, soo tirakoobida Hantida Wasaaradaha, Hay’adaha hoos yimaada iyo Xafiisyada Madaxa-banaan ee Dastuuriga ah ay leeyihiin. Haddaba, AKHRISO; Wareegtada RW Somalia uu ku magacaabay Guddigan; PUNTLAND POST The post Guddi Sare oo ka shaqeyn doona soo celinta Hantida Qaranka oo Maanta la Magacaabay appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Muqdisho)Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Gaadhi ku qarxay agagaarka Isbitaal Digfeer ee degmada Hodon, Magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa qabsaday Gaadhi la sheegay in lagu xidhay waxyaabaha qarxa oo halkaasi marayey, waxaana dhawaaqiisa laga maqlaayay degaano badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu jiro khasaare ka dhashay Qaraxaas.. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in Qaraxa Gaadhigan lagu xidhay uu watay Nabadoon Muxuyadiin Bagaase oo ka badbaaday, kaasoo la rabay in la khaarijiyo. Ciidamada amniga ayaa gaadhay goobta Gaadhigu ku qarxay, waxaana la xidhay goobtaasi, iyadoo loo diiday dadka iyo gaadiidka. Source
  18. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yarisow) ayaa la kulmay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamza Siciid Xamza, iyadoo ay ka wada hadleen sidii xal-waara loogu heli lahaa Barakacayaasha ku nool gudaha iyo daafaha Caasimadda. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir uu ahmiyad gaar ah siiyey xal-u-helidda dadka barakacayaasha oo in ka badan shan boqol oo kun ay ku sugan yihiin Caasimadda, iyadoo aragtida fog ee maamulka ay tahay in muddo afar sano gudahood ah dhammaan xeryaha barakacayaasha la xiro oo shaqsi walba loo helo xal uu ku dhexgalo bulshada ama uu deegaankiisa dib ugu laabto. Inj. Yarisow oo warbixin siinayey Wasiirka Gargaarka ayaa sheegay in Maamulkiisu uu ka shaqaynayo sidii ay wadajir ugu wajihi lahaayeen xal-u-helidda Barakacayaasha, isla markaana loo baahan yahay wada-shaqayn dhow in laga yeesho. Wasiirka Gargaarka iyo Musiibooyinka Mudane Xamza Maxamed Xamza ayaa uga mahadceliyey Duqa Muqdisho wada-shaqaynta iyo iskaashiga ay la leeyihiin, isagoo tilmaamay in wadajir looga shaqayn doono sidii xal-waaa loogu sameyn lahaa dadka Soomaaliyeed ee Barakacayaasha ah. Ugu dambeyn, Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen iyo masuuliyiin ka socday Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Gargaarka oo ka wada-hadlay xal-u-helidda Barakacayaasha appeared first on Puntland Post.
  19. (SLT-Roddickton-bide Arm)Tiro Libaax badeed ah ayaa ku baxsaday magaalo ku taalla dalka Canada, wuxuu xidhay waddooyinka magaalada, Waxaa lagu arkay afaafka hore ee goobaha ganacsiga iyo guryaha. Qaar kamid ah Libaax badeedka ayaa dhintay markii uu jiidhay baabuur, waxaa jiraa walaaca ah in dhimashada Libaax badeedka ay sare u kacdo. Dadku waxay sheegayaan in meesha aad cagta dhigto aad ku arkeyso Libaax-Badeedka . Magaalada Roddickton-Bide Arm waxaa ku dhintay labo kamid ah Libaax-badeedka. Libaax-Badeedka ayaa kasoo cararay qabowga darran ee ka jira badda tan iyo toddobaadkii lasoo dhaafay. Khuburada waxay sheegayaan in barafka iyo qabowga ka jiro badda ay ku khasabtay Libaax-badeedka in uu usoo micin bido barriga si uu halkaasi ugu badbaado. Sawirro lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya Libaax-badeedka oo dhooban waddooyinka iyo baraf daadsaan halkaasi oo uu ku xayirmay. “Waxaan dareemeynaa in daraasiin Libaax-badeedkan ay nagu soo qaxeen” sidaas waxaa yidhi duqa magaalada Roddickton-Bide Arm, Sheila Fitzgerald xilli uu la hadlayay warbaahinta CBC. Wuxuu intaasi ku daray ‘In waddooyinka, guryaha, goobaha baabuurta la dhigto, iyo goobaha ganacsiga lagu arkayo Libaax-badeedka’ Waxaa isa soo taraya walaaca ah in tiro badan oo kamid ah xayawaanka ay dhintaan, waxaana laga codsaday saraakiisha duur joogta inay dib ugu celiyaan badda. Libaax Badeedka oo kasoo qaxaya qabowga ka jira ayaa kusoo qulqulay dhul ka baxsan xeebaha si uu helo hawo kulul. Dowladda hoose waxay sheegtay in dowladda dhexe ay kala kaashaneyso sidii loo badbaadin lahaa Libaax-badeedka. Booliska Canada ayaa sheegay in qaar kamid ah Libaax Badeedka ay dib ugu celiyeen badda, waxaa ay ugu baaqeen shacabka in aysan ku dhawaanin Libaax badeedka, maadama uu waxyeello uu gaysan karo. Source
  20. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qado sharf u sameeyey musharixiintii u tartantay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Munaasabada qado [...] Source
  21. Somalida iyo bahalka la yidhaaho dhurwaaga ( ama waraabaha qof-ba sidda uu u yaqaano), baa jilbaha is daray, kolkii loo caal-waayey, ee la loodin waayey Mr Dhurwaa, ee in tulud kaga cabaadiyo, hadana afka boodhka soo marsado, oo uu yidhaaho dil isma lahayne, ciddii lahayd u qabo baan ku tallo gashanaa, ee way iska dhintaan. Waraabaw runta sheeg baa lagu yidhi, taasi kaa socon-mayso’e, intaa aad xoolihii ka dhamaysey Ummaddii, baad weliba cayn-kaas u hadlaysaa. wuxu yidhi Dr Dhurwaa, anigu ma cuno xoolahiina, ee markaan arko baadi meel maraysa, baan is idhaahaa u soo qabo ciddii lahayd, dabeed gacmo ma lihiye af-kaan ku qabtaa, iyaka baa iska kay dhufta, markaas baa halkii aan hayey ii soo godaa, meel kale baan qabtaa oo aan is idhaahaa ku dheg, halkiina way ii soo ruqdaa, ee anigu marna isma odhan wax dil, sidaas baa ay ku dhintaan xoola-hiinu. Sidaas markuu ku gar akhristay, baa lagu yidhi “Waraabaw in aad saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daaye”, inta aad neef geela kaga cabaadiso hadana aan raad gato, wax kaa maraaya maaha, ee noo waran, runta sheeg oo wax-ba ha qarin, waayo haday sidaasi kaa dhab tahay maad cararteen, ee waad sugi lahayd dadkii lahaa, ogaw-se waxa aad is leedahay ded, waa cadaan, oo xaal-kaagu cidna kama dahsoona, waxan u soo qaatay, ee ay tahay, u jeedka maqaalkan hoos ka akhri. Candho gudhan, oo ku taal hal abeer ah, weligeed-na aan dhalin, qofka hadhuub la hoos gala, ee is yidhaaha lis, Muxuu ka keeni, saw kumuu hungoobin, inta askarigu u yeedhay ee koofiyad-bacla-yaasha ahi, marka la soo koobo xaal-koodda waa hashaa sare ku qoran, oo waxba kama dheefin,isna wax ay cid ka gaadhsii-nayaa haw fadhiyina. Waxa la yidhi ” Kor waayel waa wado indho”, Waxan uga socdaa, qudbadda uu askarigu uga jeediyey, Kuwa uu sidda caruurta derbi jiifka ah ee dooxa hurdda, goboladda uu dego West Burco Clan, iyo amaanta beenta ah ee beer-lawasiga ahayd, midna wax shaqaynaaya maaha, waxay-na ka dhigan tahay, xaalka Mr waraabe ee aan sare ku soo sheegay, intuu hantiddii xoola dhaqatadda gumaaday, hadana la gar yimi anigu dil ismaan lahayn. kuwa hor fadhiyaana, waxay la nooc yihiin kuwaas waraabaha la gar akhrisnaaya duun-yaddii ka cunay. waxa-se ka soo baxay, xoolihii oo caloosha waraabe ku maqan iyo kuwii la dacwi-yaayey, oo Mr waraabe isugu celceliyey. wax ka soo noqonaaya caloosha Mr waraabe-na aanay jiraan. Waxan uga socdaa oo dulucdda maqaal-kani ay ku fadhidaa, Shuqun-shuuqii ( West Burco Clan ku sheeggii) Bariiska askarigu kaga balamiyey Hudheelka shiraacle, waxay ka dareereen isaga oo af-mooyee, gacan wax ugu dhiibin. Hore akhristaw loo yidhi “Macal Cune Muuqan Dooaaye” Kuwa meesha maraayey wax ay West Burco Clan u goyn karaan baaba iska yar, qaar wax loo dirsadana may ahayn, lamana aqoon, ka soo urursa-dayna, waa lax dhukani abaar moog, dhawr ayaamood qadeeye, waxana ay ku sifoobeen, gabadhii la kufsaday, ee tidhi ” wax-bana maan arag, warna i raac”, oo wadanka waxa ii gashay heblaayo waa la kufsday. waxan ku soo af-xidhay maqaalkan, haddii la rabo boog in la dhayo, waxa la raadiyaa dawadda ay ku bogsa-nayso, ee lama sii fadaadeeyo, dhira-dhabato iyo maskax-buq sun ah laguma sii mudo. Ta uu askarigu sameeyey-na waa sidaas, oo waa biyo col dhaanshay, qaar West Burco Clan wax waydiiyo maaha ( wax kaste oo ay yihiin-ba), hadaad salaadiin kus heegto iyo hadaad shaydaamo ku sheegto, mid-na nooma tirsana, waxa ay yihiin waayeelka jaqaf-sadda, cid ay ka wakiil yihiin, ama diratay oo ay ku celina-yaan haba-sheegin. Wixii ay soo cantuugeena hadda calooshoodda kuma jirto, garxajisna intay shir u qabtaan, odhan maayaan war baanu idiin ahaynaa.ee askariyaw adiga iyo kuwa kuu yimiba, waxa weeye xaal-kiinu, doqoni amaan aanay lahayn bay u rixisaaye. horta yey u cad goyna-yeen aan is waydiino’e? maxay-se qaban karaan? Yey-se wax u sheegi karaan? N.B Kor Waayeel Waa Wadda Indo! Qore:- Abdi-shotaly. ashotaly5@gmail.com Source
  22. (SLT-Berbera )- Shaqaalaha Dekedda iyo Bulshada Saaxil oo si Mugleh u Markhaati furay Horumarka Tisqaaday ee u Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi sanaad ku gaadhsiiyey marsada Berbera. Hoos ka DAAWO . Source
  23. (SLT-Addis-ababa)Hawgalka midowga afrika ee Amisom ayaa wada dib u habeen uu ka sameenayo saldhigyadiisa milatari eek u yaalo gudaha dalka si kor loogu qaado badqabka iyo amaanka ciidamada saldhigyadaas ku sugan. Hawshan diba u habeenta loogu sameenayo saldhigyada ciidamada Amisom ay ku leeyihiin gudaha dalka ayaa qayb ka ah in ciidamada katirsan hawlkalka midowga afrika ay helaan difaac xoogan oo gabaad kaga noqda weerarada iyo qaraxyada kaga imaanayo dhanka dagaalamyaasha al-Shabaab. Madaxa hawlgalada midowga afrika ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay caasimada muqdisho isagoona u jeedka ugu wayn ee qorshahan laga leeyahay uu yahay uu yahay sidii lagu adkeen lahaa badqabka ciidamada Amisom. Madaxa taageerida hawlgalada midowga afrika Mr Dludlu ayaa sidookale sheegay in hawshan ay dib u dhiska ugu sameeyaan xeerooyinka ay ciidamada Amisom ka dagan yihiin gudaha dalka uu qayb ka yahay qorshaha xaalada kala guurka ee dalka looga saarayo ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika kuwaasi oo sida uu qoshuhu yahay in gabi ahaan dalka laga saaro markii lagaaro sanada 2020. Qorshahan dib u habeenta loogu sameenayo xeryaha amisom ayaa waxaa Amisom ka taageerayo kooxda dowlada UK u qaabilsan taageerida ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika. Xeerooyinka milatari ee amisom dalka ku leedahay ayaa haatan waxaa ku sugan kumanaan ciidan oo kakala socda wadamada , Burundi, Djibouti, Kenya and Ethiopia oo ah wadamada qaybta ka ah hawlgalka midowga afrika ka jooga Soomaaliya. Source