-
Content Count
207,247 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay xabsi dhigeen sarkaal sameeyay ku tagrifal awoodeed. Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Xun-dubey ayaa lagu soo eedeeyay inuu Jirdilay xaaskiisa, kuna baahiyay baraha bulshadda. Taliska ayaa ku adkeystay inaanu marnaba loo dulqaadin karin in lagu xadgudbo sharafta iyo karaamada dadka Soomaaliyeed. The post Sarkaal ka tirsan Booliska Somalia oo xabsi la dhigay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Maamulka gobolka Banaadir iyo xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka shaqaynayaa sidii dib-udejin loo Barakacyaasha magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow], Duqa Muqdisho, ahna gudoomiyaha gobolka, ayaa tibaaxay in maamulkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo sidii mustaqbalka dhow Barakacyaasha uheli lahaayeen nolal fiican. Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka ee XFS ayuu tilmaamay inay isla garteen in magaalo madaxda laga hirgeliyo xarun looga gurmado dadkaasi, iyo marka ay timaado musiibooyin gaar ah. Magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin 5-milyan oo ruux ayaa waxaa nool Barakacyaal ku dhibaateysan Xerooyin, waxaana maamulka gobolka iyo dowladda ay wadeen mudooyinkii dambe qorshe loogu gurmanayo. The post XFS iyo G/Banaadir oo xal uraadinyaa Barakacyaasha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in xabsiga la dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed oo dhibaato u geystay qof Dumar ah. Sarkaalka wasaaradda amniga ay sheegtay in xabsiga la dhigay ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Xundubey, waxaana loo heystay dhibaatada uu u geystay xaaskiisii hore, waxaana qoraalka wasaaradda uu u qornaa sidan:- “Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”. Seddex arin ayaa sababtay in xabsiga la dhigo Yuusuf Xundubeey, waxaana ugu horeeya xirnaanshaha uu xirnaa dareeska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo uu dhibaato u muuqatay handadaad ugu geysanayay qof Dumar ah. Arinta labaad ee fududeysay xarigiisa ayaa ah in xaaskiisii hore ay Live kasoo gashay baraha Bulshada, taasi oo keentay in dad badan uu gaaro muuqaalka, islamarkaana aad looga doodo Facebook, islamarkaana wasaaradda amniga ay ka jawaabtay. Arinta Seddexaad ee sahashay in Yuusuf Xundubeey xabsiga la dhigo ayaa aheyd in ruuxa uu dhibaatada u geysanayo ay tahay xaaskiisii hore oo ah qof Dumar ah. Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin waxa laga yeelayo Yuusuf, balse waxaa inta badan dhacda in tacadiyada noocaan oo kale inay ku biyo shubtaan xal ay gaaraan qoysaska labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddiga Arrimaha Bulshadda ee Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida qaran oo uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha. Senator Axmed Macalin Nuur [Axmed Nadiir], Gudoomiyaha Guddigaan oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa ku tilmaamay talaabada wasiirka 1aad ee XFS mid timid xili loo baahnaa. Gudoomiye Axmed Nadiir ayaa balanqaaday inay si dhow ula shaqayn doonan Guddiga, oo ka kooban 11 xubnood, oo 8 kamid ah yihiin Wasiiro, iyadda ay ku jiraan Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Xeer-ilaaliyaha qaranka. Ugu dambeyntii, Senator-ka ayaa kalsooni wayn ka muujiyay in Guddiga uu ku guuleysto waajibaadka culus ee la saarey, wuxuuna cod dheer ku tilmaamay in gacanta dowladda lagu soo celinayo Hantida haatan maqan. The post Aqalka Sare oo bogaadiyay Gudiga uu magacaabay Khayre appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xalay saqdii dhexe ayaa lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku faafay meelo badan oo suuqa kamid ah. Dabka oo bilowday abaaro 09:20 pm xiliga Muqdisho ayaa la damiyay 12:00 am saqdii dhexe, iyadoo gaadiidka dab damiska ee gobolka iyo kuwa shirkadaha gaarka ah ay ka qeyb qaateen daminta dabka. Wuxuu ka bilowday dabka qeybta Suuqa Huudheyda, waxaana uu markii dambe gaaray qeybta maacuunta iyo qeybta hilibka ariga lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha, sida ganacsatada ay sheegeen. Hanti badan ayaa dabka ku bas beeshay, waxaana markii dambe laga hortagay inuu ku faafo qeybo kale oo Suuqa kamid ah, kadib dadaal dheer oo la sameeyay. Wararka dheeriga ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dabka uu ka bilowday koronto, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan waxyaabaha soo celceliyay in suuqa weyn ee Bakaaraha uu dab ka kaco, waxaana dababkii ugu dambeeyay ay kabilowdeen Koronto. Ganacsato badan ayaa hantidooda kala baxay xalay Suuqa, iyaga oo ka baqayay in dabka uu gaaro goobahooda ganacsiga, waxaana dabkii xalay uu dhulka dhigay guryo badan, iyadoo hanti badan oo wali aan la tiro koobin ay ku baaba’day. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-11012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Kooxaha dab-damiska ayaa ku guuleystay inay damiyaan Dab xoogan oo xalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Dabka ayaa lasoo sheegayaa inuu ka bilowday qaybta lagu iibiyo Huudheyda, wuxuuna kusii faafay qaybaha kale ee ku dhow. Khasaaraha badan ee uu dabku sababay ayaa lasoo sheegayaa inuu yahay mid Hantiyadeed, wallow ay jiraan dhaawac dad soo gaarey. Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay waxyeeladu kasoo gaartay Rasaas ay ganeen ciidamada amniga, taasi oo timid markii looga shakiyay inay boob damac-san yihiin. Hoos ka daawo sawiradda The post SAWIRRO: Khasaaraha dabkii ka kacay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garowe (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayo arin ku cusub siyaasadda Soomaaliya, kadib markii mid kamid ah musharixiintii laga guuleystay uu ku dhagay xildhibaano badan. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka ay ka qaateen mid ka mid ah musharixiintii laga guuleystay dhaqaalo badan islamarkaana ay ka codeeyeen, waxaana taasi ay dhalisay in musharaxa uu lacagaha uu kasoo ceshado xildhibaanada qaar. Arintaan ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Garowe, waana markii ugu horeysay oo laaluush lagu kala qaatay doorasho la isku qabsado, sida xogaha aan ku heleynana inka badan 10 xildhibaan ayaa iska celiyay lacagaha. Guddi loo xilsaaray inay soo celiyaan lacagaha laga qaatay Musharixiinta ayaa so hoose looga magacaabay magaalada Garowe, waxaana odayaasha dhaqanka ee beelaha qaar ay dalbadeen in xildhibaanada ku beesha ah ay iska celiyaan haddii lacago ay qaateen. Odayaal shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa xildhibaanada ka dalbaday inay dib u celiyaan lacagaha, waxaana wararka ay sheegayaan in ku dhawaad 50 ilaa 70 kun ay xildhibaanada qaar ay qaateen. Madaxweynaha talada Puntland loo doortay ayaa wareysi uu siiyay BBC ka sheegay in doorashadiisa aysan ku jirin wax laaluush ah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee wasaaradda biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo hadda ka tirsan saraakiisha xisbiga Wadani ayaa ka hadlay waxay Somaliland kaga dhigan tahay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe. Baashe Cali Jaamac, ayaa ugu horeyn sheegay inuu la dhacsan yahay hanaankii wanaagsanaa ee ay ku dhacday doorashadii seddex maalin ka hor ka dhacday magaalada Garowe ee lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland. Wuxuu sidoo kale sheegay in horumar ay gaaraan maamulada kale ee Soomaaliya ay ka dhigan tahay inay Soomaaliya oo dhan horumar gaareyso, isaga oo sheegay in hanaan dimuqraadiyadeed ay ku dhacday doorashada. Wuxuu si gaar ah kaga hadlay doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne ku xigeenka maamulka Putland Axmed Karaash oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka SOOL. Baashe Cali, ayaa sheegay in ninkaasi uu yahay nin dagaalka wax ka yaqaan, islamarkaana ay jirto cabsi ah inuu Somaliland uu dagaal kusoo qaado, maadaama marar badan uu dagaalo ka qeyb qaatay, sida uu hadalka u dhigay. “Waxay ku keeni kartaa inuu dagaal qaado, waayo ninkaan waa nin jabhad ah oo ilaa Kalshaale kasoo dagaalamay, marka wey dhici kartaa, Sababtana inagaa leh oo waa inagii Tukaraq weerar ku qaadnay eeda anagaa leh, iima muuqato in weerarkii Tukaraq dhul lagu soo celinayay”ayuu yiri Baashe Cali. Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka Tukaraq uu ahaa mid dad badan oo deegaankiisa ku sugnaa lagu barakiciyay, islamarkaana Somaliland ay askar badan kaga dhimatay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@Live.com
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dalalka Sacuudiga, Imaraaadka iyo Israel ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah oo looga hadlay sidii dowladda Bashar al-Assad dib loogu soo celin lahaa xubinamdeeda Jaamacadda Carabta, si loo wiiqo saameynta Turkiga ee gobolka. Saraakiil sirdoon oo sare oo ka socda saddexdan dal, ayaa bishii tagtay ku kulmay mid ka mid ah caasimadaha dalalka Khaliijka, halkaasi oo lagu dejiyey qorshayaal dhowr ah oo ka dhan Turkiga, sida uu weriyey website-ka caanka ah ee Middle Ease Eye. Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa culeysyada caalamiga ah ee Sacuudiga uu kala kulmay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, oo Turikiga uu hogaaminayey. ‘Xubnihii ka qeyb galay kulanka waxay isku raaceen in Turkiga uu halis ku yahay dhammaantood, ayna tahay inay si wada jir ah u wajahaan” ayuu yiri qof ka qeyb galay kulanka. Agaasimaha hay’adda sirdoonka Yahuudda ee Mossad, Yosi Cohen ayaa u sheegay dhiggiisa dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka inaysan waxba ka wel-welin Iran, balse ay iska ilaaliyaan Turkiga. “Awoodda Iran waa mid jilicsan, halista dhabta ah waxay idin kaga imaneysaa Turkiga” ayuu Cohen u sheegay madaxa sirdoonka ee Sacuudiga iyo Imaaraadka. Maadaama Turkiga dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo Suuriya, in dib loogu soo celiyo Suuriya Jaamacadda Carabta ayaa loo arkay mid sii cidleyn karta Turkiga, islamarkaana abuuri karta xulufo Carbeed oo kasoo wada horjeeda xukuumadda Ankara. Wixii markaas ka dambeeyey ayaa waxaa mar qura socdaallo isdaba joog ah ku tagay dalka Suuriya, madaxda dalal Carbeed oo dhowr ah, ayada oo xitaa Imaaraadka uu dib u furay safaaraddiisa magaalada Dimishiq. Loolanka ka dhaxeeysa Sacuudiga iyo Turkiga ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah sababaha dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ula saaxiibay Yahuudda, ayada oo meeshana ay ka marneyn loolanka Sacuudiga iyo Iran. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Sida ay ol-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimadda Online, waxaa la filayaa in maanta salaada Jimce kaddib dibad bax ka dhaco magaalada Laacaanood. Dibad baxan ayaa la sheegay in uu daba joogo hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo sheegay in Somaliland ay kusoo xadgudubtay Puntland. Waxaa hadalkaas ka jawaabay Wasiirka Biyaha ee Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ka soo jeeda gobolka Sool. Hadaladaas la’is dhaafsaday ayey suurtagal tahay in ay markale collaadi ka dhacdo gobolka Sool gaar ahaan aagga Tukaraq oo ay ciidamada Puntland iyo ciidamada Somaliland isku horfadhiyaan. Bulshada reer Laascaanood oo u arkay hadalka Deni mid gef ah ayaa la filayaa in ay darenkooda banana bax ku cabiraan. “Wax iska caadi ah ayey noqotay in hogaamiyeyaasha Puntland ay collaada gobolka Sool ka dhigtaan wax lagu kaambeen gareeyo maalmaha doorashada iyo marka uu madaxweyne waqtigiisa sii dhamaanayo “, waxaa sidaas Caasimada u sheegay mid ka mid ah dhallinyarada dibad baxa soo qaban qaabisay. “Waxan u sheegeynaa madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland in reer Sool in lagu dul dagaalamo dooneyn oo hadda haystaan nabad ee madaxda maamulkaas yeysan xaalad abuur noqon,” ayuu raaciyey hadalkiisa shaqsiga noo warramay oo codsaday in aan la xusun. Hase ahaatee, iyada oo ay maamulada Somaliland iyo Puntland ku dagaalamaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, hadana dadka ku dhaqan deegaankaas ma rabaan labada dhinacba oo ay waxa ay doonayaan maamul iyaga u gaar ah. Caasimada Online Xafiiska Laascaanood caasimada@live.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaga cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa wareysi dheer siiyey BBC oo uu uga hadlay arrimo badan. Wareysiga uu Deni bixiyey oo ahaa kii ugu horreeyey tan iyo markii la xushay salaasadi, ayuu uga hadlay waxyaabaha uu doonayo in uu maamulka Puntland ka qabto, arrimo la xiriira Somaliland iyo dowladda Federal-ka ah. Arrinta Somaliland ee uu ka hadlay ayaa ku saabsaneyd muranka dhulka ah ee u dhexeeya labada dhinac, isaga oo sheegay in Somaliland soo xadgudubtay oo ay tahay in ay dib ugu laabtaan fariisimahooda ama waqtiga uu celin doono (Dagaal). Hadaba muxuu saameyn ah oo uu yeelan karaa hadalkaas, sidee uu u dhaawici karaa midnimada Soomaaliya? Caadiyan Puntland waxa ay caqabad ku ahayd dowladnimada Soomaaliya, iyada oo ay xukumadaha Villa Somalia dhibaato iyo is jiid jiid siyaasadeed kala kulamayeen hoggaan kasta oo soo maray maamulkaas. Hase ahaatee, hadalka Deni ee ku soo aaday isaga oo aan maalmo joogin waxa uu collaad ka abuuri karaa Gobolada Sool, Sanaad iyo Cayn. Sida la ogyahay Puntlad ilaa iyo 2007 gacanta kuma ahayn magaalada Laascaanood oo ah xarunta Gobolka Sool, taas oo muujieysa sida shacabka deegaankaas ay ugu qaacsan yihiin Somaliland. Hadalka Deni waxa uu meel xun dhigi karaa wadahadalka u socda ama la rabo in la dardar galiyo ee Soomaaliya iyo Somaliland, maadama waxa wada hadalyada ay yihiin goboladii Waqooyi oo maamul sameystay iyo Soomaaliya-da Koonfuureed. Haddii Deni ku adkeysto hadalada xanafta leh ee uu hawada u marinayo Somaliland, waxaa ka dhalan kara dagaal taas oo meesha ka sii saari doonta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Deni waxaa habboon in uu ku ekaado maamulkiisa oo uusan dhibaato ku noqon midnimada umadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Qormaddii kowaad Hordhac Laga soo bilaabo horaantii qarnigii 18aad waana mar kuu ka soo if-baxay fikirka cilmaaniga ahi qaaradda Yurub ,waxa kordhayay labada kooxod oo kala ah kuwa aamisan fikirkan iyo ka soo horjeeda , waxana soo if-baxay khilaaf la xiriira sharciyada fikirkan gar ahaan markuu soo galay waddamada muslimka ah horaantii qarnigii hore. Bal waxa aynu isku dayeynaa in aynu dib u eegno fikirkan taariikh ahaan , aragti ahaan iyo doodaha uu ku dhisan yahay fikirkani . inagoo taxane qormooyin ah ku sharaxi doona mawduucan laga soo bilaabo markuu dhashay ilaa markii uu soo galay waddamada muslimka ah. Qeexitaanka Cilmaaniyadda: Al-cilmaaniya waa eray af Carabi ah, oo asalkiisuna ka yimi eray af Ingiriisi ah, kaasi oo ah secularism. Eraygani secularism oo micnihiisu af ingriis yahay sida ku xusan Cambridge advanced learners dictionary :“ the belief that religion should not be involved with the ordinary. Social and political activities of a country “.[1] Qeexitaankan oo macnihiisu noqonayo haddii aynu af-soomaali u rogno sidan :“ Aaminaadda in aysan diintu soo faragalin arimaha bulshada iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka ”. Kaasi waxa uu ahaa qeexitaanka qaamuuska CALD, laakiin hadda waxa aynu bal eegaynaa waxa ay cilmaaniyiintu ku qeexaan fikirkooda ,tusaale ahaan , Roger Williams waxa uu ku qeexay cilminaayida “ gidaarka kala qaybiya dowlada iyo kaniisada ” .[2] halka uu qoraagii reer Masar ee Faraj Fowda uu ku tilmaamayo cilmaaniyadda isla qeexitaankan oo kale . Waxa xusid mudan in markii ugu horeysey ee la isticmaalo erayga secularism inay ahayd sanadkii 1851, waxaana isticmaalay qoraaga biritishka ah ee George Jacob Holyoake si uu u qeexo aragtidiisa ku aadan kala saaritaanka diinta iyo dowladda .[3] Taariikhda cilmaaniyadda : Wadamada reer galbeedka Fikirka ku dhisan kala-saaritaanka diinta iyo dowlada waxa uu kasoo if baxay qaaradda yurub bilowgii qarnigii 16aad xiligaas oo uu socdey loollan ka dhexeeyey kaniisadda iyo saynis-yahanadii xiligaas sida Galileo Galilei , Nicolaus Copernicus IKK. Kaniisadu sida aynu ku sharixi doono qormooyinka soo socda insha’allah waxa ay colaad iyo dagaal ku qaaday raggaas iyo kuwa la midka ahaa iyadoo ka cabsi-qabtay in horumarka xaga aqoonta iyo saynisku saamayn taban ku yeelan doono awoodeeda siyaasadeed ee bulshada iyo dalka. Balse loollankani waxa uu meeshii ugu sarreysey gaadhey xilligii uu socdey kacdoonkii faransiiska ee intii u dhexaysey bisha May 5, 1789kii ilaa bishii Nov 9, 1799kii ,kaas oo sababay in la dilo boqorkii faransiiska ee Louis XVI iyo rag badan oo ka tirsan kaniisadda . Kacdoonku waxa uu sababay in kooxihii ka soo horjeeday kaniisadda ay aas’asaan baarlamaankii ugu horeeyay ee ay ugu badan yihiin cilmaaniyiintu sanadkii 1891. Fikirkii cilmaaniga ahaana waxa uu ku sii xoogsaday dalka Jarmalka oo xiligiis uu dhaqdhaaqaqii Protestantism-ku uu ka socday dalkaas. Wadamada muslimka ah Fikirkan cilmaaniga ah waxa uu wadamada muslimka ah soo galay waqtigii gumaystuhu haystay, waxaana uu ka soo galay dalka Masar xilligii uu ingriisku gumaysanayey laga bilaabo 1882 ilaa 1913. waxaana fikirkan qaatay rag badan oo ka tirsan kiristaanka dalka Masar sida : shabal shamiil, Farax Atwan, Joorji Saydan IKK. waxa ayna saameeyeen kooxa muslim ah sida Qaasim Amiin , Axmed Sayid [ 6] IKK.. Hadaynu u soo dhaqaaqno dhanka waqooyi iyo Turkiga oo ah dalka ay ugu awoodda badan yihiin cilmaaniyiintu waxaynu arkaynaa in fikirkani uu soo galay markii ay dhacday khilaafadii cusmaaniga ahayd ee sanadkii 1918-kii. markaas oo uu maamulka si xoog ah kula waregey ninka loo yaqaanno Kamaaludiin Ataaturk [erayga Ataturk micnihuusa waa Aabaha turkida] isaga oo mamnuucay dhammaan astaamaaha islaamiga ah sida: Akhriska iyo barashada quraanka. Xirasha dharka ay ka muuqato astaan muslim , Adanka oo af-Turki loo badelay , khamriga iyo dhilaysiga oo la fasaxay ilaa uu gaadhay dakhliga ay dowladu ka faa’ido ku dhawaad 4 bilyan!! Sanadkii hore ee 2018 [ 5]. intaa ka dib waxa uu fikirkani u sii gudbay wadamo badan oo muslim ah sida Tuunis, Bangaaladheesh, Al-Jasaa’ir IKK. Q/W Salman Siciid Ibrahim, MA Mahadsanid References 1.CU (2008) . Cambrige advanced learners dictionary. third edition . Cambridge University Press Journal of Concordatwatch . Roger Williams erects a wall between church and state (Article) 3.Holyoake, G.J. (1896). English Secularism: A Confession of Belief.
-
Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo gaaray Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho uu dab ka kacay. Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa soo gaaray Gudaha suuqa Bakaaraha. Gudoomiyaha ayaa ka qeeybgalaya daminta dabkaasi . Sidoo kale xubno kale oo katirsan mamulka Gobolk Banadir ayaa wehlinaya Tuulax. Xiligaaan oo ah saq dhexe waxaa ka socdo Suuqa Bakaaraha daminta dabkii caawa fiidkii ka kacay gudaha suuqaasi. Hoos ka Daawo Sawirada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Suuqa Bakaaraha Muqdisho The post Madaxda Gobolka Banaadir oo soo gaaray suuqa Bakaaraha uu dab ka kacay appeared first on Puntland Post.
-
Somali Prime minister Hassan Ali Kheire has today appointed a committee to protect the public properties. In a statement issued on Thursday, Prime minister Kheire nominated 11 member committee majority of them selected from his cabinet. The members are tasked to protect and recover the public lands and other government properties. “Based on the directive from the president which was ordering protection and recovery the public properties left by the central government in 1990 [therefore] we appointed protection and recovery committee,” the statement reads in part. The 11-member committee tasked with the protection and recovery of public lands and properties includes Mogadishu mayor, Abdirahman Omar Osman. Others are eight ministers from the cabinet, the Auditor General and the Attorney General. The post Somali PM names committee to protest public properties appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa sii xoogeeystay dab fiidkii caawa ka kacay Suuqa ugu weeyn Soomaaliya ee Suuqa Bakaaraha. Dabkaasi ayaa la sheegay in uu ka kacay Koronto inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin dabka waxa uu ka dhashay. Dadka ayaa ku sii fidaya goobo aad u farabadan oo gudaha suuqa Bakaaraha ah. Goobo ganacsi oo hor leh ayuu dabku sii gaarayaa hadda. Gaadiidka dab damiska ayaa ku guul dareeystat daminta dabkaaasi. Dad weeyne farabadan oo ay ku jiraan ganacsatada ayaa soo gaaraya suuqa. Ciidamada amaanka ayaa lagu soo daadiyay gudaha suuqa inkastoo meelaha qaarna laga soo sheegayo boob loo geeystay goobo ganacsi. Tira koob rasmi ah oo ku aadan qasaaraha dabku uu geeystay lama hayo hayeeshee qasaaraha ayaa aad u badan. Faah faahinta dabkaasi PP kala soco. Xasan Maxamed Samatar Cowke Bakaaro Muqdisho Somalia The post Dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha oo sii xoogeeystay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Shabelle-10012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dab Xoogan ayaa ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo laga baqayo inuu kusii faafo goobo kale oo ka baxsan halka uu ka kacay. Labadii maalin ee lasoo dhaafay dabeylo xoogan ayaa ka jiray magaalada Muqdisho kuwaasi oo sii faafin kara dabka ka kacay caawa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Lama yaqaano waxa uu dabka ka bilowday, laakiin wuxuu markii hore ka bilowday qeybta Huudheyda ee Suuqa Bakaaraha, isaga oo goobo kale gaaray. Dadweyne badan ayaa la arkayaa kuwaasi oo ku baxay goobahooda ganacsiga si ay kaga badbaadsadaan hantidooda inta uusan dabka gaarin. Gurmad xoogan oo la doonayo in daba lagu joojiyo ayaa hadda socdo, waana markii afaraad oo dab sidaan u xoogan uu suuqa ka kaco labadii sano ee lasoo dhaafay. Qorshe la’aan ka hortaga Dabka ayaa kordhin kara dababka magaalad ka kaca. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Dab aad u xoogan ayaa goordhow waxaa uu ka kacay suuqa weeyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho. Dabka ayaa si gaar ah waxa uu uga kacay suuqa lagu iibiyo huudheeyda. Warar is qilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa sababay dabkaan wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamo hubeeysan ay isku rasaaseeyeen gudaha suuqa rasaaataasina ay sababtay dabka. Gaadiidka dab damiska ayaa ku hoowlan daminta dabkaasi. Suuqa Bakaaraha dhoowr jeer oo hore ayaa waxaa ka kacay dab ceenkaan oo kale ah geeystay qasaare aad u badan. Faah faahinta dib kala soco insha allah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dab Caawa ka kacay suuqa Bakaaraha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo suuqa Bakaaraha ee Muqdisho waxay sheegayaan inuu dab halkaasi ka kacay. Goobjoogayaal ayaa kusoo waramaya in Dabka uu ka kacay dhinaca suuqa lagu iibiyo Huudheyda, islamarkaana uu kusii fidayo qaybaha kale. Kooxaha dab-damiska ayaa ku howlan sidii ay baq-tiijin lahaayeen dabka, oo bas-beeliyay xarumo badan oo ganacsi. Khasaaraha ayaa lasoo sheegayaa inuu ubadan yahay mid Hantiyadeed, iyadda oo aanan wali lasoo warin hadii ay mid nafeed jirto. Wixii warar ah ee kusoo kordha kula soco wararkeena dambe, Insha Allah The post Dab xoogan oo ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka aan ka heleyno suuqa Bakaaro, ee degmada Howl-wadaag ee caasimadda Muqdisho ayaa sheegaya in ay gubteen qeybo ka mid ah suuqa kuwa ugu muhiimsan. Qeybaha dharka, bagaashka iyo qalab kale ayaa waxaa ka kacay dab, waxaana laga arkayaa guud ahaan magaalada Muqdisho. Lama oga sababta uu dabka ka dhashay, laakin wararkeenna dambe la socda Source: goobjoog.com
-
Somaliland: M/Weynaha Cusub Ee Puntland Oo Durtaba Hanjabaad Bilaabay adaxweyne cusub ee maamul go Maamul goboleedka Puntland, Cabdillaahi Deni ayaa durtaba bilaabay hanjibaadka ku aadan Somaliland. Cabdillaahi Deni oo ay doorteen xildhibaanada barlamaanka Puntland, oo aan lagu dooran, hal qof, hal cod, sida Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa yidhi “Somaliland baa ku soo xad-gudabtay xaduudka gobolkiisa”.. Waxaanu leenahay, mabruuk doorashadaada, xafiiska iyo masuuliyadda cusub ee kula soo wadaagtay. Lakiin, Mudane, Xaduudka Somaliland waa mid jira oo in ka badan kontan sannadood ka hore la xeeray. Markaa, marka hore miiska laguha hoos gasho, madaxtooyada quruxda badan ee Garoowe ku naso, bisinka qabso, hawlaha kale ee ishaada u baahan ku bilaaw. Hanjibaada jooji. Somaliland cidna kuma duulaso, cidna kuma xad-gudbaso, lakiinse xuduudkeeda iyo dalkeedaba way difaaci kartaa. Adigoon weli dawlad dhisan miyaad durbaba Somaliland isku qaaday. Sidaa lama amaaneyn. Waa la is yaqaan. Waa la is bartay. Xidhiidh wanaagsan oo xushmad iyo walaalnimmo leh baa lagula barbar taaganyahan. Ahmed Khayre Qaran News