Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,257
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Canada, a nation of not quite 37 million people, wants to add more than 1 million immigrants through 2021. “Thanks in great part to the newcomers we have welcomed throughout our history, Canada has developed into the strong and vibrant country we all enjoy,” Ahmed Hussen, minister of immigration, refugees and citizenship, wrote in an annual report to Parliament. “Immigrants and their descendants have made immeasurable contributions to Canada, and our future success depends on continuing to ensure they are welcomed and well-integrated.” A year ago, Donald Trump, the president of the United States of America, said he didn’t want the U.S. accepting immigrants from Haiti or countries in Africa or similar “s—hole countries.” “My experience is not unique,” Hussen told The New York Times in 2017. “Canada receives a lot of refugees every year.” For Canada to add 1 million immigrants over the next three years, the nation would need to welcome approximately 350,000 — roughly 1 percent of its current population — in each of 2019, 2020 and 2021. “Canada is a world leader in managed migration with an immigration program based on non-discriminatory principles, where foreign nationals are assessed without regard to race, nationality, ethnic origin, colour, religion or gender,” Hussen wrote in his report. About 1 in 5 current Canadians are immigrants, according to the report, with more than 6 million arriving since 1990. About 13.7 percent of the U.S. population, roughly 1 in 7, in 2017 was foreign born, according to U.S. Census estimates. In 2016, that figure was 13.5 percent. ABC News
  2. Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo xiray kalfadhigiisii 4aad, arrintan ayaa ku timid fariin ka soo baxday xafiiska guddoomiyha golahan Cabdi Xaashi. Sida uu qabo dastuurka KMG ah, goleyaasha sharci-dejinta waxaa ay sanadkii kulmayaan labo kalfadhi halka mid weliba dhammaadkiisa ay leeyihiin fasax, taasi ayaana hadda la cuskaday. Wararka waxaa ay sheegayaan in kalfadhiga 5aad ee aqalka sare uu furmi-doono 10-ka Maarso ee sanadkan, waxaana lagu wadaa in arrimo badan ay xilligaasi qabtaan. Waxaa xusid mudan in golaha aqalka sare uu hakiyey wada shaqeyntii uu la lagaa golaha shacabka kadib markii aqalka dambe lagu eedeeyey inuu baalmaray dastuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Mexico) Madaxweyne Donald Trump ayaa markale ku dhaartay inuu ku dhawaaqayo xaalad degdeg ah oo qaran si lacag loogu helo dhismaha gidaarka xadka Mareykan iyo Mexico xilli koongareesku ku gacan seeray inay ansixiyaan qarashki lagu dhisi laha. “Waxaan xaq u leeyahay inaa ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran,” ayuu ku yidhi warfidiyeenada xillli uu kusii socday xaflad ay ku lahaayeen xadka. Waxa uu sidoo kale madaxweyne Trump sheegay in dowladda Mexico ay “si dadbadan” u bixineyso qarashka dhismaha gidaarka. Laamaha dowladda Mareykanka ayaa qeyb ahaan ay xirnaayeen 20 kii maalmood ee lasoo dhaafay, taasi oo sababtay in ku dhawaad 800 oo kun shaqaalaha federaalka ah ay mushaar la’aan ku dhacdo. Madaxweyne Trump ayaa diidan inuu saxiixo sharci lagu maalgelinayo dibna loogu furayo howlaha laamaha dowladda haddii aysan ka mid ahayn 5.7 bilyan oo doolar oo lagu dhisayo gidaarka xadka Mexico iyo Mareykanka. Balse wadahadalo lagu arrinsanayay qarashka dhismaha gidaarka ayaa socon waayay xilli xubnaha dimoqaraadiyiinta ay ku gacan seereen inay ogolaadaan qarashkaasi. Hogaamiyeyaasha Republican-ka ayaa ku adkeysanaya in xisbigu uu garab taagan yahay madaxweynaha, inkastoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay doonayaan in laamaha xukuumadda xayiraada laga qaado Source
  4. (SLT-Muqdisho)Xalay saqdii dhexe ayaa lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku faafay meelo badan oo suuqa kamid ah. Dabka oo bilowday abaaro 09:20 pm xiliga Muqdisho ayaa la damiyay 12:00 am saqdii dhexe, iyadoo gaadiidka dab damiska ee gobolka iyo kuwa shirkadaha gaarka ah ay ka qeyb qaateen daminta dabka. Wuxuu ka bilowday dabka qeybta Suuqa Huudheyda, waxaana uu markii dambe gaaray qeybta maacuunta iyo qeybta hilibka ariga lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha, sida ganacsatada ay sheegeen. Hanti badan ayaa dabka ku bas beeshay, waxaana markii dambe laga hortagay inuu ku faafo qeybo kale oo Suuqa kamid ah, kadib dadaal dheer oo la sameeyay. Wararka dheeriga ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dabka uu ka bilowday koronto, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan waxyaabaha soo celceliyay in suuqa weyn ee Bakaaraha uu dab ka kaco, waxaana dababkii ugu dambeeyay ay kabilowdeen Koronto. Ganacsato badan ayaa hantidooda kala baxay xalay Suuqa, iyaga oo ka baqayay in dabka uu gaaro goobahooda ganacsiga, waxaana dabkii xalay uu dhulka dhigay guryo badan, iyadoo hanti badan oo wali aan la tiro koobin ay ku baaba’day. Source
  5. GOORMAY KULA QUMANAADEEN MADAXWEYNE WAXII SHALAY KULA QALOOCAY !!! ==================================================================== Waxa soo baxday in la kordhinayo oo doorashooyinkii dalku dib u dhacayaan mudo aan la sii garanayn, golaha guurtida Somaliland na kalfadhi aan caadi aheyn la isugu yeedhay maalinta sabtida. Haddaba marka aynu Somaliland eegno intii ay qaadatay nidaamka dimuqaradiga ah doorashooyinkii dalku xiligii loo cayimay kuma dhacaan iyada oo aanay jirin sabab macquul ah marka laga reebo mudokordhintii ugu dambaysay ee doorashadii madaxtooyada Somaliland oo ay Somaliland ka dhacday abaar baahsani. Waliba waxa xusid mudan iyada oo dad iyo xoolaha la madhanayo oo ay ahayd ta kaliya ee duruufihii sharcigu tilmaamayay ku xusan , Madaxwayne Biixi waxa uu ahaa ninkii yidhi aynu doorasho galno isaga oo kursigu u muuqdo, laakiin aan u fahmay in aanu dan ka lahayn dadka iyo xoolaha madhanaya ee reer Somaliland. Waxa uu tusaale inoogu soo qaatey wakhti dawladii Somalia ay dagaal ku jirtay oo doorashona ku soo beegantay in ay ahayd baan filayaa 1964kiiye. Haddaba shalay markii uu mucaaridka ahaa wuu diidanaa mudo kordhinta ee isweydiintu waxa ay tahay waxii shalay kula sharci darada ahaa maanta ma sharci ayey kula noqdeen? Waxii aad shalay diidanayd ee ahaa in komishan aanad kalsooni ku qabini uu doorasho kuu qabto ayaad maanta jeceshahay in komishan aan kalsooni loo haynini uu dadka wali soo hor fadhiyo. Waxa xisbigaaga iyo inta taabacsani ku doodaan xisbiga WADDANI baa diiday doorashada oo muranka iyo dooda uu ka qabo komishanka ayey doorashadu dib you dhacaysaa , isweydiintu waxa ay tahay dooda miyaanay aheyn mid ay xaq u leeyihiin hadii aanay ku kalsoonayn, miyaanay wanaagsanayn in garsoorkana la badelo oo aad tanaasushaan sidii shalay la idiinku tanaasulay iyada oo ahmiyadu tahay in doorasho dalka ka dhacdo. Somaliland waxa ay wax ku tahay oo ku iibsamaysaa in ay nidaamka ay qaadatay ka run sheegto oo doorashooyinka dalka wakhtigooda lagu qabto, doorashada dib u dhacday dalkana waa ku sumcad daro, xukuumada joogtana waa ku ceeb iyo foolxumo. Markaa waxaaban anigu shaqsiyan soo jeedin lahaa in ay kuraasida baneeyaan oo ay dalkooda iyo dadkooda u tudhaan Golaha Guurtida , Golaha Wakiilada , Goleyaasha deegaanada dalka iyo komishanka doorashooyinka qaranku si maanta somaliland waa cusubi ugu baryo, qaabkii degdeg loogu gali lahaana laga heshiiyo , si dalku iskula jaanqaado oo uu uga baxo ragaadka iyo raaf-dilaaca doorashooyinku inagu hayaan. Waxa aynu wax ku nahay isku tanaasulka wadatashiga iyo isqancinta oo caalamkuna inoogu joogsadaa hadii intii meesha ka baxdo oo ay noqoto taydaan wadanayaa , ma garanayo meel Somaliland loo wado , ee bal waa lagu eegi halkaad u socoto !!! Muhamed Dhimbiil Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Yaxye Sheikh Caamir oo ah aqoonyahan ku taqasusay arimaha dhaqaalaha ayaa su’aalo ka keenay guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Guddigaasi ayaa ka shaqeyn doono soo celinta hantida qaranka Soomaaliya, waxaana ku jiro wasiiro iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Qoraalka Aqoonyahanka ayaa u qornaa sidan: Hantida Qaranka. Codsi. Adiga oo aan u qaadan Mucaaradnimo & Muxaafadnimo oo aan siyaasadeeyn iiga Jawaab su’aalahaan,si aan uga faa’iido aragtidaada. 1-Hantida Qaranka ee la iska qaato ma duugoowdaa waqti ahaan? 2- Haddii laga Soo bilaabayo wixii Ka dambeeyay 1991,wixii Ka horeeyay ma la xisaabinayo miyaa Sabab? 3- Sida loogu Kala baahanyay, mudnaanta Hantida la Soo celinayo maxaa cabir u ah? 4- Guddi Siyaasiyiin u baadan maxaa loogu magacaabay? 5- Hantida Qaranka Maku Jirtaa lacagta Kaashka ah ee loo baahan yahay in la Soo celiyo? 6- Gudiga wasiiradu waqti ma u hayaan, oo shaqadii loo igmaday, ma Ka soo faraxasheen? 7- Amarkaani ma Hantida Xamar ayuu Ku eg yahay Mise Gobaladana waa saameeynaa? 8- suura gal ma tahay in dad gaar ah oo fikirkooda la diidan yahay loo isticmaali Karo,in lagu handado? 10- ma tahay Waqtigii Ku haboonaa nabadgalyo ahaan? Waad Ku mahadsan tahay jawaabtaada Qore: Yahya Amir
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay khasaaraha dabkii xalay qabsaday suuqa Bakaaraha ee magaalada caasimada Muqdisho. Dabka oo ahaa mid aad u balaaran ka bilowday qaybta lagu iibiyo Huudheyda ayaa kusii fididay qaybta kale ee Khudaarta, iyadda oo ugu dambeyntii lagu guuleystay in gabi ahaanba la damiyo. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Tuulax, Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir oo ka gaabsaday inuu sharaxo waxa dhaliyay Dabka ayaa tibaaxay in khasaaraha uu ubadan yahay mid Hantiyadeed. Mr Tuulax ayaa daboolka ka qaaday inay socoto tirakoob uu maamulka gobolka ku sameynayo khasaaraha guud ee dhashay, taasi oo uu rajo wanaagsan ka muujiyay inaanu noqon mid wayn. Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Dab qabsado qaybo kamid ah Suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha, waxaana markii ugu dambeysay ay ahayd sanadkii 2017-kii, markaasi oo khasaaro lixaad ah uu ka dhashay. The post G/Banaadir oo ka warbixiyay khasaaraha Dabkii Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland oo walaac badan ka qaba doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayaa ka hadlay ruuxa ugu wanaagsanaa ee ku haboonaa inuu kusoo baxo doorashada Puntland. Wasiirka Biyaha Somaliland Suleymaan Yuusuf Cai Koore oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay filayeen in doorashada magaalada Garowe uu kusoo baxo Cali Ciise Cabdi oo ahaa musharax aan codad badan ka helin doorashada. Wasiir Koore, ayaa sheegay in doorashadii Puntland ay muujisay inaan la wada laheyn deegaanada Puntland, balse hal qabiil oo kaliya ay leeyihiin, maadaama inta badan dadka kasoo jeeda Garowe, Gaalkacyo ama Boosaaso loo doorto madaxweynaha Puntland. Musharax Cali Ciise Cabdi ayuu sheegay inuu ahaa ruux mudan inuu hogaamiyo Puntland balse aysan dhicin, taasi oo dhibaato ku ah dadka aan kasoo jeedin gobolada Bari, Mudug iyo Nugaal. Cali Ciise ayuu ku amaanay taariiqdiisa iyo waxqabadka lagu yaqaanay, balse xildhibaanada Puntland aysan tixgelin waxqabadka shaqsiyadeed ee Cali Ciise. “Waa wax aad iyo aad looga naxo natiijada doorashada, inaan la wada laheyn Puntland waxaa noogu filan, beentii dadka horey loogu sheegayayna oo in meesha reer leeyahay waxaa ugu filan doorashadii Cali Ciise Cabdi iyo meesha la dhigay, wuxuu ahaa shaqsigii ugu waayo aragsanaa Africa, sagaal wadan oo Africa ahna soo dhisay”ayuu yiri wasiirka. Cali Ciise Cabdi ayaa kamid ahaa musharixiintii sida weyn loo hadal hayay, balse ma noqon sidii laga filayay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  9. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Taliye Yuusuf Xundubeey oo katirsan saraakiisha ciidamada Booliska. Xundubeey ayaa dhowaan muuqaal ay ka duubtay gabar xaaskiisa ahaan jirtay la arkayay isaga oo jirdil iyo aflagaado u geeysanayay. Gabadhaasi ayaa u dhashay taliyaha gabar waxaana uu doonayay in uu xoog kaga qaato sida ay sheegeen dad aan la hadalnay. Qoraal ka soo baxay wasaarada amniga ayaa lagu sheegay arintaasi “Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga. Dad badan ayaa arintaani soo dhoweeyay iyaga oo sheegay in ay tilaabadaasi yareeyneeyso ku takrifalka awoodeed ee saraakiisha iyo xubnaha dowlada katirsan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Sarkaal gacan u qaaday xaaskiisii oo la xiray appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay xabsi dhigeen sarkaal sameeyay ku tagrifal awoodeed. Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Maxamuud Xun-dubey ayaa lagu soo eedeeyay inuu Jirdilay xaaskiisa, kuna baahiyay baraha bulshadda. Taliska ayaa ku adkeystay inaanu marnaba loo dulqaadin karin in lagu xadgudbo sharafta iyo karaamada dadka Soomaaliyeed. The post Sarkaal ka tirsan Booliska Somalia oo xabsi la dhigay appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Maamulka gobolka Banaadir iyo xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay ka shaqaynayaa sidii dib-udejin loo Barakacyaasha magaalada Muqdisho. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow], Duqa Muqdisho, ahna gudoomiyaha gobolka, ayaa tibaaxay in maamulkiisa uu ahmiyad gaar ah siinayo sidii mustaqbalka dhow Barakacyaasha uheli lahaayeen nolal fiican. Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka ee XFS ayuu tilmaamay inay isla garteen in magaalo madaxda laga hirgeliyo xarun looga gurmado dadkaasi, iyo marka ay timaado musiibooyin gaar ah. Magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin 5-milyan oo ruux ayaa waxaa nool Barakacyaal ku dhibaateysan Xerooyin, waxaana maamulka gobolka iyo dowladda ay wadeen mudooyinkii dambe qorshe loogu gurmanayo. The post XFS iyo G/Banaadir oo xal uraadinyaa Barakacyaasha appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in xabsiga la dhigay sarkaal ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed oo dhibaato u geystay qof Dumar ah. Sarkaalka wasaaradda amniga ay sheegtay in xabsiga la dhigay ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Xundubey, waxaana loo heystay dhibaatada uu u geystay xaaskiisii hore, waxaana qoraalka wasaaradda uu u qornaa sidan:- “Wasaaradda Amniga waxay soo xirtay Sarkaal ka tirsan Booliska Soomaliyeed oo fal foolxun kula kacay Gabar Soomaliyeed oo ahayd xaaskiisi hore/ Xaafada Shibis. Marnaba looma dul qaadan doono in Ciidamadu ku xadgudbaan sharafta iyo xuquuqda muwaadinka Soomaliyeed”. Seddex arin ayaa sababtay in xabsiga la dhigo Yuusuf Xundubeey, waxaana ugu horeeya xirnaanshaha uu xirnaa dareeska ciidamada booliska Soomaaliyeed oo uu dhibaato u muuqatay handadaad ugu geysanayay qof Dumar ah. Arinta labaad ee fududeysay xarigiisa ayaa ah in xaaskiisii hore ay Live kasoo gashay baraha Bulshada, taasi oo keentay in dad badan uu gaaro muuqaalka, islamarkaana aad looga doodo Facebook, islamarkaana wasaaradda amniga ay ka jawaabtay. Arinta Seddexaad ee sahashay in Yuusuf Xundubeey xabsiga la dhigo ayaa aheyd in ruuxa uu dhibaatada u geysanayo ay tahay xaaskiisii hore oo ah qof Dumar ah. Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin waxa laga yeelayo Yuusuf, balse waxaa inta badan dhacda in tacadiyada noocaan oo kale inay ku biyo shubtaan xal ay gaaraan qoysaska labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Guddiga Arrimaha Bulshadda ee Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Guddiga Badbaadinta iyo Soo Celinta Hantida qaran oo uu shalay magacaabay Ra’iisul Wasaaraha. Senator Axmed Macalin Nuur [Axmed Nadiir], Gudoomiyaha Guddigaan oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa ku tilmaamay talaabada wasiirka 1aad ee XFS mid timid xili loo baahnaa. Gudoomiye Axmed Nadiir ayaa balanqaaday inay si dhow ula shaqayn doonan Guddiga, oo ka kooban 11 xubnood, oo 8 kamid ah yihiin Wasiiro, iyadda ay ku jiraan Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Xeer-ilaaliyaha qaranka. Ugu dambeyntii, Senator-ka ayaa kalsooni wayn ka muujiyay in Guddiga uu ku guuleysto waajibaadka culus ee la saarey, wuxuuna cod dheer ku tilmaamay in gacanta dowladda lagu soo celinayo Hantida haatan maqan. The post Aqalka Sare oo bogaadiyay Gudiga uu magacaabay Khayre appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Xalay saqdii dhexe ayaa lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku faafay meelo badan oo suuqa kamid ah. Dabka oo bilowday abaaro 09:20 pm xiliga Muqdisho ayaa la damiyay 12:00 am saqdii dhexe, iyadoo gaadiidka dab damiska ee gobolka iyo kuwa shirkadaha gaarka ah ay ka qeyb qaateen daminta dabka. Wuxuu ka bilowday dabka qeybta Suuqa Huudheyda, waxaana uu markii dambe gaaray qeybta maacuunta iyo qeybta hilibka ariga lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha, sida ganacsatada ay sheegeen. Hanti badan ayaa dabka ku bas beeshay, waxaana markii dambe laga hortagay inuu ku faafo qeybo kale oo Suuqa kamid ah, kadib dadaal dheer oo la sameeyay. Wararka dheeriga ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dabka uu ka bilowday koronto, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan waxyaabaha soo celceliyay in suuqa weyn ee Bakaaraha uu dab ka kaco, waxaana dababkii ugu dambeeyay ay kabilowdeen Koronto. Ganacsato badan ayaa hantidooda kala baxay xalay Suuqa, iyaga oo ka baqayay in dabka uu gaaro goobahooda ganacsiga, waxaana dabkii xalay uu dhulka dhigay guryo badan, iyadoo hanti badan oo wali aan la tiro koobin ay ku baaba’day. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-11012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Kooxaha dab-damiska ayaa ku guuleystay inay damiyaan Dab xoogan oo xalay ka kacay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Dabka ayaa lasoo sheegayaa inuu ka bilowday qaybta lagu iibiyo Huudheyda, wuxuuna kusii faafay qaybaha kale ee ku dhow. Khasaaraha badan ee uu dabku sababay ayaa lasoo sheegayaa inuu yahay mid Hantiyadeed, wallow ay jiraan dhaawac dad soo gaarey. Dadka dhaawacmay ayaa la sheegay inay waxyeeladu kasoo gaartay Rasaas ay ganeen ciidamada amniga, taasi oo timid markii looga shakiyay inay boob damac-san yihiin. Hoos ka daawo sawiradda The post SAWIRRO: Khasaaraha dabkii ka kacay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Garowe (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in saacadihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayo arin ku cusub siyaasadda Soomaaliya, kadib markii mid kamid ah musharixiintii laga guuleystay uu ku dhagay xildhibaano badan. Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka ay ka qaateen mid ka mid ah musharixiintii laga guuleystay dhaqaalo badan islamarkaana ay ka codeeyeen, waxaana taasi ay dhalisay in musharaxa uu lacagaha uu kasoo ceshado xildhibaanada qaar. Arintaan ayaa aad looga hadal hayaa magaalada Garowe, waana markii ugu horeysay oo laaluush lagu kala qaatay doorasho la isku qabsado, sida xogaha aan ku heleynana inka badan 10 xildhibaan ayaa iska celiyay lacagaha. Guddi loo xilsaaray inay soo celiyaan lacagaha laga qaatay Musharixiinta ayaa so hoose looga magacaabay magaalada Garowe, waxaana odayaasha dhaqanka ee beelaha qaar ay dalbadeen in xildhibaanada ku beesha ah ay iska celiyaan haddii lacago ay qaateen. Odayaal shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa xildhibaanada ka dalbaday inay dib u celiyaan lacagaha, waxaana wararka ay sheegayaan in ku dhawaad 50 ilaa 70 kun ay xildhibaanada qaar ay qaateen. Madaxweynaha talada Puntland loo doortay ayaa wareysi uu siiyay BBC ka sheegay in doorashadiisa aysan ku jirin wax laaluush ah. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  18. Hargeysa (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee wasaaradda biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac oo hadda ka tirsan saraakiisha xisbiga Wadani ayaa ka hadlay waxay Somaliland kaga dhigan tahay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe. Baashe Cali Jaamac, ayaa ugu horeyn sheegay inuu la dhacsan yahay hanaankii wanaagsanaa ee ay ku dhacday doorashadii seddex maalin ka hor ka dhacday magaalada Garowe ee lagu doortay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland. Wuxuu sidoo kale sheegay in horumar ay gaaraan maamulada kale ee Soomaaliya ay ka dhigan tahay inay Soomaaliya oo dhan horumar gaareyso, isaga oo sheegay in hanaan dimuqraadiyadeed ay ku dhacday doorashada. Wuxuu si gaar ah kaga hadlay doorashadii uu kusoo baxay madaxweyne ku xigeenka maamulka Putland Axmed Karaash oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka SOOL. Baashe Cali, ayaa sheegay in ninkaasi uu yahay nin dagaalka wax ka yaqaan, islamarkaana ay jirto cabsi ah inuu Somaliland uu dagaal kusoo qaado, maadaama marar badan uu dagaalo ka qeyb qaatay, sida uu hadalka u dhigay. “Waxay ku keeni kartaa inuu dagaal qaado, waayo ninkaan waa nin jabhad ah oo ilaa Kalshaale kasoo dagaalamay, marka wey dhici kartaa, Sababtana inagaa leh oo waa inagii Tukaraq weerar ku qaadnay eeda anagaa leh, iima muuqato in weerarkii Tukaraq dhul lagu soo celinayay”ayuu yiri Baashe Cali. Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarkii ka dhacay deegaanka Tukaraq uu ahaa mid dad badan oo deegaankiisa ku sugnaa lagu barakiciyay, islamarkaana Somaliland ay askar badan kaga dhimatay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@Live.com
  19. Qaahira (Caasimada Online) – Dalalka Sacuudiga, Imaraaadka iyo Israel ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah oo looga hadlay sidii dowladda Bashar al-Assad dib loogu soo celin lahaa xubinamdeeda Jaamacadda Carabta, si loo wiiqo saameynta Turkiga ee gobolka. Saraakiil sirdoon oo sare oo ka socda saddexdan dal, ayaa bishii tagtay ku kulmay mid ka mid ah caasimadaha dalalka Khaliijka, halkaasi oo lagu dejiyey qorshayaal dhowr ah oo ka dhan Turkiga, sida uu weriyey website-ka caanka ah ee Middle Ease Eye. Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa culeysyada caalamiga ah ee Sacuudiga uu kala kulmay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, oo Turikiga uu hogaaminayey. ‘Xubnihii ka qeyb galay kulanka waxay isku raaceen in Turkiga uu halis ku yahay dhammaantood, ayna tahay inay si wada jir ah u wajahaan” ayuu yiri qof ka qeyb galay kulanka. Agaasimaha hay’adda sirdoonka Yahuudda ee Mossad, Yosi Cohen ayaa u sheegay dhiggiisa dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka inaysan waxba ka wel-welin Iran, balse ay iska ilaaliyaan Turkiga. “Awoodda Iran waa mid jilicsan, halista dhabta ah waxay idin kaga imaneysaa Turkiga” ayuu Cohen u sheegay madaxa sirdoonka ee Sacuudiga iyo Imaaraadka. Maadaama Turkiga dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo Suuriya, in dib loogu soo celiyo Suuriya Jaamacadda Carabta ayaa loo arkay mid sii cidleyn karta Turkiga, islamarkaana abuuri karta xulufo Carbeed oo kasoo wada horjeeda xukuumadda Ankara. Wixii markaas ka dambeeyey ayaa waxaa mar qura socdaallo isdaba joog ah ku tagay dalka Suuriya, madaxda dalal Carbeed oo dhowr ah, ayada oo xitaa Imaaraadka uu dib u furay safaaraddiisa magaalada Dimishiq. Loolanka ka dhaxeeysa Sacuudiga iyo Turkiga ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah sababaha dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ula saaxiibay Yahuudda, ayada oo meeshana ay ka marneyn loolanka Sacuudiga iyo Iran. Caasimada Online Xafiiska Qaahira caasimada@live.com
  20. Laascaanood (Caasimada Online) – Sida ay ol-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimadda Online, waxaa la filayaa in maanta salaada Jimce kaddib dibad bax ka dhaco magaalada Laacaanood. Dibad baxan ayaa la sheegay in uu daba joogo hadalkii ka soo yeeray Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo sheegay in Somaliland ay kusoo xadgudubtay Puntland. Waxaa hadalkaas ka jawaabay Wasiirka Biyaha ee Somaliland Saleebaan Cali Koore oo ka soo jeeda gobolka Sool. Hadaladaas la’is dhaafsaday ayey suurtagal tahay in ay markale collaadi ka dhacdo gobolka Sool gaar ahaan aagga Tukaraq oo ay ciidamada Puntland iyo ciidamada Somaliland isku horfadhiyaan. Bulshada reer Laascaanood oo u arkay hadalka Deni mid gef ah ayaa la filayaa in ay darenkooda banana bax ku cabiraan. “Wax iska caadi ah ayey noqotay in hogaamiyeyaasha Puntland ay collaada gobolka Sool ka dhigtaan wax lagu kaambeen gareeyo maalmaha doorashada iyo marka uu madaxweyne waqtigiisa sii dhamaanayo “, waxaa sidaas Caasimada u sheegay mid ka mid ah dhallinyarada dibad baxa soo qaban qaabisay. “Waxan u sheegeynaa madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland in reer Sool in lagu dul dagaalamo dooneyn oo hadda haystaan nabad ee madaxda maamulkaas yeysan xaalad abuur noqon,” ayuu raaciyey hadalkiisa shaqsiga noo warramay oo codsaday in aan la xusun. Hase ahaatee, iyada oo ay maamulada Somaliland iyo Puntland ku dagaalamaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, hadana dadka ku dhaqan deegaankaas ma rabaan labada dhinacba oo ay waxa ay doonayaan maamul iyaga u gaar ah. Caasimada Online Xafiiska Laascaanood caasimada@live.com
  21. Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaga cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa wareysi dheer siiyey BBC oo uu uga hadlay arrimo badan. Wareysiga uu Deni bixiyey oo ahaa kii ugu horreeyey tan iyo markii la xushay salaasadi, ayuu uga hadlay waxyaabaha uu doonayo in uu maamulka Puntland ka qabto, arrimo la xiriira Somaliland iyo dowladda Federal-ka ah. Arrinta Somaliland ee uu ka hadlay ayaa ku saabsaneyd muranka dhulka ah ee u dhexeeya labada dhinac, isaga oo sheegay in Somaliland soo xadgudubtay oo ay tahay in ay dib ugu laabtaan fariisimahooda ama waqtiga uu celin doono (Dagaal). Hadaba muxuu saameyn ah oo uu yeelan karaa hadalkaas, sidee uu u dhaawici karaa midnimada Soomaaliya? Caadiyan Puntland waxa ay caqabad ku ahayd dowladnimada Soomaaliya, iyada oo ay xukumadaha Villa Somalia dhibaato iyo is jiid jiid siyaasadeed kala kulamayeen hoggaan kasta oo soo maray maamulkaas. Hase ahaatee, hadalka Deni ee ku soo aaday isaga oo aan maalmo joogin waxa uu collaad ka abuuri karaa Gobolada Sool, Sanaad iyo Cayn. Sida la ogyahay Puntlad ilaa iyo 2007 gacanta kuma ahayn magaalada Laascaanood oo ah xarunta Gobolka Sool, taas oo muujieysa sida shacabka deegaankaas ay ugu qaacsan yihiin Somaliland. Hadalka Deni waxa uu meel xun dhigi karaa wadahadalka u socda ama la rabo in la dardar galiyo ee Soomaaliya iyo Somaliland, maadama waxa wada hadalyada ay yihiin goboladii Waqooyi oo maamul sameystay iyo Soomaaliya-da Koonfuureed. Haddii Deni ku adkeysto hadalada xanafta leh ee uu hawada u marinayo Somaliland, waxaa ka dhalan kara dagaal taas oo meesha ka sii saari doonta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Deni waxaa habboon in uu ku ekaado maamulkiisa oo uusan dhibaato ku noqon midnimada umadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  22. Qormaddii kowaad Hordhac Laga soo bilaabo horaantii qarnigii 18aad waana mar kuu ka soo if-baxay fikirka cilmaaniga ahi qaaradda Yurub ,waxa kordhayay labada kooxod oo kala ah kuwa aamisan fikirkan iyo ka soo horjeeda , waxana soo if-baxay khilaaf la xiriira sharciyada fikirkan gar ahaan markuu soo galay waddamada muslimka ah horaantii qarnigii hore. Bal waxa aynu isku dayeynaa in aynu dib u eegno fikirkan taariikh ahaan , aragti ahaan iyo doodaha uu ku dhisan yahay fikirkani . inagoo taxane qormooyin ah ku sharaxi doona mawduucan laga soo bilaabo markuu dhashay ilaa markii uu soo galay waddamada muslimka ah. Qeexitaanka Cilmaaniyadda: Al-cilmaaniya waa eray af Carabi ah, oo asalkiisuna ka yimi eray af Ingiriisi ah, kaasi oo ah secularism. Eraygani secularism oo micnihiisu af ingriis yahay sida ku xusan Cambridge advanced learners dictionary :“ the belief that religion should not be involved with the ordinary. Social and political activities of a country “.[1] Qeexitaankan oo macnihiisu noqonayo haddii aynu af-soomaali u rogno sidan :“ Aaminaadda in aysan diintu soo faragalin arimaha bulshada iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka ”. Kaasi waxa uu ahaa qeexitaanka qaamuuska CALD, laakiin hadda waxa aynu bal eegaynaa waxa ay cilmaaniyiintu ku qeexaan fikirkooda ,tusaale ahaan , Roger Williams waxa uu ku qeexay cilminaayida “ gidaarka kala qaybiya dowlada iyo kaniisada ” .[2] halka uu qoraagii reer Masar ee Faraj Fowda uu ku tilmaamayo cilmaaniyadda isla qeexitaankan oo kale . Waxa xusid mudan in markii ugu horeysey ee la isticmaalo erayga secularism inay ahayd sanadkii 1851, waxaana isticmaalay qoraaga biritishka ah ee George Jacob Holyoake si uu u qeexo aragtidiisa ku aadan kala saaritaanka diinta iyo dowladda .[3] Taariikhda cilmaaniyadda : Wadamada reer galbeedka Fikirka ku dhisan kala-saaritaanka diinta iyo dowlada waxa uu kasoo if baxay qaaradda yurub bilowgii qarnigii 16aad xiligaas oo uu socdey loollan ka dhexeeyey kaniisadda iyo saynis-yahanadii xiligaas sida Galileo Galilei , Nicolaus Copernicus IKK. Kaniisadu sida aynu ku sharixi doono qormooyinka soo socda insha’allah waxa ay colaad iyo dagaal ku qaaday raggaas iyo kuwa la midka ahaa iyadoo ka cabsi-qabtay in horumarka xaga aqoonta iyo saynisku saamayn taban ku yeelan doono awoodeeda siyaasadeed ee bulshada iyo dalka. Balse loollankani waxa uu meeshii ugu sarreysey gaadhey xilligii uu socdey kacdoonkii faransiiska ee intii u dhexaysey bisha May 5, 1789kii ilaa bishii Nov 9, 1799kii ,kaas oo sababay in la dilo boqorkii faransiiska ee Louis XVI iyo rag badan oo ka tirsan kaniisadda . Kacdoonku waxa uu sababay in kooxihii ka soo horjeeday kaniisadda ay aas’asaan baarlamaankii ugu horeeyay ee ay ugu badan yihiin cilmaaniyiintu sanadkii 1891. Fikirkii cilmaaniga ahaana waxa uu ku sii xoogsaday dalka Jarmalka oo xiligiis uu dhaqdhaaqaqii Protestantism-ku uu ka socday dalkaas. Wadamada muslimka ah Fikirkan cilmaaniga ah waxa uu wadamada muslimka ah soo galay waqtigii gumaystuhu haystay, waxaana uu ka soo galay dalka Masar xilligii uu ingriisku gumaysanayey laga bilaabo 1882 ilaa 1913. waxaana fikirkan qaatay rag badan oo ka tirsan kiristaanka dalka Masar sida : shabal shamiil, Farax Atwan, Joorji Saydan IKK. waxa ayna saameeyeen kooxa muslim ah sida Qaasim Amiin , Axmed Sayid [ 6] IKK.. Hadaynu u soo dhaqaaqno dhanka waqooyi iyo Turkiga oo ah dalka ay ugu awoodda badan yihiin cilmaaniyiintu waxaynu arkaynaa in fikirkani uu soo galay markii ay dhacday khilaafadii cusmaaniga ahayd ee sanadkii 1918-kii. markaas oo uu maamulka si xoog ah kula waregey ninka loo yaqaanno Kamaaludiin Ataaturk [erayga Ataturk micnihuusa waa Aabaha turkida] isaga oo mamnuucay dhammaan astaamaaha islaamiga ah sida: Akhriska iyo barashada quraanka. Xirasha dharka ay ka muuqato astaan muslim , Adanka oo af-Turki loo badelay , khamriga iyo dhilaysiga oo la fasaxay ilaa uu gaadhay dakhliga ay dowladu ka faa’ido ku dhawaad 4 bilyan!! Sanadkii hore ee 2018 [ 5]. intaa ka dib waxa uu fikirkani u sii gudbay wadamo badan oo muslim ah sida Tuunis, Bangaaladheesh, Al-Jasaa’ir IKK. Q/W Salman Siciid Ibrahim, MA Mahadsanid References 1.CU (2008) . Cambrige advanced learners dictionary. third edition . Cambridge University Press Journal of Concordatwatch . Roger Williams erects a wall between church and state (Article) 3.Holyoake, G.J. (1896). English Secularism: A Confession of Belief.
  23. (SLT-Hargaysa) Sawirka sannadkan Cusub ee bilawga ah ayay shabakadda wararka ee Somalilandtoday u dooratay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wakhtigii uu ololaha Mucaaridka aanu waxba la hadhin ku hayay Daahir Rayaale Kaahin, isagoo ku mudaharaadaya. Source
  24. Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo gaaray Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho uu dab ka kacay. Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa soo gaaray Gudaha suuqa Bakaaraha. Gudoomiyaha ayaa ka qeeybgalaya daminta dabkaasi . Sidoo kale xubno kale oo katirsan mamulka Gobolk Banadir ayaa wehlinaya Tuulax. Xiligaaan oo ah saq dhexe waxaa ka socdo Suuqa Bakaaraha daminta dabkii caawa fiidkii ka kacay gudaha suuqaasi. Hoos ka Daawo Sawirada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Suuqa Bakaaraha Muqdisho The post Madaxda Gobolka Banaadir oo soo gaaray suuqa Bakaaraha uu dab ka kacay appeared first on Puntland Post.