-
Content Count
207,251 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
CLICK HERE Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamada qalabka sidda, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa faahfaahin ka bixiyay Kiisaskii ugu badnaa ee sanadkii lasoo dhaafay ay qabatay Maxkamadda Ciidamada. Waxaa uu sheegay in Kiisaska ugu badan ee soo gaaray Maxkamadda in ay yihiin Al-Shabaab iyo Daacish oo uu sheegay in yihiin ugu halista badan Soomaaliya. Gudoomiyaha waxa uu sheegay in wali ay taagan tahay halista waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda ah, uu sheegay in ay halis ku yihiin Nolosha Umadda Soomaaliyeed. Gudoomiyaha ayaa xusay in Kooxda ugu halista badan Soomaaliya hadda ay tahay Kooxda Daacish oo Sanadyadii ugu dambeeyay Soomaaliya kasoo ifbaxday. Daacish ayaa u muuqata, inay hadda halis ahaan ka sare mareyso kooxda Daacish, ayada oo kooxdan ay isku dayeyso inay is-muujiso, islamarkaana ay gacanta ku dhigto deeganao badan. Hoos ka dhageyso Shuute https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/cod-1-maxakda-ciidanka-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Waqtigu waa waxa ugu qaalisan ee uu qofka ibnu aadamka ahi haysto inta uu nool yahay, waana raasamaalka ugu faa’iidada badan haddii si wacan looga faa’iidaysto oo loo qorsheeyo. sida ay xikmaddani leedahay (waqtigu waa waxa nolosha laga sameeyo). Nolosha qiimaheedu waxa ay ku xidhan tahay qiimaha waqtiga iyo ka faa’iidaysigiisa. Haddaba adigu akhriste ma is weyddiisay qiimaha waqtigaaga? Waa su’aal muhiim ah waana su’aasha ugu qaalisan su’aalaha loo baahan yahay inuu qofka caqliga iyo caafimaadka Alle (SWT) siiyay is weydiiyo oo uu garto jawaabta saxda ah ama ku habboon in lagu qeexo. Su’aashan jawaabteeda waxa si sax ah u helay in yar oo fara ku tiris ah oo dadkeenna ka mid ah, intaas heshayna waa inta yar ee waqtigooda ka faa’iidaystay ee gartay qiimaha uu u leeyahay kuwaas oo uga faa’iidaystay wax badan oo faa’iido u leh naftooda, if iyo aakhiraba anfacaya, ha ugu horreeyaan khayrka iyo cibaadada suubbaniye. Haddaba nolosha qiimaheedu waa waqtiga, dadkana waxay noloshoodu u kala qiimo badan tahay sida waqtigoodu u kala qiimo badan yahay. Waxa se is weyddiin leh waqtigu miyuu kala qiimo duwan yahay? Jawaabtu waa maya, waqtigu ma kala duwana waxa makhluuqa oo dhan ka siman yihiin waa hal waqti oo isku mid ah se waxa qiimihiisa kala duwaa waa insaanka iyo duruufaha noloshiisa. Qof waliba isaga ayaa waqtigiisa qiimo gaar ah u yeela. Sida aan ka warqabno qof wal oo koonka saarani waxa uu haystaa ama ku xisaabtamaa sannad 12 bilood ah, bil 30 cisho ah, toddobaad 7 maalmood ah, maalin 24 saacadood ah iyo saacad 60 daqiiqadood ah. Sidaas ayaanu waqtigu weligiina iska beddelin oo waa ta Qur’aanka kariimka ahba inoogu cad in sannadku alle (SWT) agtiisa ka yahay 12 bilood. Taasi waxay kuu caddaynaysaa in insaanku mar walba waqti isku mid ah haysto se uu isagu qiimihiisa mid gaar ah oo aan lala wadaagin ama lagala sinnayn ka dhigan karo. Waxa keli ah ee ka la duwayaa waa sida ay u kala qiimeeyaan iyo faa’iidooyinka ay ka gaadhaan. Marar badan ayaad arkaysaa qof yar oo 20 sanno jiray oo nolshiisu ka qiimo iyo faa’iido badan tahay mid 60 sanno jiray. Waxa aad markiiba is weydiinaysaa sidee qofkan 20-ka sanno jiray kan 60-ka jiray uga faa’iido badnaan karaa isaga oo kan 60-ka soo noolaa saddex laab inta uu nool yahay kan kale!, Waxa uu uga faa’iido badan yahay kan yari waxa uu si wacan uga faa’iidaystay 20-kan sanno ee uu haystay lagaba yaabaa in aan daqiiqad keliya oo bilaa faa’iido ah ama maalaayacni ah laga helin waqtiga uu noolaa. Halka kan kalena waqtigiisa intii badnayd uu ku dhaafay faa’iido la’aan iyo waxaan dani ugu jirin kaas oo moogganaa qiimaha waqtigiisu leeyahay kadibna is arkay uun isaga oo 60-jir ah oo aan wax faa’iido ahna ka hayn waqtigiisii. Halkaa ayuu ka bilaabaa calaacal iyo murugo isaga oo iska qoomamaynaya khasaaraha uu naftiisa baday ee uu ka taagan yahay waqtigii iyo caqligii uu Rabi ugu deeqay iyo noloshiisan bilaa qiimaha ah taasina waa halkay Soomaalidu kaga maahmaahdo (nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raadcee). Halka kii yaraa hadduu 60 gaadho uu ku gaadhayo farxad iyo guul iyo nolol qiima leh ileen markii uu waqtiga haystey buu waqtigiisii qiimo u yeelee. Waxaa mar walba innagu waajib ah inaan waqtigeenna uga faa’idaysanno sida ugu habboon kagana faa’iidaysanno waxa Alle (SWT) raalligelinaya, si aad adiguna ugu noolaato nolol aad raalli ku tahay. Waxyaabaha aan kaga faa’iidaysan karno waqtigeenna maxaa ka mid ah? Cibaado suubban oo aan Allihii ina abuurtay (SWT) ku caabudno oo aynu si wacan u garano sababta la inoo abuuray inay tahay in aan Alle keligiis (SWT) u caabudno waa ku Alle inoogu sheegay Qur’aanka (Jinka iyo insiga umaanaan abuurin inay na caabudaan mooyaane). Innaga oo kaga faa’iidaysanayna cilmi aan baranno kaas oo noqonaya ka ina anfacaya nolosha adduunka iyo ta aakhira labadaba cilmigaas oo uu ugu horeeyo barashada kitaabka alle ee kariimka ah. In aan nafaheenna ku adkaynno samaynta wanaagga, wanaaggaas oo aynu usamaynayno nafeheenna iyo walaalaheenna kaleba innaga oo ku caawinayna walaalaheen wax kasta oo wanaag ah sida (innaga oo wax wanaagsan farna, sadaqo siinna, dhib haysatey uga gargaarna, ka bukaanka ah soo booqanna, i.w.m.). Waa in aan muhiimadda koowaad ka dhignaa saan waqtigeenna wax anfac inoo yeelanaya if iyo aakhiraba ugaga faa’iidaysanno. Ma ogtahay in imaamkii weynaa ee Bukhaari uu cilmigiisu ka badnaa cimrigiisa; taasna uu ku mutaystay dedaalkii badnaa iyo sidii wacnayd ee uu qiimaha waqtigiisa u bartay. Qofka bani’aadamka ahi waa maalma yar inta uu nool yahay iyo waqtiga uu haysto hadduu ka faa’iidaysto wuu guulaysan haddii u garan waayana wuu khasaari. Xikmad baa tidhaahda (ogow ibnu aadam waxa tahay maalmo is daba socda mar kasta oo maalmahaa mid ka mid ahi tagtana waxaa tegay badhkaa). Nolosha oo dhami waa saddex maalmood si guud markaynu u eegno. Shalay Waa maalin tagtay oo aan kugu soo laabanayn wixii ay guul iyo khasaare ba lahayd way la tagtay, mana soo ceshan kartid. Waxa se laga yaabaa haddii aad tahay qof dhugasho leh inaad haddana si dadban uga faa’iidaysato maalintaa ku dhaaftay ee aan soo noqoshada lahayn, Waxa su’aashu tahay sidee ayay suurto gal u tahay inaad tidhaa waqti tagay ayaan ka faa’iidaysanayaa? Way fududdahay, waxaana garan kara kaliya qof caqli u saaxiib ah, Ugu horrayn waa inaad dareento wixii ku seegay shalay kuna dedaasho in aanay dib u dhicin si ay dawo ugu noqoto soo noqnoshada marxaladda caynkaas ah. Maanta Waa maalinta ugu qaalisan cimrigaaga waana raasammaalka ugu weyn ee aad haysato, Waa maalinta ugu qaaalisan noloshaada qiimaha noloshaada oo dhamina waxay ku xidhan yihiin saacadaha yar ee ku jira noloshaada, qiimaheeduna waxa ay noqonaysaa sida aad hadba ugu faa’iidaysato oo keliya waayo manta markaad ka faa’iidaysato berrina waad ka faaidaysankartaa iyo cimrigaaga oo dhanba laakiin se hadaad maanta lumiso beritana waad lumin sidaasaanad ku lumisay noloshaadii oo dhan waxaa la yidhi (qofka waxa jooga aan garani waxa soo socda ma garto). Berri Berriyeey maxaa tahay? waa maalin maqan mana garan kartid waxa ay kuu sido waxay noqon inaad gaadhi iyo in kale alle (SWT) ayaa keligii og berri iyo waayaheeda mana aha inaad ku xisaabtanto waxanad garanayn wax ay noqon (haddaad waa bariisato ha sugin in aad galab dhacsato hadii aad galab dhacsatana ha sugin in aad waa bariisato) Waayo ma ogid inaad subax leedahay iyo in kale, laakiin maanta ka dhig maalinta guushaada hawl-maalmeed kaagana u samee sida ugu wacan ee ugu quruxda badan hammigaaga iyo dadaalkaagana isugu gee saad manta u guulaysan lahayd, taasina waa sirta nolasha sarraynta iyo farxadda, waxa aa la yidhaah daa (qaamuuska waqtiga kelmed keliya ayaa ku jirta kelmedaasina waa “ iminka ama hadda” macnihii waa daqiiqadaa aad hadda joogto oo keliya). Taasina waxa ay kuu caddaynaysaa in waxa aad haysataaba yahay daqiiqaddaa aad joogto oo keliya, qiimaha noloshaaduna waa hadba inta ku soo marta sida aad uga faa’iidaysato. Waqtiga qiimihiisa in badan baa diinteennu innagu boorisay ka faa’iiday-sigiisa kaas oo aan ka soo qaadan karno Xadiiskii shariifka ahaa: shan ka faa’iidayso shan ka hor, Waxaa ka mid ahaa shanta: ka faa’idayso firaaqadaada mashquulkaaga ka hor, Carabtuna waxa ay ku maahmaahaan “qof waliba waa ina maalintii in ka badan inta uu yahay ina aabbihii”. Xikmado iyo meelo badan oo diinteena ka mid ah ba waxaa kaaga muuqanaya oo ay ina farayaan waa qiimaha waqtigu leeyahay inagana sida inagu waajib ka ahi waa in aan ka faa’iidaysanaa maalmaha nolosheena si aan ifka sharaf iyo cisi ugu noolaano aakhirana camal wanaagsan oo ina anfaca aynu u kasbano, waa in aad noqotaa qof noloshiisa iyo naftiisa toona aan faa’iido la’aanta iyo maalaaa yacnigu boos ka lahayn oo aanay uga bannaanayn. Si hadda ba aad u xaqiijiso arrintan waa in aad habeen kasta intaa aanad seexan kahor waa in aad xisaabtantaa oo xisaab xidh ku samaysaa waqtigii aad maanta soo qaadatay iyo waxa aad kaga faa’iidaysatay, waa in aad ogaataa saacad walba iyo halka ay kaaga baxday iyo waxa aad ku qabatay, adigoo is kala mid dhigaya sidii nin meherad leh oo kale oo habeenkii xisaabinaya meheradiisa si uu u ogaado waxa uu faa’iiday iyo waxuu khasaaray iyo weliba waxa uu berri la shaqa tagayo intaba. Taasi waxay kuu fududaynaysaa inaaad ogaato waqtigaagii iyo sida aad manta ku qaadatay haddii maxsuulku kuu sooboxo guul aad baan kuugu hanbalyaynayaa waxaanad tahay qof noloshiisa guul ka jooga, hadii kalena waad khasaartay ee nafta ku dhiiri geli in aanad dib u khasaarin oo aad khasaarahaga guul ku bedesho sida ugu dhaqsaha badan alle na (SWT) talo saaro keligii ayaa awooda inuu wax wal ba hagaajiyo’e. Maskaxdaadana ku hay xikmada odhanaysa (maalintaadu yaanay kugu dhaafin faa’iido la’aan maalkaaga na ha dhigin wax ku qabad la’aan waayo cimrigu wuu ka gaabanyahay in ku dhammaado faa’iido la’aan, maalkuna wuu ka yaryahay in la dhigo wax qabad la’aan). Ogow oo ogow qofka caqliga badani suura gal kama aha inuu waqtigiiisu maala yacni iyo faa’iido la’aan ku dhaafo, maalkiisana ku lumiyo wax aan faa’iido lahayn iyo khayr toona. Ugu danbayntii waa in aad uga faaidaysataa waqtigaaga sidii qof berri dhimanaya oo kale adiga oo fulinaya wax kasta oo waajib ku saran ah ugana soo baxaya habka ugu habboon una dhammaystiraya haday cibaado tahay iyo hadday shaqo adduunyo oo wacan tahayba kuna xisaabtan in marka aad xasilo oo siday tahay aad uga soo baxdo meelaysana arrintaada aakhiro uu ka adduunkuna isaga oo khasban kuu imanayo. Waxa cirka lagu gaadhay waa waqti laga faa’iidaystay iyo buuraha figtooda iyo badda gunteeda, waxaas oo dhanna waxaa kasii saraysa janada fardaywasa ee ku dadaal saad if iyo aakhiraba ugu guulaysan lahayd kana faa’iidayso daqiiqada aad haysato. W/Q: – Axmed Gaashaanle Email: – ahmedgashanle@gmail.com Source
-
Mudooyinkii udambaysay waxa siyaaaada somaliya ku dhex hirdamayay labada beelood ee Mogadishu Clan iyo daarood laakiin dhawaanahan soo socda midba gacanta sare yeelan doona. Sanadii 2000 shirkii carta ayay dadka dawladii la isku odhan jiray somalia oo somaliland ka maqantahay go’aan ku gaadheen oo qaateen nidaamka federaalka , kadib wakhtigaa ilaa maanta maalinba meel ayuu soo gaadhayay nidaamka federaalka somaliya oo dad badani ku doodan inaanu somali u wanaagsanayn nidaamkani , maadama ay dad qabaa il ku tiirsan yihiin . Siday doontaba ha ahaate manta somaliya waxay u qayb santahay shan maamul goboleed oo qabaa’il dabada ku haya , laba kamid ah oo waxa hogaamiya ama ka taliya reerka daarood (puntland iyo jubba land ) halka laba kalena Mogadishu Clan kataliyo ( gal-mudug iyo hirshabeele ) halka maamul ee soo hadhayna Raxawayn ama digil iyo midhifle hadba kaad u taqaano ( koonfur galbeed ) . Hadaba amuurta ugu wayni waxay ka taagantahay caasimada muqdisho oo ay ku abtirsadaan beesha Mogadishu Clan muxu noqonaya meeqaanmkeedu yaase hor jooga ka noqonaya ? . Waxaynu ognahay khilaafka ugu wayn ee meeqamka muqdisho inuu khilaafkedu soo if baxay mudadii uu farmaajo xilka hayay iyadoo ka hadalkeedu uu galaaftay sideedi janaayo ee 2018 kii gudoomiyihii gobolka banaadir (taabit) oo dood beesha Mogadishu Clan u dan ah laakin farmaajo iyo kooxdiisa ka nixisay layimid ,Inta badan dadka reer muqdishana taageren. Waxa iyaduna maanta xusid muddan in gudoomiyaha banaadir mr yariisow mar uu ka hadlayay muqdisho uu doodi galaafatay Taabit mid u dhaw uu lakin ka qunyar socodsan la yimid ,Hadaba waxa xaqiiqa hadii aanu dooda joojin inay xilkiisa galaafan doonto . Ugu dambayntii magalada muqdisho hadii Meeqaamkeeda lagu daayo mid u dhaw sida ay imika tahay oo ay noqoto caasimad u dhaxaysa maamulada qaybta ka ah somaliya mar walba waxa siyaasada somaliya gacanta saraysa lahaanaya daarood , hadiise sida beesha Mogadishu Clan badankeedu ku doodayso laga dhigo maamul iyadoo caasimadana haysata waxa mar kasta siyaasada somaliya gacan saraynta yeelan doonta beesha Mogadishu Clan. Oo noqon doona boqortooyo aan la loodin karin somaliyana sida qori isku dhiibka maamulkeeda isugi dhiibta ama hadba cida ay wataan keena . Laakiin waxa xaqiiqa in dhawaan fulkaanahasi marka uu qarxo siyaasada somaliya wax badana ka badali doono labadaa libaaxna kii rooni reerka u hadhi doono . Dadka inta ka soo hadhayna labada libaaxna daawadayaal ka ahaanayan siday maantaba uga yihiin. Gullied Moh Ismacil Source
-
(SLT-Washington)Jeff Bezos oo ah madaxa shirkadda qalabka elektarooniga ee Amazon iyo xaaskiisa MacKenzie ayaa is furaya ka dib markii ay qoys wada ahaayeen muddo 25 sano ah. Lamaanahan ayaa warka ku saabsan furriinkooda ugu dhawaaqay bayaan ay si wada jir ah Arbacadii u soo dhigeen barta Twiter-ka. “Ka dib wakhti dheer oo ay naga dhex jirtay isfaham darro, isla markaana aan marar badan isku daynay inaan kala tagno, waxaan hadda go’aansannay inaan is furno, nolosheennana aan sii wadano anagoo saaxiibo ah”, ayey lamaanaha ku yiraahdeen bayaankooda. Amazon oo la aasasay 25 sano ka hor ayaa isbuucan dhaqaale ahaan ka hor martay shirkadda Microsoft, waxayna noqotay shirkadda xilligan ugu qiimaha badan guud ahaan dunida. Mr Bezos, oo 54 sano jir ah, oo aasaasay Amazon ayaa loo aqoonsan yahay inuu noqday qofka ugu maalqabeensan caalamka, sida laga soo xigtay shirkad qiimeysa hantida shakhsiyaadka bilyaneerrada ah ee dunida, oo lagu magacaabo Bloomberg Billionaire Index. Waxay hantidiisa gaareysaa lacag lagu qiyaasay $137 bilyan oo doolar, isagoo ilaa $45 bilyan oo doolar ka sarreeya hantida uu heysto maal qabeenka caanka ah ee la yiraahdo Bill Gates. Xaaskiisa MacKenzie Bezos oo jirta 48 sano ayaa ah qoraa, waxayna soo saartay labo buug oo soo kala baxay sannadihii 2005-tii iyo 2013-kii. “Waxaan dareemeynaa inaan aad u nasiib badan nahay maadaama aan is helnay, waxaana ku faraxsan nahay inaan lamaane ahayn sannad kasta oo ka mid ah muddadaas ka soo wareegtay xilligii aan isguursannay”, ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay lamaanahan maalqabeennada ah. Waxaa sidoo kale lagu daray: “Haddii aan ogaan lahayn inaan kala tagi doonno 25 sano ka dib, guurkeenna oo dhan waan soo billaabi lahayn mar kale. Waxaan isla soo wadaagnay nolol aad u qurux badan waxaana hadda aragnaa inuu naga horreeyo mustaqbal wanaagsan, waalid ahaan, saaxiib ahaan iyo iskaashato ahaanba”. Sannadkii la soo dhaafay waxay lamaanahan si wada jir ah u fulinayeen mashruuc loogu tala galay in lagu caawiyo dadka hoy la’aanta ah iyo in lagu dhiso iskuullo ay dhigtaan carruurta ka soo jeeda qoysaska saboolka ah. Mr Bezos oo u dhashay dalka Mareykanka iyo xaaskiisa ayaa leh 4 carruur ah oo isugu jira 3 wiil oo ay dhaleen iyo 1 gabar oo ay soo korsadeen. Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa soo tabisay in Mr Bezos uu xiriir khaas ah la sameeyay haweeney horay wariye uga ahaan jitay telefishinka Fox TV, taasoo lagu magacaabo Lauren Sánchez. Waxaa la isla dhex marayay in Ms Sánchez ay “is arkayeen” Mr Bezos ilaa dabayaaqada sannadkii lasoo dhaafay. MacKenzie Bezos oo sannadkii 2013-kii wareysi siisay Majalladda Vogue Magazine ayaa sheegtay in ay Jeff la kulantay xilli uu ka qaadayay wareysi ay shaqo ku dooneysay, iyadoo ku sugneyd magaalada New York. Waxay is mehersadeen 3 bilood ka dib wakhtigaas, iyagoo wax yar ka dibna is guursaday sannadkii 1993-kii. 1 sano ka dib xilligaas ayuu Jeff aasaasay shirkadda Amazon – taasoo ku billaabatay shirkad buugaagta ku iibisa dhinaca internet-ka. Shirkaddiisa ayaa markii dambe yeelatay ganacsi aad u baaxad weyn. Markii suuqa saamiyada ee Mareykanka la xirayay maalintii Isniinta ahayd, Amazon wuxuu qiimeheeda ahaa $797bilyan oo doolar oo u dhiganta (£634bilyan oo gini). Waxay sare u kacday 3.4% waxayna dhaqaale ahaan kor u dhaaftay shirkadda Microsoft, oo uu qiimaheedu ahaa $789bn. Source
-
(SLT-Zimbabwe ) Saddex qof ayaa maxkamad lagusoo taagay dalka Zimbabwe, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xadeen boorso ay ku jirto $150,000 oo kaash ah oo uu lahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee dalkaas, Robert Mugabe. Tuugada la tuhunsan yahay ayaa la sheegay in ay lacagtaas ku gateen gawaari, guryo, iyo xoolo nool. Sida ay ku warrantay warbaahinta dalkaas, mid kamid ah qaraabada madaxweynihii hore, oo lagu magacaabo Constantia Mugabe, ayaa kamid ah eedaysaneyaasha. Waxaa la sheegay in ay haysay furayaasha guri uu Mr Mugabe ku lahaa tuulada Zvimba, oo u dhaw magaalada caasimadda ah ee Harare, ayadoo tuugada kalena u fududaysay in ay gurigaas galaan. Dadka kale ee la tuhunsan yahay ayaa gurigaas looga shaqaalaysiiyay in ay nadiifiyaan markii ay xatooyadu dhacaysay, taas oo la sheegay in ay dhacday intii u dhaxaysay 1-dii bishii December ilaa horraantii January. Mr Mugabe, oo haatan 94 jir ah, ayaa waxaa xoog talada dalka uga tuuray militariga Zimbabwe sanadkii 2017-kii. Waxa uu talada dalkaas hayey 37 sano, asagoo markii hore noqday Raysul wasaare kadibna madaxweyne. Tan iyo markii uu hawlgabka noqday, Mr Mugabe waxaa dhib ku ahaa socodka, wuxuuna muddo dhowr bilood ah arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Singapore. Ma cadda in uu guriga ku sugnaa markii ay xatooyadu dhacday. Saddex kamid ah dadka la tuhunsan yahay ayaa lagu sii daayey damaanad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, halka qofkii afraadna la siidaayey. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan Boqol xubnood oo isugu jirta Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii ay tababar Ciidan ku soo qaateen Dalka Turkiga. Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) oo ka mid ahaa Madaxdii ku soo dhoweysay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga mahad celiyay Dowladda Turkiga oo dedaal weyn ugu jirta sidii ay Soomaaliya u dhisan lahayd Ciidankeeda. Sidoo kale wuxuu Wasiirku bogaadiyay dedaalkii ay geliyeen dhismaha Ciidanka Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llahi Maxamed iyo Ra’iisulWasaare , Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sidoo kale ammaanay hammiga Dhalinyarada soo qaadatay tababarka ee ah difaaca Dalkooda Hooyo. Dowladda Turkiga ayaa wadda qorshe lagu soo celinayo tayadii uu Ciidanka Xooggu lahaa, iyadoo Dalkeeda u qaadday Dhalinyara badan oo halkaasi lagu soo leylinayo, waxanay sidoo kale Magaalada Muqdisho ka furtay Saldhig lagu carbiyo Ciidanka Difaaca, halkaasoo ay kasoo baxeen dufcado dhowr ah.
-
(SLT-London)Tan iyo markii ay dowlada Soomaaliya dalka ka caydhisay wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada u qaabilsanaa Soomaaliya Nichalos Haysom, waxaa shaki badan la galinayay habka uu ku sii wanaagsanaan karo xidhiidhka diblomaasiyeed ee soomaaliya kala dhaxeeyo wadamo badan oo ka soo horjeestay go’aankii ay Haysom ka qaadatay dowlada. Dalalka ka soo horjeestay aadkana u cambaaray’yay caydhintii N. Haysom waxaa kamid ahaa wadamada ku bahoobay midowga Yurub gaar ahaan dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska. Xoghayaha difaaca ee dowlada Britain Givan Williamson, oo dhawaan booqasho lama filaan ah ku tagay magaalada Hargeisa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baajiyay kulan uu caasimada Muqdisho kula yeelan lahaa madaxwayne Farmajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Baaqashada ku timid kulanka uu xoghayaha difaaca UK la qaadan lahaa masuuliyiinta ugu sareyso dowlada faderalka ayaa daba socota xiriirka diblomaasi ee sii xumaanaya ee ka dhaxeeya dowlada faderalka iyo dowlada Britian tan iyo khilaafkii ka dhashay ceyrintii Mr Haysom, sida uu daabacay Wareyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska. 1’dii bishan Koobaad ayay ahyd markii dowlada Soomaaliya ay dalka ka caydhiyeen wakiilkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya N. Haysom, oo su’aal laf dhuungashay ku noqotay dowlada ka keenay Xadhiga Mukhtaar oo Roobow lyo qalaalasihii ka danbeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo oo ay ku dhinteen dad ku dhaw 20 ruux. Source
-
(SLT-Garoowe)Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka Puntland ay howlgallo ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish ay ka wadaan Deegaanada ka tirsan Gobalka Bari. Ciidamada oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo sheegayaa inay howlgallo xoogan ka sameeyeen buuralaydka gobolka Bari. Howlgaladan oo badanaa ah kuwa joogto ah ayaa waxaa ciidamada ammaanku ay ku baadi goobayeen xubnaha ka tirsan Daacish iyo Alshabaab. Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii maalmo ka hor uu Madaxweynaha la doortay ee Puntland kulan la qaatay saraakiisha Amaanka ee deegaaanada Puntland, isagoona kala hadlay in la bilaabo dagaalka adag ee lala galayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, waxaa uuna saraakiisha faray in howlgalada ay ka bilowdaan Gobalka Bari. Source
-
Before Somalia’s civil war, the shorelines of the capital were renowned for their wide beaches, cool breezes, and pure blue ocean waters. In fact, all of these attractions are still there today. It’s just that in many locations, they’re spoiled by ever-spreading piles of trash. Mogadishu is a city of some 2 million people that produces an estimated 2,500 metric tons of garbage per day. And yet until very recently, it had not had a single designated trash disposal site or recycling plant. Instead, people dumped, and mostly continue to dump their trash in the streets, on the beaches or into the ocean itself. Photos acquired by the VOA Somali Service program Investigative Dossier show the extent of the problem. One picture captures a market worker dumping a wheelbarrow full of discarded fish scraps into the water. Others show huge mounds of cans, bottles, plastic bags, boxes, food waste, scrap metal and other trash strewn across the beaches, with goats and the occasional scavenger picking through the remains. Most ominous of all: photos of smoke rising from the brownish-gray piles as they bake in Somalia’s equatorial heat. Winds push the smoke and a foul smell across the city, burning eyes and noses, and endangering the health of Mogadishu residents, as well as the environment. To combat the problem, the Somali government officially announced the allocation of two sites for waste landfill in late December. One site is in Mogadishu’s northern district of Huriwa, the other in the Wadajir district in the city’s southern suburbs. But observers say more action is needed. There are currently no laws that ban trash dumping in the capital, and the issue is barely on the radar of police and city officials, whose first priority is maintaining safety in a city where al-Shabab militants launch frequent terrorist attacks. “The government has to have a policy, an environmental policy; we need legislation on waste management; lack of legislation is the reason we have rubbish everywhere,” says Hassan Nur, an environmental expert, and lecturer at Mogadishu’s Banadir University. “What is causing for someone to dump rubbish in the city? It’s because there is no law he is afraid of. Waste management cannot work without legislation.” Trash ‘deforms’ the cities Parts of the beaches remain garbage-free, and Somalis congregate there to enjoy the breeze and play in the warm water. Videos of the sun-splashed scene are a reminder why Mogadishu, before years of civil war, neglect and the militant insurgency left much of the city in ruins, was known as the Pearl of the Indian Ocean. One of the most popular sites, for both beach-goers and trash dumpers, is Jazeera Beach. Mohamed Yahye is a Somali journalist who says he has seen all kinds of waste products abandoned there. “I saw a tanker bring sewage waste and unload it onto the beach,” he says. Nur says rampant waste dumping can lead to higher rates of cancer, typhoid, hepatitis B and C, diarrhea and cholera. But, “it’s not just health problems, it also impacts on the environment – the air, the land,” he says. “It deforms the appearance of the cities… When you fly on a plane over Somali towns, you see trees being covered by plastic bags. These bags kill trees because they deny air. They are also a health hazard to the animals, who die when they eat [the bags].” Omar Abdullahi Hassan, the commissioner of the Wadajir district, which includes Jazeera beach, says it’s now illegal to dump trash at Jazeera, and he hopes the new disposal sites will be in use soon. “Beaches are the most beautiful parts of this country. It’s inappropriate to use them as dump sites,” he told VOA. “We have been working to get centers for management in recent weeks. Luckily, we found a large area [for waste disposal].” That may come as welcome news to Mohamud Yusuf Hassan, the head of the Environmental Cleaning Company, or ECCO. ECCO is one of three companies named by police as dumping trash on the beaches, although no arrests have been made. Hassan said his company, which employs 326 people, is heeding the warning from police. “We don’t dump into the sea now,” he says. But he says the company has trouble finding places to dispose of trash or conduct recycling. “There is no place to manage it,” he says. “Where do people take the rubbish to?” He too says the legislation is key in going forward. “Without legislation, there is nothing can be done,” he said. “There is someone carrying trash in his motorcycle or in a truck and there is nothing we can do if they dump it in the street, because there is no law prohibiting it. We can’t force him not to do it, all we can say is don’t do it.” Harun Maruf Hassan VOA
-
Muqdisho (Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadr Maxamed C/laahi Tuulax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegaay in ay baarayaan waxyaabaha soo celceliya gubashada Suuqa Bakaaraha ee M/ Muqdisho. Guddoomiye Tuulax ayaa tilmaamay in dabkii xalay kakacaySuuqaasi uu baabi’iyay Handti badan oo ay lahayeen ganacsato Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa uu xusay in ka maamul ahaan ay xakameeyeen, kana hortageen in uu sii faafo dabkaasi. Dabkan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa xalay fiidkii hore uu ka kacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo Huudheyda, kaas oo geystay khasaaro Hantitayadeed, walow aan la shaacin inta uu la’egyahay. The post Tuulax “Baaritaan ayaan ku henyaa gubadashadii Suuqa Bakaaraha” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-11012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka DuhurEe Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Canada, a nation of not quite 37 million people, wants to add more than 1 million immigrants through 2021. “Thanks in great part to the newcomers we have welcomed throughout our history, Canada has developed into the strong and vibrant country we all enjoy,” Ahmed Hussen, minister of immigration, refugees and citizenship, wrote in an annual report to Parliament. “Immigrants and their descendants have made immeasurable contributions to Canada, and our future success depends on continuing to ensure they are welcomed and well-integrated.” A year ago, Donald Trump, the president of the United States of America, said he didn’t want the U.S. accepting immigrants from Haiti or countries in Africa or similar “s—hole countries.” “My experience is not unique,” Hussen told The New York Times in 2017. “Canada receives a lot of refugees every year.” For Canada to add 1 million immigrants over the next three years, the nation would need to welcome approximately 350,000 — roughly 1 percent of its current population — in each of 2019, 2020 and 2021. “Canada is a world leader in managed migration with an immigration program based on non-discriminatory principles, where foreign nationals are assessed without regard to race, nationality, ethnic origin, colour, religion or gender,” Hussen wrote in his report. About 1 in 5 current Canadians are immigrants, according to the report, with more than 6 million arriving since 1990. About 13.7 percent of the U.S. population, roughly 1 in 7, in 2017 was foreign born, according to U.S. Census estimates. In 2016, that figure was 13.5 percent. ABC News
-
Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo xiray kalfadhigiisii 4aad, arrintan ayaa ku timid fariin ka soo baxday xafiiska guddoomiyha golahan Cabdi Xaashi. Sida uu qabo dastuurka KMG ah, goleyaasha sharci-dejinta waxaa ay sanadkii kulmayaan labo kalfadhi halka mid weliba dhammaadkiisa ay leeyihiin fasax, taasi ayaana hadda la cuskaday. Wararka waxaa ay sheegayaan in kalfadhiga 5aad ee aqalka sare uu furmi-doono 10-ka Maarso ee sanadkan, waxaana lagu wadaa in arrimo badan ay xilligaasi qabtaan. Waxaa xusid mudan in golaha aqalka sare uu hakiyey wada shaqeyntii uu la lagaa golaha shacabka kadib markii aqalka dambe lagu eedeeyey inuu baalmaray dastuurka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Mexico) Madaxweyne Donald Trump ayaa markale ku dhaartay inuu ku dhawaaqayo xaalad degdeg ah oo qaran si lacag loogu helo dhismaha gidaarka xadka Mareykan iyo Mexico xilli koongareesku ku gacan seeray inay ansixiyaan qarashki lagu dhisi laha. “Waxaan xaq u leeyahay inaa ku dhawaaqo xaalad degdeg ah oo qaran,” ayuu ku yidhi warfidiyeenada xillli uu kusii socday xaflad ay ku lahaayeen xadka. Waxa uu sidoo kale madaxweyne Trump sheegay in dowladda Mexico ay “si dadbadan” u bixineyso qarashka dhismaha gidaarka. Laamaha dowladda Mareykanka ayaa qeyb ahaan ay xirnaayeen 20 kii maalmood ee lasoo dhaafay, taasi oo sababtay in ku dhawaad 800 oo kun shaqaalaha federaalka ah ay mushaar la’aan ku dhacdo. Madaxweyne Trump ayaa diidan inuu saxiixo sharci lagu maalgelinayo dibna loogu furayo howlaha laamaha dowladda haddii aysan ka mid ahayn 5.7 bilyan oo doolar oo lagu dhisayo gidaarka xadka Mexico iyo Mareykanka. Balse wadahadalo lagu arrinsanayay qarashka dhismaha gidaarka ayaa socon waayay xilli xubnaha dimoqaraadiyiinta ay ku gacan seereen inay ogolaadaan qarashkaasi. Hogaamiyeyaasha Republican-ka ayaa ku adkeysanaya in xisbigu uu garab taagan yahay madaxweynaha, inkastoo qaar ka mid ah xildhibaanada ay doonayaan in laamaha xukuumadda xayiraada laga qaado Source
-
(SLT-Muqdisho)Xalay saqdii dhexe ayaa lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku faafay meelo badan oo suuqa kamid ah. Dabka oo bilowday abaaro 09:20 pm xiliga Muqdisho ayaa la damiyay 12:00 am saqdii dhexe, iyadoo gaadiidka dab damiska ee gobolka iyo kuwa shirkadaha gaarka ah ay ka qeyb qaateen daminta dabka. Wuxuu ka bilowday dabka qeybta Suuqa Huudheyda, waxaana uu markii dambe gaaray qeybta maacuunta iyo qeybta hilibka ariga lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha, sida ganacsatada ay sheegeen. Hanti badan ayaa dabka ku bas beeshay, waxaana markii dambe laga hortagay inuu ku faafo qeybo kale oo Suuqa kamid ah, kadib dadaal dheer oo la sameeyay. Wararka dheeriga ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dabka uu ka bilowday koronto, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan waxyaabaha soo celceliyay in suuqa weyn ee Bakaaraha uu dab ka kaco, waxaana dababkii ugu dambeeyay ay kabilowdeen Koronto. Ganacsato badan ayaa hantidooda kala baxay xalay Suuqa, iyaga oo ka baqayay in dabka uu gaaro goobahooda ganacsiga, waxaana dabkii xalay uu dhulka dhigay guryo badan, iyadoo hanti badan oo wali aan la tiro koobin ay ku baaba’day. Source
-
GOORMAY KULA QUMANAADEEN MADAXWEYNE WAXII SHALAY KULA QALOOCAY !!! ==================================================================== Waxa soo baxday in la kordhinayo oo doorashooyinkii dalku dib u dhacayaan mudo aan la sii garanayn, golaha guurtida Somaliland na kalfadhi aan caadi aheyn la isugu yeedhay maalinta sabtida. Haddaba marka aynu Somaliland eegno intii ay qaadatay nidaamka dimuqaradiga ah doorashooyinkii dalku xiligii loo cayimay kuma dhacaan iyada oo aanay jirin sabab macquul ah marka laga reebo mudokordhintii ugu dambaysay ee doorashadii madaxtooyada Somaliland oo ay Somaliland ka dhacday abaar baahsani. Waliba waxa xusid mudan iyada oo dad iyo xoolaha la madhanayo oo ay ahayd ta kaliya ee duruufihii sharcigu tilmaamayay ku xusan , Madaxwayne Biixi waxa uu ahaa ninkii yidhi aynu doorasho galno isaga oo kursigu u muuqdo, laakiin aan u fahmay in aanu dan ka lahayn dadka iyo xoolaha madhanaya ee reer Somaliland. Waxa uu tusaale inoogu soo qaatey wakhti dawladii Somalia ay dagaal ku jirtay oo doorashona ku soo beegantay in ay ahayd baan filayaa 1964kiiye. Haddaba shalay markii uu mucaaridka ahaa wuu diidanaa mudo kordhinta ee isweydiintu waxa ay tahay waxii shalay kula sharci darada ahaa maanta ma sharci ayey kula noqdeen? Waxii aad shalay diidanayd ee ahaa in komishan aanad kalsooni ku qabini uu doorasho kuu qabto ayaad maanta jeceshahay in komishan aan kalsooni loo haynini uu dadka wali soo hor fadhiyo. Waxa xisbigaaga iyo inta taabacsani ku doodaan xisbiga WADDANI baa diiday doorashada oo muranka iyo dooda uu ka qabo komishanka ayey doorashadu dib you dhacaysaa , isweydiintu waxa ay tahay dooda miyaanay aheyn mid ay xaq u leeyihiin hadii aanay ku kalsoonayn, miyaanay wanaagsanayn in garsoorkana la badelo oo aad tanaasushaan sidii shalay la idiinku tanaasulay iyada oo ahmiyadu tahay in doorasho dalka ka dhacdo. Somaliland waxa ay wax ku tahay oo ku iibsamaysaa in ay nidaamka ay qaadatay ka run sheegto oo doorashooyinka dalka wakhtigooda lagu qabto, doorashada dib u dhacday dalkana waa ku sumcad daro, xukuumada joogtana waa ku ceeb iyo foolxumo. Markaa waxaaban anigu shaqsiyan soo jeedin lahaa in ay kuraasida baneeyaan oo ay dalkooda iyo dadkooda u tudhaan Golaha Guurtida , Golaha Wakiilada , Goleyaasha deegaanada dalka iyo komishanka doorashooyinka qaranku si maanta somaliland waa cusubi ugu baryo, qaabkii degdeg loogu gali lahaana laga heshiiyo , si dalku iskula jaanqaado oo uu uga baxo ragaadka iyo raaf-dilaaca doorashooyinku inagu hayaan. Waxa aynu wax ku nahay isku tanaasulka wadatashiga iyo isqancinta oo caalamkuna inoogu joogsadaa hadii intii meesha ka baxdo oo ay noqoto taydaan wadanayaa , ma garanayo meel Somaliland loo wado , ee bal waa lagu eegi halkaad u socoto !!! Muhamed Dhimbiil Qaran News