-
Content Count
207,258 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Magaalada Gaalkacyo ayaa laga daah furay mashruuca qaabeynta magaaladaasi oo muddo Lix bil ah ay wadday dowladda Hoose oo kaashaneysay shirkadda Daldhis. Munaasabad lagu daah furayey mashruucan waxaa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, mas’uuliyiinta Gaalkacyo iyo sidoo kale mas’uuliyiin kale oo Galmudug ah. Duqa Magaalada Gaalkacyo, Xirsi Yuusuf Barre ayaa halkaasi ka sheegay muhiimadda uu mashruucan u leeyahay magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale, Injineerada howshan wadan ayaa sheegay in muddo Lix bil ay dedaal badan ku wadeyn qaabeynta magaaladaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Gaaalkacyo-waxa-laga-Daah-furay-Masharuuc-loogu-tala-galay-qaabeynta-iyo-Hormarinta-Magaalada.mp3sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray kooxaha Buracadda ee Isbaarooyinka dhigta deegaanada gobolkaasi. Guddoomiye Barre ayaa tilmaamay in si isku mid ah ay ula dagaalami doonaan Al Shabaab iyo Burcaddaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa amniga gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/ismaaciil-turki-.mp3 The post Maamulka Sh/ Hoose Oo sheegay in ay la dagaalamayaan kooxaha Isbaarooyinka dhigta gobolkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa sheegay ina xabsiga dhigeen askari ka tirsan ciidamada oo dhaawac u geystay agaasimaha wasaaradda caafimaadka Somaliland. Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa shalay lagu dhaawacay magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku baxay xarun wasaaradda leedahay oo la doonayay inay shaqsiyaad dhistaan. Agaasimaha ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray lugaha, waxaana uu sheegay in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsan tahay, islamarkaana uu soo wadan karo shaqadiisa, isaga oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa. Wararka ayaa sheegaya in Xergeeye uu ka dhaawacmay bowdada, balse xabadda ayaa la sheegay inay hilibka ka dhex baxday, islamarkaana ma jirto jab lafta ka gaaray, sida dhaqaatiirta ay xaqiijiyeen. Sidoo kale waxaa soo baxaya in wasaaradda ay dooneysay in askariga iyo dad kale oo shacab ah la doonayay in laga raro goob ay leedahay wasaaradda, halka askariga uu doonayay inuu goobta dhisto. Masuuliyiinta SOmaliland ayaa sheegay inay qabteen askariga falkaasi, islamarkaana xabsiga la dhigay askarigaasi, iyo dad kale oo doonayay inay xoog ku dhistaan xarunta ay leedahay wasaaradda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qoraal ka soo baxay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa lagu sheegay in xilka ay ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddigaasi Sayid Cali Sheekh. Guddiga ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka in uu ku tuntay sharuucda guddiga, islamarkaana uu ka shaqeeyay in uu dumiyo guddiga. Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixnaa guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka iyo shan xubnood oo ka mid ah Guddigaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay gudoomiye ku xigeenka xilka laga qaaday oo ku aadan arrintaasi. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Guddiga Doorashooyinka Oo Xilka Ka Qaaday Guddoomiye ku xigeenka Guddigaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kulan lagu wadey maanta in ay yeeshaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa u baaqday kooram la’aan, sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay golaha. Qoraalkan oo koobnaa ayaa u qornaa “Dhamaan xubnaha xildhibaanada waxaa lagu wargalinayaa in uu baaqday shirkii berito lagu balansanaa oo laga dhigay maalinta isniinta tr.14/1/1/219”. Warkan ayaa imaanaya saacado kadib markii uu golaha xildhibaannada u diray fariin ah in maanta oo sabti ah uu dhaco kulan. Fariinta hore waxaa ay u qorneyd sidan: Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS Ayaa Kulan Ku Leh Beri oo ah sabti Tar 12/1/2019, AJENDAHA: Shirka bari waa 1. U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud 2. Xeer Maamul Bankiga dhexe Saacada: 09.00 am (Subaxnimo) Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-120119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay fiidnimadii helay ogeysiis la xiriiray inay maanta yeelanayaan kulan looga doodayay dhowr qodob. Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay inay maanta ka doodi lahaayeen labo qodob oo kala ah u codeynta wax ka badalka sharciga Hanti dhowrka iyo Xeerka maamulka Bangiga Dhexe, sida ku qorneyd fariimaha loo dilay xildhibaanada. Laakiin xildhibaanada ayaa markale loo diray fariimo kale oo loogu sheegayo in dib loo dhigay kulanka maanta ay yeelan lahaayeen, waxaana la cadeyn sababta arintaasi ka dambeysa. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada ka maqan dalka lagu wargeliyay inay si deg deg ah u yimaadaan Muqdisho, waxaana muuqata yaraanta Kooramka iyo ahmiyada qodobada ay leeyihiin. Sidoo kale waxaa muuqata xasaasiyada uu lahaa kulanka laga doodi lahaa, maadaama Bangiga Dhexe loo dhiibay qof Ajnabi ah. Sababta xildhibaanada loogu yeeray ayaa ah in lasoo xirayo kalfadhiga Afaraad ee baarlamaanka, kadibna ay fasax geli doonaan ka hor inta aan la gaarin Kalfadhiga Shanaad. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulankooda caadiga ah yeesha maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana maanta muuqato inuu baaqanayo kulankooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa qaadday tallaabadii ugu horreysay ee la xiriirtay magacaabista guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, oo markii ugu horreysay noqonaya qof ajnabi ah. Caasimada Online ayaa xogtan xasaasiga ah shaaca ka qaaday Jimcihii [Halkan ka aqri], waxaana hadda la isugu yeeray xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo la horgeyn doono sharci wax looga beddelayo xeerka Bankiga Dhexe, oo dhigaya in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Qoraal xildhibaanada loo diray jimcihii ayaa loogu sheegay in “Sabti Tar. 12/1/2019, uu dhacayo shirkii Golaha, Ajendaha looga hadlayana uu yahay: U codeynta wax ka badelka sharciga Hantidhawraha guud iyo Xeer Maamul Bankiga dhexe, laakiin 35 daqiiqo kadib waxaa soo baxday wargelin kale oo dib loogu dhigay kulanka. Si kastaba, kulanka ayaa dib loo dhigay ayada oo fariin kale oo loo diray xildhibaanada lagu yiri “Dhammaan xubnaha xildhibaanada waxaa lagu wargalinayaa in uu baaqday shirkii berito lagu balansanaa oo laga dhigay maalinta isniinta tr.14/1/1/219, Waxaa la farayaa in ay xidhibaanada maqan si deg deg ah ku soo galaan.” Baaqashada kulanka ayaa timid saacado kadib warbixintii ay Caasimada Online ka qortay arrintan, ayada oo xildhibaano la hadlay Caasimada Online ay sheegeen in arrintan sir ahayd, balse hadda ay guux badan abuurtay oo dowladda ka cabsatay in sharciga la diido. Wararka qaar ayaa sheegaya in xilkan loo magacaabi doono nin lagu magacaabo Nigel Roberts oo u dhashay dalka Britain muddo badanna kasoo shaqeeyey Bankiga Adduunka, inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Somalilanad ayaa xaqiijiysay in UK ay dooneyso, ayadana ay diyaar u yahay inay saldhig milatarika siiso magaalada Berbera, waxayna sheegtay inay diyaar u tahay inay dalal kale casuumto. Axmed Xasan Cigaal oo ah wakiilka Somaliland ee Itoobiya, ayaa wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay in wada-shaqeyn milatari iyo saldhig UK oo laga sameeyo Bebera, ay ahaayeen arrimihii looga hadlay kulankii wasiirka difaaca UK, Gavin Williamson uu Hargeysa kula yeeshay madaxda Somaliland, toddobaadkii tagey. “Haddii dal aad nooga yar oo Jabuuti ah uu saldhigyo badan marti-geliyo, maxaa u diidaya Somaliland” ayuu yiri Cigaal. Jabuuti waxaa saldhigyo milatari ku leh dalalka Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga, Shiinaha iyo Japan. “Somaliland waxay muhiimad u tahay UK, dalal badan ayaa doonaya inay halkan saldhigyo badan ka sameystaan, UK aad ayay u xiiseeneysaa middaas” ayuu yiri Cigaal. Danaha UK ee Somaliland waxaa sidoo kale ka mid ah xoojinta xiriirka dibadeed iyo kan dhaqaalaha, sida uu sheegay Cigaal. Cigaal ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Ruushka iyagana laga yaabo inay Somaliland yimaadaan oo ay saldhig ka sameystaan. “Waxaan dooneynaa inaan casuumno cid kasta oo dooneysa inay yimaadaan Somaliland” ayuu yiri Cigaal, isaga oo tilmaamaya in goor horeba Imaaraadka Carabta uu billaabay hanaan uu saldhig uga furanayo Somaliland. Sida uu sheegay Cigaal, quwadaha adduunka oo saldhigyo ka samaysta Somaliland, waxay taas ka caawin kartaa inay hesho aqoonsi, waxayna maal-gelin u tahay gobolka oo idil. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Xog:UK oo ergey cusub u soo magacowday Somaliland Dawladda Uk ayaa jamhuuriyadda Somaliland u soo magacowday ergey cusub, kaas oo bedeli doono haweenay Ingiriiska wakiil uga ahayd Somaliland oo fadhigeedu ahaa Hargeysa. Warar aanu helnay ayaa xaqiijiyay in ergayga cusub magaciisu yahay Stuart Brown, waxaanu bedeli doonaa Rosie Tapper oo madax ka ahayd xafiiska Ingiriiska ku leeyahay Hargeysa. Rosie ayaa loo bedelay inay madax ka noqoto qaybta siyaasadda ee safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee Ciraaq. Ergaygan cusub ayaa toddobaadka dambe soo gaadhi doona magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, oo uu joogi doono labada sannadood ee soo socda, waxaanu xidhiidhin doonaa Somaliland iyo Ingiriiska. Xidhiidhka Somaliland iyo UK ayaa sii xoogeysanaya. Toddobaadkii hore waxa magaalada Hargeysa yimi xoghayaha gaashaandhigga UK, Gavin Williamson oo la kulmay Muuse Biixi Cabdi. Qaran News
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay shan askari oo ay sheegeen inay ka goosteen ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Hiiraan, kadibna ay isku dhiibeen. Askartaasi ayaa lagu soo bandhigay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Dhalinyarada ka goostay ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Maxaas ayaa la sheegay inay gadood ahaayeen, waxaana warbaahinta Al Shabaab ay daabacday in xubnahaan ay kamid ahaa ciidamada difaaca ee degmada Maxaas. Shabaab ma sheegin Magacyada askarta ay sheegeen inay ka goosteen dowladda,isla markaana isku dhiibay,waxaana sidoo kale weli ka hadlin saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan. Dhawaan degmada Maxaas waxaa ka dhacay dagaal qabiileed sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana xiisadda ay wali ka taagan tahay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Dawladda Ingiriika ayaa jamhuuriyadda iskeed isku magacwoday ee Somaliland u soo magacowday ergey cusub, kaas oo bedeli doono haweenay Ingiriiska wakiil uga ahayd Somaliland oo fadhigeedu ahaa Hargeysa. Warar aan helnay ayaa xaqiijiyay in ergayga cusub magaciisu yahay Stuart Brown, waxaanu bedeli doonaa Rosie Tapper oo madax ka ahayd xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa. Rosie ayaa loo bedelay inay madax ka noqoto qaybta siyaasadda ee safaaradda Ingiriisku uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee Ciraaq. Ergaygan cusub ayaa toddobaadka dambe soo gaadhi doona magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, oo uu joogi doono labada sannadood ee soo socda, waxaanu xidhiidhin doonaa Somaliland iyo Ingiriiska. Xiriirka Somaliland iyo UK ayaa sii xoogeysanaya. Toddobaadkii waxay magaalada Hargeysa tegay xoghayaha gaashaandhigga UK, Gavin Williamson oo la kulmay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Nin caadadii ma daayo, bahalna ceyriin, Soomaaliya,laga soo bilaabo xilligii la qaatay xorriyada, ninkii mar madaxweyne noqda mar labaad masoo laabto. Haddii xittaa isaga isa soo sharxo, markale looma doorto madaxtinimo. Si kasta, oo uu Xildhibaanada usoo xusho, si kasta, oo uu lacag laabta oogu shubo, si kasta, oo uu balanqaad ugu beer laxowsada, haddana xagaa bay noqdaan wuxuu ku xiiqay. Intay ku cawo seexiyaan cododkooda ayey aakhirki cashar u dhigaan. Isagoo urugeysan ciilna u dheeryahay buu iska carraabaa! Dad badan baa su’aashaas is weydiiya, asii jawaabteeda weli ka caajisan. Aan halkan idinku soo gudbiyo saddex waxyaabood oo sabab u ah: 1) – Doorashada ka hor, balanqaad fulintooda beenowda! Siyaasaddu sariig malahoo, Siyaasi kasta oo isu soo sharxa xilka madaxtinimo, ka hor doorashada, wuxuu sameeyaa balanqaadyo afka ah, asii aan ka imaan dhuunta dacalkeeda, tiiyoo ay dheertahay inuusan ogeyn war iyo wacaal waxa arlada yaal. Doorashada kadib, halki laga filayay fulinta balamihii uu fagaaraha ka sheegay, ayaa wuxuu bilaabaa ka doorbiidid howlo kale. Balanqaadyadiisu waxba kama soo naasa-cadaadaan. Bedelkeed, wuxuu ku dadaalaa ka guul gaarida howlo isaga u gaar ah. Qaarkood, halkii balan-oofin laga sugayay, ayey baaba’a ummada u horseedaan. Ammaanka iyo nabadgalyada ayaan soo celinayaa oraahdiisa aheyd. Dagaal iyo dhiig daata ayaa bedela, dhaqaalahaan kor u qaadayaa halqabsiga ahaana, sicir-barar iyo musuq baa booskaasi buuxiya, caafimaad iyo waxbarasho ayey bulshadu ku naaloon doontaa, cudur iyo tayo xumaa dadku la tacaalaan ayaa bedela. 2) – Xildhibaano cusub oo xilalka la wareega. Inta badan waxaa dhacda, tartanka kiisa labaad ee doorshada Xildhibaanada, inay baarlamaanka soo galaan, wejiyo cusub, kuwaasoo ka duwan kuwii hore, ka xamaasadeysan Xildhibaanadi hore, kana xisaab badan. Waxay taasi sababtaa, in Xildhibaanadaasi is bedel sameeyaan, maadaama iyaga curdun yihiin ayey doorbidaan madax cusub. Wallow ay jiraan xildhibaano kursiga kusoo laabta, haddana dhirta masaartii laga jaray baa dib loogu jaraaye, isla iyagii oo uu soo xushay ayaa xilka ka xayuubiya 3) – Xiiso-Xunbeedka Soomaalida Horaaa loogu maahmaahay “Xunbo iyo xiisaba way dhacaan” Ogow soomalid, been way sheegtaaye kuma maahmaahdo. Dhab ahaantii, soomaalida waa bulsho ku duwan dhankasta umaddaha kale, gaar ahaan xagga dhaqanka. Waxaa lagu tiriyaa inay yihiin bulsho xiiso gaaban. Waxaana taas cadeyn kaaga filan, sida dhacdooyinka ama xaaladaha soo wajaha u gaarsiiyaan heerka ugu sarreeya, dhanka ugu sarreeysana ka eega, si xagjirnimana ula macaamila, taasoo ugu danbeyn sababta in xiiso-go’eedu soo degdego. Tusaale hakaaga filnaato dhacdooyinkii xasaasiga ahaa ee dalka soo maray iyo sida fudud ee loo iloobay. W/Q Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Bangkok (Caasimada Online) – Gabar Sacuudiyaan ah oo kasoo carartay qoyskeeda kuna xanibneyd garoonka diyaaradaha magaalada Bangkok ee dalka Thailand, ayaa xalay u dhooftay dalka Canada kadib markii magan-galyo la siiyey. Rahaf Mohammed al-Qunun oo 18 jir ah ayaa isku dayeysay inay iska dhiibto dalka Australia markii lagu celiyey garoonka Bangkok oo loo sheegay inay ku laabato dalka Kuwait oo ay qoyskeeda ku sugayeen. Waxa ay diiday inay dib ugu laabato qoyskeeda waxayna isku xirtay qolka hotel ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha, ayada markii dambena kadib ka baxday diinta Islaamka, sida ay sheegtay. Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa weriyayaasha u sheegay “Canada way caddeysay inaan mar walba u taagganahay difaacidda xuquuqda adanaha iyo xuquuqda haweenka dunida oo dhan. Markii QM ay naga codsatay inaan siino magan-galyo, waan aqbalnay”. Canada ayaa hadda ka hor ka carreysiiyey dowladda Sacuudiga, markii ay ku baaqday in lasii daayo haweenka u dooda xuquuqda aadanaha ee lagu xiray dalka Sacuudiga, taasi oo keentay in Riyadh ay soo cayriso safiirka Canada, islamarkaana joojiso ganacsigii kala dhaxeeyey dalkaas. Sheekada Rahaf Mohammed al-Qunun ayaa soo jiidatay indhaha caalamka oo idil, waxaana aad uga hadlay uguna dooday warbaahinta, dowladaha iyo shacabka reer galbeedka. Caasimada Online Xafiiska Kuala Lumpur caasimada@live.com
-
The self-declared republic of Somaliland has expressed an interest in hosting British and Russian naval bases, which would add to an already active military presence along the coast of the Red Sea – one of the world’s busiest and most strategically important maritime passages. Last weekend, British Defense Secretary Gavin Williamson paid an unannounced visit to Somaliland and met with President Muse Bihi Abdi, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Yasin Hagi Mohamoud, and Defense Minister Essa Ahmed as well as Nuh Ismail Tani, top army general. In 1991, the Horn of Africa territory of Somaliland seceded from Somalia, which had itself gained independence from Britain in 1960. But for the past 28 years, Somaliland has remained officially unrecognized as a country – a status it resents. Ahmed Hassan Egal, head of the Somaliland mission to Ethiopia, confirmed to Anadolu Agency that military cooperation, and more specifically the establishment of a U.K. naval base in Somaliland at the port of Berbera, was among the points of discussion. The neighboring coastal state of Djibouti, which gained independence from France in 1977, houses more foreign military bases than any country in the world. In addition to a longstanding French naval base, there are U.S., Japanese, and Italian bases established since 2000, an EU military quarter, and a Chinese naval base established in 2017. “If the much smaller country Djibouti hosts so many naval bases by so many countries, why not Somaliland?” said Egal. Asked to confirm the U.K.’s intention to establish a naval base in Somaliland, he said, “There is a strategic importance in Somaliland. Part of the world would like to come to it, and Britain’s defense secretary was in Somaliland. We know that Britain has long historical relations with Somaliland … Because of the security situation, they [Britain] are very interested.” The U.K.’s interest also involves forging bilateral relations in economic and other sectors, according to the ambassador. He said the Russians might also come with the same intention. “We want to invite whoever is willing to come to Somaliland,” he said, indicating that a process has been going on with the United Arab Emirates, a Gulf country that agreed to set up a military base in Somaliland. “It helps the region,” he said. “It is a matter of interest … and of course, it would be in the best interest of the region as a whole. There’s nothing negative in that.” According to Egal, the world powers coming to the region and establishing military bases along the Red Sea coast are also investing in the region, and “we should welcome it.” Call for recognition “Somaliland gained independence from Britain before Somalia did,” Egal said in justification of the right it claimed to remain independent. Egal said the union with Somalia that lasted between 1961 and 1991 was “a dream” and an “emotional” project that did not work out. “The international community knows that Somaliland is a separate country that gained its independence separately,” he said. “Somaliland is peaceful and Somaliland is developing.” “Ethiopia has its mission in Somaliland, and Djibouti has its mission in Somaliland, and there are a number of other countries opening sorts of consular offices,” he said. Contradiction To date, no country has recognized Somaliland as an independent nation, although it has been acting as one for nearly three decades. And the government of Somalia is vehemently opposed to the idea of an independent Somaliland, seeing it as a breakaway state. While Somaliland is vocal in its determination to stay independent, Somalia’s semiautonomous state of Puntland next door has been working for a united Somalia with a federal arrangement, according to documents. All things considered, it seems that as it welcomes nations to set up military bases on its shores, Somaliland is soliciting formal recognition as an independent state. Source aa.com Qaran News
-
By: Abukar Arman Declaring Nicholas Haysom ‘persona non grata’ might prove costly for the Federal Somali Government. In the first week of the New Year, Somalia was one of the few countries that dominated the headlines. Not because one of her finest daughters, Ilhan Omar, who came to the US two decades ago and was elected as an American lawmaker, but because Somalia declared the UN’s chief diplomat—who had only been working there for three months—‘persona non grata’. The accusation was that the Special Representative of the UN Secretary-General, Nicholas Haysom, interfered in a sovereign state’s internal affairs – a bold claim that many, including myself, considered impulsive, ill-timed and a cover up that could only prove counterproductive for Somalia. Let us try to unpack this. Al Shabab’s Democrat In August 2017, the Federal Government of Somalia (FGS) announced that Mukhtar Robow (aka Abu Mansour), the former spokesman and a deputy leader of Al Qaeda-linked militant group AL Shabab has defected. Shortly after that announcement, the government flew him to Mogadishu where he held a press conference. Robow thanked the government for the dignified manner in which they received him. He also stated that he broke up with Al Shabab several years earlier due to disagreements on legal interpretations. Unfortunately, Robow did not explain what that meant or what his eureka moment was. He did not express any remorse for his terrorism nor asked for forgiveness – and no questions were asked. Shortly after, Robow embarked on a government funded rebranding campaign. During that period he met with a number of traditional clan elders, international diplomats including the British Ambassador, and various government officials and Members of the Parliament. The international community swiftly removed Robow from the sanctioned terror watch-lists, indicating the FGS and IC were clearly on the same page to showcase the Robow model of de-radicalisation by letting him participate in the South West federal state election. He flew in and out of Mogadishu to rally his clan base, and was allowed to travel to Saudi Arabia on a Somali diplomatic passport. Race to the Top Within his clan, which is the largest in the region, Robow was popular enough to unseat the incumbent—Sharif Hassan Aden—who enjoyed mythical reverence of being the Machiavellian par excellence of Somali politics. Nevertheless, in a move that seemed as an attempt to reinforce the probability of winning against Aden, FGS doubled its handpicked candidates and deployed the highly trained federal counter-terrorism force to South West. Once FGS’ determination to win by any means became clear, Aden dropped out of the race, packed, and moved out of town – literally. All of a sudden, the FGS took a 180 degree turn and the posterman turned to pariah – a dangerous terrorist who could not be trusted. Robow was pressed hard not to run, but he remained adamant. And there is where the showdown intensified and the controversy began. In the week before Robow was taken into custody, a leaked memo by a Western intelligence elements circulated among international NGOs and to those in-the-know. In a nutshell, the memo alleged that government forces included a team of assassins who were under order to terminate Robow. The target date was “either December 12 or 13th.” On the 13th, all candidates were invited to the Baidoa airport compound where the electoral commission as well as the state government and other foreign elements were based. There, Robow walked into a sting operation. Though the details of what exactly ensued inside the compound is not clear, one thing is: Robow was taken into custody by Ethiopian forces claiming they were part of African Union peacekeeping forces – a claim that AMISOM has denied. Demonstrations and Violence in Baidoa As word spread protests erupted in Baidoa and political outrage festered in Mogadishu, mainly by MPs from the South West state. FGS forces along with Ethiopian forces with tanks and armored vehicles confronted peaceful protestors demanding Robow’s release. Within a few days, they were violently disbanded, and on December 19th, the candidate that had FGS’ backing was declared the new president of South West. Amnesty International has issued a statement urging Somali and Ethiopian forces in Baidoa to “refrain from using lethal force against protestors.” Then, the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) sent a letter to the FGS in which it expressed grave concern over the 15 people killed in Baidoa—that included a child and an MP—and inquired about the General who commands the region’s police. A video of the General surfaced where he is seen threatening to shoot anyone who comes out to protest, and the letter asks a for clarification on the legal basis that justified the arbitrary arrest of Robow and denied him the right to participate in the election. In response, FGS declared the SRSG, Nicholas Haysom, “a persona non grata” for interfering in Somalia’s internal affairs. This reaction has earned FGS some praises and sparked trivial polemics on diplomacy and national sovereignty on social media. It raised concerns within various opposition groups and autonomous political entities or federal states such as Puntland, Jubbaland and Gulmudug that saw this as the latest of FGS’ pattern of intimidation to silence any and all forms of criticism. It was also mocked by some who thought the reaction was in fact a tactical overreaction since concerns raised were in line with UNSOM mandate and the standard operation endorsed by the previous Somali government. The UN reaction came a few days later. According to the 1961 Vienna Convention, persona non grata is a diplomatic doctrine that does not apply to United Nations personnel. Moreover, “Secretary-General Antonio Guterres has full confidence in Haysom (and he) deeply regrets Somalia’s decision,” said Guterres’ spokesperson. Yet, the Secretary General plans to appoint a new representative to Somalia. But the negative consequence of this haphazard decision was swift. The EU and the UK immediately stopped funding FGS’ police force. A few days later, UK Defence Secretary, Gavin Williamson, landed in Hargeisa – making him the first British Cabinet Minister to ever visit Somaliland. The Secretary met with President of Somaliland, Muse Bihi, to discuss “shared priorities of security and economic development as well as counter terrorism and the role UK military plays in mentoring the Somaliland coastguard.” The UK is the biggest stakeholder in UNSOM and the SRSG without which Soma Oil and Gas—economic exploitation of the century—could not be sustained. Propelling Factors It is an open secret that the FGS is adamantly imposing ‘regime change’ on all federal states. So far, they have succeeded in two out of the five. Why? First, FGS does not want any of the current leaders to challenge its authority on consigning four sea ports controlled by the federal states to Ethiopia. Second, next month the FGS is set to deliver a more controversial project than the ports – auctioning out 206 oil blocks that it does not control without any checks and balances and at a time when territorial demarcation is not agreed upon and is already causing bloodshed between Somaliland and Puntland. Three, mindful of its corroding relationship with the federal states, the FGS is determined to have loyal cronies who would pave the way for their return in 2020. Four, in April last year, the unthinkable came to pass. Abiy Ahmed became Ethiopia’s Prime Minister. He, as the pilot of ‘Horn of Africa transformation’ and a man who, due to his background in intelligence, Ahmed is determined to sideline or banish all those who had close association with the previous Tigray-dominated regime whose members are determined to torpedo his government. That calculus implicated all leaders of the federal states—save Hirshabelle whose leader is new on the scene—as well as Somaliland and Robow. Ahmed knows all those political charlatans who came to Addis Ababa to take their orders and knows who bankrolled Robow’s adventures in and around Bakool. Likewise who pressured the FGS to embrace Robow without any precondition or any demand to disarm and disband his militia. Whether Robow was a pawn or a player is for historians to debate. But, in his current status as a political prisoner, the FGS is not only turning a mass murderer into a martyr, it is alienating Robow’s clan-based supporters. Not to mention how authoritarian this arbitrary decision makes FGS look, and how permanently this may damage the defection alternative. Already one minister has resigned in protest. If the FGS is serious about reclaiming Somalia’s sovereignty, it must come up with a comprehensive strategy for genuine Somali-owned reconciliation, cut the umbilical cord of dependency on foreign aid, overhaul the foreign-based security system and establish a Somali military force with federal command and control that can guard its borders. This requires vision and commitment to make the appropriate sacrifices and endure the process. Without genuine reconciliation, the FGS cannot get legitimacy. And without legitimacy FGS’ quest for sovereignty would only prove a quixotic ambition, if not a counterproductive one. Abukar Arman is a Somali political analyst, writer and former Special Envoy to the United States. Arman is also a widely published foreign policy specialist, writing extensively on Somalia and international political affairs. Disclaimer: The viewpoints expressed by the authors do not necessarily reflect the opinions, viewpoints and editorial policies of Caasimada Online. We welcome all pitches and submissions to Caasimada Online – please send them via email, to caasimada@live.com
-
In ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu ku qabay qabsashashada Athens iyo Sparta. Odaygu waxa aannu kalsooni ku qabin wiilkiisii kali ahaa – Alexander. Wiilku waxa uu odayga ulla muuqday nin aan lahayn kartidii uu ku midayn lahaa gobolada Giriiga. Labada Gobol ee kale – Athens iyo Sparta – Phillib Iyo gobolkiisa Macedonia, waxa ay ka haysteen dad badaw ah; aan lahayn xadaarad isla markaana yaqaana kaliya sida wax lo burburiyo. Philib talo waa ay ka baahday. Shawrka naftiisa waxa maqashay Afadisii. Olympias waxa ay daalacatay xaajigu in uusan ka hadhin dareenkii dumarka; damacaana waxa ay ka meel dhigatay dabin. Wakhtigaas Alexandre waxa uu ahaa arday, Aristotle ayaa u ahaa macalin. Casharka ugu wayn ee uu ka guntayna waxa uu ahaa: Dunnida in aad qabsaatid waxa ka xiga DARIUS III – boqorkii FAARIS. Casharkaasi waa mid ka gadisan rabitaankisii Aabihii. Aabihii waxa uu ku tamaayey qabsashadda Giriiga. Aristotle-na wiilkii waxa uu usoo liqimay qabsashadda caalamka. Philib rabitaankisii ahaa inu minyaraysto, waxa kasoo hor maray qorshihii islaanta – dilkii odayga! Alexander ayaa dhaxlay boqortooyadii Macedonia. Abaabul ciidan kadib, Alex wuxuu wajahay Faaris. Dagaalo kala dambeeyey oo si taxane ahaa guushu ugu raacaysay dhankiisa, waxa uu kusoo afmeeray geerida Darius oo lagu dilay Afghanistan! Wiilkii yaraa ee Alex, wuxuu qabsaday Masar, India iyo qaybo ka mida China. Alexandre waxa uu isu bedelay Alexander The Great! Alex wuxuu ku dhintay Babylon cimrigiisa oo ahaa 33 jir. Waligii ma qabsan Sparta. Faaris mudo kooban kabacdi xadaradoodi maamul oo wadata magaca Sasanid soo ceshade. Alexander The Great sanado kooban ayuu ku hantiyey dhul baaxad wayn, waxa se jirta Alexandre ma dhisin dawlad haykal leh. Alexandre waddankisii kama samayn nidaam dawladeed, sidaa daradeed Alexandre ma odhan karno waxa uu sameeyey dawlad. Faaris waxa ka burburay wagaas nidaam dawladeed, gadaal waxa ay ka dhisteen hadana nidaam dawladeed. Su’aashu waxa ay tahay waa maxay dawladdi? Soomaalidu inta badan dawlad-nimada waxa ay u yaqaan caddaalad iyo sinnaan. Dawlad wanaagsan marka ay tilmaamayaan, carabka waxa ay ku dhuftaan Maamulkii Cumar Bin Khadaab (rc) iyo wiilkii uu Awowga u ahaa ee Cumar Bin Cabdulasiis (rc). Caddaaladu waa rugni ka midda saddexda waxood ee maamulka: Sharci-dajinta, fulinta iyo garsoorka. Dadyow badan ayaa iyaguna dawladnimada u yaqaan maamul daadajin iyo isla xisaabtan; taas oo laga dhadhansano karo in ay u jeedaan waaxda fulinta oo gudata hawshii loo xilsaaray. Kuwo kale, dawlad-nimada waxa ay u fahmeen sharciga oo shaqeeyaa. Sadexdaa dhardhaar oo laysla helo, weeye dawlad dhamaystiran. Waxa qaba jaamiciyiinta. Xadaaradihii hore haddii aad jaleecdid. Waxa kusoo baxaya xadaarad ka dhalatay webi. Mid la ammaanayo oo la leeyahay waxa ay lahayd qoraal ama lacag. Naill Ferguson waa taarikh-yahan. Mar uu is-dul taagay sababaha galbeedka dhaafiyey dunnida inteeda kale, waxa uu ku ururiyey lix ammuurood. Saddex ayaa sidatan ah: Tartan ganacsi, wax-so-saar iyo dhaqanka/xeerka shaqada. Saddexda mawduuc ee aan kala soo baxay lixda qodob macno ahaan makala foga; labo kale ayaa iyaguna si dadban usoo hoos galayaan saddexda hore. Iyagoo noqonaya Science – makiinad, tamar, tignoloji – iyo Medicine. Qodobka lixaad wuu ka durugsan yahay shanta cinwaan ee kale waa dimuqraadiyad. Taarikh ahaan durug, dhul ahaana soo dhowoow. Quraanku wuxu ina faray gabadh boqorad ahayd oo ku noolayd Yemen. Gabadhaasi, waa Bilkhiis’e waxa ay maamuli jirtay dhul u dhexeeya laba wabi. Ethiopianka haddii aad waydiisid dawlad-nimadu xagay idinka soo gashay? Si midaysan oo kalsooni leh, waxa ay ku odhanayaan ”Dawladda Ethiopia waxa ay kasoo farcantay Magalada Yeha; abqaalkeeda waxa lahayd Bilkhis oo Yemen nooga timid” Taarikhyahanada dunnida iyo Archaeologists* ayaa soo bandhigay raadadka ku duugan Yeha iyo dhismayaasha ama farta ku qoran magaaladda Ma’rib ee Yemen in ay isku asal yihiin. Wakhtiga iyo xaqiiqada sheekadaas ku dheeran mayo. ujeedka dawladnimo aan kusoo durko. Bilqiis boqortooyadeedii Seba, waxay isku xidhi jirtay dunida galbeedka iyo ta barriga. Bilkhis Afrika waxa ay kasoo iibsan jirtay dahabka iyo foolka maroodiga; India waxa looga keeni jiray basbaaska halka China looga soo waaridi jiray wilka. Boqoradu marki dambe waxa ay daaha ka fayday ganacsiga beeyada. Bilkhis oo faa’ido badan ka heshay beeyada ayaa usoo wareegtay dhulka Tigrayga oo hoddan ku ahaa beeyada. Waxa ayna xarumo ganacsi ka furatay Yeha iyo Aksum. Labada sheeko ee ugu dambeeya: Waa Ferguson faqidaadda uu inaga siiyey sababa galbeedka dhafiyey dunnidda inteeda kale iyo sheekadda Bilqiis, waxa laga dheehanayaa, dawladnimadu in aysan ahayn maamul qaabilsan garsoor, fullin iyo kaliya sharci dajin. Dawladnimadda ayaa ku arooraysa wax kale iibsi iyo suuq shaqaynaya oo ku xidhan caalamka intiisa kale. Dawladnimadu in ay tahay suuq ganacsi iyo meel ay ka socdaan dhaqdhaqaq wax kala iibso ayaa aynu badhtanka kaga jirnaa. Aan soo qaadano dhacdooyin goo-goos ah oo ku wada saabsan dano dhaqaalle. Safarkii Columbus 1492 uu ugu shiraaqday galbeedka Atlantikada, isagoo tageero dhaqaale ka helaya boqoradii Isabella. Ujeedkiisu wuxuu ahaa in la helo dariiq dhaw oo dhib yar oo wax lagaga soo iibsan karo Asia. Cabsidii ku habsatay Qaynu-qaac iyo reer Binu Nadiira ayaa muhaajriintii Nabi Muxammad (csw) la socotay u noqotay nasri dhaqaale oo ay kula falgalaan Madina. Dhulka Hawdka markii uu Ingiriisku ku wareejiyey Ethiopia waxa uu dhaafsaday ayaa la dhahaa cashuur dhimis ganacsi oo uu ka helay dhanka Ethiopia. Dawladi waa maxay? Ma aha su’aal sahlan. Gunnaanadkii su’aasha ayaa aynu soo gaadhnay. Kalmadaha aan kaga hadhayo qoraalka, waxa ay noqon doonaan qeexidayda ugu saraysa illaa hadda aan ka amminsanahay waa maxay dawladi? Adam Smith iyo Karl Marx waxa ay qoraalo ka sameeyeen sayladaha iyo ganacsiga, saas oo ay tahay waxa laga dheegtaa maamulka iyo dhismaha dawladeed. Kasoo bilaw Aksum, Ethiopia waxa ka jira suuq camiran oo wax lagu kala iibsado. Ethiopia waxa ay ku guulaysatay dusha in ay ka illaaliso sayladaheedda. Dawlad-nimadu walow ay u bahan tahay rabitaanka shacabka oo la dhagaysto, cadaalad, iyo maamul wanaag la mid ah kii Mamlikadii Masar hadana, wadnaha dawladi leedahay waa saylad is laba rogaysa. Taas oo ay waardiye ka tahay xukumad hal-abuur leh. Waxbarasho ka bilaabanta is-fahamka qofka iyo jiilka oo fahma deegaanka ay ku nool yihiin ayaa noqon karta haddii ay ku baahdo xududaha dalka, dahaadh ku gadaaman xadaarad ama dawlad. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan01@gmail.com Nantes France Source
-
(SLT-Hargaysa)xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka hadlay heshiis ku saabsan qabsoomida doorashada goleyaasha deegaanada iyo wakiilada oo ay wada gaadheen xisbiyada Kulmiye Iyo Ucid. Siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan xisbiga Waddani ayaa ganafka ku dhuftay heshiiska ay wada gaadheen Ucid iyo Kulmiye isaga oo xusay inaanu ahayn mid khuseeya xisbigooda waxaanu yidhi “Doorashada maanta taagan ee ay leeyihiin komishanka waxaanu ku daraynaa laba qof, labada qofna anagu miyaanu doonaynaa, Ina Cali Waraabe hawgu daraan, anagu sadex sadex qof oo siman ayaanu doonaynaa hadaanu wadani nahay, mawqifkayagana waanu cadaynay oo waa biyo kama dhibcaan.”ayuu yidhi siyaasi Cali Cantar oo u waramay saabtv. Sidoo kale waxa uu sheegay inaan xisbiga Waddani marna aqbalayn in komishanka hada joogaa ay qabtaan doorasho waxaanu yidhi “Nimankan uu xaga dambe ku haysto Muuse Biixi ee uu leeyahay waxay ii ahaanayaan komishan anagu raali kama nihin, iyaguna haddii ay yihiin dad xor iyo xalaal ah oo hay’ad jirta ay yihiin hays difaacaan oo maalin kaliya ha sheegaan wixii aanu ku eedaynay, mana sheegi karaan runtii, waana cay hadii la yidhaa kuwaasi markale ayey wax dib wax u qabanayaan, haddii uu Muuse haysto oo uu leeyahay guul ayey ii dhaliyeen anagu waxaanu leenahay mar kale guul kuu dhalin maayaan.” Cali Cantar oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Qoraalkaas ay soo saareen anagu kuma jirno, haday laba ku darsanayaan iyo haday tobanku darsanayaan kuma jirno, anaga waxa muhiimada koowaad noo ah in komishankani meesha ka dhaqaaqo.” Sidoo kale waxa uu ka hadlay ergooyinka dhex dhexaadinayey xisbiyada waxaanu yidhi “Sonsaf iyo qolooyin yaryar oo kale intay isku soo ururiyeen oo ay ku soo dareen ergadii iyo madaxweyne ku xigeenadii hore ayey leeyihiin kolba sidaas soo dhaha, anaguna kuma kalsoonin.” Siyaasi Cali Cantar ayaa sheegay in xisbiga Waddani uu dalbanayo in ergo ajaanib ah ay dhex dhexaadin bilaabaan waxaanu yidhi “Haddii cid ajanabi ahi na dhex dhexaadinayso salaama calaykum haddii kalana haka tanaasulaan arintaas, Muuse-na waxa uu doonayaa inuu 15 sanadood meesha haysto yaan been layskugu sheekayn, doorasho dambe inay dhacdana uma muuqato waayo ifafaalaheeda ayaa muuqda.” Ugu dambayn Siyaasi Cali Cantar waxa uu eedayn culus u jeediyey gudoomiyaha xisbiga Ucid, waxaanu yidhi “Ninkan Ucid waa nin iska duul duul badan lamana odhan karo waa gudoomiye, mar kastana waxa uu dhinac taagan yahay dawladii timaada, laba cisho hadii uu kula socdo maalinta sadexaad waa nin kale, waa jirjiroole boqol wajiile ah, mana aha qof lagu kalsoonaan karo oo qof qaran noqon kara, waa qof dabayl ah oo marba dhinac kaaga imanaysa, mar nacas ayaad moodaysaa, mar fariid wax yar kala garanaya ayaad moodaysaa, mar nin weynbaad moodaysa, mar caruur ayaad moodaysaa mana aha nin isku mid ah oo noloshiisu degan tahay.” Source
-
Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Gal-Mudug oo Geeriyooday
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya goordhow ku geeriyooday xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka maamulka Gal-Mudug. Allaha u naxariistee Xildhibaan Xasan Maxamed Axmed (Xasan Caarad) oo katirsanaa Xildhibaanada Galmudug ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug ayaa Puntland Post u xaqiijiyay geerida xildhibaan Xasan Caraad oo Nairobi Caawa ku geeriyooday. Xildhibaanka ayaa Eebbe waxa ay uga baryeen in uu janadii firdowso aheyd ka waraabi islamarkaasina uu dambigiisa dhaafo. Meydka Marxuumka ayaa lagu wado in dib loogu soo ciliyo dalka si loogu aaso. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Gal-Mudug oo Geeriyooday appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa codsaday in la baajiyo muxaadaro Sheekh Kenyaawi doonaayay in uu qabto Hoolka Sahal oo ku yaalla agagaarka Garoonka Aadan Cadde. Mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, waxa ay sheegeen in ay ka taxadarayaan Ammaanka dadka Shacabka ee goobta soo gaaraya. Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay in uu codsaday baajinta Muxaadaradda, Maadaama dadkii la filayay kuwo ka badan ay soo xaadireen goobta oo isbuurasho ay ka dhacday. “Dadweynaha kasoo qeybgalay muxaadarada Sheikh Kenyaawi waxaan u sheegaynaa in goobta muxaadarada loogu talgalay inay ka dhacdo iyo tirada dadka raba muxaadarada inay is qaadi waysay sidaas daraadeed anaggoo oo fiirinayna Amniga iyo nabadgalyada dadkaas waxaan Sheikha ka codsanay in la baajiyo muxaadarada iyo inaan goob ka weyn Hoolka Sahal aan ugu qaban doono shacabka Muxadaradiisa jecel” ayuu yiri Guddoomiye Tuulax. Goobtii Galabta lagu qaban lahaa Muxaadarada ayaa waxaa buux dhaafiyay kumanaan ruux taas oo keentay in dadku isbuurtaan, waxaana warar aan helnay ay sheegayaan in rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda ay ku dhaawacmeen saddex qof oo ka mid ahaa dadkii muxaadarada halkaasi u tegay. Dhinaca kale Sheekh Kenyaawi ayaa arrintan ka hadlay, hoos ka daawo Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
In ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu ku qabay qabsashashada Athens iyo Sparta. Odaygu waxa aannu kalsooni ku qabin wiilkiisii kali ahaa – Alexander. Wiilku waxa uu odayga ulla muuqday nin aan lahayn kartidii uu ku midayn lahaa gobolada Giriiga. Labada Gobol ee kale – Athens iyo Sparta – Phillib Iyo gobolkiisa Macedonia, waxa ay ka haysteen dad badaw ah; aan lahayn xadaarad isla markaana yaqaana kaliya sida wax lo burburiyo. Philib talo waa ay ka baahday. Shawrka naftiisa waxa maqashay Afadisii. Olympias waxa ay daalacatay xaajigu in uusan ka hadhin dareenkii dumarka; damacaana waxa ay ka meel dhigatay dabin. Wakhtigaas Alexandre waxa uu ahaa arday, Aristotle ayaa u ahaa macalin. Casharka ugu wayn ee uu ka guntayna waxa uu ahaa: Dunnida in aad qabsaatid waxa ka xiga DARIUS III – boqorkii FAARIS. Casharkaasi waa mid ka gadisan rabitaankisii Aabihii. Aabihii waxa uu ku tamaayey qabsashadda Giriiga. Aristotle-na wiilkii waxa uu usoo liqimay qabsashadda caalamka. Philib rabitaankisii ahaa inu minyaraysto, waxa kasoo hor maray qorshihii islaanta – dilkii odayga! Alexander ayaa dhaxlay boqortooyadii Macedonia. Abaabul ciidan kadib, Alex wuxuu wajahay Faaris. Dagaalo kala dambeeyey oo si taxane ahaa guushu ugu raacaysay dhankiisa, waxa uu kusoo afmeeray geerida Darius oo lagu dilay Afghanistan! Wiilkii yaraa ee Alex, wuxuu qabsaday Masar, India iyo qaybo ka mida China. Alexandre waxa uu isu bedelay Alexander The Great! Alex wuxuu ku dhintay Babylon cimrigiisa oo ahaa 33 jir. Waligii ma qabsan Sparta. Faaris mudo kooban kabacdi xadaradoodi maamul oo wadata magaca Sasanid soo ceshade. Alexander The Great sanado kooban ayuu ku hantiyey dhul baaxad wayn, waxa se jirta Alexandre ma dhisin dawlad haykal leh. Alexandre waddankisii kama samayn nidaam dawladeed, sidaa daradeed Alexandre ma odhan karno waxa uu sameeyey dawlad. Faaris waxa ka burburay wagaas nidaam dawladeed, gadaal waxa ay ka dhisteen hadana nidaam dawladeed. Su’aashu waxa ay tahay waa maxay dawladdi? Soomaalidu inta badan dawlad-nimada waxa ay u yaqaan caddaalad iyo sinnaan. Dawlad wanaagsan marka ay tilmaamayaan, carabka waxa ay ku dhuftaan Maamulkii Cumar Bin Khadaab (rc) iyo wiilkii uu Awowga u ahaa ee Cumar Bin Cabdulasiis (rc). Caddaaladu waa rugni ka midda saddexda waxood ee maamulka: Sharci-dajinta, fulinta iyo garsoorka. Dadyow badan ayaa iyaguna dawladnimada u yaqaan maamul daadajin iyo isla xisaabtan; taas oo laga dhadhansano karo in ay u jeedaan waaxda fulinta oo gudata hawshii loo xilsaaray. Kuwo kale, dawlad-nimada waxa ay u fahmeen sharciga oo shaqeeyaa. Sadexdaa dhardhaar oo laysla helo, weeye dawlad dhamaystiran. Waxa qaba jaamiciyiinta. Xadaaradihii hore haddii aad jaleecdid. Waxa kusoo baxaya xadaarad ka dhalatay webi. Mid la ammaanayo oo la leeyahay waxa ay lahayd qoraal ama lacag. Naill Ferguson waa taarikh-yahan. Mar uu is-dul taagay sababaha galbeedka dhaafiyey dunnida inteeda kale, waxa uu ku ururiyey lix ammuurood. Saddex ayaa sidatan ah: Tartan ganacsi, wax-so-saar iyo dhaqanka/xeerka shaqada. Saddexda mawduuc ee aan kala soo baxay lixda qodob macno ahaan makala foga; labo kale ayaa iyaguna si dadban usoo hoos galayaan saddexda hore. Iyagoo noqonaya Science – makiinad, tamar, tignoloji – iyo Medicine. Qodobka lixaad wuu ka durugsan yahay shanta cinwaan ee kale waa dimuqraadiyad. Taarikh ahaan durug, dhul ahaana soo dhowoow. Quraanku wuxu ina faray gabadh boqorad ahayd oo ku noolayd Yemen. Gabadhaasi, waa Bilkhiis’e waxa ay maamuli jirtay dhul u dhexeeya laba wabi. Ethiopianka haddii aad waydiisid dawlad-nimadu xagay idinka soo gashay? Si midaysan oo kalsooni leh, waxa ay ku odhanayaan ”Dawladda Ethiopia waxa ay kasoo farcantay Magalada Yeha; abqaalkeeda waxa lahayd Bilkhis oo Yemen nooga timid”. Taarikhyahanada dunnida iyo Archaeologists* ayaa soo bandhigay raadadka ku duugan Yeha iyo dhismayaasha ama farta ku qoran magaaladda Ma’rib ee Yemen in ay isku asal yihiin. Wakhtiga iyo xaqiiqada sheekadaas ku dheeran mayo. ujeedka dawladnimo aan kusoo durko. Bilqiis boqortooyadeedii Seba, waxay isku xidhi jirtay dunida galbeedka iyo ta barriga. Bilkhis Afrika waxa ay kasoo iibsan jirtay dahabka iyo foolka maroodiga; India waxa looga keeni jiray basbaaska halka China looga soo waaridi jiray wilka. Boqoradu marki dambe waxa ay daaha ka fayday ganacsiga beeyada. Bilkhis oo faa’ido badan ka heshay beeyada ayaa usoo wareegtay dhulka Tigrayga oo hoddan ku ahaa beeyada. Waxa ayna xarumo ganacsi ka furatay Yeha iyo Aksum. Labada sheeko ee ugu dambeeya: Waa Ferguson faqidaadda uu inaga siiyey sababa galbeedka dhafiyey dunnidda inteeda kale iyo sheekadda Bilqiis, waxa laga dheehanayaa, dawladnimadu in aysan ahayn maamul qaabilsan garsoor, fullin iyo kaliya sharci dajin. Dawladnimadda ayaa ku arooraysa wax kale iibsi iyo suuq shaqaynaya oo ku xidhan caalamka intiisa kale. Dawladnimadu in ay tahay suuq ganacsi iyo meel ay ka socdaan dhaqdhaqaq wax kala iibso ayaa aynu badhtanka kaga jirnaa. Aan soo qaadano dhacdooyin goo-goos ah oo ku wada saabsan dano dhaqaalle. Safarkii Columbus 1492 uu ugu shiraaqday galbeedka Atlantikada, isagoo tageero dhaqaale ka helaya boqoradii Isabella. Ujeedkiisu wuxuu ahaa in la helo dariiq dhaw oo dhib yar oo wax lagaga soo iibsan karo Asia. Cabsidii ku habsatay Qaynu-qaac iyo reer Binu Nadiira ayaa muhaajriintii Nabi Muxammad (csw) la socotay u noqotay nasri dhaqaale oo ay kula falgalaan Madina. Dhulka Hawdka markii uu Ingiriisku ku wareejiyey Ethiopia waxa uu dhaafsaday ayaa la dhahaa cashuur dhimis ganacsi oo uu ka helay dhanka Ethiopia. Dawladi waa maxay? Ma aha su’aal sahlan. Gunnaanadkii su’aasha ayaa aynu soo gaadhnay. Kalmadaha aan kaga hadhayo qoraalka, waxa ay noqon doonaan qeexidayda ugu saraysa illaa hadda aan ka amminsanahay waa maxay dawladi? Adam Smith iyo Karl Marx waxa ay qoraalo ka sameeyeen sayladaha iyo ganacsiga, saas oo ay tahay waxa laga dheegtaa maamulka iyo dhismaha dawladeed. Kasoo bilaw Aksum, Ethiopia waxa ka jira suuq camiran oo wax lagu kala iibsado. Ethiopia waxa ay ku guulaysatay dusha in ay ka illaaliso sayladaheedda. Dawlad-nimadu walow ay u bahan tahay rabitaanka shacabka oo la dhagaysto, cadaalad, iyo maamul wanaag la mid ah kii Mamlikadii Masar hadana, wadnaha dawladi leedahay waa saylad is laba rogaysa. Taas oo ay waardiye ka tahay xukumad hal-abuur leh. Waxbarasho ka bilaabanta is-fahamka qofka iyo jiilka oo fahma deegaanka ay ku nool yihiin ayaa noqon karta haddii ay ku baahdo xududaha dalka, dahaadh ku gadaaman xadaarad ama dawlad. Axmed-xiis Dharbaan dharbaan01@gmail.com Nantes France Qaran News