-
Content Count
207,257 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Howlwadaag ee Gobolkan Banaadir waxaa caawa bambo gacmeed lagu weeraray hoyga Muqdisho uu ka degan yahay Gudoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar. Guriga uu degan yahay Jacfar ayaa waxa uu ku yaallaa wadada kasoo dagata Isgoyska Dabka ee dhanka Isgoyska Bakaaraha aada, halkaasi oo ah goobta bambada lagu tuuray. Ciidamada illaalada guriga Gudoomiye Jacfar ayaa qaraxaasi bambada ah markii lagu weeraray kadib waxa ay fureen rasaas xooggan oo dhaawacyo ay ka dhasheen. Illaa saddex ruux oo shacab ah ayaa waxyeelo kala duwan ka soo gaartay rasaasta Ciidanka ay fureen, waxaa kaloo jirta in Ciidanka fadhiyay banaanka guriga Gudoomiyaha dhaawacyo ay soo gaareen. Gaadiidka ambalaasta ayaa goobta ka qaaday dadkii dhaawacyada ay soo gaareen, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka. Dhawr habeen ayaa sidaan oo kale qarax bam gacmeed loogu weeraray guriga uu degan yahay Gudoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(Dhegayso+Sawirro) Amaanka magaalada Bosaaso oo laga shiray
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Guddiga amniga magaalada Bosaaso ayaa maanta waxa ay isgu yimaadeen shir looga hadlaayay amniga magaalada Bosaaso , waxaana ka soo qayb galay saraakiisha laamaha amniga [...] Source -
Wasiirka Shaqaalaha XFS oo la kulmay Gudoomiyaha G/Banaadir
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Shaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta la kulmay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan [Eng Yariisow]. Mas’uuliyiinta ayaa waxay kawada hadleen diiwaan-gelinta shaqaalaha oo uu bilaabay gobolka iyo sidii loo waafujin lahaa hanaanka xukuumada ee shaqaalaha dowladda oo ku dhisan inay helaan xuquuqdooda. Wasiir Saalax oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta wuxuu ka dhawaajiyay in maamulka gobolka Banaadir uu umadax banaan shaqaalaysiinta, isaga oo kaga mahad-celiyay wadashaynta dhow oo ay leeyihiin. Gudoomiye Eng Yariisow ayaa dhinaciisa shaaciyay in hadafka ay ka leeyihiin diiwaan-gelinta shaqaalaha ay qayb ka tahay isla-xisaabtanka iyo sidii ay ku go’aan lahaayeen in howladeeda ay shacabka ufidiyaan adeegyadii ay uga baahnaayeen. The post Wasiirka Shaqaalaha XFS oo la kulmay Gudoomiyaha G/Banaadir appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa waxa ay gebi ahaanba ka hor imaadeyn in nin ajnebi ah gudoomiye looga dhigo Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Warka ah in nin ajnebi ah uu jagadaasi qabanayo ayaa ah hadal heynta ugu badan ee xildhibaanada ay aadka u hadal hayaan, waxaana sidoo kale uu si aad ah ugu baahay baraha bulshada. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxa ay walaac ka muujinayaan in ninkaan loo dhiibo Bankiga dhexe ee Soomaaliya, waxa ayna khaarkood baraha bulshada soo dhigeen qoraalo ay ku dhaliilayaan go’aanka ninkaan loogu dhiibayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed Jindi oo ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharcidaro ku tilmaamay in nin Ajinabi ah loo magacaabo Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Xildhibaanka ayaa sheegey in ay wararka sheegaya in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya loo Magacaabayo Nin Ajinabi ah ay ku arkeen Baraha Bulshada hadii uu jirana uu yahey Sharci daro. Waxa uu sheegey in ay ka doodi doonaan Xildhibaanada Faderaalka Soomaaliya hadii la isku raacana uu sharci noqonayo,balse uu rajeynayo in Xildhibaanadu ka soo horjeesa doonaan Go’aankaan Godoomiyaha Bankiga dhexe looga dhigaayo Nin Ajinabi ah. Sharcigaan Gudoomiyaha Bankiga dhexe looga dhigaayo nin Ajinabi waxaa horey u ansixiyey Golaha Wasiirada Soomaaliya waxaana lagu wadaa in Maalinta Isniintaa ee socota in horgeeyo Baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-habeen-12012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Paris)-Labo ka mid ah shaqaalaha dabdamiska iyo haweeney u dhalatay dalka Spain ayaa ku geeriyootay afartameeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax xoog leh uu ka dhacay foorno ku taal magaalada Paris caasimada dalka Faransiiska. Shaqaale deg-degga ah ayaa howl ka waday foornadan qaraxa uu ka dhacay iyadoo qaraxa uu ka dhashay sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha dalka Faransiiska Christophe Castaner. Banaanbaxyo cusub oo loogaga soo horjeedo dowlada Faransiiska ayaa ka socday magaalada Paris iyo magaalooyin kale. Qaraxaani oo laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Paris ee dalka Fransiiska ayaa waxa uu ka dhacay Foorno ku taalla xaafada Rue de Trevise oo dhacda Waqooyiga Magaaladaasi. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxani ay maleynayaan in uusan aheyn mid la xiriira argagixisada balse uu ka dhashay Gaas dab qabsaday maadaama meesha uu ka dhacay qaraxa ay Foorno aheyd ayna shaqaalaha degdegga ah ay howl dayactir ah ka wadeen. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ruushka Oo Saldhig Millatari Ka Samaysanaya Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Koigi Wamwere oo ah Qoraa iyo Xildhibaan hore oo u dhashay dalka Kenya, oo dhowaan socdaal ku yimid Somaliland ayaa falanqeeyey qorshaha aqoonsi raadinta Somaliland iyo siday ugu qalanto dawlad madax-bannaan. Qormadaas oo Wakaallada Wararka Somaliland soo xigatay waxay u qornayd sidan:- “Somaliland waa dal dalbanaya aqoonsi iyo madax-bannaani, waxaanay kaalin muhiim ah ugu jirtaa Kenya, Afrika iyo caalamkaba. Dhab ahaantii, Qaranimada Somaliland weli waa mid aan la aqoonsan, inkastoo ay u qalanto isla markaana leedahay astaamihii dal madax-bannaan sida nabadda, xasiloonida iyo kobaca dhaqaalaha, kuwaas oo dalal badan oo madax-bannaani aanay haysan. Somaliland waxay haystaa nabad iyo horumar, laakiin waxa loo diiday aqoonsiga caalamiga ah, xoriyada ganacsiga caalamiga ah. taasi oo ku keentay cunaqabatayn dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed, taasina keeneyso horumar la’aan iyo saboolnimo. Guddoomiyaha wakhtigan ee Midowga Afrika Madaxwayne Paul Kagame, waa inuu booqdaa Somaliland sii uu u xukumo Madax bannaanida Somaliland.Muxuu u eegayaa hab kale,marka uu arko dal Afrika ah loo dafiray aqoonsi la’aan diblomaasiyadeed iyo xuquuqda badbaadada bulshada. Dalalka reer galbeedku aqoonsan maayaan Somaliland sababtoo ah dalal Afrika ahi may aqoonsan? Dawladaha Afrikaanka ahi waa in ay marka hore aqoonsadaan Somaliland si ay dalalka reer Yurub u ictiraafaan. Somaliland waa dal gabi ahaanba nabad ah, halka Soomaaliya wali ay ka taagan tahay colaado aan dhammaad lahayn iyo qaxooti ka cararaya goobtaas holcaysa. Ma aha beesha caalamka iyo dalalka Afrikaanku inay ku ciyaaraan qaddiyadda Somaliland, sida dalalka reer galbeedka iyo waddamada Afrika ay ugu ciyaarayeen qaddiyadda Liibiya. Hadday Afrika ka qaadato go’aan xooggan oo ka soo horjeeda burburinta Liibiya ee Maraykanka iyo Ingiriiska,Liibiya waxa ay ahaan lahayd dal dhisan. Sida waddamada reer galbeedka iyo waddamada Afrika ugu ciyaarayeen qaddiyadda Liibiya waa habka ay ugu ciyaarayaan qaddiyadda Somaliland, iyagoo diidaya aqoonsigeeda. Marka ay dalalku dalbanayaan aqoonsi madaxbannaan, waxay la wadaagaan sharaftooda xudduud dhuleed. Waxa kaloo uu isweydiiyey suxufigani sababta Somaliland loo aqoonsan waayey maadaama oo aanay sida Soomaaliya sheeganaynin soohdimo dal kale leeyahay. In ka badan 10,000 oo Kenyaan ah ayaa ka shaqaysta, kuna nool Somaliland si nabdoon,way ku faraxsan yihiin haddii Kenya aqoonsato Somaliland oo xafiis diblomaasiyadeed ka furato si ay u daryeesho danahooda. Waxa soo Turjumay Khadar Nuux Yoonis Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa waxa uu ka hadlay xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees, waxaanu ka soo bandhigay sheeko la xidhiidha xadhigiisa. Xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees waxa uu i xusuusiyey sheeko “Aabihii Abees kaga sheekaynayey xadhigiisii uu xalay ka gabyey iyo waliba suugaantiisa oo aannu jeclayn balse Madaxeyne Muuse Biixi ku qanciyey in uu u daayo isagoo Madaxweyne Muuse la dhacsanaa Suugaanta Inna Abees. Ibraahim Abees oo ah Mujaahid ay walaalo yihiin wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland sida aan taariikhda ku hayana ah qoys Suugaantoodu Hido-raac tahay balse aan wakhtigan jeclayn inankiisu inuu ku shaqaysto Hal abuurnimaddiisa ayaa yidhi ” Habeen uun baan daawaday Telefishanka mise Gabadh heesaysa oo wariyihii leeyahay waxa sameeyey C/raxmaan Abees dabadeedna waa isaga kacay qolkii Telefishanku yaallay. ninkii aan isagoo Ingiriiska jooga aan ka xanaaqsanaa uun baa Hargeysa iigu yimi dabadeed na guriga ii dhaaf baan ku idhi ma anigaad Heeso iila timid halkaan kaa filayey inaad wax-soo-taransato.” Aabo Abees waxa uu intaa raaciyey “Maalmo markii uu iga madax gadayey ayaa ba waxa maalintii danbe ila soo hadlay Muuse Biixi oo u dacwiyaya oo leh waar inanka isaga tag maxaad Fanka ugu haysataa miyaadan ogayn dunida in uu ka leeyahay Qiime wayn kuwan Somalida ah uun baa ku dhibaataysane.” Aabo Abees sheeko dheer oo maslaxaadii Madaxweyne Muuse ah buu halkaa mariyey waxaanu ku soo gabagabeeyey in uu Muuse ku qanciyey in uu inanka u daayo Fankiisa. Hadaba, Aniga xalay baa iigu horaysay muuqaalka Abwaan Abees, gabayga hore ee uu xadhigiisa ka tiriyey oo aan dhagaystayna Aabihii Ibraahim Abees baa maalintaa ka sheekaynayey Abwaankunna xalay hordhiciisa waxa uu ku sheegay inuu maalintaas la xidhay tiriyey balse laga codsaday inaanu baahin. Inkasta oo uu daahay xadhigiisu dad badan oo xalay madashii Maansoor joogay waxay filayeen waxa maanta dhacay oo dad badan baaba aan gabaygiisii danbe u joogin cabsidaa darteed. Goor dhawayd markii la ii soo sheegay xadhiga Abwaan Abees waxaan is weydiiyey maxaa loo xidhay Abwaanka maadaama Madaxweyne Muuse Biixi ku dirqiyey Aabihii in uu daayo Fankiisa, isla markaana la dhacsannaa Fankiisa oo waliba aan ogahay Madaxweynaha laftiisu in uu yahay Reero Suugaaneed. Sidaas daraadeed; waxaan ku baaqayaa in xorriyaddiisa loo celiyo Aragtidiisana la tixgaliyo oo wixii la awoodo wax laga qabto dhaliilaha uga muuqaday. Allaa Mahad leh” Guddoomiye Xuuto Source
-
(SLT-Washington)-Aqalka Cad ayaa cambaareeyay war sheegaya in hay`adda Sirdoonka Mareykanka ee FBI ay bilowday baaritaan ku aaddan in madaxweyne Trump uu si qarsoodi ah ugu shaqeeyo Ruushka iyo in kale. Saraakiisha sharci-dejinta ayaa walaac ka muujiyay dhaqanka Trump bishii May, sanadkii 2017, kaddib markii uu shaqada ka cayriyay agaasimihii FBI-da, James Comey. Baaritaanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray in Trump uu khatar ku yahay ammaanka Mareykanka. “Tani waa wax aan macquul ahayn,” xoghayaha Aqalka Cad ee warbaahinta Sarah Huckabee Sanders ayaa sidaa tiri. “James Comey waa la cayriyay, sababtoo ah wuxuu ahaa qof aan xushmad lahayn, ku xigeenkiisii Andrew McCabe, isagana waa beenlow la yaqaanno waxaana cayrisay FBI,” ayay ku tiri warsaxaafadeed ay soos aartay. “Si ka duwan madaxweyne Obama, oo u oggolaaday Ruushka iyo dalal kaleba inay Mareykanka saameyn ku yeeshaan, madaxweyne Trump si adag ayuu ula dhaqmayay Ruushka.” Sanadkii 2016, hay`adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in Ruushka uu waday weerarro dhanka internetka ah, isla markaana uu warar been abuur ah ku qorayay baraha bulshada si uu u taageero Ruushka, isla markaana uu u dhaawaco sharafta haweeneydii Trump kula tartameysay doorashadii madaxtinnimada dalkaas, Hillary Clinton. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka guddiga madax banaan ee doorashooyinka qaranka, Sayed Cali Sheekh ayaa ka hadlay warqad lagu sheegay in xilkii iyo xubinnimadii guddiga laga xayuubiyey, oo shalay kasoo baxday guddiga. Sayed Cali Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in guddiga uu yahay guddi baarlamanka qaranka uu soo dhisay sidaas darteedna uu baaralamanka oo kaliya uu xilka ka qaadi karo. Waxa uu si aad ah ugu eedeeyey guddoomiyaha guddiga Xaliima Yarey inay musuq-maasuq baahsan, eex, sharci-darro iyo ku tagri-fal awoodeed ka dhex waddo guddiga, ayna ku fashilantay hoggaankii guddiga. “Xaliimo Yarey waxay guddiga ka dhigtay dukaan ay ayada leedahay, oo ay uga faa’iideysato danaheeda gaarka ah” ayuu yiri Sayed Cali oo sheegay in shaqaalaha hoose ee guddiga ay ka wada dhigtay xubno beesheeda ah. Hoos ka daawo muuqaalka
-
Somali government sent off 300 soldiers to Turkey on Saturday for further training, as part of its efforts to reform the country’s National Army which is battling Al Shabaab. On Friday, Military officials have arrived in Mogadishu after taking a refresher course in Turkey. One hundred officials from Somali National Army completed a six-month course on Human rights preservation and code of conduct in Turkey. The officials who returned to the country were received at the airport by Somali Minister for Defense, Hassan Mohamed Ali and other officials. Mr Ali who spoke to the media at the airport has lauded Turkey’s efforts to help Somalia build Somali military through training and mentorship. SNA was established in 12th April in 1960 after Somalia attained its full independence. Under former president, Mohamed Siyad Barre’s rule, Somalia once possessed a formidable military in the continent. The army which disintegrated when the government was ousted and the country descended into civil war in the 1990s was re-established during the former transitional Somali governments. SNA soldiers backed by continental forces have been battling Al-Shabab in different parts of the country for a decade. The post Somali sends 300 soldiers to Turkey for training appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa todobaadkan lagu wadaa inay baarlamaanka federaalka ah hor keento wax badalka “Xeer Maamul Bankiga dhexe”, iyada oo arrintn ay horudhac u tahay in qof ajnabi ah loo magacaaba guddoominta bangiga dhexe ee Soomaaliya. Sharci No. 130, qodobka 4aad waxaa uu ka hadlayaa maamulka bangiga dhexe oo faqrada 1aad ee qeybta 4aad ka hadlaya maamulka sida; inay ka koobnaadaan guddoomiye, ku-xigeen iyo 5 kale oo fulinta ku jirin. Qeybt hadda la badali rabo waa faqrada 2aad ee qeybta 4aad oo ku qorn: (1) Waa inuu noqdaa qof hufan oo: Soomaali ah. Heysta shahaado ama aqoon u dhiganta oo nidaamka maaliyadda, lacagta iyo guud ahaan xisaabaadka. In aaney wax ka hor istaagaya sida ku qoran, qodobka 14aad ee xeerkan (2). Looma magacaabi karo guddoomiye bangi ama ku-xigeen isaga oo aan heysan Shahaado Jaamacadeed oo xagga maaliyadda, sharciga, lacagaha iyo dhaqaalaha la xiriirta. Qof aan heysan khibrad ka yar 12 sano. Waa inuu maamul ka soo qabtay hey’ado maxali ah iyo dowli ah…. (3). Shuruudaha kale ee maamulka waxaa ka mid ah guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa waxaa magacaabaya madaxweynaha kadib markii ay soo jeediyaan golaha wasiirrada, isaga oo 4 sano xasfiiska heyn-doona, marka uu qofka shaqada ka tagayo waxaa uu qoraalka u dirayaa madaxweynaha. Haddaba, xukuumadda federaalka ah ayaa dooneyso in la badalo qodobka dhigaya inuu Soomaali yahay, waxaana muuqa inuu booska qaban-doono qof ajnabi ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com