Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT- Tanzania)-Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Tanzania, Kangi Lugola waxa uu amar ku bixiyey Hawlgal lagu soo qabanayo Muhaajiriinta shisheeyaha ee sida sharci-darrada ah ku soo gala dalkaasi. Wasiirku waxa uu ku amray Saraakiisha Waaxda Socdaalka inay guri-ka-guri uga baaraan Muhaajiriinta ku dhuumaalaysata Goballadda Kagera iyo Kigoma, ee xuduudka la leh dalalka Uganda, Ruwanda, Burundi iyo Kongadda Dimuqraadiga. Hawlgalkaasi ayaa la rajeynayaa in la soo dhamaystiro bisha July ee sannadkan, xilligaasi oo la qaban doono Doorashadda Deegaanadda ee dalkaasi. Dhinaca kale, Boliska magaalladda Morogoro ee dalka Tanzania waxay isbuucii hore gacanta ku dhigeen 11 Muhaajiriin Soomaali ah, kuwaasi oo la sheegay inay si sharci-darro ah ku joogeen dalkaasi. Dhallinyaradaasi ayaa la sheegay inay xilligii la qabanayey la socdeen Bas ku sii jeeday Deegaanka Iringa. Hawlgalka Boliska Tanzania ku ugaarsanayaan Shisheeyaha sharci-darradda ku jooga dalkooda ayaa ku soo beegmay iyadoo ay bishii Janaayo ee sannadkii hore dalkeenna ka soo masaafuriyeen 71 Muhaajiriin ka soo kala jeeday Somalia, Kenya, Ethiopia, Ruwanda, Nigeria, Ruwanda, Kongo iyo dalal kale. Source
  2. (SLT-Gaarisa)-Al-Shabaab ayaa la sheegay inay bur buriyeen Isgaarsiin ku yaalla deegaano ka tirsan Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Sida ay qoreen warbaahinta Kenya anteenooyinka ay burburiyeen Al-Shabaab ayaa u adeegsaday waxyaabaha qarxa. Anteenooyinka ayaa waxaa leh Shirkadda Safaricom oo ah Shirkadda Isgaarsiinta ugu weyn dalka Kenya. Wararka ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Weel Mareer oo ka tirsan Gaarisa. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen deegaanka Weel Mareer, waxaa markii dambe ay burburiyeen shirkadda Isgaarsiinta Safaricom. Source
  3. Hargeysa (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya xiligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa fariin u diray madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Ismaaciil Hurre Buubaa oo hadda ku sugan Somaliland, ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni looga baahan yahay inuu la yimaado qorshe cusub oo uu kaga duwanaan karo madaxdii soo martay Puntland. Mr Buubaa, ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Puntland Mr Deni laga doonayo in qaab wadahadal ah uu u wajaho dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, islamarkaana uusan dagaal u horseedin shacabka. Wuxuu sheegay in waxa ugu horeeyo ee ay ka filayaan madaxweyne Deni inay tahay dhameynta xiisadda Puntland islamarkaana ay sugayaan inuu xooga saaro qurxinta waxyaabaha ay ku dheeleen madaxdii ka horeysay. “Dhinaca Somaliland ha noqoto ama Puntland ha noqoto, waxaan ka fileynaa madaxweynaha cusub inuu kasoo bixi doono doorka laga doonayo oo uu wanaajiyo cilaaqaadka u dhaxeeyo labada Puntland”ayuu yiri Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntlana iyo Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore dagaalo xoogan uu ku dhexmaray Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,kuwaasi oo sababay Khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray . Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin guud ka bixiyay illaa iyo haatan howsha u qabsoontay ee la xariirta arrimaha Dastuurka dalka. Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in ay ku guuleysteen dhameestirka 9 cutub oo ka mid ah Dastuurka KMG dalka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay weli u harsan yihiin 5 cutub oo kale, ayna ku guda jiraan, sidii ay soo gabagabeyn lahaayeen inta ka harsan bishan Janaayo ee 2019-ka. Halkan hoose la dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/cod-dastuurka-web.mp3 The post Dib u eegista Dastuurka Oo dhawaan la soo gabagabeynayo appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Xoolo dhaqatada ku sugan degaan hoostaga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka Cabanaya ciidamada Puntland oo ay sheegeen in ka burburiyeen Barkado iyo guryo ay lahaayeen. Dadkan oo ku sugan deegaanka deenka Cali Waal ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay si xoog ah ku burburiyeen hantidooda islamarkaana aanay jirin cid wax ka qabata. Waxa ay sheegeen dadkan in arrintan ay waxbadan u dhimeyso heshiisyadii nabadda ee Gaalkacyo, waxaana ay maamulka Puntland ugu baaqeen in magdhow ka bixiyaan arrintaasi. Dhanka kale, waxaa halkaasi gaaray guddiga nabadeynta odoyaasha dhaqanka ee Galmudug ayaa booqday deegaankan, waxaana ay sheegeen in arrintaasi ka xun yihiin. Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay ka xun yihiin in la baabi’iyo Barkado ay dad shacab ah sameysteen, wuxuuna ku baaqay in aan arrintaasi laga falcelin. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/dad-Xoolo-dhaqato-ah-oo-Cabasho-ka-Muujiyay-ciidamo-ka-Tirsan-kuwa-puntland.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Prof Yaxye Sheikh Caamir oo ah aqoon yahan ku taqasusay cilmiga dhaqaalaha ayaa si cajiib ah kaga hadlay arin maalmahaan aad loo hadal hayo oo ku aadan guddoomiyaha cusub ee loo qorsheynayo Bangiga Dhexe. Prof Yaxye Sheikh Caamir, ayaa sheegay in Nigel Roberts oo ah shaqsiga loo wado Bangiga Dhexe inuu ku dhacayo qodobo dhowr ah oo kamid ah xeerarka Bangiga Dhexe iyo shuruucda dalka, kuwaasi oo hadda baarlamaanka la doonayo inay wax ka badalaan. Wuxuu sheegay in ugu horeyn laga doonayo sharuudo ay kamid yihiin in qofka Bangiga dhexe loo dhiibayo inuusan aheyn ruux ajnabi ah, waxaana dhigaya sharciga 130 qeybtiisa Afaraad sida uu sheegay aqoonyahanka. Prof Yaxye, wuxuu kasoo shaqeeyay Bangiga dhexe, isaga oo sheegay in sharuuda labaad ee ninkaasi u diideysa xilka inay tahay in laga doonayo in muddo 12 sanadood ah uu ka shaqeeyay Hay’ado Maxali ah ama kuwa dowladda. Arinta Seddexaad ee xadideysa inuusan qaban Bangiga dhexe ayuu ku sheegay inay tahay inuu bartay waxyaabo dhaqaalaha la xiriira, wuxuuna sheegay in Nigel uu bartay suugaanta iyo dhaqanka UK, laakiin uu heysto cilmi kororsi aan badneyn oo la xiriira dhaqaalaha beeraha. Prof Yaxye ayaa sidoo kale sheegay in ninkaan ajnabiga ah kaliya uu noqon karo Lataliye Bangiga Dhexe ee Soomaaliya balse uusan qaban karin xilka guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka. Wuxuu su’aalo ka keenay ujeedada madaxda dowladda Soomaaliya hadda ka leeyihiin in ruux ajnabi ah xilkaasi lo dhiibo, iyadoo ay joogaan aqoonyahano badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo shaqo la’aan dalka ku heyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. Garissa (Sh. M. Network )-Al Shabaab ayaa ka hadlay weerar xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ay ku qaadeen agagaarka degmada Garissa G/Waqooyi Bari ee Kenya. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay si nabdoon kula wareegeen deegaan hoostaga degmadaasi, kadib markii ay ka baxeen Ciidamada Kenya. Sidoo kale Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in ay dab qabadsiiyeen, islamarkaana ay gubeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ku laheyd halkaasi. Al Shabaab ayaa ku eedeeyay shirkaddaasi in ay la shaqeyso Ciidamada milatariga dowladda Kenya. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in markii dambe Al Shabaab ay ka baxeen deegaankaasi, dibna ay ula wareegeen Ciidamada ammaanka Kenya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo laga dareemayo deegaano dhowr ah oo dhaca xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. The post Al Shabaab Oo gubay xarun ay Safaricom ku laheyd Garissa appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Beello ku dagaallamay gobolka Sool ayaa heshiis la kala dhexdhigay, kadib dedaallo ay sameeyeen waxgaradka iyo sidoo kale xubno ka socda Somali State. Beelahan oo muddo ku dagaallamay gobolkaasi ayaa dhanka kale waxa ay fuliyeen qodobo ka mid ah heshiiskii lagu gaaray magaalada Jigjiga. Waxa ay beelahan bixiyeen duugta dadkii la kala dilay iyo sidoo kale la isku soo celiyey hubkii ay Labada dhinac kala qabsadeen. Maamulka gobolka Sool ayaa kula dardaarmay beelahan iney iska ilaaliyaan wax walbo oo colaad keeni karta. Labadan beel ayaa dhanka kale ka shaqeyn doona dib u dhiska guryahii dumay iyo sidoo kale kala qaadasha magta dadkii Labada dhinac ka kala dhintay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay lagu qaaday hogya guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar oo ku yaalla inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa loo adeegsaday bamgacmeed, iyadoona Raggii ka dambeeyay ay goobta isaga baxsadeen. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhintay 1 Qof , halka ay ku dhaawacmeen 5 kale oo isugu jira askar iyo dad shacab ah. Qofka dhintay ayaa aheyd Haweeney mareysay waddada, halka shanta dhaawacantayne labo ka mid ah ay ahaayeen ilaalada Guriga guddoomiyaha, saddexda kalena ay ahaayeen dad rayid ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Al Shabaab ayaa sheegtayweerarada ka dhaca magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala eegta madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. The post Weerar xoogan Oo xalay lagu qaaday Guriga guddoomiyaha Dayniile Ee M/Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Madaxweynaha cusub ee Dawladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmaha foodda ina kusoo haya la wareegi doona xilka madaxweynaha, waxayna xukuumadii hore ee madaxweyne Gaas isku diyaarinaysaa sidii ay Dawladda cusub ee Puntland xilka ugu wareejin lahayd. Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa u muuqda inuu durba gudda galay qaar kamida shaqooyinkiisa caadiga, isagoo booqashooyin ku tagey qaar kamida xarumaha Dawlada sida Madaxtooyada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe, isagoo halkaas kulamo kula qaatay masuuliyiinta xarumahaas. Madaxweyne Deni iyo Dawladiisa Madaxweyne Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa la sheegayaa inay dhanka kale bilaabeen latashiyo la xiriira dhismaha xukuumadooda cusub, wuxuuna Madaxweynuhu bilaabay inuu kulamo gooni gooni ah la qaato qaybaha bulshada sida isimada, Siyaasiyiinta iyo wax garad kale isagoo kala tashanaaya sida ay noqon karto xukuumadiisa cusub. Xukuumad kooban Dadka qaar ayaa qabba in Madaxweynuhu soo dhiso xukuumad ka tiro yar balse ka tayo badan xukuumadihii horre, iyadoo la tixgelinaayo daruufaha dhaqaalle ee Wadanka, maadama horey loo abuuray wasaaraddo fara badan oo uusan Dalku qaadi karin kuwaas oo macna badan ugu fadhiyin dadka reer Puntland, halka ay qaar kalle qabaan inaysan taasi suuragal ahayn maadama ay beel walba oo Puntland degta ay doonayso inay xukuumadda cusub iska dhex aragto. Xukuumad Caynkee ah ayaa laga fillan karaa Madaxweyne Deni? Dadka reer Puntland ayaa si aada u hadal haya nooca ay noqon doonto xukuumadda cusub ee Madaxweyn Deni, dadweynaha qaarba sida ay la jeclaan lahaayeen ayey u dhiggayaan xukuumadda cusub, hase ahaate Madaxweynaha Puntland oo dhawaan la waydiiyey xukuumadda laga fillan karo ayaa sheegay inuu soo dhiso doono xukuumad tayo leh oo uu dhinacyo badan ka fiiriyey, wuxuuna yiri mar uu arintaas ka hadlaayey. ” Waxaan soo magacaabi doonaa Dawlad tayo leh oo lagu saleeyey aqoon, Waaya-aragnimo, fir-fircoonaan, dhalinyaranimo iyo daacadnimo” Madaxweynaha ayaa intaa ku daray inuu rajaynaayo in sidoo kale haweenku ka dhex muuqan doonaan xukuumadiisa. Dadka ka faloodda siyaasada ayaa sheegaaya in Madaxweynaha cusub ee Puntland ay ka muuqato deganaan iyo waaya-aragnimo uu u leeyahay degaanka maadama uu yahay nin dal-joog ah, sidaa darteedna xukuumadiisa cusub noqon doonto mid uu si aada uga fiirsaday uuna latashiyo kala sameeyey dhinicyo badan. PUNTLAND POST The post Xukuumad noocee ah ayaa laga fillan karaa Madaxweyne Deni? appeared first on Puntland Post.
  11. Hargeysa (Caasimada Online)-Ciidamada amaanka ee Somaliland ayaa xabsiga dhigay mid kamid ah abwaanada deegaanada Somaliland oo gabay ku cabiray xaaladdaha Somaliland iyo saldhigyada dalalka caalamka doonayaa inay halkaasi ka furtaan. Ciidamada ayaa xabisga dhigay Abwaan C/raxmaan Abees oo kamid ah abwaanada ku sugan magaalada Hargeysa, waxaana gabay dhinacyo badan taabanaya uu si weyn kaga hadlay xaalada saldhigyada Somaliland. Abwaan Xasan Daahir Weedhsame ayaa ka hadlay xariga abwaan Abees, wuxuuna sheegay in xarigiisa uu yahay mid ka hor imaanaya dastuurka Somaliland, maadaama uu muwaadinka xaq u leeyahay inuu ka hadlo xaalada Somaliland. Abwaan Weedhsame ayaa sheegay in ciidamada ay Abwaanka xireen xilli uu kusugnaa Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa halkaasi oo uu gabayo kusoo bandhigayay, waxaana gabayadiisa kamid ah mid uu kaga hadlay saldhigyada Somaliland iyo xaaladaha adag ee ka jira. Sidoo kale Abwaanka ayaa sheegay in madaxda Somaliland laga doonayay inay qaataan dhaliilaha loo sheegay kadibna ay saxaan, balse ay ku badaleen inay xeraan dadkii u sheegay dhaliilaha iyo halka ay wax ka qaldan yihiin. Abwaanka la xiray ayaa xooga ku saaray gabaygiisa xaaladaha dhibaatada ah ee ka jira saldhigyada magaalada Hargeysa iyo kuwa gayiga Somaliland, isaga oo sheegay in dadka lagu dhibaateeyo. Ugu dambeyn Abwaan Weedhsame ayaa sheegay in saldhigyada Somaliland ay kajiraan waxyaabaha uu abwaanka ka sheegay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  12. Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab xooggan oo xalay qabsaday suuqa degmada Baardheere ee gobolka Gado halkaais oo khasaare xooggan uu ka dhashay. Inkastoo dabkan waxa uu ka dhashay aan la shaacin ayaa hadana wararku waxay sheegayaan in halkaasi ku gubteen 23 dukaan oo lagu iibinayey Bagaashka iyo sidoo kale Makiinado shiida Saliid Macsarada, Galleyda iyo Masagada. Bashiir Nuur oo ah guddoomiyaha ganacsatada Baardheere oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in halkaasi ay ku baaba’day hanti dhan $150 kun. Khasaarahana ayuu ku sheegay Guddoomiye Bashiir inuu yahay kii ugu xooganaa ee soo gaara ganacsatada yar yar ee Suuqa degmada Baardheere in ka badan 10 sano. Dukaamada oo aad isugu dhow iyo dab-damiska oo aan jirin ayaa sababtay in xarumahan ganacsi ee intaas la eg Hal mar wada gubtaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-130119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Gaarisa (Caasimada Online)-Ciidamo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa weerar culus ka fuliyay gudaha dalka Kenya, waxaana weerarkaasi uu ka dhacay deegaan ku dhow magaalada Gaarisa. Weerarka ayaa waxaa lagu burburiyay xarunta shirkadda Safaricom ay ku laheyd duleedka magaalada Gaarisa, waxaana qoraal kasoo baxay Al Shabaab lagu sheegay inay iyaga ka dambeeyeen weerarka iyo burburinta xarunta. Deegaanka Weel Mareer ayaa dagaalka xoogiisa uu ka dhacay, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamada dowladda Kenya, kuwaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay weerarka oo ahaa mid qorsheysan. Qoraal kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka oo ahaa mid xoogan ay u suuro gashay inay qabsadeen deegaanka Weel Mareer, kadibna ay gubeen xarunta shirkadda, islamarkaana ay dib kaga baxeen deegaankaasi. Shirkadda Safaricom ayaa marar badan weerar lagu burburinayo xarumaheeda Waqooyi bari kala kulantay Al Shabaab, waxaana sidaasi oo kale ciidamada Kenya ay burburiyaan xarumaha Shirkadda Hormuud ee gobolka Gedo. Saraakiil u hadashay ciidamada Kenya ayaa dhankooda sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid ciidamada Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Naciima Abwaan Qorane ayaa barteeda facebook soo dhigtay qoraal xanuun badan oo dad badan damqaya oo ay kaga hadleyso dhibaatada Muuse Biixi iyo maamulkiisa u gaysteen qoyskeeda. Naciima ayaa sheegtay in aabaheed oo xanuunsanaya aysan hadda awood u lahayn inay booqato. Hoos ka aqri qoraalkeeda Walaalkay geeridiisii ayaa aan tagi kari waayay Hargeysa. Aabbahay oo xanuusan ayaa aan idhi wixii dhacayaa ha dhacaane tag! Markii aan tagay ayaa aan 4 bilood oo xabsiya lay diray, waliba sida ugu xun ee qof loola dhaqmo ayaa layla soo dhaqmay. Xuquuq kale oo lay siiyaa hayga joogta e, aniga oo xabsiga ku dhex xanuusan ayaa lay diiday hal xabbo oo kaniin xanuun baabiiye ah.!!!! Aniga oo dulmane ah ayaa layga dhigay dambiile qaran oo laygu yidhi “Qaran dumis ayaa aad tahay!!” Saddex sanno inta laygu xukumay ayaa haddana la yidhi waa aannu ku cafinnee magaalada ka bax, inta aad joogtidna ma hadli kartid!!!! Muwaadin ayaa dalkiisa laga saarayaa sidii Tahriibe Sucuudi jooga!!! Taliska Muuse dawladnimada ba waxa uu u haystaa in dadka lagu cabudhiyo!!! Malahayga xisaabtaba kumay darin, dadka aad maanta ku tacadiyeysaan berrito in ay iyagu talada dalkan qaban doonaan!!! *Hadday dawladnimaduba *Tahay dacaddi joogiyo *Anigaa dirays qaba *Taliskii dorraad jiray *Horta maxaad u dumiseen?? Aabbo ayaa aad u xanuusan ayaamahan. Aabbo Eebbe Weyne haku caafiyo isaga ayaa awood lehe.
  16. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Soomaaliya UK u gudbisay dacwad ka dhan ah socdaalkii uu toddobaadkii hore Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga UK, Gavin Williamson. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa yidhi “Way jirtaa Dacwadani, aakiin maaha Dacwad ay cid wax ku yeelayso Soomaaliya, waa iska hadal uun” Faratoon ayaa intaas ku daray “Dawladda Soomaaliyana waxa dhaqan iyo caado ay ka dhigatay inay Somaliland daba socoto, laakiin waxba Somaliland ku yeeli mayso, waxbana inagaga qaadi mayso.” Dhinac kale,Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa sidoo kale wuxuu beeniyay inay dawladda Ingiriisku Somaliland weydiisatay saldhig milatari. Wasiir Faratoon oo ugu horayn ka jawaabaya waxa ka jira wararka sheegaya in Ingiriisku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto Somaliland, wuxuu yidhi “Saldhig Milatari oo uu Ingiriisku inaga doonayo si uu dalkeena uga samayso ma jirto, ma garanayo wararkaasi halkay ka yimaadeen.” “Inaga iyo Ingiriiska xidhiidh wanaagsan oo soo jireena ayaa inaga dhexeeya, si fiicana way inoo la shaqeeyaan, awalna si fiican buu Ingiriisku inoola shaqeeynayey, waxaana ku rajo weynahay inuu xidhiidhkeena iyo wada shaqaynteenu inay sii socoto, oo ay intaas ka sii balaadhato” ayuu yiri Faratoon. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  17. U diryaargarowga doorashayooyinka mustaqbalka (Xog yaab leh) Maalin dhaweyd baa waxa aan helay nin aan muddo goobayey, oo hadba ballan inta wada dhiganno aan is heleeli weyno. Markaas aan is helaynnay, dad buu qaabilayey. Markii ay qaabilaaddii u dhammaatay, ayuu inta ii yeeray, waxa uu igu yiri, “Walaal, siyaasi baa ii yeerayey, ee kaalay horay ii sii raac, inta aan sii soconnana aan sheekaysanno, marka aan ka soo dhammaadana, aannu si fiican wakhti is kugu helnee. “Haye,” baan iri. Is raacnay. Waxa aan aragnay siyaasigii oo rag badan la kulansan. Siyaasigii markii uu indhaha naga qaaday, buu yiri, “Kaala soo fariista.” Ninka aan la socdo iyo siyaasigu waa isku reero. Ragga siyaasiga la fadhiyey oo dhanna waa isku qolo. Siyaasigu marka uu noo yeerayey, waxa uu anna ii malaaynayey in aan ahay dhallinyarada beesha. Kan aan la socdo, wuu i reebi lahaa, haddii uu ogaan lahaa in ragga la fadhiya siyaasiga ay tolka wada yihiin, ama uu garan lahaa mawduuca laga hadlayo. Sidii aan u soconnay baan la fariisannannay. Maxaa laga hadlayey? Siyaasigu waxa uu ka hadlayey doorashada mustaqbalka ee ʻqof iyo coki ah, sidii la yeeli lahaa iyo qaabkii beesha cido kale loogu soo biirin lahaa. Siyaasiga iyo laba nin oo kale, ayaa soo hadal qaaday hawlo ay waayadan ku mashquulsanaayeen oo ahayd, beelo ay soo heleen oo beeralay u badnayd oo aan tiro yarayn. Odayaasheedii beelahaasi waxa ay isla garteen, in qabiilkan lagu daro. Waxaa kale oo ay sheegeen, in beel kale ay ku raad joogaan, oo wax u dhawdhaw yihiin. Midda ugu yaabka badnayd ayaa ahayd, nin ka mid ah raggii ayaa yiri, “Ilma adeerrayaalow, jifadayda ayaa laangaab ah, waan idin baryayaaye, beelahaas jilibkayga ha lagu kaabo!” Gebagebadii waxaa la isku afgartay, in la sameeyo abtir iyo halka beelaha soo socda laga gelin lahaa beelweynta iyo sidii loo qeybsan lahaa dhaqaalihii dadkaas wax loogu qaban lahaa iyo wakhtiga shirarka la bilaabayo. Ninkii aan la socday, intaas hoos buu ka gubanayey, waana dhididayey, waxa uuna ka xumaa in aan hawshaas wax ka ogaado. Markii la dhammeeyey, isaga iyo siyaasigiina ballameen, ayaan, markii aan soo baxnay, waxa aan ku iri, “Saaxiib, ha u bixin, Maryoolay oo dhan baa sidan wada ahe, anina afkayga warkaas oo mutaxan laga maqli maayo e.” Siyaasi dhexgalay qabiillada cadcadka ee Muqdisho Siyaasi ka mid ahaa siyaasyiintii aad iyo aadka ugu soo caanbaxay dawladdii Xasan Sheekh, ayaa waxaa uu dhexgalay beelaha cadcadka ee Xamar deggan. Siyaasigan oo ka soo jeeda qabiil tiro yar (laakiin siyaasad ahaan saameyn leh), ayaa shaqo dheer ka dib, soo helay qolo cadcadka Xamar ka mid ah oo aysanba u ekeyn Faradheerta uu ka soo jeedo, kolkaas baa – wadaxajood ayaad qaatay ka dib – waxaa la isla gartay in ay soo kala lumeen waa hore, oo odayga AXMED ah ee ay ku abtirsadaan uu ka soo lumay, oo cadcadka inta dhexgalay ka guursaday oo sidaas ku farcamay. Arrintan laba faaʻiidaba waa yeelatay: Siyaasigiina beel dhan ayuu helay uu qoladiisii ku biiriyo, qoladiina waxa ay heshey abti dhaafsiisan “Reer Axmed”. Madaxweyne naclad iyo habaar la isugu daray Hadda ka hor baa aniga oo fadhiya hoteel, waxaa gadaashayda fariistay, niman odayaal ah oo isku reer ahaa. Sidii ay u sheekeysanayeen, ayaa sheekadoodii soo gashay Awoodqeybsiga Siyaasadda Soomaaliya. Waxa ay uga xumaayeen awoodqeysigaas, waxa ayna aaminsanaayeen in ay xaaraan tahay oo ay ku dulman yihiin, oo beelo badan oo hadda kuraas haysta aysan mudnayn. Laba nin oo odayashaas ka mid ahayd, ayaa waxa ay ka warrameen, in hadda ka hor ay la kulmeen madaxweyne ay isku hayb ahaayeen oo ka mid ahaa kuwii hore (Aadan Cadde, C/rashiid iyo Siyaad Barre). Waxa ay u sheegeen in ay hayaan shan beelood oo aan abtir dheer lahayn, diyaarna u ah in ay qabiilka ku soo biiraan. Marka ay macluumaadkii siiyeen, baa isla markiiba war degdeg ah u yimid madaxweynihii, kolkaas buu, isaga oo aan u jawaabin, waxa uu ku yiri, “Maalin kale ii kaalaya.” Nimankani, waxa ay u qaateen in uu madaxweynuhu arrintaasi raalli ka yahay, markaas bay isla markiiba bilaabeen in ay beelihii abaabulaan, una sameeyeen abtirro iyo meelo ay kaga arooraan qabiilka, iyaga oo ballanqaadyo hormarineed iyo mid dhaqaalena u samaynayey. Maalin kale ayey madaxweynihii la kulmeen, markaas bay u tebiyeen, in ay qabiilladii soo diyaariyeen. Madaxweynihii nimankii waa la yaabay, dood dheer baana dhex martay. Aakhirkii, madaxweynihii arrintaasi waa ka diiday, isaga oo sheegey sababo ay aad uga xumaadeen nimankii. Markaas bay, iyagiina, inta niyadjabeen, ka dhuundhuunteen qolyihii oo maalin walba la soo xriirayey; maadaama aysan u samayn karin ballamihii ay ka qaadeen. Odayaashii waxa ay sheegeen, qolyihii waagaas uu madaxweynuhu ka diidayey, in ay maanta, laba jeer ka xildhibaanno iyo wasiirro badan yihiin qabiilkii ay diyaarka u ahaayeen in ay ku biiraan, haddana, saddex ka mid ah ayba yihiin qabiillo tiro iyo taagba leh. “Maanta haddii ay qabiilka ku jiri lahaayeen, xildhibaannadaas iyo wasiirradaasi qabiilka ayey ahaan lahaayeen, “ ayaa la is yiri. Mid ka mid ah raggii waagaas lahaa taladaas, ayaa inta madaxa luxay, waxa uu yiri, “Madaxweyna hebalow, ilaahay nacladdiisu kugu dhacday, oo godka lagugu cadaab, taladaas haddii aad qaadan lahayd, maanta waxa dhacay ma dhaceen, oo Soomaali badankeed, isku qabiil baan ahaan lahayn.” Kuwii la fadhiyey ayaa iyaguna nacladdii iyo habaarkii la jiibiyey. Hadda ma jiraan fursado? Haddii ay dadku isla qaataan in saamiqeybsiga 4.5 la baabiʻiyo oo dadka la isku tiriyo, dad badan oo hadda xildhibaanno haysta oo uu saaciday awoodqeybsiga 4.5, ma heli doonaan xildhibaano. Sidaas darteed, laangaab oo dhan waa hari doonaa. Laakiin hadda fursado badan ayaa jira, oo lagu heli karo dad badan oo aan qaabiil ku xirnayn, oo beesha lagu dari karo. Dadkaasi – haddii aad ugu kuurgashid – waxa laga heli karaa meelo badan oo dalka ah. Waxa jira dad badan oo beeralay ah oo haddii aad matoorro iyo cagafcagafyo u samaynaysid, laga yaabo in aad hesho. Sidaas oo kale, waxaa jira tuulooyin u badan koofurta, oo haddii aad mashaariic geyso, ku oggolaan kara. Waxaa iyana jira beelo aan ku qanacsanayn qabiilka ay ku jiraan ee la yaso, oo haddii ay helaan qabiillada nasabka lagu sheego oo diyaar ah, ku biiraya. Waxaa saas oo kale jira, beelo qabiillo ku dhex jira oo qabiilkaasi uu ku sheego in aysan asal ahayn, oo reero kale ka yimaadeen, kuwaasina, waa la heli karaa, haddii loo sheego in ay waa hore qabiilkiinna ka soo dhumeen. 2021 ka wixii ka dambeeya, qabiil aan abtiris fog lahayn la heli maayo, ee hadda fursadaha ha la ga faaʻiidaysto. FG: Waxaa jira siyaasiyiin beelahooda ka soo dhex bixi waayey oo la shiiqiyey, kuwaasina, waxa ay haystaan fursad ay ugu biiri karaan beelaha kale ee ay siyaasiyiintu ku yaryihiin. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Kala xiriir: nayruus@gmail.com https://suldan-nayrus.blogspot.com/ Fb: facebook.com/snayruus
  18. Beledxaawo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaaro xoogan geystay oo ka kacay Suuq ku yaala degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo saacado kadib la damiyay. Masuuliyiinta maamulka degmada, guddiga Ganacsatada iyo odayaasha degmada ayaa shaaciyay in dabka oo xalay kacay uu khasaaro badan u geystay ganacsatada ku sugan degmada Beledxaawo. Guddoomiyaha guddiga ganacsatada degmada Beledxaawo Bashiir Nuur ayaa sheegay in dukaamo badan ay ku gubteen dabkii xalay ka kacay suuqa, isaga oo sheegay in khasaaro uu geystay. Guddoomiye Bashiir ayaa sheegay in 23 Dukaan, bakiinado Shiida Saliida Macsarada iyo goobo kale oo ganacsi ay ku basbeeleen dabka ka kacay suuqa Degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Guddoomiyaha ganacsatada ayaa ugu baaqay maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Beledxaawo inay wax u qabtaan dadka ku hanti beelay dabka kacay Suuqa degmadaasi. Xiliyadan oo kale suuqyada Soomaaliyeed ee ku yaala gudaha dalka ayaa waxaa ka kaca dab, waxaana meelaha ugu badan ee dababka ka kaceen kamid ah Boosaaso, Beledxaawo iyo magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Gedo Caasimada@live.com
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Turkiga ayaa sheegtay inay wada hadal midho dhalay ka yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, doorka Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya danjire Mehmet Yilmaz, oo dhawaan socdaal ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa qoraal uu ku qoray barta ay safaaradda Turkiga ee Muqdisho ku leedahay twitterka, wuxuu ku sheegay inay sidoo kale Madaxweyne Biixi ka wada hadleen sii xoojinta iskaashiga. “Waxa sharaf ii ah inaan kulan booqasho ah ugu tago Mudane Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland oo aanu yeelanay wada hadal midho dhalay oo ah doorka Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba sidoo kale xoojinta iskaashiga. Wuu ku mahadsanyahay soo dhawayntiisa diiran.” Sidaas ayuu safiirka Turkigu ku yidhi qoraalka uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka. Turkiga ayaa dhawaan wuxuu ergay cusub u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu u muuqdaa inuu Turkigu doonayo inuu dardar geliyo dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda ku jira hakad. Laakiin dawladda Somaliland ayaa dhawr goor waxay walaac ka muujisay dhexdhexaadnimada Turkiga ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo ay madaxda Turkigu dhawr goor sheegeen inay aaminsanyihiin midnimada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  20. Wax ka yar 72 saacadood ayuu Madaxweyne cusub ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni isaga oo aan xilka hayn waxa uu ka hadlay collaada u dhexeysa maamulkiisa iyo Somaliland. Deni waxa uu sheegay in muran dhuleed u dhexeeya Puntland iyo Somaliland jirin balse Hargeysa soo xadgudubtay, waxa uu ugu baaqay in ay ka laabtaan dhulkaas ama uu waqtiga celin doono (Hanjabaad). Waxaa durbadiiba ka falceliyey wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Axmed Xawar (East Sanaag Clan, Harti, Daarood) oo sheegay in hadalka Deni ahaa mid aan wax manco ah ku fadhiyin isaga tilmaamay in Puntland ISIR doon tahay ay marka hore beelaha daga Soomaali Galbeed iyo NFD Kenya maamulkooda ku soo daraan kahor inta aysan ka hadlin Sool, Sanaag, qeyo ka mid ah Bari iyo Cayn. Waxaa isna dhiciisa si adag ugu jawaabay Madaxweynaha Puntland, Wasiirka Biyaha ee Somaliland Saleebaan Koore (Nuur Axmed, Sool clan, Harti, Daarood) oo waliba ka soo jeeda degmada Taleex. Saleebaan Cali Koore waxa uu hoosta ka xariiqay in Sool clan inta wax garadka ah u cadaatay doorashadii Dr. Cali Ciise lagu bahdilay ee Puntland caddeysay in reer leeyahay maamulkaas ee uu Deni iska hadlay. Hadaba, hadaladaas ka soo yeeray siyaasiyiinta xilalka waa weyn ka haya Somaliland ee Harti iyo Madaxweynaha xilka ku cusub yahay ee Puntland maxay noqon kartaa natiijada ka dhalan karta? Marka hore aan eego sooyaalka loolanka gobolada Somailand ee ay ku muranto Puntland sida uu ahaa laga soo bilaabo markii uu Cabdullahi Yusuf (AHN) dhisay maamulkaas. Puntland waxaa markii hore lagu dhisay nidaam qabali ah oo la’isugu keenay beelaha dega Waqooyiga Mudug, Nugaal, Sool, Sanaag Bari iyo Bari. Hase ahaatee, beelaha daga Sool, Sanaag iyo Cayn waxa ay wax ka dhisteen markii hore Somaliland kahor inta aysan ku kala tagin aragtida gooni u goosadka iyo saami qeybsiga oo ay tabasho badan ka jirto, taas oo wali taagan. Taas waxa ay kuu cadeyneysaa in labada dhinacba wada joogeen deegaankaas wallow ay mar walba ku awood badneyd Somaliland. Kahor inta uusan Cabdullaahi Yuusuf soo aadin Nairobi iyo shirkii lagu dhisay dowladdii KGM ahayd ee uu madaxda ka noqday, Daahir Rayaale Kaahin ayaa soo booqday Laascaanood balse dagaal arrintaas ka dhashay ayey Puntland kula wareegtay gacan ku haynta Laascaanood oo ay u suurtagaliyeen maleeshiyo beeleed deegaanka ah maadama xilligaas ciidan dhisan maamulka Garowe uusan lahayn. Yeelkeede, muddo kaddib ciidankii Somaliland waxa ay qabsadeen Adhicadeeye oo dulleedka Waqooyi Laascaanood uga began halka ay muddo kaddib, 2007 toos Cadde Muuse ugala wareegeen Laascaanood. Waxaa ol’olihiisa doorashada ku soo galay 2009 Faroole oo bedelay Cadde Muuse (2009) balse isa waxaa laga qabsaday Kambadha oo dhinaca Koonfureed Laascaano uga began ahaydna Kastam-ka ugu weyn ee Puntland. Sidaas oo kale, Cabdiweli Cali Gaas ayaa ku ol’oleeyey Laascaanood “Faatixo laguma qabsan, Faatixo laguma soo celinayo!” balse isna waxaa laga qabsaday Tukaraq ilaa iyo God-qaboobe oo Garowe meel dhawaqu gaaro u jirta. Madaxweynaha hadda xilka ku cusub wallow uusan si weyn ugu ol’oleyn soo celinta Laascaanood!! Hadana waresigii BBC-da waxa uu dhaliyey xiisad collaadeed maadama labada ciidan isku horfadhiyaan meel aan Garowe, caasimadda wax badan ka fogeyn. MAXAA XIGA? Walow aysan muuqan saan saan colaadeed hadana hadalkii Deni waxa uu ka carreysiiyey Somaliland taas oo keeneysa in hubanti la’aan dhacdo. Sida ilo xog ogaal ah ay ii sheegeen waxaa dhici karta in Somaliland oo manta haysata taageerada shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ku dhiiran karto in ay yimaadaan YOOCADA oo ah halka kala qeybisa British Somaliland Protectorate iyo Italian Somaliland. Haddii ay taas dhaco oo ay soo ruqaansadaan ciidaamada Somaliland waxaa qabsab noqon doonta in caasimadda Puntland laga raro Garowe oo la geeyo Qardho maadama furin colaadeed noqon doonto Garowe. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in Somaliland kahor takto collaad ka dhacda degmada Taleex, taas oo la hubo in ay dhici doonto haddii uu booqdo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash. Puntland hore xasuuq ayey uga geysatay Taleex taas oo iska horkeentay laba beelood oo wada daga kana wada tirsan Nuur Axmed kaddib booqasho uu ka tagay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire. Collaadaas waxaa dhawaan laga gaaray heshiis balse haddii aan laga feejignaan waxaa suuratgal ah in ay soo laabato, waa haddii uu booqdo Axmed Karaash. W/Q: Guuleed Baashe Axmed Hargeysa, Somaliland Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  21. While the situation of the country was at bad shape due to insecurities, insurgencies, warlords and lawlessness at a conference held in Washington DC on January 17, 2007 an opening remark to the conference, Senator Russell Feingold (D-Wis.), chair of the Senate Foreign Relations Africa Subcommittee, summarized the challenge. “We cannot allow our past to overshadow the pressing security concerns we face in the [Horn of Africa] today. We have an opportunity to help the Somalia people dig themselves out of almost two decades of chaos and to strengthen U.S. national security at the same time. But if our government does not move quickly and aggressively on all fronts, we can be sure Somalia will continue to be a haven for terrorist networks and a source of instability that poses a direct threat to the United States.” It will need to forge a clear vision backed by a functioning interagency process that bridges the United States’ “hard” counterterrorism equities with its “soft” power interests in promoting a negotiated, broadened compact for governing Somalia, meeting dire humanitarian needs, and beginning reconstruction efforts” Also, according to state department, “The United States has provided more than $3 billion in humanitarian assistance for Somalia since fiscal year 2006 to address the problems of drought, famine, and refugees. Since 2011, the United States has provided an additional $253 million in development assistance to support economic, political, and social sectors to achieve greater stability, establish a formal economy, obtain access to basic services, and attain representation through legitimate, credible governance”. Plus, billions of supports from the Somali Diaspora community, UN, and other international donners. 11 years after Senator Russell’s statement, Somalia is coming back to normal despite challenges. a lot has been done and Somalia is improving both politically, financially and stability. for the first time since the closure of the U.S. Embassy in Mogadishu on January 5, 1991, the United States reestablished a permanent diplomatic presence in Somalia On December 2, 2018. In testimony to the Senate Committee on Foreign Relations last summer, US ambassador to Somalia Yamamoto said, “he would, as ambassador, strengthen institutions and governance; shift security responsibilities from AMISOM, the African Union’s peacekeeping mission in Somalia to Somali forces; build economic opportunities, particularly for Somalia’s young labor force; and address humanitarian food and health crises”. Recently, US also mentioned giving more funds “To create a better tomorrow for the people of Somalia, the United States is committed to providing more than $900 million in critical investment”. The ambassador’s agendas are great, As the United States wants to see al-Shabab and ISIS destroyed but to achieve this requires the United States to relook its support and strategy on how to combat the group. by use of less expensive, effective and wise approach that yields a guarantee results which I think if the united states focus on, can be productive. With US continuous support, strengthening institutions and governance are the most important aspects needed in Somalia today particularly security, political and legal sectors. Security sector With US support, Somali national army and NISA team are to be strengthened. For security, Somalia lies the longest coat of the Indian ocean, northern coast borders the Gulf of Aden, which leads to Bab el-Mandeb, a narrow chokepoint which all maritime traffic from the Mediterranean Sea to the Indian Ocean. all goods from the Persian Gulf including oil and other goods around the entire African continent to or from European and American markets pass. For these passages to be secure, Somalia’s mainland must be secured first. Somalia’s national intelligence security admiration also known as NISA are to carry out counter terrorism efforts to prevent, deter, preempt and respond to terrorism but al-Shabaab still pose great danger to the government personnel and the critical infrastructure. For the last 10 years, many directors are positioned to lead this agency, and each served in a short period of time. There is a weakness in the Somali intelligence agency in prevention and preparation capabilities. There are less trained personnel with technology and knowledge to deter the threats. NISA has less knowledge on identifying the threat, exploring the vulnerabilities, and construction of the Prevention, Preparation, Response, and Recovery plan (PPRR). With the use of vulnerability and risk analysis a lot can be done. I think this sector needs to be strengthened as Al-Shabaab change their tactics continuously, not visible and look for vulnerability. Recently, Al-Shabaab and ISIS fight on who collects more taxes. AFRICOM continuously support the government of Somalia through air strikes of the enemy’s bases and personnel. This became the only tool the terror group fears now as the AMISOM remain in the defense/reserve role. The only way to deal with al-Shabaab and ISIS will be rebuilding the Somali National Army, strengthening the NISA team; otherwise that threat will still be there. Political and legal sector Political sector can also be strengthened, both past and present governments has been facing political challenges within and outside bodies. Every administration faces hard political decisions that might sometimes throw into turmoil, for example with in the last 11 years, Somalia federal government had 15 foreign ministers. The country currently has 7 presidents, thousand parliamentarians, hundreds of ministers. Each claim status and power. this has caused political confusion, insecurity and misunderstanding of the federal system. the question of federalism, unionism, centralism remains at large in the country. Most of the heads of federal member states claim that both former and present executive branch of the federal government didn’t want federalism, that they lean to be more central form of governance. There are widespread diverse opinions on whether Somalia should be federal or central as no referendum has been taken yet. This reminds me of the federalist and anti-federalist papers and debates US had before. Somalia’s definition falls under this one written by John Jay in 1787 stated as “With equal pleasure I have as often taken notice that Providence has been pleased to give this one connected country to one united people–a people descended from the same ancestors, speaking the same language, professing the same religion, attached to the same principles of government, very similar in their manners and customs, and who, by their joint counsels, arms, and efforts, fighting side by side throughout a long and bloody war, have nobly established general liberty and independence. This country and this people seem to have been made for each other, and it appears as if it was the design of Providence, that an inheritance so proper and convenient for a band of brethren, united to each other by the strongest ties, should never be split into a number of unsocial, jealous, and alien sovereignties”. After two hundred-and-thirty-one years of that federalist papers, Somalia is facing the same issues of whether to take federalism, what type and whether to be under one central government. Somalia with people of the same backgrounds and beliefs share many characteristics with what Jay wrote almost two and half centuries ago. The public might want one nation, under one federal government with one army, currency, and foreign policy. US support in strengthening governance will be very beneficial to reaching that goal. Assisting Somalia to complete the constitution, constitutional court, high court and Helding accountable to those cross the line might end all political and legal obstacles the country has been in for long time. rampant corruption, lack of social trust, persistent insecurity, obstructions of justice, scape of checks and balances and all other challenges can be overcome. If the Somali elites put aside their differences, believe that they are one people under one God and take advantage of the new US diplomatic presence and agenda’s, all legal, political and security challenges can be overcome in a short period of time. United States support by strengthening institutions and governance especially Security, political and legal sectors can help a lot. Mahad Wayax Mahadhassan045@gmail.com DISCLAIMER! The views and opinions expressed here are those of the authors and do not necessarily reflect the editorial position of Caasimada Online.
  22. Hordhac: Ahun: Cabdulqaadir Maxamed Aadan Soobe ayaa 1944-kii waxa uu xubin ka noqday xisbigii SYL, balse waxa uu kabaxay kaddib markii isaga iyo madaxdii SYL ay isku qabteen habka iyo xeerka lagu dhisayo jamhuuriyadda Soomaaliyeed oo lahadal hayey markaas in ay dhalan doonto 10 sano kaddib, Soobe waxa uu aaminsanaa in hab federal ah lagu dhiso dowladda dhalan doontaa, balse madaxdii SYL ayaa kaddidsanayd in nidaamka Federalka la qaato iyada oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka baxayo kala qaybsanaan iyo gumeysi, waxa kale oo ay madaxdii SYL ku tuhmayeen madaxda xisbiga Hazbiya Digil Mirifle (HDM) oo kazoo dhambalmay Jimciya AlKheyriye wadaniya in ay xagjirnimo iyo cunsiriyad dhiirrigelinayaan sida guddoomiyihii HDM Sheekh Cabdullaahi Maxamed Bogedi oo loogu yeeri jiray Amiirka Hazbiya Digil Mirifle oo aad ugu ololeyn jiray in KG laga dhiso dowlad uu amiir u yahay oo kamid nqota nidaam federal ah oo Soomaaliya yeelato, Sheekh Bogedi waxa halhays u ahayd kulubay dhowaa, kirishtaan dhowaa, kulubay waxa uu ula jeeday SYL. Ahun Cabdulqaadir Soobe 3sano kaddib markii uu kabaxay SYL waxa uu kamid noqday siyaasiyiin aaminsanayad qaadashada iyo kudhaqanka Federaalka, waxa ayna Muqdiho uga dhawaaqeen 1947 Hazbiya Digil Mirifle (HDM) oo markii dambana isu rogay Xisbiga Dastuur Mustaqil Soomaaliya (HDMS). 50 sano kaddib Gaashaanle sare Ahun Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo kufakarayey in qaabdhismeedka dowladda Soomaaliyeed kaddib xukunka kacaanka uu noqodo Federal ayaa aasaasay 1978 Jabhadda Diimuqraadiga Badbaadinta Soomaaliyeed oo loo yiqiin SSDF isaga oo kaashanaya Mengistu Haile Mariam oo markaas katalinayey Itoobiya. 20 sano kaddib asaaskii SSDF gobolada Waqooyi bari (Puntland) ayuu gaashaanle sare Cabdullaah Yuusuf Axmed waxa uu kadhisay maamulka Puntland oo maanta ah dowladgoboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Maxaa kala duway labada doorasho? Ahun Cabdulqaadir Soobe aragtida federaalka waa uga horreeyey Cabdullaahi Yuusuf balse xilliga iyo duruufaha ayay kukala duwanaayeen, Soobe waxa uu kuhaminayey nidaam federal ah oo Koofurgalbeed iyo dalka intiisa kale ah isaga oo u arkayey in lagu saleeyo lahjadda iyada oo aan xorriyad iyo madaxbannaani jirin, balse Cabdullaahi Yuusuf oo uu ka fashilmay Inqilaab ciidan oo uu qorshihiisa qayb ka ahaa 1978 waxa uu ku hamminayey in dagaalka kudhufo oo ka dhaqaaq (Guerrilla War) lagu qaado xukunkii kacaanka si uu u taagdarreeyo kaddibna xilka looga tuuro. Maadaama aanay wax u dhicin sidii uu ku hamminayey waxa uu qaatay in SSDF isu rogto maamul uu madax u yahay oo uu wax kula qaybsado xukuumadaha xiga, taasina waxa ay hirgashay kaddib 6 sano oo uu ahaa madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland 2004 markii uu noqday madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya. Kaladuwanaanta labada doorasho ee KGS iyo Puntland waxa sal u ah laba arrimood oo kala ah: Sooyaalka siyaasadda Isbeddelka Bulshada Sooyaalka siyaasadda November-2014 magaalada Baydhaba waxaa kadhacday doorasho iyada oo uusan jirin Baarlamaan goboleedka KGS, waxaana ergo kaqaybgashay shirkaas oo kakoobnayd 396 ay madaxweyne u doorteen Shariif Xasan Sheekh Aadan 373 ergay ayaa u codeysay Shariif Xasan oo xilkaas iska casilay November-2018, shariif Xasan waxa uu ahaa madaxweyne- goboleedkii ugu horreeyey oo KG oo kamid ah nidaam Federaal ah ee qabta xilkaas, taas oo Cabdulqaadir Soobe ku hamminayey 67 sano kahor. Doorashadaas kadhacday Baydhaba 2014 ee ergadu ku doorteen Shariif Xasan Sh. Aadan waxa ay ayahd tii ugu horreysay, sidaas awgeed ma jirin waaya-aragnimo hore oo lagu dhiso iyo axdi hore oo fududeyn karay hirgelinta doorasho ka heer fiican sida ay u dhacday doorashadaasi. May-15-1998 waxaa ay egro kasocotay Beelaha dega gobolada Waqooyi Bari ayaa Garoowe ku ansxiyey Axdiga dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, axadigaas oo ay saxiixeen ergo meteleysay beelaha gobolada Nugaal, Bari iyo qayb ahaan gobolada Sanaag, Sool iyo Mudug waxa uu dhigayey in 69 Wakiil kuwaas 61 ay beeluhu soo xulanayaan , 5 ay haweenku gaar u leeyihiin iyo 3 wakiil oo lagu maamuusay guddoomiyeyaasha Jabhadaha SSDF, USP iyo SNDU. Augusto-1998 ayaa 69 wakiil oo ay iska soo xuleen beelihii ku heshiiyey dhismaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxa ay madaxweyne u doorteen Gaashaanle sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Dhismihii Puntland waxaa loo sameeyey Axdi kumeelgaar ah, waxaana qorshuhu ahaa in axdigaas looga gudbo muddo saddex sano ah, ka gudbitaanka axdiga kumeelgaarka ah waxaa loo xilsaarey Madaxweynaha ku guuleysta tartanka iyo xukuumadiisa, balse 3 sano kaddib waxa uu maamulkii Ahun GS Cabdullaahi Yuusuf ku guuldareystay in uu fuliyo howshii laga sugayey, sidaas awgeed waxa ay golayaashii xukuumadda iyo wakiiladu codsadeen in muddada loo kordhiyo, mana sugin jawaabta beelaha ee waxa ay sameysteen hannaan u fududeynaya howshaas, waxa ayna kororsadeen muddo 3 sano ah. Guddoomiyihii Maxkmadda Sare ee DG Puntland Dr.Yusuf Xaaji Nuur ayaa soosaaray qoraal sharci-darro kutilmaamay tallaabada xukuumadda iyo Wakiilada, waxa uu 1-July-2001 ku dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha kmg ah ee DG Puntland, waxaana ayiday madaxweynenimada Dr Yuusuf Isimadii Puntland intooda badan, sidaas oo kale waxa soo dhoweeyey maamulkii gobolka Bari, balse GS Cabdullaahi Yuusuf ayaa qaatay go’aan ah in uu dagaal galo, 6 dagaal oo kadhashay khilaafkii madaxtinimada iyo doorashada DG Puntland ayaa kadhacay Boosaaso, Garowe, Muqlataagtaag, Alxmadulilaah, Kaladhacda iyo Dhuudo, waxaana dagaaladaas ku dhintay 200 oo qof, dhaawucuna waxa uu gaaray tiro instaas la eg, sababaha dagaaladaas iyo sidii ay Puntland uga badbaadday in maamulku ku burburo waxa ay uga tagtay gobolkaas waaya-aragnimo kudhisan in awooddu u kala qaybsanaato beelaha ay ku dhisan tahay Puntland iyada oo gobolada Bari, Nugaal iyo Mudug ay ku kaltamayaan hoggaanka. 4 doorasho oo kadambeysay doorashadii uu dhiigga badan ku daatay 2001 ee kadhacday Puntland waxa ay u dheceen si nabad ah waxa ayna Ahun Cadde Muuse, Dr Cabdiraxmaan Faroole, Dr Cabdiweli Gaas iyo Saciid Dani xilka isugu wareejiyeen si nabad ah. December-2018 KGS waxa kadhacay doorashadii labaad, waxa ay doorshadaasi sababtay dagaal iyo deganaansho la’aan socotay muddo todobaadyo ah, waxa kamid ahaa musharixiintii isu taagay Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur guddoomiye kuxigeenkii iyo afhayeenkii hore ee Alshabaab, balse xukuumadda dhexe ayaa kahor istaagtay Roobow in uu u tartamo xilkaas, dadkii kudhintay qalalaasihii kadhashay doorashada waxaa kamid ahaa guddoomiyihii guddiga amniga ee Baarlamaan-goboleedka KG Ahun Cabdishakuur Yacquub Ibraahim, waxa ayna dhowrjeer doorashadu dib uga dhacday xilligii loogu talagalay, taas oo kadhigan in KGS ay 2018 mareysay halkii ay Puntland mareysay 2001 Isbeddelka Bulshada KGS & Puntland dhinaca bulshada waxaa u dhexeeya kaladuwanaansho ku saleysan isxukunka, Nabadgelyada, Dhaqaalaha iyo tacliinta, taasna waxa sii dheer dhismaha labada gobol oo ay u dhexeyso muddo 16 sano ah, taas oo kadhigan in Puntland oo bulsho ahaan soo kabaneysay muddo 16 sano ah uu dhismay gobolka KGS, taasina waxa ay saameyn kuleedahay sida ay u kala horreeyaan maamulada kadhismay Soomaaliya kaddib xukunkii ciidanka. Dhammaan maamulada kaladuwan ee kadhismay Jamhuuriyadda Soomaaliya kuwo ogol kamid ahaanshaha qaran Soomaaliyeed oo mid ah iyo kuwo diiddanba waxa ay kamideysan yihiin in dhismaha iyo salka jiritaankoodu yahay Qabiilka iyo sida wax loo qaybsado, sidaas oo kale Puntalan & KGS waxa ay kamideysan yihiin hannaanka Qabiilka. Buugta iyo Raadraaca SBBC Somali, Somalitalk The history of Southern Somalia-Saalax Maxamed Cali Horseed Media Xusuusqorkeyga gaarka ah WQ: Axmed C. Guutaale Dersa Sharciga iyo Qaanuunka
  23. Waxaan ka xumahay xadhiga xaqdarradda ah, ee xoriyadda looga qaado waddaniyiinta sharafta iyo karaamadda baddan ee Somaliland, Waa Xadhig khaldan, xukun xaq darro ah, iyo arrin ayaan daradeeda leh, si cadna uga turjumeysa cadaalad xumadda iyo habka, baal marsan garsoorka Somalilland,, Xukuumadda Kulmiye waxay caado ka dhigatey cabudhinta saxaafadda Somaliland, Waxaa xidhan 13 weriye oo ku Xidhan sifo sharci darro ah, Waxaa La xidhey Dad birmageydo ah Sidda Madax Dhaqameed Abwaan Macalin IWM. Tusaale ABWAAN ABEES C/XAKIIM GAAXNUUG CILMI SICIID MAXAMUUD GAHEYR SULDAANKA BEESHA AYUUB Waxa kale oo dhamaan shacabka Somaliland ogyihiin xadhiga dulmigga ah ee loogu gefo ,Dad shacab ah, oo aan magac lahayn, DHIBANAHA QARSOON . ..Mid DHUL uu lahaa Laga qaado, sifo sharci darro ah, lagu xidho. Waxa yaab iyo amakaag ah Dadkii KULMIYE Xillalka ka hayey dulmi loogo geysto ,xisbigii ay qeybta ka ahaayeen , EE Naf iyo maalba u hureen Tusaale JAAMAC SHABEEL CABDI CALI ABWAAN KUJARE GEELJIRE Waxaan Xasuusinayaa Xukuumadda Somaliland, KU DHAQANKA DASTUURKA IYO SHURUUCDA WADDANKA ILAALINTA XORIYADDA HADALKA ILAALINTA XORRIYADDA SAXAAFADDA ILAALINTA XORRIYADDA IYO HANTIDDA SHACABKA Somaliland iyo shacabkeeda cadaalad ayaa deeqda,Fadlan sharcigu ha sareeyo. Xil ha la iska saaro ilaalinta xuquuqda, distoorigga ah ee WADDANIGA, WADDANIGA DHABTA AH, ALLOW DHAWR Abaadir Alberta Canada Qaran News