-
Content Count
207,260 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta joojiyay Siminaar uu soo qaban qaabiyay Xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Senator Xuseen Sheekh oo ka tirsan Xisbigaas islamarkaana hadda ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in la hakiyay Siminaarka ka dib Amar kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed. “Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raali gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Sanetarka. Waxaa uu Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud in Maamulka Konofur Galbeed isaga oo qiimeynaya xaalado jira uu ka dalbaday in la baajiyo sidaasna lagu joojiyay kulankii ay galabta lahaayeen Xisbiga UPD ee ka dhici lahaa Baydhaba. Sidaan oo kale todobaadkii hore waxaa laga joojiyay Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xilli uu siminaar ka waday Hoteel ku yaalla Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
New York ( Sh. M. Network )-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dowladda Libya ugu baaqabay in ay wax ka qabato dhibaatooyin ka lagu hayo muhaajiriinta ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada dalkaasi Mr Guterres oo warbixin siiyay golaha ammaanka ee QM ayaa xusay in ay sare u sii kacayso xadgudub ka dhan ah aadanaha oo ku sii fidiya goobaha dadka lagu qabto ee ku yaalla dalkaasi Xoghayaha guud ayaa sheegay in kumanaan ruux oo qaxooti ah lagu qabsado deegaano ay gacanta ku hayso dowladda, halkaas oo lagu kaco jirdil,cagajugleyn iyo handadaad. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadka lagu dhibaateeyo dalka Libya ay isugu jiraan caruur,haween iyo rag, kuwaas oo dhamaantood doonayay in ay u safraan qaar ka mid dalalka Yurub. Warbixinta uu sii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay golaha ammaanka ayaa waxaa uu dowladda Libya ugu baaqay in ay ka hortagto jirdilka iyo tacdiyada lagula kaco muhaajiriinta ku sugan gudaha dalkaasi Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nus malyuun ruux oo muhaajiriin ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Libya, kuwaas oo u badan caruur iyo haween. The post QM Oo ka hadashay xaaladaha muhaajiriinta ku sugan Libya appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Saciid C/laahi Deni madaxweynaha cusub ee maamulka goboleedka Puntland ayaa soo saaray wareegto si toos ah ugu socota wasaaradda Maaliyadda ee maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa amray madaxda wasaaraddaasi in la joojiyay canshuur dhaafkii loo sameynayay hay’daha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgala Puntland. Digreetadan oo ku taariikheysneyd 12 bishan oo shalay ku beegneyd ayaa lagu wargaliyay mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda maamukaasi in ay fuliyaan amarkani. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Madaxweynaha P/land Oo saaray amaro culus appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxa uu sheegay in uu xilkii ka qaadey guddoomiye ku xigeenkaasi Cabdinaasir Muxumed Buuni. Guddoomiye ku xigeenka mucaaridka ah ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Buuni oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu isaguna sheegay in uu xilkaasi iska casilay. Goordhaw la soco warkan oo faah-faahsan Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-13012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka DuhurEe Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada booliska Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta joojiyay siminaar uu soo qaban qaabiyay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda UPD. Senator Xuseen Sheekh Maxamud oo arrinta wax ka qoray aya yiri “Raali Gelin: Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raali gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed”. Lama oga sababta, laakin arrintan ayaa caado ka noqotay meelo badan oo dalka ah, waxaa ay horay uga dhacday caasimadda Muqdisho. Dastuurka KMG ah, Qodobka 20aad: Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta warbaahinta kula Hadley xarunta dhexe ee xisbigaasi ayaa waxaa uu si adag uga hadley muranka ka taagan doorashooyinka iyo Kominshanka doorashooyinka qaranka. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa uu sheegay in xisbiga Waddani aanu marnaba aqbali doonin in Kominshankan doorashooyinku uu doorasho danbe u qabto isla markaana aanay jirin cid ku qasbi karta xisbigooda aragti kale. Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa uu caddeeyey in aaney suurto-gal aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho laba xisbi oo kali ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
The mayor of Mogadishu, Eng Abdirahman Omar Osman Yarisow has launched a campaign to curb the ghost employees in his administration’s payroll. He announced the process and stated that his administration would speed the audit of the workers to come up with excellent service delivery to the public. “The procedure is meant to connect the registration systems of the civil servants and Benadir administration to curb ghost workers,” he said. In collaboration with the ministries of labour and finance, Benadir regional admin is closely working together to ensure the success of the process by building the quality of the staff. The process will ensure the audit, registers and update information on all the employees that are on the payroll. Salah Ahmed Jama, Somalia’s minister for labour, assured Mogadishu mayor, Abdulrahman Omar Osman that the ministry will cooperate with the municipality to improve the welfare. The post Mogadishu mayor curbs ghost employees in the system appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Isticmaalka Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2019 ayaa maanta si rasmi ah u furmay ka dib munaasabada ballaaran oo ka dhacday M/ Muqdisho,taasi oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kaladuwan. Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta si rasmi ah u Daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda Dalka ee Sanadkan 2019,madaxda wasaaradaha iyo hay’adaha kaladuwan ee dowladda Soomaaliya iyo Hanti dhowraha guud ee Qaranka. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya iyo Hanti Dhowraha guud ee Qaranka ayaa sheegay in miisaaniyaddii dalka ee 2018 si wanaagsna loo isticmaalay,iyagoona raja wanaagsan ka muujiyay in midda 2019 si lamid ah iyo si ka sii hagaagsan loo isticmaalo. Dadaalka ay wadda wasaaradda Maaliyaddda Dalka marka laga soot ago horumarinta dhaqaalaha dalka waxaa sidoo kale kamid ah,qorshe Soomaaliya deymaha looga cafinayo,iyo sidii dalka lacago cusub loogu soo daabici lahaa. Dhawaan ayay ahayd markii Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay miisaaniyadda dalka ee sanadka 2019,iyadoo maanta wixii ka dambeeyey si toos ah loo isticmaali doono The post Wasiirka Maaliyadda XFS Oo daah-furay isticmaalka Miisaaniyadda 2019-ka appeared first on Shabelle. View the full article
-
At least one person was killed and five others were wounded in a bomb attack in Somalia’s capital, Mogadishu on Saturday night, police and witnesses said. A witness said the attack came after assailants hurled a hand grenade at the residence of Deynile district commissioner, Mohamed Abukar Ja’far, who escaped the incident unhurt. The deceased was a woman walking on the street, while the other five were two of the commissioner’s security guards and the other civilians. The wounded have been admitted to a local hospital for treatment, according to the police. No comment has been released yet by security forces for the attack. No group claimed responsibility for the attack, but, al Shabaab often claims responsibility for the bombings in Mogadishu, targeting Somali government officials. The post One dead, five wounded in bomb attack in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa joojiyey dhamaan casnhuur dhaafyadii iyo canshuur dhimistii ay samayn jirtay Wasaaradda Maaliyadu, wuxuuna amray inaan la samayn karin wax casnhuur dhaafa. Sida ay ogaatay warbaahinta PUNTLAND POST arintan ayaa saamayn weyn ku yeelan doonta ganacsatada qaadka iibisa oo horay loogu samayn jirey casnhuur dhamis dhan 50%, waxaana muuqata wixii maanta ka danbeeya in qaadka la canshuuri doono 100%, waxaana la filayaa inay arintani saamayn weyn ku yeelan doonto ganacsatada qaadka iibisa. Maanta dumarka qaadka ka ganacsada ayaa magaalada Garowe ka sameeyey mudaharaad ay kaga cabanayaan wareegtadan uu madaxweynuhu ku joojiyey canshuur dhimistii loo samayn jirey qaadka, waxaana la filayaa inuu si aada qaadku kor ugu kaco degaanada Puntland. Xukuumadii horre ee madaxweyne Gaas ayaa canshuur dhimis u samaysay ganacsi gaara oo qaadku kamid yahay, sidoo kale waxaa canshuur dhaaf loo samayn jirey wax kasta oo ay la yimaadaan hay’adaha Dawlada, NGO-yada maxaliga iyo kuwa caalamiga, taas oo sababi jirtey dakhli fara badan oo khasnadaha Dawlada ka baaqda. PUNTLAND POST The post Canshuur dhaafka uu joojiyey Madaxweyne Deni oo saamayn ku yeelan doonta ganacsatada Jaadka appeared first on Puntland Post.
-
The Qatar Finance and Business Academy (QFBA) recently hosted a high-level diplomatic delegation from Somalia. Organized in coordination with the Ministry of Foreign Affairs, the 12-member delegation visited Qatar to learn more about the Qatar Financial Centre (QFC) and its subsidiaries. Received by Dr. Mohammed Al Emadi, QBA Head of Sales and Marketing, the delegation was taken on a tour and briefed on the courses and products available at Qatar Finance and Business Academy. Briefing the delegation, Dr. Mohammed Abdulla Al Emadi, Head of Sales & Marketing, Qatar Finance and Business Academy, said: “QFBA offers training for the entire professional segment of the financing sector, including staff from the most junior to the most executive level. We identify the needs within the economy in general and the specific needs of the relevant organizations to design a product that they deem fit for their organizational growth.” He said, “QFBA has a wide range of courses, including short courses and those that prepare students for international professional tests, as well as four-year university programs. These undergraduates come under Northumbria University, though we issue our own certificates for our training programs. We also have various custom-designed courses for on-job training as well as experiential training.” Making a presentation to the visiting delegation, Leila Al Jufairi, Product Development Manager from Qatar Financial Centre said: “Qatar boasts one of the strongest and fastest growing economies in the MENA region, and the Qatar Financial Centre’s (QFC) unique platform continues to facilitate ease in a business set-up for entities wishing to expand to Qatar and beyond. The QFC operates in line with international best practice and standards offering word class regulation, a fair and transparent tax regime, and an English common law framework. The value of our unbeatable framework is recognized by regulated financial services institutions worldwide. The post Qatar hosts diplomatic delegation from Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
Waxaa si aada hoos ugu dhacay lacagta dollarka marka loo badelaayo shillinka Soomaaliga, horay suuqyadda Puntland waxaa halka dollaar lagu sarafi jirey 35,000 oo Shillinka Soomaaliga ah, halka uu maanta maraayo 30,000 oo Shillin isaga oo u muuqda inuu hoos uga sii socdo. Arintan ayey si aada u hadal hayaan dadweynaha reer Puntland iyagoo u yeelaayaa sababo kala duwan, waxaase sababta ugu weyn ay tahay lacag dollar ah oo aad u fara badan oo maalmihii u danbeeyey si xoogan usoo gashay suuqyada Puntland taas oo ka timi musharixiintii ku loolamaayey doorashadii madaxtinimada. Waxaa la qiyaasayaa inay suuqyadda Puntland soo galleen in ka badan shan iyo toban milyan oo dollar maalmihii u danbeeyey. Dadka muruq maalka ayaa soo dhaweeyey hoos u dhaca dollarka, waxayna sheegeen inay sicir bararka sarifku uu dhibaatooyin badan ku hayey. Sanadihii u danbeeyey degaanada Puntland waxaa si aada hoos ugu dhacaayey qiimaha lacagta shillinka Soomaaliga, taas oo sababtay sicir barar baahsan oo laga dareemay Puntland. PUNTLAND POST The post Maxaa sabab u ah hoos u dhaca ku yimi sarifka dollarka ee suuqyadda Puntland? appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaad kadib soo saaray wareegtadii labaad oo uu kaga hadlayo arrimaha maaliyadda Puntland. Waxaa Wareegto ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu ogeysiiyay Wasaaradda Maaliyadda, Hay’addaha kuwa Caalamiga ah iyo kuwa gaar loo leeyahay in la joojiyay dhammaan Canshuur dhaafkii iyo Cashuur dhimistii loo samayn jiray hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waa markii labaad ee uu soo saaro Wareegto inta uu xilka Madaxtinimo Puntland haayo, iyadoo wali xilkaasi uusan kala wareegin madaxweyne Gaas.
-
Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa wareegto uu soo saaray ku faray wasaaradda maaliyadda in la joojiyo dhammaan casnhuur dhaafkii loo sameynayey hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga ah iyo sidoo kale kuwa sida gaarka ah loo leeyahay. Wixii maanta ka bilowda ayuu wareegtada ku sheegay in gabi ahaanba arrintaasi la joojiyey, waxaana la faray wasaaradda in arrintaasi ay u hoggaansanto. Hoos ka akhriso: Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha cusub ee Dawlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa joojiyey dhamaan casnhuur dhaafyadii iyo canshuur dhimistii ay samayn jirtay Wasaaradda Maaliyadu, wuxuuna amray inaan la samayn karin wax casnhuur dhaafa. Arintan ayaa meesha ka saaraysa dhamaan canshuur dhaafyo iyo casnhuur dhismiyo joogta ah oo ay samayn jireen Wasaaradda maaliyada iyo madaxtooyada Puntland. Akhriso wareegtada Madaxweynaha The post Madaxweynaha Puntland oo joojiyey canshuur dhaafyadii ay samayn jirtay Wasaarada Maaliyadu appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ay saaka fadhi aan caadi aheyn iskugu yimadeen isla markaana waxaa loo akhriyey warqad muddo kordhinta golaha wakiilada ah oo uu madaxweyne Muuse Biixi u soo gudbiyey Gudoomiyaha golaha Guurtida ayaa markii xildhibaanada loo akhriyey warqada madaxweynaha uga timid waxaa uu muddo kordhinta u saarey inay ka soo talo bixiyaan Guddi ka tirsan golahaasi oo ka kooban 24 xubnood isla markaana golaha war bixin ku soo celiya muddo saddex cisho ah kadib . Waxaa xusid mudan in warqada muddo kordhinta ee golaha wakiilada loo gudbiyey aaney ku jirin golayaasha deeganka oo iyaguna xilkoodu dhamaanayo , waxaana jira warar ay bulshadu isla dhex mareyso oo sheegaya in aan iyaga wax muddo kordhin ah loo sameyn doonin , marka uu muddo xilood-koodu dhamaadana bisha 3 ee sanadkan ay kuraasta baneen doonan madaxweynuhuna magacaabi dooni Maayaro-ku meel gaadh ah , in kasta oo warkan aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin Source
-
Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa laga dareemayay Labadii maalin ee la soo dhaafay, kadib doorashadii madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni, hoos udhac ku yimid lacagaha [...] Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa maanta loo dheg taagayaa go’aanka ay golaha guurtidu ka gaadhi doonaan muddo kordhinta golaha wakiilada. Guddoomiyaha golaha guurtida ayaa sheegay in maanta la isugu imanayo fadhi lagu arrinsanayo oo mudanayaasha golaha dhexdooda ah, iyadoo ay xildhibaano wakiilada ahi ugu baaqeen inaanay guurtidu samayn muddo kordhin aan lagu heshiin. Golaha guurtida Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa dib u dhigay fadhigii degdega ahaa ee golaha guurida laysugu yeedhay kadib markii uu guddoomiyahu sheegay in wax ka dhiman yihiin waxii la horkeeni lahaa. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa golaha guuritda Somaliland u soo gudbiyay warqad muddo kordin loogu samaynaayo golaha wakiilada kadib markii komishanku uu madaxweynaha u soo gudbiyay in aanay doorashada golayaasha deegaanka iyo wakiiladu wakhtigeedii ku qabsoomayn, waxaana guddoomiye Saleebaan oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Golahu dadaalka uu u muujiyay hawlihiisa aadbaad u timaadeen,waxaan jeclahay in aan shirkeena bari ka dhigano sababta oo ah xoogaabaa qabyo ah, maaha xageena wax ayaa qabyo ah oo waan cadaysanaynaa baritoole(maanta) idinka oo raali ah,” Xisbiyada KULMIYE iyo UCID ayaa guurtida u gudbiyay heshiis ay gaadheen oo ah inay doorashooyoinku qabsoomaan bisha November ee sannadkan, waxaanay golaha guurtida ka dalbadeen inay muddo kordhintooda ku saleeyaan heshiiska xisbiyada KULMIYE iyo UCID. Baaqa xildhibaanada wakiilada Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka digay in la sameeyo muddo kordhin khilaaf siyaasadeed oo kale abuurta, xilli khilaaf ka dhex taagan yahay Xisbiyada. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori Mataan iyo Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa iyagoo u waramaya Wargeyska Geeska Afrikaugu horeyn Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori Mataan uu hadalkiisi ku bilaabay “Muddo kordhintan faraha badani runtii ma wanaagsana, anigana muddo kordhintani ilama wanaagsana, Guurtidana waxaan leeyahay waa inaad kordhisaan muddo kordhin mucayin ah oo la isla ogol yahay raalina laga wada yahay, laakiin wax quman maaha in muddo kordhin aan lagu wada qanacsanayn aad sameeysaan”. Xildihbaan Mataan Hoori mar uu ka hadlaayey khilaafka Xisbiyada iyo Komishanka ayaa yidhi “Wax kasta oo la isku hayo waa laga heshiin karaa, waana la xalin karaa, ee Bulshada ha loo tudho, oo kolba yaan la isku dulqabsan, Xisbiga Waddani, waa gartiisa inuu cabasho ka muujiyo Komishanka Doorashooyinka”. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige ayaa isna isagoo ka hadlaya Warqada uu Madaxweynuhu u gudbiyey Guurtida yidhi “Waa kaas oo Madaxweynuhu warqadii u qoray Guuritda, ee uu yidhi ka qabsada hawshiina Dastuuriga ah, waxaana igu maqaala ah in heshiis laga gaadhay arintaas, oo iyaga dhexdooda ah, oo ah in muddo kordhinta lagu saleeyo muddo dheer, oo ah laba sanno, laakiin haddii ay taasi dhab noqoto waa ayaan daro iyo nasiib daro, waxaana ay ahayd madaama uu Madaxweynuhu uu yahay Madaxweynihii dalka, inuu u fikiro sidii Madaxweynaha qaranka, oo aanu u fikirin kana cadaadi, kana waxyeel, kana ku xumee”. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey Komishanka iyo khilaafka Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiga Waddani, xaq buu u leeyahay inuu soo jeediyey in Komishanka la kala diro, maxaa yeelay Komishanku waa Garsoore, Garsoorahana haddii cabasho laga keeno, oo meeshii ay ka baxdo kalsoonidii lagu qabay, waa qasab in la bedelo, Madaxweynuhuna waa inuu kala diraa Komishankan” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wakiilka somaliland u fadhiya dalka uk ayaa sheegtay mudo ka yar 5 sacadood gudahood hadalado is burubunaya oo la xiidhiidha masuulka cusub ee dalka uk u soo magaacabay somaliland waxayna beenisay la kulankii wasiirka warfaafinta somaliland iyadoo waxab hubsan ayey qoraal soo dhigtay barteeda baraha bulshadda ku kulanto ee facbook ,markiiba dadka la soo socoda xiidhiidhka dibloomasiyadda dalalka caalamka ayaa u arko inanay aqoon u lahayn siyaasadda xidhiidhka caalamiga ah tani hadi ay sii socoto waxay dhabar jab ku tahay hananka dawladnimo waayo qof diboomasiga ah waxa looga baahan yahay inuu ilaaliyo xasaanad uu huwan yahay ee uu xan baaray qarankiisa .. waxay kulan deg deg iskug yeedhay jaalliyadda somaliland ee ku nool magaalada london si ay uga qaybgalaan soo dhaweyn loo samayey wakiilka u qaabilsanahay uk u soo magacowday somaliland sii ay su’aalo iyo soo dhaweyn loogu qaabilo taani waxay dhawac ku tahay hanaanka dawladdnimo marka laga shidaalka qaato hadlak wakiilka wuxuu uu muuqaada mid ay keentay waayo aragnimo la’aan oo aan aqoon badan u lahayn haykalka dawladdnimad markay waxaba kama jiraan ka dhigtay kulankii wasiirka warfaafinta somaliland dadka siyaasada falanqeeya ayaa u arko hadalka wakiilka somaliland ee dalka uk ayaan mahamoud cashuur inuu dhawac ku yahay dibiloomasiyadeeda mar laga arko wax ka yar 5 saac gudahood hadal iska hor imanaya waxan tusaale loo soo qaadan kara qoraalada ay ku baahisay barteeda fac book waxay u muuqata inay ku fashilan tahay siyaasadii loogu igmaday hadii aan degdeg looga qaban xafiiska somaliland uk wuxuu ku dhacayaa godmadow waxay xumaynaysaa xiidhiidhka labadda ee iska kaashada amaanka dhaqaalah arrimaha bulshadda iyo la dagaalkan argaxisadda,budcadbadeeda ka jirta biyaha dalka somaliya. wakiilku markii ay beenisay inaan jirin masuulkani, waxay saacad gudahood kulan la qaatey masuulkii cusbaa ee loo soo diray somaliland taani waxay dhawac ku tahay siyaasada arrimah dibedda ee xukuumadda madaxweyne muuse bixii cabdi ,marka loo eego ayaan mohamoud canshuur aqoon uma leh siyaasadda arrimaha dibloomasiyadda waxa markhaati kugu filan jawaabta deg deg ah ee ay bixisay iyo kulan ay la qaatey masuulka. wakiilkii u horeyey ee dhabarka iska jabisa mar loog eego hanaanka ay ula macaamishay dawladda uk hadii aan dib u habayn lagu samayn safiiradda wasaaaradda arrimaha dibedda somaliland u magacowdo dalalka caalamka waxay magac dil iyo sharaf daro u keenayaan dalka somaliland tusaale waxa kug filan wakiilka somaliland ee dalka uk ayaan mohamoud canshuur. hadii ay sidan ku sii socoto waxa dhawacmaya xiidhiidhka dalalka somaliland uk waxa la filayaa jawaabta madaxweyne muuse bixii cabdi ka qaato go’aanka nuucan ah ee soo jiiday dhawac dibloomasiyadeeda . han soo qaadano hadalka la kulan wasiirka warfaafinta ahna afhayeenka xukuumadda oo la kulmay masuulka cusub ee ay dalka uk u soo magacowday somaliland oo fadhigisu yahay hargeisa. siday u qoreen warbaahinta gudaha somaliland qarkood. Nuxurka Kulan Dhexmaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Iyo Masluul Cusub Oo Dawladda UK U Soo Magacowday. Wasiirka warfaafinta Somaliland Md Abdirahman Abdillahi Farah (Guribrawaqo) Oo Booqasho ku jooga dalka Ingriska Ayaa kulamo Si weyn looso agaasimey layeeshey Xubno Kamida Dawalada Uk Sidoo kale Ergeyga Cusub Ee Dalka Uk U qaabilsan S-Land Mr Stuart Brown. Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in waddanka Britain uu Somaliland u soo magacaabay Ergay gaar ah kaas oo fadhigiisu noqon doono magaalada Addis-Ababa. waxa uu sheegay in uu hoos iman doono wasaarada arrimaha Dibadda UK. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo todobaadkan Xoghayaha Gaashaandhigga Ingiriisku socdaal ku yimi magaalada Hargeysa. Qoraalka Kulan Degdeg Ah Iskug Yeedhay Jaalliyadda Somaliland Ee UK Halka Hoose Akhriso. “Saaxiibayaal, Mudane, waxaan rajeynayaa inaad maanta noogu soo biiri karto wakiilka cusub, Stuart Brown, oo ka ka horeysay Rosie Tapper oo ah wakiilka Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Hargeysa / Addis. Waxay muhiim u tahay isagu inuu la kulmo jaalliyadda reer ka hor inta uusan ka tegin Hargeisa “ wakiilka Somaliland UK, ”Waxay noqon doontaa fursad weyn oo aad ku weydiisan su’aalaha. Kulankan ayaa maanta dhici doona, Khamiis, 10ka January 6-da galabnimo – 7:30 Xafiiska Somaliland UK., 234-236 Whitechapel Road. Fadlan nala soo socodsii haddii aad awoodid inaad tagto.” Mahadsanidin, Ayan Maxamuud Wakiilka Somaliland ee UK Goormay sax tahay ama khaldan tahay wakiilka Somaliland ee dalka UK Halka Hoose Ka Akhirso qoraalka mahadnaqa. Hadalka wakiika Somaliland ee Dalka UK Ayaan Mahamoud Canshuur “Waad Ku Mahadsantahay Cid Kasta Oo Ka soo Qayb Gashay shirkii Jaalliyadda Somaliland Ee Si Ay U Soo Dhaweyso masuulka cusub ee UK u soo magacowday Somaliland & Ujeedooyinkooda Oo aad alLa Wadaagto Madaxa Cusub Ee Xafiiska Ingiriiska Ee Somaliland, Stuwart Brown, Oo Bedelaya Rosie Tapper. Waxaan Jeclaan Lahaa In Aan Muujiyo Mahadnaqa Rosie Tapper Shaqo Adag muhiim ah ka soo qabtey mudadii ay joogtay ee labad sano ee la soo dhaafay Hargeisa” Halakan hoose ka eeg sawirka La kulanka jaaliyadda iyo muuqaalka wasiirka warfaafinta Somaliland oo ah afhayeenka xukuumadda madaxweyne muse biixi cabdi. Ahmed Mohamed Warfa /London UK. Falanqeeya Siyaasada Arrimaha Dibedda Somaliland Source
-
(SLT-Ankara)-Khilaafka Turkiga iyo Mareykanka ee ka dhashay isbaheysigii ka dhexeeyay Kurdishka iyo Mareykanka ayaa hareeyay socdaalka Pompeo ee Bariga Dhexe. Balse waxa uu Pompeo u sheegay warfidiyeenada inuu arrintaan kala hadlay dhigiisa Turkiga uuna rumeysan yahay suuragalnimada heshiis laga gaaro. Heshiiskaayaa ayaa waxaa kamid noqon doono mid u ogolaanaya Turkiga inuu dalkiisa ka difaaco halista arrgagixisada iyo sidoo kale difaaca Kuridiyiinta la dagaalamayay kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ee IS maadaama ay ka garab dagaalamayeen milatariga Mareykanka iyo qaar kale oo uu ku sheegay inaysan arrgagixiso ahayn. Turkiga ayaa rumeysan inuusan si waadax ah uga laabaneynin qorshayaashiisa uu ku doonayo inuu ku qaado howlgalo milatari oo ka dhan ah Kurdiyiinta. Mr Pompeo ayaa dhab ahaantii doonaya in diirada la saaro dowladda Iran si looga soo horjeesto. Waxa uu ku baaqayaa jabhad Carbeed oo mideysan oo ka hortimaada wax uu ku tilmaamay inay tahay xasilooni darro ay Iran ay ka wado gudaha dalalka Carabta, isaga oo xusay in Sacuudi Carbiyana ay howlgankan u dub dhexaad u tahay. Balse carro ka dhalatay khaarijintii dhawaan Sacuudi Carabiya ay kula kacday weriye Jamaal Khaashuqji ayaa xumeeyay xiriirka Turkiga iyo Sucuudiga. Sarkaal sare oo ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in dadka Mareykanku ka doonayaan Sucuudiga inuu sharaxaad lagu kalsoonaan karo ka bixiyo wixii dhacay uuna ciqaab ku sameeyo raggii geystay dilka Khaashuqji, Mr pompeona waxa uu ku adkeynayay Sucuudiga labadaasi qodob. Source
-
(SLT- Bristol )-Booliiska dalka Britain ayaa bilaabay baadhitaan la xiriira dil magaalada Bristol Jimcihii loogu geystay wiil Soomaali ah Wiilka ayaa lagu magacaabi jiray Bashiir Cabdullaahi, waxaana da’diisa lagu sheegay 25 sano jir taksiile ah sida ay warbaahinta u sheeegeen eheladiisa. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii ka dambeeyay dilka Bashiir, islamarkaana markii ay soo gabagabeeyaan baaritaanada ay la hadli doonaan warbaahinta. Wararku waxaa ay sheegayaan in dilka marxuumka uu ka danabeeyay nin ay guri wada deganaayeen, waxaana uu dilkii u adeegsaday Toorrey xilli uu Jiifay. ”Markii uu dilay kaddib ayuu ka baxay guriga, waxaana u tagay guri ay degeneyd Habaryartiisa, isaga oo u sheegay in uu soo dilay Ninkii ay guriga wada degenaayeen” ayuu yiri qof ay qof ka tirsan ehellada marxuumka oo wax laga weydiiyay sida lagu ogaaday qofka dilka geystay. Todoobaadkii hore ayeey aheyd markii wiil Soomaali lagu dilay Magaalada London, waxaana sanadyadii ugu dambeeyay kordhay dilalka loo geysanaayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi. Source