Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,258
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Washington)-Madaxweynaha mareykanka Donald Trump ayaa ku goodiyay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga waa haddii Turkiga uu weerar ku qaado xoggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallama dalka Suuriya kaddib markii Mareykanka uu bilaabay qorshe uu ciidamadiisa kaga soo saarayoo dalka Suuriya. Qoraal uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray wuxuu Trump sheegay uusan dooneynin in kooxda Kurdiyiinta ee xukuumadda Ankara ay u aqoonsan tahay argagixisada aanan la daandaasan. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si caro leh uga jawaabay tageerada Mareykanka ee kooxda Kurdiyiinta, wuxuuna ballan qaaday inuu cagta marin doono maleeshiyaadka Kurdiyiinta. Amiir sare oo ka tirsan qoyska boqortooyada Sucuudiga, Turki Al Feysal ayaa BBC u sheegay in haddii uu Mareykanka kala soo baxo ciidamadiisa dalkaa Suuriya ay dan ugu jirto dalalka Iran, Ruushka, Suuriya iyo Bashaar Al Asad. Source
  2. (SLT-Tehran)-Diyaarad ay saarnaayeen ugu yaraan 9 qof oo rakaab ah ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Fatx ee ku yaalla caasimadda Iiran ee Tehran. Warbaahinta Iiran ayaa ku warrantay in ilaa iyo hadda aysan jirin faahfaahin ku saabsan khaasaraha ka dhashay shilka diyaaradda. Madaxa gurmadka deg deg ee dalka Iran Pirhossein Kolivand ayaa sheegay in uusan weli wax war ah ka helin shilka diyaaradda. Warbaahinta Iiraan ayaa ku warrantay in diyaaradda kasoo duushay garoon ku yaalla dalka Kyrgyzstan. Wakaaladda wararka ee dowladda Iiraan ayaa baahisay sawirro muujinayo diyaaradda oo holceysa. Shaqaalaha gurmadka deg deg ah ayaa loo diray goobta. Source
  3. (SLT-Riyadh)-Xubin sare oo katirsan qoyska xukuma Sacuudiga ayaa kasoo horjeestay in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan Suuriya. Amiir Turki al-Faisal ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadani ay yeelan doonto saamayn taban, taas oo uu sheegay in ay fursad siin doonto Iran, Ruushka iyo xukunka Madaxweyne Bashar al-Assad. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay bishii December in la gaaray xilligii ciidamada Maraykanka ee ku sugan Suuriya ay dalkooda kusoo laaban lahaayeen. Amiir Faisal ayaa hadalkan jeediyey in yar uun kahor markii Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo uu socdaal ku tagay Riyadh. Mr Pompeo ayaa socdaal kumaraya Bariga Dhexe, wuxuuna goor horeba booqday dalalka Ciraaq, Urdun, Masar iyo Bahrain. Waxa uu sheegay in bulshada caalamka ay ceeb kutahay in ay dhabarka u jeediyaan shacab Suuriya iyo in ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ay xaaladda uga sii darayso. Amiirka ayaa intaas ku daray in iscasilaaddii wasiirkii difaaca Maraykanka James Mattis ee bishii December ay ayduna tahay mid xaaladda uga sii daraysa. Amiirku ma ahan xubin katirsan xukuumadda Sacuudiga, hase ahaatee wuxuu ku dhex leeyahay waayo aragnimo gaaraysa tobonaan sano. Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warramaysa in la filayo in wasiirku uu dalalkaas kala xaajoon doono arrinta Iran, loollanka ka taagan Yemen iyo Suuriya, iyo in uu sidoo kale doonayo in uu wax ka ogaado halka uu marayo baadhitaanka la xiriira dilkii Wariye Jamal Khashoggi. Source
  4. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan ku leeyihiin xaruntooga magaalada Muqdisho. Ajendaha maanta ee kulankan ayaa ah u codeynta wax ka bedalka sharciga hanti dhowraha guud ee qaranka iyo sidoo kale xeerka maamulka Bankiga dhexe ee dalka. Kulankan maanta ayaa dib u dhacay Sabtidii aynu kasoo gudubnay kadib markii aanu buuxsamin kooramkii loo baahnaa. Xildhibaannada golaha shacabka qaarkood ayaa sheegaya in kulanka maanta uu yahay mid aad u xasaasi ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Bu’aale )-Al-Shabaab ayaa Axadii la soo dhaafay ku dilay degmada Bu’aale ee Gobolka Jubadda Dhexe Sarkaal ka tirsan Daacish. Sida ay sheegayaan wararka Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabayay Yaxya Xaaji Fiile oo loo yaqaano Abuu Zakariye, waxaa lagu dilay goob lagu shaaho oo uu fadhiyay. Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo toogtay Sarkaalkan ay markii dambe meydkiisa u qaadeen goob aan la garaneyn. Abuu Zakariye ayaa xubin ka ahaa Al-Shabaab tan iyo sanadkii 2006-dii, waxaa uu xubin ka noqday Golaha Shuurada, inkastoo markii dambe uu ku biiray Ururka Daacish. Wararka laga helayo Bu’aale ayaa sheegaya inuu dib ugu laabtay Bu’aale, kaddib wada hadal dhex maray isaga iyo Al-Shabaab, waxaana horay loogu eedeeyay inuu ku biiray Al-Shabaab. Abuu Zakariye ayaa waxaa adeer u ahaa Bashiir Abuu Nucmaan oo horay Al-Shabaab u dileen sanadkii 2015, kaddib markii uu ku biiray Ururka Daacish. Waa dilkii u horeeyay ee Al-Shabaab ku fuliso Sarkaal ka tirsan Daacish, tan iyo markii uu dhowaan Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere uu ku baaqay dagaal ka dhan ah Kooxdaas. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay xiisadda u dhaxeysa Al-Shabaab iyo Daacish, bishii December ayaa labada dhinac waxay ku dagaalameen Buuraleyda Gobolka Bari, waxaana Daacish ay sheegatay inay disheen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kana furatay Hub iyo agab kale. Source
  6. (SLT-Garoowe)-Waxaa maanta lagu wadaa in Aqalka Madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Garoowe inay ka dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni. Diyaargarowga munaasabadda xilka wareejinta ayaa haatan ka socota magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,iyadoona la filayo in munsaabada ay ka qeyb galaan madax kala duwan iyo masuuliyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland. Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta si rasmi u wareejinaya xilka madaxweynaha Puntland kaas oo uu muddo shan sano soo hayay iyadoona madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay iyo madaxweynihii hore ay khudbad kooban ka jeedin doonaan xafladda xil wareejinta. 8 bishan Janaury ayay ahayd markii doorasho ka dhacday magaalada Garoowe uu ku guuleystay Dr Siciid Cabdulaahi Deni kaas oo noqday madaxweynaha 5-t sano ee soo socota hoggaamin doona Puntland. Source
  7. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliaydda Somaaliya oo warbaahinta u qabtay shir jaraa’id bille ah waxaa uu ku faah faahiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda sanadkii tagay 2018 iyo qorshah au degsan wasaaradd asanadka 2019. Wasiir Beyle waxaa uu sheegay in 2-dii sano ee la soo dhaafay daqliga soo gala dowladda uu kordhay 64% boqolkiiba,markii ay wasaaraddu xoojisay nidaamka canshuuraha lagu qaado ee dalka gudihiisa,taasi oo uu ku tilmaamay in wax badan ay ku soo kordhisay daqliga soo xarooda. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dowladda ayuu tilmaamay in labadii sano ee u dambeysay ay ku guuleysatay wasaaraddu bixinta mushaharaadka Ciidanka iyo shaqaalaha dowladda,islamarkaana sanadkaan ay rajaynayso si la mid ah sanadihii hore. Miisaaniyadda sanadkaan oo ka kooban 344 Milyen ayuu sheegay in 200 milyen oo ka mid ah wasaaradda ay ka rajaynayso in uu ka yimaado dakhligu gudaha laga soo aruuriyo. Dhaqaalaha Soomaaliya ee waqtigaan marka lala meel dhigao dalalka kale waa mid aad u yar si loo gaaro isku filnaan iyo kobac dhaqaale,wuxuuna u ku buuriyay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay bixiyaan casnhuuraha si loola baratamo dowladaha kale ee caalamka. Ugu dambeyntii shirkiisa jaraa’id ayuu Wasiirka maaliyadda ka sheegay in in sanadkaan uu raja badan Soomaaliya ka qabto in la soo geba gebeeyo dadaalada loogu jiro in dalka laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. The post Beyle”Waxaan rajeynaynaa in deymaha nalaka cafiyo sanadkan” appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Boosaaso ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay G/ Bari ee maamulkaasi. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday Ciidamadaasi, xilli ay howlgallo ka wadeen deegaanka Toga Bal-Khadar ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale. Dhinaca kale Al Shabaab oo ka hadlay qaraxaasi ayaa sheegtay masuuliyaddiisa, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxan ay ku dileen 1 Askari, kuna dhaawaceen 4 kale, sida ay hadalka u dhigeen. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidanka Puntland oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya dhulka Buuraleyda ee gobolka Bari. The post Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay G/ Bari appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Sedax Alifle Booliis. Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed ayaa loo xiray dilka Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Booliis. Xasan Aadan Ibraahim, dilkaasi oo ka dhacay gudaha Saldhigga degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir 13-10-aaad sandkii tegay. Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed ayaa loo heystaa in qoreygiisa uu kaga tagay meel cidla ah halka Tahliil oo loo diyaarinayay ciidanimo uu riday xabado sababay dhimashada Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Boliis. Xasan Aadan Ibraahim. Ciidamada amniga degmada ayaa isla xilligaasi ku wareejiyay labada eedeysane Hey’adda baarista Dambiyada CID. Kadib markii ay ka guteen waajibaadkooda baarista ayay u soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa ayna xafiiska weydiisteen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo xabsiga dhexe eedeysanayaasha gar-sugo ahaan 22-ka 10-aad sanadii 2018. Baaritaan kale oo dheerad ayay sameeyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna weydiisteen garsoorka in la muddeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah labada eedeysane. Maxkamadda Darajada koowaad ciidamada Qalabka Side ayaa muddeysay dhageysiga dacwadda 15-12 ee 2018, waxaana lagu ballamay laba cisha kadib fadhiga hore ee Maxkamadda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda horkeenay laba markaati, baaraha dacwadda oo si wada jir ah loo weydiiyay dhammaan su’aalo ku saabsan dilka, sawirka marxuumka iyo warqadda dhakhtarka ee muujinta dhimashada. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa ku dooday in Tahliil Cali Maxamed uu yahay qaan-gaar miir qaba sidaas darteed loo ciqaabo dambiga halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed uu dayacay qoreygiisa loogu tala galay in uu ku difaaco cadowga. Sedax Alifle Boliiska Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in uusan ku tala galin dayac balse qadarta ay ku dhacday in Tahliil Cali Maxamed oo aan aqoon badan u laheyn qoreyga sabab u noqday geerida Marxuum Xasan Aadan Ibraahim. Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa xilligaas ku dooday in wax walba ay ku dhaceen aqoon darro sidaas darteed lagu xukumo diya gaf ah. Maxkamadda Darajada koowaad ayaa horay ugu soo kala xukuntay in Tahliil Cali Maxamed uu bixiyo Diyo boqol halaad ah oo ah magta Ex Kormeera Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xarig ah halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed lagu xukumay laba sano oo xarig ah. Xukunsayaasha ayaa ku qanci waayay xukunka waxa ayna rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare 31-12-2018. Markale ayaa dib loo furay galka labada eedeysane iyadoo la marinayo marinka cadaaladda, waxaana markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda 8-bishan aynu ku jirno, waxaana shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadeynta Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed. Doodda u dhexeeysay dhinacyada dacwadda ayaa si isku mid ah fursada loo siiyay. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa si lamid ah soo bandhiga dhammaan qodobada eeddooda, waxaana sidoo kale Qareenada laba eedeysane ku doodeen in loo naxariisto. Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa ku kala xukuntay Tahliil Cali Maxamed diyo 100-halaad ah oo ah magta Marxuum Kormeer Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xabsi ciidan ah. Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed ayaa isna lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah. Maxkamadda Sare ayaa ah halka ugu dambeyso oo uu ula Laabto xukunsanaha hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad. The post Maxkamadda CQS Oo saaka xukuntay labo Askari appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-140119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Xildhibaan Xasan Yare oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgallada ay ciidamada Jubbaland ka wadaan deegaannada uu maamulkaasi ka arrimo. Waxa uu sheegay xildhibaanka in ay soo dhoweynayaan howlgalladan, islamarkaana yihiin kuwo lagu badbaadinayo dadka shacabka ah waa sida uu hadalka u dhigaye. Sidoo kale, xildhibaan Xasan ayaa sheegay in booqasho uu ku maray deegaanno ka mid ah Jubbaland, sida Afmadow iyo deegaanno kale, una kuurgaleyn xaaladda dadka shacabka ah. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/XILDHIBAAN-XASAN-YARE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Darawallada kaxeeya mootooyinka Bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa cabasho ballaaran ka muujiyey lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay. Qaarkood uu la hadlay Goobjoog waxa ay sheegeen in lagu soo rogay hadda bishii iney bixiyaan lacag dhan 10 doolarka Maraykanka ah, taasi oo aan ahayn canshuurtii laga qaadi jiray. Waxa ay sheegeen in lacagtaan lagu soo rogay ay tahay mid aad u badan, islamarkaana aanay awoodin in xilligan ay bixiyaan. Darawalladan ayaa waxay ka dalbadeen madaxda sare ee Puntland iyo sidoo kale maamulka magaalada Garoowe iney ka dhinto lacagtaas. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Warbixinta-Cabashada-Lacagta-lagu-kordhiyay-Bajaajta-by-13-1-2019.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliaydda Somaaliya ayaa sheegay in sanadkan ay Soomaaliya raja badan ka qabto in la soo geba gebeeyo dadaalada loogu jiro in dalka laga cafiyo deymaha lagu leeyahay. Arrintan waxaa uu ka sheegay shir jaraa’id, isaga oo ku faah faahiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda Maaliyadda sanadkii tagay 2018 iyo qorshah au degsan wasaaradd asanadka 2019. Wasiir Beyle waxaa uu sheegay in 2-dii sano ee la soo dhaafay daqliga soo gala dowladda uu kordhay 64% boqolkiiba,markii ay wasaaraddu xoojisay nidaamka canshuuraha lagu qaado ee dalka gudihiisa,taasi oo uu ku tilmaamay in wax badan ay ku soo kordhisay daqliga soo xarooda. Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dowladda ayuu tilmaamay in labadii sano ee u dambeysay ay ku guuleysatay wasaaraddu bixinta mushaharaadka Ciidanka iyo shaqaalaha dowladda,islamarkaana sanadkaan ay rajaynayso si la mid ah sanadihii hore. Miisaaniyadda sanadkaan oo ka kooban 344 Milyen ayuu sheegay in 200 milyen oo ka mid ah wasaaradda ay ka rajaynayso in uu ka yimaado dakhligu gudaha laga soo aruuriyo. Dhaqaalaha Soomaaliya ee waqtigaan marka lala meel dhigao dalalka kale waa mid aad u yar si loo gaaro isku filnaan iyo kobac dhaqaale,wuxuuna u ku buuriyay muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay bixiyaan casnhuuraha si loola baratamo dowladaha kale ee caalamka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Maamulka Jubbaland ayaa wada dedaal uu ku doonayo inuu ku xalliyo tabashada ay qabaan shacabka ku dhaqan deegaannada gobolka Gedo. Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee bulshada ay la kulmeen. Wuxuu tilmaamay xildhibaanka in weli ay wadaan ka xog qaadashada shacabka Gedo, islamarkaana ay doonayaan iney qanciyaan cid walbo oo wax tabaneysa. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Wareysi-Shire-Coley-oo-ka-tirsan-Barlamaanka-Jubbaland-OK.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Sedax Alifle Booliis. Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed ayaa loo xiray dilka Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Booliis. Xasan Aadan Ibraahim, dilkaasi oo ka dhacay gudaha Saldhigga degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir 13-10-aaad sandkii tegay. Sedax Alifle Boliis. Cali Mahdi Maxamed ayaa loo heystaa in qoreygiisa uu kaga tagay meel cidla ah halka Tahliil oo loo diyaarinayay ciidanimo uu riday xabado sababay dhimashada Marxuum Ex Kormeera Sedaxaad Boliis. Xasan Aadan Ibraahim. Ciidamada amniga degmada ayaa isla xilligaasi ku wareejiyay labada eedeysane Hey’adda baarista Dambiyada CID. Kadib markii ay ka guteen waajibaadkooda baarista ayay u soo wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Side, waxa ayna xafiiska weydiisteen Garsoorka Maxkamadda Ciidamada in loo gudbiyo xabsiga dhexe eedeysanayaasha gar-sugo ahaan 22-ka 10-aad sanadii 2018. Baaritaan kale oo dheerad ayay sameeyeen xafiiska xeer ilaalinta, waxa ayna weydiisteen garsoorka in la muddeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah labada eedeysane. Maxkamadda Darajada koowaad ciidamada Qalabka Side ayaa muddeysay dhageysiga dacwadda 15-12 ee 2018, waxaana lagu ballamay laba cisha kadib fadhiga hore ee Maxkamadda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa maxkamadda horkeenay laba markaati, baaraha dacwadda oo si wada jir ah loo weydiiyay dhammaan su’aalo ku saabsan dilka, sawirka marxuumka iyo warqadda dhakhtarka ee muujinta dhimashada. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha ayaa ku dooday in Tahliil Cali Maxamed uu yahay qaan-gaar miir qaba sidaas darteed loo ciqaabo dambiga halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed uu dayacay qoreygiisa loogu tala galay in uu ku difaaco cadowga. Sedax Alifle Boliiska Cali Mahdi Maxamed ayaa fadhiga Maxkamadda ka sheegay in uusan ku tala galin dayac balse qadarta ay ku dhacday in Tahliil Cali Maxamed oo aan aqoon badan u laheyn qoreyga sabab u noqday geerida Marxuum Xasan Aadan Ibraahim. Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa xilligaas ku dooday in wax walba ay ku dhaceen aqoon darro sidaas darteed lagu xukumo diya gaf ah. Maxkamadda Darajada koowaad ayaa horay ugu soo kala xukuntay in Tahliil Cali Maxamed uu bixiyo Diyo boqol halaad ah oo ah magta Ex Kormeera Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xarig ah halka Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed lagu xukumay laba sano oo xarig ah. Xukunsayaasha ayaa ku qanci waayay xukunka waxa ayna rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare 31-12-2018. Markale ayaa dib loo furay galka labada eedeysane iyadoo la marinayo marinka cadaaladda, waxaana markale loo ballamay fadhiga Maxkamadda 8-bishan aynu ku jirno, waxaana shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadeynta Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed iyo Tahliil Cali Maxamed. Doodda u dhexeeysay dhinacyada dacwadda ayaa si isku mid ah fursada loo siiyay. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa si lamid ah soo bandhiga dhammaan qodobada eeddooda, waxaana sidoo kale Qareenada laba eedeysane ku doodeen in loo naxariisto. Ugu dambeyn Maxkamadda Sare ayaa ku kala xukuntay Tahliil Cali Maxamed diyo 100-halaad ah oo ah magta Marxuum Kormeer Sedaxaad Boliis Xasan Aadan Ibraahim iyo laba sano oo xabsi ciidan ah. Sedax Alifle Boliisk Cali Mahdi Maxamed ayaa isna lagu xukumay Sedax sano oo xabsi Ciidan ah. Maxkamadda Sare ayaa ah halka ugu dambeyso oo uu ula Laabto xukunsanaha hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga digay inay ansixiyaan sharciga Hanti Dhowrka Qaranka oo horyaala, kaasi oo maanta la filayo inay ansixiyaan. Ku xigeenka Koowaad ee Hanti dhowrka Qaranka Cali Abuukar Axmed ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay inuu ka digayo in baarlamaanka ansixiyaan sharciga Hanti dhowrka Qaranka. Wuxuu sheegay in sharcigaasi uu yahay mid awood uusan laheyn siinayo Hanti dhowrka Qaranka, isaga oo sheegay in Hanti Dhowrka Qaranka uu noqon doono ruux awood leh sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Wuxuu sheegay inuu ka madax banaaneynayo sharcigaasi xafiisyada golaha Fulinta, islamarkaana uu xasaanad gaar ahaaneed uu yeelan doono hanti dhowraha, taasi oo ka dhigeyso inuu ka bixi doono Shanta Kaabayaasha dhaqaalaha la isku yiraahdo. Wuxuu sidoo kale sheegay in Hanti dhowraha Qaranka uu shaqo la’aan ka dhigay shaqaalo ka tirsanaa xafiiska, kuwaasi oo muddo ka shaqeynayay Handhowrka, taasi badalkeedana uu la yimid halinyaro badan oo ay isku reer yihiin. Cali Abuukar, ku xigeenka koowaad ee xafiiska Hanti dhowrka, ayaa dhinaca kale ka hadlay shaqaalo ka tirsan Xafiiska oo looga yeeray xarunta hay’adda Dambi baarista ee CID, kuwaasi oo uu sheegay inay ka amar qaadanayeen Hanti dhowrka. Wuxuu sheegay in shaqaalaha la wareystay ee ka tirsan Xafiiska Hanti dhowrka, inay yihiin kuwii uu shaqo la’aanta ka dhigay, islamarkaana uu doonayo in dambiyo aysan laheyn lagu eedeeyo. Ugu dambeyn wuxuu madaxda ugu sareyso dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay soo fara geliyaan xiisadda ka taagan xafiiska Hanti dhowrka Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Madaxwaynaha cusub ee dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa saaka xilka kala wareegaya Madaxwaynihii hore Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisu [...] Source
  18. Waa kuma Siciid Cabdullahi Deni? Siciid Cabdullahi Deni waa ganacsasde isu rogay siyaasi. Wuxuu ku dhashay, kana dhigtay waxbarashadiisa illaa heerka koowaad ee jaamacadda magaalada Muqdisho. Ka dib wuxuu galay jaamacad ku taal Malaysia oo uu ka qaatay shahaadada heerka labaad ee jaamacadda. Ganacsiga ka sokow wuxuu ahaa qofkii ug horreeyay ee Boosaaso ka aasaasa dugsiga Imaam Nawawi. Wuxuu dawladdii Xasan Shiikh noqday wasiirka qorshaynta qaranka. 8-dii Janaayo 2019-ka wuxuu ku guulaystay in loo doorto madaxwaynihii 5aad ee Puntland. Sababihii keenay guusha Deni Guushiisa ka hor, Deni wuxuu dhextaal u ahaa kooxo iyo shakhsiyaad dhowr ah oo mid waliba dan gaar ah ka lahaa inuu ku guulaysto madaxwaynanimada Puntland. Shakhsiyaadka gacanta ugu wayn ka gaystay guushiisa waxaa ka mid ahaa madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Faroole, murashax madaxwayne Farax Cali Shire, iyo Cabdiwali Gaas. Kooxaha taageerada xoogga leh siiyayna waxaa hormuud u ahaa Aaran Jaan, Towfiiq, Saracen, Dam Jadiid, Al-Islaax, Dahabshiil, iyo Somaliland. Dhamaan kooxahaan aan kor ku xusnay waxay Deni siiyeen taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba. Waxaa la sheegay in Lacag gaaraysa 2 milyanoo doolar uu Deni uga soo qaaday Dahabshiil nin la yiraahdo Maxamuud Shiddo oo ah madaxa Aaran Jaan, isla markaana ka mid ah boardka Towfiiq, iyo kan Saracen. Waxaa kaloo la baahiyay in Somaliland ay iyana u soo dirtay hal milyan oo dollar oo kale. Sidoo kale, waxaa warbaahinta Puntland sheegtay, in dhaqaalih uu Deni ka helay kooxahaas uu u adeegsaday inuu ku gato codka xildhibaanada, iyadoo xildhibaakiiba uu siinayay 50 kun oo doolar si ay ugu codeeyo. Xildhibaankii lacag ka qaatana wuxuu marinayay dhaar adag oo isugu jirta xilo dalaaq iyo habaar. Dhallinyaradii (xildhibaanadii) loo han waynaa oo lagu hungoobay codkoodiina iibiyay Sanandka 2019-ka boqolkiiba 74 (74%) ama 49 ka mid ahh 66-ka xildhibaan ee Puntland laga soo doortay waxay ahaayeen dhallinyaro wax ku bartay jaamacado dalka gudihiisa ku yaal oo lagu tuhmayay waddaniyad, dhaqan wanaag, xalaal quudasho, iyo diin wanaag, una badanaa kuwo taabacsan kooxda Islaamiga ah ee Al-Islaax. Aad baa loogu han waynaa dhallinyaradaas oo waxaa la filayay inay Puntland ka saaraan musuqa, dhaqaale xumada, ammaan darrada, iyo horumar la’aanta. Laakiin sidii la moodayay ma noqon oo iyagii ayaaba ka darnaaday kuwii ka horreeyay oo lagu eedaynayay laaluush cunka, damiir la’anta iyo waddaniyad xumida. Haddana dadka reer Puntland waxay aad uga walaacsan yihiin mustaqbal xumo ku dhacda Puntland sababta oo ah xildhibaanadii sanadkan waxay noqdeen kuwo aan sarriig lahayn oo cid kastoo lacag u keenta ka qaadanaya. Sida lagu sheegay warbaahinta Puntland, lacagta lagu kala gadanayay codka xildhibaanda waxay u dhexaysay 30 ilaa 70 kun oo doolar. Xildhibaanaduna kuma ekaanayn hal murashax ee waxay isu marayeen 4 ilaa 5 murashax. Sidaas baana xildhibaanada qaarkood ku heleen lacag gaaraysa dhowr boqol oo kun oo dollar. Waxaase taas ka sii darnayd markii siyaadadii dib la isga soo matajiyay oo murashixiintii aan guulaysan ay ka dalbadeen xildhibaanadii aan u codayn ay u soo celiyaan lacagtoodii. xildhibaanada qaarkood suuqa dhexdiisa iyagoo maraya ayaa xabad dhafoorka laga saaray oo lagu khasbay inay lacagtii soo celiyeen. Haddba waxaa is waydiin leh, xildhibaanada noocaas ah oo iyagoo aan wali shaqo bilaabin oo indhuhu u furmin codkooda siistay lacag laaluush ah, maxaa laga filayaa inay samayn doonaan markii ay muddo sii joogaan oo shaqo bartaan? Sow ma qaadan doonaan lacagaha laaluushka ah oo la hubo in laga keeni doono waddamo shisheeye, shirkado calooshood u shaqaystayaal ah, iyo shakhsiyaad shisheeya iyo Soomaliba leh. Ma laga filayaa inay lacagaha noocaas ah diidi donaan oo ay u danayn doonaan dadka iyo dalka ay dhaarta ugu mareen inay ilaanin doonaan danihiisa si daacad ahna ugu shaqayn doonaan? Sida xaal gadaal ka noqon doono Allaa og laakiin hadda reer Puntland waxay isku raaceen in xildhibaanadaan kuwa ka liita aysan hore u soo marin Puntland Ceeb aan hore loo arag – 41 Xildhibaan oo ka maqnaa khudbadihii murashixiinta Waxaa yaab iyo amakaag noqotay in 41 xildhibaan ay ka maqnaayeen khudbadihii ay jeedinayeen 21-kii murashax ee u tartamayay madaxwaynanimada. Waxa dabadeed la soo ogaaday in xildhibaanadii maqnaa ay saf ugu jireen Dahabshiil si ay u soo qaataan lacagihii ay ku iibsadeen codkooda. Ceebta saddexaad – Sool clan oo qaddiyadoodii siistay lacag Markii tar-tanka doorashada uu soo galay Dr. Cali Ciise, Soomaali oo dhan waxaa gashay rajo ah inuu ku guulaysto doorashada maadaama uu ahaa ninka ugu bisilaa, uguna aqoon iyo khibrad badnaa raggii tartamayay. Aqoonta iyo waayo aragnimada Dr. Cali Ciise u lahaa dib u dhiska, maaraynta, iyo kocinta dhaqaalaha waxay ahayd wax si gaar ah Puntland xilligaan ugu baahnayd maadaama ay labaatankii sanoo ay dhisnayd ay ka bixi wayday musuq-maasuq, bur-bur dhaqaale, iyo takri fal hantida guud. Laakiin, in la doorto Dr. Cali Ciise iska daaye, reerkii uu ka dhashay oo lahaa 17 cod, ayaan xataa siin hal cod. Haddii uu heli lahaa codkooda, waxaa suurogal noqon lahayd inuu u soo gudbo wareegga labaad, dabadeedna uu helo jaanis uu ku guulaysto jagada madaxwaynanimada (Akhri Ma tuurnaa qabiil oo dooranaa Dr cali Ciise Cabdi). Ayaan darro, ma dhicin inuu helo codkii xildhibaanada reerkiisa. Hal cod oo ka yimid beel kale ayuu helay. Sidaas buuna Dr. Cali Ciise ku haray wareeggii kowaad, Puntlandna sidaas bay gacanta ugu gashay Aaran Jaan, seeddiyaasha Somaliland, iyo xildhibaano aan lahayn bisayl siyaasadeed, mid shaqo, mid aqoon, mid diin, mid waddaninimo, mid xishood, mid xalaal quudasho, mid aragti dheeri, iyo mid u hiilin jiilasha dambe. Xildhibaanadii dhulbahantana waxay halkaa kala hoydeen astaan ku dhegtay oo ah qaddiyad la’aan, hiil la’aan iyo laaluush qaadasho. Mudaharaadyo looga soo horjeedo Deni iyo Baqdin la qabo mustaqbal xumo ku dhacda Puntland Taariikhda Soomaaliya hore ugama dhicin in madaxwayne la soo doortay ay ku mudaharaadaan reerkii uu ka dhashay. Laakiin markii ugu horraysay waxaa dhacay 8-dii Janaayo 2019-ka oo ahayd maalintii madaxwaynaha maamulka Puntland loo doortay Siciid Cabdullahi Deni, mudaharaadyo reerkiisu uga soo horjeedaan doorashadiisa. Mudahaardyadu waxay salka ku hayeen diidmo la diiddan yahay cidda Deni siyaasad ahaan ku xiran yahay, waxa uu aamminsan yahay, cidda maal galisay doorashadiisa, iyo baqdin laga qabo siyaasaddiisa ku dhisan danta saaxiibada iyo kooxaha gaarka ah ee ay isku xiran yihiin ee ka caawiyay guusha doorashadiisa. Guusha madaxwayne Deni waxay dadka reer Puntland ku abuurtay wel-wel, walaac, iyo baqdin laga qabo colaado iyo cawaaqib xumo dhaqaale oo soo fool saarta Puntland. Waxaa la saadaalinayaa in bur-bur dhaqaale yimaado, shilling Soomaaligu sii qiimo beelo, warshaddii lacagta ee Gaas sii shaqayso, dawladda Denina gacan saar dhow la yeelato maamul goboleedyada si loo wiiqo awoodda dawaldda dhexe. Xiriirka shirkadda Towfiiq iyo Deni – Yaa leh shirkadda Towfiiq? Shirkadda Towfiiq waxaa iska leh ganacsato badankoodu ka tirsan yihiin ururka Isaamiga ah ee Al-Islaax oo uu Deni laftiisu ka mid yahay. Towfiiq waa shirkaddii Deni u dirtay Malaysia oo ka bixisay waxbarashadii heerka labaad ee jaamacadda (Master degree). Waana halkii uu ka shaqo bilaabay markii uu waxbarashadii soo dhamaystay oo dib ugu soo laabtay Puntland. Deni wuxuu Towfiiq ka noqday maamulaha shirkadda, halkaas oo uu khidmad (commission) wanaagsan ka qaadan jiray, sidaasna uu lacag badan ku sameeyay. Sidaa awgeed, waxaa aad loo saadaalinayaa in shirkadda Towfiiq ay aad uga faa’idi doonto maalgalintii murashaxnimadii Deni. Xiriirka ka dhexeeya Aaran Jaan, Saracen international, iyo Deni Aaran Jaan waa ganacsato lagu tilmaamo inay yihiin kuwo aan waxna u aaba yeelin (corrupt and immoral). Ragg ku jira boardka Aaran Jaan baa sidoo kale qaar ka mid ah ay ku jiraan boardka Saracen (why is Saracen in Puntland), iyo kan Towfiiq. Ragga ugu magac dheer kooxdaan waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxaman Faroole, wasiirkii Faroole ee maaliyadda, Farax Cali Shire oo 2019-ka u tartamayay madaxwaynanimada, iyo Deni oo ah madaxwaynaha la doortay 2019-ka TV-yada baynu ka wada daawanaynay markii Farax Calis Shire ku haray wareeggii labaad in isaga iyo Faroole ay ku heshiiyeen in xildhibaanadii u codeeyay Farax Cali Shire lagu wareejiyo Deni. Hadafka koowaad ee kooxda Aaran Jaan waxa weeye sidii ay lacag u samayn lahaayeen, iyadoo aan loo aabo yeelayn qaabka loo samaynayo, iyo cidda laga samaynayo, iyo sida ay sharciga u waafaqsan tahay samaynta lacagtaas. Kooxdaan waa isla kooxdii haraysay oo gacanta ku haysay dawladdii Faroole. Haddaba maadaama Deni lagu tilmaamo inuu yahay nin jilicsan oo hadba dhankii la rabo loo jeedin karo, waxaa la saadaalinayaa in kooxdaani saamayn wayn ku yeelato maamulkiisa, danahoodana si buuxda uga fushan doonaan. Yay faa’ida u tahay doorashada Deni Shaki la’aan, doorashada Deni waxaa ka faa’idi doona Aaran Jaan, Towfiiq, Saracen, iyo kooxaha kale ee gacan saarka ay isla leeyihiin. Waxaa la filayaa in kooxahaan heli doonaan qandaraasyada dawladda Puntland ay bixin doonto, isla markaana ay gebi ahaanba gacanta ku dhigi doonaan ilaha dhaqaalaha Puntland, la talinta iyo u dhowaanshaha maamulka Deni. Waxaa kaloo faa’ido ku qabi doona doorashada Deni, Imaaraatka, Dam Jadiid, Dahabshiil, Somaliland, iyo maamul goboleedyada oo kulligood taageero hiil iyo hooba leh siiyay doorashadiisii. Doorashada Deni waxay dhabar jab ku noqon kartaa dadaadallada dawladda dhexe waddo, dadka jecel midnimada iyo horumarka Soomaaliya, iyo dadka reer Puntland ee filayay in la doorto madaxwayne ka wanaagsan Cabdiwali Gaas. Sidee loo jebiyay murashax Engineer Jebiye Engineer Jebiye waxaa qabsaday dhowr arrimood oo sababay inuu guulaysan waayo: Kala daadsanaan iyo maamul xumo ka jirtay campaign-kiisa Kalsooni uu ku qabay inuu isagu guulaysan doono. Xildhibaannadii lacagta ka qaatay oo ballantii uga baxay maadaama uusan dhaar adag marsiin Sidee looga adkaaday Cali Xaaji iyo Dr. Cali Ciise Inkasta oo labo Cali aysan laaluush bixin haddana xildhibaano badan bay ka haysteen kalsooni ah inay u codayn doonaan. Hase yeeshee isla xildhibaanadii ballanta la galay ayaa lacag ka soo qaatay murashixiin kale oo laaluush bixinaysay, dabadeena waxaa khasab noqtay inay ballantii uga baxaan labo Cali oo u codeeyaan kuwii ay lacagta ka soo qaateen. Sidee looga adkaaday Gen. Asad General Asad guushu isha baalkeeda aayy u soo martay. Mar haddii labo qof aysan halkii jago ee loo tar-tamayay ku wada guulaysan karin, nasiibkii wuxuu noqday inuu isagu haro, Denina guulaysto. Waxaase jirta hal wax oo la hub. Xildhibaankii Generalka lacagta ka cunay laakin aan u codayn ma joogi doono Garowe haddii aysan iska soo celin lacagtiisii. Dhanka kale, Generalk Asad waxba kama hallaabin waayo tijaabadii kowaadna meel fiican buu soo gaaray, toban sano ka dibna haddii uu sii noolaado, caafimaadna qabo, wuxuu isa sharrixi kari doonaa isagoo shuruudii da’da saxda ah soo buuxiyay. Xiriir noocee ah baa dhex mari kara Deni iyo Dawladda dhexe Haddii Madaxwayne Deni uu sii wado abaabulkii Cabdiwali Gaas ee ahaa in maamul goboleedyadu isu kaashadaan si ka dhan ah dawladda dhexe, waxaa sii socon doona carqaladda hadda dhex taal dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Taasina waxay keeni doontaa inuu dibu dhac ku yimaado ama la gaari waayo horumar badan oo la hiigsanayay iyo rajo badanoo wanaagsan oo laga qabay in Soomaaliya u dhisanto dawlad ka shaqaysa danta dadka iyo dalka. Maxaa xal u noqon kara oday dhaqameedyada iyo xildhibaanada laaluuska qaata Sida keliya ee looga bixi karo dhibaatada oday dhaqameedyada iyo xildhibaanada laaluuska qaata waxa weeye. in bulshada lagu wacyi galiyo in laga guuro nidaamka oday dhaqamdeedyada. in la hirgaliyo nidaamka qof-iyo-cod oo dadku toos u doortan madaxdooda. in la sameeyo sharciyo xaddidaya fara gelinta shirkadaha xawaaladaha iyo isgaarsiinta. Tusaale ahaan, Shirkadda Dahabshiil waxaa caado u ah inay 500 oo kun ilaa 1 milyan oo doolar ay sooryo ahaan ugu keento hadba ninkii ku guulaysta Puntland. Oday dhaqameedyada hadda jira way lumiyeen dhaqankii, xeerkii, iyo anshixii wanaagsanaa ee lagu yiqiin raggii hore. Haddii aan laga gudbin nidaamka ah inay umadda u taliyaan odayaal aan aqoon diineed iyo mid maaddi ah midna lahayn, xalaal iyo xaaraan aan kala jeclayn, cadaalad samaynayn, Alle ka baqayn, waddaniyad lahayn, waxaan halis loogu jiraa inaan halaag ku dhacno. Dhibaatada oday dhaqameedyada oo biirsatay tan xildhibaana dhallinta yar oo labadiiba ay dadkoodii iyo dalkoodii siisanayaan lacag yar oo maalmo ama bilo gudahood ku dhamaanaysa, waa labo musiibo oo aan laga kici karin haddii aan si deg deg ah wax looga qaban. Gaba-gabo War iyo dhamaanti, qofba si buu u arkaa guusha iyo cidda heshay. Indhow garadka qabiiliga ah wuxuu u arkaa in shanta sano ee soo socota guul u soo hoyatay Deni, Cisman Maxamud, Maxamud Saleeban, Aaran Jaan, Faroole, iyo Faarax Cali Shire, iwm. Anna waxay ila tahay wax badan baa nin la fududaysanay raad reebya oo ka tagay taariikh wanaagsan oo dhaxal gal ah ee yaan lagu deg-degin in baal madow la geliyo Deni. Allaha ka dhigo kii bed-baadiya dadka iyo dalka Soomaaliya W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Shacabka u gudbiyay Xeerka Maamul ee Xulida Guddiga Agaasinka Bankiga Dhexe oo Golaha Wasiirada wadar ogol ku ansixiyeen. Xeerkan ayaa wax ka bedelaya sharciga Bangiga Dhexe, gaar ahaana qodobka 130 aad, Waxaana la doonaaa in dib u eegis lagu sameynayo qodobkaasi. Golaha wasiirada ayaa si KMG ah wadar ogol ku ansixiyay sharcigaan, waxaana la doonayaa in golaha shacabka ay meel mariyaan, haddii baarlamaanka ay wax kabadalaan kadibna ansixiyaan ayaa waxay ka dhignaan doontaa in ruux ajnabi ah uu qaban karo xilka guddoonka Bangiga Dhexe.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan heleyno ayaa sheegaya in dhawaan la filayo in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan Xildhibaan Maxamed Yuusuf Xaaji oo ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunow. Caasimada Online ayaa ogaatay in xubnahan ay imaan doonaan magaalada Muqdisho, iyaga oo madaxda dowladda Soomaaliya la filayo inay kulamo kala duwan la qaataan. Sida wararka aan ku heleyno xubnahaan ayaa ujeedadooda tahay inay madaxda dowladda Soomaaliya ay kala hadlaan arimo la xiriira madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Waxaa qorshaha uu yahay inay madaxda dalka kala hadlaan ama ku qanciyaan in waqti kordhin loo sameeyo Axmed Madoobe, oo bilooyin kooban ay kaga harsan yihiin doorashada Jubbaland. Masuuliyiinta Kenya ayaa doonaya in heshiis iyo isfaham ay dhex dhigaan madaxweyne Axmed Madoobe iyo madaxda dowladda Soomaaliya, Maadaama Axmed Madobe uu yahay madaxweynaha kaliya ee kasoo haray golihii iskaashiga dowlad goboleedyada. Nuuradiin Haji oo ah Agaasime Kuxigeenka Sirdoonka Kenya islamarkaana uu dhalay Yuusuf Haji Wasiirkii Hore Difaaca Kenya ayaa Wargayska The star u sheegey in Jubbaland Kenya u samaysay sidii ay ugu ilaalsan lahayd Xaduudkeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Xubin sare oo katirsan qoyska xukuma Sacuudiga ayaa kasoo horjeestay in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan Suuriya. Amiir Turki al-Faisal ayaa ka hadlay dilkii Jamaal Khashoggi iyo xiriirka Sacuudiga iyo Maraykanka. Xubin sare oo katirsan qoyska xukuma Sacuudiga ayaa kasoo horjeestay in ciidamada Maraykanku ay ka baxaan Suuriya. Amiir Turki al-Faisal ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadani ay yeelan doonto saamayn taban, taas oo uu sheegay in ay fursad siin doonto Iran, Ruushka iyo xukunka Madaxweyne Bashar al-Assad. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay bishii December in la gaaray xilligii ciidamada Maraykanka ee ku sugan Suuriya ay dalkooda kusoo laaban lahaayeen. Amiir Faisal ayaa hadalkan jeediyey in yar uun kahor markii Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Mike Pompeo uu socdaal ku tagay Riyadh. Mr Pompeo oo wadahadallo u jooga Riyadh. Mr Pompeo ayaa socdaal kumaraya Bariga Dhexe, wuxuuna goor horeba booqday dalalka Ciraaq, Urdun, Masar iyo Bahrain. Waxa uu sheegay in bulshada caalamka ay ceeb kutahay in ay dhabarka u jeediyaan shacab Suuriya iyo in ka bixitaanka ciidamada Maraykanka ay xaaladda uga sii darayso. Amiirka ayaa intaas ku daray in iscasilaaddii wasiirkii difaaca Maraykanka James Mattis ee bishii December ay ayduna tahay mid xaaladda uga sii daraysa. Amiirku ma ahan xubin katirsan xukuumadda Sacuudiga, hase ahaatee wuxuu ku dhex leeyahay waayo aragnimo gaaraysa tobonaan sano. Madaxweyne Trump ayaa bishii hore ku dhawaaqay in ciidamadiisa uu kala bixi doona Suuriya Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warramaysa in la filayo in wasiirku uu dalalkaas kala xaajoon doono arrinta Iran, loollanka ka taagan Yemen iyo Suuriya, iyo in uu sidoo kale doonayo in uu wax ka ogaado halka uu marayo baadhitaanka la xiriira dilkii Wariye Jamal Khashoggi. Qaran News
  22. Duq magaalo oo isagoo masrax saaran oo khudbeeyay mindi la galiyay+Sawirro Duqa magaalada Gdansk ee dalkaasi Poland ayaa xalay mindi la galiyay kadib markii uu soo weeraray nin ku hubeysan toorey xilli uu khudbad ka jeediyay isu-soobax magaaladaasi ka dhacay. Adamowicz oo duqan lagu magacaabo ayaa laga arkayaa muuqaalo laga duubay isago oo masrax taagan oo mindida dhowr jeer la galinayo, dabadeedna uu ruuxa falkaasi geystay oo ahaa nin uu mindida masraxa la wareegaya dabadeedna xoog kula hadlaya dadweynaha. Madaxweynaha dalkaasi Poland Andrzej Duda, ayaa warbaahinta u sheegay in duqa magaalada Gdansk uu wali nool yahay islamarkaana ay takhaatiirtu la tacaaleyso dhaawiciisa culus. Adamowicz oo 53-jir ah ayaa magaalada Gdansk ka ahaa duq magaalo mudo 20 sano ah, waxaana uu ahaa nin aad looga yaqaano magaaladaasi iyo dalka intiisa kaleba. Nin 27 jir ah ayaa loo qabtay oo ka dambeeyay falkaasi, waxaana uu sheegay xilli uu xoog kula hadlayay dadweynaha in si khaldan xabsi ay u dhigeen xukuumaddii hore ee uu qeybta ka ahaa Adamowics. Halkan ka daawo Muqaalka sidii Mindida loo geliyey:- A man holding a knife shouts on the stage just after Gdansk’s Mayor Pawel Adamowicz was stabbed during an open-air 27th Grand Finale of the Great Orchestra of Christmas Charity in Gdansk, Poland January 13, 2019. KFP/Anna Rezulak via REUTERS ATTENTION EDITORS – THIS IMAGE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. POLAND OUT. Qaran News
  23. Kismaayo (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu taageero ugu muujiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo dadaalka uu wado ee ka dhanka ah Al Shabaab. Axmed Madoobe ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday abaabulka ciidamada loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab, kuwaasi oo la filayo in dhawaan ay weerar ku qaadaan xarumaha Al Shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka. “Waxaan bogaadinayaa hawlgalka ay hoggaanka iyo shacabka Dowlad Goboleedka Jubbaland ugu istaageen xoraynta deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab. Waxaan ugu baaqayaa Dawladda Federaalka in ay gacan ku siiso maamulka Jubbaland hawlgalada Al-Shabaab looga saarayo deegannadaas”. Dhinaca kale Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa sheegay inuu ka digayo abaabul madaxtooyada Soomaaliya ay wado oo lagu wiiqayo dagaal dib loogu xoreynayo goobaha ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka. “Waxaan kula talinayaa hoggaanka sare ee dawladda, gaar ahaan Madaxtooyada in ay ka waantowdo abaabulka gurracan ee ay ka wado Muqdisho, Gedo iyo Nairobi ee lagu wiiqayo hawlgalka dib u xoraynta. Tillaabooyinkaasi waxay shaki gelinayaan daacadnimada dawlada ee la dagalaanka Shabaab”. AL Shabaab ayaa ku sugan gobolka jubbada Dhexe waxaana hadda socda abaabulka dagaal ka dhan Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com