Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,258
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka. 163-xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan. Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka. The post BFS Oo ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-14012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Waxaa goordhow soo dhamaaday kulankii xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa meel mariyay ama Ogolaadey Xeer maamulka Xulida Guddiga Agaasinka Bank dhexe Soomaaliya. Waxa Ogolaatay 158 Xildhibaan ooa kamid ahaa xildhibaanadii goobta ku sugnaa. Waxaa diiday 27 Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya mana jirin cid ka aamustay. Sharcigaan ayaa u ogolaanayo in shaqsi ajnabi ah uu maamuli karo Bankiga dhexe ee Soomaaliya. Xukuumada ayaa u muuqaneeysay in Baarlamaanka ay ku cadaadineeysay ansixinta xeerkaan. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in shaqsi u dhashay Ingiriiska loo magacaabayo Agaasimaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo bishii qaadanaya 60,0000(Lixdan -kun dollar). Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada Baarlamaanka oo meel mariyay wax ka badalka Agaasinka Bankiga Dhexe appeared first on Puntland Post.
  4. Marka Aad Xiqiiqada Ku Dhawaatidba Ileen Lama wada Ogaan Karee Waxaa Kugu Dhacaaya Murugo Iyo Niyad Jab Badan, Waa Halka Qofka Iyo Bulshadu Ku Kala Fogaadaan Garasho Ahaan …. Sheeko-faneedkii Ugu Badnayd Ee Qaarada Yurub Ka Soo Bixi Jiray Qarniyadii 17aad Ilaa Laga Soo Gaadhayay Qarnigii 20aad Bilawgiisii Waxay Si Xeerdheer Uga Sheekayn Jirtay CUDURADA BULSHADA Ka Dhasha Qoraayada Waaweyn Ee Jeclaa Waxa Ka Mid Ah Destyvosky, Victor Hugo, Dickens, Moliere, Henrick Ibsen, Leo Tolosty,Goethe.. Bulshada Soomaalidu Waxay Ka Timid Miyi Ilaa Magaalo Waa Booditaan Weyn Iyadoon Lahayn Dhaqan Isdhexgal, Wada Noolaansho, Naxariis Bulshada Dhexdeeda Ah, Dan Guud oo Laga Shaqeeyo, Wadaag Dawladnimo, Ileen Qiyamka “Values” Qofku Sito Ayaa Lagu Meel Maraa !!! Sheekadan Waxay Ku Dhacday Muwaadin Hantiile Ah Oo Dalka Degan Wuxuu Ilaahay Qadaray In Gabadh Oo Dhalay Ay Shil Baabuur Gashay Dabadeed La Xidho Wuxuu Soo Arkay Nolosha Maxaabiistu Ku Noolyihiin Iyo Sida Loola Dhaqmo Iyo Daryeel La,aanta Haysata Bilayska Iyo Maxbuuska Muu Seexan 5 Habeen Oo Cuqaashu Heshiinaysay Gabadhiisuna Xidhnayd “Dhaqan Ayaa Ka Heshiiyay” Ninkii Wuxuu Damcay Inuu Ku Tabaruco Makhsino Badan In Loo Dhiso Dumarka Iyo Qalabaytoodii Dabadeed Nin Indheer Garad Ah Oo Aanu Saaxiib Nahay Ayaa Ku Yidhi Dawladu Uma Baahna In Wax Loo Dhiso Waxay Kaaga Baahan Tahay Inaad CASHUURAHA KUGU WAAJIBAY SI FIICAN U BIXISID Si Loogu Helo Daryeel Askariga Iyo Maxbuuska iyo Jeelashaba Adna Ubadkaagu Helaan Hadii Ay Dhacdo Jeel Ixtiraama Xaquuqdooda Qofnimo Muwaadin Dhibta Iyo Dulmiga Is Huursan Ee Dhexyaal Bulshada Casriga Ah Lama Koobi Karo , Qofku Wuxuu Dareemaa Dhibta Keligii Soo Gaadha Balse Ma Leh Shucuur Ku Garan Karo Ta Haysata Dadka Oo Dhan Waxaa Iigu Yaab Badan Marka Qof Laamaha Bilaysku Xidhatay La Yidhaa Xukuumada Ayaa Xidhay Jahli Ayaa Halkaa Ka Muuqda !!! Bulshadu Ilaa Ay Iibsato Cilmiga Lagu Baran Lahaa Dawlanimada Sida Heesahaba Loo Iibsado Oo Kale Weligeed Ilbixi Mayso Sharcina Sarayn Maayo. Maxamed Xoosh mxoosh09@gmail.com Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyey is-beddel lagu sameeyey xeerka bankiga dhexe ee Soomaaliya. Is-beddelkan ayaa waxaa ogolaaday 158 ka mid ah xildhibaanada, ayada oo ay diideen kaliya 17, mana jirin cid ka aamustay. Xeerka Bankiga Dhexe, ayaa dhigayey in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Waxaa hadda albaabka ay tani u furaysaa in qof ajnabi ah xilkan loo dhiibi karo. Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan lambarkiisa 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe. Xeerkaan ayaa waxaa ka dhashay buuq badan, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay sheegeen in dalka la doonaayo in maamulkiisa loo dhiibo Ajnabi xilli ay jooggaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka. Xildhibaannada ayaa u codeeyey sidan: 163 xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan. Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka. Sharcigan ayaa ah mid ka mid ah laba sharci oo maanta hor-yaalla baarlamanak Soomaaliya, ayada oo sharciga labaad uu yahay mid wax looga beddelayo xeerka Bankiga Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. One suspect, who was caught on a CCTV camera and accused of being involved in the Westgate terror attack, has been freed by a Milimani court. The man was captured by surveillance cameras in a bank allegedly paying for the car that was used in the assault on the mall. Trial magistrate Francis Andayi stated that according to evidence presented in court, Adan Dheq wasn’t involved in the 2013 attack. Three of his other co-accused were, however, found with a case to answer. Ahmed Abdi, Liban Omar, and Hussein Mustafa will be expected back in court on January 21 when the case will be mentioned. The attack carried out on September 21, 2013, in the upscale Nairobi mall left 67 dead and several others wounded. Their trial started in 2014 over the mall siege that was claimed by the Somalia-based terror group Al-Shabaab. In December 2018, the Director of Public Prosecutions Noordin Haji narrated his rough experience during the siege. Haji was then a director at the National Intelligence Service (NIS) in charge of counter-terrorism measures and had visited the mall to purchase gifts for his colleagues. The gifted intelligence officer was fearful of his life because he thought he was a target. His cover as a spy had been blown after appearing in a KTN documentary just a few weeks prior to the invasion of the mall. The post Kenyan Court Frees Westage attack Attack Suspect appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash, ayaa maanta si rasmi xilkoodii ugala wareegay madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiweli [...] Source
  9. Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka. Xildhibaannada ayaa u codeeyey sidan: 163 xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan. Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. The lawmakers of the federal parliament debated on the amendment of the central bank and auditor general bills on Monday. The lawmakers are expected to put on a vote for the bills in question after their discussion. The significant session was delayed from Saturday last week following a lack of a quorum because many legislators were absent. Today’s session comes at a time when the recruitment process of the central bank is in the final stage. The post Somali MPs debate amendment of central bank appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka. Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan . 163 xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan. Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaanada BF oo ansixiyay wax ka badal xeerka Hanti dhowrka qaranka appeared first on Puntland Post.
  12. Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaa Goobjoog News uga warammay dhacdo ugub ku ah baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka kadib markii wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle uu block saaray ama iska xannibay xiriirka mas’uul ka tirsan mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah. Aadan Aw Xersi ayaa dhacdadaasi kadib waxaa uu bartiisa Twitterka ku soo qoray ” Waa wasiir maaliyadeed noocee ah midka muwaadin u xanibaya faallo yar uu bixiyey?” Haddaba, Goobjoog News waxaa ay Aw Xersi weydiisay sababta uu wasiir Beyle isaga xannibay xiriirkiisa, isaga oo arrintaasi ka jawaabayana waxaa uu yiri ” Aniga su’aal ayaan weydiiyey, ka muwaadin ahaan inuu iiga jawaabo ayey aheyd ee inuu block i saaro, waxaa ay muujineysaa dulqaad la’aantiisa”, isaga oo intaasi raaciyey “Sax ilama ahan in su’aal block loogu jawaabo, muwaadinka in loo jawaabo xaq ayuu u leeyahay”. Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xersi ayaan sidoo kale weydiiney su’aasha uu wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ka carooday, keentana in uu block saaro ama xannibo xiriirkooda barta Twitterka? “Su’aashu waxaa ay aheyd, Laaluush miyaa ku jira qoondooyinka miisaaniyadda dowladda?” Maxaa ula jeeday hadalkaas markii aan dhahnay waxaa uu yiri “Laaluush in la bixiyo oo ay dowladda federalk ah bixiso waa muuqaa, ee su’aasheyda waa: Laaluushku ma wax qoondada miisaaniyadda ugu jiraa dowladda federaalka ah mise meel kale ayaa laga helaa?”. Dhinaca kale, Goobjoog News waxaa ay iskudey xiriir la sameysay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, laakin nooma suurogelin. Waxaa istaagsan xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah, inkasta oo xilligaasi kadib ay isbadal ka dhaceen labo maamul hadana ma jirto wax isu soo dhowaanshiyo ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Guddooonka Baarlamaanka Puntland Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay ajandaha ay ku shaqeyn doonaan kalfadhiga 43-aad, kaas oo ka kooban dhowr qodob. Ajandaha ay ansixiyeen Baarlamaanka Puntland waxaa ku jira in Golaha Xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweyne Deni loo ansixin doono mid-mid, iyadoo horey loo ansixin jiray si wadar ah. Xeerkan ayaa laga yaabaa in uu keeno in qaar kamid ah Golaha Xukuumadda ee la soo dhisi doono ay kalsooni ka heli waayaan Baarlamaanka Puntland. Sidoo kale ajandaha ay maanta ansixiyeen Baarlamaanka Puntland waxaa kamid ah ansixinta miisaaniyadda sanadkan 2018, si ku meel gaar ah muddo saddex bilood ah inta laga soo gudbinayo miisaaniyadda 2019, ansixinta barnaamij siyaasadeedka Xukuumadda cusub iyo xaalada amniga. Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan la horkeeni doonaa Xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo Xukuumadda cusub u ansixin doona mid-mid appeared first on Puntland Post.
  14. 18-December 2018-Waxaa garoonka Aadan Cadde ee caasimada Muqdisho kasoo dagay wafdiga kooxda Som United oo ah koox Soomaaliyeed oo ka diiwaan gashan horyaalka heerka afaarad ee dalka Sweden u jadeeda socdaalkooda waxa uu ahaa is-dhaxgal bulsho iyo ciyaar saaxiibtinimo iyo in ay ogaadaan is badalka ka jira wadankooda hooyo ee Soomaaliya. 22-December 2018-Wiilasha Som United ayaa caasimada ku dheelay kulankoodii kowaad ee ciyaaraha saaxiibtinimo ee loo qorsheeyay waxayna ciyaaro xiiso badan la yeesheyn kooxda Muqdisho United oo ka mid ah kooxaha u diiwaan gashan xiriirka kubbadda cagta labada dhinac ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan farsamo oo aad usoo jiidatay taageerayaashii kasoo qeyb galay. 24-December 2018-Kooxda Som United ayaa kulankii 2-aad garoonka Banaadir ee degmada Cabdi Casiis kulan xiiso badan kula ciyaaray wiilasha Madbacada Qarankka waxaana kulankaas natiijo 3-1 ku adkaatay xidigaha Som United,qaar ka mid ah ciyaartooyda Madbacada Qaranka ayaa inoo sheegay in kooxda Som United lag helo karo xirfadlayaal tira badan oo kaabi kara mustaqbalka safka xulka qaranka dalka. 26-December 2018-Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan is barasho iyo xog wareesi la yeeshay wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda Som United,Khayre ayaa dhageestay fikirka dhalinyarada ku koray qurbaha ee ku aadan horomarinta wadanka wuxuuna si guud mahad celin ugu diray dhamaan kooxihii qurbajoogta ee sanadkii tagay 2018 dalka u yimid ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is dhaxgalka. 27-December 2018-Kooxaha kubbadda cagta L.L.P Jeenyo iyo Som United ayaa wada dheelay kulan ciyaareed tariikha ah oo aysan labada dhinac iloobi doonin sababtoo ah Bashiir Jeenyo oo ahaa madaxdii wafdiga kooxda Som United ayaa waxa uu ka mid ahaa xidigihii ugu caansanaa ee soo maray L.L.P,isagoo door wacan ka ciyaaray sanadii 2012 in dib loo soo celiyo Jeenyo ciyaarta markii ay dhamaatay labada dhinac ayaa wada galay sawirro xasuus oo ay qeyb ka ahaayeen xidigihii kubbadda kolayga iyo kubbadda cagta ee soo maray Jeenyo. Marka laga soo tago ciyaarihii saaxiibtinimo ay caasimada ku dheeleen xidigaha kooxda Som United iyo kulamadii ay la yeesheen qaarka mid ah madaxda dowlada waxa ay booqasho iyo dalxiis ku qaateen xeebta Liido ee degmada C/Casiis waxaa ii suura gashay in aan xeebta labaad waraysiyo kula yeesho macalimiinta iyo ciyaartooyda,iyagoo sharaxaad ka bixiyay farqiga u dhaxeeya xeebta dalkooda iyo wadamada kale ee caalamka. 28-December 2018-Wasiirka amniga Dowladda Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo xilidhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ayaa kulan is barasho la qaatay kooxda Som United,mas’uuliyeenta dowladda ka socotay ayaa xog wareestay dhalinyarada,iyagoo waydiiyay waxa ka jira wadanka iyo wixii ay ka arkeyn baraha bulshada inta aysan soo caga dhiganin. 29-December 2018-kulankii u danbeeyay ee ciyaaraha saaxiibtinimo kooxda Som United waxa ay la dheeleen xidigaha Muqdisho City Club oo iyagana kolkii kowaad ku ciyaaray magaca caasimada ama dowaladda hoose ee xamar tan iyo markii ay la wareegeen maamulka Gobolka Banaadir 25-November 2018 garoonka waxaa ciyaartaas usoo xaadiray mas’uuliyeen ka socotay maamulka Gobolka Banaadir,iyagoo mahad celiyay wiilasha Som United qaabka wanaagsan ay isku soo abaabuleen iyo wacdarihii ay soo bandhigeen kulamadii ay ciyaareen. 30-December 2018-Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (EngYariisow) ayaa kulan sagootin ah caasimada ugu sameeyay wafdiga Som United waxaana madashaa kasoo qeyb galay mas’uuliyeen ka socotay dowladda,gudoomiyaasha degmiooyinka Gobolka Banaadir dadkii kasoo qeyb galay munaasabada ayaa mastaqbal wanaagsan u rajeeyay xidigaha kooxda Som United,iyagoo kula dardaarmay in sanadaha soo aadan laga sugayo dhamaan gobolada Soomaaliya. 30-December 2018-Wafdiga ciyaartooyda iyo macalimiinta kooxda Som United ayaa ka ama baxay caasimada Muqdisho,iyagoo ku laabtay dalka Sweden inta aysan ka duuulan garoonka aadan cadde ayaa waxaa inoo waramay qaar ka tirsan ciyaartooyda,iyagoo inoo sheegay in dalka ay ka tagayaa iyagoo aad u jecel. Halkan Ka Daawo Booqashada Kooxda Som United Ee Soomaaliya 2018 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Email-qalinle39@gmail.com Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Awmaxamed Dani ayaa maanta oo isniin ah 14/1,2019 ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay. Madaxweynaha ayaa durba maanta wuxuu [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiib sharci daro ah ay ka kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya. Cabdullaahi Bidhaan Warsame, wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta ka kaluumeysto xeebaha Soomaaliya ay qaarkood ka socdaan dalalka deriska la ah Soomaaliya. Wasiir Bidhaan, ayaa sheegay in maraakiibtaasi aysan heysan sharci ay kaga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in arintaasi ay saameyn weyn ku yeelan doonto kaluumeysatada Soomaalida. Inka badan 300 maraakiib ayuu sheegay inay si sharci daro ah kaga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in maraakiibtaasi aan loogu dulqaadan doonin howlaha ay ka wadaan xeebaha. Dhinaca kale wuxuu sheegay in hadal heyn badan ay ka dhalatay ruqsad ay siiyaan maraakiib laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaasi oo uu sheegay inay heystaan fursad ay kaga kaluumeysan karaan xeebaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Afmadow ( Sh. M. Network )-Sarreeye Guuto Aadan Maxamuud Ibraahim (Koojaar) Taliyaha Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland ayaa maanta taliye cusub u magacabay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Wareegto ka soo baxday taliye Koojaar ayaa waxaa taliyaha amniga ee degmadaasi loogu magacaabay G/ Dhexe Siyaad Macalin Bashiir. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Jubbaland Oo taliye cusub u magacawday Afmadow appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Tuug waa is-qariyaa, Halka uu ka xado tulud, Tahan buu ka guuraa, Toddobaadkan Xaajow, Mid tiriig sitaa yimid, Ibraahim Gadhle Qofku markuu fashilmo waxaa u furan waddo ee aan u tilmaano wadadaasi Wasiir Guribarwaqo Mudane wasiir waxaan kugu Dhiirigelinayaa inaad Xilka Dhiibto oo aad Umadda ka xishoooto kaama sugayno maanta xilgudasho waayo si foolxun ayaad u fashilantay weliba waxaad ku dartay Inaad la goletimaado Sanadka labo ayaa la kala noqonayaa oo qofkii naga horyimaada waa Somaliland Diid Miyaadan ogeyn Wasiir in la gubayo Buugaagii Faca iyo Jiilka soo socda si aanay Dhaqan xumada ku qoran u arag Wasaaradii laguu dhiibay meel ku sheeg Wasaaradii Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Meeday xagay ku danbaysay Tvga Qaranka Qaybtii gudaha ayaa Todobadkii hore fadhiisatay Idaacaddii ayeynu Ognahay Xaalkeeda Dhaqanki adaaba dilay oo isna waad ogtahay Wasiir Wacyigelin Warkeedabada Daa Bi’i Waaye Wasiirkii Hanuuninta ayaad tahaye markaasaada leedahay “Sannadkan cusub, waxaa loo kala baxayaa Somalilander iyo Somaliland diid. Markaa ninkii aan Somaliland Hunguri ka qabin ama aan ku kalsoonaynoow, Xamar way kuu bannaan tahay. ” Saw Guuldaradaada Hadalkaagu inooguma filna Kan danbe soo geli wll Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Shaaciyey Inuu Xisbiga KULMIYE Dooraasho Diid Yahay Iyo Arrimo Kale Oo Xasaasiya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Barnaamijka Baadi-Goob oo ah Barnaaji inta badan lagu fallan-qeeyo xaaladda dalka iyo xukumaddda tallada KULMIYE ayaa qaybtan waxaa lagu eegayaa sida xukumadda Muuse Biixi u maamushay saami-qaybsiga Kuraasta Masuuliyiinta Dalka iyo arrimo kale, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Boosaaso)-Askari ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay ku qarxday miino dhuka lagu aasay xili ay hawlgal socod ah ku marayeen Toga Bali-khadar oo cirifka ku haya Buuralayda Galgala. Dhaawaca iyo askariga dhintay maydkiisa ayaa la keenay Cisbitaalka Magaalada Boosaaso. Dhinaca kale, gaari safar ah oo ka tagay magaalada Boosaaso, kuna socday dhulka ka baaxsan laamiga Gobolka Bari ayaa koox hubaysani weerar ku qaaday salaaddi maqrib ka dib, xili uu marayey dalcadaha meerka oo magaalada Boosaso u jirta 55KM,. Dhaawacyo iyo dhimasho ayaa ka dhashay weerkaas dadka shacabka ah loo gaystay sida wararku sheegayaan, inkasta oo aan tirakoob dhab ah laga hayn, waxaase dadka deegaanku ay VOA u xaqiijiyeen in dadka qaar ka mid ah oo baxsad ah ay arkeen. Maamulka Puntland ayaanan weli wax war ah ka soo asaarin dhacdooyinkaan ay saacaduhu u dhexeeyeen. Source
  22. Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Dani iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta oo isniin ah si rasmi ah xilalkooda ula wareegaya. Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe waxaa ka socota munaasabad ballaaran oo ay mas’uuliyiintan xilalka kula wareegayaan iyadoo aad loo adkeeyey amniga guud ee magaalada Garoowe. Waxaa la filayaa in madaxdii hore ee Puntland ay halkaasi khudbado ka jeediyaan munaasabaddan, islamarkaana ka hadlaan wixii ay qabteen Shantii Sano ee lasoo dhaafay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-CAWIL-CALI.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com