Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,271
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Ceerigaabo)-Maxkamadda gobolka Sanaag ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin hore Magaalada Ceerigaabo ugu dilay Aabihii, halkan hoose ka DAAWO warkan Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa taageeray in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya loo dhiibo qof ajanbi ah, xilli maanta la ansixiyay xeer ogolaanaya. Jeesow waxa uu sheegay in Bankgiga Dhexe ee Soomaaliya mudo hoggaankiisa lagu soo xulayay hab beeleed, taasina uu sheegay inay dhibaato dalka ku tahay. “Bankigena waxaa maamula 4.5 wax la yiraahdo, Alle ayaa idinku dhaarshaye ilaa baarlamaankii 8-aad waxaa lagu soo xulayay 4.5, qofka dhahaya muwaadinimo iyo dal aan ka damqanaa, ayaa ku leh ajaanib ayaa loo dhiibayaa, dekadeena yaa lacag nooga uruuriya ajaanib, waxaa xalaasha ah ee aan ku kala baxeynaa waa isaga, gaal midka ugu madow ayaana loo dhiibayaa” Waxa uu sheegay in dalkeena loo baahan yahay in caalamka kale uu wax la qeybsado iyo fur furnaan, hase yeeshee lacagta canshuurta ah ee dadka Soomaaliyeed laga soo aruriyo aan 4.5 lagu qaadaneyn. Hadalka xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kusoo aadaya xilli xildhibaanada golaha shacbaka ay maanta ansixiyeen xeer ogolaanaya in qof ajnabi ah uu madax ka noqon karo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Dhageyso codka Jeesow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Xildhibaan-Daahir-Amiin-Jeesow.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. (SLT-Moscow)-Xukuumadda Waddanka Ruushka ayaa walaac weyn ka muujisay wax ay ugu yeedhay is ballaadhinta Millatari ee dawladda Ingiriisku saldhigyo cusub kaga dhisanayso meelo kala duwan oo adduunka ah, waxaanu digniin ugu diray in uu ka joogsado hawshaasi oo uu sheegay in uu u arko daandaansi dhinaca istaraatiijiyadda Millatari ee adduunka ah. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Haweenayda lagu magacaabo Maria Zakharova oo dorraad saxaafadda kula hadashay Magaalada Moscow waxa ay sheegtay in qorshaha xukuumadda London ay saldhigyo Milatari iyo tas-hiilaad dhinaca Gaashaan dhigga ah oo ay meelo dhawr ah ka samaysanaysaa yahay Gardarro aan meelna loogu soo gabban iyada oo sheegtay in uu Ruushku qaadi doono tallaabo kasta oo uu isna ku difaaco danihiisa istaraatiijiga ah ee mandaqadaha muhiimka ah sida kanaalka Suways, Marin biyoodka Baabul-mandab iyo badda casba. Maria Zakharova waxa ay sheegtay in qorshaha ka bixitaanta Ingiriisku kaga baxayo Midawga Yurub uu yahay sidii uu qiil-sharci ugu heli lahaa in uu ku samaysto saldhigyo cusub isaga oo baal maraya bay tidhi shuruucda caalamka sidaa darteed aanay ka Ruush ahaan aqbalayn in ay daawadaan ciyaartan. Haweenaydan Afhayeenka u ah Wasaaradda Khaarajiga Ruushka Maria Zakharova waxa ay sheegtay in Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Williamson uu sheegay in Ingiriisku siyaasadihii uu kaga baxay sannadihii 1960-kii bariga Kinaalka Suweys ay tahay fursad soo noqon doonta sidaa darteed ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan danahooda Milatari iyo Ammaan ee goob kasta oo dunida ah gaar ahaan meelaha Muhiimka ah ee adduunku isaga kala goosho. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Maria Zakharova waxa ay sheegtay in hadalladii uu Willamson siiyay wargeyska Sunday Telegraph ay ahaayeen kuwo jaha wareer ah sida ay hadalka u dhigtay. Waxa kale oo ay sheegtay in Ruushku ku filan yahay in uu isaga filnaado waxa ay ugu yeedhay siyaasadaha Aar-goosiga u muuqda. Si kastaba ha ahaatee waxa isa soo taraya wararka quwadaha adduunka la xidhiidhinaya in ay saldhigyo waaweyn oo Milatari ka hunguraynayaan Marin Biyoodka Kinaal Suways iyo Baabal mandab oo ah badda cas ahna goobo istaraatiiji ah waxaanay xogaha qaar sheegayaan in Ingiriiska iyo Ruushkuba isha ku hayaan saldhigyo ay ka samaystaan meelo ay ka mid tahay Somaliland. Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Bishii Ogosto ee sannadkii 2009-kii ayuu bilaabay khilaafkii doorashadu inu dhacdo. Wakhtigani wuxuu ahaa dhammaadkii muddo kordhintii xukuumaddii Daahir Riyaale. Khilaakani wuxuu dhashay markii ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen in aanay doorashu Madaxtooyadu wakhtigeedii ku dhacayn. Wakhtigii hore loogu muddeeyey inay dhacdo doorashadu waxa ay ahayd 27-ka Sebtember 2009-kii. Doodda murankaasi oo dheerayd awgeed yaanan idinku daaline waxa jiray ergooyin badan oo kala duwanaa oo qaarkood is-xilqaameen si ay xaalada u dejyaan, balse dhammaan dedaaladaasi way dhicisoobeen, markii ay xukuumada iyo xisbiyada mucaaradku ka horyimaadeen. Beesha Caalamka Yaa U Yeedhay? Xisbiga KULMIYE ayuu ahaa kii ku dhawaaqay inay beesha caalamku soo kala dhexgasho iyaga iyo xukuumada Somaliland. Waana baaqii keenay faragelintii ugu horaysay ee shisheeye Somaliland ku sameeyo. Waana ta maanta taagan ee xisbiga WADDANI kaga dayanayo inay beesha caalamku soo dhexgasho. Waa Sunne khaldan oo xisbiga KULMIY jideeyey, balse aanay ka baydhin xisbiga WADDANI oo dhinacooda kaga ka daba maray. Iyadoo hadalkaasi laga shidaal qaadanayo ayey markiiba ka jawaabtay xukuumada Itoobiya oo iyada werwer gaar ahi ka haystay Somaliland oo ku xidhan dhinaca amaankeeda xudduuda ay Itoobiya la wadaagto Somaliland oo muddo dheer nabad ahaa. Xukuumadda Itoobiya waxay soo dirtay wefti iyo wefti kale oo ka socda midowga yurub. Bulshadii isu-xilqaantay ergada Muwaadiniin tiradoodu gaadhayso 100 xubnood ayaa isu xilqaamay inay dhexdhexaadiyaan xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka, ayaa shirar wadatashi ah u qabtay ururada Saxaafadda oo ay kala hogaaminayaan C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka tirsanaa wargayska SAXANSAXO, Yuusuf Cabdi Gaboobe (Haatuf), Xasan Siciid (Jamhuuriya). Dedaalkii ay ku jireen xubnahan is-xilqaamay waxa xagal daaciyey xukumaddii Rayaale iyo xisbiyadii mucaaradka ahaa, waxa ay markii dambe qaateen lixdii qodob ee beesha caalamku ku dhexdhexaadisay. Waxa ayna qaateen go’aankii ay soo jeediyeen shisheeyuhu. Iyadoo arrintaasi halkaasi taagan tahay ayuu C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) soo bandhigay maqaal kooban, balse nuxur ahaan macno weyn xambaarsan. Maqaalkan wuxuu ku soo qoray wargayska Jamhuuriya 24-kii Sebtember 2009-kii. Kaasoo ciwaan looga dhigay” waxaan ka tacsidaynayaa inta u diir naxaysa iyo muwaadiniintaba Diimuqraadiyadda Galbatay.” Wuxuu ku bilaabay maqaalkan “ nin reer u weyn iyo naag naago ka umulisaba, midna sida uu wax u ogyahay uma sheego, waxaan shcabiga Somaliland ka tacsidanaynayaa hanaankii diimuqaraayadda Somaliand oo galbatay. Iyadoo maanta mar kale iilka dhigayaan golihii guuritdu, xudduntii qaddiyada gooni isu taaga Somaliland oo ahayd inuu shacabigu helo dad iyo dal iyo dawlad xor ah oo hannaan diimuqraadiyadda ku dhaqma. Dhinaca kale waxaan mar kale ka tacsiyadaynayaa diidmadii ay hogaamiyayaasha siyaasadeed ee dalku sida cad u diideen ergooyinkii tirade badnaa ee muwaadiniintii iyo waxgaradkii ummadda ahaa. maqaalkani wuxuu ugu dambayntii cannaan dusha uga tuuray siday xisbiyadu uga door bideen ergaddii dalka kuwa shisheeye, oo ay qaateen 6-dii qodob ee waraaqdda ku xardhanaa. Kuwaasi oo aan noqon Karin dawadii dhabta ahayd ee bogsiin lahayd nabarka maanta jira ee berrina jiri doona.” Nuxurka qoraalkaasi wuxuu bixinayaa iftiin weyn oo ka imanaya toosh afar dhagax le ah, oo lagu iftiimiyey waayaha dhabta ee taagnaa wakhtigaasi. Ergadii Dawladda Itoobiya ee Dhexdhexaadinta Markii uu khilaafkii u dhexeeyey xukuumaddii Daahir Riyaale iyo xisbiyada mucaardku meel sare marayo ayuu dalka yimid wefti ka socda dawladda Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiirul dawladihii arrimaha dibadda ee la odhan jiray Takadu Alemo. Weftigii Itoobiya wuxuu kullano kala duwan la yeeshay xisbiyada Somaliland iyo Baarlamaanka. Markii ay joogeen muddo 7 cisho ah ee ay u kala dab-qaadayeen labadii dhinac ayey dib ugu laabteen dalkoodii iyagoon wax hadal siinin saxaafadda Somaliland. Laakiin xisbiyada mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid habkii dhexdhexaadinta ee ay wadeen dawlada Itoobiya. Waxa ay sheegeen inuu weftiga Itoobiya soo jeediyey laba arrimood oo kala ahaa: In doorashada lagu galo diiwaangelinta codbixiyayaasha, oo SERVERKA laga sii shaqeeyo In mudadaasina ku sime ahaan xilka M/weynenimo u sii hayo Riyaale. Xisbiyada mucaaradka ayaa labadaasi qodob u arkay inay taageerayaan xukuumadda Riyaale, markiibana way ku gacansaydheen. Dhinaca xisbiyada mucaaradka ayaa u soo jeediyey weftiga Itoobiya in marka la gaadho 27-ka Sebtember 2009-ka dalka loo dhiso dawlad dhexdhexaad ah oo doorasho dalka ka qabata, oo aanay ku jirin 6-da xubnood ee musharaxiinta u ah 3-da xisbi. 6-dii Qodob ee Beesha Caalamku Soo Saartay Markii ay xukuumadii Riyaale iyo xisbiyaddii Mucaaradku diideen ergadii muwaadiniinta ahayd ee u guntaday xal u raadinta khilaafka ka dhex-aloosnaa xukuumada iyo xisbiyadda mucaaradka, ayey mar keliya aqbaleen 6 qodob oo shisheeye soo saaray, waa ta keentay inay noqoto markii ugu horaysay ee shisheeye wax inoo yeedhiyo sida ka taagan Soomaaliya 24 sannadood ee aynu soo dhaafnay. Lixdii qodob waxay kala ahaayeen: In doorashooyinka lagu galo diiwaangelin In SERVER-ka la saxo oo khubaro caalamiya loo xil saaro, oo ay khuburadaasi caddeeyaan mudada ay hawshaasi laga sugayey ku diyaariyaan. In mudadaasi SERVER-ka ku fulin karo hawshaasi kala saarista khaladaadka codadka ku jiray inay caddaato In tallaabooyinka farsamo ee ay khubaradaasi ku sargooyaan qabsoomidda doorashada ay qaataan amma ogolaadaan xisbiyada Somaliland In mudadaasi loo kordhiyo xukuumadii Riyaale ee wakhtigeed ku dhammaanayey 27-ka Sebtember 2009-ka, da dib 3-da xisbi heshiis wada shaqayn yeeshaan xaalada doorashooyinka In guddiga doorashooyinka la bedelo, iyo inay beesha caalamku taageeri doonto heshiiska 3-da xisbi hirgeliyaan. Haddaba su’aasha taagani waxa ay tahay mar kale ma iman doontaa inay faragelin beesha caalamku dusha inagaga timaado? Wakhtigan waxa durbaanka shisheeye dalbanka tumaya xisbiga WADDANI sidii uu hore durbaanka shisheeye u tumay KULMIYE. Cali Cabdi Coomay Suxufi, Qoraa ah. Haragaysa, Somaliland calicoomay@hotmail.com Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga WADDANI Maxamed Sadiiq Dhamme ayaa waxaa uu dhalinyaradda reer Somaliland ka raali-galiyey hadalo dhawaan ka soo yeedhay wasiirka shaqada iyoa arimaha bulshada Hinda Jaamac Gaani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah qareenada Somaliland ayaa waxaa ay eedeymo culus u jeediyeen ciidammada booliska Somaliland oo dhawaan xabsiga Dhigay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo soo bandhigay Maanso uu xukuumadda ku dhaliilaayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa dood dheer kadib waxaa ay aqlabiyad ku ansixiyeen wax ka bedelka Xeerka bangiga dhexe, gaar ahaan xulidda guddiga agaasinka bankiga. Inta aan la ansixin sharciga, waxaa meesha ka dhacday dood culus, oo ay xildhibaannada ka dhaheen ansixinta. Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ha kuwa taageersan ayaa yiri “Xeerkan waxaa laga fidiyay barabogaanto aan ku qiyaasay aniga qaran dumis oo ah in bankiga la doonayo in loo magacaabo qof ajnabi ah waana been”. Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in sharciga uu baarlamaanka 9aad ansixiyey, madaxweynuhu saxiixay, lagu soo saray dekereeyo in xeer lagu badalayo, ujeedkana ay tahay shuruudaha lagu xulayo maamul banigiga dhexe, arrintaasina ay tahay sharaf dhac. Xildhibaan Sakariye Xaaji ayaa sheegay in uu rumeysan la’yahay in wasiirrada isku raacaan in dastuurka halkaas ha la isla dhigo ajnabi dartiisa”Warqadaas waa khiyaano qaran, baarlamaanow ogaada, wax badan ayaa u samirnay dowlad jeceyl, maalin walba in lagu xad-gudbo hanta, maamul iyo dastuur oo shacabka sidii la rabo loo maamuusho”. Xilidhibaan Jangali waxaa uu sheegay in aaney wanaagsaneyn in sharci loo badalo qof ajnabi ah dartiis”Nasiib daro ka wayn ma jirto in nin ajnabi ah loo dhiibo Bangiga Dhexe iyadoo ay joogaan aqoon yahano Soomaaliyeed”. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa dhankiisa sheegay “bangigeenna waxaa maamulo 4.5, maanta xalkeenna waxaa uu jiraa gaalka ugu madow in loo dhiibo”. Xildhibannada sharciga ka soo horjeeday waxaa ka mid ahaa Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene isaga oo xukuumadda ku eedeeyey in qeylo wadaan, waxaana su’aalay sababta iyaga oo labadiisa sano ee la soo dhaafay aan qoran shaqaale cusub oo rayid ah ay qof ajnabi ah shaqo u siinayaan. Illaa 158 Xildhibaan ayaa ansixiyay, halka 17 ay diiday, taasoo ka dhigay in xeerkii ay Xukuumadda u ololeyneysay la ansixiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Kadib doorashadii madaxweynaha cusub ee maamulka Putnland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa durbaba hoos u dhac laga dareemay suuqa lagu kala sarifto lagacta dollarka Mareykanka ee deegaanada Putlnland. Ganacsatada magaalada Garowe oo la hadlay Goobjoog News ayaa u sheegay in 100$ lagu kala sarifayo hadda 3 milyan oo Shilinka Soomaaliga ah halka markii hore uu ka ahaa 3 milyan iyo bar ilaa 4 milyan oo Shilinka Soomaaliga ah, waxana loo sababaynayaa ayada oo deegaanada Putnland ay soo galeen lacago dollar ah waqtigii ololaha doorashada iyo maamulka cusub oo joojiyay in bangiga lacago shilin Soomaaliya laga soo bixiyo. Bashiir, oo ka mid ah ganacsatada Garowe ayaa Goobjoog news uga waramay arrinkaas waxaa uuna yiri ‘Magaceygu waa Baashi khaliif Aadan oo ka mid ah sarifleyda magaalada Garowe maanta, xalay ,ilaa iyo shalay galinkii danbe waxaa laga dareemay hoos u dhac ku yimid sarifka lacagta waxana 1$ lagu sarifayaa 30.000 oo Shilin halka markii hore uu ka ahaa 34.000 ilaa-36000 oo Shilin, hadda magaaladana mayaalo kaash, waxaana ugu wacan ayadoo waraaqad ay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu xannibay in bangiga dhexe laga bixiyo lacago kaash ah ayadoo magaalada uu yaalo dollar badan taas ayaa hoos u dhaca ku keentay sarifka’ Sidoo kale Bashiir oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay is badalkii laga filayay inay la yimaado maamulka cusub iyo balanqaadayadii Saciid Cabdullaahi Deni markii uu ku jiray olalahiisii doorashada inuu wax ka qabanaayo sarifka iyo sicirka bararka ka taagan maamulka Putnland hadana waan aragnaa inuu fuliyay balankii uu qaaday. Dhanka kale qaar ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan oo sara kaca sarifka uu saameyta ugu badan ku yeesho ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan sarifka lacagaha is badalka ku yimid ayanoo sheegay in arintaan wax badan ka badalayso noloshooda, Maxaed Saciid Xasan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan ee magaalada Garowe ayaa sheegay in bulsho ahaan ay soo dhaweynayaan hoos u dhaca dhanka sarifaka ah ee laga dareemay deegaanada Putnland, ‘Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay hadaan nahay bulshada ku nool deegaanada Putnland hoos u shaca sarifka lacagta in kastoo aan lays ku haleen Karin hadana waxaan rajaynaynaa inuu hoos u dhaco mahane in uu mar danbe kor ulaaban’ Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Birmingham) Abwaan Cabdiqani Cumar Geedi (Ilkacase)oo kamid ah bahda Sugaanta, ahna Heesaha Mulaxaj iyo Abwaanba ayaa shaciyay inuu ka baxay gabi ahaanba Xisbiga KULMIYE oo uu hore uga tirsanaa. Abwaan Cabdiqani Cumar Geedi oo la soo xidhiidhay shabakadda wararka ee Somalilandtoday Wuxuu sidoo kale canbareeyay xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees iyo Siciid Maxamuud Gahayr . Isagoo arrimaha ka hadlaaya Wuxuu yidhi . “Anigu maanta Laga bilaabo waxaan idin cadaynayaa inaan ka baxay Xisbiga KULMIYE oo anaan qarsan jrin tageeradiisa waxbadana aan soo taray, sababuhu way badan yihiin dibna waan ka soo sheegi doona waxaase ugu wayn halkay maanta Somaliland marayso iyo caqligii ka saari laha oo aan ii muuqan “. Abwaan Cabdiqani Cumar Geedi wuxuu intaas ku daray . “Waxaan canbaraynayaa xadhiga sharci darrada ah ee cabudhinta ah ee Lagu xidhay Abwaan Cabdiraxmaan Abees, horena uu ugu xidhnaa Siciid Maxamuud Gahayr . Ha hadlin oo waxba ha arkin hore ayay wax ugu hagaagi waayeen hadana ku hagaagi mayso “. Sidaa ayuu yidhi Abwaan Ilkacase. dhig aan soomaanta oo tariikhdu tahay Source
  10. The government has given excessive power to use the police forces and military to subjugate the ordinary people of Somaliland, including the power to use of live ammunition to shoot public protesters or individuals. Evidence exists which shows that the government is fanning the flame of never-ending clan warfare in Somaliland, to create a distraction from the deteriorating economic and political situation. The government is blamed for eroding justice and rule of law. Rank and file soldiers, as well as officers, have defected from the army and have set themselves up in the neighbouring Puntland state, calling themselves the ‘armed opposition movement’. It is widely believed that the government deliberately triggered current high inflation rates which are causing market instability, unemployment and the stagnation of many livelihood options. The country is on the verge of civil uprising and all the gains of peace in the last decades to be lost. Clan-based nepotism in recruitment for public posts, in the allocation of government tenders and in military promotions, and the marginalisation of certain regions in resource allocations from International Development Funds, including UKAID, have led to widespread grievances. Free and Fair elections were the only hope that the people of Somaliland had to respond to these challenges. This Two party agreement seems to have put an end to that hope. The issue of change to the current NEC is an ongoing political conflict. But the way the government is handling this conflict – it by insisting that the current NEC oversees the election of 2019 – will only lead Somaliland into further mayhem and inevitable breakdown. We see this agreement as the end of democracy in Somaliland and the start of dictatorship, use of force, corruption and inhuman levels of injustice. Hence we: • Call on the government of Somaliland to return to respecting the rule of law and not to cause the demise and breakdown of the country. • Call on international Community, particularly donor countries which have contributed to the development of democracy in Somaliland, to intervene before the situation gets out of hand. • Call on the UN, and particularly its Special Representative for Somalia and Somaliland, to follow closely the situation on the ground, which is becoming more despotic. Mohamd Issa The Chair of the SUMC +44 (0) 7931375764 NB: Somaliland United Movement for Change (SUMC) is a political movement which opposes corruption, clannishness, subjugation of freedom of expression, gagging of journalists and all forms of injustice. SUMC is based in the UK but also represented in EU countries, USA, Canada and Australia. Qaran News
  11. (SLT-Muqdisho) Dawladda Dalkaasi Soomaliya ayaa u xulatay inuu maamulo Baanka dhexe Nin ajaanib Ah oo Lagu magacaabo Nigel Roboerts. Arrintan ayaa ka dambeysay markii Wasaaradda Maaliyadda Somalia ay iidheh saartay sanadkii hore wargeyska Economist, iyadoo jago bannaan ka dhigtay jagada guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo la sheegay in cid kasta ay soo codsan karto, iyadoo xilligaasi uu dhaqangal ahaa sharciga Bankiga dhexe oo kaliya ogolaanaya inuu Bankiga hoggaamin kara muwaadin Soomali ah. Ninka ay dowladda Somalia u soo xushay inuu guddoomiye ka noqdo Bankiga Dhexe ee Soomaliya ayaa la sheegay inuu yahay Nigel Roboerts oo u dhashay UK, isla markaana hay’adaha horumarinta ee caalamiga ah kasoo shaqeeyay muddo 40 sano ah. Nigel Roboerts Waqtigiisa intiisa badan wuxuu ku qaatay Afrika iyo Aasiya, isagoo ku noolaa dalalka Malawi, Hong Kong, wuxuuna kasoo shaqeeyay dalalka Thailand, Nepal, Hong Kong, Kenya, Itoobiya, Falastiin iyo Australia. Wuxuu Bakiga dhexe ee Adduunka ku biiray sanadkii 1981, waa nin ku takhasusay Dhaqaalaha dhinaca Beeraha, wuxuuna kala shaqeeyay Bankiga Adduunka dalalka Kenya, Sudan, Somalia, Uganda iyo Comoros. Wuxuu Nigel Roboerts shahaadada MA ku heystaa English Literature ee Jaamacadda Oxford, wuxuu kaloo heystaa Shahaadada MPhil ee Agricultural Economics ee Jaamacadda Reading, waxayna wararku sheegayaan in madaxda dowladda Federaalka ay ninkan u xusheen hoggaaminta Bankiga Dhexe. aqabada kaliya ee hortaagan ayaa ah wax ka bedelka sharciga Bankiga Dhexe kaas oo Isniinta maanta la hor keenay Golaha Baarlamaanka, iyadoo dad badan ay rumeysan yihiin in Baarlamaanka hadda jira iska ogolaan doono. Source
  12. (SLT-London)Manchester United ayaa guul dahabi ah ka soo gaadhay Tottenham iyada oo Marcus Rashford uu noqday xidiga kulankan ku go’aamiyay goolka kaliya ee ay United saddexda dhibcood kaga soo xoogtay Spurs. Guusha Man United waxaa gun dhig iyo mucjiso wayn u ahaa bandhigii David De Gea uu kala soo muuqday Wembley Stadium. Manchester United ayaa sii joogtaysay rekoodhka guulaha ee ay ku soo jirtay tan iyo markii Jose Mourinho shaqada laga caydhiyay iyada oo lix kulan oo uu Ole soo maamulay United ay dhamaantood soo wada guulaysteen, laakiin guusha Tottenham ayaa noqotay mid cadayn buuxda u noqotay sida Jose Mourinho looga raystay. David De Gea ayaa sameeyay 11 gool badbaadineed waana rekoorkii labaad ee abid ugu fiicnaa ee uu sameeyay iyada oo kulankii Arsenal ee December 2, 2017 uu ahaa kulankii uu 14 gool badbaadin ka sameeyay waxayna Tottenham guuldaradan ula kulantay in De Gea uu 11 jeer goolal ka joojiyay. Man United ayaa soo qabtay kooxda kaalinta shanaad ku jirtay ee Arsenal iyaga oo min 41 dhibcood wadaaga waxayna hadda Red Devils lix dhibcood u jirtaa kaalinta afraad taas oo muujinaysa in hadda ay rajo wayn ka leedahay kaalmaha sare. SHIXIHII LABADA KOOXOOD: MANCHESTER UNITED (4-2-3-1): David De Gea; Ashley Young, Victor Lindelof, Phil Jones, Luke Shaw; Ander Herrera, Nemanja Matic; Jesse Lingard, Paul Pogba, Anthony Martial; Marcus Rashford. Kaydka: Fred, Diogo Dalot, Juan Mata, Andreas Pereira, Scott McTominay, Sergio Romero, Romelu Lukaku. TOTTENHAM (4-3-1-2): Hugo Lloris; Kieran Trippier, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen, Ben Davies; Moussa Sissoko, Harry Winks, Christian Eriksen; Dele Alli; Harry Kane, Son Heung-min. Kaydka: Erik Lamela, Davinson Sanchez, Paulo Gazzaniga, Danny Rose, Oliver Skipp, Juan Foyth, Fernando Llorente. Manchester United ayaa kulankan iskeentay iyada oo xaalad cajiib ah ku soo jirtay waxayna halkeeda ka sii wadatay qaab ciyaareedkii ay ku soo raaxaysanaysay tan iyo markii uu Ole shaqada ka badalay Jose Mourinho laakiin Tottenham ayaa doonaysay in ay guushii labaad ee Premier league ay xili ciyaareedkan ka heli kartay United. Daqiiqadii 18 aad Martial ayaa ku dhawaaday in uu Man United u keeno goolka furitaanka kadib markii uu Trippier qalad sameeyay laakiin goolhaye Lloris ayaa kooxdiisa Tottenham fursadan ka joojiyay. Daqiiqadii 31 aad Harry Kane ayaa shabaqa soo taabtay kadib kadib markii uu karoos fiican ka helay Trippier laakiin waxaa goolkan loo diiday in uu offside jiray waxayna labada kooxood sii wateen dagaalka xoogan ee ay goolka furitaanka lagu raadinayay. Daqiiqadii 44 aad Man United ayaa ugu danbayn jabisay ismari waagii ciyaarta kadib markii uu Marcus Rashford noqday xidiga kooxdiisa United kaga farxiyay goolka muhiimada khaaska ah u lahaa isaga oo ka daba baxay Vertonghen isla markaana si fiican uga faa’iideeyay kubbad caawin uu ka helay Pual Pogba. Ciyaarta ayaa noqotay 1-0 ay Man United hogaanka ku qabtay laakiin Man United ayaa qaab ciyaareedkeedii xili ciyaareedkan ugu fiicnaa kala soo muuqatay Wembley Stadium iyada oo muujisay horumarka la taaban karo ee ay ku hoos sameeyeen Ole Gunnar. Daqiiqadii 56 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta Man United ayaa ku dhawaatay in ay keenato goolkeeda labaad kadib markii uu Pogba meel fiican ka toogtay goolka Spurs laakiin goolhaye Lloris ayaa awooday in uu kooxdiisa ciyaarta ku sii hayay. Tottenhama ayaa bilawday weeraro halis ah waxayna heleen fursado xidhiidh ah oo ay goolal dhawr ah ku dhalin kareen laakiin goolhaye David De Gea ayaa la soo baxay qaab ciyaareedkii waalida ahaa ee looga soo bartay isaga oo Spurs ka joojiyay fursado ay goolal u fisheen. Daqiiqadii 62 aad Pogba ayaa kubbad qurux badanu bixiyay Martial wuxuuna siiyay banaan xerada ganaaxa Tottenham dhexdiisa ah si uu u dhaliyo goolka labaad laakiin goolhaye Lloris ayaa fursadan si fiican iskaga joojiyay. Daqiiqadii 66 aad Tottenham ayaa heshay fursadii ugu waynayd ee gool cadaan ah loo fishay kadib markii uu Dele Alli kubbad la soo dhex galay xerada ganaaxa Spurs isla markaana uu ka soo dheereeyay difaaca United oo dhan laakiin goolhaye De Gea ayaa lugtiisa ku joojiyiay kubbada goolka ku socotay. Daqiiqadii 73 aad Lukaku ayaa ciyaarta la soo galiyay waxaana la saaray xidiga goolka Martial waxayna Tottenham markan noqotay kooxda goolka barbaraha laga filan karayay. Manchester United ayaa markii uu dhamaadkii ciyaartu soo dhawaaday waxay bilawday in ay yaraysay weerarkii kooxdeeda waxayna muhiimada kowaad ka dhigatay sidii ay hogaanka ciyaarta ku ilaashan lahayd balse qaab ciyaareedka United ayaa noqday mid si wayn u soo jiitay jamaahiirta kooxdeeda Red Devils. Daqiiqadii 83 aad tababare Ole ayaa difaaciisa ku soo adkeeyay Diogo Dalot isaga oo saaray Jesse Lingard waxayna United cadaadis waali ah kala kulmaysay Tottenham oo wax walba iskugu gaysay sidii ay goolka barbaraha ku keensan lahayd. Daqiiqadii 86 aad Meeshan Lama Dhaafi Karo!! Goolhaye David De Gea ayaa halkiisa ka sii watay mucjisada uu Wembley Stadium kala soo muuqday wuxuuna Harry Kane ka beeniyay fursad aan la rumaysan karin isaga oo De Gea noqday xidiga Tottenham sida layaabka leh ula ciyaaray. Qalad kasta oo ay difaaca Man United ka sameeyeen ee ay Tottenham goolal ku dhalin kartay waxaa si layaableh u joojiyay goolhaye David De Gea kaas oo United siiyay kalsooni aanu xili ciyaareedkan oo dhan soo samayn. Wax walba oo ay Tottenham iskugu dayday in ay goolka barbaraha ku keensato waxay awoodi waayeen in ay dhaafaan De Gea waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 1-0 ay United ku soo gaadhay guushii xili ciyaareedkan ugu quruxda badnayd ee ay kulan Premier league ah ka soo gaadhay. Man United ayay guushani ka caawisay in ay dhibcod la wadaagto Arsenal iyaga oo wada yeeshay min 41 dhibcood waxayna guushani xaqiiq buuxda u noqotay in guulihii Ole ayna ahayn nasiib balse uu gabi ahaanba badlaay xaaladii xumayd ee uu Mourinho kaga badalay Old Trafford. Source
  13. (SLT-Hargaysa) Iyadoo muddo sannad iyo dheeraad ah uu xilka hayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi . Hoos ka DAAWO halka Xaal ka waddanku maraayo. Source
  14. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa dood dheer kadib waxaa ay aqlabiyad ku ansixiyeen wax ka bedelka Xeerka bangiga dhexe, gaar ahaan xulidda guddiga agaasinka bankiga. Inta aan la ansixin sharciga, waxaa meesha ka dhacday dood culus, oo ay xildhibaannada ka dhaheen ansixinta. Xildhibaan Cabdullaahi Godax oo ka mid ha kuwa taageersan ayaa yiri “Xeerkan waxaa laga fidiyay barabogaanto aan ku qiyaasay aniga qaran dumis oo ah in bankiga la doonayo in loo magacaabo qof ajnabi ah waana been”. Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in sharciga uu baarlamaanka 9aad ansixiyey, madaxweynuhu saxiixay, lagu soo saray dekereeyo in xeer lagu badalayo, ujeedkana ay tahay shuruudaha lagu xulayo maamul banigiga dhexe, arrintaasina ay tahay sharaf dhac. Xildhibaan Sakariye Xaaji ayaa sheegay in uu rumeysan la’yahay in wasiirrada isku raacaan in dastuurka halkaas ha la isla dhigo ajnabi dartiisa”Warqadaas waa khiyaano qaran, baarlamaanow ogaada, wax badan ayaa u samirnay dowlad jeceyl, maalin walba in lagu xad-gudbo hanta, maamul iyo dastuur oo shacabka sidii la rabo loo maamuusho”. Xilidhibaan Jangali waxaa uu sheegay in aaney wanaagsaneyn in sharci loo badalo qof ajnabi ah dartiis”Nasiib daro ka wayn ma jirto in nin ajnabi ah loo dhiibo Bangiga Dhexe iyadoo ay joogaan aqoon yahano Soomaaliyeed”. Daahir Amiin Jeesow ayaa dhankiisa sheegay “bangigeenna waxaa maamulo 4.5, maanta xalkeenna waxaa uu jiraa gaalka ugu madow in loo dhiibo”. Xildhibannada sharciga ka soo horjeeday waxaa ka mid ahaa Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene isaga oo xukuumadda ku eedeeyey in qeylo wadaan, waxaana su’aalay sababta iyaga oo labadiisa sano ee la soo dhaafay aan qoran shaqaale cusub oo rayid ah ay qof ajnabi ah shaqo u siinayaan. Illaa 158 Xildhibaan ayaa ansixiyay, halka 17 ay diiday, taasoo ka dhigay in xeerkii ay Xukuumadda u ololeyneysay la ansixiyay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Hargaysa) Wariye Xasan Galaydh oo ka tirsan Telefeeshinka HCTV ayaa waraysi gaara oo uu la yeeshay Guddoomiyaha Kooxda Dayax Baan Wuxuu kaga hadlay Abwaanku halkay Xukuumadda Iska seegeen. Hoos ka DAAWO Source
  16. (SLT-Caynaba) Shaqaalaha hay’ada Barakacayaasha Gobolka Saraar ayaa ka cawday Guddoomiyaha hay’adaas Cabdikariin Xinif. Hoos ka DAAWO Source
  17. SL-T Burco Fu’aad Furre |Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga Ucid Ee Gobolka ,Togdheer Ayaa Ydhi, “Buuni wuxuu ahaa basaas ukala dab qaadi jiray xisbiyada” Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, ayaa si weyn uga soo horjeestay xeerka agaasinka Bankiga Dhexe oo baarlamaanka uu meel-mariyey. Zakariye ayaa sheegay in ayada oo la heli karo boqolaal Soomaali ah oo aqoon leh, oo xilkan qaban kara, ay tahay wax aan la aqbali karin tahay in qof ajnabi ah xilka loo dhiibo. Waxa uu sidoo kale su’aal ka keenay in sida loo dhaarin doono guddoomiyaha cusub bankiga dhexe, ee ajnabiga ah, maadaama uu yahay qof aan muslim ahayn sida muuqata. “Waxaan ka rabaa dowladda inoo noo sheegto kitaabkii lagu dhaarin lahaa ninka ajnabiga ahee aan muslimka ahayn ee ay noo soo waddo, ileen waa in la dhaariyaa si uu xilkan u qabtee, kumana dhaaran karo qur’aanka” ayuu yiri. Zakariye ayaa sheegay in arrinta maanta dhacday ay tahay wax aan la aqbali karin, loona baahan yahay in shacabka diidaan. Hoos ka daawo xildhibaanka Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Baladweyne ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha G/ Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay in uu qeyb ka yahay hurinta dagaal Beeleedyo dhawaan ka dhacay degmada Maxaas ee gobolkaasi. Yuusuf Dabageed ayaa hoosta ka xariiqay in eedeymahaasi ay maamulkiisa u jeediyeen dad dano gaar ah ka leh colaada ka taagan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa ka hadlay meesha ay marayaan dadaallada nabadeed ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadahaasi. Waxaana uu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta matala Beelaha dagaalamaya in ay ka run sheegaan dadaallada nabadeed ee haatan socda. Xaaladda deegaanada dhawaan lagu dagaalamay ayaa ah mid dagan, inkastoo weli xal dhab ah laga gaarin colaadaasi. The post Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Oo Beeniyay eedeyn loo jeediyay appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Muqdisho)Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Dalkaasi Soomaliya ,isla markaana hadal ka jeedinayay kulanka Maanta ee Golaha ayaa siweyn uga soo horjeestay Xeerka Xeerka Agaasinka Bankiga Dhexe oo baarlamaanka horyaalla. Waxa uu guddoomiyaha Golaha Shacabka ka dalbaday cadeynta in warqada Xeerka ku qoran yahay lasoo marsiiyay dhamaan Golaha Wasiirada,waxana uu walaac xoogan ka muujiyay in Xildhibaanada ansixiyaan xeerkaas. “Waxaan walaac ka qabaa in xildhibaanadu xeerkaas ansixiyaan,waxaa na daawanaya dad Aqoonyahano ah iyo kuwo aan matalno,hadii xildhibaanadu ansixiyaan waa qiyaano qaran ayuu yidhi Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud. Waxa uu Xildhibaanada Golaha Shacabka uga digay inay ansixiyaan Xeerka Agaasinka Bankiga Dhexe oo hadda doodiisu ay ka socoto Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho. Source