Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta markii uu la wareegay xilka madaxweynaha Puntland kadib wuxuu soo saaray qoraal uu ku mamnuucayo daabacaada lacagta Shilling Soomaaliga. Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay inaan Puntland gabi ahaanba lagu daabici karin lacag Shilin Somali ah. Wasaarada Maaliyadda iyo taliska ciidamada booliska Puntland ayaa lagu wargeliyay inay dhaqan geliyaan ka hor taga daabacaada lacagta Shilin Soomaaliga.
  2. At least two people, including a child, were reported to have been wounded in a car bomb explosion in Mogadishu, the Somali capital on Monday evening. A witness told Radio Shabelle that the blast was caused by an explosive-laden parked outside the Village Restaurant located near Benadir junction in the capital. The wounded have been immediately taken to a hospital for treatment by the local ambulances. Their injuries are not life-threatening, medics said. No group has so far claimed responsibility for the car bombings, but, such attacks in the city often blamed on Al Shabab, an Al-Qaeda-linked group fighting the Somali government. The post Car bomb outside popular restaurant in Mogadishu injures two appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa ayaa laga soo wariyay afaafka hore ee Makhaayadda The Village, oo ku taala inta udhaxeysa Isgosyada Banaadir iyo Digfeer. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle inay arkeen dhaawaca labo ruux, oo uu ku jiro mid caruur ah, kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa falalka noocaan ah ka fulisa guud ahaan dalka. Weerarkaan ayaa kusoo aadaya iyadda oo hay’addaha amaanka ee dowladda ay ku howlan yihiin xaqiijinta amniga, ayna baaris xoog leh ku sameynayaan baabuurta adeegsaneysa Isgosyada caasimada. The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-14012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku amray in la joojiyo daabacaadda lacagta shillin Soomaaliga. Deni oo qoraalkan u kala diray guddoomiyaha iyo agaasimaha guud ee Bankiga Puntland, ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya aan lacag la daabici karin nooc kasta oo ay ahaato. Waxa uu sheegay in tani looga gol-leeyahay in kor loo qaado nolosha shacabka Puntland, loolana dagaalamo, buu yiri, sicir-bararka. Deni ayaa wareegto kale oo uu soo saaray ku amray taliyaha ciidamada booliska Puntland in la joojiyey dismaha dhulka dowladda Puntland. Waxa uu sheegay in dhulkaas bixintiisa uu awodd u leeyahay oo kaliya madaxweynaha Puntland. Source
  6. Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxida The Village oo ku taala degmada Hodan ee Muqdisho. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi. Ciidamada ayaa xiray halka uu qaraxa uu ka dhacay waxaana Boolisku uu sheegay in gaari kale uu qaraxa ah uu yaalo goobta uu qaraxu uu ka dhacay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax-ka-bedel lagu sameeyay xeerka Bangiga Dhexe ee Somalia, taasoo timid xilli maalmahan la hadal-hayay in Bangiga Dhexe ee Somalia – Guddoomiye looga dhigayo nin u dhashay dalka Britain. Kulankii maanta oo ay fafdhiyeen 175 xildhibaan ayaa 158 ka mid ah waxay ansixiyeen wax-ka-bedelka xeerka bangiga dhexe, halka 17 xildhibaan oo kale ay iyaguna diideen in meel-marinta go’aankan. Arrinta wax-ka-bedelka xeerka Bangiga dhexe ayaa dhigaya in Hogganka sare ee Bankiga ay qaban karto cid kasta oo ugu dhibca-saraysa dadka u tartamaya, taasoo ka dhigan cid walba ay xilkaas qaban karto, iyadoo aan loogu eegeyn Jinsiyaddiisa. Sido kale, intii ay socotay doodda wax-ka-bedelkan xeerka, ayaa waxaa qaar ka mid ah xildhibaanada ay ku tilmaameen inuu yahay xeerkan mid qiyaano qaran ah oo la baal marayo qiimaha muwaadinka uu leeyahay, isla markaana ajnabiga laga doortay. Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mdi ah xildhibaannada ugu go’aannada adag baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in go’aanka maanta la ansixiyay uu yahay mid Qiyaano Qaran ah, isla markaana uu ka digayo in bangiga dhexe loo dhiibo qof Ajnabi ah, iyadoo la helo qof Soomaali ah oo qaban kara xilkan. “Waxaan rumeysan la’ahay in xeerkan Golaha Wasiirrada ay si wada ogol ah isugu raaceen inay ansixiyaan oo ay baarlamaanka usoo gudbiyaan, waxaa kale oo aan rumeysan la’ahay in Golaha Wasiirrada ay isku raaceen in lagu tunto dastuurkii dalka u yaallay illaa maalintaan Xorriyadda Qaadannay oo weliba hal qof oo ajnabi ah dartiis sidaas loo yeello,” ayuu Zakariye ku yiri hadal uu warbaahinta u jeediyay. Xildhibaanka ayaa intaas ku daray. ”Waxaan xukuumadda doonaynaa inay noo caddeyso kitaabkii lagu dhaarinayo ninka ajnabiga ah ee lagu wado in uu gudoomiye ka noqdo Bankiga dhexe ee Somalia.” Ugu dambeyn, Wax-ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan qodobka 130-aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sarreeya, karti ahaan aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada Baarlamaanka oo Ansixiyay Isbedel lagu sameeyay Xeerka Bangiga Dhexe appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Cayaaraha Qoobdooro ee Degmada Kaaraan oo si casri ah loo dhisi doono. Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda uu garoonku u leeyahay cayaaraha iyo isku-xirka dhalinyarada Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in marka la dhameystiro ay ka faa’iideysan doonaan kooxaha kubadda cagta ee Caasimadda. Duqa Muqdisho waxuu sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay soo nooleynta Isboortiga iyo in dhalinyaradu ay helaan goobo ay ku soo bandhigaan xirafadahooda cayaareed. “Dib-u-dhiska Garoonka Kubadda Cagta Qoobdooro ee Degmada Kaaraan oo loo dhisi doono qaab casri ah wuxuu ka tarjumayaa qiimaha isku-xirka iyo is –dhexgalka bulshadu ay noo leeyihiin, anaguna mar walba waxaan u taaganahay sidii dhalinyarada Caasimaddu u heli lahaayeen goobihii ay xirfadahooda ku soo bandhigi lahaayeen”. Ugu dambeyn, Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cabdiqani Siciid Carab, Guddoomiye Ku-xigeenada Arrimaha Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, Arrimaha Bulshada, Howllaha Guud iyo masuuliyiin kale oo ka socday Gobolka banaadir. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Garoonka Cayaaraha Qoob-dooro ee Degmada Kaaraan appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Saylac)-Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Saylac Oo Cambaareeyay Xadhiga Dhalinyaro Ku Xidhan Xariirad, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi deni ayaa amray, in la joojiyo daabacaadda lacagta shiling Soomaaliga ah ee lagu farsameeyo degaannada Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha cusub, oo lagu socod-siiyay mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee dowladda, ayaa madaxweynuhu ku joojiyay,daabacaadda lacagta shiling Soomaaliga nooc kasta oo ay tahay. Dikreetada waxaa ku xusan, in go’aankan loo qaatay, si kor loogu qaado nolosha shacabka reer Puntland,islamarkaana loola dagaallamo sicir bararka. Mudane Deni ayaa tan iyo markii la doortay soo saaray, dikreetooyin xiriir ah oo dhammaantood cinwaan looga dhigay ereyga“joojin“,waxaana go’aannadan u badan yihiin dhinaca maaliyadda. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Deni oo joojiyay daabacadda shiling Soomaaliga appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qarax uua ka dhacay Afaafka hore ee mqaaxida The Village, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari yar oo Nooca Raaxada ah kaasoo horyaala maqaaxida. Wararka ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhaawacmeen qaraxa. Ilaa hadda lama oga cidda sida gaarka ah loo bartilmaameedsanayey. Gaariga qaray, ayaa saameeyay gawaari kale oo u dhaweyd, taasoo keentay in mar kaliya Uuro ay cirka is qabsato. Ciidamada amaanka ayaa tagay goobta, iyagoo wada baaritaano la xiriirta sida ay wax u dheceen, waxeyna xireen wadada gasha Maqaaxida. The Village dhowr jeer oo hore waxaa horteeda uga dhacay qarax kan la mid ah, waana meel dadku ay tagaan waxa ka danbeeyay Casarkii, iyadoo ay ku dhowyihiin dhismooyinka PIZZA House iyo Maqaaxida kale ee Bosh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Munaasabada ballaaran oo lagu daahfurayey Bankiga cusub ee Daryeel Bank oo ay leedahay Shirkadaha Xawaalada Iftin Group ayaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain, iyadoo isla munaasabadan lagu soo bandhigay adeega cusub ee (YEEL app). Xafladan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay ganacsato, aqoonyahano, odayaal, haween iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London. Aadan C/llaahi Ilkacase Guddoomiyaha Shirkadda Iftin Group oo Bankigan cusub faah faahin ka bixiyey ayaa sheegay in Daryeel Bank uu yahay Banki ka diiwaan-gashan Bankiga dhexe ee Somalia, ayna u dhameystiran yihiin shuruudaha looga baahan yahay Bankiyada caalamiga ah. “Bankiga daryeel waxaa uu hoos tagaa Shirkadda xawaalada Iftin Group, waxaana uu laamo ku leeyahay gudaha Somalia, isagoo ka barbar shaqeyn doona dhamaan laamaha xawaalada Iftin ku leedahay caalamka” ayuu yiri guddoomiyaha oo dhinaca kale sheegay iney soo kordhiyeen adeeg cusub qofka u sahlaya inuu lacag diro isagoo gurigiisa ama xafiiskiisa jooga, kuna helayo haddii loo soo diro. Ingineero Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cige iyo Mahad C/llaahi ayaa dadkii ka soo qeyb galay xafladaas sharaxaad ka siiyey qaabka uu shaqeeyo barnaamijka cusub ee (YEEL-app) oo daryeel Bank uu ugu talo galay dadka Soomaaliyeed iney lacag diraan ama ku helaan lacag loo soo diray iyagoo aan tegin xafiis xawaaladeed. Waxaa sidoo kale ka hadlay Munaasabadan ka hadlay Gudoomiyaha Bankiga Daryeel Xaamid Aadan Ibraahin oo isna sheegay in Daryeel Bank uu yahay Bankiga lixaad ee ka diiwaan gashan Somalia, awoodna u leh inuu u shaqeeyo sida Bankiyada kale ee la aqoonsan yahay, isagoo ugu baaqay iney ka faa’iideystaan adeegyada ay bixinayaan. “Bankiga daryeel waxyaabaha uu kaga duwan yahay Bankiyada kale ee Soomaalida waxaa ka mid ah Adeega YEEL oo dadka isticmaalaya u fududeynaya iney si sahlan lacago isugu diraan iyagoo aan tegin xarun xawaaladeed, waana adeeg aad u horumarsan oo ilbiriqsiyo gudahood lacagta ku gaarsiinaya meeshii loogu talo galay” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Daryeel. Waxaa sidoo kale munaasabadan ka hadlay madaxda Teknolojiyada iyo amniga ee Bankiga Daryeel Abdisalan Mohamed Ahmed oo ku dheeraaday kalsoonida lagu qabi karo adeegan iyo sida haboon ee looga faaiideysan karo. Dadkii ka soo qeyb galay xafladan ayaa u riyaaqay Bankiga Daryeel iyo adeega cusub ee uu soo bandhigay, iyagoo ku amaanay dedaalka ay Shirkadda Iftin Group ku bixisay sidii ay u qancin laheyd macaamiisheeda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo ku booriyey shirkadda Iftin iyo Bankiga Daryeel iney halkooda ka sii wadaan dedaalkooda. PUNTLAND POST The post Bankiga cusub ee DARYEEL oo lagu daahfuray London appeared first on Puntland Post.
  13. Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa joojiyay, in la dhisto dhammaan dhulka ay dowladdu leedahay ee ku yaalla magaalada Garoowe. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu amray taliyaha Booliiska Puntland, in uu joojiyo dhismayaasha sharci-darrada ah ee laga dhisayo dhulka dowladda ee ku yaalla caasimadda Puntland ee Garoowe. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu caddeeyay, in madaxweynaha oo keliyah uu awood u leeyahay,bixinta dhulkaasi dowladda,waxaana mas’uuliyiinta warqaddan ku socoto la faray, in ay qabsadan waajibkooda shaqo. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha Puntland oo joojiyay in la dhisto dhulka dowladda appeared first on Puntland Post.
  14. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa joojiyey daabicida lacagta Shilingka Soomaaliga ah nooc kasta oo ay tahay gabi ahaanba, si loogu turo Shacabka Puntland, loolana [...] Source
  15. (SLT-Ceerigaabo)-Maxkamadda gobolka Sanaag ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin hore Magaalada Ceerigaabo ugu dilay Aabihii, halkan hoose ka DAAWO warkan Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa taageeray in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya loo dhiibo qof ajanbi ah, xilli maanta la ansixiyay xeer ogolaanaya. Jeesow waxa uu sheegay in Bankgiga Dhexe ee Soomaaliya mudo hoggaankiisa lagu soo xulayay hab beeleed, taasina uu sheegay inay dhibaato dalka ku tahay. “Bankigena waxaa maamula 4.5 wax la yiraahdo, Alle ayaa idinku dhaarshaye ilaa baarlamaankii 8-aad waxaa lagu soo xulayay 4.5, qofka dhahaya muwaadinimo iyo dal aan ka damqanaa, ayaa ku leh ajaanib ayaa loo dhiibayaa, dekadeena yaa lacag nooga uruuriya ajaanib, waxaa xalaasha ah ee aan ku kala baxeynaa waa isaga, gaal midka ugu madow ayaana loo dhiibayaa” Waxa uu sheegay in dalkeena loo baahan yahay in caalamka kale uu wax la qeybsado iyo fur furnaan, hase yeeshee lacagta canshuurta ah ee dadka Soomaaliyeed laga soo aruriyo aan 4.5 lagu qaadaneyn. Hadalka xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kusoo aadaya xilli xildhibaanada golaha shacbaka ay maanta ansixiyeen xeer ogolaanaya in qof ajnabi ah uu madax ka noqon karo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Dhageyso codka Jeesow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Xildhibaan-Daahir-Amiin-Jeesow.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. (SLT-Moscow)-Xukuumadda Waddanka Ruushka ayaa walaac weyn ka muujisay wax ay ugu yeedhay is ballaadhinta Millatari ee dawladda Ingiriisku saldhigyo cusub kaga dhisanayso meelo kala duwan oo adduunka ah, waxaanu digniin ugu diray in uu ka joogsado hawshaasi oo uu sheegay in uu u arko daandaansi dhinaca istaraatiijiyadda Millatari ee adduunka ah. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Haweenayda lagu magacaabo Maria Zakharova oo dorraad saxaafadda kula hadashay Magaalada Moscow waxa ay sheegtay in qorshaha xukuumadda London ay saldhigyo Milatari iyo tas-hiilaad dhinaca Gaashaan dhigga ah oo ay meelo dhawr ah ka samaysanaysaa yahay Gardarro aan meelna loogu soo gabban iyada oo sheegtay in uu Ruushku qaadi doono tallaabo kasta oo uu isna ku difaaco danihiisa istaraatiijiga ah ee mandaqadaha muhiimka ah sida kanaalka Suways, Marin biyoodka Baabul-mandab iyo badda casba. Maria Zakharova waxa ay sheegtay in qorshaha ka bixitaanta Ingiriisku kaga baxayo Midawga Yurub uu yahay sidii uu qiil-sharci ugu heli lahaa in uu ku samaysto saldhigyo cusub isaga oo baal maraya bay tidhi shuruucda caalamka sidaa darteed aanay ka Ruush ahaan aqbalayn in ay daawadaan ciyaartan. Haweenaydan Afhayeenka u ah Wasaaradda Khaarajiga Ruushka Maria Zakharova waxa ay sheegtay in Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Williamson uu sheegay in Ingiriisku siyaasadihii uu kaga baxay sannadihii 1960-kii bariga Kinaalka Suweys ay tahay fursad soo noqon doonta sidaa darteed ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan danahooda Milatari iyo Ammaan ee goob kasta oo dunida ah gaar ahaan meelaha Muhiimka ah ee adduunku isaga kala goosho. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Maria Zakharova waxa ay sheegtay in hadalladii uu Willamson siiyay wargeyska Sunday Telegraph ay ahaayeen kuwo jaha wareer ah sida ay hadalka u dhigtay. Waxa kale oo ay sheegtay in Ruushku ku filan yahay in uu isaga filnaado waxa ay ugu yeedhay siyaasadaha Aar-goosiga u muuqda. Si kastaba ha ahaatee waxa isa soo taraya wararka quwadaha adduunka la xidhiidhinaya in ay saldhigyo waaweyn oo Milatari ka hunguraynayaan Marin Biyoodka Kinaal Suways iyo Baabal mandab oo ah badda cas ahna goobo istaraatiiji ah waxaanay xogaha qaar sheegayaan in Ingiriiska iyo Ruushkuba isha ku hayaan saldhigyo ay ka samaystaan meelo ay ka mid tahay Somaliland. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Bishii Ogosto ee sannadkii 2009-kii ayuu bilaabay khilaafkii doorashadu inu dhacdo. Wakhtigani wuxuu ahaa dhammaadkii muddo kordhintii xukuumaddii Daahir Riyaale. Khilaakani wuxuu dhashay markii ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen in aanay doorashu Madaxtooyadu wakhtigeedii ku dhacayn. Wakhtigii hore loogu muddeeyey inay dhacdo doorashadu waxa ay ahayd 27-ka Sebtember 2009-kii. Doodda murankaasi oo dheerayd awgeed yaanan idinku daaline waxa jiray ergooyin badan oo kala duwanaa oo qaarkood is-xilqaameen si ay xaalada u dejyaan, balse dhammaan dedaaladaasi way dhicisoobeen, markii ay xukuumada iyo xisbiyada mucaaradku ka horyimaadeen. Beesha Caalamka Yaa U Yeedhay? Xisbiga KULMIYE ayuu ahaa kii ku dhawaaqay inay beesha caalamku soo kala dhexgasho iyaga iyo xukuumada Somaliland. Waana baaqii keenay faragelintii ugu horaysay ee shisheeye Somaliland ku sameeyo. Waana ta maanta taagan ee xisbiga WADDANI kaga dayanayo inay beesha caalamku soo dhexgasho. Waa Sunne khaldan oo xisbiga KULMIY jideeyey, balse aanay ka baydhin xisbiga WADDANI oo dhinacooda kaga ka daba maray. Iyadoo hadalkaasi laga shidaal qaadanayo ayey markiiba ka jawaabtay xukuumada Itoobiya oo iyada werwer gaar ahi ka haystay Somaliland oo ku xidhan dhinaca amaankeeda xudduuda ay Itoobiya la wadaagto Somaliland oo muddo dheer nabad ahaa. Xukuumadda Itoobiya waxay soo dirtay wefti iyo wefti kale oo ka socda midowga yurub. Bulshadii isu-xilqaantay ergada Muwaadiniin tiradoodu gaadhayso 100 xubnood ayaa isu xilqaamay inay dhexdhexaadiyaan xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka, ayaa shirar wadatashi ah u qabtay ururada Saxaafadda oo ay kala hogaaminayaan C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka tirsanaa wargayska SAXANSAXO, Yuusuf Cabdi Gaboobe (Haatuf), Xasan Siciid (Jamhuuriya). Dedaalkii ay ku jireen xubnahan is-xilqaamay waxa xagal daaciyey xukumaddii Rayaale iyo xisbiyadii mucaaradka ahaa, waxa ay markii dambe qaateen lixdii qodob ee beesha caalamku ku dhexdhexaadisay. Waxa ayna qaateen go’aankii ay soo jeediyeen shisheeyuhu. Iyadoo arrintaasi halkaasi taagan tahay ayuu C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) soo bandhigay maqaal kooban, balse nuxur ahaan macno weyn xambaarsan. Maqaalkan wuxuu ku soo qoray wargayska Jamhuuriya 24-kii Sebtember 2009-kii. Kaasoo ciwaan looga dhigay” waxaan ka tacsidaynayaa inta u diir naxaysa iyo muwaadiniintaba Diimuqraadiyadda Galbatay.” Wuxuu ku bilaabay maqaalkan “ nin reer u weyn iyo naag naago ka umulisaba, midna sida uu wax u ogyahay uma sheego, waxaan shcabiga Somaliland ka tacsidanaynayaa hanaankii diimuqaraayadda Somaliand oo galbatay. Iyadoo maanta mar kale iilka dhigayaan golihii guuritdu, xudduntii qaddiyada gooni isu taaga Somaliland oo ahayd inuu shacabigu helo dad iyo dal iyo dawlad xor ah oo hannaan diimuqraadiyadda ku dhaqma. Dhinaca kale waxaan mar kale ka tacsiyadaynayaa diidmadii ay hogaamiyayaasha siyaasadeed ee dalku sida cad u diideen ergooyinkii tirade badnaa ee muwaadiniintii iyo waxgaradkii ummadda ahaa. maqaalkani wuxuu ugu dambayntii cannaan dusha uga tuuray siday xisbiyadu uga door bideen ergaddii dalka kuwa shisheeye, oo ay qaateen 6-dii qodob ee waraaqdda ku xardhanaa. Kuwaasi oo aan noqon Karin dawadii dhabta ahayd ee bogsiin lahayd nabarka maanta jira ee berrina jiri doona.” Nuxurka qoraalkaasi wuxuu bixinayaa iftiin weyn oo ka imanaya toosh afar dhagax le ah, oo lagu iftiimiyey waayaha dhabta ee taagnaa wakhtigaasi. Ergadii Dawladda Itoobiya ee Dhexdhexaadinta Markii uu khilaafkii u dhexeeyey xukuumaddii Daahir Riyaale iyo xisbiyada mucaardku meel sare marayo ayuu dalka yimid wefti ka socda dawladda Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiirul dawladihii arrimaha dibadda ee la odhan jiray Takadu Alemo. Weftigii Itoobiya wuxuu kullano kala duwan la yeeshay xisbiyada Somaliland iyo Baarlamaanka. Markii ay joogeen muddo 7 cisho ah ee ay u kala dab-qaadayeen labadii dhinac ayey dib ugu laabteen dalkoodii iyagoon wax hadal siinin saxaafadda Somaliland. Laakiin xisbiyada mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid habkii dhexdhexaadinta ee ay wadeen dawlada Itoobiya. Waxa ay sheegeen inuu weftiga Itoobiya soo jeediyey laba arrimood oo kala ahaa: In doorashada lagu galo diiwaangelinta codbixiyayaasha, oo SERVERKA laga sii shaqeeyo In mudadaasina ku sime ahaan xilka M/weynenimo u sii hayo Riyaale. Xisbiyada mucaaradka ayaa labadaasi qodob u arkay inay taageerayaan xukuumadda Riyaale, markiibana way ku gacansaydheen. Dhinaca xisbiyada mucaaradka ayaa u soo jeediyey weftiga Itoobiya in marka la gaadho 27-ka Sebtember 2009-ka dalka loo dhiso dawlad dhexdhexaad ah oo doorasho dalka ka qabata, oo aanay ku jirin 6-da xubnood ee musharaxiinta u ah 3-da xisbi. 6-dii Qodob ee Beesha Caalamku Soo Saartay Markii ay xukuumadii Riyaale iyo xisbiyaddii Mucaaradku diideen ergadii muwaadiniinta ahayd ee u guntaday xal u raadinta khilaafka ka dhex-aloosnaa xukuumada iyo xisbiyadda mucaaradka, ayey mar keliya aqbaleen 6 qodob oo shisheeye soo saaray, waa ta keentay inay noqoto markii ugu horaysay ee shisheeye wax inoo yeedhiyo sida ka taagan Soomaaliya 24 sannadood ee aynu soo dhaafnay. Lixdii qodob waxay kala ahaayeen: In doorashooyinka lagu galo diiwaangelin In SERVER-ka la saxo oo khubaro caalamiya loo xil saaro, oo ay khuburadaasi caddeeyaan mudada ay hawshaasi laga sugayey ku diyaariyaan. In mudadaasi SERVER-ka ku fulin karo hawshaasi kala saarista khaladaadka codadka ku jiray inay caddaato In tallaabooyinka farsamo ee ay khubaradaasi ku sargooyaan qabsoomidda doorashada ay qaataan amma ogolaadaan xisbiyada Somaliland In mudadaasi loo kordhiyo xukuumadii Riyaale ee wakhtigeed ku dhammaanayey 27-ka Sebtember 2009-ka, da dib 3-da xisbi heshiis wada shaqayn yeeshaan xaalada doorashooyinka In guddiga doorashooyinka la bedelo, iyo inay beesha caalamku taageeri doonto heshiiska 3-da xisbi hirgeliyaan. Haddaba su’aasha taagani waxa ay tahay mar kale ma iman doontaa inay faragelin beesha caalamku dusha inagaga timaado? Wakhtigan waxa durbaanka shisheeye dalbanka tumaya xisbiga WADDANI sidii uu hore durbaanka shisheeye u tumay KULMIYE. Cali Cabdi Coomay Suxufi, Qoraa ah. Haragaysa, Somaliland calicoomay@hotmail.com Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga WADDANI Maxamed Sadiiq Dhamme ayaa waxaa uu dhalinyaradda reer Somaliland ka raali-galiyey hadalo dhawaan ka soo yeedhay wasiirka shaqada iyoa arimaha bulshada Hinda Jaamac Gaani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah qareenada Somaliland ayaa waxaa ay eedeymo culus u jeediyeen ciidammada booliska Somaliland oo dhawaan xabsiga Dhigay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo soo bandhigay Maanso uu xukuumadda ku dhaliilaayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa dood dheer kadib waxaa ay aqlabiyad ku ansixiyeen wax ka bedelka Xeerka bangiga dhexe, gaar ahaan xulidda guddiga agaasinka bankiga. Inta aan la ansixin sharciga, waxaa meesha ka dhacday dood culus, oo ay xildhibaannada ka dhaheen ansixinta. Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ha kuwa taageersan ayaa yiri “Xeerkan waxaa laga fidiyay barabogaanto aan ku qiyaasay aniga qaran dumis oo ah in bankiga la doonayo in loo magacaabo qof ajnabi ah waana been”. Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in sharciga uu baarlamaanka 9aad ansixiyey, madaxweynuhu saxiixay, lagu soo saray dekereeyo in xeer lagu badalayo, ujeedkana ay tahay shuruudaha lagu xulayo maamul banigiga dhexe, arrintaasina ay tahay sharaf dhac. Xildhibaan Sakariye Xaaji ayaa sheegay in uu rumeysan la’yahay in wasiirrada isku raacaan in dastuurka halkaas ha la isla dhigo ajnabi dartiisa”Warqadaas waa khiyaano qaran, baarlamaanow ogaada, wax badan ayaa u samirnay dowlad jeceyl, maalin walba in lagu xad-gudbo hanta, maamul iyo dastuur oo shacabka sidii la rabo loo maamuusho”. Xilidhibaan Jangali waxaa uu sheegay in aaney wanaagsaneyn in sharci loo badalo qof ajnabi ah dartiis”Nasiib daro ka wayn ma jirto in nin ajnabi ah loo dhiibo Bangiga Dhexe iyadoo ay joogaan aqoon yahano Soomaaliyeed”. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa dhankiisa sheegay “bangigeenna waxaa maamulo 4.5, maanta xalkeenna waxaa uu jiraa gaalka ugu madow in loo dhiibo”. Xildhibannada sharciga ka soo horjeeday waxaa ka mid ahaa Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene isaga oo xukuumadda ku eedeeyey in qeylo wadaan, waxaana su’aalay sababta iyaga oo labadiisa sano ee la soo dhaafay aan qoran shaqaale cusub oo rayid ah ay qof ajnabi ah shaqo u siinayaan. Illaa 158 Xildhibaan ayaa ansixiyay, halka 17 ay diiday, taasoo ka dhigay in xeerkii ay Xukuumadda u ololeyneysay la ansixiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Kadib doorashadii madaxweynaha cusub ee maamulka Putnland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa durbaba hoos u dhac laga dareemay suuqa lagu kala sarifto lagacta dollarka Mareykanka ee deegaanada Putlnland. Ganacsatada magaalada Garowe oo la hadlay Goobjoog News ayaa u sheegay in 100$ lagu kala sarifayo hadda 3 milyan oo Shilinka Soomaaliga ah halka markii hore uu ka ahaa 3 milyan iyo bar ilaa 4 milyan oo Shilinka Soomaaliga ah, waxana loo sababaynayaa ayada oo deegaanada Putnland ay soo galeen lacago dollar ah waqtigii ololaha doorashada iyo maamulka cusub oo joojiyay in bangiga lacago shilin Soomaaliya laga soo bixiyo. Bashiir, oo ka mid ah ganacsatada Garowe ayaa Goobjoog news uga waramay arrinkaas waxaa uuna yiri ‘Magaceygu waa Baashi khaliif Aadan oo ka mid ah sarifleyda magaalada Garowe maanta, xalay ,ilaa iyo shalay galinkii danbe waxaa laga dareemay hoos u dhac ku yimid sarifka lacagta waxana 1$ lagu sarifayaa 30.000 oo Shilin halka markii hore uu ka ahaa 34.000 ilaa-36000 oo Shilin, hadda magaaladana mayaalo kaash, waxaana ugu wacan ayadoo waraaqad ay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu xannibay in bangiga dhexe laga bixiyo lacago kaash ah ayadoo magaalada uu yaalo dollar badan taas ayaa hoos u dhaca ku keentay sarifka’ Sidoo kale Bashiir oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay is badalkii laga filayay inay la yimaado maamulka cusub iyo balanqaadayadii Saciid Cabdullaahi Deni markii uu ku jiray olalahiisii doorashada inuu wax ka qabanaayo sarifka iyo sicirka bararka ka taagan maamulka Putnland hadana waan aragnaa inuu fuliyay balankii uu qaaday. Dhanka kale qaar ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan oo sara kaca sarifka uu saameyta ugu badan ku yeesho ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan sarifka lacagaha is badalka ku yimid ayanoo sheegay in arintaan wax badan ka badalayso noloshooda, Maxaed Saciid Xasan oo ka mid ah bulshada ku dhaqan ee magaalada Garowe ayaa sheegay in bulsho ahaan ay soo dhaweynayaan hoos u dhaca dhanka sarifaka ah ee laga dareemay deegaanada Putnland, ‘Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay hadaan nahay bulshada ku nool deegaanada Putnland hoos u shaca sarifka lacagta in kastoo aan lays ku haleen Karin hadana waxaan rajaynaynaa inuu hoos u dhaco mahane in uu mar danbe kor ulaaban’ Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Birmingham) Abwaan Cabdiqani Cumar Geedi (Ilkacase)oo kamid ah bahda Sugaanta, ahna Heesaha Mulaxaj iyo Abwaanba ayaa shaciyay inuu ka baxay gabi ahaanba Xisbiga KULMIYE oo uu hore uga tirsanaa. Abwaan Cabdiqani Cumar Geedi oo la soo xidhiidhay shabakadda wararka ee Somalilandtoday Wuxuu sidoo kale canbareeyay xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees iyo Siciid Maxamuud Gahayr . Isagoo arrimaha ka hadlaaya Wuxuu yidhi . “Anigu maanta Laga bilaabo waxaan idin cadaynayaa inaan ka baxay Xisbiga KULMIYE oo anaan qarsan jrin tageeradiisa waxbadana aan soo taray, sababuhu way badan yihiin dibna waan ka soo sheegi doona waxaase ugu wayn halkay maanta Somaliland marayso iyo caqligii ka saari laha oo aan ii muuqan “. Abwaan Cabdiqani Cumar Geedi wuxuu intaas ku daray . “Waxaan canbaraynayaa xadhiga sharci darrada ah ee cabudhinta ah ee Lagu xidhay Abwaan Cabdiraxmaan Abees, horena uu ugu xidhnaa Siciid Maxamuud Gahayr . Ha hadlin oo waxba ha arkin hore ayay wax ugu hagaagi waayeen hadana ku hagaagi mayso “. Sidaa ayuu yidhi Abwaan Ilkacase. dhig aan soomaanta oo tariikhdu tahay Source