Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,264
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la go’aamiyay, in si rasmi ah loo caleema-saaro, 26-ka bishan Jannaayo 2019 oo ku beegan maalin Sabti ah,sida ay xaqiijiyeen ilo’ xog-ogaal ah. Caleema-saarka madaxweynaha waxaa ka soo qeyb geli doona, mas’uuliyiin ka tirsan Golahayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya,qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka,saraakiil ka tirsan Xisbiga Xassan Sheikh Maxamuud, xubno ka socda IGAD, Midowga Afrika, wakiilada Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale. Guddiyada qabanqaabada caleema-saarka madaxweynaha ayaa maanta la magacaabay,waxaana ay ka boobanyihiin afar guddi oo kala ah, guddiga Xiriirka, Casumaada iyo soo dhoweynta, guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga. PUNTLAND POST The post Goorma Deni la caleema-saari doonaa? appeared first on Puntland Post.
  2. WAXA AAN DOONAYAA DAWLAD, DAWLAD DARYEESHA DADKEEDA ============================= Dalkan aynu ku noolahay ee jamhuriyada Somaliland waxa uu soo maray marxalado badan oo midiba mid ka sii darnayd oo ay ugu horeeyeen cadaadis isir dagaalo iyo qax ay dadku baro kaceen. Marxalado qas iyo dhib badnaa oo dawladnimadu shaqayn wayday dagaalo sokeeye sixir barar iyo lafdhabartii dhaqaalaheena oo la inaga iibsan waayey (xoolaha nool) samir iyo dedaal adag oo ay bulshadu dhexda xidhatay ayeynu kaga soo baxnay waxaasi oo dhan. Dhibaatooyinkaa ina soo maray iyo marka aynu eegno kuwa ka socda jaararkeenu somalia waxa ay ina dhaxalsiiyeen in aynu qiyaasi (cabiri) kari wayno oo aynu garan wayno dawladnimada aynu rabnay tii ay ahayd hadba inta aynu haysano uun ku mitidno oo aynaan is odhan hore u socda. Dawladnimada aynu doonaynaa waxa ay ahayd : Dawlad sharcigu sareeyo oo aan cidina ka sarayn Dawlad umada ka ilaalisa in ay yeelato dabaqado sare iyo kuwa hoose oo baa’ba ah. Dawlad ina siisa waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah ama aad u jaban oo qofkastaa awoodi karo. Dawlad ina siisa caafimaad tayo leh oo lacag la’aan ah oo muwaadin kastaa heli karo. Dawlad ina siisa biyo inagu filan lacag la’aan ama aad u jaban oo qofkastaa iibsan karo. Dawlad Ina siisa nal (laydh) lacag la’aan ah ama aad u jaban oo qofkastaa isticmali karo. Dawlad bulshadu ku leedahay xuquuq siman oo muwadinimo. Dawlad u adeegta danyarta ee aan kaliya u adeegin inta wax haysata. Dawlad cadaalad iyo sinaan umada ku dhaqda. Dawlad sharciga aan cid gaar ahi ku adeegan ee loo siman yahay. Dawlad loo siman yahay khayraadka iyo dhaqaalaha dalka. Dawlad dhalinyaradu hogaamiso oo kartidooda iyo aqoontoodu ka muuqato. Dawlad xuquuqda dumarka siisa oo ku salaysan diinta islaamka. Dawlad hantida umada u ilaalisa oo wax ugu soo darta ee aan waxba ka lumin(iibin) baahi daruuriya mooyaane. Dawlad iyadu ganacsiga dalka maamusha oo aanay ganacsatadu maamulin. Dawlad damaanad qaadi karta in ay wax kasta oo dibada ka imanaya ka eegto dadkeeda. Dawlad aan qabyaalad iyo qabiil lagu maamulin ee aqoon, waayo-aragnimo iyo karti lagu maamulo. Dawlad qofkasta oo muwaadin ahi awoodi karo in uu wax barto. Dawlad dalka diinta islaamka ku dhaqda oo ku maamusha. Dawlad yeelata dedaalkii ka mid noqoshada dawladaha caalamka ee la aqoonsan yahay. Dawlad shaqo u abuurta da’yartaa wax baratay ee suuqyada tuman badhna badaha ku daateen. Dawlad dadka bilaa xirfada ah barta xirfado shaqo oo ay ku shaqo tagi karaan. Hadaba waynu heli karnaa dawladaa aynu uga baahanahay waxaas oo dhan cid kalena kuma xidhna ee inaga oo ah dadka reer Somaliland ayey inagu xidhan tahay sidii lagu helayey oo dadka aduunka ku nooliba way soo wada mareen marxaldo adag laakiin isku duubni iyo karti ayey kaga badbaadeen oo ay kaga baxeen. inaguna hadii aynu sidan yeelno waynu ka bixi karnaa ☆in dadka reer Somaliland oo dhami is cafiyaan iyaga oo isku niyad sana ay doortaan hogaan. ☆ in aynaan qabyaalad iyo reer waxba ku dooran ee aynu ka fikirno mustaqbalkeena in dadka reer Somaliland isku duubnaadaan oo danta qaranka meel uga soo wada jeedaan. ☆ in aynu qiimayno aqoontiisa iyo kartidiisa iyo diintiisa qofka aynu hogaanka u dhiibanayno. ☆ In aynu diidno in beelnimo iyo reero la inoola shiro marka danta la inaga leeyahay ee intii isku deegan ahiba iyaga oo midaysan dan guud kala hadlaan cidkasta oo doonaysa in ay dalka hogaan u qabato. ☆ In deegaan waliba qofka ugu aqoonta badan ama ugu kartida badan ama ugu Alle ka cabsiga badan ama ugu waayo aragsan ee aqoonteeda leh usoo xulaan kuraasta qaranka ee golayaasha deegaanada iyo baarlamaanka. ☆ In aynu ogaano cida aynu dooranaynaa in ay masiirkii umadan iyo mustaqbalkii ubadkeena tahay si lexo jeclo lehna u lafo gurno oo taxadir leh cidkasta oo aynu dooranayno. ☆ In aynu la xisaabtano oo ku daba socono cidkata oo aynu dooranay si aanay wadada uga baydhin. ☆ In aynu bulsho ahaan inagu istaakulayno oo keena baahan soo gacan qabano oo isku naxariisano. ☆ In aynu garab istaagno cida aynu hogaanka u dhiibanay oo u hogaansano maamulka dawladnimada. Hadii aynu bulsho ahaan intaa iyo inkale oo la mid ah oo wada wanagsan ku guulaysano waxa aynu noqon doonaa umad hesha qaran iyo dawladii aynu doonaynay ee horumarka iyo barwaaqada umada gaadhsiin lahayd. waxa aan ku soo gabogabaynayaa qoraalkayga tixdii abwaan Gaariye Alle ha u naxariistee tuduc ka mid ah :- (waxa aan doonayaa qaran,qaran dhaama kii dumay) Taladii iyo qoraalkii aan qoray AUG 12 2017. Muhamed Dhimbil Qaran News
  3. Nation’s successes and failures depend on the values that its leaders adopt President Dwight. D. Eisenhower of USA once said, “The supreme value of a leadership is unquestionably integrity”. To explain it, Integrity is the quality of first being honest, consistent in character and having strong moral principles or moral uprightness. What is best associated with the leader’s personal gains or benefits is the most disastrous social dilemma for the national success. In this article we are going to examine why Somaliland succeeded it’s very difficult and hard efforts of nation build in its infant stage of late President Egal era; while after twenty eight years of existence, Somaliland is in a state of uncertainty economically, socially and politically. The unfortunate and un acceptable phenomenon that Somaliland experienced for the last decade, within the administrations of president Siilaanyo and president Bihi’s current governments is that both of them failed to solve even the inflation problem for that long period; which is the simplest financial problem that a country can face. Siilaanyo’s government had delegated a committee to find a successful solution for the inflation crisis that devastated the economy of the common people. Bihi’s current government also tried to find solution for the inflation problem and assigned a committee for that specific mandate. within a very short period of time each of the two committees released a very hasty decision, indicating some points which were very similar in nature and irrelevant to cure the illness; but instead worsened the situation causing the inflation rate went higher. It is obvious that there are government institutions and those appointed to the top posts of these institutions, which are responsible to prevent the country from these financial and monetary problems. These Institutions and their heads of both the two governments neglected and failed to perform their material Duties of what they are responsible for the country which include: To prevent the country from inflation which is a market-determined decline in the value of the somaliland shilling or altering the face value of the local currency To stand ready to avoid local currency depreciation or decrease in value relative to other major currencies To set a system that can maintain the country’s currency fixed value and its fixed exchange rate with respect to the foreign reference currencies used in the country To have the knowledge of revaluation monetary system whenever a floating exchange rate due to the market forces is detected; which is an increase of the local currency’s fixed rate, making the foreign currency value go down in the market To control the demand and supply balance both in the context of trade and foreign currency needs, because always excess demand over supply definitely cause inflation To control the prices of the essential goods and services especially food, medicines, petroleum and building materials which now increased more than 100% with respect of their prices when Siilaanyo came to power And to secure the stability and gradual growth of the national economy The thing that nobody can explain what did it meant is that the ministers, head of agencies and officers mandated for these mentioned and much more other responsibilities who failed to save the country from this economic crisis again became the committee members selected to find solutions for the problems resulted from the failures of their responsibilities. There are many well experienced professional economists and financial experts who have the knowledge in dealing with the inflation problem that devastated the economy of the state, affected the people’s livelihoods, increased the prices of commonly consumed commodities like food, medicines, petroleum, building materials and other essential goods. Using the word experts, I don’t mean to hire foreign economists; what I really mean is that there are so many somalilanders who can ride this nation to economically stable position with an absence of excessive fluctuations in the macro-economy, with low or zero inflation and fairly constant economic growth. The founders who set this nation’s finance system such as taxation rating systems, state accounting procedures, budget design and management, customs tariff, all finance related laws and regulations during the nation building period of late president M. I. Egal are still living in somaliland and mostly in the capital; with nothing to do sitting in the bars and other public places. These nation building pillars and experts in the economy and finance fields succeeded to make Somaliland enjoy with economic stability, gradual growth of nation building, zero inflation rate, fixed value of the local currency relative to foreign currencies, local currency fixed exchange rate with respect to the foreign currencies, the lowest prices ever of food commodities and other essential goods, and a banking system strong to control the financial market. They achieved all these monetary and socioeconomic developments in the early years of Somaliland existence with a resource of less than 30 Million dollars national budget and a zero foreign aid funds. Egal’s government gradually moved this nation from nothing to a position it stood up on its own legs; having its economic, monetary, social and political instruments to be measured as a legitimate and sovereign state. Every institution, every organ and every sector of the government moved through the process of gradual development as a brick fitting its position in the wall of nation building. That nation building success and economic stability in somaliland’s infant stage resulted from the combination of a determined and good visional leadership with commitment and Integrity and the efforts of those professionals empowered with Honesty, intellectuality and patriotic decisions capable to move the country forward towards development. They applied good and effective performance of the Human Resources that helped to achieve the objectives of building well functioning government institutions and enhance their productivity. They conducted an efficient, effective, transparent and accountable Financial management system; in such a manner as to accomplish the nation building based plan, through the legitimate intermediate institutions of the government. They properly scheduled and prioritized nation’s wall building, by creating and establishing one after the other of all conditioned organs, resources, values and items that an independent state should possess. Simply the secret was that there were leadership values based on seeking national success through honesty and integrity. While these ever standing failures that dominated the last two governments’ activities rests on the twist of the values adopted by the leaders and other officers of these governments from national success based values to personal gain based values. So, to overcome the current inflation, monetary disorders and financial fluctuations, we need those who know much to deal with these problems be named or appointed to the top posts of the concerned ministries, institutions and agencies; to build the central bank capability to control the SL shilling value to foreign currencies exchange market; and to restore the values adopted by the leadership at the time of Egal that shaped the nation’s success. The type of values that leaders adopt influence their actions and these subsequent actions help determine the success or failure of a nation and the life’s outcomes of its people both in terms of happiness and financial success. “Nation’s successes and failures depend on the values that its leaders adopt” Adam Ali Younis Email: aayonis@hotmail.com . Qaran News
  4. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta markii uu la wareegay xilka madaxweynaha Puntland kadib wuxuu soo saaray qoraal uu ku mamnuucayo daabacaada lacagta Shilling Soomaaliga. Qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu sheegay inaan Puntland gabi ahaanba lagu daabici karin lacag Shilin Somali ah. Wasaarada Maaliyadda iyo taliska ciidamada booliska Puntland ayaa lagu wargeliyay inay dhaqan geliyaan ka hor taga daabacaada lacagta Shilin Soomaaliga.
  5. At least two people, including a child, were reported to have been wounded in a car bomb explosion in Mogadishu, the Somali capital on Monday evening. A witness told Radio Shabelle that the blast was caused by an explosive-laden parked outside the Village Restaurant located near Benadir junction in the capital. The wounded have been immediately taken to a hospital for treatment by the local ambulances. Their injuries are not life-threatening, medics said. No group has so far claimed responsibility for the car bombings, but, such attacks in the city often blamed on Al Shabab, an Al-Qaeda-linked group fighting the Somali government. The post Car bomb outside popular restaurant in Mogadishu injures two appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabo qarxa ayaa laga soo wariyay afaafka hore ee Makhaayadda The Village, oo ku taala inta udhaxeysa Isgosyada Banaadir iyo Digfeer. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle inay arkeen dhaawaca labo ruux, oo uu ku jiro mid caruur ah, kuwaasi oo loola cararay goobaha caafimaadka. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa falalka noocaan ah ka fulisa guud ahaan dalka. Weerarkaan ayaa kusoo aadaya iyadda oo hay’addaha amaanka ee dowladda ay ku howlan yihiin xaqiijinta amniga, ayna baaris xoog leh ku sameynayaan baabuurta adeegsaneysa Isgosyada caasimada. The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-14012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. (SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku amray in la joojiyo daabacaadda lacagta shillin Soomaaliga. Deni oo qoraalkan u kala diray guddoomiyaha iyo agaasimaha guud ee Bankiga Puntland, ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya aan lacag la daabici karin nooc kasta oo ay ahaato. Waxa uu sheegay in tani looga gol-leeyahay in kor loo qaado nolosha shacabka Puntland, loolana dagaalamo, buu yiri, sicir-bararka. Deni ayaa wareegto kale oo uu soo saaray ku amray taliyaha ciidamada booliska Puntland in la joojiyey dismaha dhulka dowladda Puntland. Waxa uu sheegay in dhulkaas bixintiisa uu awodd u leeyahay oo kaliya madaxweynaha Puntland. Source
  9. Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhacay maqaaxida The Village oo ku taala degmada Hodan ee Muqdisho. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi. Ciidamada ayaa xiray halka uu qaraxa uu ka dhacay waxaana Boolisku uu sheegay in gaari kale uu qaraxa ah uu yaalo goobta uu qaraxu uu ka dhacay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay wax-ka-bedel lagu sameeyay xeerka Bangiga Dhexe ee Somalia, taasoo timid xilli maalmahan la hadal-hayay in Bangiga Dhexe ee Somalia – Guddoomiye looga dhigayo nin u dhashay dalka Britain. Kulankii maanta oo ay fafdhiyeen 175 xildhibaan ayaa 158 ka mid ah waxay ansixiyeen wax-ka-bedelka xeerka bangiga dhexe, halka 17 xildhibaan oo kale ay iyaguna diideen in meel-marinta go’aankan. Arrinta wax-ka-bedelka xeerka Bangiga dhexe ayaa dhigaya in Hogganka sare ee Bankiga ay qaban karto cid kasta oo ugu dhibca-saraysa dadka u tartamaya, taasoo ka dhigan cid walba ay xilkaas qaban karto, iyadoo aan loogu eegeyn Jinsiyaddiisa. Sido kale, intii ay socotay doodda wax-ka-bedelkan xeerka, ayaa waxaa qaar ka mid ah xildhibaanada ay ku tilmaameen inuu yahay xeerkan mid qiyaano qaran ah oo la baal marayo qiimaha muwaadinka uu leeyahay, isla markaana ajnabiga laga doortay. Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mdi ah xildhibaannada ugu go’aannada adag baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in go’aanka maanta la ansixiyay uu yahay mid Qiyaano Qaran ah, isla markaana uu ka digayo in bangiga dhexe loo dhiibo qof Ajnabi ah, iyadoo la helo qof Soomaali ah oo qaban kara xilkan. “Waxaan rumeysan la’ahay in xeerkan Golaha Wasiirrada ay si wada ogol ah isugu raaceen inay ansixiyaan oo ay baarlamaanka usoo gudbiyaan, waxaa kale oo aan rumeysan la’ahay in Golaha Wasiirrada ay isku raaceen in lagu tunto dastuurkii dalka u yaallay illaa maalintaan Xorriyadda Qaadannay oo weliba hal qof oo ajnabi ah dartiis sidaas loo yeello,” ayuu Zakariye ku yiri hadal uu warbaahinta u jeediyay. Xildhibaanka ayaa intaas ku daray. ”Waxaan xukuumadda doonaynaa inay noo caddeyso kitaabkii lagu dhaarinayo ninka ajnabiga ah ee lagu wado in uu gudoomiye ka noqdo Bankiga dhexe ee Somalia.” Ugu dambeyn, Wax-ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan qodobka 130-aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sarreeya, karti ahaan aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe. PUNTLAND POST The post Xildhibaannada Baarlamaanka oo Ansixiyay Isbedel lagu sameeyay Xeerka Bangiga Dhexe appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Cayaaraha Qoobdooro ee Degmada Kaaraan oo si casri ah loo dhisi doono. Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda uu garoonku u leeyahay cayaaraha iyo isku-xirka dhalinyarada Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in marka la dhameystiro ay ka faa’iideysan doonaan kooxaha kubadda cagta ee Caasimadda. Duqa Muqdisho waxuu sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay soo nooleynta Isboortiga iyo in dhalinyaradu ay helaan goobo ay ku soo bandhigaan xirafadahooda cayaareed. “Dib-u-dhiska Garoonka Kubadda Cagta Qoobdooro ee Degmada Kaaraan oo loo dhisi doono qaab casri ah wuxuu ka tarjumayaa qiimaha isku-xirka iyo is –dhexgalka bulshadu ay noo leeyihiin, anaguna mar walba waxaan u taaganahay sidii dhalinyarada Caasimaddu u heli lahaayeen goobihii ay xirfadahooda ku soo bandhigi lahaayeen”. Ugu dambeyn, Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cabdiqani Siciid Carab, Guddoomiye Ku-xigeenada Arrimaha Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda, Arrimaha Bulshada, Howllaha Guud iyo masuuliyiin kale oo ka socday Gobolka banaadir. PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo dhagax-dhigay Garoonka Cayaaraha Qoob-dooro ee Degmada Kaaraan appeared first on Puntland Post.
  12. (SLT-Saylac)-Xildhibaanno Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Saylac Oo Cambaareeyay Xadhiga Dhalinyaro Ku Xidhan Xariirad, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi deni ayaa amray, in la joojiyo daabacaadda lacagta shiling Soomaaliga ah ee lagu farsameeyo degaannada Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha cusub, oo lagu socod-siiyay mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee dowladda, ayaa madaxweynuhu ku joojiyay,daabacaadda lacagta shiling Soomaaliga nooc kasta oo ay tahay. Dikreetada waxaa ku xusan, in go’aankan loo qaatay, si kor loogu qaado nolosha shacabka reer Puntland,islamarkaana loola dagaallamo sicir bararka. Mudane Deni ayaa tan iyo markii la doortay soo saaray, dikreetooyin xiriir ah oo dhammaantood cinwaan looga dhigay ereyga“joojin“,waxaana go’aannadan u badan yihiin dhinaca maaliyadda. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Deni oo joojiyay daabacadda shiling Soomaaliga appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in qarax uua ka dhacay Afaafka hore ee mqaaxida The Village, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay gaari yar oo Nooca Raaxada ah kaasoo horyaala maqaaxida. Wararka ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhaawacmeen qaraxa. Ilaa hadda lama oga cidda sida gaarka ah loo bartilmaameedsanayey. Gaariga qaray, ayaa saameeyay gawaari kale oo u dhaweyd, taasoo keentay in mar kaliya Uuro ay cirka is qabsato. Ciidamada amaanka ayaa tagay goobta, iyagoo wada baaritaano la xiriirta sida ay wax u dheceen, waxeyna xireen wadada gasha Maqaaxida. The Village dhowr jeer oo hore waxaa horteeda uga dhacay qarax kan la mid ah, waana meel dadku ay tagaan waxa ka danbeeyay Casarkii, iyadoo ay ku dhowyihiin dhismooyinka PIZZA House iyo Maqaaxida kale ee Bosh. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Munaasabada ballaaran oo lagu daahfurayey Bankiga cusub ee Daryeel Bank oo ay leedahay Shirkadaha Xawaalada Iftin Group ayaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain, iyadoo isla munaasabadan lagu soo bandhigay adeega cusub ee (YEEL app). Xafladan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay ganacsato, aqoonyahano, odayaal, haween iyo qeybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada London. Aadan C/llaahi Ilkacase Guddoomiyaha Shirkadda Iftin Group oo Bankigan cusub faah faahin ka bixiyey ayaa sheegay in Daryeel Bank uu yahay Banki ka diiwaan-gashan Bankiga dhexe ee Somalia, ayna u dhameystiran yihiin shuruudaha looga baahan yahay Bankiyada caalamiga ah. “Bankiga daryeel waxaa uu hoos tagaa Shirkadda xawaalada Iftin Group, waxaana uu laamo ku leeyahay gudaha Somalia, isagoo ka barbar shaqeyn doona dhamaan laamaha xawaalada Iftin ku leedahay caalamka” ayuu yiri guddoomiyaha oo dhinaca kale sheegay iney soo kordhiyeen adeeg cusub qofka u sahlaya inuu lacag diro isagoo gurigiisa ama xafiiskiisa jooga, kuna helayo haddii loo soo diro. Ingineero Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cige iyo Mahad C/llaahi ayaa dadkii ka soo qeyb galay xafladaas sharaxaad ka siiyey qaabka uu shaqeeyo barnaamijka cusub ee (YEEL-app) oo daryeel Bank uu ugu talo galay dadka Soomaaliyeed iney lacag diraan ama ku helaan lacag loo soo diray iyagoo aan tegin xafiis xawaaladeed. Waxaa sidoo kale ka hadlay Munaasabadan ka hadlay Gudoomiyaha Bankiga Daryeel Xaamid Aadan Ibraahin oo isna sheegay in Daryeel Bank uu yahay Bankiga lixaad ee ka diiwaan gashan Somalia, awoodna u leh inuu u shaqeeyo sida Bankiyada kale ee la aqoonsan yahay, isagoo ugu baaqay iney ka faa’iideystaan adeegyada ay bixinayaan. “Bankiga daryeel waxyaabaha uu kaga duwan yahay Bankiyada kale ee Soomaalida waxaa ka mid ah Adeega YEEL oo dadka isticmaalaya u fududeynaya iney si sahlan lacago isugu diraan iyagoo aan tegin xarun xawaaladeed, waana adeeg aad u horumarsan oo ilbiriqsiyo gudahood lacagta ku gaarsiinaya meeshii loogu talo galay” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Daryeel. Waxaa sidoo kale munaasabadan ka hadlay madaxda Teknolojiyada iyo amniga ee Bankiga Daryeel Abdisalan Mohamed Ahmed oo ku dheeraaday kalsoonida lagu qabi karo adeegan iyo sida haboon ee looga faaiideysan karo. Dadkii ka soo qeyb galay xafladan ayaa u riyaaqay Bankiga Daryeel iyo adeega cusub ee uu soo bandhigay, iyagoo ku amaanay dedaalka ay Shirkadda Iftin Group ku bixisay sidii ay u qancin laheyd macaamiisheeda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo ku booriyey shirkadda Iftin iyo Bankiga Daryeel iney halkooda ka sii wadaan dedaalkooda. PUNTLAND POST The post Bankiga cusub ee DARYEEL oo lagu daahfuray London appeared first on Puntland Post.
  16. Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa joojiyay, in la dhisto dhammaan dhulka ay dowladdu leedahay ee ku yaalla magaalada Garoowe. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu amray taliyaha Booliiska Puntland, in uu joojiyo dhismayaasha sharci-darrada ah ee laga dhisayo dhulka dowladda ee ku yaalla caasimadda Puntland ee Garoowe. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu caddeeyay, in madaxweynaha oo keliyah uu awood u leeyahay,bixinta dhulkaasi dowladda,waxaana mas’uuliyiinta warqaddan ku socoto la faray, in ay qabsadan waajibkooda shaqo. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweynaha Puntland oo joojiyay in la dhisto dhulka dowladda appeared first on Puntland Post.
  17. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa joojiyey daabicida lacagta Shilingka Soomaaliga ah nooc kasta oo ay tahay gabi ahaanba, si loogu turo Shacabka Puntland, loolana [...] Source
  18. (SLT-Ceerigaabo)-Maxkamadda gobolka Sanaag ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin hore Magaalada Ceerigaabo ugu dilay Aabihii, halkan hoose ka DAAWO warkan Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa taageeray in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya loo dhiibo qof ajanbi ah, xilli maanta la ansixiyay xeer ogolaanaya. Jeesow waxa uu sheegay in Bankgiga Dhexe ee Soomaaliya mudo hoggaankiisa lagu soo xulayay hab beeleed, taasina uu sheegay inay dhibaato dalka ku tahay. “Bankigena waxaa maamula 4.5 wax la yiraahdo, Alle ayaa idinku dhaarshaye ilaa baarlamaankii 8-aad waxaa lagu soo xulayay 4.5, qofka dhahaya muwaadinimo iyo dal aan ka damqanaa, ayaa ku leh ajaanib ayaa loo dhiibayaa, dekadeena yaa lacag nooga uruuriya ajaanib, waxaa xalaasha ah ee aan ku kala baxeynaa waa isaga, gaal midka ugu madow ayaana loo dhiibayaa” Waxa uu sheegay in dalkeena loo baahan yahay in caalamka kale uu wax la qeybsado iyo fur furnaan, hase yeeshee lacagta canshuurta ah ee dadka Soomaaliyeed laga soo aruriyo aan 4.5 lagu qaadaneyn. Hadalka xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa kusoo aadaya xilli xildhibaanada golaha shacbaka ay maanta ansixiyeen xeer ogolaanaya in qof ajnabi ah uu madax ka noqon karo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya. Dhageyso codka Jeesow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Xildhibaan-Daahir-Amiin-Jeesow.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. (SLT-Moscow)-Xukuumadda Waddanka Ruushka ayaa walaac weyn ka muujisay wax ay ugu yeedhay is ballaadhinta Millatari ee dawladda Ingiriisku saldhigyo cusub kaga dhisanayso meelo kala duwan oo adduunka ah, waxaanu digniin ugu diray in uu ka joogsado hawshaasi oo uu sheegay in uu u arko daandaansi dhinaca istaraatiijiyadda Millatari ee adduunka ah. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Haweenayda lagu magacaabo Maria Zakharova oo dorraad saxaafadda kula hadashay Magaalada Moscow waxa ay sheegtay in qorshaha xukuumadda London ay saldhigyo Milatari iyo tas-hiilaad dhinaca Gaashaan dhigga ah oo ay meelo dhawr ah ka samaysanaysaa yahay Gardarro aan meelna loogu soo gabban iyada oo sheegtay in uu Ruushku qaadi doono tallaabo kasta oo uu isna ku difaaco danihiisa istaraatiijiga ah ee mandaqadaha muhiimka ah sida kanaalka Suways, Marin biyoodka Baabul-mandab iyo badda casba. Maria Zakharova waxa ay sheegtay in qorshaha ka bixitaanta Ingiriisku kaga baxayo Midawga Yurub uu yahay sidii uu qiil-sharci ugu heli lahaa in uu ku samaysto saldhigyo cusub isaga oo baal maraya bay tidhi shuruucda caalamka sidaa darteed aanay ka Ruush ahaan aqbalayn in ay daawadaan ciyaartan. Haweenaydan Afhayeenka u ah Wasaaradda Khaarajiga Ruushka Maria Zakharova waxa ay sheegtay in Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Williamson uu sheegay in Ingiriisku siyaasadihii uu kaga baxay sannadihii 1960-kii bariga Kinaalka Suweys ay tahay fursad soo noqon doonta sidaa darteed ay diyaar u yihiin in ay ka shaqeeyaan danahooda Milatari iyo Ammaan ee goob kasta oo dunida ah gaar ahaan meelaha Muhiimka ah ee adduunku isaga kala goosho. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka Maria Zakharova waxa ay sheegtay in hadalladii uu Willamson siiyay wargeyska Sunday Telegraph ay ahaayeen kuwo jaha wareer ah sida ay hadalka u dhigtay. Waxa kale oo ay sheegtay in Ruushku ku filan yahay in uu isaga filnaado waxa ay ugu yeedhay siyaasadaha Aar-goosiga u muuqda. Si kastaba ha ahaatee waxa isa soo taraya wararka quwadaha adduunka la xidhiidhinaya in ay saldhigyo waaweyn oo Milatari ka hunguraynayaan Marin Biyoodka Kinaal Suways iyo Baabal mandab oo ah badda cas ahna goobo istaraatiiji ah waxaanay xogaha qaar sheegayaan in Ingiriiska iyo Ruushkuba isha ku hayaan saldhigyo ay ka samaystaan meelo ay ka mid tahay Somaliland. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Bishii Ogosto ee sannadkii 2009-kii ayuu bilaabay khilaafkii doorashadu inu dhacdo. Wakhtigani wuxuu ahaa dhammaadkii muddo kordhintii xukuumaddii Daahir Riyaale. Khilaakani wuxuu dhashay markii ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen in aanay doorashu Madaxtooyadu wakhtigeedii ku dhacayn. Wakhtigii hore loogu muddeeyey inay dhacdo doorashadu waxa ay ahayd 27-ka Sebtember 2009-kii. Doodda murankaasi oo dheerayd awgeed yaanan idinku daaline waxa jiray ergooyin badan oo kala duwanaa oo qaarkood is-xilqaameen si ay xaalada u dejyaan, balse dhammaan dedaaladaasi way dhicisoobeen, markii ay xukuumada iyo xisbiyada mucaaradku ka horyimaadeen. Beesha Caalamka Yaa U Yeedhay? Xisbiga KULMIYE ayuu ahaa kii ku dhawaaqay inay beesha caalamku soo kala dhexgasho iyaga iyo xukuumada Somaliland. Waana baaqii keenay faragelintii ugu horaysay ee shisheeye Somaliland ku sameeyo. Waana ta maanta taagan ee xisbiga WADDANI kaga dayanayo inay beesha caalamku soo dhexgasho. Waa Sunne khaldan oo xisbiga KULMIY jideeyey, balse aanay ka baydhin xisbiga WADDANI oo dhinacooda kaga ka daba maray. Iyadoo hadalkaasi laga shidaal qaadanayo ayey markiiba ka jawaabtay xukuumada Itoobiya oo iyada werwer gaar ahi ka haystay Somaliland oo ku xidhan dhinaca amaankeeda xudduuda ay Itoobiya la wadaagto Somaliland oo muddo dheer nabad ahaa. Xukuumadda Itoobiya waxay soo dirtay wefti iyo wefti kale oo ka socda midowga yurub. Bulshadii isu-xilqaantay ergada Muwaadiniin tiradoodu gaadhayso 100 xubnood ayaa isu xilqaamay inay dhexdhexaadiyaan xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka, ayaa shirar wadatashi ah u qabtay ururada Saxaafadda oo ay kala hogaaminayaan C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka tirsanaa wargayska SAXANSAXO, Yuusuf Cabdi Gaboobe (Haatuf), Xasan Siciid (Jamhuuriya). Dedaalkii ay ku jireen xubnahan is-xilqaamay waxa xagal daaciyey xukumaddii Rayaale iyo xisbiyadii mucaaradka ahaa, waxa ay markii dambe qaateen lixdii qodob ee beesha caalamku ku dhexdhexaadisay. Waxa ayna qaateen go’aankii ay soo jeediyeen shisheeyuhu. Iyadoo arrintaasi halkaasi taagan tahay ayuu C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) soo bandhigay maqaal kooban, balse nuxur ahaan macno weyn xambaarsan. Maqaalkan wuxuu ku soo qoray wargayska Jamhuuriya 24-kii Sebtember 2009-kii. Kaasoo ciwaan looga dhigay” waxaan ka tacsidaynayaa inta u diir naxaysa iyo muwaadiniintaba Diimuqraadiyadda Galbatay.” Wuxuu ku bilaabay maqaalkan “ nin reer u weyn iyo naag naago ka umulisaba, midna sida uu wax u ogyahay uma sheego, waxaan shcabiga Somaliland ka tacsidanaynayaa hanaankii diimuqaraayadda Somaliand oo galbatay. Iyadoo maanta mar kale iilka dhigayaan golihii guuritdu, xudduntii qaddiyada gooni isu taaga Somaliland oo ahayd inuu shacabigu helo dad iyo dal iyo dawlad xor ah oo hannaan diimuqraadiyadda ku dhaqma. Dhinaca kale waxaan mar kale ka tacsiyadaynayaa diidmadii ay hogaamiyayaasha siyaasadeed ee dalku sida cad u diideen ergooyinkii tirade badnaa ee muwaadiniintii iyo waxgaradkii ummadda ahaa. maqaalkani wuxuu ugu dambayntii cannaan dusha uga tuuray siday xisbiyadu uga door bideen ergaddii dalka kuwa shisheeye, oo ay qaateen 6-dii qodob ee waraaqdda ku xardhanaa. Kuwaasi oo aan noqon Karin dawadii dhabta ahayd ee bogsiin lahayd nabarka maanta jira ee berrina jiri doona.” Nuxurka qoraalkaasi wuxuu bixinayaa iftiin weyn oo ka imanaya toosh afar dhagax le ah, oo lagu iftiimiyey waayaha dhabta ee taagnaa wakhtigaasi. Ergadii Dawladda Itoobiya ee Dhexdhexaadinta Markii uu khilaafkii u dhexeeyey xukuumaddii Daahir Riyaale iyo xisbiyada mucaardku meel sare marayo ayuu dalka yimid wefti ka socda dawladda Itoobiya oo uu hogaaminayo wasiirul dawladihii arrimaha dibadda ee la odhan jiray Takadu Alemo. Weftigii Itoobiya wuxuu kullano kala duwan la yeeshay xisbiyada Somaliland iyo Baarlamaanka. Markii ay joogeen muddo 7 cisho ah ee ay u kala dab-qaadayeen labadii dhinac ayey dib ugu laabteen dalkoodii iyagoon wax hadal siinin saxaafadda Somaliland. Laakiin xisbiyada mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid habkii dhexdhexaadinta ee ay wadeen dawlada Itoobiya. Waxa ay sheegeen inuu weftiga Itoobiya soo jeediyey laba arrimood oo kala ahaa: In doorashada lagu galo diiwaangelinta codbixiyayaasha, oo SERVERKA laga sii shaqeeyo In mudadaasina ku sime ahaan xilka M/weynenimo u sii hayo Riyaale. Xisbiyada mucaaradka ayaa labadaasi qodob u arkay inay taageerayaan xukuumadda Riyaale, markiibana way ku gacansaydheen. Dhinaca xisbiyada mucaaradka ayaa u soo jeediyey weftiga Itoobiya in marka la gaadho 27-ka Sebtember 2009-ka dalka loo dhiso dawlad dhexdhexaad ah oo doorasho dalka ka qabata, oo aanay ku jirin 6-da xubnood ee musharaxiinta u ah 3-da xisbi. 6-dii Qodob ee Beesha Caalamku Soo Saartay Markii ay xukuumadii Riyaale iyo xisbiyaddii Mucaaradku diideen ergadii muwaadiniinta ahayd ee u guntaday xal u raadinta khilaafka ka dhex-aloosnaa xukuumada iyo xisbiyadda mucaaradka, ayey mar keliya aqbaleen 6 qodob oo shisheeye soo saaray, waa ta keentay inay noqoto markii ugu horaysay ee shisheeye wax inoo yeedhiyo sida ka taagan Soomaaliya 24 sannadood ee aynu soo dhaafnay. Lixdii qodob waxay kala ahaayeen: In doorashooyinka lagu galo diiwaangelin In SERVER-ka la saxo oo khubaro caalamiya loo xil saaro, oo ay khuburadaasi caddeeyaan mudada ay hawshaasi laga sugayey ku diyaariyaan. In mudadaasi SERVER-ka ku fulin karo hawshaasi kala saarista khaladaadka codadka ku jiray inay caddaato In tallaabooyinka farsamo ee ay khubaradaasi ku sargooyaan qabsoomidda doorashada ay qaataan amma ogolaadaan xisbiyada Somaliland In mudadaasi loo kordhiyo xukuumadii Riyaale ee wakhtigeed ku dhammaanayey 27-ka Sebtember 2009-ka, da dib 3-da xisbi heshiis wada shaqayn yeeshaan xaalada doorashooyinka In guddiga doorashooyinka la bedelo, iyo inay beesha caalamku taageeri doonto heshiiska 3-da xisbi hirgeliyaan. Haddaba su’aasha taagani waxa ay tahay mar kale ma iman doontaa inay faragelin beesha caalamku dusha inagaga timaado? Wakhtigan waxa durbaanka shisheeye dalbanka tumaya xisbiga WADDANI sidii uu hore durbaanka shisheeye u tumay KULMIYE. Cali Cabdi Coomay Suxufi, Qoraa ah. Haragaysa, Somaliland calicoomay@hotmail.com Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga WADDANI Maxamed Sadiiq Dhamme ayaa waxaa uu dhalinyaradda reer Somaliland ka raali-galiyey hadalo dhawaan ka soo yeedhay wasiirka shaqada iyoa arimaha bulshada Hinda Jaamac Gaani, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah qareenada Somaliland ayaa waxaa ay eedeymo culus u jeediyeen ciidammada booliska Somaliland oo dhawaan xabsiga Dhigay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo soo bandhigay Maanso uu xukuumadda ku dhaliilaayo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa dood dheer kadib waxaa ay aqlabiyad ku ansixiyeen wax ka bedelka Xeerka bangiga dhexe, gaar ahaan xulidda guddiga agaasinka bankiga. Inta aan la ansixin sharciga, waxaa meesha ka dhacday dood culus, oo ay xildhibaannada ka dhaheen ansixinta. Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka mid ha kuwa taageersan ayaa yiri “Xeerkan waxaa laga fidiyay barabogaanto aan ku qiyaasay aniga qaran dumis oo ah in bankiga la doonayo in loo magacaabo qof ajnabi ah waana been”. Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in sharciga uu baarlamaanka 9aad ansixiyey, madaxweynuhu saxiixay, lagu soo saray dekereeyo in xeer lagu badalayo, ujeedkana ay tahay shuruudaha lagu xulayo maamul banigiga dhexe, arrintaasina ay tahay sharaf dhac. Xildhibaan Sakariye Xaaji ayaa sheegay in uu rumeysan la’yahay in wasiirrada isku raacaan in dastuurka halkaas ha la isla dhigo ajnabi dartiisa”Warqadaas waa khiyaano qaran, baarlamaanow ogaada, wax badan ayaa u samirnay dowlad jeceyl, maalin walba in lagu xad-gudbo hanta, maamul iyo dastuur oo shacabka sidii la rabo loo maamuusho”. Xilidhibaan Jangali waxaa uu sheegay in aaney wanaagsaneyn in sharci loo badalo qof ajnabi ah dartiis”Nasiib daro ka wayn ma jirto in nin ajnabi ah loo dhiibo Bangiga Dhexe iyadoo ay joogaan aqoon yahano Soomaaliyeed”. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa dhankiisa sheegay “bangigeenna waxaa maamulo 4.5, maanta xalkeenna waxaa uu jiraa gaalka ugu madow in loo dhiibo”. Xildhibannada sharciga ka soo horjeeday waxaa ka mid ahaa Maxamud Cabdiraxmaan Beenebeene isaga oo xukuumadda ku eedeeyey in qeylo wadaan, waxaana su’aalay sababta iyaga oo labadiisa sano ee la soo dhaafay aan qoran shaqaale cusub oo rayid ah ay qof ajnabi ah shaqo u siinayaan. Illaa 158 Xildhibaan ayaa ansixiyay, halka 17 ay diiday, taasoo ka dhigay in xeerkii ay Xukuumadda u ololeyneysay la ansixiyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com