Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baardheere ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Maxamed Nuur Bulle Dhaay iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo shalay gaaray degmada Baardheere ee G/ Gedo ayaa waxa ay ka hadleen dhibaatooyinka ka jira gobolkaasi. Ugu horreyn xildhibaanadan ayaa dhaliil u jeediyay madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo ay ku eedeeyeen in uu dayacay shacabka gobolkaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in in nidaam darrada iyo dhibaatooyinka ka jira gobolka Gedo ay mas’uul ka yihiin madaxda sare ee Jubbaland. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii la soo dhaafay dibadbaxyo ka dhan maamulkaasi shacabka Gedo ay ka dhigayeen degmooyinka gobolkaasi. The post Xildhibaanada J/land Oo eedeeyay Axmed Madoobe appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaannada Jubbaland ayaa sheegay in uu jiro qorshe socda oo ku aaddan sidii waqti kale loogu dari lahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Wuxuu sheegay in siyaasiyiin ku sugan Kenya islamarkaana aad ugu dhow Axmed Madoobe ay magaalada Muqdisho kula kulmeen madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya. Waxyaabaha ay siyaasiyiinta kala hadleen madaxda dowladda ayuu ku sheegay iney ka mid tahay arrimaha ku aadan doorashada Jubbaland in loo madax banneeyo Axmed Madoobe, waa sida uu hadalka u dhigaye. Doorashooyinka Jubbaland ayaa haata waxaa ka harsan 8 Bil oo kaliya, waxaana jira tuhun ay qabaan siyaasiyiinta qaar ee kasoo jeedda maamulkaasi, kuna aaddan in mar kale uu soo laabto madaxweyne Axmed Madoobe. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-SIYAASI-JUBBALLAND-MAXAMED-XUSEEN-CADOOW-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa isniintii Xafiiskiisa ku qaabilay General Maxamuud Al Qasaal iyo Saraakiil ka socotay Taliska Milatariga Dalka Qatar. kulanka ayaa looga Hadlay Xariirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Qatar. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay saraakiisha ka Socotay Dalka Qatar uu ahaa Mid looga Hadlayay Sidii wada shaqeyn iyo Iskaashi Xariir u dhax Mari lahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Dalka Qatar. General Maxamuud Al Qasaal ayaa Tilmaamay in Qatar ay Soomaaliya ka Caawineyso dhismaha iyo tababarada Ciidamada Qalabka Sida ay Soomaliya. Source: goobjoog.com
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta G/ Baay. Guddoomiye Mursal ayaa lagu wadaa in saacdaha soo socdo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaaraan gudaha magaaladaasi. Xubnahani ayaa ka qeyb galay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo beri ka dhaceysa halkaasi. Ammaanka ayaa lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi. Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa xalay howlgallo ka sameeyay magaalada, kuwaas oo lagu soo qabqabtay in ka badan 10 ruux, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa saaka ah mid dagan, iyadoona diyaar garow xoogan loogu jiro qaban qaabada xafladda caleema saarka Madaxweyne Lafta Gareen. The post Guddoomiyaha G/Shacabka Oo ku wajahan Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muddo kadib wuxuu ka hadlay sheeko dhexmartay isaga iyo guddoomiyaha baarlamaanka markii laga keenay mooshinkii isaga ka dhanka ahaa. Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkiisa wuxuu u muuqday weerar uu ku qaadayay xildhibaanada Mucaaradka ee taageersanaa dowladii ka horeysay iyo madaxweyne Xasan Sheikh. Wuxuu sheegay markii mooshinka laga keenay inuu la xiriiray guddoomiyaha baarlamaanka oo xiligaasi gacanta ku dhigay mooshinka, isaga oo sheegay inuu weydiiyay cidda Mooshinka keentay. Wuxuu sheegay inuu ogaaday in kooxdii Qabyo ay keeneen mooshinka, isaga oo weydiiyay Guddoomiye Mursal inuu wax badan ka eego warqadaha mooshinka maadaama ay keeneen xildhibaanada mucaaradka ee taageersan Xasan Sheikh. “Markii mooshinka la keenay waxaan la xiriiray guddoomiye Mursal, waxaan weydiiyay mooshinka muxuu yahay, yaase keenay, wuxuu ii sheegay in Kooxda Qabyo ay keentay, waxaan ku iri naga fiiri hee armuu qabyo yahay”. Hoos ka daawo Muuqaalka
  6. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland oo gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarreysa ee maamulkaasi iney mas’uul ka yihiin deganaanshiyo la’aanta ka jirta gobolka Gedo. Xildhibaannadan oo warbaahinta kula hadlay Baardheere ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Koowaad, Maxamuud Sayid Aadan ay mas’uul ka yihiin arrintaasi. Waxa ay sheegeen in aysan xilligan dan ka lahayn shacabka Gedo, islamarkaana ay bilaabeen iney iska horkeenaan shacabka gobolkaasi ku nool. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODADKA-XIL-JUBBALAND.mp3-sax-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-150119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Garoowe(Caasimada Online) – Suuqyada magaalooyinka Puntland ayaa si weyn looga dareemayaa isbadal xooggan oo ku yimid sarifka lacagaha dollarka oo hoos u dhac uu ku yimid tan iyo markii ay qabsoontay doorashadii madaxweyne ee Puntland. Arrintaan ayaa loo aaneynayaa masuqa doorashadii Puntland ee adeegsiga lacagaha faraha badan, waxaana hadda sarifka halkii dollar uu suuqyada ka marayaa 30,000 Sh. So, halkii dollar markii hore uu ka ahaa 35,000 Sh. So. Sababta ugu weyn ee hoos u dhaca dollarka ayaa lagu sheegay in maalmihii u danbeeyay suuqa lasoo geliyay lacago dollar fara badan oo ka timid doorashadii madaxweynaha Puntland oo loo adeegsaday xildhibaanada cododkooda. Ganacsatada sarifka ayaa qiyaasay in lacag dhan 20 milyan oo dollar lasoo geliyay suuqa tan iyo maalintii ay qabsoontay doorashada madaxtinimada Puntland. Arrintaan ayaa si weyn waxaa usoo dhoweeyay dadka xoogsatada ah iyo kuwa danyarta ah ee ku nool maalin helka, waxaana meesha ka baxay sicir bararka sarifka lacagaha oo dhibaato ay ku qabeen. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  9. Garoowe (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramaya in askarta kasoo jeeda beesha Cumar Maxamuud (Majeerteen) ka soo bexeen jiidaha dagaalka ee God-qaboobe. Maleeshiyada Cumar Maxamuud ayaa qeyb ka ahaa ciidamada Puntland ee qaabka maleeshiyo beeleed ahaanta ugu kala jira aagagga dagaalka ee ay uga soo horjeedaan ciidamada Somaliland. Sida wararku sheegayaan maleeshiyada Cumar Maxamuud ayaa qeyb raacday markii uu Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas aaday gobolka Mudug maalmo kahor doorashadii maamulkaas isaga oo booqanayey Hooyadiis. Maleeshiyadii raacday Gaas ee beeshiisa ahayd ayaan dib ugu soo laaban aaggii ay jiidda kaga jireen waxa ayna sababtay in ay ka daba tagaan intii kale ee beeshaas (Cumar Maxamuud) dagaalka uga jiray. Kaliya maleeshiyada Cumar Maxamuud dagaalka kama bixin balse waxa ay sii qaateen dhammaan tiknikadii meesha ka yaalay oo lagu sheegay ilaa iyo 15 3F , laba qoriga suugga ah iyo hal Kaare. Arrintan ayaa la sheegay in ay sabab u tahay guuldaraddii Cabdiweli Gaas ka soo gaartay doorashadii Puntland ee lagu doortay Siciid Cabdullahi Deni. Puntland tan iyo markii uu Cabdullahi Yusuf (AUN) aaday Koonfur, xilligaas oo uu hore u sii kaceystay ciidamadii daraawiishta ee Puntland, maamulka ma yeelan ciidamo dambe oo tiro iyo tayo leh. Ciidamadii intii hartay waxa ay kala jiraan buuraha Galgala iyo Koonfurta Gaalkacyo. Taas waxa ay keentay in ciidamada laga horgeeyo Somaliland ay noqdaan maleeshiyo beeleedyo qaab qabiil lagu soo uruuriyey oo u kala fadhiya sida magacyadooda kala yihiin. Waxaad maqleysaa – Aagga/jiidda Cali Saleebaan, Jiidda East Sanaag Clan, Jiidda Sool clan, Jiidda Reer Bicidyahan iyo Jiidda Ugaar Saleebaan. Dhinaca kale, walow ay tiro ahaan ka yar yihiin maleeshiyo beeleedka Puntland, hadana ciidamada Somaliland ee Tukaraq xoogga ku qabsaday sanad kahor waa kuwo qaab Militari leh oo ay u dhammeytiran yihiin dhammaan agabkii ciidan. Sidoo kale waxaa xoojinaya Somaliland waxaa la socda ciidamo Sool clan ah oo hoos taga General Mahad Cambaashe, sida ay xogo hoose sheegayaan, tirada ciidamada Sool clan ee Somaliland xagooda ka soo jeeda waxa ay saddex jibaar ka badan yihiin kuwa ka soo jeeda dhinaca Puntland. General Mahad Cambaashe waxaa la socda maleeshiyo beleedyo isugu jira dhammaan qeybaha kala duwan ee Sool clan. Wali wax xal ah lagama gaarin collaada Somaliland iyo maamul gobolleedka Puntland iyada oo uu dhawaan hadal hanjabaad u muuqday uu Madaxweynaha cusub ee Puntland saxaafadda u mariyey Somaliland oo iyaguna jawaab ka bixiyey. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  10. Maxaad ka ogtahay dalka kaliya ee Afrikaanka ah ee aqoonsan Taiwan? Shiinaha ayaa marar badan isku dayay in uu Taiwan kala wareego xirrirka diblomaasiyadeed ee boqortooyada yar ee eSwatini oo markii hore la oran jiray Swaziland. eSwatini ayaa ah dalka kaliya ee Afrika ku yaalla oo xiriir diblomaasiyadeed la leh jasiiraddan ku taalla Aasiya kadib markii Burkina Faso ay la xiratay Shiinaha bishii May ee sanadkii tagay. Shiinaha ayaa sheegay in uusan ogolayn in dalalka ay xiriir toos ah la yeeshaan Taiwan sababtoo ah waxa uu Taiwan u aqoonsanyahay in uu yahay gobol isaga go’ay oo uu markuu doono dib u soo ceshan karo xitaa haddii ay lagama maarmaan noqoto in awood loo adeegsado. Balse dawladda eSwatini ayaa sheegeeysa in ay xiriirka diblomaasiyadeed ay la leedahay Taiwan ay sii wadi doonto. Boqor Mswati III waxa uu 17 goor u safray Taiwan. Markii madaxda dalalka Afrikaanka ah ay ka qeeyb galayeen shirkii lagu lafa gurayay xiriirka Afrika iyo shiinaha, King Mswati waxa uu ka qeeyb galayay munaasabad dhaqameedka sanadlaha ah, halkaas oo uu ka dooranayay xaaskiisa 15-naad. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in $60bn oo doolar oo dheeraad ah ku kharash gareeynayo Africa, balse eSwatini ayaa sheegeeysa in aysan lacagahaasi waxba kala maqnayn Qaran News
  11. Maxey daarneyd negaanshaha Assiase Afworke laba caano maal Mugdisho Wa marki u horeysey ee madaxweyne ajnabi u hooydo Muqdisho inti ka dambeysey burburki dawladdi Somalia 1991. Dhacdadan oo marka hore iftimineysa geesinimada madaxweyne Assiase Afworke madaama u naftisi ku biimeeyey innu u hooydo meel ka mid ah meelaha adduunka ugu khatarsan, marka xigtana waxey inna tuseysa mucangagnimada iyo keni adeyga uu dhashey, marka seddexaadna wuxu gudaayey abaalki weyna ee dawladdi Somaalia u gashey waqtigi adka ee Eretria ku jirtey halganki qadhaadha ee dib u xoryenta dalkooda . Waxaan xasuusta safarkisi ugu horey ee u yimid UAE Abudhabi isago madaxweyne ah daba yaaqadi 1993,wareysi u siiyey wariyaal Carbeed kuna weydiyeen,‘ maxay Eritrea ugu biiri weyd Jaamicadda Carabta madaama ay wax badan halganki idinka caawisey ? , wuxu ugu jawaabey, ‘’Annaga cidda koobaad ee nacaawisey wa Soomaalida ee haddey jaamical Al Carab wax tar le dehey Soomaalida dhibaateysan bey caawin la heyd ‘’. Hadalkaasu ku aamusiyey wariyaashi Carbeed. Marka afraadna waxey fariin adag u direysa cid walba’ oy khuseyso arrimaha Somalia KA BACDI heeshisyadi nabadeenta ee Eriteria — Ethiopia iyo Somalia — Eriteria ee u gadhwadeenka ka yahey ra’iisal wasaare Abiy Ahmed. Taaso beryahan ba la isla dhex maraayey warar sheegeya innu jiro heeshis ka dhexeya seddexda dal ee Somalia- Ethiopia- Eriteria oo bud dhigisu yahey in mar haddi ay heshiyeen Ethiopia iyo Eriteria in ciidamadooda isku hor fadhiyey mandaqadda Badme in la keeno Somalia si ay shaqo iyo mashquulin ugu noqoto oo ay bedelaan ciidamada fadhiidka ah ee AMISOM. Haddaba, inkasto madaxweyne Farmaajo u ku yimid dareenka shacabka Somalia oy ugu horeyso diidmada ay diidanaayeen faragelinta qaawan ee Ethiopia ku heyso dalkooda iyo colaadihi taariikhiga ee soo kala dhex marey, ki ugu dambeyeyna u aha dagaalki 2006 ee Ethiopia iyo maxaakimta oo Mareykanku iyo reer galbeedku dabada ka wadeen ( Proxi war ) aya waxa muuqata in madaxweyne Farmaajo marku waayey kalsonidi shacabka Somalia ee ku hungoobey wax qabad la’aantisa, innu door bidey innu maciinsado isbaheysigan Ethiopia- Somalia- Eretria, taaso’ ah tubti madaxweynihi hore Cabdillahi Yousuf ( AHUN ). Halku Cabdillahi Yousuf ku dambeyna weynu ka wada dharagsanahey. Waxa marag madoon ah in ciidamada AMISOM ee Somalia soo degey 2007, ku fashilmeen iney soo hooyaan guullo la taaban karo la dagaalanka argagixisada al shabaab, xaalkooduna noqdey qawda maqashi waxna haw qaban iyado la wada ogyahey iney dhibaatada Somalia ka dhigteen mashruuc aan dhamaaneyn madaama askartaasi qaadato lacag kumana kun dolaar mushahaar ahaan ( dawladahooduna dhaqaale xoog leh ka soo galaan, tusaale Burundi oo shan kun iyo shan boqol oo ciidan u joogaan waxey afarti bilood hesha 18 million oo dolaar ( xigasho AFP ). Markeynu si qoto dheer u falanqeyno hirdanka siyaasadeed ee geeska Afrika ka socda gaar ahaan na Somalia waxey ku soo urureysa seddex qodob 1-Goobta strategy ay ku taalo oo seddex meelood meel badeecadihi adduunku maro xeebaheeda 2- Rajada fiican ee sadaasha sahaminta shidaalka xeebaha Somalia 3- Geopolitics mandaqadda oo isbedel weyn ku yimid waxana hormood ka ah isbalaadhinta China ee xawliga ku socda. Marka la eego asbaabaha kor xusan waxa aad loo tuhunsan yahey in qorshahan cusub ee imaanshaha ciidamada Ethiopia iyo Eretria dalka Somalia dabada ka riixayaan dawladaha reer galbeed ee mudada kow iyo tobanka sannadood bixinaayey balaayiinka doolaar si ay Somalia ugu soo dabalaan xasilooni iyo dawlad adag oo gacanta ku heysa xuduudaheeda si ay uga fushaan danahooda. Siyaasi Baashe Cabdi Gaboobe Qaran News
  12. Ceerigaabo (Caasimada Online) – Shirkado dadka deegaanka ay leeyihiin ayaa Dahab kasoo saaray buuraha gobolka Sanaag, waxaana muuqata in dahab badan uu ku jiro buuraha qaar, kadib sahan la sameeyay. Wararka aan ka heleyno buuraha Cirshiida Dhicir iyo Buurta Ceel Dibir, ayaa sheegaya in shirkado ay leeyihiin dad Soomaaliyeed ay ka heleen halkaasi dahab looca loo yaqaan NEGED. Shirkadaha Soomaalida ay leeyihiin ayaa halkaasi geeyay qalab kala duwan iyaga oo doonaya inay ka faa’ideystaan soo saarista dahabka, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaano dheeri ah. Masuuliyiinta shirkadaha ayaa sheegay in haddii ay ku guuleystaan baaritaanka dahabka islamarkaana ay u iib geeyaan caalamka, inay mashaariic horumarineed ka fulin doonaan Deegaanka. Waxay sheegeen in dhaqaalaha ka yimaada dahabka ay ku celin doonaan deegaanada laga helay, iyaga oo ka taageeraya dhanka caafimaadka waxbarashada iyo horumarinta deegaanka.
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaa ka warammay dhacdo ugub ku ah baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka kadib markii wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle uu block saaray ama iska xannibay xiriirka mas’uul ka tirsan mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah. Aadan Aw Xirsi ayaa dhacdadaasi kadib waxaa uu bartiisa Twitterka ku soo qoray ” Waa wasiir maaliyadeed noocee ah midka muwaadin u xanibaya faallo yar uu bixiyey?” Aw Xirsi, oo ka hadlaya sababta ayaa yiri ” Aniga su’aal ayaan weydiiyey, ka muwaadin ahaan inuu iiga jawaabo ayey aheyd ee inuu block i saaro, waxaa ay muujineysaa dulqaad la’aantiisa”, isaga oo intaasi raaciyey “Sax ilama ahan in su’aal block loogu jawaabo, muwaadinka in loo jawaabo xaq ayuu u leeyahay”. Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland Aadan Ibraahim Aw Xirsi ayaan sidoo kale weydiiney su’aasha uu wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ka carooday, keentana in uu block saaro ama xannibo xiriirkooda barta Twitterka? “Su’aashu waxaa ay aheyd, Laaluush miyaa ku jira qoondooyinka miisaaniyadda dowladda?” Maxaa ula jeeday hadalkaas markii aan dhahnay waxaa uu yiri “Laaluush in la bixiyo oo ay dowladda federalk ah bixiso waa muuqaa, ee su’aasheyda waa: Laaluushku ma wax qoondada miisaaniyadda ugu jiraa dowladda federaalka ah mise meel kale ayaa laga helaa?”. Dhinaca kale, waxaan isku daynay xiriir la sameysay wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, laakin nooma suurogelin. Waxaa istaagsan xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah, inkasta oo xilligaasi kadib ay isbadal ka dhaceen labo maamul hadana ma jirto wax isu soo dhowaanshiyo ah. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada ugu wasiirada badan adduunka…wasaarad kasta waxaa u shaqataga seddax wasiir oo badankooda aan aqoon buuxda u lahayn howsha ay u xilsaaran yihiin ama laga rabo inay fuliyaan. Ma jiraan waxa lagu magacaabo JOB DESCRIPTION howl tilmaame qeexaya oo lagula xisaabtami karo wasiirki fuli waaya howsha loo xilsaaray. Tirada Wasiirada waa 26X3=78 !!! Waxaa la hubiyay in dalka ay ka shaqeeyaan LABA WASAARAD oo kala ah R/Wasaaraha iyo Maaliyadda oo shaqadeeda lagu soo koobay aruurinta ccanshuuraha laga qaado Gobolka Banaadir oo kaliya. Wasaaradaha Inta soo hartana waa Wasiiro maqaar saar ah oo u jooga meesha inay heystaan booska jufadooda loo qoondeeyay, wax shaqo ahna loogama baahna waxa laga sugaa waa inay daacad ahaadaan oo kaliya. Iyadoo meeshaas mareysa ayaa haddana la magacaabay Guddi Maaliyad oo xoogaa faallooyin ah laga qoray oo weliba ku saleysan aragti aqooneed oo ay soo gudbiyeen dad khubaraa oo ku xeel-dheer dhaqaalaha. Ma la heli doonaa dowlad dhegeysata ama akhrisa waxa laga qoro si ay uga faaiido talooyinka loo soo gudbiyo, mase waxay ku taagan tahyay inay dowladdu sax tahay, dadka kalena ay khaldan yihiin. Guddigaan la magacaabay xagguu uga jiraa dhismaha “structureka” xukuumada..dad aan aqoon buuxda u lahayn howsha laga sugaayo maxay guddi ka qaban karaan, mase waa lug-gooyo loogu tala galay inaan waxba kala socon ee laysku qafilnaado? GUDDOOMIYAHA BANKIGA DHEXE Waxaa soo baxday in loo magacaabo ruux ajnabi ah oon dalka u dhalan. Haddaba su’aasha la isweydiinayo waxay tahay qof dalkaan u dhashay ma la waayay, mase kuwa talada dalka ugu sareeya laftooda ayaa ajnabi isu heysta, taasoo micnaheedu yahay qof ajnabi ah aysan joogin dalka, xuquuqdana loo wada siman yahay cid cid kale ka xigtana aysan jirin. Laga yaabee inay tahay fikradda ay qabaan madaxda dalka ugu sareysa oo isu aragta NUS WADANI NUS AJNABI Ma laga yaabaa mustaqbalka in Madaxweyne loo doorto qof dal kale u dhashay oo asalkiisu ka duwan yahay kan Somalida? Sidey arrimuhu u socdaan wax kasta ka filo nimanka talada haaya!!! MUCAARID IYO MUXAAFID MAXAA SOO RAACA Nasiib darrada na heysata waxaa ugu weyn in aysan Farmaajo iyo Kheyre ay ka hoos baxday inay jiraan qeyb seddaxaad oo soo raacda mucaaradka iyo muxaafidka…waxay u arkaan in cid kasta oo ka hadasha howlaha dowladda ay mucaarad tahay iyadoo muxaafidku uusan ka hadlin sida ay u wax u jirtaan, balse ay yihiin dad u hogaansan wax alla wixi ka soo baxa labadan ruux sax iyo khalad waxay doonaan ha ahaadeen. Haddaba, waxaa jirta qayb seddaxaad oo lagu magacaabi karo KORJOOGTO (observers) oo arrimaha u arka si ka duwan aragtida qaybaha kale ama meesha ay wax ka fiirshaan. Qofka khaladkaaga arka kuuna shega kuma necba. Cilmiyan dadku isku si wax uma wada arkaan oo qofbaa wuxuu arkaa wax dadka intiisa kale aan u muuqan, waana dadka lagu magacaabo MOWHUUB oo caqliyad iyo aragti ka duwan kana xeeldheer dadka intiisa kale ay u muuqdaan. Dadka noocaas ah aad iyo aad ayaa loo raadiyaa oo laga faaiideystaa si ay mujtamaca wax ugu kordhiyaan. Tallaabooyinka ay qaadaayaan Farmaajo iyo Kheyre waa kuwa horseedi doona burbur iyo barakac ka weyn kana dhibaato badan kii na soo maray ee sagaashamediyadii , waxaana muuqata inaysan dan ka lahayn dhibaatada ka dhalan karta tallaabooyinka ay u qadayaan dhinaca dhibaato abuurka iyo islaweynida ay caadeysteen. Waryaa la taliya ee wax u shega intey goori goor tahay…Allow naga soo gaar..AAMIIN. W/Q: Axmad Calasow Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sannadkan cusub ay xukuumaddu xoogga saarayso dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulka ay haystaan cadawga argagaxisada Alshabaab, kuwaas oo u taagan dibindaabyada iyo dabar-goynta shacabka aan waxba galabsan. Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka shaqayn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo soo xiray kalfadhigii 4-aad ee Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga cusub caddaaladda iyo horumarka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaqiisa magaalada Muqdisho. Xisbigaan oo ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa xarumo ay ka howlgalaan dadka xubnaha ka ah ka hirgeliyay degmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna qorsheynayaa in gobolada dalka usii gudbo maalmaha soo socda sida caasimada online u xaqiijiyeen dad ka madax banaan xisbigaan. Caasimada ayaa xaqiijisay in xisbiga caddaalada iyo horumarka Somalia u muuqdo mid far dheeraan doono xisbiyada kale ee mucaaradka, kuwaasi oo dhaliilo iyo eedeyn u jeediyo dowladda Somalia. Xisbigaan ayaa wuxuu lasoo shir tegay siyaasiyiin magac ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdihii dalka soo maray. Hoggaamiyaha xisbiga caddaalada iyo horumarka Soomaaliya, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada gobolka Banaadir iyo guud ahaan Soomaalida waxay ku xasuustaan xilligii uu ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, taasoo ku guuleysatay ka hortagga dilalka shacabka kala kullmi jireen askarta dowladda,, burcad dhac u geysan jirtay shacaba iyo falalka amni daro, waxayna dadka Muqdisho ay gaareen heer kooxaha amni darada geysta ay ku cabsiiyaan magic Muungaab. Dhanka kale, Hoggaaminaya xisbiga cusub ee Cadaaladda iyo Horumarka Xasan Muungaab ayaa soo noqday Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho intii u dhexeysey bishii February 2014 ilaa October 2015.. Waxaa uu sidoo kale soo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida intii u dhexeysey August, 2010 ilaa bishii February 2014, isagoo sidoo kale isla maxkamaddaasi ka soo noqday garsoore. Waxa kaloo lagu xusuustaa xilligii uu ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir hirgelinta banaamijkii cadaaladeed ee hanti isu celinta, iyo abuurista Barnaamijkii horumarimeed ee ‘Dalkaada dhiso. Cali Muxiyaddiin Caasimada Online Caasimada@live.com
  17. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa calaamad su’aal saaran isbadalka xukuumadda Puntland ay yeelan doonto, iyadoo shacabka Puntland ay isweydiinayaan xukuumad ceynkee ah ayaa laga filan karaa madaxweynaha cusub ee doorashada ku yimid. Madaxweynaha bilka baneeyay C/weli Cali Gaas ayaa maalmaya soo socda la filayaa inuu si rasmi ah xafiiska ugu wareejiyo madaxweynaha cusub Saciid C/llaahi Deni oo guda galay la-tashiyo ku aadan qaab dhismeedka xukuumadda cusub ee uu soo dhisi doono maalmaha soo socda. Dadka ayaa rajo ka qaba in madaxweynaha cusub uu ka duwanaan doono madaxweynihii hore, waxayna qabaan inuu soo dhisi doono xukuumad ka duwan tii hore, kana tayo wanaagsan, waxayna aaminsan yihiin badankood in madaxweynaha cusub uu meesha ka saari doono wasaarado magac u yaal ah oo dhaqaale macno daro awal ku bixi jiray. Madaxweynaha cusub ayaa mar uu sharxayay qaab dhismeedka xukuumadda laga filanaayo ayaa sheegay inuu soo dhiso doono xukuumad tayo leh, si taxadir lehna uu dhinacyo badan ugu fiiriyay. Wuxuu sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo saldhig u ah aqoon iyo dhalinyaro, haweenkana aysan ka marnaan doonin. Saciid C/llaahi Deni ayaa wada kulamo uu la qaadanaayo waxgaradka beelaha, siyaasiyiinta, aqoonyahanada iyo qeybaha bulshada si muran iyo isqabqabsi ugu imaan xukuumadda uu soo dhisi doono. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-14012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Madaxweynaha cusub ee dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la go’aamiyay, in si rasmi ah loo caleema-saaro, 26-ka bishan Jannaayo 2019 oo ku beegan maalin Sabti ah,sida ay xaqiijiyeen ilo’ xog-ogaal ah. Caleema-saarka madaxweynaha waxaa ka soo qeyb geli doona, mas’uuliyiin ka tirsan Golahayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya,qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka,saraakiil ka tirsan Xisbiga Xassan Sheikh Maxamuud, xubno ka socda IGAD, Midowga Afrika, wakiilada Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale. Guddiyada qabanqaabada caleema-saarka madaxweynaha ayaa maanta la magacaabay,waxaana ay ka boobanyihiin afar guddi oo kala ah, guddiga Xiriirka, Casumaada iyo soo dhoweynta, guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, guddiga diyaarinta goobta xaladda iyo guddiga amniga. PUNTLAND POST The post Goorma Deni la caleema-saari doonaa? appeared first on Puntland Post.
  20. WAXA AAN DOONAYAA DAWLAD, DAWLAD DARYEESHA DADKEEDA ============================= Dalkan aynu ku noolahay ee jamhuriyada Somaliland waxa uu soo maray marxalado badan oo midiba mid ka sii darnayd oo ay ugu horeeyeen cadaadis isir dagaalo iyo qax ay dadku baro kaceen. Marxalado qas iyo dhib badnaa oo dawladnimadu shaqayn wayday dagaalo sokeeye sixir barar iyo lafdhabartii dhaqaalaheena oo la inaga iibsan waayey (xoolaha nool) samir iyo dedaal adag oo ay bulshadu dhexda xidhatay ayeynu kaga soo baxnay waxaasi oo dhan. Dhibaatooyinkaa ina soo maray iyo marka aynu eegno kuwa ka socda jaararkeenu somalia waxa ay ina dhaxalsiiyeen in aynu qiyaasi (cabiri) kari wayno oo aynu garan wayno dawladnimada aynu rabnay tii ay ahayd hadba inta aynu haysano uun ku mitidno oo aynaan is odhan hore u socda. Dawladnimada aynu doonaynaa waxa ay ahayd : Dawlad sharcigu sareeyo oo aan cidina ka sarayn Dawlad umada ka ilaalisa in ay yeelato dabaqado sare iyo kuwa hoose oo baa’ba ah. Dawlad ina siisa waxbarasho tayo leh oo lacag la’aan ah ama aad u jaban oo qofkastaa awoodi karo. Dawlad ina siisa caafimaad tayo leh oo lacag la’aan ah oo muwaadin kastaa heli karo. Dawlad ina siisa biyo inagu filan lacag la’aan ama aad u jaban oo qofkastaa iibsan karo. Dawlad Ina siisa nal (laydh) lacag la’aan ah ama aad u jaban oo qofkastaa isticmali karo. Dawlad bulshadu ku leedahay xuquuq siman oo muwadinimo. Dawlad u adeegta danyarta ee aan kaliya u adeegin inta wax haysata. Dawlad cadaalad iyo sinaan umada ku dhaqda. Dawlad sharciga aan cid gaar ahi ku adeegan ee loo siman yahay. Dawlad loo siman yahay khayraadka iyo dhaqaalaha dalka. Dawlad dhalinyaradu hogaamiso oo kartidooda iyo aqoontoodu ka muuqato. Dawlad xuquuqda dumarka siisa oo ku salaysan diinta islaamka. Dawlad hantida umada u ilaalisa oo wax ugu soo darta ee aan waxba ka lumin(iibin) baahi daruuriya mooyaane. Dawlad iyadu ganacsiga dalka maamusha oo aanay ganacsatadu maamulin. Dawlad damaanad qaadi karta in ay wax kasta oo dibada ka imanaya ka eegto dadkeeda. Dawlad aan qabyaalad iyo qabiil lagu maamulin ee aqoon, waayo-aragnimo iyo karti lagu maamulo. Dawlad qofkasta oo muwaadin ahi awoodi karo in uu wax barto. Dawlad dalka diinta islaamka ku dhaqda oo ku maamusha. Dawlad yeelata dedaalkii ka mid noqoshada dawladaha caalamka ee la aqoonsan yahay. Dawlad shaqo u abuurta da’yartaa wax baratay ee suuqyada tuman badhna badaha ku daateen. Dawlad dadka bilaa xirfada ah barta xirfado shaqo oo ay ku shaqo tagi karaan. Hadaba waynu heli karnaa dawladaa aynu uga baahanahay waxaas oo dhan cid kalena kuma xidhna ee inaga oo ah dadka reer Somaliland ayey inagu xidhan tahay sidii lagu helayey oo dadka aduunka ku nooliba way soo wada mareen marxaldo adag laakiin isku duubni iyo karti ayey kaga badbaadeen oo ay kaga baxeen. inaguna hadii aynu sidan yeelno waynu ka bixi karnaa ☆in dadka reer Somaliland oo dhami is cafiyaan iyaga oo isku niyad sana ay doortaan hogaan. ☆ in aynaan qabyaalad iyo reer waxba ku dooran ee aynu ka fikirno mustaqbalkeena in dadka reer Somaliland isku duubnaadaan oo danta qaranka meel uga soo wada jeedaan. ☆ in aynu qiimayno aqoontiisa iyo kartidiisa iyo diintiisa qofka aynu hogaanka u dhiibanayno. ☆ In aynu diidno in beelnimo iyo reero la inoola shiro marka danta la inaga leeyahay ee intii isku deegan ahiba iyaga oo midaysan dan guud kala hadlaan cidkasta oo doonaysa in ay dalka hogaan u qabato. ☆ In deegaan waliba qofka ugu aqoonta badan ama ugu kartida badan ama ugu Alle ka cabsiga badan ama ugu waayo aragsan ee aqoonteeda leh usoo xulaan kuraasta qaranka ee golayaasha deegaanada iyo baarlamaanka. ☆ In aynu ogaano cida aynu dooranaynaa in ay masiirkii umadan iyo mustaqbalkii ubadkeena tahay si lexo jeclo lehna u lafo gurno oo taxadir leh cidkasta oo aynu dooranayno. ☆ In aynu la xisaabtano oo ku daba socono cidkata oo aynu dooranay si aanay wadada uga baydhin. ☆ In aynu bulsho ahaan inagu istaakulayno oo keena baahan soo gacan qabano oo isku naxariisano. ☆ In aynu garab istaagno cida aynu hogaanka u dhiibanay oo u hogaansano maamulka dawladnimada. Hadii aynu bulsho ahaan intaa iyo inkale oo la mid ah oo wada wanagsan ku guulaysano waxa aynu noqon doonaa umad hesha qaran iyo dawladii aynu doonaynay ee horumarka iyo barwaaqada umada gaadhsiin lahayd. waxa aan ku soo gabogabaynayaa qoraalkayga tixdii abwaan Gaariye Alle ha u naxariistee tuduc ka mid ah :- (waxa aan doonayaa qaran,qaran dhaama kii dumay) Taladii iyo qoraalkii aan qoray AUG 12 2017. Muhamed Dhimbil Qaran News
  21. Nation’s successes and failures depend on the values that its leaders adopt President Dwight. D. Eisenhower of USA once said, “The supreme value of a leadership is unquestionably integrity”. To explain it, Integrity is the quality of first being honest, consistent in character and having strong moral principles or moral uprightness. What is best associated with the leader’s personal gains or benefits is the most disastrous social dilemma for the national success. In this article we are going to examine why Somaliland succeeded it’s very difficult and hard efforts of nation build in its infant stage of late President Egal era; while after twenty eight years of existence, Somaliland is in a state of uncertainty economically, socially and politically. The unfortunate and un acceptable phenomenon that Somaliland experienced for the last decade, within the administrations of president Siilaanyo and president Bihi’s current governments is that both of them failed to solve even the inflation problem for that long period; which is the simplest financial problem that a country can face. Siilaanyo’s government had delegated a committee to find a successful solution for the inflation crisis that devastated the economy of the common people. Bihi’s current government also tried to find solution for the inflation problem and assigned a committee for that specific mandate. within a very short period of time each of the two committees released a very hasty decision, indicating some points which were very similar in nature and irrelevant to cure the illness; but instead worsened the situation causing the inflation rate went higher. It is obvious that there are government institutions and those appointed to the top posts of these institutions, which are responsible to prevent the country from these financial and monetary problems. These Institutions and their heads of both the two governments neglected and failed to perform their material Duties of what they are responsible for the country which include: To prevent the country from inflation which is a market-determined decline in the value of the somaliland shilling or altering the face value of the local currency To stand ready to avoid local currency depreciation or decrease in value relative to other major currencies To set a system that can maintain the country’s currency fixed value and its fixed exchange rate with respect to the foreign reference currencies used in the country To have the knowledge of revaluation monetary system whenever a floating exchange rate due to the market forces is detected; which is an increase of the local currency’s fixed rate, making the foreign currency value go down in the market To control the demand and supply balance both in the context of trade and foreign currency needs, because always excess demand over supply definitely cause inflation To control the prices of the essential goods and services especially food, medicines, petroleum and building materials which now increased more than 100% with respect of their prices when Siilaanyo came to power And to secure the stability and gradual growth of the national economy The thing that nobody can explain what did it meant is that the ministers, head of agencies and officers mandated for these mentioned and much more other responsibilities who failed to save the country from this economic crisis again became the committee members selected to find solutions for the problems resulted from the failures of their responsibilities. There are many well experienced professional economists and financial experts who have the knowledge in dealing with the inflation problem that devastated the economy of the state, affected the people’s livelihoods, increased the prices of commonly consumed commodities like food, medicines, petroleum, building materials and other essential goods. Using the word experts, I don’t mean to hire foreign economists; what I really mean is that there are so many somalilanders who can ride this nation to economically stable position with an absence of excessive fluctuations in the macro-economy, with low or zero inflation and fairly constant economic growth. The founders who set this nation’s finance system such as taxation rating systems, state accounting procedures, budget design and management, customs tariff, all finance related laws and regulations during the nation building period of late president M. I. Egal are still living in somaliland and mostly in the capital; with nothing to do sitting in the bars and other public places. These nation building pillars and experts in the economy and finance fields succeeded to make Somaliland enjoy with economic stability, gradual growth of nation building, zero inflation rate, fixed value of the local currency relative to foreign currencies, local currency fixed exchange rate with respect to the foreign currencies, the lowest prices ever of food commodities and other essential goods, and a banking system strong to control the financial market. They achieved all these monetary and socioeconomic developments in the early years of Somaliland existence with a resource of less than 30 Million dollars national budget and a zero foreign aid funds. Egal’s government gradually moved this nation from nothing to a position it stood up on its own legs; having its economic, monetary, social and political instruments to be measured as a legitimate and sovereign state. Every institution, every organ and every sector of the government moved through the process of gradual development as a brick fitting its position in the wall of nation building. That nation building success and economic stability in somaliland’s infant stage resulted from the combination of a determined and good visional leadership with commitment and Integrity and the efforts of those professionals empowered with Honesty, intellectuality and patriotic decisions capable to move the country forward towards development. They applied good and effective performance of the Human Resources that helped to achieve the objectives of building well functioning government institutions and enhance their productivity. They conducted an efficient, effective, transparent and accountable Financial management system; in such a manner as to accomplish the nation building based plan, through the legitimate intermediate institutions of the government. They properly scheduled and prioritized nation’s wall building, by creating and establishing one after the other of all conditioned organs, resources, values and items that an independent state should possess. Simply the secret was that there were leadership values based on seeking national success through honesty and integrity. While these ever standing failures that dominated the last two governments’ activities rests on the twist of the values adopted by the leaders and other officers of these governments from national success based values to personal gain based values. So, to overcome the current inflation, monetary disorders and financial fluctuations, we need those who know much to deal with these problems be named or appointed to the top posts of the concerned ministries, institutions and agencies; to build the central bank capability to control the SL shilling value to foreign currencies exchange market; and to restore the values adopted by the leadership at the time of Egal that shaped the nation’s success. The type of values that leaders adopt influence their actions and these subsequent actions help determine the success or failure of a nation and the life’s outcomes of its people both in terms of happiness and financial success. “Nation’s successes and failures depend on the values that its leaders adopt” Adam Ali Younis Email: aayonis@hotmail.com . Qaran News