Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Turkey’s state aid agency provided medical equipment to a hospital in Somalia’s breakaway region of Somaliland, according to a statement on Tuesday. The Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) said 216 devices and medical equipment including an ultrasound device, echocardiography equipment, autoclave were provided for the Hargeisa State Hospital, which serves around 3 million patients. Turkish Ambassador in Mogadishu Mehmet Yilmaz, Somaliland Health Minister Hassan Ismail Yusuf and TIKA’s coordinator in Somalia Galip Yilmaz attended the delivery ceremony of the medical supplies. Speaking at the ceremony, Yusuf said the equipment provided by Turkey will contribute to the people of Somaliland receiving healthcare in much better circumstances. Also speaking at the ceremony, Yilmaz emphasized the brotherhood between the people of Turkey and Somalia. He said: “Turkey will continue to increase assistance in the region. We welcome the Somaliland administration deporting the FETO [Fetullah Terrorist Organization] terror group and handing the management of the FETO-linked schools over to the Maarif Foundation.” Turkey established the Maarif Foundation after 2016 defeated coup attempt to take over the administration of overseas schools linked to FETO. It also establishes schools and education centers abroad. FETO and its U.S.-based leader Fetullah Gulen orchestrated the defeated coup of July 15, 2016, which left 251 people martyred and nearly 2,200 injured. The post Turkish aid body provides health support in Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Muqdisho (Caasimdada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo soo xirayey Kalfadhiggii Afaraad ee golaha shacabka ayaa sheegay in ay xallin doonaan khilaafka ka dhaxeeya Labada aqal ee baarlamaanka. Dhowaan ayaa aqalka sare waxa uu sheegay inuu xiriirka u jaray aqalka hoose, oo uu ku eedeeyey inuu isku koobay awooddii sharci dejinta dalka, islamarkaana awoodihii dastuuriga ahaa ee aqalka sare uu la wareegay. Waxa uu madaxweynaha sheegay in dib u heshiisiinta Labada aqal ay ugu horreyn doonto waxyaabaha ay qabanayaan sanadkaan, isaga oo sheegay in muhiim ay tahay is faham iyo wadashaqeyn. Khilaafkan ayuu sheegay inuu kasoo bilowday kadib furitaankii Kalfadhiga Afaraad ee golaha shacabka oo la isku khilaafay in meel lagu wada furo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo dhammeyn lahaa khilaafkan. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Madaxweyne-Maxamed-Farmaajo.mp3-sax.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Waxaa wafdigan si diiran ugu soo dhaweeyay magaaladaasi mas’uuliyiinta maamulka K/ Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi. Ujeedka xubnahani ay u tageen Baydhabo ayaa ah ka qeyb galka xafladda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi C/casiis Lafta Gareen. Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho saacadaha soo socda lagu wadaa in ay ka ambabaxan wafdi kale uu hor kacayo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Mursal Sheekh C/raxaan oo sidoo kale ka qeyb galaya munaasabadaasi. Ammaanka si weyn loo adkeeyay, iyadoona Ciidamada dheeraad ah lagu arkayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xafladda caleema saarka ee madaxweyne Lafta Gareen ayaa beri oo Arbaco ah ka dhaceysa xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo gaaray M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-15012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan C/shakuur Warsame Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa soo bandhigay qodob wax ka bedel lagu sameeyay oo ku jiray Sharcigii Hanti Dhowrka Guud ee ay shalay ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa xusay in Baarlamaanka uu awooddiisa gacanta isaga qaaday, isagoo xusay in la bedelay qodobka 20aad ee dhigaya in Magacaabista Hanti Dhowrka Guud ay soo ansixiyaan Golaha wasiirada, Baarlamaankana uu ansixinayo, taasoo madax banaani buuxda siin laheyd Hanti Dhowrka Guud. “Sharciga labaad waa sharciga Hanti-Dhowrka Guud, Waxaa laga bedelay qodobka 20aad ee dhigayay in magacaabista Hanti- Dhowrka uu Golaha Wasiirada soo jeedinta leeyahay, halka uu Baarlamaanka ansixinayo, Madaxweynahuna wareegto ku soo saaro, Waxaa meesha laga saaray awoodda Baarlamaanka ee Ansixinta, taasoo madaxbanaani buuxda siin lahayd Hanti-Dhowrka Guud, waxaa taas bedelkeeda laga dhigay in Xukuumadu soo jeediso, Madaxweynuhuna uu wareegto ku magacaabo, Baarlamaanka gacantiisa ayuu awoodda isaga qaaday, Waxaa halkaas ka cad in uusan jirin Baarlamaan difaacaya danta Shacabka iyo dawladnimada Soomaaliya”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Waxaa uu sheegay in saameynta ay leedahay in Hanti Dhowrka Guud la hoos geeyo Xukuumadda ay ka daran tahay in ruux Ajnabi loo dhiibo Bangiga Dhexe. “Saamaynta taban ee ay leedahay in Hanti-Dhowrka Guud la hoos geeyeyo Xukuumada ayaa ka daran in ruux Ajnabi ah Baanka Dhexe loo dhiibo, Sababtoo ah Hanti-Dhowrku awood uma laha in uu Xisaabiyo Xukuumada, ummadana Hantidooda u dhowro, Tani waxay dhabarjab wayn ku tahay horumar kasta oo laga samayn lahaa hufnaanta Hanaanka Maaliyadeed ee dalka, waxayna caqabad ku noqon doontaa deeqaha la siinayo dalka iyo daymihii laga cafin lahaa”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay u cadaatay in Baarlamaanka uu gabay awooddiisa kor-joogteynta, waxaana sugnaa in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay damiir iyo dadnimo ku hartay sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Karaash ayaa maanta u safray magaalada Baydhabo, iyagoo halkaas uga qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha koonfur [...] Source
  7. (SLT-Yemen) Hadal-qoraal oo ka soo baxay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay ku sheegteen inay Gantaal Balaastik ku duqeeyeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Gobalka Najraan ee Koonfurta Sacuudiga. Xuutiyiinta waxay sheegeen inay Gantaal lagu magacaabo “Badar 1 la beegsadeen Saldhigga Milliteri oo ku yaalladda Deegaanka Bir Askar, balse Milliteriga Sacuudiga weli kama hadlin sheegashadaasi. Labo maalin ka hor, Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxay Diyaarad nooca aan Duuliyaha Lahaayn ee Daroonka ku duqeeyeen Saldhig ay Milliteriga Sacuudiga ku leeyihiin magaalladda Jizaan oo u dhow xuduudka Yemen. Jimcihii la soo dhaafay, Isbahaysiga Sacuudiga waxay sheegeen inay burburiyeen Saldhig ay Xuutiyiinta ka hagi jiray Diyaaradaha Darooniska ee Kooxdaasi leeyihiin. Source
  8. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa Mr. Qian Xian iyo wafti la socdey. [...] Source
  9. Somali Parliament has gone on recess on Monday, it ended the fourth Session after approving the amendment of the laws of the central bank and auditor general. The House is expected to reconvene on March 2019. During the fourth session, the House approved several important bills, including the Central bank, the national disability agency, the Auditor General and passing 2019 budget. In his closing remarks, the Speaker of Parliament, Mohamed Mursal, expressed his gratitude to Allah for strength and good health accorded him, his two deputies and the entire members of the House to accomplish the mission of the House. Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo and his PM Hassan Ali Khaire have attended the closing ceremony of the 4th session which was held at Villa Somalia on Monday night. The post Somali Parliament goes on recess as it closes fourth session appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland oo shalay la wareegay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay waxyaabo dhowr ah oo uu kaga duwanaan doono madaxweyne Gaas. Wuxuu ugu horeyn sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dhamaan shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee Puntland u heli lahaayeen mushaaraadkooda, islamarkaana lacagta ugu horeysa ee laga bixin doono khasnadda ay noqon doono mushaaraad. Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Puntland ay kaga baahan yihiin inay bixiyaan lacagta canshuuraha, taasi oo howlo badan lagu qaban doono, isaga oo sheegay inuusan sameyn doono dulqaadkii madaxweyne Gaas ee eedeynta isku badalay. “Madaxwayne Gaas waxuu ii sheegay in dulqaadkiisii badnaa, markii dambe uu eedayn isu baddalay, anagu taas ma yeeli doonno Sharciga ayaan ku dhaqmayna” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni. Wuxuu dhinaca kale amray qof kastaa oo ku sugan Puntland inay ka fogaato wax walbaa oo muujin kara ku xad gudubka sharciga Puntland. “Qof kastaa waxaan amrayaa inuu ilaaliyo sharciga Puntland, qofkii aan ilaalin maalmaha dhow wuxuu arki doonaa ciqaab adag, ma sameyn doono dulqaadkii C/Welli Gaas ee markii dambe isaga lagu eedeeyay”ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweyne Deni ayaa muddada kooban ee xilka uu hayo oo gaareyso 7 Maalin wuxuu soo saaray ku dhawaad 5 amar kala duwan ahaa, kuwaasi oo qaarkood uu qoraal ahaan uso saaran halka kuwa kale uu afka ka sheegay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  11. The speaker of the House of the People of Somalia’s Federal Parliament, Mohamed Mursal Abdirahman is expected to travel to Baidoa city, the interim capital of Southwest State. The speaker and a parliamentary delegation he is leading will attend the inauguration of the new Southwest president, Abdulaziz Lafta-Garen which will take place on Wednesday. The security of Baidoa has been extremely tightened by Somali security forces backed by Ethiopian soldiers who are serving under the African Union Mission in Somalia [AMISOM]. Reports said Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo is likely to be part of the leaders participating in the inaugural ceremony. Abdulaziz Lafta-Garen was elected as Southwest state president last December following an election that has been marred by deadly violence and protests in Baidoa city. The post Somali parliament speaker heads to Southwest state appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa jawaabay hadalkii Kaftanka ahaa ee xalay uu xildhibaanada u jeediyay madaxeyne Farmaajo. Qoraalka Xildhibaan Fiqi ayaa u qornaa sidan:-KAFTAN LA SOO GOOGLE GAREEYEY. Xalay ma tagin cashadii xildhibaanada loo sameeyey, waayo waxaa ii muuqatay in aanan xikmad badan ka soo kororsanayn hadalada dharag dhacsiga ah ee mar walba ka soo bixi kara mas’uuliyiinta aan siyaasad ahaanta u bisleyn ee dawladnimadaba u heysta faan iyo faduul. Hadalkii madaxweyne Farmaajo uu sidii qur’aankii uga baxey ee uu ku sheegay kaftanka, ma ahayn kaftan ee wuxuu ahaa mid uu u gefey: guddoomiyaha golaha shacabka, kana been-sheegay xildhibaanadii mooshinka ka keenay, asagoo uu marmarsiyoonaya in uu caayo dawladdii xukunka uga horeysay. Guddoomiye Mursal oo ahaa ninkiii: biyaha, korantada iyo raashinka markii laga goostey ka qaxay Madaxtooyada illaa iyo haddana ka Maqan ma aheyn in uu raalli ka noqdo in Farmaajo uu ka dhigto jaranjaro uu dad uu caayayo u sii maro, waxeyna aheyd in uu ka bixiyo jawaabta ku haboon, laakin inuu hadaladaas cantara-baqashka ah u camiro lagama fileyn! Madaxweynuhu haddii uu geesi yahay waxey aheyd mudadii bisha ku dhoweyd ee mooshinkaasi ka yaalley ee uu ku mashquulsanaa koronto iyo biyo jarowga, albaabo qufulowga iyo ciidamo wax ku aragagixinta in uu hadlo, laakin hadaladaan ka daba-tuurka ah waa kuwo waqtigoodii dhacey. Tan kale, haddii mudane Farmaajo uu ku eedeeyey koox qabyo la yiraahdo in ay mooshinka ka danbeeyeen, uuna inkiray in xildhibaanno boqol ku dhow ay mooshin ka keeneen, waxaan iyana u malaynayaa inuu hadalka u duur-xulayey raysulwasaare Xasan Cali Kheyre oo ahaa ninka labaad ee Qabyo ugu tunka weynaa oo meesha fadhiyey, oo asna qosolka ku kaalmeynayey markii la caayayey. Marka madxaweynuhu hadalkiisii u ekaa mid la soo google-gareeyey, wuxuu ahaa mid gogoshii cashada dadkii isugu yimid, xildhibaanadii, guddoomiyihii iyo raysulwasaarihiiba wada jaa’ifeeyey, waxaana muuqata in mudane Farmaajo khudbooyinkiisii u danbeeyey ay ahaayeen kuwo diiraddu ka maqan tahay, dadka dhageysta oo jeclaa in hogaamiyaha dalkooda uu sidaan ka xikmad badnaanaadana waxey ku reebeen quus iyo niyad-jab, laakin waxaan hubaa in maalmuhu is-gurayaan, villa Soomaaliyana ay baahi u qabto hogaamiye xikmad iyo xilkas ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. Bil ayaa iminka laga joogaa markii uu tababare Axmed Tahliil Cali la wareegay hogaaminta kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo waxaa soo baxayo horomaro iyo is badal uu ku sameeyay safka kooxda oo isu diyaarinaysa ka qeyb galka tartamadda maxliga gudaha. Dhamaadka bishii hore December 2018 Kooxda Jeenyo ayaa kulan ciyaareed saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho caasimada Muqdisho kula ciyaartay xidigaha Som United oo ka ciyaara horyaalka heerka afaraad ee wadanka Sweden,iyagoo dalka u yimid in ay kulamo saaxiibtinimo la dheelaan kooxaha kubbada cagta ee ka dhisan gudaha. Hadaba Tababare Axmed Tahliil Cali maxaa ku kalifay in uu xiligan uu hogaamiyo kooxdiisa oo waqtiga wanaagsan kusoo qaatay,isagoo ciyaaryahan ah waa sidee hamigiisa fog ee xirfada macalinimo. Macalinka kooxda kubbadda cagta Som United Maxamed Cabdiqaadir ayaa qaba aragti ah hadii ay waqti badan isla joogaan xirfadlayaasha iyo macalimiinta Jeenyo ay noqon doonaan kooxda ugu saameenta badan kubbadda cagta Soomaaliya. Ismaaciil Suleymaan iyo Deeq Cabdiraxmaan Taree waa haldoorayaasha wanaagsan ee usoo baxay guulaha Jeenyo waxayna ka mid ahaayeen ciyaartooydii gaaray kama dambeysta tartankii bariga iyo bartamaha Afrika ee ka dhacay wadanka Burundi bishii April 2018,Macalin Tahliil waxa uu ku rajo weenyahay in dhawaan uu saa saaro ciyaartooy magac iyo sharaf u keena guulaha qaranka Soomaaliya. “Jeenyo sanadihii lasoo dhaafay waxaa ka tagay trio badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo si weyn ay jeclaayeen taageerayaashooda, balse iminka waxaa ii muuqanaysa rajo ah in ay kooxdo soo kabanayso waxaanse u rajaynaa in ay gaaraan hadafka ay lee yihiin”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ka mid xidigihii usoo ciyaaray Jeenyo,sidoo kalane ahaa hogaamiyihii Som United. Si kastaba falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa iyaga qodhooda qaba hadii macalin Axmed Tahliil Cali uu u helo waqti badan oo kooxdiisa u qaadidoono koobab badan maadaam uu horay wax badan Jeenyo ugu soo qabtay,isagoo ciyaaryahan ah. Halkan Ka Daawo Warbixin Ka Saabsan Is Badalka Kooxda Kubabdda Cagta L.L.P Jeenyo W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Warar isa soo taraya ayaa sheegaya suurtogalnimada in Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, uu kala diro goleyaasha deegaanka ee dalka, oo ay doorashadoodu markii labaad dib u dhacday. Wararkan suuqa soo galay ee kala dirista goleyaasha deegaanada ee dalka, ayaa waxa miisaankooda sii cusleeyay ka dib markii uu Madaxweyne Biixi goleyaasha deegaanada ee dalka ka reebay warqad uu u gudbiyay golaha guurtida oo nuxurkeedu ahaa in muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada ka dib markii doorashadoodii dib u dhacday. Si rasmi ah looma garanayo sababta uu Madaxweyne Biixi goleyaasha deegaanka ee dalka uga reebay warqadda uu u gudbiyay golaha guurtida, waxase ay dadka badankiisu saadaalinayaan in Madaxweyne Biixi kala diri doono goleyaasha deegaanada ee dalka, magaalooyinka dalkana uu u samayn doono maayaro iyo ku xigeeno, inta doorashadoodu qabsoomayso. Golaha guurtida ayaa sannadkii 2017 waxay goleyaasha deegaanada ee dalka u kordhiyeen muddo sannad iyo bilo ah, waxaana la filayay in doorashada deegaanka mar lala qabto doorashada baarlamaanka oo ahayd March 2019. Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inuu awood sharci u leeyahay inuu kala diri karo goleyaasha deegaan ee dalka. Haddii uu Madaxweyne Biixi kala diro goleyaasha deegaanada ee dalka waxa suurtogal ah inuu ku helo taageero shacab, maadaama oo ay shacabku aragti isku mid ah kaga soo horjeedaan goleyaasha deegaan ee dalka oo eeddo kala duwan loo jeediyo. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Warar diblomaasiyadeed oo uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inay dalalka beesha caalamka ee taageera nidaamka diqmuraadiyadeed ee Somaliland ay indhaha ku hayaan khilaafaadka u dhexeeya xisbiyada siyaasadda ee ku salaysan doorashada golaha wakiilada. Wararku waxay xaqiijiyeen inaanay dalalka beesha caalamka ee uu fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya soo dhawayn inay labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID, galaan doorasho aanu qayb ka ahayn xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Sida ay sheegeen wararkan uu Geeska Afrika helay dalalkani waxa ay u xilsaareen isu soo dhawaynta xisbiyada siyaasadda ee Somaliland labada safiir ee Maraykanka iyo Sweden oo xidhiidho kala duwan la soo sameeyay dhinacyada uu muranka siyaasiga ahi ka dhexeeyo., kuna guubaabiyay inay khilaafaadka taagan ka gaadhaan isfaham. Dalalkan ayaa aaminsan inay muhiim tahay inay isu soo dhawaadaan saddexda xisbi islamarkaana sameeyaan tanaasul siyaasadeed sidii looga bartay Somaliland. Waxa ay Wadamadani aaminsanyihiin in Somaliland galayso xaalad adag haddii aanay saddexda xisbi wada jir uga qayb gelin doorashada golaha wakiilada oo qorshaysnayd inay qabsoonto March 2019 balse uu dib u dhac ku yimid, welina aan la isla qaadin wakhtigii ay qabsoomi lahayd. Dadka sharciga aqoonta u leh ayaa sheegay inaanu jirin sharci diidaya inay laba xisbi ka qayb gali karaan doorashooyinka haddii uu mid ka mid ah saddexda xisbi qaran ka baaqdo doorashooyinka. Source
  16. (SLT-RiyaXoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo ayaa booqasho ku jooga dalka Sucuudi Carabiya, welina waxa uu raadinayaa jawaabo ku aadan dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, xilli dhanka kalana uu isku dayayo inuu xoojiyo xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya boqortooyada. Mr Khaashuqji ayaa ku noolaa dalka Mareykanka hasayeeshee waxaa dabayaaqadii sanadkii hore lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Turkiga, dilkiisana waxa uu madmadow soo kala dhexgaliyay xiriirkii u dhaxeeyay Riyaad iyo Washington. Haddaba todobaadkan ayey 100 maalmood ka soo wareegatay dilka weriye Jamaal Khaashuqji, dadkuna waxa ay isugu soo baxayeen bannaanka hore ee qunsuliyadda si ay u xasuustaan iyo weliba sidii ay cadaalad ugu raadin lahaayeen. Source
  17. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa si jees jees iyo kaftan ku jirta ku weeraray Xildhibaannadii Mooshinka ka keenay bishii December ee sanadkii hore, kaasoo Soomaaliya geliyay qalalaase siyaasadeed oo sababay in Fadhiyada Baarlamaanka uu hakad galo. Khubad uu xalay ka jeediyay Munaasabad casho sharaf aheyd oo lagu soo xidhayay Kalfadhiga 4aad ayuu markii u horeysay kaga hadlay Mooshinkaas oo maalmood kaddib wada hadal iyo is afgarad laga gaadhay. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in markii uu maqlay Mooshin in laga keenay uu wacay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, una sheegay inay ka dambeeyaan Kooxdii Qabyo “Waxaa dhahay Guddoomiye Mooshin baa la qabtaye, see wax u yihiin, wuxuu i yirdhi waa i hor-yaalaa aan kugu soo celiyo, warqadihii ayuu kala rogay, wuxuu i yidhi nambrkaas waaye, waxaa idhi yaa ka dambeeya, wuxuu i yidhi waxaa ka dambeeya dad walaalo ah oo la yiraahdo Qabyo, Ma Qabyada isla ogeyn, Qabyo waxaa ku ogeyn wax walba inay qabyo uga tagaan, bal fiiri hadduu mooshinka dhan yahay, dib buu u fiiriyay, wuxuu arkay saxiixyo la saxiixay sanadkii 2017, tuhunka la qabana uu yahay dhamaadka 2018, waxaa ku idhi see ay isku waafaqeysa, wuxuu yidhi, waxay arkayeen waxa soo socda sanad ka bacdo, waxaa ku yiri qalad kale maku jiraa, wuxuu yiri saxiixa waxaa ka maqan taariikhda, waxaa ku yidhi sidee taariikhda qofka ku iloobay, waxaa ku idhi maxaa kaloo ku jira, waxaa kaloo ku jira dad kaloo xanuunsan oo dibadaha jira oo aan ka warqabin waxa socda”ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo. Source
  18. (SLT-Taiwan)-Shiinaha ayaa marar badan isku dayay in uu Taiwan kala wareego xirrirka diblomaasiyadeed ee boqortooyada yar ee eSwatini oo markii hore la oran jiray Swaziland. eSwatini ayaa ah dalka kaliya ee Afrika ku yaalla oo xiriir diblomaasiyadeed la leh jasiiraddan ku taalla Aasiya kadib markii Burkina Faso ay la xiratay Shiinaha bishii May ee sanadkii tagay. Shiinaha ayaa sheegay in uusan ogolayn in dalalka ay xiriir toos ah la yeeshaan Taiwan sababtoo ah waxa uu Taiwan u aqoonsanyahay in uu yahay gobol isaga go’ay oo uu markuu doono dib u soo ceshan karo xitaa haddii ay lagama maarmaan noqoto in awood loo adeegsado. Balse dawladda eSwatini ayaa sheegeeysa in ay xiriirka diblomaasiyadeed ay la leedahay Taiwan ay sii wadi doonto. Boqor Mswati III waxa uu 17 goor u safray Taiwan. Markii madaxda dalalka Afrikaanka ah ay ka qeeyb galayeen shirkii lagu lafa gurayay xiriirka Afrika iyo shiinaha, King Mswati waxa uu ka qeeyb galayay munaasabad dhaqameedka sanadlaha ah, halkaas oo uu ka dooranayay xaaskiisa 15-naad. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in $60bn oo doolar oo dheeraad ah ku kharash gareeynayo Africa, balse eSwatini ayaa sheegeeysa in aysan lacagahaasi waxba kala maqnayn. Source
  19. (SLT-Hindiya)-Malaayiin qof oo ku sugan magaalada Allahabad ee waqooyiga dalka Hindiya ayaa isu diyaarinaya inay ku qubaystaan biyaha barakaysan, taas oo qeyb ka ah kulanka diimeed ee ugu ballaaran caalamka ee Kumbh Mela. Saraakiisha ayaa waxay filayaan in 120 milyan oo qof ay kasoo qayb galaan debaldeggan socon doona 49 maalmood. Waxaa lagu tilmaama barkulanka ugu weyn ee dunida waxaan laga arki karaa hawada sare. Dadka haysta diinta Hinduuga ayaa amminsan hadii ay ku qubeystaan halka ay webiyasha ku kulmaan oo loo yaqaano Sangam in dembiyadooda la dhaafi doono Debaaldeggii ugu dambeeyay ee la qabtay sanadkii 2013ka ayaa markii ugu horeysay waxaa loo ogolaaday in dumarka ay webiyada ku qabeystaan iyadoo sanadkana tirada dumarka kasoo qaybgalaya ay sare u sii kacday. Waxaa kulankan sidoo kale kasoo qayb geli doona in kabadan hal miyan oo qof oo xujeey ah kuwaas oo dalka dibediisa ka imaanaya sida ay qabanqaabiyaashu BBC-da u sheegan. Ninkan iyo dadka kale ee qabanqaabinayay kulanka ayaa waxa ay xafladda diyaarinayeen muddo ka badan sanad, isu soo baxanna waxa uu u dhigmaa sida Xajka Muslimiinta ee sanadlaha ah ee lagu qabto goobaha barakaysan ee Islaamka ee Sucuudi Carabiya. Dadka kullankan ka qeyb galaya ayaa waxaa loo diyaariyay inay jiiftaan 42kun oo teendhoyin ah oo lagu dhisay dhul gaaraya ilaa 32 kiloomitar, waxaana la dhisay waddooyin cusub oo ka kooban boqolaal kiloomitar. Sidoo kale waxaa la dhisay isbitaalo iyo bangiyo ku meel gaar ah. Debaaldeggan waxaa sidoo kale ka qayb qaadanaya kooxaha dab-demiska waxaana la dhisay 120 kun oo musqul sii loo haqabtiro baahiyaha xujeeyda. Waxaa magaalada Allahabad ka howlgalaya boqalaal tareen oo cusub halka 30kun oo boolis ah iyo ciidammada sida gaarka u tababaran oo ammniga sugaya. Waxaa kale oo la dhisay goob ku shaqeynayso nidaamka teknoolajiyadda casriga ah halkaas oo lagu soo hagaajini karo ciddi lunto, sidoo kalena lagusoo wargelini karo ciddi la waayo sii maclumaadka loola wadaago goobaha kale iyo sidoo kale baraha bulshada. Source
  20. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu diiday inuu u shaqeeyo Ruushka, arrintaas oo uu kaga jawaabayay wararkii ugu dambeeyay ee su’aasha galinayay xiriirka Trump kala dhaxeeya Moscow. Isagoo weriyayaasha kula hadlayay Aqalka Cad xilli uu u kicitimayay Louisiana, ayaa waxa uu sheegay: “Abid uma aanan shaqeyn Ruushka.” Waxa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday warbixin uu qoray wargeyska Washington Post, taas oo tilmaamaysay inuu madaxweynaha qariyay tarjumaadda kulankii uu la yeeshay madaxweyne Putin. Dhanka kale wargeyska New York Times ayaa waxa uu sheegayaa in FBI-da Mareykanka ay baaritaan aanan horay loo shaacin ku bilaabeen madaxweynaha. Muxuu ahaa baadhitaanka FBI-da? Sida uu qoray wargeyska, shakiga FBI-du waxa u xoogaystay kaddib markii uu Mr Trump xilkii ka qaaday agaasimihii hay’addaasi, James Comey, bishii May 2017. Baaritaanka FBI-da ayuu wargeyska New York Times ku warramayaa inuu la wareegay golaha gaarka ah ee wasaaradda cadaaladda ee uu hogaaminayo Robert Mueller. Mr Mueller ayaa waxa uu hogaaminayaa baaritaan socda oo lagu ogaanayo in ololihii Mr Trump uu qeyb ku lahaa galaangalkii Kremlin-ka uu ku yeeshay doorashooyinkii madaxtinimada ee 2016. Mar bannaanka Aqalka Cad Isniintii lagu waydiiyay inuu Ruushka u shaqeeyo, ayuu Mr Trump markiiba horay ka diiday arrintaasi ka hor inta uusan ku darin: “Waxaan filayaa inay ceeb tahay inaad xitaa su’aashaas i waydiisid balse waa been abuur un.” Madaxweynaha ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa su’aal noocaas oo kale ah waxaa Sabtidii waydiiyay weriye ka tirsan Fox News, taas oo uu madaxweynuhu ugu yeeray “caydii ugu darneyd ee abid la I waydiiyay”. Wargeyska New York Times ayaa waxa ay warbixinteeda ku sheegtay in aanay jirin wax caddeyn ah oo si buuxda u soo shaacbaxay oo tilmaamaya in Mr Trump uu amar ka qaatay saraakiil ka tirsan dowladda Ruushka. Isniintii, madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in xilkii uu ka qaaday Mr Comey uu ahaa “howl weyn oo uu dalkayaga u qabtay”. Source
  21. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xirayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka. Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sannadkan cusub ay xukuumaddu xoogga saarayso dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulka ay haystaan cadawga argagaxisada Alshabaab, kuwaas oo u taagan dibindaabyada iyo dabar-goynta shacabka aan waxba galabsan. Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka shaqayn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka. Halkan hoose ka daado Sawirrada:- The post Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo Oo ka qayb-galay xaflad lagu soo xirayay Kalfadhig 4-aad Ee Golaha Shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo soo xirayey Kalfadhiggii Afaraad ee golaha shacabka ayaa sheegay in ay xallin doonaan khilaafka ka dhaxeeya Labada aqal ee baarlamaanka. Waxa uu madaxweynaha sheegay in dib u heshiisiinta Labada aqal ay ugu horreyn doonto waxyaabaha ay qabanayaan sanadkaan, isaga oo sheegay in muhiim ay tahay is faham iyo wadashaqeyn. Khilaafkan ayuu sheegay inuu kasoo bilowday kadib furitaankii Kalfadhiga Afaraad ee golaha shacabka oo la isku khilaafay in meel lagu wada furo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo dhammeyn lahaa khilaafkan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Madaxweyne-Maxamed-Farmaajo.mp3-sax.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay wax ka badalka xeerarka Bangiga Dhexe iyo Hanti dhowrka Qaranka, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay. Kulankii Shalay ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa laga bartay labo arin oo kala ahaa awoodaha ay kala leeyihiin xildhibaanada mucaaradka ah iyo kuwa muxaafadka ah. Waxaa muuqata wali awooda xildhibaanada muxaafadka ah ee taageersan xukuumadda ku dhex leeyihiin baarlamaanka, maadaama shalay arinta Bangiga dhexe oo xasaasi aheyd ay xildhibaano badan meel mariyeen. Arinta labaad ee laga bartay kulankii shalay ayaa ah in xildhibaanada mucaaradka ah aysan awood badan ku laheyn kulamada baarlamaanka, maadaama shalay tiro aan dhameyn 20 xildhibaan ay ka hor yimaadeen ansixinta xeerka Bangiga dhexe. Waxaa la isweydiinayaa tirada xldhibaanada mucaaradka ah oo lagu sheego inay gaarayaan 70 ilaa 90 xildhibaan, halkey shalay aadeen, ma tirada ayaa been abuur ah, mase xildhibaanada ayaa iyaga oo mucaaradka ah xaadiri waayay baarlamaanka oo guryahooda natiijada ku sugayay. Dad badan oo falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in muxaafadka uu hadda ka badan yahay mucaaradka, taasina ay ugu wacan tahay xildhibaano badan oo xukuumadda ku jiro iyo kuwo xukuumadda ay soo dhaweysatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimad@live.com
  24. Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa sheegay in qarashka ugu horreeya ee ay ka bixiyaan qasnadda dowladda ay siin doonaan ciidamada iyo sidoo kale shaqaalaha maamulkaasi. Dani ayaa sheegay in ciidanku uu yahay midka suga amniga, waqti badanna ku bixiya, sidaasi darteedna ay diyaar u yihiin in bil walbo la siiyo xuquuqdooda. Waxa uu sheegay Madaxweyne Dani in sidoo kale shaqaalaha Puntland iyaguna xaqooda la siin doono bil walba, lacagta ugu horreysa ee laga bixiyo qasnadda maamulkana lagu bixinayo mushaarooyinka. Sidoo kale madaxweyne Dani ayaa ballanqaaday in xil gaar ah la iska saari doono bixin mushaaraadka, ayna dhammaatay shaqaale ama askari lacag waaya. Goobjoog News Source: goobjoog.com