Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,271
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kulmiye haduu Dhan ka Rari jiray maanta CiD qudhuu u wada Raray! Ilaa wakhtigii ugu horaysay Jamhuuriyada Somaliland in talada dalka ay qabtaan xisbiga Kulmiye Waxa ay ku dhaqaaqeed oo ku kaceen wax kasoo horjeeda dumuqraadiyada, wax wada lahaanshaha, cadaalada iyo diinta. Maxaa yeelay Waxay ahayd xukuumadii kulmiye ugu horaysay ee xukunka iyo maamulka jamhuuriyada Somaliland hanataa Xukuumadii ugu horaysay intay Somaliland jirtay ee lagu soo dhiso hab isbahaysi oo baal marsan wax wada lahaanshihii reer Somaliland kusoo caano maaleen, sidoo kale ah wax ka weecsan dhabadii dumuqraadiyadeed ee dalku cagta saaray, sidoo kale waa wax cadaalad daro ah waayo dal dhan oo mujtamac balaadhani wada leeyahay koox yar oo qudhi kasoo muuqataa maamulka waa cadaalad daro, iyana sidoo kale Mar haday dhaar kumaraan in dalka iyo dadka Sinaan, wax wada lahaansho iyo cadaalad ku dhaqayaan kitaabna gacanta ku saareen hadana wax lidi ku ah oo burinaaya dhaartii ku dhaqmaan diintiina seege markaa wadani nimana warkeed daa’. Hadaba Arimahaa awgeed dadkii Waxa ay ku sifeeyeen xukuumadaa kulmiye mid aan cadaalad lagu yagleelin oo Ratigii dawladnimo si quman loogu yoonbeeyn rarka oo dhinac laga Raray. Hadaba Kulmiye Waxa ay rarka dheeliyaaya hadba Dacal u soo gundhiyaan Ileen waa wax dhan kararane waatii iyada oo cayn wareegsan doorashadii kale hadana soo noqdeen siday kusoo noqdeen’bee, ee Kursiga iskaga kacay, runtii iyada oo ahayd fursad kulmiye wax kusaxo ayey kaga dhigeen kadar oo dibi dhal, waayo iyada oo ay ka sinaayeeyn Madaxweynaha hada Mudane Muuse Biixi iyo madaxweynihii kulmiye ee ka horeeyey dhaarta ay mareen ee aan la oofin mudane Muuse Waxa u dheeraa balan qaadyo iyo Beri-maanta dhaanta, se Waxa qaadan waa iyo fajiciso ku noqotay shacab weynihii reer Somaliland sida uu Mudane Muuse Ratigiisa xukuumadeed uu rarka ugu tiisay ee wax wada lahaanshaha, dumuqraadiyada iyo cadaalada baal marsan ee uu ku kacay Isaga oo aan si siman Ummada ugu rarin dhinacna ka rarin se CiD qudha u wada raray oo waliba Ciddiisa uun uwada Raray, Ileen Mar hadii Madaxweyne, Maxkamad, Maaliyada, Milatari, Miidhiyaha, Madaxtooyada, Maareeyayaasha dekada iyo Madaarada, Maqal-hayaasha iyo xisaabiyaasha wasaaradaha badankood, agaasimayaasha ugu badan, dabdamiska, ku xigeenka booliska, maamulayaasha iyo isku duwayaasha ugu badan iyo qaar kaloo badan oo aan lasoo koobi karin ay isku meel kasoo wada jeedaan miyaanu cid qudha u wada RARNAYN. Hadaba hadii kulmiye dhan ka rarnaan jiray maanta CiD qudhuu u wada Raranyey oo madaxweynaha cidiisuu u wada Raranyey. Wax wada lahaansho la’aantu Wadani-nimaday wiiqdaa. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee G/ Banaadir. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay waaxda labaad Barwaaqo ee degmadaasi. Ugu yaraan 1 Qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka uu ku dhawaacmay mid kale, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga Dayniile Axmed Nuur Adeerow. Qofka dhintay ayaa ahaa guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaasi, halka kan dhaawacmayna uu ahaa qof shacab ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Deyniile.mp3 The post Qarax lagu dilay guddoomiye Laameed Oo ka dhacay Dayniile appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan waxaa magaalada Muqdisho si qarsoodi ah u yimid wafti siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ah oo dowladda Soomaaliya kala hadlay sidii ay ula heshiin lahayd Axmed Madoobe. Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaannada Jubbaland ayaa sheegay in kulankaas uu qeyb ka ahaa qorshe socda oo ku aaddan sidii waqti kale loogu dari lahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta ku sugan Kenya islamarkaana aad ugu dhow Axmed Madoobe ay magaalada Muqdisho kula kulmeen madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya. Waxyaabaha ay siyaasiyiinta kala hadleen madaxda dowladda ayuu ku sheegay iney ka mid tahay arrimaha ku aadan doorashada Jubbaland in loo madax banneeyo Axmed Madoobe, waa sida uu hadalka u dhigaye. Doorashooyinka Jubbaland ayaa haatan waxaa ka harsan 8 Bil oo kaliya, waxaana jira tuhun ay qabaan siyaasiyiinta qaar ee kasoo jeedda maamulkaasi, kuna aaddan in mar kale uu soo laabto madaxweyne Axmed Madoobe. Halkaan hoose ka dhageyso codka Caddow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-SIYAASI-JUBBALLAND-MAXAMED-XUSEEN-CADOOW-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wafdigaan oo ka socday Bangiga Aduunka ayaa kulan la qaatay Wasiirka Maaliyaadda XFS Mudane C/Raxmaan Ducaale iyagoona ka wada hadlay arimo ku saabsan horumarka Maaliyadda Dalka. Masuuliyiinta Wafdiga hogaaminaysay ayaa kala ahaa Mr Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga Aduunka ee Bariga Afrika, Mr Hugh Riddle oo isna ah Wakiilka Soomaaliya ee B.Aduunka iyo Xubno kale. Wasiirka Maaliyadda Mr Beyle ayaa sheegay in ay ka wada hadleen madaxda Bangiga Aduunka arrimo badan oo ay ka midyihiin guulaha laga gaaray hanaanka maamulka Maaliyadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka. “Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay Wafdi ka socda Bangiga Aduunka oo uu hogaaminayay Mr Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga Aduunka ee Bariga Afrika, Mr Hugh Riddle oo isna ah Wakiilka Soomaaliya ee B.Aduunka iyo Xubno kale, Waxaan ka wada hadalnay arimo badan oo ay ka midyihiin guulaha aan ka gaarnay hanaanka maamulka Maaliyada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka. Bangiga Aduunka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda. Bangiga Aduunka ayaa ah Sxb in badan ka caawiya Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ugu horeyso taageerada Dowladda Soomaaliya. The post Wasiir Beyle Oo la kulmay wafdi ka socday Bangiga Aduunka appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Dhoobley ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa xalay gubay xarun ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya. Ciidamadan oo watay Gaadiid Gaashaaman, kana soo gudbay xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Cali-Buley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Sidoo kale Ciidankan ayaa jirdilay mid mid ah shaqaalaha Shirkadda oo ku sugnaa xarunta & sidoo kale 2 qof oo dadka deegaanka ah. Waxaana weli hawada ka maqan Isgaarsiinta Deegaanada Cali-Buley, Diif, Dhuyacgaroon & Girey oo ka kala tirsan gobollada Jubada Hoose & Gedo, kuwaas oo Link-ga ka qaadan jiray xarunta la Gubay. Xarumahan ayaa Shacabka deegaanadaasi siin jiray adgeegyo kala duwan oo isugu jiray Isgaarsiin iyo adeegga EVC oo muhiim u ah nolosha dadka ku dhaqan halkaasi. Waa markii labaad oo ay Ciidanka Kenya burburinayaan xarunta Shirkadda Hormuud ee Cali-Buley , iyagoona Bishii August ee sanadkii la soo dhaafay, sidan oo kale cagta u mariyay xaruntaasi. Sidoo kale waxa ay horay burburiyeen xarumo kale oo ku yaallay deegaanada Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ka wada tirsan Gobolka Gedo,. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay ina y Ciidamada Kenya ugaarsadaan xarumaha Shirkadda Hormuud oo ay saami ku lee yihiin dad badan oo Soomaaliyeed, waxaase dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ay sheegayaan in Kenya ay dooneyso in ay dhulka ku teedsan xudduudda labada waddan ka dhigto Lama degaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Ciidan Kenya Oo gubay xarun ay laheyd Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 January 2019 xafiiskiisa ku qaabiley madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa Mr. Qian Xian iyo wafti la socdey. kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian iyo waftiga la socdey ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland. Midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia ayaa madaxweynaha Puntland kala hadlay maalgashi ganacsi oo ay doonayaan shirkadahaasi inay Puntland ka sameeyaan, isla’markaasna shirkadahaasi ay wada shaqayn wanaagsan oo dhinacyo badan taabanaysa ay ula yeelan lahaayeen Puntland. Dhinaca kale Madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa ee fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian ayaa Puntland ku amaanay horumarka iyo biseylka siyaasadeed ay gaartay, waxaana uu tusaale u soo qaatay sidii ay u qabsoontay doorashadii ka dhacday Puntland 8 January 2019 iyo sidii hufnaanta lahayd ee madaxda Puntland ay shalay xilka ula kala wareegeen. Ugu danbeyn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka ayaa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa u sheegey in Puntland ay mar waliba diyaar la tahay sidii ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen shirkadahaas. The post Madaxweyne Deni Oo Qaabilay xubno ka socday Shiinaha appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Maleeshiyaadka Golis iyo Eneeye Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta dagaal ku dhexmaray malayshiyaad kala taabacsan shirkadaha Golis iyo Eneeye. Ilaa laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal kooban oo malayshiyaadka labada shirkadoodu ku dhexmaray isgoyska Gaaca ee magaalada Boosaaso,sida laga soo xigtay ehelada dadka dhaawacmay. Ciidamada amniga Puntland oo halkaasi gaaray ayaa xabsiga u taxaabay qaar kamid ah malayshiyaadkii dagaallamay halka qaar kalena ay goobta ka carareen,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Shirkadaha Golis iyo Eneeye ee magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe waxaa ka dhex aloosnaa muran la xiriira bixinta adeegga korontada ee magaalada,waxaana murankaasi isu’ rogay gacan ka hadal khasaare dhaliyay. PUNTLAND POST The post Shirkadaha Golis iyo Eneeye oo ku dagaallamay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa agab kala duwan ugu deeqay ciidamada Booliska Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM. Qalabka loogu deeqay Booliska Soomaaliya ayaa isagu jira qalab xafiiseedyo, kumbuyuutaro iyo kaamirooyin ay ku howlgali doonaan ciidamadaasi. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliika Soomaaliya Zakiya Xuseen oo goob joog ka aheyd musaabadda lagu guddoonsiinayey agabkaasi ayaa si weyn ugu mahadcelisay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Maxwell Chikunguru oo xiriirka u qaabilsan Booliska AMISOM oo halkaasi khudbad ka jeediiyay ayaa xusay in AMISOM ay sare u qaadeyso taageerada iyo tababarada ay siiso ciidamada Booliska Soomaaliya, si ay u xoojiyaan amniga dalka. Waxaana u intaasi ku daray in ciidamada Booliska Soomaaliya oo si weyn ugu faa’iideystay taageerada AMISOM ay wax badan ka qabteen dhinaca sugida ammaanka dalka. Booliska AMISOM ayaa sanadihii ugu dambeeyay sare u qaaday tababarada ay siiyaan ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa dowladd goboleedyada dalka, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo tayeynta ciidamada Soomaamliya. The post AMISOM Oo agab ugu deeqday Booliska Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Turkey’s state aid agency provided medical equipment to a hospital in Somalia’s breakaway region of Somaliland, according to a statement on Tuesday. The Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) said 216 devices and medical equipment including an ultrasound device, echocardiography equipment, autoclave were provided for the Hargeisa State Hospital, which serves around 3 million patients. Turkish Ambassador in Mogadishu Mehmet Yilmaz, Somaliland Health Minister Hassan Ismail Yusuf and TIKA’s coordinator in Somalia Galip Yilmaz attended the delivery ceremony of the medical supplies. Speaking at the ceremony, Yusuf said the equipment provided by Turkey will contribute to the people of Somaliland receiving healthcare in much better circumstances. Also speaking at the ceremony, Yilmaz emphasized the brotherhood between the people of Turkey and Somalia. He said: “Turkey will continue to increase assistance in the region. We welcome the Somaliland administration deporting the FETO [Fetullah Terrorist Organization] terror group and handing the management of the FETO-linked schools over to the Maarif Foundation.” Turkey established the Maarif Foundation after 2016 defeated coup attempt to take over the administration of overseas schools linked to FETO. It also establishes schools and education centers abroad. FETO and its U.S.-based leader Fetullah Gulen orchestrated the defeated coup of July 15, 2016, which left 251 people martyred and nearly 2,200 injured. The post Turkish aid body provides health support in Somaliland appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimdada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo soo xirayey Kalfadhiggii Afaraad ee golaha shacabka ayaa sheegay in ay xallin doonaan khilaafka ka dhaxeeya Labada aqal ee baarlamaanka. Dhowaan ayaa aqalka sare waxa uu sheegay inuu xiriirka u jaray aqalka hoose, oo uu ku eedeeyey inuu isku koobay awooddii sharci dejinta dalka, islamarkaana awoodihii dastuuriga ahaa ee aqalka sare uu la wareegay. Waxa uu madaxweynaha sheegay in dib u heshiisiinta Labada aqal ay ugu horreyn doonto waxyaabaha ay qabanayaan sanadkaan, isaga oo sheegay in muhiim ay tahay is faham iyo wadashaqeyn. Khilaafkan ayuu sheegay inuu kasoo bilowday kadib furitaankii Kalfadhiga Afaraad ee golaha shacabka oo la isku khilaafay in meel lagu wada furo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii loo dhammeyn lahaa khilaafkan. Halkaan hoose ka dhageyso https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Madaxweyne-Maxamed-Farmaajo.mp3-sax.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Waxaa wafdigan si diiran ugu soo dhaweeyay magaaladaasi mas’uuliyiinta maamulka K/ Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi. Ujeedka xubnahani ay u tageen Baydhabo ayaa ah ka qeyb galka xafladda Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi C/casiis Lafta Gareen. Dhinaca kale waxaa magaalada Muqdisho saacadaha soo socda lagu wadaa in ay ka ambabaxan wafdi kale uu hor kacayo guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Mursal Sheekh C/raxaan oo sidoo kale ka qeyb galaya munaasabadaasi. Ammaanka si weyn loo adkeeyay, iyadoona Ciidamada dheeraad ah lagu arkayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Xafladda caleema saarka ee madaxweyne Lafta Gareen ayaa beri oo Arbaco ah ka dhaceysa xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. The post Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo gaaray M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-15012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan C/shakuur Warsame Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa soo bandhigay qodob wax ka bedel lagu sameeyay oo ku jiray Sharcigii Hanti Dhowrka Guud ee ay shalay ansixiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka. Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa xusay in Baarlamaanka uu awooddiisa gacanta isaga qaaday, isagoo xusay in la bedelay qodobka 20aad ee dhigaya in Magacaabista Hanti Dhowrka Guud ay soo ansixiyaan Golaha wasiirada, Baarlamaankana uu ansixinayo, taasoo madax banaani buuxda siin laheyd Hanti Dhowrka Guud. “Sharciga labaad waa sharciga Hanti-Dhowrka Guud, Waxaa laga bedelay qodobka 20aad ee dhigayay in magacaabista Hanti- Dhowrka uu Golaha Wasiirada soo jeedinta leeyahay, halka uu Baarlamaanka ansixinayo, Madaxweynahuna wareegto ku soo saaro, Waxaa meesha laga saaray awoodda Baarlamaanka ee Ansixinta, taasoo madaxbanaani buuxda siin lahayd Hanti-Dhowrka Guud, waxaa taas bedelkeeda laga dhigay in Xukuumadu soo jeediso, Madaxweynuhuna uu wareegto ku magacaabo, Baarlamaanka gacantiisa ayuu awoodda isaga qaaday, Waxaa halkaas ka cad in uusan jirin Baarlamaan difaacaya danta Shacabka iyo dawladnimada Soomaaliya”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Waxaa uu sheegay in saameynta ay leedahay in Hanti Dhowrka Guud la hoos geeyo Xukuumadda ay ka daran tahay in ruux Ajnabi loo dhiibo Bangiga Dhexe. “Saamaynta taban ee ay leedahay in Hanti-Dhowrka Guud la hoos geeyeyo Xukuumada ayaa ka daran in ruux Ajnabi ah Baanka Dhexe loo dhiibo, Sababtoo ah Hanti-Dhowrku awood uma laha in uu Xisaabiyo Xukuumada, ummadana Hantidooda u dhowro, Tani waxay dhabarjab wayn ku tahay horumar kasta oo laga samayn lahaa hufnaanta Hanaanka Maaliyadeed ee dalka, waxayna caqabad ku noqon doontaa deeqaha la siinayo dalka iyo daymihii laga cafin lahaa”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay u cadaatay in Baarlamaanka uu gabay awooddiisa kor-joogteynta, waxaana sugnaa in Aqalka Sare ee Baarlamaanka ay damiir iyo dadnimo ku hartay sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Karaash ayaa maanta u safray magaalada Baydhabo, iyagoo halkaas uga qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha koonfur [...] Source
  15. (SLT-Yemen) Hadal-qoraal oo ka soo baxay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay ku sheegteen inay Gantaal Balaastik ku duqeeyeen Saldhig Milliteri oo ku yaalla Gobalka Najraan ee Koonfurta Sacuudiga. Xuutiyiinta waxay sheegeen inay Gantaal lagu magacaabo “Badar 1 la beegsadeen Saldhigga Milliteri oo ku yaalladda Deegaanka Bir Askar, balse Milliteriga Sacuudiga weli kama hadlin sheegashadaasi. Labo maalin ka hor, Maleeshiyadda Xuutiyiinta waxay Diyaarad nooca aan Duuliyaha Lahaayn ee Daroonka ku duqeeyeen Saldhig ay Milliteriga Sacuudiga ku leeyihiin magaalladda Jizaan oo u dhow xuduudka Yemen. Jimcihii la soo dhaafay, Isbahaysiga Sacuudiga waxay sheegeen inay burburiyeen Saldhig ay Xuutiyiinta ka hagi jiray Diyaaradaha Darooniska ee Kooxdaasi leeyihiin. Source
  16. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa Mr. Qian Xian iyo wafti la socdey. [...] Source
  17. Somali Parliament has gone on recess on Monday, it ended the fourth Session after approving the amendment of the laws of the central bank and auditor general. The House is expected to reconvene on March 2019. During the fourth session, the House approved several important bills, including the Central bank, the national disability agency, the Auditor General and passing 2019 budget. In his closing remarks, the Speaker of Parliament, Mohamed Mursal, expressed his gratitude to Allah for strength and good health accorded him, his two deputies and the entire members of the House to accomplish the mission of the House. Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo and his PM Hassan Ali Khaire have attended the closing ceremony of the 4th session which was held at Villa Somalia on Monday night. The post Somali Parliament goes on recess as it closes fourth session appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland oo shalay la wareegay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay waxyaabo dhowr ah oo uu kaga duwanaan doono madaxweyne Gaas. Wuxuu ugu horeyn sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dhamaan shaqaalaha iyo ciidamada kala duwan ee Puntland u heli lahaayeen mushaaraadkooda, islamarkaana lacagta ugu horeysa ee laga bixin doono khasnadda ay noqon doono mushaaraad. Wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Puntland ay kaga baahan yihiin inay bixiyaan lacagta canshuuraha, taasi oo howlo badan lagu qaban doono, isaga oo sheegay inuusan sameyn doono dulqaadkii madaxweyne Gaas ee eedeynta isku badalay. “Madaxwayne Gaas waxuu ii sheegay in dulqaadkiisii badnaa, markii dambe uu eedayn isu baddalay, anagu taas ma yeeli doonno Sharciga ayaan ku dhaqmayna” ayuu yiri madaxweyne Saciid Deni. Wuxuu dhinaca kale amray qof kastaa oo ku sugan Puntland inay ka fogaato wax walbaa oo muujin kara ku xad gudubka sharciga Puntland. “Qof kastaa waxaan amrayaa inuu ilaaliyo sharciga Puntland, qofkii aan ilaalin maalmaha dhow wuxuu arki doonaa ciqaab adag, ma sameyn doono dulqaadkii C/Welli Gaas ee markii dambe isaga lagu eedeeyay”ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweyne Deni ayaa muddada kooban ee xilka uu hayo oo gaareyso 7 Maalin wuxuu soo saaray ku dhawaad 5 amar kala duwan ahaa, kuwaasi oo qaarkood uu qoraal ahaan uso saaran halka kuwa kale uu afka ka sheegay. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com
  19. The speaker of the House of the People of Somalia’s Federal Parliament, Mohamed Mursal Abdirahman is expected to travel to Baidoa city, the interim capital of Southwest State. The speaker and a parliamentary delegation he is leading will attend the inauguration of the new Southwest president, Abdulaziz Lafta-Garen which will take place on Wednesday. The security of Baidoa has been extremely tightened by Somali security forces backed by Ethiopian soldiers who are serving under the African Union Mission in Somalia [AMISOM]. Reports said Somali president, Mohamed Abdullahi Farmajo is likely to be part of the leaders participating in the inaugural ceremony. Abdulaziz Lafta-Garen was elected as Southwest state president last December following an election that has been marred by deadly violence and protests in Baidoa city. The post Somali parliament speaker heads to Southwest state appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa jawaabay hadalkii Kaftanka ahaa ee xalay uu xildhibaanada u jeediyay madaxeyne Farmaajo. Qoraalka Xildhibaan Fiqi ayaa u qornaa sidan:-KAFTAN LA SOO GOOGLE GAREEYEY. Xalay ma tagin cashadii xildhibaanada loo sameeyey, waayo waxaa ii muuqatay in aanan xikmad badan ka soo kororsanayn hadalada dharag dhacsiga ah ee mar walba ka soo bixi kara mas’uuliyiinta aan siyaasad ahaanta u bisleyn ee dawladnimadaba u heysta faan iyo faduul. Hadalkii madaxweyne Farmaajo uu sidii qur’aankii uga baxey ee uu ku sheegay kaftanka, ma ahayn kaftan ee wuxuu ahaa mid uu u gefey: guddoomiyaha golaha shacabka, kana been-sheegay xildhibaanadii mooshinka ka keenay, asagoo uu marmarsiyoonaya in uu caayo dawladdii xukunka uga horeysay. Guddoomiye Mursal oo ahaa ninkiii: biyaha, korantada iyo raashinka markii laga goostey ka qaxay Madaxtooyada illaa iyo haddana ka Maqan ma aheyn in uu raalli ka noqdo in Farmaajo uu ka dhigto jaranjaro uu dad uu caayayo u sii maro, waxeyna aheyd in uu ka bixiyo jawaabta ku haboon, laakin inuu hadaladaas cantara-baqashka ah u camiro lagama fileyn! Madaxweynuhu haddii uu geesi yahay waxey aheyd mudadii bisha ku dhoweyd ee mooshinkaasi ka yaalley ee uu ku mashquulsanaa koronto iyo biyo jarowga, albaabo qufulowga iyo ciidamo wax ku aragagixinta in uu hadlo, laakin hadaladaan ka daba-tuurka ah waa kuwo waqtigoodii dhacey. Tan kale, haddii mudane Farmaajo uu ku eedeeyey koox qabyo la yiraahdo in ay mooshinka ka danbeeyeen, uuna inkiray in xildhibaanno boqol ku dhow ay mooshin ka keeneen, waxaan iyana u malaynayaa inuu hadalka u duur-xulayey raysulwasaare Xasan Cali Kheyre oo ahaa ninka labaad ee Qabyo ugu tunka weynaa oo meesha fadhiyey, oo asna qosolka ku kaalmeynayey markii la caayayey. Marka madxaweynuhu hadalkiisii u ekaa mid la soo google-gareeyey, wuxuu ahaa mid gogoshii cashada dadkii isugu yimid, xildhibaanadii, guddoomiyihii iyo raysulwasaarihiiba wada jaa’ifeeyey, waxaana muuqata in mudane Farmaajo khudbooyinkiisii u danbeeyey ay ahaayeen kuwo diiraddu ka maqan tahay, dadka dhageysta oo jeclaa in hogaamiyaha dalkooda uu sidaan ka xikmad badnaanaadana waxey ku reebeen quus iyo niyad-jab, laakin waxaan hubaa in maalmuhu is-gurayaan, villa Soomaaliyana ay baahi u qabto hogaamiye xikmad iyo xilkas ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Bil ayaa iminka laga joogaa markii uu tababare Axmed Tahliil Cali la wareegay hogaaminta kooxda kubbadda cagta L.L.P Jeenyo waxaa soo baxayo horomaro iyo is badal uu ku sameeyay safka kooxda oo isu diyaarinaysa ka qeyb galka tartamadda maxliga gudaha. Dhamaadka bishii hore December 2018 Kooxda Jeenyo ayaa kulan ciyaareed saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal bulsho caasimada Muqdisho kula ciyaartay xidigaha Som United oo ka ciyaara horyaalka heerka afaraad ee wadanka Sweden,iyagoo dalka u yimid in ay kulamo saaxiibtinimo la dheelaan kooxaha kubbada cagta ee ka dhisan gudaha. Hadaba Tababare Axmed Tahliil Cali maxaa ku kalifay in uu xiligan uu hogaamiyo kooxdiisa oo waqtiga wanaagsan kusoo qaatay,isagoo ciyaaryahan ah waa sidee hamigiisa fog ee xirfada macalinimo. Macalinka kooxda kubbadda cagta Som United Maxamed Cabdiqaadir ayaa qaba aragti ah hadii ay waqti badan isla joogaan xirfadlayaasha iyo macalimiinta Jeenyo ay noqon doonaan kooxda ugu saameenta badan kubbadda cagta Soomaaliya. Ismaaciil Suleymaan iyo Deeq Cabdiraxmaan Taree waa haldoorayaasha wanaagsan ee usoo baxay guulaha Jeenyo waxayna ka mid ahaayeen ciyaartooydii gaaray kama dambeysta tartankii bariga iyo bartamaha Afrika ee ka dhacay wadanka Burundi bishii April 2018,Macalin Tahliil waxa uu ku rajo weenyahay in dhawaan uu saa saaro ciyaartooy magac iyo sharaf u keena guulaha qaranka Soomaaliya. “Jeenyo sanadihii lasoo dhaafay waxaa ka tagay trio badan oo ciyaartooy ah kuwaas oo si weyn ay jeclaayeen taageerayaashooda, balse iminka waxaa ii muuqanaysa rajo ah in ay kooxdo soo kabanayso waxaanse u rajaynaa in ay gaaraan hadafka ay lee yihiin”waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Bashiir Cilmi Maxamed (Bashiir Jeenyo) oo ka mid xidigihii usoo ciyaaray Jeenyo,sidoo kalane ahaa hogaamiyihii Som United. Si kastaba falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa iyaga qodhooda qaba hadii macalin Axmed Tahliil Cali uu u helo waqti badan oo kooxdiisa u qaadidoono koobab badan maadaam uu horay wax badan Jeenyo ugu soo qabtay,isagoo ciyaaryahan ah. Halkan Ka Daawo Warbixin Ka Saabsan Is Badalka Kooxda Kubabdda Cagta L.L.P Jeenyo W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  22. (SLT-Hargeysa)-Warar isa soo taraya ayaa sheegaya suurtogalnimada in Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, uu kala diro goleyaasha deegaanka ee dalka, oo ay doorashadoodu markii labaad dib u dhacday. Wararkan suuqa soo galay ee kala dirista goleyaasha deegaanada ee dalka, ayaa waxa miisaankooda sii cusleeyay ka dib markii uu Madaxweyne Biixi goleyaasha deegaanada ee dalka ka reebay warqad uu u gudbiyay golaha guurtida oo nuxurkeedu ahaa in muddo kordhin loo sameeyo golaha wakiilada ka dib markii doorashadoodii dib u dhacday. Si rasmi ah looma garanayo sababta uu Madaxweyne Biixi goleyaasha deegaanka ee dalka uga reebay warqadda uu u gudbiyay golaha guurtida, waxase ay dadka badankiisu saadaalinayaan in Madaxweyne Biixi kala diri doono goleyaasha deegaanada ee dalka, magaalooyinka dalkana uu u samayn doono maayaro iyo ku xigeeno, inta doorashadoodu qabsoomayso. Golaha guurtida ayaa sannadkii 2017 waxay goleyaasha deegaanada ee dalka u kordhiyeen muddo sannad iyo bilo ah, waxaana la filayay in doorashada deegaanka mar lala qabto doorashada baarlamaanka oo ahayd March 2019. Madaxweyne Biixi, ayaa la sheegay inuu awood sharci u leeyahay inuu kala diri karo goleyaasha deegaan ee dalka. Haddii uu Madaxweyne Biixi kala diro goleyaasha deegaanada ee dalka waxa suurtogal ah inuu ku helo taageero shacab, maadaama oo ay shacabku aragti isku mid ah kaga soo horjeedaan goleyaasha deegaan ee dalka oo eeddo kala duwan loo jeediyo. Source