Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – War rasmi ah oo goordhow kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegatay weerar qaraxo ku billowday oo ka socda magaalada Nairobi caasimadda wadanka Kenya. Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay qarax xooggan kadibna waxaa xigay rag hubeysan oo galay gudaha Hotelka bartilmaameedka ah, oo lagu magacaabo Dusit. “Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa howlgal ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, wararka hordhaca ah ee aan helaynno waxay xaqiijinayaan in ciidamada mujaahidiintu gudaha hadafkii ay beegsanayeen u daateen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Dad kasoo baxday dhismaha la weeraray ayaa sheegay inay arkeen ugu yaraan afar nin oo hubeysan oo hotelka galaya, balse laga yaabo inay ka badnaan karaan. Weerarka ayaa ku billowday laba qarax oo xooggan, waxaana kadib xigay weerar rasaas ah. Qaraxyada ayaa dhawaqooda laga maqlay illaa in ka fog shan KM goobta uu weerarka ka dhacay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  2. Nairobi (Caasimada Online) – Weerarka qaraxyada ku billowday ee magaalada Nairobi ayaa weli socda, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay weerar qorsheysan oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada. Weerarka ayaa lagu qaaday dhisme uu ku yaallo hotel-ka caanka ah ee Dusit iyo xafiisyo kale, oo ku yaalla deegaanka Riverside Drive ee xaafadda Westlands. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey ugu yaraan dhimashada saddex qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan. Dad kasoo baxday dhismaha la weeraray ayaa sheegay inay arkeen ugu yaraan afar nin oo hubeysan oo hotelka galaya, balse laga yaabo inay ka badnaan karaan. Weerarka ayaa ku billowday laba qarax oo xooggan, waxaana kadib xigay weerar rasaas ah. Qaraxyada ayaa dhawaqooda laga maqlay illaa in ka fog shan KM goobta uu weerarka ka dhacay. Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda weerarka fulisay, hase yeeshee waxaa loo malaynayaa inay tahay kooxda Al-Shabaab. Maanta waxa ay ku beegan tahay sanad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay weerarkii ciidamada Kenya loogu gaystay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, oo looga dilay in ka badan 150 askari. Dadka ayaa sheegaya in sanad-guuradii weerarkaas iyo weerarka hadda ka socda Naiorbi aysan si si aan ku talo-gal ahayn isugu soo aadin, balse ay Al-Shabaab qorsheysay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  3. Qarax loo adeegsaday gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray mid ka mid ah Hotelada waa weyn ee ku yaala magaalada Nayroobi [...] Source
  4. Sawirro+Faah-faahin: Dagaal Is-rasaaseyn & Qaraxyo ka Socda Hotel ku yaal Badhtamaha Nairobi+Khasaaraha Qaraxyo aad u xooggan ayaa ka dhacay hotelka Dusit Hotel ee ku yaal magaalada Nairobi, waxaana lasoo warinayaa in qaraxa kadib la maqlay rasaas culus. Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaayad ah oo isla hotel-ka Dusit Hotel ah, waxaana cirka isku shareeray uuro iyo holoc ka baxaya halka qaraxu ka dhacay. Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in rasaasta laga maqlayo xaafadda Westland oo idil. “Qarax ayaa billowday, kadibna waxaa xigay rasaas xooggan. Rasaasta ayaa hadda socota 15 daqiiqo” waxaa sidaas yiri qof ku sugan dhismaha rasaasta laga maqlayo. Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, mana cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaaya baaxada qaraxa uu la eg yahay iyo khasaaraha uu geystay, iyadoo xaalada tahay mid kacsan. Qaran News
  5. Qarax iyo toogasho ayaa lagasoo werinayaa magaalaa Nairobi gaar ahaan degmada Westlands. Ciidamada ammaanka ayaa loo daad gureeyay xaafadaan, iyadoo loo maleynayo in weerar lagu [...] Source
  6. Isra saaseen kooban oo socotay mudo 10 daqiiqo ah ayaa magaalada Bosaaso waxa ay ku dhex martay ilaalada shirkadaha kala ah Golis iyo wakaalada xooga [...] Source
  7. Bangiga dhexe ee federaalka ah hadda uma sameysna qaab bangi dhexe, mana qabto inta badan shaqadii laga rabay bangi dhexe. Bangiga waxaa uu si rasmi ah bangi dowladeed ahaan u noqday xilligii dowladii madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa hadda shaqadii markaas lagu bilaabay iyo laamihii waxba laguma darin. Haddaba, Dastuurka Qodobkiisa 123aad ayaa qeexaya shaqada bangiga dhexe ee federaalka (1) Sharci baarlammaanka Federaalku ansixiyay ayaa lagu dhisiyaa Bangiga dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2) Bangiga dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda maaliyadda iyo lacagta, bangiyada oo dhammina waxay u hoggaansamaaan xer-nidaamiyayaasha uu dhejiyo Bangiga Dhexe ee Federaalka. (3) Xilaalka ugu mudan hawlaha Bangiga Dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa weeye: (a) Soo saaridda lacagta (b) Hubinta negaanshaha ascaarta (c) Negaanshaha heerka sarrifka; iyo (d) Nidaam bangi oo maangal ah. (4) Siyaasadda maaliyaddu waa inay ku tiirsanaato dhaq-dhaqaaqa suuqa ee aan go’aanno maamul saldhig looga dhigin amah-bixinta. (5) Bangiga Dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay awood madaxbannaan oo dhammaystiran oo uu ku guto siyaasadda lacagta. (6) Bangiga Dhexe ee Federaalka waa Bangiga Keydka Qaranka. Xukuumadda Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Qaraxyo aad u xooggan ayaa ka dhacay hotelka Dusit Hotel ee ku yaal magaalada Nairobi, waxaana lasoo warinayaa in qaraxa kadib la maqlay rasaas culus. Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaayad ah oo isla hotel-ka Dusit Hotel ah, waxaana cirka isku shareeray uuro iyo holoc ka baxaya halka qaraxu ka dhacay. Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in rasaasta laga maqlayo xaafadda Westland oo idil. “Qarax ayaa billowday, kadibna waxaa xigay rasaas xooggan. Rasaasta ayaa hadda socota 15 daqiiqo” waxaa sidaas yiri qof ku sugan dhismaha rasaasta laga maqlayo. Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, mana cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaaya baaxada qaraxa uu la eg yahay iyo khasaaraha uu geystay, iyadoo xaalada tahay mid kacsan.
  9. Dhoobley (Caasimada Online)- Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ayaa xalay gubay xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud. Ciidamadan oo watay Gaadiid gaashaaman ayaa waxa ay kasoo tallaabeen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Calibuley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose. Ciidanka ayaa jirdilay qof ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo ku sugnaa xarunta & sidoo kale 2 qof oo dadka deegaanka ah. Waxaa weli hawada ka maqan Isgaarsiinta Deegaannada Calibuley, Diif, Dhuyacgaroon & Girey oo ka kala tirsan Gobollada Jubada-Hoose & Gedo, kuwaas oo Link-ga ka qaadan jiray Xarunta la Gubey ee Calibuley, xarumahaan ayaa Shacabka halkaas ku nool siin jiray adeegyo kala duwan oo isugu jiray Isgaarsiin iyo adeegga EVC oo muhiim u ah nolosha dadka halkaas ku nool. Ciidanka Kenya ayaa sidaan oo kale u burburiyey xarunta Calibuley Bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo tani ay noqoneyso markii labaaad oo geystaan Falkaan Burburinta ah, waxay Ciidankani horay u burburiyeen Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud Telecom oo ay kamid ahaayeen Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ku wada tirsan Gobollada Jubada-Hoose & Gedo, waxayna xaruntaan hadda la gubay noqoneysaa middii 7aad oo ay ciidamada Kenya si bareer ah u gubaan. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay inay Ciidamada Kenya ugaarsadaan xarumaha Shirkadda Hormuud oo ay saami ku leeyihiin dad Soomaaliyeed oo aad u badan, waxaase dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ay sheegayaan in Kenya dooneyso in ay dhulka ku teedsan xudduudda labada waddan ka dhigto Lama degaan. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimda@live.com
  10. Nairobi (Caasimada Online) – Qarax xooggan ayaa goor dhow laga maqlay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya. Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in rasaasta laga maqlayo xaafadda Westland oo idil. Goobta qaraxa iyo rasaasta ka socota ayaa waxaa ku yaalla Hotel-ka Dusit, waxaana sidoo kale degan waaxda dakhli ururinta Kenya. “Qarax ayaa billowday, kadibna waxaa xigay rasaas xooggan. Rasaasta ayaa hadda socota 15 daqiiqo” waxaa sidaas yiri qof ku sugan dhismaha rasaasta laga maqlayo. Booliiska magaalada Nairobi ayaa la sheegay in iminka ay goobta ku carareen. Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  11. Kulmiye haduu Dhan ka Rari jiray maanta CiD qudhuu u wada Raray! Ilaa wakhtigii ugu horaysay Jamhuuriyada Somaliland in talada dalka ay qabtaan xisbiga Kulmiye Waxa ay ku dhaqaaqeed oo ku kaceen wax kasoo horjeeda dumuqraadiyada, wax wada lahaanshaha, cadaalada iyo diinta. Maxaa yeelay Waxay ahayd xukuumadii kulmiye ugu horaysay ee xukunka iyo maamulka jamhuuriyada Somaliland hanataa Xukuumadii ugu horaysay intay Somaliland jirtay ee lagu soo dhiso hab isbahaysi oo baal marsan wax wada lahaanshihii reer Somaliland kusoo caano maaleen, sidoo kale ah wax ka weecsan dhabadii dumuqraadiyadeed ee dalku cagta saaray, sidoo kale waa wax cadaalad daro ah waayo dal dhan oo mujtamac balaadhani wada leeyahay koox yar oo qudhi kasoo muuqataa maamulka waa cadaalad daro, iyana sidoo kale Mar haday dhaar kumaraan in dalka iyo dadka Sinaan, wax wada lahaansho iyo cadaalad ku dhaqayaan kitaabna gacanta ku saareen hadana wax lidi ku ah oo burinaaya dhaartii ku dhaqmaan diintiina seege markaa wadani nimana warkeed daa’. Hadaba Arimahaa awgeed dadkii Waxa ay ku sifeeyeen xukuumadaa kulmiye mid aan cadaalad lagu yagleelin oo Ratigii dawladnimo si quman loogu yoonbeeyn rarka oo dhinac laga Raray. Hadaba Kulmiye Waxa ay rarka dheeliyaaya hadba Dacal u soo gundhiyaan Ileen waa wax dhan kararane waatii iyada oo cayn wareegsan doorashadii kale hadana soo noqdeen siday kusoo noqdeen’bee, ee Kursiga iskaga kacay, runtii iyada oo ahayd fursad kulmiye wax kusaxo ayey kaga dhigeen kadar oo dibi dhal, waayo iyada oo ay ka sinaayeeyn Madaxweynaha hada Mudane Muuse Biixi iyo madaxweynihii kulmiye ee ka horeeyey dhaarta ay mareen ee aan la oofin mudane Muuse Waxa u dheeraa balan qaadyo iyo Beri-maanta dhaanta, se Waxa qaadan waa iyo fajiciso ku noqotay shacab weynihii reer Somaliland sida uu Mudane Muuse Ratigiisa xukuumadeed uu rarka ugu tiisay ee wax wada lahaanshaha, dumuqraadiyada iyo cadaalada baal marsan ee uu ku kacay Isaga oo aan si siman Ummada ugu rarin dhinacna ka rarin se CiD qudha u wada raray oo waliba Ciddiisa uun uwada Raray, Ileen Mar hadii Madaxweyne, Maxkamad, Maaliyada, Milatari, Miidhiyaha, Madaxtooyada, Maareeyayaasha dekada iyo Madaarada, Maqal-hayaasha iyo xisaabiyaasha wasaaradaha badankood, agaasimayaasha ugu badan, dabdamiska, ku xigeenka booliska, maamulayaasha iyo isku duwayaasha ugu badan iyo qaar kaloo badan oo aan lasoo koobi karin ay isku meel kasoo wada jeedaan miyaanu cid qudha u wada RARNAYN. Hadaba hadii kulmiye dhan ka rarnaan jiray maanta CiD qudhuu u wada Raranyey oo madaxweynaha cidiisuu u wada Raranyey. Wax wada lahaansho la’aantu Wadani-nimaday wiiqdaa. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Qaran News
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo maanta ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee G/ Banaadir. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay waaxda labaad Barwaaqo ee degmadaasi. Ugu yaraan 1 Qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka uu ku dhawaacmay mid kale, sida uu xaqiijiyay guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga Dayniile Axmed Nuur Adeerow. Qofka dhintay ayaa ahaa guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaasi, halka kan dhaawacmayna uu ahaa qof shacab ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Deyniile.mp3 The post Qarax lagu dilay guddoomiye Laameed Oo ka dhacay Dayniile appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan waxaa magaalada Muqdisho si qarsoodi ah u yimid wafti siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ah oo dowladda Soomaaliya kala hadlay sidii ay ula heshiin lahayd Axmed Madoobe. Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeedda deegaannada Jubbaland ayaa sheegay in kulankaas uu qeyb ka ahaa qorshe socda oo ku aaddan sidii waqti kale loogu dari lahaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta ku sugan Kenya islamarkaana aad ugu dhow Axmed Madoobe ay magaalada Muqdisho kula kulmeen madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya. Waxyaabaha ay siyaasiyiinta kala hadleen madaxda dowladda ayuu ku sheegay iney ka mid tahay arrimaha ku aadan doorashada Jubbaland in loo madax banneeyo Axmed Madoobe, waa sida uu hadalka u dhigaye. Doorashooyinka Jubbaland ayaa haatan waxaa ka harsan 8 Bil oo kaliya, waxaana jira tuhun ay qabaan siyaasiyiinta qaar ee kasoo jeedda maamulkaasi, kuna aaddan in mar kale uu soo laabto madaxweyne Axmed Madoobe. Halkaan hoose ka dhageyso codka Caddow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-SIYAASI-JUBBALLAND-MAXAMED-XUSEEN-CADOOW-.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wafdigaan oo ka socday Bangiga Aduunka ayaa kulan la qaatay Wasiirka Maaliyaadda XFS Mudane C/Raxmaan Ducaale iyagoona ka wada hadlay arimo ku saabsan horumarka Maaliyadda Dalka. Masuuliyiinta Wafdiga hogaaminaysay ayaa kala ahaa Mr Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga Aduunka ee Bariga Afrika, Mr Hugh Riddle oo isna ah Wakiilka Soomaaliya ee B.Aduunka iyo Xubno kale. Wasiirka Maaliyadda Mr Beyle ayaa sheegay in ay ka wada hadleen madaxda Bangiga Aduunka arrimo badan oo ay ka midyihiin guulaha laga gaaray hanaanka maamulka Maaliyadda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka. “Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay Wafdi ka socda Bangiga Aduunka oo uu hogaaminayay Mr Niraj Verma oo ah wakiilka Bangiga Aduunka ee Bariga Afrika, Mr Hugh Riddle oo isna ah Wakiilka Soomaaliya ee B.Aduunka iyo Xubno kale, Waxaan ka wada hadalnay arimo badan oo ay ka midyihiin guulaha aan ka gaarnay hanaanka maamulka Maaliyada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka. Bangiga Aduunka” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda. Bangiga Aduunka ayaa ah Sxb in badan ka caawiya Soomaaliya dhinacyo badan oo ay ugu horeyso taageerada Dowladda Soomaaliya. The post Wasiir Beyle Oo la kulmay wafdi ka socday Bangiga Aduunka appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Dhoobley ( Sh. M. Network )-Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ayaa xalay gubay xarun ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku laheyd gobolka Jubbada Hoose ee K/ Soomaaliya. Ciidamadan oo watay Gaadiid Gaashaaman, kana soo gudbay xadka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Cali-Buley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee gobolkaasi. Sidoo kale Ciidankan ayaa jirdilay mid mid ah shaqaalaha Shirkadda oo ku sugnaa xarunta & sidoo kale 2 qof oo dadka deegaanka ah. Waxaana weli hawada ka maqan Isgaarsiinta Deegaanada Cali-Buley, Diif, Dhuyacgaroon & Girey oo ka kala tirsan gobollada Jubada Hoose & Gedo, kuwaas oo Link-ga ka qaadan jiray xarunta la Gubay. Xarumahan ayaa Shacabka deegaanadaasi siin jiray adgeegyo kala duwan oo isugu jiray Isgaarsiin iyo adeegga EVC oo muhiim u ah nolosha dadka ku dhaqan halkaasi. Waa markii labaad oo ay Ciidanka Kenya burburinayaan xarunta Shirkadda Hormuud ee Cali-Buley , iyagoona Bishii August ee sanadkii la soo dhaafay, sidan oo kale cagta u mariyay xaruntaasi. Sidoo kale waxa ay horay burburiyeen xarumo kale oo ku yaallay deegaanada Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ka wada tirsan Gobolka Gedo,. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay ina y Ciidamada Kenya ugaarsadaan xarumaha Shirkadda Hormuud oo ay saami ku lee yihiin dad badan oo Soomaaliyeed, waxaase dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ay sheegayaan in Kenya ay dooneyso in ay dhulka ku teedsan xudduudda labada waddan ka dhigto Lama degaan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Ciidan Kenya Oo gubay xarun ay laheyd Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Garoowe ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 January 2019 xafiiskiisa ku qaabiley madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa Mr. Qian Xian iyo wafti la socdey. kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian iyo waftiga la socdey ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland. Midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia ayaa madaxweynaha Puntland kala hadlay maalgashi ganacsi oo ay doonayaan shirkadahaasi inay Puntland ka sameeyaan, isla’markaasna shirkadahaasi ay wada shaqayn wanaagsan oo dhinacyo badan taabanaysa ay ula yeelan lahaayeen Puntland. Dhinaca kale Madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa ee fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian ayaa Puntland ku amaanay horumarka iyo biseylka siyaasadeed ay gaartay, waxaana uu tusaale u soo qaatay sidii ay u qabsoontay doorashadii ka dhacday Puntland 8 January 2019 iyo sidii hufnaanta lahayd ee madaxda Puntland ay shalay xilka ula kala wareegeen. Ugu danbeyn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka ayaa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa u sheegey in Puntland ay mar waliba diyaar la tahay sidii ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen shirkadahaas. The post Madaxweyne Deni Oo Qaabilay xubno ka socday Shiinaha appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Maleeshiyaadka Golis iyo Eneeye Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta dagaal ku dhexmaray malayshiyaad kala taabacsan shirkadaha Golis iyo Eneeye. Ilaa laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaal kooban oo malayshiyaadka labada shirkadoodu ku dhexmaray isgoyska Gaaca ee magaalada Boosaaso,sida laga soo xigtay ehelada dadka dhaawacmay. Ciidamada amniga Puntland oo halkaasi gaaray ayaa xabsiga u taxaabay qaar kamid ah malayshiyaadkii dagaallamay halka qaar kalena ay goobta ka carareen,sida ay sheegeen goobjoogayaal. Shirkadaha Golis iyo Eneeye ee magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe waxaa ka dhex aloosnaa muran la xiriira bixinta adeegga korontada ee magaalada,waxaana murankaasi isu’ rogay gacan ka hadal khasaare dhaliyay. PUNTLAND POST The post Shirkadaha Golis iyo Eneeye oo ku dagaallamay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa agab kala duwan ugu deeqay ciidamada Booliska Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska AMISOM. Qalabka loogu deeqay Booliska Soomaaliya ayaa isagu jira qalab xafiiseedyo, kumbuyuutaro iyo kaamirooyin ay ku howlgali doonaan ciidamadaasi. Taliye ku xigeenka ciidamada Booliika Soomaaliya Zakiya Xuseen oo goob joog ka aheyd musaabadda lagu guddoonsiinayey agabkaasi ayaa si weyn ugu mahadcelisay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Maxwell Chikunguru oo xiriirka u qaabilsan Booliska AMISOM oo halkaasi khudbad ka jeediiyay ayaa xusay in AMISOM ay sare u qaadeyso taageerada iyo tababarada ay siiso ciidamada Booliska Soomaaliya, si ay u xoojiyaan amniga dalka. Waxaana u intaasi ku daray in ciidamada Booliska Soomaaliya oo si weyn ugu faa’iideystay taageerada AMISOM ay wax badan ka qabteen dhinaca sugida ammaanka dalka. Booliska AMISOM ayaa sanadihii ugu dambeeyay sare u qaaday tababarada ay siiyaan ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa dowladd goboleedyada dalka, taas oo qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo tayeynta ciidamada Soomaamliya. The post AMISOM Oo agab ugu deeqday Booliska Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article