Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed. Gudoomiye Aqalka Hoose oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen iyo xubno kale. Mr Mursal ayaa kaga qaybgalaya Baydhabo xaflada caleemo-saarka Madaxwayne Laftagareen, taasi oo la rajaynayo inay caasimad goboleedka Bay ay ka qabsoonto maalinta Berri oo Arbaco ah. The post Gudoomiye Mursal oo gaarey magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  2. (SLT-London) Abwaanka, Mulaxanka iyo Heesaagaba ah ee Sir. Maxamuud Cumar Cabdi (Walaalaha Sweden) ayaa hees ahaan ugu soo luqeeyay Gabaygii Lagu xidhay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo Xukuumaddu dhibsatay. Hoos ka dhagayso Codkii Sid. Maxamuud iyo Gabaygii Abees. Source
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-15012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Maanso Ku Cabiray Xadhiga Xukuumadda KULMIYE Kula Kacday Abwaan Abees, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gudaha u galay hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku jiraan dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Taliyaha ciidamada booliiska Kenya Joseph Boinet ayaa sheegay in dad badan ay kasoo daad gureeyeen dhismaha, hase yeeshee waxa uu qiray inuu jiro khasarae xooggan. Waxa uu intaas ku daray in hadda uu socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada ammaanka iyo kooxda weerarka soo qaaday. Dhinaca kale, afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa yiri “Anaga ayaa ka dambeyna weerarka Nairobi, howl-galkana waa mid socda” Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ugu yaraan afar nin oo hubeysan ay galeen hotelka. Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in dagaal-yahannada ay xiran yihiin jaakadaha xabadda aysan karin, taasi oo adkeyn doonta in si sahal ah looga adkaado. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan shan qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan. NAIROBI, KENYA – JANUARY 15: A woman is rescued from the Dusit Hotel on January 15, 2018 in Nairobi, Kenya. A current security operation is underway after terrorists attacked the hotel. Members of security forces are seen at the scene where explosions and gunshots were heard at the Dusit hotel compound, in Nairobi, Kenya January 15, 2019. REUTERS/Thomas Mukoya NAIROBI, KENYA – JANUARY 15: People run for cover after being rescued from the Dusit Hotel on January 15, 2018 in Nairobi, Kenya. A current security operation is underway after terrorists attacked the hotel. (Photo by Andrew Renneisen/Getty Images) Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxtooyadda Oo Golaha Guurtida U Gudbisay Warqad La Doonayo In Lagu Kala Reebo Doorashooyinka Golleyaasha Deegaanka Iyo Wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa ku warramaya in askarta kasoo jeeda beesha Cumar Maxamuud (Majeerteen) ka soo bexeen jiidaha dagaalka ee God-qaboobe. Maleeshiyada Cumar Maxamuud ayaa qeyb ka ahaa ciidamada Puntland ee qaabka maleeshiyo beeleed ahaanta ugu kala jira aagagga dagaalka ee ay uga soo horjeedaan ciidamada Somaliland. Sida wararku sheegayaan maleeshiyada Cumar Maxamuud ayaa qeyb raacday markii uu Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Cali Gaas aaday gobolka Mudug maalmo kahor doorashadii maamulkaas isaga oo booqanayey Hooyadiis. Maleeshiyadii raacday Gaas ee beeshiisa ahayd ayaan dib ugu soo laaban aaggii ay jiidda kaga jireen waxa ayna sababtay in ay ka daba tagaan intii kale ee beeshaas (Cumar Maxamuud) dagaalka uga jiray. Kaliya maleeshiyada Cumar Maxamuud dagaalka kama bixin balse waxa ay sii qaateen dhammaan tiknikadii meesha ka yaalay oo lagu sheegay ilaa iyo 15 3F , laba qoriga suugga ah iyo hal Kaare. Arrintan ayaa la sheegay in ay sabab u tahay guuldaraddii Cabdiweli Gaas ka soo gaartay doorashadii Puntland ee lagu doortay Siciid Cabdullahi Deni. Puntland tan iyo markii uu Cabdullahi Yusuf (AUN) aaday Koonfur, xilligaas oo uu hore u sii kaceystay ciidamadii daraawiishta ee Puntland, maamulka ma yeelan ciidamo dambe oo tiro iyo tayo leh. Ciidamadii intii hadhay waxa ay kala jiraan buuraha Galgala iyo Koonfurta Gaalkacyo. Taas waxa ay keentay in ciidamada laga horgeeyo Somaliland ay noqdaan maleeshiyo beeleedyo qaab qabiil lagu soo uruuriyey oo u kala fadhiya sida magacyadooda kala yihiin. Waxaad maqleysaa – Aagga/jiidda Cali Saleebaan, Jiidda East Sanaag Clan, Jiidda Sool clan, Jiidda Reer Bicidyahan iyo Jiidda Ugaar Saleebaan. Dhinaca kale, walow ay tiro ahaan ka yar yihiin maleeshiyo beeleedka Puntland, hadana ciidamada Somaliland ee Tukaraq xoogga ku qabsaday sanad kahor waa kuwo qaab Militari leh oo ay u dhammeytiran yihiin dhammaan agabkii ciidan. Sidoo kale waxaa xoojinaya Somaliland waxaa la socda ciidamo Sool clan ah oo hoos taga General Mahad Cambaashe, sida ay xogo hoose sheegayaan, tirada ciidamada Sool clan ee Somaliland xagooda ka soo jeeda waxa ay saddex jibaar ka badan yihiin kuwa ka soo jeeda dhinaca Puntland. General Mahad Cambaashe waxaa la socda maleeshiyo beleedyo isugu jira dhammaan qeybaha kala duwan ee Sool clan. Wali wax xal ah lagama gaarin collaada Somaliland iyo maamul gobolleedka Puntland iyada oo uu dhawaan hadal hanjabaad u muuqday uu Madaxweynaha cusub ee Puntland saxaafadda u mariyey Somaliland oo iyaguna jawaab ka bixiyey. Source Caasimada Qaran News
  8. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Turkiga ayaa agab caafimaad oo muhiim ah ugu deeqday Somaliland, siday werisay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA oo ka soo xigatay Warbixin lagu daabacay Wakaallada Wararka ee dalka Turkiga. Hay’adda TIKA ee iskaashiga iyo Isku-duwidda u qaabilsan Turkiga, ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay ku sheegtay inay qalab tiradiisu yahay 216 shay ay ugu deeqeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo u adeega bukaan aad u badan. FILE – In this file photo dated Sunday July, 2016, Islamic cleric Fethullah Gulen speaks to members of the media at his compound, in Saylorsburg, Pennsylvania, USA. Turkish President Recep Tayyip Erdogan accused Gulen of orchestrating the failed military coup attempt in Turkey, by placing his followers into positions of power decades ago. Gulen denies any involvement. (AP Photo/Chris Post, FILE) Qalabka dawladda Turkigu ugu deeqday cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxa ka mid ah mishiinka lagu baadho xubnaha jidhka, mishiin lagu eego Wadnaha iyo qalab kale oo loogu talogalay in lagu nadiifiyo agabka caafimaadka. Wakaallada Wararka Turkiga ee Anadolu, waxay intaas ku dartay in Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, uu xafladii qalabkaas lagu kala gudoomayey ka caddeeyey in qalabka Turkigu ugu deeqay uu wax ka tarayo dhinaca horumarinta adeega Caafimaadka. Dhinaciisana, Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, ayaa balan-qaaday in dalkiisu sii wadayo caawimada ay siiyaan Somaliland. Waxa kaloo, danjiruhu sheegay inay soo dhaweynayaan in Somaliland ay dalkeeda ka saartay dugsiyo ay laheyd Hay’adda FETO oo uu leeyahay Waddaadka Fetullah Gulen oo Dawladda Turkigu u taqaanno Argagixiso,kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey af-gambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii July 2016kii. “Waxaanu soo dhaweynaynaa in Somaliland ay dalkeeda ka saartay Hay’adda FETO, waxaana la wareegtay Hay’adda Maarif Foundation maamulka dugsiyadii ay ururka FETO ku lahaa dalalka caalamka,”ayuu yidhi Danjire Mehmet Yilmaz. Ururka FETO iyo Hoggaamiyaheeda degan Maraykanka ee Fetullah Gulen, ayey dawladda Turkigu ku eedaysay inuu soo maleegay afgambigii dhicisoobay ee waddankaas ka dhacay 15kii July 2016kii oo ay ku dhinteen 251 qof, halka 2,200 ku dhaawacmeen. Source
  9. indhaha iyo dhagaha bulshada reer somaliland muddo 28 ah, waxaa daashaday eraygaa somaliland diid ama loola jeedo dad siyaasada iyo doonista laysku hayo, siiba dad gaar ah, oo marka la arko in ay sidii siyaad bare kacaankii ka dheereyeen ayaa loo xoqdaa kaadhka khalkhal galinta ee bulshada indhahooda iyo dhagahoodaba lagu daalacsiinayo been iyo cunfi aan sal iyo raad toona lahayn, waxaad arkaysaa marka uu siyaasigu tahli wayo inuu hogaamin sulban oo bilaa dhaliilo ah, sameeyo wadankan yarna uu u maamusho sidii meherad yar oo isagu leeyahay taasina ay keento cadho bulsho oo baahansan iyo mucaarid adag, waxay la noqotaa in siyaasad laga dhigto somaliland diid ama nabad ayuu wax yeelayaa, hadaba madaxda maanta taagan waxan leeyahay cirka ku tagi maysaan, xilka qarankee ha xigmad guurina, haddii ay fashil idinka tahayna damiir yeesho is dhiibaa is casiladu waa milgo iyo karaamo , caqliga dhalinyarada iyo bulshadana yaan la caayin oo la moodin kuwa wax ma tarayaal ah, dhalinyaradana waxaan leeyahay waar biwayee ha noqonina kuwa markasta iyo meelkasta iyo waxkastaa sacabka u tuma ! marka mid idin adeegaa sidii doono reernimo iyo xigaalnimo idinku shaqaysto bari kamaalina kiiba maaha . hadaba wasiirada hadalkoodu soo noqnoqonayo waxaan leeyahay taasi waa laga korey ee kaadh kale soo xoqdaa . Qore : Sir mohamud hussein Awliyo E-mail: mohoud.amin@gmail.com Source
  10. Ilaa wakhtigii ugu horaysay Jamhuuriyada Somaliland in talada dalka ay qabtaan xisbiga Kulmiye Waxa ay ku dhaqaaqeed oo ku kaceen wax kasoo horjeeda dumuqraadiyada, wax wada lahaanshaha, cadaalada iyo diinta. Maxaa yeelay Waxay ahayd xukuumadii kulmiye ugu horaysay ee xukunka iyo maamulka jamhuuriyada Somaliland hanataa Xukuumadii ugu horaysay intay Somaliland jirtay ee lagu soo dhiso hab isbahaysi oo baal marsan wax wada lahaanshihii reer Somaliland kusoo caano maaleen, sidoo kale ah wax ka weecsan dhabadii dumuqraadiyadeed ee dalku cagta saaray, sidoo kale waa wax cadaalad daro ah waayo dal dhan oo mujtamac balaadhani wada leeyahay koox yar oo qudhi kasoo muuqataa maamulka waa cadaalad daro, iyana sidoo kale Mar haday dhaar kumaraan in dalka iyo dadka Sinaan, wax wada lahaansho iyo cadaalad ku dhaqayaan kitaabna gacanta ku saareen hadana wax lidi ku ah oo burinaaya dhaartii ku dhaqmaan diintiina seege markaa wadani nimana warkeed daa’. Hadaba Arimahaa awgeed dadkii Waxa ay ku sifeeyeen xukuumadaa kulmiye mid aan cadaalad lagu yagleelin oo Ratigii dawladnimo si quman loogu yoonbeeyn rarka oo dhinac laga Raray. Hadaba Kulmiye Waxa ay rarka dheeliyaaya hadba Dacal u soo gundhiyaan Ileen waa wax dhan kararane waatii iyada oo cayn wareegsan doorashadii kale hadana soo noqdeen siday kusoo noqdeen’bee, ee Kursiga iskaga kacay, runtii iyada oo ahayd fursad kulmiye wax kusaxo ayey kaga dhigeen kadar oo dibi dhal, waayo iyada oo ay ka sinaayeeyn Madaxweynaha hada Mudane Muuse Biixi iyo madaxweynihii kulmiye ee ka horeeyey dhaarta ay mareen ee aan la oofin mudane Muuse Waxa u dheeraa balan qaadyo iyo Beri-maanta dhaanta, se Waxa qaadan waa iyo fajiciso ku noqotay shacab weynihii reer Somaliland sida uu Mudane Muuse Ratigiisa xukuumadeed uu rarka ugu tiisay ee wax wada lahaanshaha, dumuqraadiyada iyo cadaalada baal marsan ee uu ku kacay Isaga oo aan si siman Ummada ugu rarin dhinacna ka rarin se CiD qudha u wada raray oo waliba Ciddiisa uun uwada Raray, Ileen Mar hadii Madaxweyne, Maxkamad, Maaliyada, Milatari, Miidhiyaha, Madaxtooyada, Maareeyayaasha dekada iyo Madaarada, Maqal-hayaasha iyo xisaabiyaasha wasaaradaha badankood, agaasimayaasha ugu badan, dabdamiska, ku xigeenka booliska, maamulayaasha iyo isku duwayaasha ugu badan iyo qaar kaloo badan oo aan lasoo koobi karin ay isku meel kasoo wada jeedaan miyaanu cid qudha u wada RARNAYN. Hadaba hadii kulmiye dhan ka rarnaan jiray maanta CiD qudhuu u wada Raranyey oo madaxweynaha cidiisuu u wada Raranyey. Wax wada lahaansho la’aantu Wadani-nimaday wiiqdaa. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Source
  11. Waxaad moodaa in Somaliland loo qadimay siyaasad-wanaagii iyo kala dambayntii. Waxaad moodaa in labadaa qodob (Siyaadad-Wanaagii iyo Kala-dambayntii) meesha ay ka saareen: Tabashooyin iyo Mindi-mindi ku taag. Waxaad la yaabaysaa oon hore u dhici jirin in maslaxada umada, sida wax ka qabashada sixirbararka, oo degdeg waxlooga qaban jiray, inaanay cidiba hadhka uga kacayn! Waxaad la yaabaysaa isu jawaabid ka dhaxaysa laba shaqsi oo hadana heer qaran laga dhigayo. Waxaad la yaabaysaa kuwii dalka ugu sareeyay ood moodo inay meel kasaraysa halkaa ay doonayaan. Isku soo duuboo, murankan siyaasadeed ee hada taagani maaha sida ay wax u muuqdaan. Sadexda Xisbi Qaran waxay isku hayaan laba qodob oo hore aan laysugu qaban sida manta laysugu hayo. Qodobka 1-aadwaa Komishanka oo xisbiga Wadani leeyay hala kala diro isagoo go’aankaas ku salaynaya: komishankii Buugtiisa Ilaashan kari waayay, ee Dafiray, hadana Gudoomiyahoodii Qirtay inuu Buugoodii yahay dee adeer iima qaban karo doorasho xalaala. Xisbiga Kulmiyena wuxuu leeyay: Bini’aadamka qalad wuu ka dhacaaye, Buugaa yar mooyee, wallee cimrigoodjir, waa Gudi ku haboon inay inoo qabtaan doorashooyin kale! Xisbiga UCID-nawuxuu taagan yahay: walaalayaal hadii 4% aydin markii hore isiiseen, doorkan hadan kulmiye ku raaco inaydin sii joogtaan, ma isiinaysaan inta wadani oo ah 49%, Wadanina ma siinaysaan 4% ? iyo Haa….Nacam bil-le! Qodobka 2-aad ama Xaajada kale, ee waxanba ka adag, ee Xisbiga Wadani wataa waxa weeye in Beelaha aan Isaaqa ahayni inay SAAMIGOODII HELAAN, isla markaana Saami-qaybsi cadaalad ku dhisan la sameeyo ka hor doorashada 2019-ka. Xisbiga Kulmiyenawuxuu taagan yahay: Inta Reer Sheekh Isaxaaq ay qayb libaax Somaliland hogaankeeda haystaan ayay Somaliland jiraysaa. Hadiiba Saamiqaybsi yimaado, Somaliland-na kala jajabtay! Xisbiga UCID-nawuxuu taagan yahay, Kulmiyoow ma Afkaygaad kala baxday midhkaas !!!!!!!!!!!! Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal! SANWAA CUMAR YARE Freelance Political Commentator Email Address: politicianbynature@outlook.com Source
  12. (SLT-Nairobi)Maxkamad ku taala Magaaladda Nairobi ayaa waxaa ay sheegtay in ay heeyso Cadeymo kiiskooda lagu dhageysan karo Sedax Nin oo loo heeysto in ay ka dambeeyen Weerarkii Westgate mall ee 2013kii Caasimadda Kenya ka dhacay. Ahmed Cabdi, Liibaaan Cumar iyo Xuseeyn Mustafa ayaa is Difaacistoo Waxaa dhageeystay Maxkamadda Nairobi. Qof Afaraad oo magaciisu ahaa Aadan dheeg ayaa lasii daayay. Weerarkii dhacay 21kii September 2013kii eel ala beegsaday xarunta laga tukaameeysto ee Nairobi waxaa ku dhintay 67 ruux tiro intaas ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen. Dacwadda Sedax Nin waxaa mar kale la dhegeeysan doona 21 Bishaan Janaayo, sida ay maxkamaddu sheegtay. Maxkamdeyntooda ayaa soo bilaabatay January 15keedii Sanadkii 2014kii. Xarakadda Al-shabaab ayaana sheeegtay Weerarka ay Dadka badan ku dhinteen Nairobi dhacay Shan Sano ka hor. Source
  13. (SLT-Nairobi)-Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegatay in iyaga ay mas’uul ka yihiin waxa uu ku sheegay hawlgalka Nairobi. Inkastoo aysan faafaahin dheeraad ah bixin, Shabaabku waxa ay sheegeen in ay weerareen dhismo muhiim ah oo ku yaal xaafadda Westlands ee Nairobi isla markaana dagaallameyaashoodu ay gudaha u galeen dhismahaasi. Dad goobjoogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in afar nin oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay. Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta. Ciidamada ammaanka ayaa gaadhay goobta uu weerarka ka dhacay oo ah dhismo ay ku yaaliin hoteel iyo xafiisyo. Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo. Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, waxaa la arkayay dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay. Ciidamada ammaanka ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay. Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxaana qoraal uu boolisku soo dhigay Twitter-ka lagu sheegay in la xidhay waddooyinka ka ag dhow goobta uu weerarka ka dhacay. Kenya ayaa dhawr jeer oo hore waxaa ka dhacay weerarro argagixiso oo intooda badan ka dhacayay deegaannada u dhow xudduudda Soomaaliya. Bishii Sebteembar ee 2013 mintidiinta Al-Shaabab ayaa galay Westgate oo ah goob laga dukaameysto oo ku taal Nairobi, waxa ayna halkaasi ku laayeen dad rayid ah oo halkaasi ka dukaameysanayay. Weerarkaasi oo socday sku dhawaad afar maalmood ayaa waxaa ku dhintay 67 qof. Laba sano ka dib, Al-Shabaab ayaa geysatay weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ay ku dhinteen qiyaastii 150 qof ka dib markii ay weerar ku qaadeen Jaamacad ku taal magalaada Garissa ee woqooyi bari Kenya. Source
  14. Nairobi (Sh.M.Network) – Fahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday qaraxyo, oo ay xigtay rasaas oo ka dhacay caasimada Kenya ee Nairobi. Qaraxyadda oo lagu beegsaday Hoteelka Dusit ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay, halka ay ku dhaawacmeen tirro intaas ka badan oo ka badan 10. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaan, sidda ay ku beehisay baraheeda Internet-ka. Dhismaha la weeraray ayaa ka kooban Hoteelo, Bankiyo iyo xafiisyo ay degan yihiin hay’addo caalami ah. Bishii April 2-deeda, 2015, ayay ahayd markii ay Al-Shabaab ku dishay 148 ruux weerar ay ku qaaday Jamaacada Garissa, ee Koonfurta dalka Kenya. The post Al-Shabaab oo sheegatay weerar ka dhacay caasimada Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Nairobi) Weerarka qaraxyada ku billowday ee magaalada Nairobi ayaa weli socda, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay weerar qorsheysan oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada. Weerarka ayaa lagu qaaday dhisme uu ku yaallo hotel-ka caanka ah ee Dusit iyo xafiisyo kale, oo ku yaalla deegaanka Riverside Drive ee xaafadda Westlands. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey ugu yaraan dhimashada saddex qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan. Dad kasoo baxday dhismaha la weeraray ayaa sheegay inay arkeen ugu yaraan afar nin oo hubeysan oo hotelka galaya, balse laga yaabo inay ka badnaan karaan. Weerarka ayaa ku billowday laba qarax oo xooggan, waxaana kadib xigay weerar rasaas ah. Qaraxyada ayaa dhawaqooda laga maqlay illaa in ka fog shan KM goobta uu weerarka ka dhacay. Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda weerarka fulisay, hase yeeshee waxaa loo malaynayaa inay tahay kooxda Al-Shabaab. Maanta waxa ay ku beegan tahay sanad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay weerarkii ciidamada Kenya loogu gaystay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, oo looga dilay in ka badan 150 askari. Dadka ayaa sheegaya in sanad-guuradii weerarkaas iyo weerarka hadda ka socda Naiorbi aysan si si aan ku talo-gal ahayn isugu soo aadin, balse ay Al-Shabaab qorsheysay. Source
  16. Warar aan wali la xaqiijin oo Warbaahinta Puntlandi.com helayaan ayaa sheegaya in Hotelka la weeraray Magaalada Nairobi ay ku sugnaayeen Madac sare oo ka tirsan [...] Source
  17. Weerarka Nairobi Qaraxyo xoogan ayaa ka dhacay maqaaxi ku dhex-taala Dusit Hotel magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Inta la hubo labo qarax ayaa la maqlay, waxaana cirka isku shareeray qiic iyo uuro, intaas kadib rasaas xoogan oo muddo socotay ayaa laga maqlayay xaafada Westland oo uu ku yaallo Hotel-ka la wareeraray. Dablay hubaysan ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen Hotel-ka, kuwaas oo ka dhex dagaalamaya Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo, waxaana wali socda howgal. Sida la xaqiijiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi la socday ayaa ku sugnaa Hotel-ka la weeraray oo ay shir kula la haayeen hay’adda SSF. War ka soo baxay madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xaaf ay weerarka kadib Hotel-ka ka saareen ciidamada amaanka Kenya, isaga oo nabad qaba. Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay masuuliyadda weerarka Nairobi. Wixii ku soo kordha waxaad kala socon doontaan halkan. PUNTLAND POST The post Weerar ka dhacay Hotel ku yaalla Nairobi oo ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug appeared first on Puntland Post.
  18. Somali armed group al-Shabab claimed responsibility for an attack in an upscale neighbourhood in the Kenyan capital. Two explosions and gunfire were heard at an upscale hotel and office complex in Kenya’s capital on Wednesday afternoon, said a woman working in a neighbouring building. “We are under attack,” another person in an office inside a complex in the Dusit hotel told the Reuters news agency, then hung up. Local television showed smoke rising from the area. The Nairobi police commander Philip Ndolo said they had cordoned off the area around Riverside Drive due to a suspected robbery. Flames and plumes of black smoke billowed into the sky from the parking lot of the compound where several vehicles were on fire, with scores of people fleeing the compound, some of them lightly injured. Somalia-based armed group al-Shabab claimed responsibility for the attack that came a day after the trial began in deadly Westgate mall attack case that left 67 people dead. “We are currently conducting an operation in Nairobi,” the group’s military operations spokesman told Al Jazeera. Kenyan prosecutors say the four suspects committed a “terrorist act” under Kenya’s anti-terrorism laws and used false documents. The men deny all the charges. The country faced a spate of attacks after it sent its army into Somalia in October 2011 to fight the al-Qaeda-linked group. Tuesday attack comes exactly three years after the armed group overrun a Kenyan army base in Somalia killing dozens of soldiers. On April 2, 2015, another al-Shabab attack killed 148 people at the university in Garissa, eastern Kenya. The post Al Shabaab claims attack in Kenyan capital appeared first on Shabelle. View the full article
  19. (SLT-Hargeysa)-Abwaanno Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Togdheer Oo Baaq U Diray Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO warkan Source
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxaysa weerarka ka socda hotel-ka Dusit ee ku yaalla magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku jiraan dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ugu yaraan afar nin oo hubeysan ay galeen hotelka. Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in dagaal-yahannada ay xiran yihiin jaakadaha xabadda aysan karin, taasi oo adkeyn doonta in si sahal ah looga adkaado. “Dad badan ayay gudaha ku haystaan, waxaana sugaynaa inaan helno taageero dheeri ah, si aan u galno hotelka” ayuu yiri sarkaal boolis oo warbaahinta la hadlay. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan shan qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan. Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay qarax xooggan kadibna waxaa xigay rag hubeysan oo galay gudaha Hotelka bartilmaameedka ah, oo lagu magacaabo Dusit. “Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa howlgal ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, wararka hordhaca ah ee aan helaynno waxay xaqiijinayaan in ciidamada mujaahidiintu gudaha hadafkii ay beegsanayeen u daateen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.
  22. (SLT-Nairobi)-Ciiddan ka tirsan kuwa GSU ee dalka Kenya ayaa loo daad-gureeyey Hotelka Dusit Hotel, halkaasi oo laga maqlay Qarax iyo Israasayn xooggan. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay koox hubeysan ay weli ka dagaalamayaan gudaha Hotelka, waxaana la maqlayaa is-rasasaayn xooggan. Boliska waxay dadweynaha kula taliyey in aanau u soo dhawaanin Hotelka la weeraray. Qaar ka mid ah dadka ku go’doonsan Dhismayaasha ku dhow Hotelkaasi ayaa sheegay inay ka soo baxeen hulal ay ka duleeliyeen Xafiisyadooda. Ciiddan hubeysan oo dhar cad wata iyo Saraakiil labisan ayaana isku gedaamay Dhismayaasha ku hareeraysanHotelka la weeraray. Warbaahinta Kenya ayaa sheegayo in Hotelka la weeraray uu ku yaallo Degmadda Westland see Bartamaha Nairobi, waana Hotel ay ku dhex yaallaan Xafiisyo badan. Muuqaallo la xidhiidha Qaraxa iyo Israasaynta ka dhacday Hotelka Dusit ayaa lagu baahiyey Baraha Bulshadda, wuxuuna weerarkaasi ku soo aadayaa hal maalin kadib, markii Maxkamadda Nairobi la soo taagay dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay Weerarkii ka dhacay Xarunta laga Dukaamaysto ee Westgate bishii September 21-dii ee sannadkii 2013-kii. Source
  23. Kooxda Alshabab ayaa sheegayay masuuliyada weerar isugu jira qaraxyo iyo toogasho oo haatan ka socday hotel kuyaala degmada Westland ee magaalada Nairobi. Weerarkaan oo aan [...] Source
  24. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Yuusuf Shaacir ayaa waxa uu ka hadlay xadhig ay xukuumadda kula kacday abwaanno reer Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source