Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa isniintii cod gacan taag ah oo aan geed isku qaris lahayn lagu ansixiyey hinside Xukumadda Nabad iyo Nolol u soo gudbisay Golaha Shacabka si wax looga badalo qodob u diidayey Bankiga Dhexe in qof ajnabi ah loo dhiibo. Qodobka waxaa si weyn uga soo horjeeday oo cod dheer ku diidanayaa kooxihii awalba mucaaradsanaa maamulka Nabad iyo Nolol. Taas oo ay jirto, codbixintii gacan taagga ahayd ee isniintii waxaa sida ay Xukumadda dooneysay qodobka in wax looga bedelo ugu codeeyey 158 halka ay diideen 17. Ogow, kaamirada waxa ay qabaneysay shaqsiyaad aad caan ugu ahaa difaacidda Nabad iyo Nolol kuwaas oo qaraarkan diidmadooda ku xoojiyey xubnihii dowladda wax walba ku diidi jiray! Maxaan ka baran karnaa wixii golaha ka dhacay isniintii? Hore lama ogeyn awoodda Nabad iyo Nolol ku leedahay Golaha Shacabka walow ay xogaa soo cadaatay xiligii Mooshinka Madaxweynaha ka dhanka ah socday kaddib kulan dhoolatus ah oo ay SYL ku qabsadeen. Hase ahaatee, in si bareer ah oo walib gacan taag ah sharci Nabad iyo Nolol dooneysay oo bulshada qaar ka biyo diidsaneyd loogu hor ansixiyo oo ay xildhibaanadii mucaaradka ka ahaa qaar imaan waayaan, qaar gacant taagaan waxa ay bannaanka soo dhigtay in Nabad iyo Nolol awood aan caadi ahayn ku leedahay Golaha Shacabka. Waxa ay sidoo kale muujineysa in marka laga soo tago 10-ka xildhibaan ku dhow ee caanka ah ee mar kasta warbaahinta ama baraha bulshada ka hadla, ay mucaaradka xukuumadda aad u yar yihiin, taasi oo ah xaqiiq dad badan aysan fahamsaneyn. Waa xaqiiqo, 60 ka badan waa Wasiiro kalfhigan oo hore u soo ansixiyey gacantu u taagneyd! Hadana waxaa meesha ka baxay boolo xooftadii xildhibaanada Facebook-ga inta badan lagu arko oo isu muujiya kuwo Golaha wax ku dhex diidi kara! xagey aadeen, ma tiradooda ayaa intaas le’eked? Waa su’aalo jawaabo u baahan!! W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  2. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka argagixiso ee lagu qaaday huteel DusitD2 magaalada Narobi ee dalka Kenya. War-saxaafadeed xalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada“. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa tacsi loogu diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, iyadoo kuwii ku dhaawacmayna caafimaad deg deg ah loo rajeeyay. War-saxaafadeedka ayaa intaasi sii raaciyay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dowladda Kenya ku garab taagan tahay dagaalka ka dhan ah argagixisada. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada”. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in weerarka Nairobi uu weji xun kale muujiyay appeared first on Puntland Post.
  3. Baardheere (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland oo gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarreysa ee maamulkaasi inay arrin halis ah ka billaabaan gobolka Gedo. Xildhibaanada ayaa sheegay in uu jiro qorshe billowday oo la isaga hor-keenayo, islamarkaana colaad looga dhex abuuray dadka degan gobolka Gedo, si looga faa’iideysto. Waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen madaxda Jubaland iney mas’uul ka yihiin deganaanshiyo la’aanta ka jirta gobolka Gedo. Xildhibaannadan oo warbaahinta kula hadlay Baardheere ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Koowaad, Maxamuud Sayid Aadan ay mas’uul ka yihiin arrintaasi. Waxa ay sheegeen in aysan xilligan dan ka lahayn shacabka Gedo, islamarkaana ay bilaabeen iney iska horkeenaan shacabka gobolkaasi ku nool. Xildhibaanadan ayaa sheegay in mar ay ahaataba ay iman doonto waqti lala xisaabtamo dadka ay sheegeen inay dhibaatada ku hayaan bulshada gobolka Gedo. Halkaan hoose ka dhageyso xildhibaanada https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/jubaland.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga dhexe ee federaalka ah hadda uma sameysna qaab bangi dhexe, mana qabto inta badan shaqadii laga rabay bangi dhexe. Bangiga waxaa uu si rasmi ah bangi dowladeed ahaan u noqday xilligii dowladii madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa hadda shaqadii markaas lagu bilaabay iyo laamihii waxba laguma darin. Haddaba, Dastuurka Qodobkiisa 123aad ayaa qeexaya shaqada bangiga dhexe ee federaalka (1) Sharci baarlammaanka Federaalku ansixiyay ayaa lagu dhisiyaa Bangiga dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2) Bangiga dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda maaliyadda iyo lacagta, bangiyada oo dhammina waxay u hoggaansamaaan xer-nidaamiyayaasha uu dhejiyo Bangiga Dhexe ee Federaalka. (3) Xilaalka ugu mudan hawlaha Bangiga Dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa weeye: (a) Soo saaridda lacagta (b) Hubinta negaanshaha ascaarta (c) Negaanshaha heerka sarrifka; iyo (d) Nidaam bangi oo maangal ah. (4) Siyaasadda maaliyaddu waa inay ku tiirsanaato dhaq-dhaqaaqa suuqa ee aan go’aanno maamul saldhig looga dhigin amah-bixinta. (5) Bangiga Dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay awood madaxbannaan oo dhammaystiran oo uu ku guto siyaasadda lacagta. (6) Bangiga Dhexe ee Federaalka waa Bangiga Keydka Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamada amniga dalkaasi ay dib ula wareegeen gacan ku haynta hoteelkii ay talaadadii shalay qabsadeen dableyda hubaysan. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee waddanka Kenya, Fred Matiangi ayaa sheegay in la xaqiijiyay ammaanka dhammaan dhismayaasha huteelka,balse waxaa halkaasi weli ku xanniban dad kale oo rayid ah sida laga soo xigtay qaar kamid ah ehelada dadkaasi. Booliiska dalka Kenaya ayaa soo bandhigay sawirrada ay qaadeen kaamirooyinka qarsoon oo muujinaya ilaa 4 nin oo ku hubaysan qoryaha fudud ee AK47 kuwaas oo gelaya huteelka xilliga la weeraray. Malayshiyaadka Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay in ay huteelka ku dhex dileen 47 ruux,hase yeeshee warbaahinta dalka Kenya oo xiganaysa laamaha amniga ayaa sheegaysa in ilaa 15 qof oo shacab ah ay ku dhinteen halkaasi. Dowladda waddanka Kenya weli si rasmi ah uma soo bandhigin khasaaraha kala duwan ee ka dhashay weerarkaasi argagixiso marka laga reebo wararka ay daabacayan warbaahinta gudaha ee Booliiska iyo laamaha amniga laga soo xiganayo. Al-shabaab ayaa hore weerarro argagixiso oo lagu hoobtay ka fulisay gudaha waddanka Kenya,waxaana kamid ahaa weerarkii huteelka West Gate ee magaalada Nairobi iyo sidoo kale weerarkii jaamacadda Gaarrisa. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee weerarkii Nairobi appeared first on Puntland Post.
  6. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi uu shalay dagaal la isu adeegsaday hubka fudud uu ku dhex maray labo shirkadood oo isku haaya adeeg bixinta korontada magaalada. Labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay dagaalkaasi dhex maray maleeshiyo kala taabacsan shirkaddaha Golis iyo Eneeye. Dagaalkan ayaa salka ku haaya loolanka adeeg bixinta korontada, waxayna taasi sababtay in labadda dhinac rasaas isu adeegsadaan. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga u taxaabay saar ka mid ah maleeshiyadii dagaalka ku dhex maray bartamaha magaalada Boosaaso. Mana jirto ilaa hadda war kasoo baxay labada dhinac. Shirkadaha Golis iyo Eneeye ee magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe waxaa ka dhex aloosnaa muran la xiriira bixinta adeegga korontada ee magaalada,waxaana murankaasi isu’ rogay gacan ka hadal khasaare dhaliyay. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay inaanu yeeli doonin in qaran-dumis lagu caleemeeyo, oo wax dalka aan dan u ahayn la ansixiyo. Waxa uu si kulul ugu fal celiyay xeerka wax ka badalka iyo ansixinta ay mariyeen baarlamaanka Somalia, kaasoo khuseeyay sharciga Bankiga Dhexe oo la filaayo in loo magacaabo dhaqaaleyahan jinsiyadiisa Soomaali aheyn oo u dhashay dalka UK. Senator Fartaag ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in golihii sharci dejinta ay meel mariyaan sharcigaasi oo uu sheegay inuu dhaawacaayo muwaadinka Soomaaliyeed ee wax bartay iyo kan aan wax baran, lidna ku ah qaranimada Soomaaliyeed in nin ajnabi ah dartiis oo loo dhiibi rabo xil loo badalo qodob dastuurka ka mid ah. Wuxuu sheegay in aqalka sare ee baarlamaanka uu ka tirsan yahay inaan lasoo marin doonin sharcigaasi, ayna ansixin doonin oo ay diidi doonaan. Wuxuu isweydiiyay in dalka iyo dibada laga waayay dhaqaale-yahano Soomaaliyeed oo wax soo bartay, hadii laga waayayna, Jabuuti iyo dhulka kale ee Soomaaliyeed ma laga duon doonay. Wuxuu isweydiiyay haddii la ogolaado in nin ajnabi ah oo diinteena haysan loo dhiibo bankiga diintee ayaa lagu dhaarinayaa, ma bible ayaa lagu dhaarin doonaa. “Inta qalbi dhagax la dhiibay ayaa a leeyahay muwaadiniin ayaa nahay, anagana qaran dumis ayaa tihiin, inta amin caamir lacag la siiyo” ayuu si kulul u yiri Senator Fartaag oo ugu danbeyntii wacad ku maray inaan la iska daba hari doonin ilaa masaajidka, sida uu hadalka u dhigaye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Mashruuca mooshinka Cusub Ee Ajanabiga loogu dhiibayo Bangiga Dhere ee Somaliya Talaabooyinka lama filaanka ah ee ay qaadayaan Madaxda Maamulka Somaliya, Waa mid horseedi kara burbur fool Xun iyo Dagaalo Sokeeye, oo ay si fudud u Galiyaan Ummada Somaliyeed. Talaabada lagu wareejinayaa Maamulka Bangiga Dhere ee Somaliya maaha mid la dhayalsan karro, waxaana ka dambeeya oo dabada ka Riixayo Dowlado ficilo kharbudaad ah Doonaya in ay hirgalyaan Geeska Africa. Waxaynu la soconaa in Dowlado ay ka mid tahay Dowlada Qadar oo Gacan saar la leh Maamulka Muqdisho in ay lacag badan ku siiyaan Sidii ay khakhal ugu galin lahaayeen ama ugu Afgambiyi lahaayeen Maamul Goboleedada , iyo Xoogaga Mucaaridka ah ee ka soo Horjeeda Maamulka Muqdisho, iyo waliba Qaar ka mid ah Dalalka Dariska la ah Somalia, sida Dowlada Somaliland iyo Qaar kale. Waxaanay Dowlada Qadar Maamulka si toos ah u siisay dhawaan lacag Farabadan, oo loogu tala galay in Madaxda Maamul Goboleedada lagu khaarajiyo sida ka dhacday meelo dhowr ah.markii Dambana ay fashiliyeen Gudiga dhaqaalaha ee Golaha Baarlamaanka Somalia, in lacagtaasi loo isticmaalay hagardaama Dalka. Arrintani waxay keentay in Maamulka Somalia lagu Amro in Maamulka Lacagta iyo Bangiga Dhexe ee Somalia loo dhiibo Dad Ajanabi ah , maadaama ay Qarsoomi waayeen howlgaladii lagu fuliyey lacagahaasi la soo diray. Sidaa awgeed waxaa lama huraan noqotay in Bangiga Dhexe ee Somalia loo dhiibo Dad Ajanibi ah, si lacagaha Dambe ee loogu tala galay kharbudaada Daalkaasi ay u noqoto mid QARSOODI ah oo ku kooban Madaxda Sarre ee Maamulka Somalia. Sidaa darteed waxaa Haboon in ildheer loo lahaado dibindaabyada Maamulka Muqdisho u Maleegayo Shacabkiisa. Alla Mahad leh Ali Mahamed Waranade Qaran News
  9. Xubnihii golaha guurtida Somaliland ee loo saaray in ay ka soo talo bixiyaan mudo kordhinta loo samynaayo golayaasha deegaanka iyo wakiilada, ayaa maalinta bari ah kulamo fool ka fool ah la yeelan doona sadexada xisbi qaran, ee Waddani,Kulmiye iyo Ucid kulankani ayaa bari ka dhici doona xarunta golaha Guurtida guurtida ayaa sadexda xisbi mid walba gaarkiisa u arki doona mid kastana dhegaysan doona fikirkiisa ku aadan xiliga ay qabsoomi doonaan doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku. Kulankani ayaa imanaaya xili xisbiga Waddani uu cadeeyay in ay jecelyihiin in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, hase ahaatee gudiga doorashooyinka qaranku ayna ahayn kuwo dhex ka noqon kara doorasho danbe oo ay qabtaan, waxna ay mudooyin badan soo jeediyeen in la kala diro gudiga doorashooyinka ee hada kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ku fashilmeen doorashadii hore ee madaxweynaha dalka loogu tartamaayay. Xaga xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ay ku midoobeen in sidaasi lagu galo doorashooyinka oo la daayo gudiga doorashooyinka oo ay iyagu si buuxda kalsooni u siiyeen, arintaasi oo muran badan kala dhex dhalisay xisbiyada qaranka oo keentay in madaxweynahu uu golaha guurtida ka codsado in mudo kordhin ay u sameeyaan golayaasha wakiilada iyo deegaanka Xiligii doorashadii madaxweynaha ayaa qaladaad badan oo ay galeen gudiga doorashooyinku lagu arkay dhamaan gobolada dalka oo dhan iyada oo ay dalka ka codeeyeen caruur aan qaadhin iyo iyada oo dad aan joogin ama geeriyooday kaadhahdhkoodii lagu codeeyay iyo iyada oo xukumaddu iibsatay kaadhadhkii dadka danyarta ahaa gacanta ku hayeen arintaasi oo ayna waxba ka qaban gudiga doorashooyinku, inkasta oo ay arkayeen arimahaasi foosha xun Qaran News
  10. (SLT-London) Baarlamaanka Waddanka Ingiriiska ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday heshiiskii Raysal Wasaaraha Ingiriisku soo hor dhigtay ee ka bixitaanka Midawga Yurub . 202-cod ayaa u codeeyay heshiiska halka ay diideen 432. Sidaana waxaa ku guul daraystay Dadaalkii Raysal Wasaare May ay muddooyiniii danbe oo dhan ka shaqaynaysay. Lama garanaayo Diidmada caawa ee Baarlamaanka waxa ka dhalan doona iyo talaabada xigi doonta iyadoo siwayn isha loogu hayo suuqyada Ganacsiga oo saamayn ay arrintani ku yeelan doonto. Sidoo kale waxa la filayaa in Doorasho Deg Deg Ah la galo maadaama oo ay guul daraysatay Raysal Wasaaruhu. Somalilandtoday/London/Office Source
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Kenya Fred Matiangi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo afjareen hawlgalkii ka socday Gudaha Hotel Dusit oo ay galeen Al-Shabaab. Waxa uu intaa ku daray in Ciidamada ay hubiyeen dhammaan dhismaha oo saddexdii galabnimo ee maanta ay ka dheceen qaraxyo iyo is rasaaseyn taas oo ugu dambeyn uu sheegay in Ciidamada ay soo gaba-gabeeyeen. Booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday Gaari uu watay qof isa soo miidaamiyay oo isku qarxiyay afaafka hore ee Hotelka, kadibne ay gudaha u galeen Dableydii Saacadaha Hoteelka heysatay. Ciidamada Kenya ayaa wax ka badan 8 Saacadood ayay la tacaalayeen sidii ay usoo afjari lahaayeen Kooxda wax weerartay, iyada oo Dowladda Kenya wali si rasmi ah uga hadal khasaaraha ka dhashay weerarka iyo hadii ay wada togteen dableydii weerarka qaaday. Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay lambaro kala duwan oo ay ku sheegeen in ay gaarayaan dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay. In ka badan 10-ruux ayaa ku geeriyootay, halka ay dhaawacmeen in ka badan 30-kale, waxaana la geeyay isbitaalada, si looga daweeyo dhaawacyada soo gaaray. Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaan waxa ay sheegtay in ay ku dileen in ka badan 47-qof, tiro intaa badane ay dhaawaceen. Sawirro lagu baahiyay New York Times waxaa ka muuqda dad fadhiyay Baar oo jirkooda ay ka muuqato Rasaas, kuwaa oo isla goobta ku geeriyooday.
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhyeenka ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay dhib ay xildhibaanad Muna Kay sheegtay in loo gaystay, isaga oo bixiyey xog arrintaas ku saabsan. Afhayeenka ayaa sheegay in aysan wax u jirin sida ay sheegtay Muna Kay, balse xildhibaanad Muna Khaliif Sheekh Abuu (Muna Key) iyo walaasheed oo weerarayr ah ku qaaday xildhibaanad Luul Cabdi Adan oo xilligaasi ku sugneyd barxadda baabuurta la dhigto ee xarunta Baarlamaanka. Muno Key Walaasheed waxay wejiga ka dhaawacday xildhibaannad Luul Cabdi oo ay kala dhacday Kabo iyo walxo lagu sheegay Mindi, waxaana dagaalka ka qeyb qaadatay Muno Kay oo markii danbe ku dooday inay iyadu kala celineysay xildhibaannada iyo walaasheed. Taliyaha ayaa sheegay in Muna Kay walaasheed la xiray, kadibna markii damiin lagu sii daayey ay isku dayday in ay baxsato oo garoonka ka dhoofto, kadibna lasoo qabto. Sawirada hoos ka muquda waxay muujinayaan dhibka la gaarsiiyey xildhibaan Luul. Sidoo kale hoos ka daawo afhayeenka booliska oo arrintan ka hadlaya. Warar qaar ayaa sheegaya in arrimo shaqsi ah iyo kuwo haween uu salka ku hayey khilaafka u dhaxeeyay labada xildhibaan ee Muno Key iyo Luul Cabdi, intii aysan Muno adeegsan walaasheed oo dagaalka ku qaadin. Muddo kadib waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaallo ay soo duubtay xildhibaan Muno Key oo arrintii dhacday ka dhigtay mid siyaasadeed, isla markaana sabab uga dhigtay in loo heyso codkii loo qaaday xeerka Bankiga Dhexe, iyadoo dad badan u heshay qeylo dhaanteeda, halka dhibane xildhibaan Luul Cabdi Axmed aan warkeeda la maqlin. Ciidamada Booliska ayaa hadda gacanta ku haya kiiska, iyadoo baaritaan lagu hayo, waxaana laga yaabaa in Muno Key dacwad lagu soo oogo, iyadoo xilliga dagaalka dhacay ay goobjoogayaal goobta ku sugnaayeen. Daawo afhayeenka ciidamada booliska oo arirntan
  13. XAQ DARO CIDII KA HADASHAA, XEELAD KALE WEEYOO, XAMAR BAA KA DAMBAYSA !!! Somaliland intii aan garanayoba waxa cambaar iyo wax siyaasada la isaga saaro noqotay xamar buu u socdaa, xamar baa ka dambaysa , Somalia ayuu doonayaa iyo somalia ayaa ka dambaysa. Kama korno oo kama ilbaxno in maalinba dadkeena la inoo kala calaamadiyo oo qaybi ina tidhaahdo qaybtaa kale iska eega iyo meel kale ayaa wax loo wadaa . Haddaba Somaliland waa lawada leeyahay dhib baa loo soo wada maray waa loo soo wada dhintay waa ayo cida xamar dooneysa ee laga xigsanayaa qarankani ? !! Waxa wax lala yaabo ah oo umadan la rabo in lagu kala fogeeyo in wax aan waxba ka jirin oo dadka kala qaybinaysa lala soo istaago fagaarayaasha iyada oo dano siyaasiya laga leeyahay. Waxa aynu ognahay in dib ula soo noqoshada qaramida Somaliland ku yimid oo ku taagan yahay masiirka umada ee aanu shaqsiyaad iyo inta siyaasada ku jirta midkoodna badeli karin kuna kici karin wax ku lidi ah rabitaanka shacabka. Marka aynu intaa isla garanayno oo Somaliland oo 27 sano jirtey in aan jeeb siyaasi la gashan karin cidina xamar ina geyn karin aynu garanayno, maxaa caqligeena loo caayayaa oo wax aan waxba ka jirin loo buunbuuniyaa ? Hore ayaa umadan damac siyaasiyiin la isugu diley iyo talo in koobani isku eryanayso oo waxii ina soo kala maray la ogaa , ee maxaa marwalba arinkan soo celcelinaya haddaba waa yaabe !!! XEELAD KALE WEEYOO XAMAR BAA KA DAMBAYSA !!! Xumaanta kii ka dhiidhiyaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqul qalinka kii diidaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xulafada cidii aan aheyni Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqa cidii ku adintaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xisaabtan cidii iila timaadaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xog cidii soo heshaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqdarada cidii ka hadashaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaga loo socda kii isweydiiya Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Qaran News
  14. Dowladda Kenya ayaa mamnuucday ugana digtay shacabkeefa in la faafiyo oo Internetka la galiyo sawiradda iyo muuqaalada weerarkii argigixiso ee ka dhacay Nairobi, kaasoo ay [...] Source
  15. Interior Cabinet Secretary Fred Matiang’i has assured the nation all is well at Dusit complex, Nairobi. Matiang’i has said that Special Forces have managed to [...] Source
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ku dhowaad 47 qof ay ku dishay weerarkii Hoteelka ku yaala magaalada Nairobi ee Kenya. Warbaahinta maxaliga ayaa dhankeeda ku waramaysa in Shan ruux la xaqiijiyay inay illaa iyo haatan ku dhinteen. Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in guud ahaan meesha ay wax ka dhaceen ay la wareegeen ciidamada amniga. Ma uusan bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qaabka wax udhaceen iyo khasaaraha guud ee dhashay. Isbitaalada magaalada ayaa dalbaday gurmad Dhiig ah, maadaama ay buux-dhaafiyeen dad badan oo waxyeelo ay soo gaartay. The post Xogtii ugu dambeysay ee laga helayo weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Security officers have been deployed to Westlands in Nairobi after gunshots heard in the area around Dusit Hotel. Police say a team from the General [...] Source
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___Qubanaha-15012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Nairobi (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay tirada dadka ay ku dileen weerar gelinkii dambe ee maanta ka dhacay xaafadda Westland ee magaalada Nairobi. War qoraal ah oo Al Shabaab oo kasoo baxay ayaa lagu sheegay in weerar ka dhacay Hotelka ku yaala magaalada Nairobi ay ku dileen 47 ruux oo ku sugnaa gudaha Hotelka. Qoraalka ayaa lagu sheegay in meydad badan ay daadsan yihiin goobta weerarka ay ku qaadeen, balse qoraalka Al Shabaab laguma cadeyn tirada dadka weeraray hotelka DusitD2. “Dhimashada ka dhalatay weerarka ka dhacay magaalada Nairobi sida macluumaadka hordhaca ah aan ku haleynayo waa 47 qof, meydad badan ayaa daadsan halka weerarku ka dhacay wixii faah faahin ahna dib ayaan kasoo sheegi doonaa”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab. Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay inay inta badan ciidamada amaanka qabsadeen dhamaan dhismayaasha Hotelka uu ka kooban yahay, balse waxaa cabsi ay ka taagan tahay qeybta sare ee Hotelka. Kenya Wali Faahfaahin kama aysan bixin waxyeelada ka dhalatay weerarka, laakiin dadka ka badbaaday weerarka ayaa sheegay inay arkeen Afar ruux oo gudaha u galayay Hotelka. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  20. Nairobi (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerarkii lagu qaaday Hoteelka ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Xaaf ayaa hoteelka waxa uu shir kula lahaa madax ka tirsan Hay’adda SSF oo ay kawada hadlayeen sidii loo hormarin lahaa Galmudug. Sida laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xaaf, haatan waxa uu yahay mid baq-qaba, isaga oo ay soo badbaadiyeen ciidamada amniga. Madaxweyne Xaaf oo cambaareeyay weerarka ayaa ku tilmaamay weerarka “wax laga xumaado iyo naf la caarinimada ahaa”. Weerarka lagu beegsaday Hoteel-ka Dusit oo Galbeedka kaga yaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab. The post MD Galmudug oo ka badbaaday weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  21. Madaxweynaha Dowlada Jubbaland oo maalmahaan booqasho ku maraya Deegaanada Jubbaland ayaa maanta wuxuu gaaray Dhooble oo ku taal Xuduuda Jubbaland iyo Kenya. Madaxweynaha ayaa si [...] Source
  22. Nairobi (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada booliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah ee Kenya ay xoreeyeen lix ka mid a toddobada dabaq ee uu ka kooban yahay dhismaha ay galeen Shabaabka ee hotel DusitD2. Waxa uu sheegay in weerarkii koowaad uu ka dhacay meel u dhow bankiga I&M, laguna fuliyey qarax lala beegsaday saddex baabuur oo taalay banaanka. Qaraxa labaad ayuu sheegay inuu fuliyey qof ismiidaamiyey oo beegsaday albaabka laga galo dhismaha, taasi oo u suurta-gelisay in kooxda weerarka soo qaaday ay gudaha galaan. Howlgalka ayaa weli socda, waxaana uu Bonnet sheegay in rasaas ay is-weydaarsanayaan kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka. Boinne ayaa shacabka uga diay inay baahiyaan sawirrada laga qaaday dadka meydka ama dhaawaca ah, kuwaas oo uu sheegay inay ka faa’ideysan karaan Shabaabka. Dhinaca kale, afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab ayaa yiri “Anaga ayaa ka dambeyna weerarka Nairobi, howl-galkana waa mid socda” Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  23. (SLT-Nairobi)Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay weerarka maanta lala beegsaday Hotel Dusit ee magaalada Nairobi. Madaxweynaha Galmudug ayaa hotelka waxa uu shil kula lahaa Hay’adda SSF oo ay kawada hadlayeen sidii loo hormarin lahaa Galmudug ayaa waxaa mar qur ah Afaafka hore ee Hotelka ka dhacay Qarax iyo is rasaaseen. Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweynaha ayaa ka badbaaday weeraradii lala beegsaday waxaana goobtaa ka saaray Ciidamada amaanka ee Kenya. Source