Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,271
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho ( Sh. M. Network )-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay weerarkii xooganaa ee lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada. Halkan hoose ka Akhriso:- The post DFS Oo cambaaraysay weerarkii M/ Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed ayaa la filayaa in maanta lagu qabto magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Qaban qaabada munaasabaddan ayaa saaka si aad ah looga dareemaya gudaha magaaladaasi. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare ee BFS ayaa ku sugan Baydhabo, kuwaas ka qeyb galaya xafladdaasi. Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan wafuud ka kala socda madaxda maamul goboleedyada oo ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweyne Lafta Gareen. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dhawaan ayey aheyd markii doorasho madaxweyne ay ka dhacday Koonfur Galbeed, taas oo uu ku soo baxay madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) The post Lafta Gareen Oo maanta lagu caleema saarayo Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-16012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan, Cabdirisaaq Cumar Maxamed aya sheegay in qof aan haysan diinta Islaamka ah oo loo dhiibo guddoomiyaha Bankiga Dhexe ay ka hor-imaneyso qodob dastuuri ah. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter, ayuu xildhibaan Cabdirisaaq ku sheegay in qodobka 2-aad, faraciisa koowaad ee dastuurka dalka uu dhigayo in diinta Islaamka ay tahay diinta waddanka. Sidaas darteed, buu yiri, Xukuumadda federaalka waxa ay haysataa laba ikhtiyaar oo kaliya, si aan qodobkaas loo burin. “1 – Si Nigel Roberts uu u nodo guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaa dowladda u furan inay bedesho qodobkaas dastuuriga ah oo uu Roberts ku dhaarto kitaabka bible-ka. 2- In uu qaato diinta Islaamka, oo uu ku dhaarto kitaabka qu’raanka kariimka ah”. Article 2 (1) Islam is the religion of the State.The FGS has only one option change the above article to accommodate Nigel Roberts take the Governor of central bank job and take the oath in the Bible. 2nd option 4 Nigel is to convert to Islam and take the oath in the Quran — Abdirizak Mohamed MP (@AbdirizakOm) January 15, 2019 Inkasta oo warbaahinta Soomaalida ay aad u hadal hayaan in guddoomiyaha bankiga dhexe loo magacaabayo Nigel Roberts, oo British ah, haddana xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in weli shaqsigaas aan go’aan laga gaarin, balse uu noqo doono qof ajnabi ah. Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyey sharci ogolaanaya in maamulka Bankiga dhexe ay ka mid noqon karaan dad aan Soomaali ahayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Nairobi (Caasimada online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Al Shabaab ay ka geysteen hotel ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairobi, kaasi oo ay sheegeen inay ku dileen ku dhawaad 50 ruux. Weerarka ayaa dowladda Kenya waxay sheegtay in lagu dilay 15 ruux, iyadoo Al Shabaab ay sheegteen inay ku dileen ku dhawaad 50 ruux oo ku sugnaa gudaha hotelka ay weerareen. KU dhawaad 150 ruux ayaa la arkayay oo ku sugnaa gudaha hotelka oo raadinaya meel ay ku baxsadaan, waxaana badankood ay ku baxsadeen wiishahka Hotelka, halka qaarkoodna ay ka carareen goobta. Dadka dhintay ee dowadda ay shaacisay ayaa ka koobnaa 15 ruux, waxaana ay kala ahaayeen 11 Kenyan ah, hal American ah iyo ruux British ah, laakiin dadka kale lama xaqiijin wadamada ay u dhasheen. Dowladda Mareykanka waxay xaqiijisay in ruux kamid ah muwaadiniintooda uu ku jiray dadka weerarka ku dhintay, “Waxaan xaqiijineynaa in muwaadin American ah uu ku jiray dadka dhintay”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Waaxda arimaha dibada Mareykanka. Al Shabaab ayaa weeraro dhimasho geystay ka fuliyay xarunta Ganacsiga West gate iyo jaamacadda Gaariga oo ay ku dileen 150 ruux, waxaana weerarkaan uu kamid noqonayaa weerarada ay ka geystaan gudaha dalka Kenya. Dowladdo badan ayaa cambaareeyay weerarka Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa ee ka dhacay hotelka ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay 14 maalin kadib xog ka bixiyay sababtii dalka loog eryay Nicholas Haysom. Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa dalka laga ceyriyay kadib markii lagu eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay arimaha gudaha Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in magacaabistii Haysom ay kusoo aaday iyadoo uu jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, islamarkaana ay kaga digeen inuu faraha la galo siyaasadda arimaha gudaha Soomaliya. ” Ergayga Qaramada Midoobay markii lasoo magacaabay oo noo yimid waxaan u sheegnay in Soomaalida ay dhaxdooda heshiinayaan intay doonto haku qaadatee, waxaan kale u sharaxnay in aysan raali ka aheyn in lasoo faragaliyo” “Inkastoo Maamul goboleedyadu qabeen in dhinac sadexaad soo galo anaguna mar walbo ku diidaneyn, waayo waxaan ogahay intay rabto ha qaadato hadaan Soomaali nahay xalka anaguu nagu jiraa anagaana heshiineyna cid damaanad noo kala saxiixeysana malahan, Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sheegay in aad uga caroodeen hadal uu magaalada Baydhabo ka jeediyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom , waxa uuna sheegay hadalkaasi in uu ahaa mid sii xoojineysay kala qeybsanaantii jirtay. ”Baydhabo safar mar uu ku tagay waxa uu yiri, Muqdisho Soomaaliya maahan, Soomaaliyana Muqdisho maaha, arintaas arin aan ka caroonay ayey aheyd oon wanaagsaneyn siina xoojineysa kala qeybsanaanta iyo farqiga u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada,, Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimadaa@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka Soo soo Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay weerarii lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Falkan aad u daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee waxa loogu yeero argagaxisada ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@ive.com
  8. Waxaa isniintii cod gacan taag ah oo aan geed isku qaris lahayn lagu ansixiyey hinside Xukumadda Nabad iyo Nolol u soo gudbisay Golaha Shacabka si wax looga badalo qodob u diidayey Bankiga Dhexe in qof ajnabi ah loo dhiibo. Qodobka waxaa si weyn uga soo horjeeday oo cod dheer ku diidanayaa kooxihii awalba mucaaradsanaa maamulka Nabad iyo Nolol. Taas oo ay jirto, codbixintii gacan taagga ahayd ee isniintii waxaa sida ay Xukumadda dooneysay qodobka in wax looga bedelo ugu codeeyey 158 halka ay diideen 17. Ogow, kaamirada waxa ay qabaneysay shaqsiyaad aad caan ugu ahaa difaacidda Nabad iyo Nolol kuwaas oo qaraarkan diidmadooda ku xoojiyey xubnihii dowladda wax walba ku diidi jiray! Maxaan ka baran karnaa wixii golaha ka dhacay isniintii? Hore lama ogeyn awoodda Nabad iyo Nolol ku leedahay Golaha Shacabka walow ay xogaa soo cadaatay xiligii Mooshinka Madaxweynaha ka dhanka ah socday kaddib kulan dhoolatus ah oo ay SYL ku qabsadeen. Hase ahaatee, in si bareer ah oo walib gacan taag ah sharci Nabad iyo Nolol dooneysay oo bulshada qaar ka biyo diidsaneyd loogu hor ansixiyo oo ay xildhibaanadii mucaaradka ka ahaa qaar imaan waayaan, qaar gacant taagaan waxa ay bannaanka soo dhigtay in Nabad iyo Nolol awood aan caadi ahayn ku leedahay Golaha Shacabka. Waxa ay sidoo kale muujineysa in marka laga soo tago 10-ka xildhibaan ku dhow ee caanka ah ee mar kasta warbaahinta ama baraha bulshada ka hadla, ay mucaaradka xukuumadda aad u yar yihiin, taasi oo ah xaqiiq dad badan aysan fahamsaneyn. Waa xaqiiqo, 60 ka badan waa Wasiiro kalfhigan oo hore u soo ansixiyey gacantu u taagneyd! Hadana waxaa meesha ka baxay boolo xooftadii xildhibaanada Facebook-ga inta badan lagu arko oo isu muujiya kuwo Golaha wax ku dhex diidi kara! xagey aadeen, ma tiradooda ayaa intaas le’eked? Waa su’aalo jawaabo u baahan!! W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka argagixiso ee lagu qaaday huteel DusitD2 magaalada Narobi ee dalka Kenya. War-saxaafadeed xalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu yiri “falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada“. Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa tacsi loogu diray qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, iyadoo kuwii ku dhaawacmayna caafimaad deg deg ah loo rajeeyay. War-saxaafadeedka ayaa intaasi sii raaciyay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dowladda Kenya ku garab taagan tahay dagaalka ka dhan ah argagixisada. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada”. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in weerarka Nairobi uu weji xun kale muujiyay appeared first on Puntland Post.
  10. Baardheere (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Jubbaland oo gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa ku eedeeyey madaxda ugu sarreysa ee maamulkaasi inay arrin halis ah ka billaabaan gobolka Gedo. Xildhibaanada ayaa sheegay in uu jiro qorshe billowday oo la isaga hor-keenayo, islamarkaana colaad looga dhex abuuray dadka degan gobolka Gedo, si looga faa’iideysto. Waxa ay sidoo kale ku eedeeyeen madaxda Jubaland iney mas’uul ka yihiin deganaanshiyo la’aanta ka jirta gobolka Gedo. Xildhibaannadan oo warbaahinta kula hadlay Baardheere ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo sidoo kale ku xigeenkiisa Koowaad, Maxamuud Sayid Aadan ay mas’uul ka yihiin arrintaasi. Waxa ay sheegeen in aysan xilligan dan ka lahayn shacabka Gedo, islamarkaana ay bilaabeen iney iska horkeenaan shacabka gobolkaasi ku nool. Xildhibaanadan ayaa sheegay in mar ay ahaataba ay iman doonto waqti lala xisaabtamo dadka ay sheegeen inay dhibaatada ku hayaan bulshada gobolka Gedo. Halkaan hoose ka dhageyso xildhibaanada https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/jubaland.mp3Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga dhexe ee federaalka ah hadda uma sameysna qaab bangi dhexe, mana qabto inta badan shaqadii laga rabay bangi dhexe. Bangiga waxaa uu si rasmi ah bangi dowladeed ahaan u noqday xilligii dowladii madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa hadda shaqadii markaas lagu bilaabay iyo laamihii waxba laguma darin. Haddaba, Dastuurka Qodobkiisa 123aad ayaa qeexaya shaqada bangiga dhexe ee federaalka (1) Sharci baarlammaanka Federaalku ansixiyay ayaa lagu dhisiyaa Bangiga dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2) Bangiga dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda maaliyadda iyo lacagta, bangiyada oo dhammina waxay u hoggaansamaaan xer-nidaamiyayaasha uu dhejiyo Bangiga Dhexe ee Federaalka. (3) Xilaalka ugu mudan hawlaha Bangiga Dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa weeye: (a) Soo saaridda lacagta (b) Hubinta negaanshaha ascaarta (c) Negaanshaha heerka sarrifka; iyo (d) Nidaam bangi oo maangal ah. (4) Siyaasadda maaliyaddu waa inay ku tiirsanaato dhaq-dhaqaaqa suuqa ee aan go’aanno maamul saldhig looga dhigin amah-bixinta. (5) Bangiga Dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay awood madaxbannaan oo dhammaystiran oo uu ku guto siyaasadda lacagta. (6) Bangiga Dhexe ee Federaalka waa Bangiga Keydka Qaranka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamada amniga dalkaasi ay dib ula wareegeen gacan ku haynta hoteelkii ay talaadadii shalay qabsadeen dableyda hubaysan. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee waddanka Kenya, Fred Matiangi ayaa sheegay in la xaqiijiyay ammaanka dhammaan dhismayaasha huteelka,balse waxaa halkaasi weli ku xanniban dad kale oo rayid ah sida laga soo xigtay qaar kamid ah ehelada dadkaasi. Booliiska dalka Kenaya ayaa soo bandhigay sawirrada ay qaadeen kaamirooyinka qarsoon oo muujinaya ilaa 4 nin oo ku hubaysan qoryaha fudud ee AK47 kuwaas oo gelaya huteelka xilliga la weeraray. Malayshiyaadka Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegay in ay huteelka ku dhex dileen 47 ruux,hase yeeshee warbaahinta dalka Kenya oo xiganaysa laamaha amniga ayaa sheegaysa in ilaa 15 qof oo shacab ah ay ku dhinteen halkaasi. Dowladda waddanka Kenya weli si rasmi ah uma soo bandhigin khasaaraha kala duwan ee ka dhashay weerarkaasi argagixiso marka laga reebo wararka ay daabacayan warbaahinta gudaha ee Booliiska iyo laamaha amniga laga soo xiganayo. Al-shabaab ayaa hore weerarro argagixiso oo lagu hoobtay ka fulisay gudaha waddanka Kenya,waxaana kamid ahaa weerarkii huteelka West Gate ee magaalada Nairobi iyo sidoo kale weerarkii jaamacadda Gaarrisa. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyay ee weerarkii Nairobi appeared first on Puntland Post.
  13. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaasi uu shalay dagaal la isu adeegsaday hubka fudud uu ku dhex maray labo shirkadood oo isku haaya adeeg bixinta korontada magaalada. Labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay dagaalkaasi dhex maray maleeshiyo kala taabacsan shirkaddaha Golis iyo Eneeye. Dagaalkan ayaa salka ku haaya loolanka adeeg bixinta korontada, waxayna taasi sababtay in labadda dhinac rasaas isu adeegsadaan. Ciidamada amaanka ayaa xabsiga u taxaabay saar ka mid ah maleeshiyadii dagaalka ku dhex maray bartamaha magaalada Boosaaso. Mana jirto ilaa hadda war kasoo baxay labada dhinac. Shirkadaha Golis iyo Eneeye ee magaalada Boosaaso ayaa maalmahan dambe waxaa ka dhex aloosnaa muran la xiriira bixinta adeegga korontada ee magaalada,waxaana murankaasi isu’ rogay gacan ka hadal khasaare dhaliyay. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah aqalka sare ee baarlamaanka Somalia, ayaa sheegay inaanu yeeli doonin in qaran-dumis lagu caleemeeyo, oo wax dalka aan dan u ahayn la ansixiyo. Waxa uu si kulul ugu fal celiyay xeerka wax ka badalka iyo ansixinta ay mariyeen baarlamaanka Somalia, kaasoo khuseeyay sharciga Bankiga Dhexe oo la filaayo in loo magacaabo dhaqaaleyahan jinsiyadiisa Soomaali aheyn oo u dhashay dalka UK. Senator Fartaag ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in golihii sharci dejinta ay meel mariyaan sharcigaasi oo uu sheegay inuu dhaawacaayo muwaadinka Soomaaliyeed ee wax bartay iyo kan aan wax baran, lidna ku ah qaranimada Soomaaliyeed in nin ajnabi ah dartiis oo loo dhiibi rabo xil loo badalo qodob dastuurka ka mid ah. Wuxuu sheegay in aqalka sare ee baarlamaanka uu ka tirsan yahay inaan lasoo marin doonin sharcigaasi, ayna ansixin doonin oo ay diidi doonaan. Wuxuu isweydiiyay in dalka iyo dibada laga waayay dhaqaale-yahano Soomaaliyeed oo wax soo bartay, hadii laga waayayna, Jabuuti iyo dhulka kale ee Soomaaliyeed ma laga duon doonay. Wuxuu isweydiiyay haddii la ogolaado in nin ajnabi ah oo diinteena haysan loo dhiibo bankiga diintee ayaa lagu dhaarinayaa, ma bible ayaa lagu dhaarin doonaa. “Inta qalbi dhagax la dhiibay ayaa a leeyahay muwaadiniin ayaa nahay, anagana qaran dumis ayaa tihiin, inta amin caamir lacag la siiyo” ayuu si kulul u yiri Senator Fartaag oo ugu danbeyntii wacad ku maray inaan la iska daba hari doonin ilaa masaajidka, sida uu hadalka u dhigaye. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Mashruuca mooshinka Cusub Ee Ajanabiga loogu dhiibayo Bangiga Dhere ee Somaliya Talaabooyinka lama filaanka ah ee ay qaadayaan Madaxda Maamulka Somaliya, Waa mid horseedi kara burbur fool Xun iyo Dagaalo Sokeeye, oo ay si fudud u Galiyaan Ummada Somaliyeed. Talaabada lagu wareejinayaa Maamulka Bangiga Dhere ee Somaliya maaha mid la dhayalsan karro, waxaana ka dambeeya oo dabada ka Riixayo Dowlado ficilo kharbudaad ah Doonaya in ay hirgalyaan Geeska Africa. Waxaynu la soconaa in Dowlado ay ka mid tahay Dowlada Qadar oo Gacan saar la leh Maamulka Muqdisho in ay lacag badan ku siiyaan Sidii ay khakhal ugu galin lahaayeen ama ugu Afgambiyi lahaayeen Maamul Goboleedada , iyo Xoogaga Mucaaridka ah ee ka soo Horjeeda Maamulka Muqdisho, iyo waliba Qaar ka mid ah Dalalka Dariska la ah Somalia, sida Dowlada Somaliland iyo Qaar kale. Waxaanay Dowlada Qadar Maamulka si toos ah u siisay dhawaan lacag Farabadan, oo loogu tala galay in Madaxda Maamul Goboleedada lagu khaarajiyo sida ka dhacday meelo dhowr ah.markii Dambana ay fashiliyeen Gudiga dhaqaalaha ee Golaha Baarlamaanka Somalia, in lacagtaasi loo isticmaalay hagardaama Dalka. Arrintani waxay keentay in Maamulka Somalia lagu Amro in Maamulka Lacagta iyo Bangiga Dhexe ee Somalia loo dhiibo Dad Ajanabi ah , maadaama ay Qarsoomi waayeen howlgaladii lagu fuliyey lacagahaasi la soo diray. Sidaa awgeed waxaa lama huraan noqotay in Bangiga Dhexe ee Somalia loo dhiibo Dad Ajanibi ah, si lacagaha Dambe ee loogu tala galay kharbudaada Daalkaasi ay u noqoto mid QARSOODI ah oo ku kooban Madaxda Sarre ee Maamulka Somalia. Sidaa darteed waxaa Haboon in ildheer loo lahaado dibindaabyada Maamulka Muqdisho u Maleegayo Shacabkiisa. Alla Mahad leh Ali Mahamed Waranade Qaran News
  16. Xubnihii golaha guurtida Somaliland ee loo saaray in ay ka soo talo bixiyaan mudo kordhinta loo samynaayo golayaasha deegaanka iyo wakiilada, ayaa maalinta bari ah kulamo fool ka fool ah la yeelan doona sadexada xisbi qaran, ee Waddani,Kulmiye iyo Ucid kulankani ayaa bari ka dhici doona xarunta golaha Guurtida guurtida ayaa sadexda xisbi mid walba gaarkiisa u arki doona mid kastana dhegaysan doona fikirkiisa ku aadan xiliga ay qabsoomi doonaan doorashooyinka wakiilada iyo deegaanku. Kulankani ayaa imanaaya xili xisbiga Waddani uu cadeeyay in ay jecelyihiin in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan, hase ahaatee gudiga doorashooyinka qaranku ayna ahayn kuwo dhex ka noqon kara doorasho danbe oo ay qabtaan, waxna ay mudooyin badan soo jeediyeen in la kala diro gudiga doorashooyinka ee hada kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ku fashilmeen doorashadii hore ee madaxweynaha dalka loogu tartamaayay. Xaga xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ay ku midoobeen in sidaasi lagu galo doorashooyinka oo la daayo gudiga doorashooyinka oo ay iyagu si buuxda kalsooni u siiyeen, arintaasi oo muran badan kala dhex dhalisay xisbiyada qaranka oo keentay in madaxweynahu uu golaha guurtida ka codsado in mudo kordhin ay u sameeyaan golayaasha wakiilada iyo deegaanka Xiligii doorashadii madaxweynaha ayaa qaladaad badan oo ay galeen gudiga doorashooyinku lagu arkay dhamaan gobolada dalka oo dhan iyada oo ay dalka ka codeeyeen caruur aan qaadhin iyo iyada oo dad aan joogin ama geeriyooday kaadhahdhkoodii lagu codeeyay iyo iyada oo xukumaddu iibsatay kaadhadhkii dadka danyarta ahaa gacanta ku hayeen arintaasi oo ayna waxba ka qaban gudiga doorashooyinku, inkasta oo ay arkayeen arimahaasi foosha xun Qaran News
  17. (SLT-London) Baarlamaanka Waddanka Ingiriiska ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday heshiiskii Raysal Wasaaraha Ingiriisku soo hor dhigtay ee ka bixitaanka Midawga Yurub . 202-cod ayaa u codeeyay heshiiska halka ay diideen 432. Sidaana waxaa ku guul daraystay Dadaalkii Raysal Wasaare May ay muddooyiniii danbe oo dhan ka shaqaynaysay. Lama garanaayo Diidmada caawa ee Baarlamaanka waxa ka dhalan doona iyo talaabada xigi doonta iyadoo siwayn isha loogu hayo suuqyada Ganacsiga oo saamayn ay arrintani ku yeelan doonto. Sidoo kale waxa la filayaa in Doorasho Deg Deg Ah la galo maadaama oo ay guul daraysatay Raysal Wasaaruhu. Somalilandtoday/London/Office Source
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Kenya Fred Matiangi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay soo afjareen hawlgalkii ka socday Gudaha Hotel Dusit oo ay galeen Al-Shabaab. Waxa uu intaa ku daray in Ciidamada ay hubiyeen dhammaan dhismaha oo saddexdii galabnimo ee maanta ay ka dheceen qaraxyo iyo is rasaaseyn taas oo ugu dambeyn uu sheegay in Ciidamada ay soo gaba-gabeeyeen. Booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday Gaari uu watay qof isa soo miidaamiyay oo isku qarxiyay afaafka hore ee Hotelka, kadibne ay gudaha u galeen Dableydii Saacadaha Hoteelka heysatay. Ciidamada Kenya ayaa wax ka badan 8 Saacadood ayay la tacaalayeen sidii ay usoo afjari lahaayeen Kooxda wax weerartay, iyada oo Dowladda Kenya wali si rasmi ah uga hadal khasaaraha ka dhashay weerarka iyo hadii ay wada togteen dableydii weerarka qaaday. Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay lambaro kala duwan oo ay ku sheegeen in ay gaarayaan dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay. In ka badan 10-ruux ayaa ku geeriyootay, halka ay dhaawacmeen in ka badan 30-kale, waxaana la geeyay isbitaalada, si looga daweeyo dhaawacyada soo gaaray. Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaan waxa ay sheegtay in ay ku dileen in ka badan 47-qof, tiro intaa badane ay dhaawaceen. Sawirro lagu baahiyay New York Times waxaa ka muuqda dad fadhiyay Baar oo jirkooda ay ka muuqato Rasaas, kuwaa oo isla goobta ku geeriyooday.
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhyeenka ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay dhib ay xildhibaanad Muna Kay sheegtay in loo gaystay, isaga oo bixiyey xog arrintaas ku saabsan. Afhayeenka ayaa sheegay in aysan wax u jirin sida ay sheegtay Muna Kay, balse xildhibaanad Muna Khaliif Sheekh Abuu (Muna Key) iyo walaasheed oo weerarayr ah ku qaaday xildhibaanad Luul Cabdi Adan oo xilligaasi ku sugneyd barxadda baabuurta la dhigto ee xarunta Baarlamaanka. Muno Key Walaasheed waxay wejiga ka dhaawacday xildhibaannad Luul Cabdi oo ay kala dhacday Kabo iyo walxo lagu sheegay Mindi, waxaana dagaalka ka qeyb qaadatay Muno Kay oo markii danbe ku dooday inay iyadu kala celineysay xildhibaannada iyo walaasheed. Taliyaha ayaa sheegay in Muna Kay walaasheed la xiray, kadibna markii damiin lagu sii daayey ay isku dayday in ay baxsato oo garoonka ka dhoofto, kadibna lasoo qabto. Sawirada hoos ka muquda waxay muujinayaan dhibka la gaarsiiyey xildhibaan Luul. Sidoo kale hoos ka daawo afhayeenka booliska oo arrintan ka hadlaya. Warar qaar ayaa sheegaya in arrimo shaqsi ah iyo kuwo haween uu salka ku hayey khilaafka u dhaxeeyay labada xildhibaan ee Muno Key iyo Luul Cabdi, intii aysan Muno adeegsan walaasheed oo dagaalka ku qaadin. Muddo kadib waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaallo ay soo duubtay xildhibaan Muno Key oo arrintii dhacday ka dhigtay mid siyaasadeed, isla markaana sabab uga dhigtay in loo heyso codkii loo qaaday xeerka Bankiga Dhexe, iyadoo dad badan u heshay qeylo dhaanteeda, halka dhibane xildhibaan Luul Cabdi Axmed aan warkeeda la maqlin. Ciidamada Booliska ayaa hadda gacanta ku haya kiiska, iyadoo baaritaan lagu hayo, waxaana laga yaabaa in Muno Key dacwad lagu soo oogo, iyadoo xilliga dagaalka dhacay ay goobjoogayaal goobta ku sugnaayeen. Daawo afhayeenka ciidamada booliska oo arirntan
  20. XAQ DARO CIDII KA HADASHAA, XEELAD KALE WEEYOO, XAMAR BAA KA DAMBAYSA !!! Somaliland intii aan garanayoba waxa cambaar iyo wax siyaasada la isaga saaro noqotay xamar buu u socdaa, xamar baa ka dambaysa , Somalia ayuu doonayaa iyo somalia ayaa ka dambaysa. Kama korno oo kama ilbaxno in maalinba dadkeena la inoo kala calaamadiyo oo qaybi ina tidhaahdo qaybtaa kale iska eega iyo meel kale ayaa wax loo wadaa . Haddaba Somaliland waa lawada leeyahay dhib baa loo soo wada maray waa loo soo wada dhintay waa ayo cida xamar dooneysa ee laga xigsanayaa qarankani ? !! Waxa wax lala yaabo ah oo umadan la rabo in lagu kala fogeeyo in wax aan waxba ka jirin oo dadka kala qaybinaysa lala soo istaago fagaarayaasha iyada oo dano siyaasiya laga leeyahay. Waxa aynu ognahay in dib ula soo noqoshada qaramida Somaliland ku yimid oo ku taagan yahay masiirka umada ee aanu shaqsiyaad iyo inta siyaasada ku jirta midkoodna badeli karin kuna kici karin wax ku lidi ah rabitaanka shacabka. Marka aynu intaa isla garanayno oo Somaliland oo 27 sano jirtey in aan jeeb siyaasi la gashan karin cidina xamar ina geyn karin aynu garanayno, maxaa caqligeena loo caayayaa oo wax aan waxba ka jirin loo buunbuuniyaa ? Hore ayaa umadan damac siyaasiyiin la isugu diley iyo talo in koobani isku eryanayso oo waxii ina soo kala maray la ogaa , ee maxaa marwalba arinkan soo celcelinaya haddaba waa yaabe !!! XEELAD KALE WEEYOO XAMAR BAA KA DAMBAYSA !!! Xumaanta kii ka dhiidhiyaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqul qalinka kii diidaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xulafada cidii aan aheyni Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqa cidii ku adintaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xisaabtan cidii iila timaadaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xog cidii soo heshaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqdarada cidii ka hadashaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaga loo socda kii isweydiiya Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Qaran News
  21. Dowladda Kenya ayaa mamnuucday ugana digtay shacabkeefa in la faafiyo oo Internetka la galiyo sawiradda iyo muuqaalada weerarkii argigixiso ee ka dhacay Nairobi, kaasoo ay [...] Source