-
Content Count
207,260 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Hoteel ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda federaalka. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddigii ka koobnaa 25 Xildhibaan ee Golaha Guurtida Somaliland u saareen ka soo talo-bixinta muddo kordhin loo sameeyo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa saaka u yeedheen madaxda ugu sarraysay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. Guddigan golaha guurtida iyo hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI ayaa waxa uu hadda shir albaabadu u xidhan yahay uga socdaa xarunta golaha guurtida. Kulan ayaa waxa la filayaan in lagaga arrinsanayo muddo kordhinta ugu haboon ee loo samayn doono labada golle ee wakiillada iyo deegaanka dalka. Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID ayaa hore waxa ay war-murtiyeed uga soo saareen muddada ugu haboon ee ay doonayaan in loo kordhiyo labada golle ee muddo dhaafka ku fadhiya Wariyaha shabakadda Somalilandtoday oo ku sugan xarunta golaha guurtida ayaa waxa uu sheegaya in mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Murrashaxii Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid. Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman hamzeiiman123@gmail.com Source
-
(SLT-Nairobi)-Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Muusa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday huteelka DusitD2 ee ku yaalla galbeedka Nairobi. Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika, wuxuu amaaan u jeediyay sida degdeg ah ay ciidamada Kenya uga falcelinayaan weerarka. Appalled by news of the attack on innocent people in #Nairobi today. The AU stands in solidarity and grief with the people&Govt of #Kenya in condemning this cowardly attack which underlines the need to redouble our efforts to combat terrorism on the Continent. — Moussa Faki Mahamat (@AUC_MoussaFaki) January 15, 2019 Source
-
(SLT-Hargeysa)-Magaalooyinka ugu waaweyn caalamka ayay cabsi badani soo food saartay, taas oo laga dayrinaayo jiritaankooda, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay warbaahinta News Report. Waxaana la filayaa in ay daadad iyo dufaano is wata baabi’iyaan magaalooyin ay kamid tahay caasimadda dalka Ingiriiska ee London, sida ay sheegeen hay’addaha horumarinta ee Christian Aid iyo xubno kamid ah Qaramada Midoobay qaybteeda Sayniska, kuwaas oo si wada jir ah usoo saaray warbixintan. Khubarraddan kala duwan ayaa sheegtay in saamaynta cimiladda sii xumaanaysa ay ku hayso adduunka ay tahay mid cimiladda gaadhsiin doonta 1.5 degree Selsiyas ,iyaga oo ka digay dufaano iyo daadad waaweyn oo ay sababi doonto. Waxa kale oo ay khubarradani sheegeen in baddu ay kici doonto, kana kor mari doonto halka ay maanta taagan tahay biyo ahaan in ka badan 16 Inches haddii aan la yarayn saamaynta ay cimiladda sii xumaanaysa ku lee dahay adduunka maanta . “ cimiladda is bedelaysa waxa ay laban laabi doonta dhibaatooyinka waqtigan jira ee cimiladdu keentay, sida qorshe xumo, nabad guur ciida ah iyo ciida hoose ee badda oo iyaduna yaranaaysa , taas oo keeni doonta dhib aan laga soo kaban Karin, caalamkana ku baahda” ayay tidhi hay’adda Horumarinta ee Christian Aid. Warbixintan ay hay’addaha kala duwani soo saareen ayaa lagu sheegay in magaalooyinka waaweyn ee xeebaha ku yaala, sida Houston, London,Shanghai,Bangkok,Manila,Jakarta,Lagos iyo Dhaka ay yihiin kuwa khatarta badan ku jira. Source
-
(SLT-Nairobi)-Kaamirada Qarsoon ayaa qabatay afar ka mid ah dableydii weerartay Hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, iyadoo weli ay gudaha ugu jiraan Hotelka. Dableydan oo ahaa afar rag oo ku hubeysan qoryaha AK47 ayaa labo jiho ka galay Hotelka caanka ah ee Dusit, waxaa ay bilaabeen inay rasaas ku furaan dadkii fadhiyay maqaayadda Hotelka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Muqdisho)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar Argagixiso oo shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotel ku yaal magaalada Nairobi oo lagu magacaabo DusitD2. Weerarkan oo ku bilowday qaraxyo ayaa waxaa afar nin hubeysan ay u suura gashay in gudaha Hotelka galaan, dabadeedna ay bilaabeen rasaas. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Kenya ay ku garab-taagan tahay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada. “Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka Hotel Dusit, waxaana weerarka ahaa mid lagu soo beegay sanad-guuradii 3aad ee weerarkii Saldhigga deegaanka Ceel Cadde ee ay Ciidamada Kenya ku lahaayeen. Source
-
Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee gobolka Baay lagu caleema saaro madaxweynaha cusub ee maamulka K/galbeed C/casiis Lafta Gareen. Waxaa magaalada Baydhabo gaaray mas’uuliyiin ka kala socota maamul goboleedyada dalka ka jira, iyadoo dhanka kale halkaasi lagu wado inuu gaaro madaxweyne Farmaajo. Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, waxaana madaxtooyada K/galbeed ku sugan ciidamada gaarka ah ee Villa Soomaaliya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Wariye Cabdalla Axmed Muumin oo la shaqeeya Wargeyska The Guardian kuna sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa qoray warbixin ku saabsan xaalada magaalada Nairobi. Badi Nairobi xalay lagama hurdin oo dadka waxay sugayeen halkay ku dhammaan doonto xaalada weerarka dhismaha DuSit. Waxaa jirtay warar sheegaya in dad lagu heysto gudaha dhismaha. Boqollaal ruux ayaa waagu ugu baryey waddada weyn ee Waiyaki Way, iyagoo ka war dhowraya eheladooda iyo xubno qoysaskooda ka mid ah oo maqnaa. Dadkaasi waxaa ku jiray qoysas Soomaali ah. Saaka aroortii waxaa la maqlay rasaas iyo qarax askartu ku sheegeen bambo gacmeed oo ka imaaneysa qeybta dhismaha Grosvenor ee ka tirsan deegaanka DuSit. Waxyar ka hor 5.00am (aroortii saaka) waxaa la soo badbaadiyay dad gaaraya 50 ruux oo ay ku jiraan dad dhaawacyo qaba. Dadka la soo badbaadiyay waxaa ku jiray wariye Silas Apollo iyo filimqaade la socday oo hotelka shalay u tagay wareysi. Labaduba waxay 10 saacadood ku dhuumanayeen suuliga (musqusha). Waxaa yimid afar ambulance oo qaaday dhaawacyada. Dadka la soo badbaadiyay qaarkood waxay sheegeen inay ku hoos jireen kuraasta iyo miisaska dabaqa koowaad ee dhismaha ugu soo horreeya marka laga galo dhanka 14 Riverside. Waxay xalay dhibaato kajirtay sidii dadka loogu qancin lahaa inay soo baxaan oo ay askarta aaminaan. Abbaare 4am (aroornimo) ayaa askarta oo adeegsaneysa cod baahiye dadka isu sheegeen iyagoo u sheegaya “inay yihiin booliska oo ay ka soo baxaan dhismaha”. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
(SLT-Nairobi)-Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay weerar gelinkii dambe ay dabley hubeysan ku qaadeen Hotel caan ah iyo dhismayaal ka ag dhow oo ku yaala 14 Riverside ee deegaanka Westland ee galbeedka magaalada Nairobi. Ugu yaraan 15 ruux ayaa illaa hada la xaqiijiyay inay lagu dilay weerarka, 11 ka mid ah dadkaas waxay ahaayeen Kenyan, halka labo kale ay ahaayeen Muwaadiniin u dhashay Mareykan iyo British. Sidoo kale dadka ku dhintay weerarka waxaa ku jira labo wiil oo Soomaali walaalo ah, kana shaqeynayay Hey’adaha sama Falka, kuwaasoo ka soo jeeda magaalada Wajeer. Warbaahinta Kenya ayaa soo warineysa in weli rasaas laga maqlayo hotelka Dusit oo ay galeen dableyda, waxaana howlgalka uu socdaa in ka badan 12 saacadood. Ciidamada Ammaanka Kenya ayaa weli la dagaalamaya dableyda hubeysan, waxaana saraakiisha ammaanka ay sheegeen inay xakameeyeen goobta oo ay amnigeeda sugeen, welina uu socdo howlgalka. Rasaas iyo qaraxyo ayaa saaka aroortii laga maqlayay dhismaha ay ku jiraan dableyda hubeysan, waxaana xaalada ay tahay mid weli cakiran. Afhayeenka howlgalada Al-Shabaab oo la hadlay wakaaladaha wararka ayaa sheegay in illaa 47 ruux ay dileen, oo ay ku jiraan caddaan, isla markaana ay weli heystaan dhismaha ay weerareen. Source
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Aqalka Cad ee dalkaasi looga arrimiyo ku qabtay xaflad dadkii ka soo qeybgalay lagu soo dhaweeyay cunnooyinka fudud ee burka ka sameysan. Madaxweynaha ayaa sheegay in kharash la’aanta ay u xirmeen hawlaha dowladda ay sabab u tahay in dadkii munaasabaddaasi yimid la siiyo cunno fudud oo aan horey halkaasi looga baran. Trump ayaa xafladdaasi ku soo dhawaynayay kooxda Clemson Tigers oo dhawaan ku guuleysatay tartanka kubadda cagta ee mac’hadyada dalkaasi, waxaana miiska la soo saaray cunnooyinka fudud ee burka ka sameysan. “Sababao la xiriira xiritaanka hawlaha dowladda awgood……waxaan dalbannay cunnooyinkan fudud oo aan anigu bixinayo kharashka ku baxaya,” ayuu yidhi Trump. Hawlaha laamaha dowladda Mareykanka oo mar kale qarka u saaran in ay istaagaan IKumannaan shaqaalaha dowladda Mareykanka oo muddadii ugu dheereyd mushaar la`aan ah nta badan hawlaha dawladda dhexe ee Mareykanka ayaanan shaqeynayn sababo la xiriira dhaqaale la’aan ka dhalatay muranka hareeyay miisaaniyadda dowladda. Arrintan ayaa saameyn ku yeelatay qiyaastii 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha dowladda, gaar ahaan kuwa madaxtooyada oo qaarkood lagu khasbay in ay shaqada fasax ka qaataan ama xitaa ay mushaar la’aan shaqeeyaan muddo 24 maalmood ah. Madaxweyne Trump ayaa diidan in uu saxiixo miisaaniyadda dowladda, ilaa iyo inta miisaaniyaddaasi looga soo darayo kharashka dhismaha gidaarka uu Trump doonayo in uu ku kala xiro xudduudda u dhaxeysa Mareykanka iyo Mexico. Balse xildhibaannada xisbiga dimuquraadiga ayaa ku gacan seyray ku dhawaad lixda bilyan ee doolar ee madaxweynuhu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha darbigaasi. Inta badan hawlaha dowladda dhexe ayaa xirnaan doono, waxaana shaqaalaha qaar ee sida kuwa maamula duulimaadyada hawada dalkaasi iyo sirdoonka ayaa shaqadooda sii wadan doono mushaar la’aan ilaa iyo inta laga soo afjarayo muranka hareeyay miisaaniyadda dowladda. “Waxaan haynaa Pizzas, waxaan haynaa ilaa 300 oo ah hambeegar, iyo waxyaabo badan oo ah cunnooyinka aan jecelnahay,” ayuu yiri Trump oo martigelinayay xafladdaasi. “Waxaan rabaa in aan ogaado waxa halkan ku soo haraya marka aan xafladda bogno, sababtoo ah ma filayo in wax badan ay soo hari doonaan,” ayuu yiri. Trump oo la weydiiyay in uu shaaciyo nooca cuntada uu ugu jecelyahay ayaa sheegay in cunnada goobta tiilay oo dhan uu jecel yahay. “Haddii cunnadaasi tahay cunno Mareykan, waa aan jeclahay. Dhammaan cunnooyinkani ayaa ah kuwada dalkani Mareykanka,” ayuu ku jawaabay. Ilaa iyo haatan ma cadda kharashka uu madaxweyne Trump ku bixiyay cunnadaasi balse waxa uu sheegay in uusan doonayn in uu dib u dhigo munaasabaddaasi sababo la xiriira xirnaashaha hawlaha dowladda awgood. Horraantii shalay ayaa madaxweyne Trump waxa uu dad beeroley ah oo ka qeybgalayay shir ka dhacayay New Orleans uu u sheegay in uu sii wadi doono dedaalka uu ugu jiro dhismaha derbiga uu ku kala xirayo dalkiisa iyo Mexico. “Marka ay timaaddo ammaanka shacabka dalkani Mareykanka, waligey marnaba dig uga laaban mayo,” ayuu yidhi Trump. Dhanka kale, waaxda gaashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in ilaa bisha Sebteembar uu gaarayo hawlgalka militariga dalkaasi ka waddo xudduuda Mexico. Kumannaan askari ayaa bishii Nofeembar la geeyay xudduudda labada dal, waxaana ujeedadu ahayd in hawlgalka ciidankaasi la soo gabagabeeyo bishii Diseembar ee la soo dhaafay. Hawlgalkaasi ayaa dhawr jeer muddo kordhin loo sameeyay kadib codsi ka yimid waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Source
-
Mr. Ronald Ng’eno oo kamida dadkii uu weerarku ku qabsaday dhisme ku yaala magaaladda Nayroobi ee caasimada Dalka Kenya ayaa si isdaba jooga fariimo uu ku macasalaameynaayo qoyskiisa iyo aduunkaba soo dhigaayey barta uu ku leeyahay twitter-ka. Ninkan ayaa caawimaad weydiistay safaaradaha Dalalka Maraykanka iyo Israel, ” Qaraxyo waaweyn oo ay ku xigto toogasho ayaa socoto, Fadlan Safaarada Maraykanka iyo safaarada Israel i caawiya” ayuu yiri ninkani. “Hadii aan dhinto, waan jeclahay Illaahay, waxaana aaminsanahay inaan tegi doono Janadda, usheeg qoyskayga inaan jeclahay, waan idin jeclahay Caleb, Mark iyo Carol,” ayuu yiri Mr Ng’eno Ninkan ayaa sheegay inuu ku dhumaanaayo Suuli uuna maqlaayo dhawaqa hubka ay ridayaan kooxda argagixisada ee gudaha ugu jira Hotelka, isagoo intaa ku daray inay kooxdani qol-qol u gelayaan dhismaha. ” Weli waxaan ku jiraa suuliga kooxda hubaysan waxay ku sugan yihiin dhismaha, fadlan noo soo duceeya” ayaa kamid ahaa qoraalada Mr Ng’eno, wuxuu intaa ku daray inuu telefoonku ka dami rabo isagoo mar kale codsaday in loo soo duceeyo. Ugu dambayntii Mr Ng’eno ayaa saaka kusoo qoray twitter-ka inuu badbaaday, wuxuuna u mahadceliyey dadkii caawiyey. ” Gacaliyayaal dhamaantiin waad ku mahadsantihiin taageeradiina, hada banaanka ayaan joogaa, waxaana gurigayga igula sugan qosyka, waa mahdsanyihiin gasiiyaasha badbaadiyey noloshayada” ayuu yiri Mr Ng’eno. Ninkan ayaa kamid ahaa dadka laga soo badbaadiyey dhismaha ku yaal Nayroobi ee ay weerareen dagaal yahanada katirsan kooxda Al-shabaab. If I die I love the Lord and believe I will go to heaven please tell my family I love then I love you Caleb, Mark and Carol — Ron Ng'eno (@ronald_ngeno) January 15, 2019 We are still in bathroom gunshots in building, please pray for us. — Ron Ng'eno (@ronald_ngeno) January 15, 2019 Phone charge almost off, please pray — Ron Ng'eno (@ronald_ngeno) January 15, 2019 Dear all thank you for your support. I am now out and at home with my family. Thanks to the brave @NPSOfficial_KE @kdfinfo for risking their lives to save others. — Ron Ng'eno (@ronald_ngeno) January 16, 2019 PUNTLAND POST The post Nin kamida dadkii uu qabsaday weerarka dhisme ku yaal Nayroobi oo macasalaameeyey aduunka appeared first on Puntland Post.
-
Qaraxyo iyo rasaas galabtii talaadada lala beegsaday gudaha DusitD2 Hotel oo u badan xafiisyo ayaan weli la soo afjarin, waxaana laga shakisanyahay in weli kooxdii weerarka soo qaaday ay ku jiraan dabaqa 7aad ee Hoteelka. In ka badan 50 qof la soo badbaadiyey kuwaas oo qoyskooda is heleen, dadkaasi ayaa goobta qaraxa ku xayirnaa in ka badan 10 saac. Dad la soo badbaadiyey ayaa hoos galay kuwaas, miisaska iyo qaar musqulaha ku dhuuntay. In ka badan laba iyo toban saacadood kaddib, waxaa weli la maqlayaa dhawaqa rasaas iyo qaraxyo walow dowladda Kenya ay sheegaytay in ciidamadeeda ammaanka ay dib ula wareegeen gacan ku haynta goobtaasi. Ururka Islaamiga ah ee Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ayaa sheegtay inuu ka dambeeyay weerrarka. Wararkan kala soco halkan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar shalay gelinkii dambe ka dhacay Hotelka Dusir2 ee xaafadda Westland ee magaalada Nairobi, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa. Weerarkii ka dhacay hotelka ku yaala xaafadda Westland ayaa la sheegay in dad Soomaaliyeed ay ku jireen dadkii ku dhintay weerarka, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyay labo ruux oo Soomaali ah. Warar la helayo ayaa waxa ay sheegayaan inay weerarkaas ku geeriyoodeen laba Nin oo Soomaali ah ah oo wada dhashay, kuwaas oo Magacyacdooda lagu sheegay Feysal Daahir iyo Cabdalla Daahir. Inkasta oo dowladda Kenya ay sheegtay in laamaha ammaanka ay la wareegeen dhismaha la weeraray ayaa haddana waxaa goobta laga maqlaya dhawaaqa qaraxyo iyo rasaas. Kenya ayaa sheegtay in weerarkaasi ay ku dhinteen 15 ruux oo 11 kamid ah ay Kenyan yihiin, laakiin Al Shabaab waxay sheegeen inay ku dileen 50 ruux. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weeraro xoogan oo Al Shabaab xalay ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka koowaad ayaa waxaa Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Buulofoolyo oo hoosta degmada Afgooye ee gobolkaasi. Sidoo kale Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa weeraray saldhigyo kale oo ay Ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin deegaanada Arbacow iyo Calamada ee duleedka M/ Muqdisho. Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay weeraradaasi oo ahaa kuwa is xig xigay. Illaa iyo haddana ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weeraradaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona Ciidamada dowladdu ay howlgallo ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo xalay weeraro ka fuliyay gobolka Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay weerarkii xooganaa ee lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Falkan argagaxiso ee daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee argagaxisada. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada. Halkan hoose ka Akhriso:- The post DFS Oo cambaaraysay weerarkii M/ Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed ayaa la filayaa in maanta lagu qabto magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Qaban qaabada munaasabaddan ayaa saaka si aad ah looga dareemaya gudaha magaaladaasi. Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare ee BFS ayaa ku sugan Baydhabo, kuwaas ka qeyb galaya xafladdaasi. Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan wafuud ka kala socda madaxda maamul goboleedyada oo ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweyne Lafta Gareen. Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona Ciidamo dheeraad ah lagu arkayo xaafado ka tirsan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dhawaan ayey aheyd markii doorasho madaxweyne ay ka dhacday Koonfur Galbeed, taas oo uu ku soo baxay madaxweyne C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) The post Lafta Gareen Oo maanta lagu caleema saarayo Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-16012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, ahna xildhibaan, Cabdirisaaq Cumar Maxamed aya sheegay in qof aan haysan diinta Islaamka ah oo loo dhiibo guddoomiyaha Bankiga Dhexe ay ka hor-imaneyso qodob dastuuri ah. Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter, ayuu xildhibaan Cabdirisaaq ku sheegay in qodobka 2-aad, faraciisa koowaad ee dastuurka dalka uu dhigayo in diinta Islaamka ay tahay diinta waddanka. Sidaas darteed, buu yiri, Xukuumadda federaalka waxa ay haysataa laba ikhtiyaar oo kaliya, si aan qodobkaas loo burin. “1 – Si Nigel Roberts uu u nodo guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxaa dowladda u furan inay bedesho qodobkaas dastuuriga ah oo uu Roberts ku dhaarto kitaabka bible-ka. 2- In uu qaato diinta Islaamka, oo uu ku dhaarto kitaabka qu’raanka kariimka ah”. Article 2 (1) Islam is the religion of the State.The FGS has only one option change the above article to accommodate Nigel Roberts take the Governor of central bank job and take the oath in the Bible. 2nd option 4 Nigel is to convert to Islam and take the oath in the Quran — Abdirizak Mohamed MP (@AbdirizakOm) January 15, 2019 Inkasta oo warbaahinta Soomaalida ay aad u hadal hayaan in guddoomiyaha bankiga dhexe loo magacaabayo Nigel Roberts, oo British ah, haddana xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in weli shaqsigaas aan go’aan laga gaarin, balse uu noqo doono qof ajnabi ah. Baarlamanka Soomaaliya ayaa shalay ansixiyey sharci ogolaanaya in maamulka Bankiga dhexe ay ka mid noqon karaan dad aan Soomaali ahayn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar Al Shabaab ay ka geysteen hotel ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairobi, kaasi oo ay sheegeen inay ku dileen ku dhawaad 50 ruux. Weerarka ayaa dowladda Kenya waxay sheegtay in lagu dilay 15 ruux, iyadoo Al Shabaab ay sheegteen inay ku dileen ku dhawaad 50 ruux oo ku sugnaa gudaha hotelka ay weerareen. KU dhawaad 150 ruux ayaa la arkayay oo ku sugnaa gudaha hotelka oo raadinaya meel ay ku baxsadaan, waxaana badankood ay ku baxsadeen wiishahka Hotelka, halka qaarkoodna ay ka carareen goobta. Dadka dhintay ee dowadda ay shaacisay ayaa ka koobnaa 15 ruux, waxaana ay kala ahaayeen 11 Kenyan ah, hal American ah iyo ruux British ah, laakiin dadka kale lama xaqiijin wadamada ay u dhasheen. Dowladda Mareykanka waxay xaqiijisay in ruux kamid ah muwaadiniintooda uu ku jiray dadka weerarka ku dhintay, “Waxaan xaqiijineynaa in muwaadin American ah uu ku jiray dadka dhintay”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Waaxda arimaha dibada Mareykanka. Al Shabaab ayaa weeraro dhimasho geystay ka fuliyay xarunta Ganacsiga West gate iyo jaamacadda Gaariga oo ay ku dileen 150 ruux, waxaana weerarkaan uu kamid noqonayaa weerarada ay ka geystaan gudaha dalka Kenya. Dowladdo badan ayaa cambaareeyay weerarka Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa ee ka dhacay hotelka ku yaala xaafadda Westland ee magaalada Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay 14 maalin kadib xog ka bixiyay sababtii dalka loog eryay Nicholas Haysom. Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa dalka laga ceyriyay kadib markii lagu eedeeyay inuu faragelin ku sameeyay arimaha gudaha Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in magacaabistii Haysom ay kusoo aaday iyadoo uu jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, islamarkaana ay kaga digeen inuu faraha la galo siyaasadda arimaha gudaha Soomaliya. ” Ergayga Qaramada Midoobay markii lasoo magacaabay oo noo yimid waxaan u sheegnay in Soomaalida ay dhaxdooda heshiinayaan intay doonto haku qaadatee, waxaan kale u sharaxnay in aysan raali ka aheyn in lasoo faragaliyo” “Inkastoo Maamul goboleedyadu qabeen in dhinac sadexaad soo galo anaguna mar walbo ku diidaneyn, waayo waxaan ogahay intay rabto ha qaadato hadaan Soomaali nahay xalka anaguu nagu jiraa anagaana heshiineyna cid damaanad noo kala saxiixeysana malahan, Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa sheegay in aad uga caroodeen hadal uu magaalada Baydhabo ka jeediyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom , waxa uuna sheegay hadalkaasi in uu ahaa mid sii xoojineysay kala qeybsanaantii jirtay. ”Baydhabo safar mar uu ku tagay waxa uu yiri, Muqdisho Soomaaliya maahan, Soomaaliyana Muqdisho maaha, arintaas arin aan ka caroonay ayey aheyd oon wanaagsaneyn siina xoojineysa kala qeybsanaanta iyo farqiga u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada,, Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimadaa@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed ka Soo soo Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyay weerarii lala beegsaday DusitD2 hotel ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. “Falkan aad u daran ee lala beegsaday sida caadada ah dad rayid ah waxa uu daaha ka qaadayaa mar kale wejiga xun ee waxa loogu yeero argagaxisada ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Kenya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@ive.com