-
Content Count
207,264 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wadanku wuxuu kasoo baxay Doorashadii ugu xumayd ugu xannafta badnayd oo wadankii qabyaalad baas cabsiiyey tiiyoo wadanku xilligii Xukuumaddii uu ka Xanuunsaday madaxweyne Siilaanyo dantii guud la HALALOOBIYEY ON DAMBIGA LA WADA SAARAY MARWADII MADAXWEYNAHA Oo HANTI BADAN QAADATAY. Dhibtaasi Dhaqaale xumo IYO sicir barar bay wadanka gelisay oo weli sicir barakii halkiisii taaganyey inkastoo Xukuumadda Muse Biixi ay iska caabbi Sicir barar ku dhaqaaqday Haamihii soo xero gelisay Boobkii wasiiradii waraabayaasha ahaana WADA caydhisay iyo Madaxtooyadii oo uu Muse ku soo dabaalay (better behave)hadana illaa Maanta Siyaasaddii qabyaaladda Huwanayd sideedii bay u shaqaysaaa oo siyaasad Distoorxumo ku jirto ayaa socota oo dhaqaalaha hoos u sii socda marka ay taagantay Muran Siyaasadeed oo ahayd inuu ku dhiirado Madaxweyne Muse oo tanaasul xaggiisa ka yimaado Faysalna Ceebihiiisa iyo dusduskiisa ummad isku garaaciisa dhinac isaga duwo. Muse Biixi hadduu arintaa doorashooyinka tanaasul degdega ka samayn waayo oo marxaladdan uu wadanku ku jiro ka saari waayo weligii lagama fili doono inuu ummadda isu soo dhoweeyo Dhaqaale xumada iyo Xukuumad aan niyad loo haynina way sii kordhaysaa (investment) wadanka la gelin lahaa wuu sii yaraanayaa markay siyaasaddii wadanka ka bixi la day ROLA-COSTA iyo baaxaadeg aan dawladdu wax taasula ummmadda u samaynayn. Madaxweyne haddaad Siyaasaddii dawladdu dib u eegto waa lagu riix iyo jujuub miidhan tan iyo Gudoomiye nimadaadii, Murashaxnimadaadii, Doorashadii haddaad kursigii aad ku ordaysay badhidii saartay meel kaloo lagugu riixaa may hadhin oon xabaal ahayni markaa haddaad wadanka buuqa ka saarin maanta oo aad wadani uga taasulin arinkan komishanka doorashooyinka weligaa wax tanaasula ma samaynayn doontid oo danbe srinkaaguna quus buu tegayaa Buuqani siyaasiga ahi dhaqaalaha wadanka wuu curyaaminayaa adaana ka saari kara. Inta Faysal Madaxtooyada ku jirana horuumar inaga dheer waayo waa muqaribka koobaad ee wadanka . Talooyinka ama qaado ama ha qaadan ummaddu we akhriyaysaa maalin walba. Ummaddu waa sabool indha fiiq fiiqan waa ku soo aragtay Bari iyo Galbeed iyo (in between) CAWRIDOODA ISKA ILLAALI. MORE BASHE mohamedbashe3322@gmail.com Source
-
Dibadbaxayaal ka soo jeeda Maamul-gobaleedka Cafarta ee Itoobiya ayaa toddobaadkan xidhay Waddada halbawlaha ah ee isku xidha Ethiopia iyo Jabuuti,. Jidkan ayaa ah jidka ugu weyn ee ay maraan badeecadaha ka soo dega ama laga dhoofinayo Djibouti ee ay Itoobiya leedahay. Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba ayaa qoray inay Dibadbaxayaasha Cafarta codsanayaan in la soo af-jaro waxa ay ku sheegeen shilal rabshado wata oo ay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanadooda kuwaas oo ay ku eedaynayaan qoomiyada Soomaalida. Dibadbaxayaasha waxay sheegteen in rabshadahaasi lagu dilay dad badan oo Cafar ah, isla markaana hanti badan la burburiyey. Wargeyskan ayaa soo bandhigay sawiro laga soo qaaday dadkaas gadoodsan oo xidhay jidkaas. Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa iyaduna shalay baahisay kacdoonka cafarta iyo sida ay u jareen jidkaas halbawlaha ah. Waxa jira kacdoon qoomiyadaha ah oo ka socda Itoobiya, kaas oo saamayn ku yeeshay ammaanka guud ee Itoobiya. Kacdoonadan ayaa sidoo kale waxay caqabad ku noqdeen isbedeladii uu waday raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaana isa soo taraya iska horimaadyada ka socda gudaha Itoobiya. Source Geeska Qaran News
-
Somaliland intii aan garanayoba waxa cambaar iyo wax siyaasada la isaga saaro noqotay xamar buu u socdaa, xamar baa ka dambaysa , Somalia ayuu doonayaa iyo somalia ayaa ka dambaysa. Kama korno oo kama ilbaxno in maalinba dadkeena la inoo kala calaamadiyo oo qaybi ina tidhaahdo qaybtaa kale iska eega iyo meel kale ayaa wax loo wadaa . Haddaba Somaliland waa lawada leeyahay dhib baa loo soo wada maray waa loo soo wada dhintay waa ayo cida xamar dooneysa ee laga xigsanayaa qarankani ? !! Waxa wax lala yaabo ah oo umadan la rabo in lagu kala fogeeyo in wax aan waxba ka jirin oo dadka kala qaybinaysa lala soo istaago fagaarayaasha iyada oo dano siyaasiya laga leeyahay. Waxa aynu ognahay in dib ula soo noqoshada qaramida Somaliland ku yimid oo ku taagan yahay masiirka umada ee aanu shaqsiyaad iyo inta siyaasada ku jirta midkoodna badeli karin kuna kici karin wax ku lidi ah rabitaanka shacabka. Marka aynu intaa isla garanayno oo Somaliland oo 27 sano jirtey in aan jeeb siyaasi la gashan karin cidina xamar ina geyn karin aynu garanayno, maxaa caqligeena loo caayayaa oo wax aan waxba ka jirin loo buunbuuniyaa ? Hore ayaa umadan damac siyaasiyiin la isugu diley iyo talo in koobani isku eryanayso oo waxii ina soo kala maray la ogaa , ee maxaa marwalba arinkan soo celcelinaya haddaba waa yaabe !!! XEELAD KALE WEEYOO XAMAR BAA KA DAMBAYSA !!! Xumaanta kii ka dhiidhiyaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqul qalinka kii diidaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xulafada cidii aan aheyni Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqa cidii ku adintaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xisaabtan cidii iila timaadaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xog cidii soo heshaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqdarada cidii ka hadashaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaga loo socda kii isweydiiya Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source
-
(SLT-Nairobi)Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo saaka la hadlay shacabkiisa ayaa sheegay in lasoo afjaray hawlgalkii shalay gelinkii danbe bilowday kadib markii koox hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galeen Hotelka DusitD2 oo kamid kuwa ugu waaweyn ee magaalada Nairobi ku yaal. Khasaaraha ayaa illaa iyo hada la sheegayaa in tirada dhimashada gaareyso 15 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan Ajaanib u dhalatay dalalka Maraykanka iyo UK, waxaan weli la ogeyn tirada rasmiga ah ee dableyd gudaha u galay hotelka ee halkaasi ka dagaalamayey 12kii saac ee lasoo dhaafay.Booliiska Kenya ayaa horey u sheegay in kooxda weerarka fulisay ay gaadhayeen 4 illaa 6 qof . Ciidamada amniga qeybahooda kala duwan ayaa weli ku sugan nawaaxiga Hotelka, iyadoo aan weli la aqoon in weli uu halkaasi baaritaanka ka socdo. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dowladiisa aysan ka hari doonin kooxaha soo abaabulay, maalgeliyey iyo kuwii fuliyey weerarkan. Kooxda Al Shabaab ayaa iyadu isla shalay sheegatay inay weerarkan ka danbeyso. Dad gaaraya 700 qof ayaa nolol lagu soo badbaadiyey sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Kenya, dadkaasi ayaa kamid ahaa kuwii ka shaqeenayey xafiisyada goobtaasi kuyaal iyo kuwii degenaa Hotelka Dusit. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii dhimashada lahaa ee kooxda al-Shabaab ay ku qaaday dhisme hotel iyo xafiisyo oo ku yaalla magaalada Nairobi ayaa soo geba-geboobay. Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in 14 oo shacab ah lagu dilay weerarkan lagu qaaday dhismaha DusitD2, halka Al-Shabaab ay sheegtay in dhimashada ay tahay 50 qof. Dadka dhintay waxaa ka mid ah dad Mareykan iyo British ah iyo ajaaniib kale, oo qaarkood ahaa dalxiisayaal. Hotelka DusitD2 iyo dukaamada ayaa ku dhex-yaalla dhismaha la weeraray ayaa ah goob caan ah oo ay ka adeegtaan dadka dalxiisayaasha ah ee ka yimaada, Mareykanka, Yurub iyo India. Kaamirooyinka amniga ayaa laga arkay afar nin oo hubeysan oo hotelka-galaya. Halkan ka daawo muuqaal laga duubay kooxda weerarka fulisay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
(SLT-London) Raysalwasaaraha Ingiriiska , Theresa May ayaa xalay guuldaro siyaasadeed oo weyn la kulantay kadib markii Baarlamaanka Ingiriiska uu cod aqlabiyad ah ku diiday heshiiskii ay soo diyaarineysay 2dii sano ee lasoo dhaafay ee Brexit, wuxuuna xisbiga Mucaaridka soo gudbiyey in maanta xukuumadeeda loo qaado codka kalsoonida. Dhamaadkii sanadkii hore ayaa lagu waday in Baarlamaanka ingiriiska codka u qaado heshiiska Brexit ee wadada u xaaraya in dalkaasi ka baxo Midowga Yurub, heshiiskaasi oo ay Ms.May gorgortan badan kula soo gashay dalalka EU-da ayey dib u dhigtay inay horgeyso Baarlamaanka, balse codkii xalay loo qaaday ayey 202 xildhibaan oo kaliya taageereen heshiiskaasi halka ay diideen 432 xildhibaan oo ay ku jiraan qaar kamid ah xisbigeeda Conservative party. Hadii ay Ms.May ku guuleysan weydo codka kalsoonida ee maanta loo qaadayo ayaa keeni karta in la qabto doorasho cusub, balse waxaa la rumeysan yahay in qaar kamid ah xisbigeeda ee xalay ka codeeyey ay siin doonaan codka kalsoonida, arrintaasi oo badbaadin karta Theresa May inay xilka sii heyso. Hogaamiyaha Mucaaridka Jeremy Corbyn (Labour Party) oo soo gudbiyey mooshinka xil ka qaadista Theresa May In badan oo kamid xisbi xaakimka May ee kasoo horjeeda qorshaheeda ayaa dhanka kale diidan in la qabto doorasho guud oo ay awooda kula wareegi karaan xisbiga Mucaaridka ah ee Labour Party. Xiisada Brexit ayaa dhinaca kale saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo maalgashiga dalkaasi, waxaana si weyn hoos ugu dhacday qiimaha lacagta wadankaasi. Source
-
DADWAYNOOW KA GARNAQA IDINKU: XAAJADA MURUGSAN EE XISBIYADA SOMALILAND ISKU HAYAAN WAA SIDAN….. Waxaad moodaa in Somaliland loo qadimay siyaasad-wanaagii iyo kala dambayntii. Waxaad moodaa in labadaa qodob (Siyaadad-Wanaagii iyo Kala-dambayntii) meesha ay ka saareen: Tabashooyin iyo Mindi-mindi ku taag. Waxaad la yaabaysaa oon hore u dhici jirin in maslaxada umada, sida wax ka qabashada sixirbararka, oo degdeg waxlooga qaban jiray, inaanay cidiba hadhka uga kacayn! Waxaad la yaabaysaa isu jawaabid ka dhaxaysa laba shaqsi oo hadana heer qaran laga dhigayo. Waxaad la yaabaysaa kuwii dalka ugu sareeyay ood moodo inay meel kasaraysa halkaa ay doonayaan. Isku soo duuboo, murankan siyaasadeed ee hada taagani maaha sida ay wax u muuqdaan. Sadexda Xisbi Qaran waxay isku hayaan laba qodob oo hore aan laysugu qaban sida manta laysugu hayo. Qodobka 1-aad waa Komishanka oo xisbiga Wadani leeyay hala kala diro isagoo go’aankaas ku salaynaya: komishankii Buugtiisa Ilaashan kari waayay, ee Dafiray, hadana Gudoomiyahoodii Qirtay inuu Buugoodii yahay dee adeer iima qaban karo doorasho xalaala. Xisbiga Kulmiyena wuxuu leeyay: Bini’aadamka qalad wuu ka dhacaaye, Buugaa yar mooyee, wallee cimrigoodjir, waa Gudi ku haboon inay inoo qabtaan doorashooyin kale! Xisbiga UCID-na wuxuu taagan yahay: walaalayaal hadii 4% aydin markii hore isiiseen, doorkan hadan kulmiye ku raaco inaydin sii joogtaan, ma isiinaysaan inta wadani oo ah 49%, Wadanina ma siinaysaan 4% ? iyo Haa….Nacam bil-le! Qodobka 2-aad ama Xaajada kale, ee waxanba ka adag, ee Xisbiga Wadani wataa waxa weeye in Beelaha aan Isaaqa ahayni inay SAAMIGOODII HELAAN, isla markaana Saami-qaybsi cadaalad ku dhisan la sameeyo ka hor doorashada 2019-ka. Xisbiga Kulmiyena wuxuu taagan yahay: Inta Reer Sheekh Isaxaaq ay qayb libaax Somaliland hogaankeeda haystaan ayay Somaliland jiraysaa. Hadiiba Saamiqaybsi yimaado, Somaliland-na kala jajabtay! Xisbiga UCID-na wuxuu taagan yahay, Kulmiyoow ma Afkaygaad kala baxday midhkaas !!!!!!!!!!!! Shaqsi uma jawaabo, Afxumana umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal! SANWAA CUMAR YARE Freelance Political Commentator Email Address: politicianbynature@outlook.com Qaran News
-
(SLT-Washington) Dowladda Mareykanka iyo Golaha Qamarada Midoobay ayaa si kulul u canbareeyay weerarka ka socda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa muujiyay in ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Kenya. Sidoo kale war ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu kala shaqeynayo Kenya sidii looga caawin lahaa amniga iyo xaqiijinta iyo ay jiraan muwaadiniin Mareykan ah oo waxyeelo soo gaartay iyo in kale. Waxaa sii kordhaya khasaarihii ka dhashey weerarkii ka dhacay Hotel Dusit2 ee xaafadda Wesland ee Nairobi,kadib markii kooxo hubaysan ay qaraxyo iyo rasaas ay ku weerareen halkaasi,balse ciidamada ammaanka ayaa dad badan ka badbaadiyay weerarkaasi. Dadka dhaawacyada qaba ayaa lagu dabiibayaa isbitaalada kuyaala magaalada Nairoobi,kuwaasi oo isugu jira Kenyan iyo dad kale oo ajaanib ah oo ku sugnaa hotelka weerarka uu ka socda iyo ag agaarkiisa. Source
-
Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa gaaray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ah. Ulajeedka madaxweynaha u tagay magaaladaasi ayaa ah ka qeybgalka caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka K/galbeed C/casiis Lafta Gareen. Sidoo kale, Baydhabo waxaa ku sugan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ah guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo goor dhow ay munaasabadda caleema saarka bilaabatay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoonka kubada cagta qoobdooro ee degmada Kaaran oo kamid ah garoomada caanka ah ee ku yalaa Gobolka Banaadir ayaa 15 bishan waxaan dhagax dhigay maamulka Gobolka Banaadir waxaana la sheegay in dhawaan loo dhisidoono qaab-casri ah si loogu faa’ideeyo dhalinyarada iyo shacabka degmada Kaaraan oo aad u xiisaya tartamadda kubbadda cagta gudaha. Cabdifitaax Nuur Cali oo ah gudoomiyaha degmada Kaaraan ayaa u mahad celiyay maamulka Gobolka Banaadir sida ay dhagaxdhigeena garoonkan oo furo u noqondoono is-dhaxgalka bulshada iyo bilicda degmada uu maamulka ka yahay. “Waa bilaw fiican in degmo ka mid ah Gobolka Banaadir ay hesho garoonka lagu ciyaaro kubbadda cagta waana wax kaliya ee lagu horomarin karo tartamadda ay qabtaan xirirka kubbadda cagta iyo maamulka isboortiga Gbolka anigoo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waan u mahad celinaynaa cidwalbo ka qeyb qaadatay arintan waxaa sidaas warbaahinta u sheegay Cabdiqani Saciid Carab oo ah gudoomiyaha xiriirka kubbadda cagta dalka. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqan caasimada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (EngYariisow) ayaa sheegay dhagax dhiga garoonka kubbadda cagta qoobdoore ee degmada Kaaraan oo ku yimid wadatashi ay la yeesheen maamulka iyo shacabka degmada . Degmada Kaaraan markii loo eego ka qeebgalka tartanka sanadlaha ee kubbadda cagta degmooyinka Gobolka Banaadir sida laga soo xigtay xafiiska maamulka ciyaaraha Gobolka waa kooxda ugu taageeraha badan hadii ay heelaan garoonka waxa uu ka saacidoonaan waxyaalo badan oo guula u horseedi kara mustaqbalka sidoo kalane wuxuu faa’ido yahay kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan dalka. Source: goobjoog.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo,si ay uga qeybgalaan Caleema saarka Madaxweyaha K/Galbeed. Waxaa ku so dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaaladaasi Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo qeybaha kaladuwan ee bulshada magaaladaasi. Wafdiga ayaa loo galbiyay goobta ay ka dhacayso munaasabadda caleema saarka madaxweyne C/casiis Maxamed Xasan Laftagareen,halkaasi oo ay ku sugan yihiin guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyo madax kale. Amaanka magaalada Baydhabo ayaa siweyn loo adkeeyey,inta ay socoto munaasabadda caleema saarka,iyadoo la arkayay ciidamada amniga dowladda oo ku guda jira gudashada waajibaadkoodi oo la xiriira xaqiijinta amniga. The post Madaxweyne Farmaajo Oo gaaray magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay in lasoo gabo gabeeyay weerarkii Al Shabaab ay ka geysteen xaafadda Westland ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Weerarkaasi ayaa dowladda Kenya waxay xaqiijisay in ku dhinteen ku dhawaad 18 ruux, waxaana wasiirka arimaha gudaha Kenya uu shaaciyay in weerarkaasi gabi ahaanba lasoo afjaray. Wasiirka Amniga Gudaha Fred Matiangi’i oo ay garab taagan yihiin Madaxa hay’adda Bisha Cas Kenya Cabbas Gulet iyo saraakiisha booliska ayaa shir jaraa’id ku qabtay albaabka DuSit D2, iyaga oo shaaciyay in howlgalka uu soo idlaaday. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan khasaaraha guud, kadibna ay warbaahinta la wadaagi doonaan waxyeelada ka dhalatay weerarka. AL Shabaab oo shalay sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa sheegay in ku dhawaad 47 ruux ay ku dileen weerarkaasi oo ku bilow gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa. Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaasi uu muujiyay sida ay kaga adkaadeen ciidamada kala duwan ee dowladda Kenya. Madaxweyne Kenyatta oo dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in weerarkaasi ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada, isaga oo ugu baaqay shacabka Kenya inay isku duubnaadaan. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live,com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu ka qeeybgalaya caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta Gareen. Amaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa magaaladaasi ciidamo aad u hubeeysan. Sidoo kale waxaa halkaasi gaaray gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Dhinaca kale waxaa halkaasi gaaray xubno katirsan madaxda maamul goboleedyada. Xaflada caleemasaarka madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa ka dhaceeysa maanta Baydhabo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa soo gabagabeeyay gabi ahaan weerarkii xooganaa ee shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotel DusitD2 oo ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaasi. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo la hadlay Warbaahinta ayaa shaaciyay in la soo afjaray weerarkan, islamarkaana la toogtay dhammaan Raggii soo qaaday. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dad gaaraya 14 Qof ay ku dhinteen dhacdadaasi, kuna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah labo muwaadin oo u kala dhashay dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska, kuwaas oo ku sugnaa dhismaha la weeraray. Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan oo ku bilowday qaraxyo, waxaana ay tilmaameen in ay ku dileen illaa 47 Qof, sida ay hadalka u dhigeen. The post Kenya Oo shaacisay in la soo afjaray Weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay dagaal wuxuu ku dhexmaray Galbeedka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose. Al-shabaab ayaa la sheegay in abbaare 12-kii saq dhexe ee xalay ay weerar xooggan kusoo qaadeen fariisin ciidanka DFS ku lahaayeen halkaasi. Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkaasi, hase ahaatee inta uu la egyahay lama oga. Maanta waxaa deggan guud ahaan xaaladda degmada Afgooye, iyadoo ciidanka DFS ay wadaan howlgallo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-WARIYAHA-AFGOOYE-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
President Uhuru Kenyatta, on Wednesday, released a statement after suspected Al-Shabaab militants attacked Dusit D2 complex in Riverside, Nairobi. In the report, President Uhuru declared that the country would track down all the perpetrators of the attack and ensure justice is served. “We will seek out every person that was involved in planning, funding, and execution of this attack. We are on highest alert and we shall remain so,” he stated. He further sent out his condolences to the families of all those who were affected by the heinous act. “I must also state, that we are also a nation that never forgets those who heart our children he stated,” he stated. Uhuru commended all the fighting teams who helped neutralise the attack declaring that the country was ready to take any threat head-on as well as a return to work. In his address, Uhuru confirmed that more than 700 victims were evacuated to safety during the attack that lasted more than 16 hours. “The Operational priority of the security services was first and foremost to safeguard civilian life. They acted swiftly to contain the attackers and methodically evacuate those whose lives were at risk,” he continued. He commended Kenyans for showing unity and strength during the trying times while urging them to report any suspicious person or activity to the police. He further called on all leaders to speak out during the pursuance of the terrorist groups promising that they would offer the perpetrators no relief. “We will allow no one to derail our progress.” he declared. Uhuru also confirmed that 14 people were killed but all the attackers were eliminated. The post President Uhuru Releases Statement on 14 Riverside Drive Attack appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata oo goor dhawayd shir jaraaid ku qabtay magaaladda Nayroobi ayaa faah-faahin ka bixiyey weerarkii kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hotel ku yaal magaaladaas, wuxuuna Kenyata sheegay in lasoo afjaray kooxdii gudaha u gashay dhismaha 14 Riverside Dusit complex oo ku yaal degaanka Westlands ee magaalada Nayroobi. Mr. Kenyata wuxuu xaqiijiyey in dhamaan dagaalyahanadii la laayey, isla markaana dhismahaas laga saaray in ka badan 700 oo qof oo ku sugnaa halkaas, ayna weerarkaas ku geeriyoodeen 14 qof oo rayida. “Hawlgalkii amniga ee Dusit wuu dhammaaday, argagixisadiina waa la tirtiray. Xilligan la joogo, waxaan xaqiijinaynaa in 14 qof oo aan waxba galabsan lagu waayay gacmaha argagixisada, halka ay qaar kalena dhaawac yihiin” ayuu yiri Madaxweyne Kenyata. Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay ku raad joogaan dhammaan kuwii ku lugta lahaa weerarkan, hadii ay ahaan lahaayeen kuwii maalgeliyey ama fududeeyey. “Waxaan raadin doonaa qof kasta oo ku lug lahaa maalgelinta, qorsheynta iyo fulinta ficilkan naxdinta leh, kamana daali doono inaan meel kasta oo ay joogaan ugu tagno tan iyo inta si dhaba loola xisaabtami doono” ayuu yiri Kenyata. Dalka Kenya waxaa maanta laga dareemayaa baroordiiqda loo samaynaayo dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay weerarka ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen Hotelka ku yaala magaalada Nayroobi. PUNTLAND POST The post Uhuru Kenyata: Waa lasoo afjaray argagixisadii, waxaana geeriyooday 14 qof appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya ayaa goordhow xaqiijiyey in la soo afjaray howl-galkii ay ciidamada ka sameeyeey hotelka ay Al-shabaab weerareen ee Dusit complex. Mr. Uhuru waxaa uu intaasi ku daray in 14 qof ay ku dhinteen halka qaar kale uu dhaawac ka soo gaaray intii uu dagaalka socday. In ka badan 50 qof la soo badbaadiyey kuwaas oo qoyskooda is heleen, dadkaasi ayaa goobta qaraxa ku xayirnaa in ka badan 10 saac. Dad la soo badbaadiyey ayaa hoos galay kuwaas, miisaska iyo qaar musqulaha ku dhuuntay. Goobjoog News Source: goobjoog.com