Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,260
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Muqdisho)Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalkaasi Soomaaliya Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay General Esa pulkkinen oo ah Madaxa EUTM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya. Sgaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ujeedka uu u yimid general Esa pulkkinen Soomaaliya ay tahay waxqabadka Midowga Yurub ee Soomaaliya ka wado inuu ogaado Maadama Mudo labo sano ah lagu kordhiyay howlgalka Midowga yurub ee Soomaaliya. Taliyaha ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Soomaaliya. Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u mahadceliyay tababarada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Source
  2. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo himilooyinka ay ka sugayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadeeynta. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ku boorriyey in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si loo gaaro himilada Dowlad Goboleedka iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed. Xafladda caleemasaarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Madaxweyne Farmaajo oo caawa ku hoyanaya magaalada Baydhabo ayaa kulamo xog wareysi iyo wadatashi ah la yeelan doona madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si uu ugu kuur galo xaaladda nolaleed iyo midda amni ee deegaannadaas. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Madaxweynaha JFS Oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cusub Ee Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Shacabka Reer Hargeysa Sidee Ayay U Arkaan Muranka Dhinaca Dhalashada Ah Ee Fannaanada Nimco Yaasiin, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo himilooyinka ay ka sugayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadeeynta. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ku boorriyey in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si loo gaaro himilada Dowlad Goboleedka iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed. Xafladda caleemasaarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Madaxweyne Farmaajo oo caawa u hoyanaya magaalada Baydhabo ayaa kulamo xog wareysi iyo wadatashi ah la yeelan doona madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si uu ugu kuur galo xaaladda nolaleed iyo midda amni ee deegaannadaas. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Baydhabo uga qeeybgalay Caleema saarka Lafta Gareen appeared first on Puntland Post.
  5. Wasaarada Warfaafinta Puntland ayaa amartay inuusan Garowe shir ku qabsan karin Cumar Faaruq Cismaan oo sheegta inuu yahay sheegta in uu yahay xoghaya Ururka suxufiyiinta [...] Source
  6. Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa ku war-gelisay suxufiga lagu magacaabo Cumar Faaruuq Cismaan in uusan wax shir ah ama tababar ah ku qaban karin magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda oo uu ku saxiixanyahay Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) wasiirka wasaaraddaasi ayaa lagu sheegay in Cumar Faaruuq uusan ogolaansho ka haysan dowladda Puntland sidaasi darteedna qaban karin wax shir ama tababar ah. Mudane Faaruuq oo sheegta in uu yahay xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSEJ ayaa shalay soo gaaray magaalada Garoowe waxaana maanta sawirradiisa lagu arkay Facebook-ga isaga oo Garoowe la fadhiya dhowr qof oo saaxiibadiis lagu sheegay. PUNTLAND POST The post Puntland: Cumar Faaruuq oo laga mamnuucay in uu shirar ku qabto Garoowe appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid gaari, waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Banaadir iyo Hotel-ka Karmel. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga oo ahaa nooca loo yaqano Qooqanta uu qarxay xilli uu wadada socday, haseeshee aanay weli caddeyn in uu ku xirnaa qaraxa iyo in waddada loogu aasay. Qaraxa kadib ayaa gaariga waxa ka kacay dab xooggan kaa soo uuradiisa laga dareemay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir. Macada cidda saarneyd gaarigaas iyo khasaaraha ka dhashay, haseeshee waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha amaanka Dalka Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay cidda lala bartilmaameedsanayay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Dusit ee Magaalada Nairobi. Mawira Mungania, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Gaarka ah ee Kenya ayaa sheegay in beegsiga weerarkaas uu ahaa shir ay dowladda Mareykanka soo qaban qaabisay oo lagu waday in uu ka dhaco Hotelka. Mawira Mungania ayaa sheegay in shirkaasi daqiiqadihii ugu dambeeyay ee weerarka ka hor laga beddelay hotelka Dusit, islamarkaana loo wareejiyay meel kale. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Ragga Hotelka weerarka ku qaaday ay u suuragali weysay in ay tagaan hoolka shirka lagu qaban lahaa kaddibna ay isku qarxiyeen banaanka inta kalena ay dhismayaal kale ka dhexdagaallameen. Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in weerarkaas la soo afjaray saaka,waxaa uu sheegay in 14 Qof ay ku dhinteen,Raggii weerarka geystayna la dilay. Waxaa uu Mr Kenyatta sheegay in dowladda Kenya ay billaabeyso howlgal ka dhanka ah kuwa weerarkaas ka dambeeyay, ciddii fududeysay,kuwa maalgeliyay iyo cidkasta oo uu raad galo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  9. Ka waran haddii shirkada Apple ee dalka Maraykan laga leeyahay warashadaha ay telephoonada iyo electronics ku samayso ay dowladda kale burburiso ama ka warran haddii Shirkadda Safricom ee dalka Kenya laga leeyahay ay Ciidmada Tanzania burburiyaan? Maxaa dhici lahaa?! Adduunka mar kale laga tago hay’adaha dowliga ah waxaa ugu qaalisan shirkadaha waaweyn ee dadbadan shaqaalaysiiya, dhaqaala badana lagu canshuuro; Waana waajib qaran in la ilaaliyo. Hadda, dalka Shiinaha iyo Canada meel xun ayay kakala maraysaa, kadib markii ay Kanada xirtay gabadha qaybta Maaliyadda ee Shirkada Huawei madaxda ka ah (chief finance officer) isbuucyo ka hor; Maanta dowladda Shiinaha nin Kanada u dhashay ayay dil ku xukuntay ayada oo ku xumaynaysa kanada. Shalay Ciidamada Kenya waxay burburiyeen biraha warlaliska ee Shirkada Hormuud Telecom meel u dhow Degmada Afmadow ee Jubbada Hoose. Sidoo kale, waxy jirdh dil ku sameeyeen xubin katirsan shaqalaaha shirkada ee halkaas joogay. Ilaa hadda mamaqashay wasaaradihii ay khusaysay ee arimaha gudaha iyo arimaha dibadda ama madaxdii sare ee dalka oo ka hadlaysa? Miyaad maqashay guutooyinka wadaniyiinta ee laga howlgaliyo baraha bulshda oo arintan ka hadlaya? Miyaad maqashay wasiirada iyo kuxigeenada aad baraha bulshda wax ugu qora oo ka hadlaya? Maanta dalkeena (Soomaaliya) asaga 30sano dowlad la’aan ahaa ayaa haddana wuxuu ka fiicanyahay wadamo badan oo African ah dhinica isgaarsiinta iyo Internetka. Waxaa tusaale fiican kuu ah Itoobiya iyo Djaboutiga aan dariska nahay. In aad Internet fiican iyo telephone raqiis ah haysatid waxaa kuu suurta galiyay shirkado Soomaaliyeed oo xilli ninkasta lacagtiisa kala cabsanayay dalkan khatar u bareeray maanta guul kagaaray. Kumanaan qof ayaa maanta shirkada Hormuud u shaqaysaa, waxay noo suurtagalisay in aan aduunka ku xirnaano si fududna u ganacsano. Haddii aad dareemayso ama aad ugtahay khaladaad ay shirkada Hormuud samaysay si kastaba ha ku dhacdee ma ah khalad ay shirkado leedahay ee waa khalad dowlo. Maxaa yeelay, shirkadaha waaweyn ee dalalka dunida ka jira waxaa lagu ilaaliyaa, la iskagana ilaaliyaa xeerar iyo shaciyaal (Rules and regulations)dowladi u dajisay. Taasni wax adag ma ah ee mar alle markii ay dowladd shuruuc samaynkarta, dabaqi kartana la helo waa sahlantahay. Dowladda Kenya waxay shirkada Hormuud ku hayso waxaa ka dhalan kara dagaal laba dal dhex mara. Waan ka xamuhay in maanta Soomaaliya cudud iyo dareen qaran midna uusan ka jirin. W/Q: Ahmed Abdiahdi, Freelance Journlist and Political commentator. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa golaha wasiiradda ee xukuumadii hore ka joojiyay inay galaan wax heshiisyo ah, illaa iyo inta lagasoo dhisayo xukuumad cusub. Madaxweynaha dowladda [...] Source
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay khasaaraha weerarkii ay ku qaaday dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku baahisay warbaahinteeda ku sheegtay in tirada dhimashada weerarka ay tahay 50 qof, taasi oo aad uga badan tan ay sheegtay dowladda Kenya. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyattta ayaa khudbad uu u jeediyay qaranka, ku sheegay in 14 oo shacab ah lagu dilay weerarkan lagu qaaday dhismaha DusitD2, halka 700 oo qof ay soo bad-baadiyeen ciidamada amniga. Al-Shabaab waxa ay sidoo kale sheegatay in dadka ay weerarka ku dishay ay ku jiraan 17 qof oo caddaan ah. “Meydadka 17 qof caddaan ah ayaa yaalla goobta weerarka, khasaaruhuna waa mid sii kordhaya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Britain ayaa xaqiijiyay in min hal muwaadin looga dilay weerarka. Hotelka DusitD2 iyo dukaamada ayaa ku dhex-yaalla dhismaha la weeraray ayaa ah goob caan ah oo ay ka adeegtaan dadka dalxiisayaasha ah ee ka yimaada, Mareykanka, Yurub iyo India. Kooxda Al-Shabaab ayaa bishii September ee sanadii 2013 weerartay suuqa Westgate ee Nairobi, halkaasi oo ay ku dishay 67 qof. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  12. Xafladdii xiritaanka kalfadhiga 4aad ee golaha shacabka ee uu ka khudbeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ka muuqatay sida ay xilligan u cakirantahay xaaladda Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday khilaafka labada gole ee baarlamaanka federaalka ah oo 4 bil jirsaday sida uu sheegay, saameynta mooshinkii laga keenay, wada-shaqeyn la’aanta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo murankii dhex maray dowladda iyo ergeygii qaramada midoobey ee Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale mucaaradka dowladdiisa ku sheegay kuwoo raadinaya arrimo ay horay ugu fashilmeen, isaga kaftan ahaan uga hadlaya ayuu soo qaatay sheeko dhex martay isaga guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal waxuuna yiri “waxaan ku iri(Mursal) wax ay Rabaan(Mucaaradka) Ma Weydiisay? Waxuu igu yiri(guddoomiyaha), “waxaa ay rabaan waxaa ka mid ah guddiga hanti soo celinta in lagu daro ay iyagu maamulaan, iney ka shaqeeyaan shacabka iyo dowladda isu soo dhowaadaan, iney dhameystir ku sameeyaan wax alle wixii heshiisyo horay u jiray, in kanaalkan sheegay ayaan dhoweyd ee webig ka soo fatahaayey in la furo oo beerta loo daayo, waxay rabaan buu yiri inay xoojiyaan ama ka shaqeeyaan xoojinta hufnaanta dhaqaalaha, waxay rabaan buu yiri iney ka shaqeeyaan, oo xoojiyaan mushaar bixinta, tan ugu dambeysa waxaa ay rabaan buu yiri iney soo celiyaan sharafka ummadda Soomaaliya”! Hadalkan waxaa uu imaanayaa saacado kadib markii xildhibaannada golaha shacabka ay dood ka keeneen wax ka bedelka xeerka bangiga dhexe, gaar ahaan xulidda guddiga agaasinka bankiga, iyaga oo wax lala yaabo ku tilmaamay in xeer lagu badalo sharci, taasina ay tahay sharci-darro, difaacana in qof ajnabi ah oo bangiga dhexe loo dhiibo ay tahay khiyaano qaran halka qaar kalana ay difaaceen, kuna sheegeen horumar. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Dulmar Guud oo Ku Saabsan Xasarada Dalka Ka Jira: Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnha Ka ah : Waxaa weli istaagsan xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah, inkasta oo waqtigaasi kadib ay isbadal ka dhaceen labo maamul hadana ma jirto wax isu soo dhowaanshiyo ah. Villa Somalia waxaa ay dhankeeda tuhunsantahay in Aqalka sare ay la safan yihiin dowlad goboleedyada. Qaramada Midoobey iyo Villa Somalia: 2-dii Janaayo, tan iyo markii wasaaradda arimaha dibedda ay ku wargelisay xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, waxaan jirin xiriir rasmi ah oo arrinkaas la xiriira, lamana oga xilliga uu iman-doono ergeyga cusub oo ay ku xirantahay howlo badan oo dowladnimada Soomaaliya ah. Wada-shaqeyn La’aanta Xiriirka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka A: Janaayo 3-deedii, golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyey xiriirkii wada-shaqeyn ee kala dhaxeeyey golaha shacabka iyaga oo ku eedeeyey inuu qaatay awoodo aan dastuuri aheyn. Golaha Aqalka sare waxaa ay soo bandhigeen cadeymo ku saabsan in golaha shacabka isu heystaan wakiilka keliya baarlamaanka federaalka ah, qaateenna dhammaan matalaaddii haddii ay ahaan laheyd sharci sameynta, meel-marinta iyo matalaadda Soomaaliya ee baarlamaannada caalamka! Ilaa hadda xiriirka waa jaranyahay. Isqab-qabsiga Guddiga Doorashada Qaranka: Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inay xilka ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddiga Sayid Cali Sheekh, laakin shir jaraa’id uu qabtay ninka dambe waa iska diiday, isaga oo guddoomiyaha guddiga ku eedeeyey inay baalmartay sharciga. Galmudug Oo Kala Qeybsan: Galmudug waxaa ay ka mid tahay goobaha ugu xasaro badan dalka, madaxweynaha, wasiirka xukuumadda waxaa ay joogaan caasimadda Dhuusamareeb halka guddoomiyihii baarlamaanka iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogaan Cadaado, kala qeybsanaantaas waxaa ay keentay natiijo xumo iyo hey’ado is garab socda. Dagaalo Isbar-bar Socda: Waxaa hadda koonfurta Soomaaliya ka socda diyaar-garow dagaalo ka dhan ah Al-shabaab, dowladda federaalka ah oo dhankeeda ah iyo Jubbaland oo meel kale ah, waxaana su’aalo laga keenayaa miro dhalka arrinkaasi iyo saameynta. Wad-hadal-ka Soomaaliya iyo Somaliland: Ilaa hadda lama soo hadal qaadin wax wada hadal ah, mana jiro qorshe dhow oo arrintaasi la xiriira, waxaana aamusnaanta garab socda in Somaliland ka sheegato Villa Somalia, waxaana ka mid ah deeqaha iyo xiriirka beesha caalamka. Iyada oo dhibaatooyinka jira ay intaasi ka sii badanyihiin ayaa waxaa xusid mudan in doorashada qaranka ay ka harsantahay 2 sano, nidaamka doorashooyinka, axsaabta, federalism-ka, dib u eegista dastuurka, cadaaladda , dhismaha ciidamada iyo hannaanka bixitaanka AMISOM…..iyo arrimo badan ayaan weli la bilaabin, lama oga xilli ay dowladda federaalka ah u soo jeesan-doonto, waxaana la is-weydiinayaa yaa ka mas’uul ah in heerkan la soo gaaro?!! Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Afgooye ( Sh. M. Network )-Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka warbixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsanAl Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen degmadaasi. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 20 ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhankooda dagaalkaasi looga dilay labo Askari, sida uu hadalka u dhigay. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya degmada Afgooye oo ay saldhigyo ku leeyihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya. The post Guddoomiye Barre “waxaan dilnay 20 ka tirsanaa Al Shabaab” appeared first on Shabelle. View the full article
  14. (SLT-Nairobi)Warbaahinta Dalka Kenya iyo Kuwa Caalamiga ah ayaa aad u hadal haya Nin Cadaan Ah Oo Bad baadin u sameenayey Muwaadiniinta Dalkaas iyo Dadka kale Ee ku xanibnaa Hoteelka Dusit 2 Ee Shalay la weeraray ilaa Saakana laga dhex dagaalamayo. Ninkaan Cadaanka ah ayaa bistoolad gacanta kusitay Sawiro laga qaadayna waxa uu muujiyey geesinimo dheeraad ah isagoo dadka Kenyaanka ah ay mahad celin usoo dhigayaan dhambaalo Baraha Bulshada. Waxa lagu magacaabaa ninkani Inayat Kassam kaas oo sidoo kale la xasuusto Weerarkii Suuqa Westgate Ee Nairobi 2013 ay Al Shabaab ku qaadeen sidaan oo kale dadka ubad baadinayey. Waxaa da’ahaan lagu sheegay 45 ilaa 60 jir waxaana uu helay taageero badan oo Shicibka Kenyaanka ah islamarkaana ku tilmaameen insaani in lagu daydo mudan. Mr Inyat waxa uu yahay agaasimaha shirkad lagu magacaabo Scorpio Africa oo Amniga ka shaqeyso fadhigeeduna yahay Magaalada Nairobi,waxa uu dhiigiisa uhuraa xilliyadaan oo kale sidii uu ucaawin lahaa dadka biri magoydada ah ee Goobahaas ku xayirma. Shan sano kadib ayey dadka soo xasuusteen sida uu Inyat mar kale dhiigiisa iyo dheecaankiisa ku caawiyey Muwaadiniinta Waddanka Kenya. Source
  15. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Agaasimaha guud ee wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha XFS Mudane Asad Yuusuf Qanyare oo la hadlay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay diyaarinta qorshaha 9-aad ee shanta sano ee socota, kaas oo haatan wadatashigiisu ay wado wasaaradda. Agaasimaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay laheyd bariisamaadkii illaa sideed qorshe oo tododbo ka mid ah ay si rasmi ah u dhaqan gashay wixii ka horreeyay 1990-kii. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan la amba qaaday diyaarinta qorshaha sagaalaad oo looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, wax soo saarka iyo yareynta baahida loo qabo dhibaatooyinka saboolnimada ee haatan ka jira dalka. Maalmihii la soo dhaafay wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waday wadatashiyo guud oo ku aadan diyaarinta qorshaha sagaalaad ee Qaranka. The post XFS Oo wada wadatashiyo ku aadan qorshaha Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article
  16. A delegation led by President Mohamed Abdullahi Farmajo arrived Baidoa, the interim administrative capital of the Southwest regional state of Somalia on Wednesday. On landing at Shaati Gaduud airport, president Farmajo and his delegation were welcomed by the Southwest state leader, Abdulaziz Mohamed Hassan alias Lafta Gareen and other officials of the state. The head of the state and other senior officials from both the federal government and regional state administrations will attend the inauguration ceremony of the Southwest state leader, Abdulaziz Hassan Mohamed Lafta Gareen which will be held at Baidoa presidential palace. Somali security agencies backed by the AMISOM peacekeeping troops have beefed up the security to ensure the safety of the guests during the inauguration process. The post Somali president arrives in Baidoa for regional leader’s inauguration appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Afmadow ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa ku warramayaa in maanta dagaal Beeleed khasaaro geystay uu ka dhacay gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa uu ka qarxay deegaanka Goobeeyo oo hoos yimaada degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay illaa 6 Qof oo ka kala tirsan maleeshiyaadka ku dagaalamay halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu salka ku hayo arrimo la xariira aanooyin Qabiil oo u dhexeeya Beelahaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda maamulka Jubbaland oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa hataan kacsan, iyadoona maleeshiyaadka labada dhinac ay isku hor fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay. The post Dagaal khasaaro geystay Oo ka dhacay G/ Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  18. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-160119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Hordhac Qormadaydani waxay daaran tahay arin cajiib ah oo baryahan dabe bulshadeena reer Somaliland ku dhex wareegaysay taas oo igu kaliftay inaan qoraalkan kooban diyaariyo markii aan arkey isku dhaca muwaaddinka iyo xukuumadda/Bileyska oo sii kordhay sabab la’aan ee waliba arimaha khuseeya xoriyadul qawlka iyo rayidhiibashadda, gaar ahaan markii aan maqley booliska oo soo xidhey muwaaddin farriin togan u dirayey xukuumadda iyo bulshadda isagoo ka xumaadey wixii uu kusoo arkey saldhig lagu xidhay iyo sidii loola dhaqmay, anigoo qormadan iyo taladaydan saldhig uga dhigaya, shareecadda islaamka, dhaqankeena suuban anshaxa iyo xeerarka heer gobaleed iyo kuwa caalamiga ahba , taas oo ah arinta Xoriyadda ra’yi dhiibashada, xadhiga muwaadiniinta wax toosinaya iyagoo ka duulaya mabaadiid iyo wax toosin. Iyadoo loogu caga jugleeynayo in lagu eedeeyo Booliska ayaad cayday, madaxweynahii ayaad caydey si xuna dadka loogu turjumayo waliba six un loo adeegsanayo magaca madaxweynaha. Hormuudka Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa. Prof. Sallin Ugu horeyn madaxweynaha iyo madaxdeenuba sharaf iyo karaamo ayey inaga mudan yihiin balse kuwa sida xun u adeegsanayaa waa habdhaqan iyo siyaasad fuulxun oo ujeedadeedu tahay in la tirtiro xoriyatul qawlkii iyo dimquraadiyadii aynu afrikadda kale dheerayn ee inlagu majeeraney, xadhiga noocan ahi waa mid wax u dhimaya sumacadii qaranka, laman hayo meel uu madaxweynuhu yidhi isoo xidha cidii fariin caafimaad qabta ama dhaliilaha ka jira hayadaha dawlada ee ujeedadoodu tahay toosin iyo baraarujin. Marka aan sidaa leeyahay uma jeedo cidii dhaawac iyo aflagaado qaawan ku hadasha halla- daayo, balse qormadaydan ayaan ku sharixi doonaa ta wanaagsan iyo ta xun iyo ujeedooyinka laga leeyahay in muwaadinka iyo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne muse Biixi Cabdi la isku dhufto si dano siyaasadeed iyo dano shakhsi loo helo. Waan ogahay oo madaxweynaha maanta taliyaa waa ragii ka dagaalamay kalmadihi ma hadli kartid, isma difaaci kartid ,car juuq dheh, waana tii dalka ay ka xoreeyeen taas oo bulshadan reer Somaliland hiil iyo hooba la garab joogeen. “Hadabba waxaan isweydiinayaa goorma ayuu wanaagii xumaan noqdey xumaantiina wanaag noqotay”! Hadii shaadhkaaga lagu yidhaahdo wuu dildilaacay ee tolo ma ceebaa mise waa nasteexo?. Sidaa daraadeed, marka aynu si guud u eegno Caalamiyan waxa la isla aqoonsan yahay in Xuquuqaha bani’aadamku yihiin wax aanu qofka bani’aadamka ahi marnaba ka maarmi karin, la’aantoodna ayna suurto gal u ahayn inuu qofka bani’aadamka ahi ku noolaado nolol fiican oo raaxo leh. Sidoo kale xuquuqaha bani’aadamku waa aasaaska xaqiijinta wadajirka iyo horumarka dhaqan- dhaqaale, bulsheed iyo siyaaadeed ee bulsho ama ummad kasta. Sidaadaraadeed, bulashoweynta caalamku waxay soo saareen Baaqyo iyo Cahdiyo Caalami ah iyo kuwo Heer Gobeleed aoo dammaanad qaadaya ilaalinta iyo xurmeynta xuquuqaha bani’aadamka. Xuquuqaha bani’aadamka ee ay dammaanad qaadeen Xeerarka iyo Cahdiyada Xuquuqaha bani’aadamka ee Caalamka iyo ku Heer Goboleed waxa ka mid ah xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxafadda xorta ah. Baaqyada iyo Cahdiyada caalamiga ah ee aqoonsan sidoo kalena dammanad qaadaya xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo xoriyadda sxaafadda waxa ka mid ah kuwan soo socda: Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqaha Bani’aadamka ee 1948dii:, Qodobkiisa 19aad; Cahdiga Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga iyo Siyaasadda ee 1966, Qodobkiisa 19aad; Cahdiga Xuquuqaha Dadka iyo Bani’adamka ee Afrika ee 1981, Qodobkiisa 9aad ; Baaqa Qaahira ee Xuquuqaha Addamaha ee Islamka ee 1991, Qodobada 22aad iyo 24aad; iyo Cahdiga Xuquuqaha Aadamaha ee Dalalka Carabta. Marka la dhuuxo Qodobada baaqyada iyo Cahdiyada aan kor ku sheegeney, waxa ino soo baxaya in xoriyadda Ra’yi dhiibashadu ee qofka bani aadamki tahay xuq uu qofkasta u leeyahay in uu cabiro una badhigo rayigiisa hadal ahaan, qoraal ahaan, sawir ahaan, muuqal ahaan iyo qaab kasta oo kale ee warbaahineed; oo uu sidoo kalena ka radsadao oo ku helo warar iyo ra’yayda dadka kale qabkasta oo warbaahineed Haseyeeshe qofku si uu u cabiro ulana wadaago ra’yigiisa bulshada uu ku dhexnoolyahay, ama u helo ra’yiga iyo afkaarta dadka kale ee bulshadiisa, waxa lagama maarmaan ah in ay jiraan nidaam ama qaab uu heli karo kuna baahin karo afkaartiisa, kuna heli karo afkaarta cidda kale. Taasina waxay lagamaarmaan ka dhigeysaa in uu qofkasta helo saxaafad ama warbaahin uu ku baahiyo fikiradiisa iyo araadiisa, sidoo kelna ku helo araada dadka kale iyo wararka ama macluumaadka khuseeya axwaasha iyo xaaladha dhaqan dhaqaale, bulsho iyo siyaadeed ee sida tooska ah ama dadban saamaynta ugu leh noloshiisa. Muhiimadda saxaafaddu/warbaahaintu u leedahay qofka iyo bulshada guud ahaan waxa dheegan karaa odhaahda soomaaliyeed ee tidhaahda “ xog la helyaa talo la helyaa”. Saxaafaadu ama warbaahintu waxay horseedda in qofku ama bulshadu ama dawladdu helo/hesho xogo iyo macluumaad tusinaya baahiyaha dhaqan-dhaqale, bulsheed, iyo siyaasdeed ee u baahan dajinta qorsheyaal ka turjumaya waxka qabashada baahyahahaasi saameynta ku leh nolosha qofka, bulshada ama guud ahaan qarankaba. Sidaasi darteed ayay bulsho-weynta caalamku ugu aqoonsatey saxaafadda iyo warbaahintu inay qayb ka tahay xoriyadda ra’yi diibahshada ee qofka bani’aadamka. Cahdiyada iyo Baaqyada Caalamiga ah iyo kuwa giboleed ee Xuquuqaha Bani’aadamka waxay dhigayaa xad aanuu qofku dhaafi karin marka uu adegsanayo xoriyadiisa dhhibasho. Inta badan ummadaha Qaramada midoobey waxay iala qirsan yihiin inay reban tahay soo bandhigista baahinta araada, macluumaadka ama wararka iyo baahinaha kale ee : Xadgudub ku ah Xuquuqaha iyo sumcadda/sharafta dadka kale, Xambaarsan faquuq ama nacayb ama waxyaabaha la mid ka ah ee dhanka ka ah wadajirka iyo midnimida bulshada Xadgudub ku aha ama dhaawac u geysankara anshaxa guud, amniga iyo xasiloonida qaranka, kala dambeynta iyo degenaanshaha bulshada, Haseyeshee, sida ay dhigayaan Cahdiyada Caalamiga ah ee Xuquuqaha baniaadmku een kor ku shegeney, xaddidaada la saari karo xoriyadda ra’yi dhiibashada ama xoriyadda saxaafaddu /warbaahintuu si ay u noqoto xaddidaad sharci ah, waxa waajib ah in ay waafaqsan tahay shuruudahan: Waa in uu sharci/xeer dhigayo Xaddidadaasi; 2. Xaddidaadaasina waa in ay noqoto mid si cad loo garan ama fahmi karo 3. Ujeeddada xaddidaaduna waa in ay tahay ilaalinta xuquuqaha iyo sharfta/sumcadda qofka kale, ka hortagga faquuqua iyo nacayka, iyo ilaalinta wadajirka bulshada, iyo dhawrista anshaxa guud, amniga iyo xasiloonida qaranka, kala dambeynta iyo degenaanshaha bulshada waa in in uu jiro xeer dhigaya xaddidaadaasi; iyo 4. Xaddidaadaasi tahay mid u dhiganata (proportaional) xoriyadda ra’yi dhiibashada ee qofka ama xoriyadda saxaafadda/warbaahinta. Cahdiyada iyo baaqyada caalamaiga ah ee aan kor ku soo sheegney waxay Dawaladaha caalamka ku waajibiyeed iaalinta iyo xurmeynta xuquuqaha bani aadmaka ah oo ay ku jirto xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxaafaddu. Iyagoo ka duulaya waajibaad koodaasna Dalalka Caalamku waxay Dastuuradooda ku aqoonsadeen xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxaafadda. Dastuurka Soomaalilandna kama reebbana Dastuurada aqoonsan xuquuqaha iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee bani’aadmka oo ay kamid tahay xuquuqda xoriyadda ra’yi dhiibashada iyo saxaafaddu. Waxase xusid mudan in sida uu dhigayo Qodobka 21aad ee Dastuurka Soomaliland, ,in Xuquuqaha iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee uu aqoonsaday dammanadna qaadayo Dastuurku loo fasirayo loona dabaqayo si waafaqsan Baaqa caalamiga iyo cahdiyada Caalamiga ah ee xuquuqaha aadamaha inta ay ka waafqsanyihiin ama la jaan qaadayaan Shereecada Islaamka. Xoriyadda ra’yi dhiibashadu waxa si cad u dammanad qaadaya Farqadda 1aad ee Qodobka 32aad ee Dastuurka Soomaliland , oo dhigaya sidan: “ Muwaadin kastaa waxa uu xor u yahay in uu ra’yiguusa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaanama qaabkale oo xeerka waafaqsan” Sida ku cad farqadda 1aad ee Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland, xoriyadda ra’yi dhibashadu waa xuquuq siinaysa qofka in uu ra’yigiis cabiro kuna dhiibto qaab qoraal, hadal, suugaan, sawir, muuqaal ama qaabkasta oo kale oo uu ku bandhigi karo ra’yigiisa. Markaaad eegto sida uu qodobka 32(1) u qeexay xoriyadda ra’yi dhiibashada wax aka muuqata in uu ka reebey xoriyadda uu qofku u leeyahay in uu raadsado ama helo warar iyo ra’yida dadka kele. Hase yeshee, sida aan kor ku soo sheegney, xoriyadda ra’yi dhiibashada ee uu dammand qaaday dastuurka Soomaaliland waxa loo turjumayaa si waafaqsan sida ay u damaanad qaadeen Cahdiyada Caalamiga ah ee Xuquuqaha Ban’aadamku ee aan kor ku soo arageny. Sidaasi darteed, xaqa rayi dhiibashada ee uu Dastuurka Somalilan aqoonsadey dammanadna qaadey waa in loo fahmo in aanay ahayn kaliya xaq uu qofkasta u leeyahay in uu ra’yigiisa cabiro una bandhigo bulshadiisa iyo dadka kae, balse ay sido kalena tahay xaq uu qofkaasi u leeyahay in uu raadsado oo kana helo warar iyo ra’yiga dadka kale. Si uu qofku u adeegsado ugana faa’iideysto Xaquuqdiisa ra’yi dhiibasho ee uu Dastuurku u dammaanad qaadey, waxa ku xidhan shardi ah in qofku ra’yigiisa u dhiibto si waafaqsan Xeerka. Haddii aan si kale u dhigno Dastuurku wuxuu ogolyahay in Xeer dhigi karo waxyaabo ka reeban oo aanu qofku xaq u lahayn in rayi ka dhiibto. Balse waxa xusid mudan in Xeerkasta oo xaddidaad saraya xaqa ra’yi dhiibashada looga baahan yahay in uu yahay ama noqdo xeer waafqsan farqadda 4aad ee Qodobka 25aad ee Dastuurka, kaasi oo ah Qodob Dastuuriya oo dhigaya xadka guud ( general limitations) ee xuquuqaha iyo xoriyaadka aasaasiga ah, una dhigan sidan: “ Dhammaan xoriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqaha qofka kale.” Sidaasidarteed, xaddidaad kasata oo uu xeer saarayo xoriyadda ra’yi dhiibashada waa in ay tahay xadidaad ujeeddadeedu tahay ilaalinta anshax iyo qiyamka guud, amniga iyo xasiloonida dalka iyo xuquuqaka qof kale ama dadka kale. Haddii qofku xoriyadiisa ra’yi dhiibasho u adeegsado si xad gudub ku ah anshaxa guud, aminga ama xasillonida dalka ama xuquqaha dadka kale, qofkaasi waxa uu muteysan karaa oo Xeer saari karaa talaabo sharciyeed oo noqon karta inuu bixiyo magdhaw madani, ama in uu muteysto ciqaab noqon karta ganaax ama xabsi. Haseyeeshee, talaabada sharci ee laga qaadayo qofka ku xadgudba xadka xoriyaddiisa ra’yi dhiibasho waa in ay noqoto talaabo u dhiganta ama la miisaan ah (proportional) xadgudubka la galay si ayna talaabadaasi u noqon talaabo culays ku ah ama meeshaba ka saarta adeegsashada xoriyadda ra’yi dhiibashada ee qofku leeyahay. Tusaale ahaan maanta caalamku wuxuu isku raacsan yahay in cayda, dacaayadaynta, ku xadgudubka sumcadda iyo sharafta qofkale, hanoqdo qof shiiciba ama madax ama sarkaal dawladeed, aanay noqon karin faldambiyeedyo lagu muteysan karin ciqaab xadhig ama gannaax ah, balse ay tahay xadgudub madani ah oo lagu muteysan karo bixinta magdhaw lacageed ama raali galin. Hadiise ra’yi dhiibashadu noqoto mid dhaawacday ama dhaawaci karta amniga ama xasiloonida dalka, ama anshax guud ama wadjirka bulshada falkaasi wuxuu noqon karaa fal dambiyeed lagu muteysan karo ciqaab noqon karta xadhig/xabsi ama/iyo ganaax. Xaaladda maanta iyo Rayi dhiibashadda: Baryahan danbe waxaa soo kordhayey xadhiga iyo cagajuglaynta dadka rayigooda ku dhiibta si xor ah oo caafimaad qabta kana duulaya qodobada distoorka Somaliland u damaanad -qaadey eek u xusan qodobka 32 faqradiisa 1aad oo u dhigan sidan “ Muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan., Hadaba waa maxay is fahan la’aanta ka dhex jirta bulshaddda, dawladda iyo dadka rayigood raba iney ku dhiibtaan , si aan u helno jawaab sharci oo sax ah waxa mudan ineynu isweydiino su’aalahan soo socoda: Waa kuwee kuwa rayigooda dhiibtaa? Maxay bulshadu uga aamustaa xuquuqdooda distooriga ah? iyo Waa maxay sababta hayadaha aminga iyo fulinta sharcigu si cad ugu fahmi laayihiin arimahan oo inta badan keena isku dhaca iyo xadhiga? Madaxweynuhuse ma ogyahay arimaha noocan ee dalka ka dhacaya ? Xalkuse waa maxay? Waa kuwee kuwa rayigooda dhiibtaa? Hadaba hadii aan ka jawaabno suaasha hore; Dadka sida xorta ah rayigooda u dhiibtaa ee bulshadeena ka tirsani waxay isugu jiraan laba nooc oo kala ah nooca kowaad ee khuseeya rayi dhiibashada caafimaadka qabata ee ka fayow nacayb iyo kala fogayn aaney ku jirin kuwaas oo ku dhisan Nadariyada dooda runta ah iyo Runimadda ku salaysan ee aan la caabin karayn (The Argument of Truth) sidoo kale waa rayidhiibasho badanaa ku dhisan nadariyadda dimuqaaridayadda (Democratic Self-Governance), noocan ujeedada ugu muhiimsan ee xoriyadda rayi dhiibashadu waa ilaalinta xuquuqda muwaadinka taas oo loogu baahanyahy si loo fahmo arimaha siyaasadeed si ay muwaadiniintu uga qayb qaataan hanaanka talawadaaga iyo wadada dimuqraadiga ah. Iyadoo sidaa ay tahay hadana fikirkani waxa uu ku kooban yahay oo kaliya arimaha siyaasiga ah ee waliba hadalada siyaasadeed taas oo la is odhan karo nadariyaddani waxay meesha ka saaraysaa rayidhiibashadii lagu gudbineyay qoraalka iyo farshanimadda Badanaa noocan ama hanaankan dadka rayigoodan dhiibtaa waxay ka duulaan mabaadiid ay ku saxayaan ama ku toosinayaan nidaamka ay dhaxalka u leeyihiin, iyo nidaamkooda dawladeed taas oo ay dhaliilo toosin iyo baraarujin ah ugu diraan qaab fariin iyo farshanimo suugaaneed qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerarka iyo anshaxa suuban ee islaamka iyo dhaqankeenu aqoonsanyahay. Sidaa si la mid ah waxa kale oo aqoon cilmi oo xeeel dheer lagu ogaadey jirtaanka dood kale taas oo taageeraysaa nadiriyadda odhanaysa Dhamystirka shakhsiyadeed,(Self-Fulfilment) marka la eego doodan waxa ay leedahay ujeedada rayi dhiibashada laguma xadidi karo helida nidaam xukuumadeed oo wanaagsan ama raadinta runta , balse waxa ay soo kordhineysaa qiyam cusub sida kobaca qofnimo iyo isku filaanshaha shakhisayadeed taas oo ay tahay in la dhawro ‘personal growth and self realisation’ Qaybta labaad waa nooc rayigooda u dhiibta six un ujeedkooduna yahay kala fogeyn, nacayb, ama dan shakhsi oo uu wax ku yeelayo cid kale. Hadabba Si uu qofku u adeegsado ugana faa’iideysto Xaquuqdiisa ra’yi dhiibasho ee uu Dastuurku u dammaanad qaadey, waxa ku xidhan shardi ah in qofku ra’yigiisa u dhiibto si waafaqsan Xeerka, taa mahnaheedu waa inaanu ku xadgudbin xuquuqo kale rayigiisana u dhiibto si xalaal ah. Noocan badanaa waxa ay mutaystaan isku dhac iyo khilaaf ka dhasha xuquqaas xuduudoodi la dhaafiyey. Maxay bulshadu uga aamustaa xuquuqdooda distooriga ah iyo Si aan si toosa u abaarno jawaabta su’aashani waxa ay noqoneysaa dadku ama bulshadu Somaliland ma taqaano waxa uu distoorku xaq u siiyey iyo waxa uu ka reebay xeer, taas oo ay ugu wacantahay in 93% dadkeenu aaney aqoon xuquuqdooda aasaasiga ah taas oo ay ku taageeri lahayeen ama ku kobcin lahayeen garaadkooda rayidhiibasho. Waxa kale oo ka sii daran badanaa bulshadda reer Somaliland waa dad ku mashquulsan wax aan dantooda ahayn sida qabyaaladda, siyaasadda ku jiqsii, luminta wadajirka, taasina waa sababta ay bulshadeenu u lumisay xuquuqo farabadan oo ay lahaayeen sida iney helaan caafimaad, biyo nadiif ah, wado , waxbarasho tayo leh oo bilaash ah iwm. Intaa waxaa sii dheer aqoon la’aan , saboolnimo iyo dad aan dantooda ku foogneyn balse arimaha dhaqdhaqaajinta qabyaaladda iyo nin jeclaysiga ku caan baxay Waa maxay sababta hayadaha aminga iyo fulinta sharcigu si cad ugu fahmi laayihiin arimahan oo inta badan keena isku dhaca iyo xadhiga? Inkastoo wacyiga, dhibaatooyinka iyo waayaha ku gedaaman hayadaha fulinta sharcigu aad u badanyihiin ilaa hadana aan la helin xalkii iyo xuluushii iyo dib u habeyntii aynu ka fileyney nidaamka ama qaabka ay maanta u shaqeeyaan, hadana waxa jirta marka aynu ka hadlayno sababta ay u hor istaagaan rayidhiibashadda waxaan u kala qaadeyna xaaladahan soo socda midkood; mida koowaad waa waajib saran iney ka hortagaan wax kasta oo abuuraya nacayb, nabadgalyo daro, ku tumasho xuquuqeed , israacsanaanta Qaranimada iyo waxkasta oo lid ku ah nidaamka guud. Taas oo ah noocii labaad ee xagga hore aynu ku soo sheegney Nooca 1aad: waa mid jawi caafimaad qaba ku yimaada ujeedadiisuna ay tahay danta aynu wada ilaashano, beedku yaanu inaga jabin, aynu fadhiga ka kacno iyadoo la sheegayo kolba dhiliilaha ka jira arimaha dhaqan-dhaqaale ama siyaasi, balse hayadaha fulinta sharcigu si xun ula dhaqmaan qaladaadkuna xagooda ka yimaado taas oo ay ugu wacantahay arimahan soo socda:- Iyagoo xaalad abuur ah ama aan dooneyn dalku inuu dimuqraadi noqdo ama dad gaar ah ugu adeegsada dano siyaasadeed, taas oo dhexdooda loo adeegsado siyaasad si loo mija xaabiyo dimuqaardidyada ka hana qaadey dalkeena, Iska horkeenida Xukuumadda iyo shacabka si ay u muujiyaan in xukuumadu u baahantahay si loo dajiyo kacdoonka shacabka taasina waa mid ina xasuusineysa guulwadaha xaalkiisa Aqoon la’aan Wacyiga sharciga oo aad u hooseeya ama aaney ka warqabin iyagoo dhamaatoodna ay tiir aqooneed ka dhigtaan sidii ay wax ahayeen markii uu jirey kalidii taliskii siyaad barre Iyagoo dhexdooda loo adeegsado siyaasad si loo mija xaabiyo dimuqaardidyada ka hana qaadey dalkeena, Iyagoo ka dhigta arimaha rayidhiibashada goob ay laaluush ku qaataan taas oo aad arkeyso marwalba iney ku doodaan madaxweynaha ayaa la caayey , meel aan ceyi ooolin sida; abwaanada suugaanta ku muujiya ama madaxweynaha ugu gudbiya fariintooda hab suugaaneed iagoo sheegaya fuulxumada nidaam ee ka jirta meelaha kala duwan ee dawladda marmarsiiyna uga dhigta qofka ay xidhaan madaxweynihii ayaa la caayey, policekiibaa la caayey, wasaaradihiiba la caayey. Iyagoon kala saareyn dhaliisha iyo cayda. Madaxweynuhuse ma ogyahay arimaha noocan ee dalka ka dhacaya? Jawaabta su’aasheena ugu danbeysa ee ah ma ogyahay madaxweynuhu , qayb ahaan haa, waa ta waajibka distooriga ah uu saarey ee ah inuu la dagaalamo wax kasta oo bulshada abadgalyadeeda wax u dhimaya , balse marna uma dhaaran in ciidanka boolisku si xun u adeegsadaan arimahan , waxa kale oo ah inuu madaxweynuhu ogaado sababta ugu weyn ee waxani u dhacayaan iney tahay aqoon la’aan iyo jahli ku habsadey ciidanka booliska Somaliland oo u baahan aqoontooda la dheeli tiro, sidoo kale waxa ay waxani u dhacayaan. Qaybta kale ee aanu ogeyn madaxweynuhu waa arinta musuqmaasuqa, laaluushka, eexda, qabyaaladda, jahliga, awood darida, isla weynaanta aan meel gaadhsiisaneyn, ku maxaabsiga kalmaddo tilmaamaya kaladii taliye sida “waxaad caydey madaxweynihii”, sidiisiibaad u talaabsatey matalaysaa, “muwaadin dalka gudihiisa ka shaqeeya ayaad madaxweynihii ku tidhi (Madaxweynuhu waa Local), taas oo muddo dhaaf lagu haysto saldhigyadda si muwaadinka iyo ehelkiisa loogu baadho jeebkooda, qofka aan ehel daba socda lahayna hadalkiisaba daa waa looma ooyaan!. Waxa kale oo aanu madaxweynuhu ogeyn in shaqo ay u tahay baadhayaasha boolisku iney naas irmaan ka dhigtaan cadaaladana ku daahiyaan, run ahaantiina waa meesha cadaaladda dalku ka qaloocdo. Xalka iyo Talo bixintu waa; In la ixtiraamo Dastuurka, Mabaadiida Shareecadda Islaamka, Xeerarka iyo dhaqanka suuban iyadoo la dhiirigalinayo Xorriyadda ra’yi dhiibashadda aan turxaanta lahayn ee caafimaadka qabta, si loo kobciyo garaadka iyo ra’yiga bulshadda Somaliland. In hayadaha sharciga fuliyaa fahmaan xuquuqda distooriga ah Inaan sumcada iyo karaamadda madaxweynaha loo adeegsan dano shakhsi iyo mid siyaasi ahba. In hayadaha sirdoonku baadhid ku sameeyaan waxa dhacaya iyo sida ay u dhacayaan talo wax ku ool ahna madaxweynaha ka siiyaan iyadoo la adeegsanayo mabda isdheelitirka (separation of power, Check and Balance), tan macnaheedu waa in hayada sirdoonku xog ka haysaa hayadaha dawladda dhexdeeda iyo dibadeba , In Laamaha ay khuseyso arintani ee xukuumadda, iyo gaar ahaan gudida xuquuqul isaanka , la taliyayaasha madaxweynuhu warbixin ka siiyaan Madaxweynaha JSL xaaladda maanta ee rayidhiibashadda. Sidoo kale waa inuu helaa madaxweynuhu aragtida Bulshadda rayidka ah ee ku wajahan Xorriyadda Ra’yi dhiibashadda iyo caqabadaha ay kala kulmaan. In dhamaan muwaadiniintu ilaahay ugu mahadnaqaan oo aaney ka badbadin waayo xoriyatulqawlaka iyo rayidhiibashadeenu waa mid aan xataa xadkeedii dhaafiney, cidii wax u dhimaysana laga cawdo bulshaduna meel uga soo wada jeedsato, waayo waxyaalaha boolisku u adeegsado waxaa ka mid ah kalmadaha “Kicin dadweyne’ iyagoon fahmin maxaa kicin dawdewyne noqon kara, maxaase aan noqon Karin In bulshada rayidka ahi iyo dhamaan fagaarayaasha rayidhiibashadu xidhiidh dhaw la sameeyaan xukumadda. Cadawna aaney u arag dawladooda. In la miisaamo ra’yi dhiibashada iyadoo loo kala saarayo mid waxyeelo leh iyo mid wanaag leh. Prof. Maxamuud Xuseen Faarax Bare sare oo Jaamacaddeed iyo Sharci yaqaan Xigasho: https://www.facebook.com. Source
  20. Wadanku wuxuu kasoo baxay Doorashadii ugu xumayd ugu xannafta badnayd oo wadankii qabyaalad baas cabsiiyey tiiyoo wadanku xilligii Xukuumaddii uu ka Xanuunsaday madaxweyne Siilaanyo dantii guud la HALALOOBIYEY ON DAMBIGA LA WADA SAARAY MARWADII MADAXWEYNAHA Oo HANTI BADAN QAADATAY. Dhibtaasi Dhaqaale xumo IYO sicir barar bay wadanka gelisay oo weli sicir barakii halkiisii taaganyey inkastoo Xukuumadda Muse Biixi ay iska caabbi Sicir barar ku dhaqaaqday Haamihii soo xero gelisay Boobkii wasiiradii waraabayaasha ahaana WADA caydhisay iyo Madaxtooyadii oo uu Muse ku soo dabaalay (better behave)hadana illaa Maanta Siyaasaddii qabyaaladda Huwanayd sideedii bay u shaqaysaaa oo siyaasad Distoorxumo ku jirto ayaa socota oo dhaqaalaha hoos u sii socda marka ay taagantay Muran Siyaasadeed oo ahayd inuu ku dhiirado Madaxweyne Muse oo tanaasul xaggiisa ka yimaado Faysalna Ceebihiiisa iyo dusduskiisa ummad isku garaaciisa dhinac isaga duwo. Muse Biixi hadduu arintaa doorashooyinka tanaasul degdega ka samayn waayo oo marxaladdan uu wadanku ku jiro ka saari waayo weligii lagama fili doono inuu ummadda isu soo dhoweeyo Dhaqaale xumada iyo Xukuumad aan niyad loo haynina way sii kordhaysaa (investment) wadanka la gelin lahaa wuu sii yaraanayaa markay siyaasaddii wadanka ka bixi la day ROLA-COSTA iyo baaxaadeg aan dawladdu wax taasula ummmadda u samaynayn. Madaxweyne haddaad Siyaasaddii dawladdu dib u eegto waa lagu riix iyo jujuub miidhan tan iyo Gudoomiye nimadaadii, Murashaxnimadaadii, Doorashadii haddaad kursigii aad ku ordaysay badhidii saartay meel kaloo lagugu riixaa may hadhin oon xabaal ahayni markaa haddaad wadanka buuqa ka saarin maanta oo aad wadani uga taasulin arinkan komishanka doorashooyinka weligaa wax tanaasula ma samaynayn doontid oo danbe srinkaaguna quus buu tegayaa Buuqani siyaasiga ahi dhaqaalaha wadanka wuu curyaaminayaa adaana ka saari kara. Inta Faysal Madaxtooyada ku jirana horuumar inaga dheer waayo waa muqaribka koobaad ee wadanka . Talooyinka ama qaado ama ha qaadan ummaddu we akhriyaysaa maalin walba. Ummaddu waa sabool indha fiiq fiiqan waa ku soo aragtay Bari iyo Galbeed iyo (in between) CAWRIDOODA ISKA ILLAALI. MORE BASHE mohamedbashe3322@gmail.com Source
  21. Dibadbaxayaal ka soo jeeda Maamul-gobaleedka Cafarta ee Itoobiya ayaa toddobaadkan xidhay Waddada halbawlaha ah ee isku xidha Ethiopia iyo Jabuuti,. Jidkan ayaa ah jidka ugu weyn ee ay maraan badeecadaha ka soo dega ama laga dhoofinayo Djibouti ee ay Itoobiya leedahay. Wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa magaalladda Addis Abeba ayaa qoray inay Dibadbaxayaasha Cafarta codsanayaan in la soo af-jaro waxa ay ku sheegeen shilal rabshado wata oo ay dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanadooda kuwaas oo ay ku eedaynayaan qoomiyada Soomaalida. Dibadbaxayaasha waxay sheegteen in rabshadahaasi lagu dilay dad badan oo Cafar ah, isla markaana hanti badan la burburiyey. Wargeyskan ayaa soo bandhigay sawiro laga soo qaaday dadkaas gadoodsan oo xidhay jidkaas. Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa iyaduna shalay baahisay kacdoonka cafarta iyo sida ay u jareen jidkaas halbawlaha ah. Waxa jira kacdoon qoomiyadaha ah oo ka socda Itoobiya, kaas oo saamayn ku yeeshay ammaanka guud ee Itoobiya. Kacdoonadan ayaa sidoo kale waxay caqabad ku noqdeen isbedeladii uu waday raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, waxaana isa soo taraya iska horimaadyada ka socda gudaha Itoobiya. Source Geeska Qaran News
  22. Somaliland intii aan garanayoba waxa cambaar iyo wax siyaasada la isaga saaro noqotay xamar buu u socdaa, xamar baa ka dambaysa , Somalia ayuu doonayaa iyo somalia ayaa ka dambaysa. Kama korno oo kama ilbaxno in maalinba dadkeena la inoo kala calaamadiyo oo qaybi ina tidhaahdo qaybtaa kale iska eega iyo meel kale ayaa wax loo wadaa . Haddaba Somaliland waa lawada leeyahay dhib baa loo soo wada maray waa loo soo wada dhintay waa ayo cida xamar dooneysa ee laga xigsanayaa qarankani ? !! Waxa wax lala yaabo ah oo umadan la rabo in lagu kala fogeeyo in wax aan waxba ka jirin oo dadka kala qaybinaysa lala soo istaago fagaarayaasha iyada oo dano siyaasiya laga leeyahay. Waxa aynu ognahay in dib ula soo noqoshada qaramida Somaliland ku yimid oo ku taagan yahay masiirka umada ee aanu shaqsiyaad iyo inta siyaasada ku jirta midkoodna badeli karin kuna kici karin wax ku lidi ah rabitaanka shacabka. Marka aynu intaa isla garanayno oo Somaliland oo 27 sano jirtey in aan jeeb siyaasi la gashan karin cidina xamar ina geyn karin aynu garanayno, maxaa caqligeena loo caayayaa oo wax aan waxba ka jirin loo buunbuuniyaa ? Hore ayaa umadan damac siyaasiyiin la isugu diley iyo talo in koobani isku eryanayso oo waxii ina soo kala maray la ogaa , ee maxaa marwalba arinkan soo celcelinaya haddaba waa yaabe !!! XEELAD KALE WEEYOO XAMAR BAA KA DAMBAYSA !!! Xumaanta kii ka dhiidhiyaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqul qalinka kii diidaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xulafada cidii aan aheyni Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqa cidii ku adintaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xisaabtan cidii iila timaadaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xog cidii soo heshaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaqdarada cidii ka hadashaa Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Xaga loo socda kii isweydiiya Xeelad kale weeyoo Xamar baa ka dambaysa ! Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com Source