-
Content Count
207,271 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)ayaa maanta furay barnaamijka nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka oo ay qayb ka noqonayaan ururdda aan dawliga ahayn ee Somaliland. Barnaamijkani oo hoos yimaadda xafiiska Madaxweyneku-xigeenka Somaliland ayaa waxa warbixin ka bixiyay madaxa barnaamijkaasi u qaabilsan xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Dr.Sakare waxaana kamid ahaa hadaladiisii “Barnaamijkani waxa uu noqon doonaa mid taxane ah oo aanu ku kalano hay’addaha iyo wasaaradaha ay hawshani qusayso, waxa aanu xil-weyn iska saaraynaa nafaqadda hooyadda iyo dhalaanka iyo sidii aynu usoo celin lahayn cunto dhaqameed-deenii qiimaha lahayd, waxaan halkan uga mahad celinaynaa hay’adaha ku bahoobay barnaamijkani, inshalaah waxaanu qaban doonaa kulan noocan oo kale ahna ganacsatadda iyo waax-yaha waaweyn ee dalka”ayuu yidhi Dr. Sakariye. Marwo Amaal, Dr.Adna Aadan Ismaaciil,Wasiirka Beeraha Somaliland,Wasiir ku-xigeenadda wasaaradaha Waxbarashadda, Caafimaadka qorshaynta iyo sarkaal u hadlay hay’adda UNICEF ayaa dhamaantood ballan qaaday in ay doorkooda ka qaadan doonaan barnaamijkani. Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo halkaasi khudabd ka jeediyay ayaa sharaxay faa’idooyinka uu barnaamijkani u leeyahay qaranka, waxaanu xusay madaxweyne ku-xigeenku in xukuumadu laban-laabi doonto taageeradeeda dhaqaale ee kor-u qaadisata cunto tayo leh oo dalka kasoo baxda waxaanu yidhi “Barnaamijkani waa barmaaij weyn oo waxtar leh,waa barnaamij ay ku bahoobeen dawladda iyo hay’addo badan oo caalami ahi,waxaan aaminsanahay in uu wax weyn ka badali doono cuntooyinkeenii aynu isticmaali jirnay daryeelka dadku waa waajibaadka dawladda annaguna waanu dadaalaynaa”ayuu yidhi Madaxweyneku-xigeenka Somaliland. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Hanti dhawraha guud ee Somaliland ayaa waxaa uu galabta baadhis deg-deg ah ka bilaabey dawladda Hoose ee Hargeysa isla markaana waxaa uu albaabada iskugu dhuftey oo uu qufushay dhammaan xafiis-yada uu baadhista ka bilaabaayo Hanti dhawraha guud oo warbaahinta la Hadley waxaa uu sheegay in uu baadhis buuxda ka bilaabay xarunta dawlada Hoose ee Hargeysa. Goor Dhaw La Soco Muuqaalka Warkan Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in culees siyaasadeed ay ka dhaxleen go’aankii ay dhexdhexaad kaga noqdeen khilaafkii u dhaxeeyay dalalka Khaliijka. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wareysi uu kaga hadlayo waxyaabaha ay ka dhaxleen go’aankaasi wuxuu siiyay wakaalada Wararka Anadol ee dalka Turkey. Wasiirka waxa uu sheegay inay Somalia wajahday Cadaadis Siyaasadeed iyo Xiisado ay abuureen dalal ay ku jiraan kuwo Reer Glabeed oo uusan carabaabin, balse uu sheegay in Cadaadiskaasi xiriir la leeyahay Go’aankii ay DFS dhedhexaadka kaga noqotay Khilaafkii Khaliijka. Wasiirka ayaa sheegay in cadaadiskaasi wax saameyn ah uusan ku yeelan go’aankooda, islamarkaana uusan niyad jibin dadaalkii ay wadeen iyo xiriirkii ay la lahaayeen dalalka Caalamka. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dowladda, Axmed Ciise Cawad waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay Xiriirka Somalia iyo Turkiga, wuxuuna xusay inuu Turkigu yahay saaxiibka ugu weyn ee Isbahaysiga Istaraatijiyadeed ee Somalia. Wasiir Cawad waxaa kaloo wax laga weydiiyey Xiriirka dowlada iyo Imaaraadka Carabta, wuxuuna sheegay inuusan xiriirkooda gaarsiinayn Heerkii la doonayey, balse waxa uu rajo ka bixiyey inuu xiriirkaasi dib u soo xoogeysan doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Qarax jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid gaari, isla markaana uu ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Hotelka Karmel. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Gaadhiga oo ahaa nooca loo yaqano Qooqanta uu qarxay xilli uu wadada socday, hayeeshee ana weli lama cadeyn in uu ku xidhnaa qaraxa iyo in Wadada uu ku aasnaa. Qaraxa kadib ayaa Gaadhiga waxa ka kacay dab xooggan kaa soo uuradiisa laga dareemay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir. Macada cida saarneyd gaadhigaas iyo khasaaraha ka dhashay, hayeeshee waxaa goobta gaadhay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Source
-
The United Nations Children’s Fund (UNICEF) and Somali health ministry on Wednesday launched the first major nutrition survey in the country since 2009. Both the ministry and UNICEF said in a joint statement issued in Mogadishu that the Somali National Micronutrient Survey will be carried out in the next four months. Fawziya Abikar, minister of health, said they will be collecting data related to micronutrient at the household level that will help them better understand the health and nutritional status of children and women in Somalia. Jesper Moller, UNICEF Somalia acting representative, said the nutrition survey represents a major step forward towards improving the health and nutritional status of the country’s children and women. “We feel very honored to be part of the process. We call on all health partners to continue investing in data collection to help us accurately assess and respond to the health and nutritional needs of children,” said Moller. “By doing so we help build a stronger and healthier workforce and economic foundation for Somalia,” he added. The post Somalia, UN agency launch major nutrition survey for children, women appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa cambaareeyey weerarkii argagixiso ee shalay ka dhacay Huteel ku yaalla Magaalada Nairobi, oo ay ku dhinteen 14 qof, halka intaas ka badanina ay ku dhaawacmeen. Siduu maanta daabacay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Magaalada Nairobi, Danjire Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay in Somaliland barbar taagan tahay dawladda Kenya. Wakiilka Somaliland wuxuu intaas ku daray inuu sida ugu adag u cambaareynayo weerarkaas oo uu ku sifeeyey mid fulaynimo oo argixisadu ku qaaday Huteelka Dusit ee magaalada Nairobi. Source
-
(SLT-Muqdisho)Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalkaasi Soomaaliya Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay General Esa pulkkinen oo ah Madaxa EUTM u qaabilsan Arimaha Soomaaliya. Sgaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in ujeedka uu u yimid general Esa pulkkinen Soomaaliya ay tahay waxqabadka Midowga Yurub ee Soomaaliya ka wado inuu ogaado Maadama Mudo labo sano ah lagu kordhiyay howlgalka Midowga yurub ee Soomaaliya. Taliyaha ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Soomaaliya. Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u mahadceliyay tababarada Midowga yurub ay siiso Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Source
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo himilooyinka ay ka sugayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadeeynta. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ku boorriyey in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si loo gaaro himilada Dowlad Goboleedka iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed. Xafladda caleemasaarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Madaxweyne Farmaajo oo caawa ku hoyanaya magaalada Baydhabo ayaa kulamo xog wareysi iyo wadatashi ah la yeelan doona madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si uu ugu kuur galo xaaladda nolaleed iyo midda amni ee deegaannadaas. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Madaxweynaha JFS Oo ka qeyb galay caleemo saarka Madaxweynaha cusub Ee Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb-galay xafladda caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, isaga oo kula dardaarmay in uu kasoo dhalaalo himilooyinka ay ka sugayaan bulshada Koonfur Galbeed, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo nabadeeynta. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga ku boorriyey in ay si dhaw ula shaqeeyaan Madaxweynaha cusub si loo gaaro himilada Dowlad Goboleedka iyo guud ahaan tan ummadda Soomaaliyeed. Xafladda caleemasaarka ayaa waxa ka soo qayb-galay madax ka socotay goleyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, duubabka dhaqanka, Xildhibaanno iyo Wasiirro heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, wufuud ka socotay Urur-Goboleedka IGAD, Dowladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Madaxweyne Farmaajo oo caawa u hoyanaya magaalada Baydhabo ayaa kulamo xog wareysi iyo wadatashi ah la yeelan doona madaxda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, si uu ugu kuur galo xaaladda nolaleed iyo midda amni ee deegaannadaas. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Baydhabo uga qeeybgalay Caleema saarka Lafta Gareen appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa ku war-gelisay suxufiga lagu magacaabo Cumar Faaruuq Cismaan in uusan wax shir ah ama tababar ah ku qaban karin magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda oo uu ku saxiixanyahay Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) wasiirka wasaaraddaasi ayaa lagu sheegay in Cumar Faaruuq uusan ogolaansho ka haysan dowladda Puntland sidaasi darteedna qaban karin wax shir ama tababar ah. Mudane Faaruuq oo sheegta in uu yahay xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSEJ ayaa shalay soo gaaray magaalada Garoowe waxaana maanta sawirradiisa lagu arkay Facebook-ga isaga oo Garoowe la fadhiya dhowr qof oo saaxiibadiis lagu sheegay. PUNTLAND POST The post Puntland: Cumar Faaruuq oo laga mamnuucay in uu shirar ku qabto Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ayaa goor-dhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid gaari, waxaana uu ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Banaadir iyo Hotel-ka Karmel. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga oo ahaa nooca loo yaqano Qooqanta uu qarxay xilli uu wadada socday, haseeshee aanay weli caddeyn in uu ku xirnaa qaraxa iyo in waddada loogu aasay. Qaraxa kadib ayaa gaariga waxa ka kacay dab xooggan kaa soo uuradiisa laga dareemay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir. Macada cidda saarneyd gaarigaas iyo khasaaraha ka dhashay, haseeshee waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Saraakiisha amaanka Dalka Kenya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay cidda lala bartilmaameedsanayay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Dusit ee Magaalada Nairobi. Mawira Mungania, oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Gaarka ah ee Kenya ayaa sheegay in beegsiga weerarkaas uu ahaa shir ay dowladda Mareykanka soo qaban qaabisay oo lagu waday in uu ka dhaco Hotelka. Mawira Mungania ayaa sheegay in shirkaasi daqiiqadihii ugu dambeeyay ee weerarka ka hor laga beddelay hotelka Dusit, islamarkaana loo wareejiyay meel kale. Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Ragga Hotelka weerarka ku qaaday ay u suuragali weysay in ay tagaan hoolka shirka lagu qaban lahaa kaddibna ay isku qarxiyeen banaanka inta kalena ay dhismayaal kale ka dhexdagaallameen. Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in weerarkaas la soo afjaray saaka,waxaa uu sheegay in 14 Qof ay ku dhinteen,Raggii weerarka geystayna la dilay. Waxaa uu Mr Kenyatta sheegay in dowladda Kenya ay billaabeyso howlgal ka dhanka ah kuwa weerarkaas ka dambeeyay, ciddii fududeysay,kuwa maalgeliyay iyo cidkasta oo uu raad galo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Ka waran haddii shirkada Apple ee dalka Maraykan laga leeyahay warashadaha ay telephoonada iyo electronics ku samayso ay dowladda kale burburiso ama ka warran haddii Shirkadda Safricom ee dalka Kenya laga leeyahay ay Ciidmada Tanzania burburiyaan? Maxaa dhici lahaa?! Adduunka mar kale laga tago hay’adaha dowliga ah waxaa ugu qaalisan shirkadaha waaweyn ee dadbadan shaqaalaysiiya, dhaqaala badana lagu canshuuro; Waana waajib qaran in la ilaaliyo. Hadda, dalka Shiinaha iyo Canada meel xun ayay kakala maraysaa, kadib markii ay Kanada xirtay gabadha qaybta Maaliyadda ee Shirkada Huawei madaxda ka ah (chief finance officer) isbuucyo ka hor; Maanta dowladda Shiinaha nin Kanada u dhashay ayay dil ku xukuntay ayada oo ku xumaynaysa kanada. Shalay Ciidamada Kenya waxay burburiyeen biraha warlaliska ee Shirkada Hormuud Telecom meel u dhow Degmada Afmadow ee Jubbada Hoose. Sidoo kale, waxy jirdh dil ku sameeyeen xubin katirsan shaqalaaha shirkada ee halkaas joogay. Ilaa hadda mamaqashay wasaaradihii ay khusaysay ee arimaha gudaha iyo arimaha dibadda ama madaxdii sare ee dalka oo ka hadlaysa? Miyaad maqashay guutooyinka wadaniyiinta ee laga howlgaliyo baraha bulshda oo arintan ka hadlaya? Miyaad maqashay wasiirada iyo kuxigeenada aad baraha bulshda wax ugu qora oo ka hadlaya? Maanta dalkeena (Soomaaliya) asaga 30sano dowlad la’aan ahaa ayaa haddana wuxuu ka fiicanyahay wadamo badan oo African ah dhinica isgaarsiinta iyo Internetka. Waxaa tusaale fiican kuu ah Itoobiya iyo Djaboutiga aan dariska nahay. In aad Internet fiican iyo telephone raqiis ah haysatid waxaa kuu suurta galiyay shirkado Soomaaliyeed oo xilli ninkasta lacagtiisa kala cabsanayay dalkan khatar u bareeray maanta guul kagaaray. Kumanaan qof ayaa maanta shirkada Hormuud u shaqaysaa, waxay noo suurtagalisay in aan aduunka ku xirnaano si fududna u ganacsano. Haddii aad dareemayso ama aad ugtahay khaladaad ay shirkada Hormuud samaysay si kastaba ha ku dhacdee ma ah khalad ay shirkado leedahay ee waa khalad dowlo. Maxaa yeelay, shirkadaha waaweyn ee dalalka dunida ka jira waxaa lagu ilaaliyaa, la iskagana ilaaliyaa xeerar iyo shaciyaal (Rules and regulations)dowladi u dajisay. Taasni wax adag ma ah ee mar alle markii ay dowladd shuruuc samaynkarta, dabaqi kartana la helo waa sahlantahay. Dowladda Kenya waxay shirkada Hormuud ku hayso waxaa ka dhalan kara dagaal laba dal dhex mara. Waan ka xamuhay in maanta Soomaaliya cudud iyo dareen qaran midna uusan ka jirin. W/Q: Ahmed Abdiahdi, Freelance Journlist and Political commentator. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. Doodda qeyb ka noqo, oo fikirkaaga iyo qoraallada ku soo dir info@goobjoog.com Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa golaha wasiiradda ee xukuumadii hore ka joojiyay inay galaan wax heshiisyo ah, illaa iyo inta lagasoo dhisayo xukuumad cusub. Madaxweynaha dowladda [...] Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war cusub kasoo saartay khasaaraha weerarkii ay ku qaaday dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Al-Shabaab ayaa qoraal ay ku baahisay warbaahinteeda ku sheegtay in tirada dhimashada weerarka ay tahay 50 qof, taasi oo aad uga badan tan ay sheegtay dowladda Kenya. Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyattta ayaa khudbad uu u jeediyay qaranka, ku sheegay in 14 oo shacab ah lagu dilay weerarkan lagu qaaday dhismaha DusitD2, halka 700 oo qof ay soo bad-baadiyeen ciidamada amniga. Al-Shabaab waxa ay sidoo kale sheegatay in dadka ay weerarka ku dishay ay ku jiraan 17 qof oo caddaan ah. “Meydadka 17 qof caddaan ah ayaa yaalla goobta weerarka, khasaaruhuna waa mid sii kordhaya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Britain ayaa xaqiijiyay in min hal muwaadin looga dilay weerarka. Hotelka DusitD2 iyo dukaamada ayaa ku dhex-yaalla dhismaha la weeraray ayaa ah goob caan ah oo ay ka adeegtaan dadka dalxiisayaasha ah ee ka yimaada, Mareykanka, Yurub iyo India. Kooxda Al-Shabaab ayaa bishii September ee sanadii 2013 weerartay suuqa Westgate ee Nairobi, halkaasi oo ay ku dishay 67 qof. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Xafladdii xiritaanka kalfadhiga 4aad ee golaha shacabka ee uu ka khudbeeyey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ka muuqatay sida ay xilligan u cakirantahay xaaladda Soomaaliya, isaga oo soo hadal qaaday khilaafka labada gole ee baarlamaanka federaalka ah oo 4 bil jirsaday sida uu sheegay, saameynta mooshinkii laga keenay, wada-shaqeyn la’aanta dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo murankii dhex maray dowladda iyo ergeygii qaramada midoobey ee Soomaaliya. Waxaa uu sidoo kale mucaaradka dowladdiisa ku sheegay kuwoo raadinaya arrimo ay horay ugu fashilmeen, isaga kaftan ahaan uga hadlaya ayuu soo qaatay sheeko dhex martay isaga guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal waxuuna yiri “waxaan ku iri(Mursal) wax ay Rabaan(Mucaaradka) Ma Weydiisay? Waxuu igu yiri(guddoomiyaha), “waxaa ay rabaan waxaa ka mid ah guddiga hanti soo celinta in lagu daro ay iyagu maamulaan, iney ka shaqeeyaan shacabka iyo dowladda isu soo dhowaadaan, iney dhameystir ku sameeyaan wax alle wixii heshiisyo horay u jiray, in kanaalkan sheegay ayaan dhoweyd ee webig ka soo fatahaayey in la furo oo beerta loo daayo, waxay rabaan buu yiri inay xoojiyaan ama ka shaqeeyaan xoojinta hufnaanta dhaqaalaha, waxay rabaan buu yiri iney ka shaqeeyaan, oo xoojiyaan mushaar bixinta, tan ugu dambeysa waxaa ay rabaan buu yiri iney soo celiyaan sharafka ummadda Soomaaliya”! Hadalkan waxaa uu imaanayaa saacado kadib markii xildhibaannada golaha shacabka ay dood ka keeneen wax ka bedelka xeerka bangiga dhexe, gaar ahaan xulidda guddiga agaasinka bankiga, iyaga oo wax lala yaabo ku tilmaamay in xeer lagu badalo sharci, taasina ay tahay sharci-darro, difaacana in qof ajnabi ah oo bangiga dhexe loo dhiibo ay tahay khiyaano qaran halka qaar kalana ay difaaceen, kuna sheegeen horumar. Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Dulmar Guud oo Ku Saabsan Xasarada Dalka Ka Jira: Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnha Ka ah : Waxaa weli istaagsan xiriirka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Shir ka dhacay Kismaayo September 8, 2018, golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa xiriirka u jaray dowladda federaalka ah, inkasta oo waqtigaasi kadib ay isbadal ka dhaceen labo maamul hadana ma jirto wax isu soo dhowaanshiyo ah. Villa Somalia waxaa ay dhankeeda tuhunsantahay in Aqalka sare ay la safan yihiin dowlad goboleedyada. Qaramada Midoobey iyo Villa Somalia: 2-dii Janaayo, tan iyo markii wasaaradda arimaha dibedda ay ku wargelisay xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres in Nicholas Haysom aan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya, waxaan jirin xiriir rasmi ah oo arrinkaas la xiriira, lamana oga xilliga uu iman-doono ergeyga cusub oo ay ku xirantahay howlo badan oo dowladnimada Soomaaliya ah. Wada-shaqeyn La’aanta Xiriirka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka A: Janaayo 3-deedii, golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hakiyey xiriirkii wada-shaqeyn ee kala dhaxeeyey golaha shacabka iyaga oo ku eedeeyey inuu qaatay awoodo aan dastuuri aheyn. Golaha Aqalka sare waxaa ay soo bandhigeen cadeymo ku saabsan in golaha shacabka isu heystaan wakiilka keliya baarlamaanka federaalka ah, qaateenna dhammaan matalaaddii haddii ay ahaan laheyd sharci sameynta, meel-marinta iyo matalaadda Soomaaliya ee baarlamaannada caalamka! Ilaa hadda xiriirka waa jaranyahay. Isqab-qabsiga Guddiga Doorashada Qaranka: Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inay xilka ka qaadeen guddoomiye ku-xigeenka guddiga Sayid Cali Sheekh, laakin shir jaraa’id uu qabtay ninka dambe waa iska diiday, isaga oo guddoomiyaha guddiga ku eedeeyey inay baalmartay sharciga. Galmudug Oo Kala Qeybsan: Galmudug waxaa ay ka mid tahay goobaha ugu xasaro badan dalka, madaxweynaha, wasiirka xukuumadda waxaa ay joogaan caasimadda Dhuusamareeb halka guddoomiyihii baarlamaanka iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogaan Cadaado, kala qeybsanaantaas waxaa ay keentay natiijo xumo iyo hey’ado is garab socda. Dagaalo Isbar-bar Socda: Waxaa hadda koonfurta Soomaaliya ka socda diyaar-garow dagaalo ka dhan ah Al-shabaab, dowladda federaalka ah oo dhankeeda ah iyo Jubbaland oo meel kale ah, waxaana su’aalo laga keenayaa miro dhalka arrinkaasi iyo saameynta. Wad-hadal-ka Soomaaliya iyo Somaliland: Ilaa hadda lama soo hadal qaadin wax wada hadal ah, mana jiro qorshe dhow oo arrintaasi la xiriira, waxaana aamusnaanta garab socda in Somaliland ka sheegato Villa Somalia, waxaana ka mid ah deeqaha iyo xiriirka beesha caalamka. Iyada oo dhibaatooyinka jira ay intaasi ka sii badanyihiin ayaa waxaa xusid mudan in doorashada qaranka ay ka harsantahay 2 sano, nidaamka doorashooyinka, axsaabta, federalism-ka, dib u eegista dastuurka, cadaaladda , dhismaha ciidamada iyo hannaanka bixitaanka AMISOM…..iyo arrimo badan ayaan weli la bilaabin, lama oga xilli ay dowladda federaalka ah u soo jeesan-doonto, waxaana la is-weydiinayaa yaa ka mas’uul ah in heerkan la soo gaaro?!! Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka warbixiyay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsanAl Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen degmadaasi. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 20 ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dhankooda dagaalkaasi looga dilay labo Askari, sida uu hadalka u dhigay. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fuliya degmada Afgooye oo ay saldhigyo ku leeyihiin Ciidamada dowladda Soomaaliya. The post Guddoomiye Barre “waxaan dilnay 20 ka tirsanaa Al Shabaab” appeared first on Shabelle. View the full article