Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,271
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiir udowlihii hore ee maamul wanaaga Puntland, Maxamed Faarax Ciise Gaashaan ayaa tilaabo muhiim ah ku tilmaamay go’aanada madaxweyne Deni uu kusoo rogay golaha wasiiradda [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Mahad Salaad ayaa weerar afka ah ku qaaday Sheikh Kenyaawi oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa oo ka ilmeeyey hadalo siyaasiyiin qaar ay sheegeen oo ahaa inuu lacag ku qaadanayo wacdinta uu beri ka sameynayo Muqdisho. Qoraalka Xildhibaan Mahad Salaad ayaa u qornaa sidan:- AADANAHU WAXA UU OOYAA marka dareenkiisa ay xaalad farxadeed ama murogo lasoo gudboonaato. LKN WAXAA JIRTA OOHIN KALE oo la yiraahdo OOHINTA YAXAASKA. Waa oraah caan ah oo loo adeegsado dadka oohin beenaadka sameeya. Waa meesha Soomaalidu ka dhahdo “HASHU GEELA IYADAA CUNTA IYADAANA CABAADA”! Yaxaaska waxa kaliya oo uu ilmeeyaa marka uu raq cunayo ee uu boganayo dheregtiisa. Oraahdaan ayaa igu soo dhacay markaan baraha bulshada ku arkay wadaad illinta iska tiraya, sida hadalkiisa ka muuqatayna ka jawaabayay qoraal maalintii Isniinta aan bogeyga facebookga kusoo qoray. Lkn waxaa nasiib wanaag ah warka uu beeninayo iyo midka uu ku hadlayo in ay isku mid yihiin! Wuxuu leeyahay: Siyaasiin ima keenin, umana ololaynayo. Hadana wuxuu leeyahay waxaan uga mahadcelinayaa in ay ii qabteen HOOLKA SHIRARKA SAHAL iyo GAROONKA KUBADA CAGTA EE STADIUM KOONIS isagoo hay’adihii fulinta iyo kuwii Gobolka mid mid u tirinaya! Sheekhow horta aan ku saxee anigu colna kulama ihi, cuqdadna kuuma qabo lkn waxaan kaaga turayaa cilmiga aad xanbaarsantahay in siyaasada qalafsan ee Soomaaliya kajirta ay kaa wasakheyso. Sidoo kale Hoolka Sahal iyo Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Koonis waxaa lagu qabtaa shirarka siyaasadeed iyo xafladaha Nabad iyo Nolol marka hadii aad rabto dadka in aad wacdiso waan kugu taageerayaa ee tag Masaajidyada iyo barxadaha waaweyn ee magaalada ku yaalla sida: Abuu Hureyra (Bakaaraha), Al-Hidaaya (Huriwaa), Isbahaysiga, Marwaas iyo CEELASHA BIYAHA, halkaas ayaa boqolaal kun Soomaali ah oo aan lasoo aruurin, diintana jecel kuugu imaanayaane inshaa’allaah. Hadii aad rabto siyaasada in aad dhex boodana oo cid gooni ah aan lagugu tirina u tag dhammaan qaybaha ku kala ra’yiga duwan siyaasadda ee magaalada kula jooga. Noqona wadaad dhexdhexaad ah oo siyaasiin gooni ah aan garabka ku sidan. Qorax soo baxday sacabo laguma qarin karo. Lkn hadii warkeygu ku dhibay Sheekhow ka raali noqo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Hargeysa (Caasimada Online) – Dawladda Somaliland ayaa deegaanadeeda ka saartay hay’ad uu lahaa siyaasiga Turkiga ah ee Fethullah Gulen oo lagu eedeeyay inqilaabkii fashilmay ee Turkiga ka dhacay sannadkii 2016. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, oo dhawaan safar ku yimid magaalada Hargeysa, lana kulmay Madaxweyne Biixi, ayaa dawladda Somaliland uga mahadceliyay cayrinta haya’daas oo uu magaceeda ku sheegay FETO. “Waxaanu soo dhaweynaynaa in Somaliland ay dalkeeda ka saartay Hay’adda FETO, waxaana la wareegtay Hay’adda Maarif Foundation maamulka dugsiyadii ay ururka FETO ku lahaa dalalka caalamka,” ayuu yidhi Danjire Mehmet Yilmaz. Turkiga ayaa wadaadkan iyo ururadiisa u aqoonsaday argagixiso tan iyo wixii ka dambeeyay inqilaabkii fashilmay. Safiirku ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goorta ay Somaliland dalkeeda ka saartay hay’adan. Laakiin danjire Mehmet wuxuu waraaxaafadeedkan oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu, kaga hadlay in hay’adda TIKA ee iskaashiga iyo Isku-duwidda u qaabilsan Turkiga, ay qalab tiradiisu yahay 216 shay ay ugu deeqeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa oo u adeega bukaan aad u badan. Qalabka dawladda Turkigu ugu deeqday cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxa ka mid ah mishiinka lagu baadho xubnaha jidhka, mishiin lagu eego Wadnaha iyo qalab kale oo loogu talogalay in lagu nadiifiyo agabka caafimaadka. Wakaallada Wararka Turkiga ee Anadolu, waxay intaas ku dartay in Wasiirka Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, uu xafladii qalabkaas lagu kala gudoomayey ka caddeeyey in qalabka Turkigu ugu deeqay uu wax ka tarayo dhinaca horumarinta adeega Caafimaadka. Dhinaciisana, Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Mehmet Yilmaz, ayaa balan-qaaday in dalkiisu sii wadayo caawimada ay siiyaan Somaliland. Dawladii hore ee Somaliland ayaa hore u diiday dalab uu Turkigu u soo gudbiyay oo ahaa inay masaafuriso hay’adda Nile Academy oo gacanta ku haysay dugsiyo waxbarasho oo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  4. Badanaa Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ma hadlo, caadiyan aad ayey bulshada Soomaaliyeed u naawilaan in uu hadlo ama uu wax ka yiraahdo dhacdooyinka aan dhammaan ee dalka ka dhaca. Bulshada iskuma jirto, qaar ayaa aad u daneeya in uu hadlo halka kuwo kale ay ugu baxdo ama bogaadinaya afgaabnida Madaxweynaha. Hase ahaatee, waxaan lagu murmin ama la’isla ogol yahay in maalinta/habeenka uu hadlo si xiiso leh la’isugu gudiyo hadaladdii uu jeediyey, farriin, ammaan, canaan iyo waxii ay noqotaba. Waxaa ugu dambeeyey hadalkii uu ka jeediyey munaasabaddii lagu soo xirayey kalfadhigii afraad ee Baarlamaanka habeenkii Isniinta ee ay salaasadu soo galeysay. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu qaab kaftan ah uga hadlay sidii uu ku yimi mooshinkii laga keenay iyo ciddii mas’uulka ka ahayd abaabulkiisa. “Qabyo ayaa ka dambeysay!” ayaa ahayd dulucda kaftankiisa – hadaba, bil kaddib muxuu Madaxweynaa uga hadlay arrintaas, muxuu daboolka uga qaaday cidda soo abaabushay? Waa su’aalo ay suurtagal tahay in la’is weydiinayo. Madaxweynaha waxaa cad in uu hal ujeedo ka lahaa diridda farriintaas! FARRIINTA Waa dhab, bulshada Soomaaliyeed marka laga reebo xildhibnaada iyo kuwa ka ag dhaw laamaha dowladda ama saxaafadda wey ku adkeyd in ay helaan xogta dhabta ah ee mooshinka iyo kuwa soo abaabulay. Taas isaga oo ka duulaya, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu si ula kac ah ama ujeedeysan bulshada si maldahan ugu sheegay in mooshinkaas uu ka dambeeyey Madaxweynihii uu talada dalka kala wareegay, hadana ah Gudoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka – Xasan Sheekh Maxamuud. Waa xaqiiqo, in dadka qaar fahmi kareen in mooshinka ay soo gudbiyeen xubanaha Baarlamaanka ugu jira Dhaamjadiid iyo kuwa kale ee ay ku midoobeen mucaaradidda dowladda, hadana wey adkeyd in ay liqaan in Xassan Sheekh lug ku lahaan karay ama uu ka dambeeyey mooshinkaas. Sida uu Madaxweynaha ku cadeeyey farriintiisa kaftanka ahayd, maxaa uu adeegsaday “Qabyo Ninkeeda Dhammeystira!” oo ahaa ereyadii hal ku dhigga u ahaa Xassan Sheekh Maxamuud markii uu doonayey in dib loo doorto. Walow, qabyo loo yaqaan kooxdii Xassan Sheekh oo dhan, hadana farriita Madaxweynaha macno ma sameyseen in uu bulshada u sheego wax ay dareemi karaan “Kooxda” oo dhan, balse shaqsi ay adag tahay in lagu tuhmo (Xassan) ka qeyb qaadashada muran siyaasadeedka dowladda oo inta looga adkaaday uu si sharaf leh xilkeeda u wareejiyey! Qariib ma aha in uu wax mucaaradi karo, balse waa la yaab leh dowladda oo labo sano u dhiman tahay in uu ridideedda ku lug yeesho! W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Hargeysa (Caasimada Online) – La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, ayaa shaaca ka qaaday in ninka ajaanibka ah ee loo magacaabayo Baanka dhexe ee Somalia uu halis ku yahay Somaliland. Warancadde ayaa sidoo kale sheegay in halistaas ay taabaneyso wadamada jaarka, maamul goboleedada kala duwan ee Somalia iyo mucaaradka ka soo hor jeeda dawladda federaalka, waxaanu ku taliyey in feejignaanteeda la yeesho. “Arrinta laga hadlayo ee ah in Maamulka Muqdisho ay Bangiga dhexe u dhiibayso dad ajinabiya, runtii arintaasi waa arin aad iyo aad u qoto dheer, dabadana waxay ku haysaa arrimo Geeska Afrika halis ku ah” ayuu yiri Warancadde. “Sida lala socdo dawladda Soomaaliya, inay gacan saar la leedahay Dawladdo khurbudaad ka wada Geeska Afrika, gaar ahaan Dawladda Qadar, waxaa la og yahay in lacago fara badan oo kaash ah lagu wax yeelo nidaamka dawladeed iyo wada jirka umadda Somaliyeed ee Koonfurta, iyo dhibaatooyin loogu tagalay in laga abuuro in lagu soo bixiyo lacago fara badan, lacagtaas marka la soo diro waxay ku soo dhacdaa, gacmaha dadka Soomaalida, oo ogaada, hore ayaa looga maahmay oo la yidhi Abaskuul meelna ma wada joogo, warna iskuma seegana, taasina waxay keentay in wax walba oo la soo shubo, oo loogu tagalay in markiiba la ogaada hawlaha laga fulinayo, taas oo ay ugu dambaysay afartankii milyan, ee Guddida Dhaqaalaha Barlamaanka Soomaaliya fashiliyeen” “Sidaas awgeed maamulka Muqdisho wuxuu go’aan ku gaadhay cid indho iyo dhega la’a, oo cidii aanay ogaan karin sirtooda, in loo dhiibo, lacagaha la keenayo, oo ay Dawladda Qadarna heshiis ku yihiin, sidaas awgeedna loo soo magacaabay nin si toos ah oo qarsoodiya u soo gaadhsiiya gacmahooda, waxaana loogu tagalay in lagu kharbudo maamul goboleedada Soomaaliya, xoogaga Mucaaradka ee ka soo hor jeeda Maamulka Muqdisho, iyo waliba Dawladdaha dariska ah ee ay Somaliland ka mid tahay, waxaana qabaa inay arintaasi runtii tahay arin halis ah, waxaana lala maagan yahay Somaliya iyo maamulidiisaba, sirtiisa iyo ogaanshihiisaba in nin iyo laba ay ku kaliyeysato, dadka Somaliyana intooda kalena laga qariyo, arintaasina waa arin halis ah, waxayna u baahan tahay in si qoto dheer loogu fiirsado”. Cali Maxamed Warancadde, ayaa mar uu ka hadlaayey Somaliland yidhi “Somaliland khatar iyo halis kasta oo loo maleegayo wey ka digtoon tahay, feejignaanteeda wey leedahay, Shacabka reer Somaliland waa Shacab qarankooda jecel, oo nabadooda jecel, oo aan sinaba raali uga noqoynin in waxyeelo loo geysto qaranimadooda iyo nabadoodaba,qaran ahaan, dal ahaan, dad ahaan iyo dawlad ahaanba waanu ka midaysan nahay ilaalinta qaranimadayada, cid waxyeelo la maagana ka yeeli mayno, waxaanu jecel nahay in aanu cid walba wanaag u muujino, balse cidii xad gudub nagu soo sameeysa, wanaag nagalama kulamayso”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Garoowe (Caasimada Online) – Dhawaan ayey ahayd markii la doortay Madaxweynaha Cusub ee Puntland Siciid Cabdullahi Deni kaddib doorasho adag oo uu la galay 21 musharax oo kale. Guusha Deni waxa ay noqotay mid ay isku si u soo dhaweeyeen dowladda Federal-ka ah iyo kooxaha mucaaradsan, hase yeeshee, wali lama oga Deni iyo xulufadiisa dhabta ah. Taas oo ay jirto, waxaa dhambaallo hambalyo ah u wada diray Deni maamulada kale oo ay ugu horreeysay Jubbaland. In Siciid Cabdullahi Deni Madaxweyne ka noqdo Puntland waxa ay sababtay su’aalo badan oo aan wali jawaab loo helin sida; Masiirka Golihii Iskaashiga, sheegadiisa Dhaamjadiid iyo Nabad iyo Nolol iyo Imaaraadka. Qaar ayaa jira oo uu si dadban uga jawaabay sida in Golaha Iskaashiga Dastuuri yahay balse uu si buuxda ula shaqeyn doono dowladda dhexe halka kuwa kale uu u dhaafay in waqtiga ka jawaabo. Hase ahaatee, Caasimadda Online waxa ay heshay xog hoose oo ku saabsan xiriirka Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Waa marag ma doon in xiriirka Deni iyo Madoobe jiheyn doono masiirka Golahii Iskaashiga oo ay meesha ka bexeen raggii sameystay sida Shariif iyo Gaas iyada oo ku xiran hadba sida xiriirkoodu yahay. Caasimadda Online oo ay u warrameen ilo ka ag dhaw Siciid Cabdullahi Deni waxa ay xaqiijiyeen in uu xun yahay, waliigiina xumaa xiriirka ka dhexeeya Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo Axmed Madoobe. Ilo wareedka xogta sida hoose u siiyey Caasimadda Online ma xaqiijin halka uu salka ku hayo xiriirka xun ee labada masuul ee ka kala arrimiya labada maamul ee ugu saameynta badan dowladda dhexe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ugu sareeyo ayaa ka qeyb galay dhoolatus ciidamo cusub ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab. Taliyaha Ciidanka Xooga S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo ay wehliyaan Abaanduullaha Ciidanka XDS S/guuto Odowaa Yuusuf Raage,Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta iyo Saraakiil kale ayaa ka qeyb galay dhoolatus Meletari. Ciidamadan ayaa tababar gaar ah wuxuu kaga socday xero ciidan oo ku taala duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ujeedada tahay inay door weyn ka ciyaaraan howlgalada gaarka ah ee ka dhanka ah Al Shabaab. Saraakiisha ciidamada xooga oo la hadlay ciidamadan ayaa sheegay inay muddo tababar qaadanayaan, islamarkaana loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al SHabaab. Taliyaha Ciidanka Xoogga S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa waxa uu Tilmaamay in uu aad ugu farxay dhoola-tuskii cajiibka ahaa ee ay soo bandhigeen Ciidanka, isaggoo kula dardaarmay inay noqdaan kuwa kasoo baxa waajibaadka Qaran ee loo igmaday.
  8. Gaalkacy (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa aad looga hadal hayaa dhacdo cajiib aheyd kadib markii mid kamid ah dhalinyarada ka shaqeeya shirkadaha Korontada uu badbaadin sameeyay. Muuqaal lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa ahaa ruux dhalinyaro ah oo ka shaqeeyan Korontada oo badbaadinaya shimbir ay qabsatay korontada baale ay saarneyd, waxaana aad loo hadal hayaa dhacdada. Wiilka dhalinyarada ayaa arkay korontada oo ku dhagan Shimbirta yar, iyadoo shimbiro kale gurmad ahaan ay ula joogaan, balse aysan waxba u qaban karin. “Shimbirta waxaa lugaha uga Xirnaa Xarig, waxaana qabsatay Fiilo ku xirneyd birta Balse aan Koronto laheyn, Dadkuna waxa ay ku baraarugeen Shimbiro hal mar Hawada Birta Qabsaday, taas oo ku dhalisay inay Hubsadaan sababta ay isigu soo urureen Shimbiruhu” ayuu yiri Maxamed Cabdullaah oo kamid ahaa Dhalinyaradii Goobjooga u ahaa Dhacdadan oo u waramayey warbaahinta. “Muddo illaa 10 Daqiiqo ah ayaa Korontada laga jaray Agagaarkeena si loo Bad-baadiyo Shimbirta oo ay heysatay Xaalad adag, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan qeyb ka ahaa kuwii u danqadey shimbirta eek a shaqeeyay inay hesho Gurmad lagu bad-baadinayo”. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Gaalkacyo-Korontada-ayaa-magaalada-oo-dhan-5-daqiiqo-laga-damiyay-si-loogu.mp4
  9. Maalmahan dambe waxaaa soo kordhay barnaamijyo lagu sheegay siminaarro ay dhallinyaro u qabtaan xisiyada diwaan gashan ee dalka ka jira kuwaas oo muran inta badan abuura. Ma mar iyo laba inta jeer ay dowladda is hortaagtay ama albaabada isugu dhufatay siminaarro ay soo abaabuleen qaar ka mid ah xisbiyada dalka ka jira sida Wadajir iyo xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiga. Waxaa la xasuustaa maalin kahor mid ay xisbiga Wadajir u qabteen dhallinyaro da’yar oo ay dowladda horistaagtay kaas oo maalin kahor isla sidaas ay Baydhabo uga celisay xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiga. Arrimahan siyaasadda Soomaaliya ku soo kordhay waxa ay dhaliyeen muran xilli ay mas’uuliyiinta xisbiyada ka cawdeen jujuubka iyo caburinta dowladda. Dhinaca dowladda wali kama bixin jawaab ku saabsan sababta ay tallaabooyinkaas u qaadeyso walow ay jiraan tuhun ah in ay fulineyso amarro ay hore u bixisay oo diidayey in la qabto kulamo siyaasadeed oo aysan dowladda la socon ama amar looga qaadan. Si walba oo ay ahaataba, waxa ay bulshada is weydiinayaan ciyaartan cusub ee aan waxba ka badalneyn riwaawad ciyaaleedka lagu jilo KARTOONKA caanka ah ee loo yaqaan ‘Tom and Jerry!; Hase yeeshee, markii aan maska tuujiyey oo aan rog rogay arrintan waxaan soo xusuustay sheeko magaaleed caan ah oo aan ku soo koobay waxa uu salka ku hayo SIMINAARRO SIYAASADEEDKAN bilowday dabayaaqadii 2018 lana jaanqaaday 2019! SHEEKO MAGAALEEDKA CAANKA BAXDAY! Nin dhallinyaro ah ayaa hadda kahor laga hayyaa in uu ku kaftamay ama uga baxday dhaqanno laga yaqaan maqaayadaha ay gabdhaha shaaha ku ka riyaan “SHAAH DAN LEH!” SHAAH DAN LEH? Maqaayadaha lagu cabo shaaha ee ku teetsan laamiga waa ka caan gayyiga Soomaaliyeed oo badanaa waxaa ka ganacsata hablo/gadho. Maqaayadahaas waxaa u soo sheeko iyo shah taga rag isugu jira dhallinyaro iyo rag waayeen! Asxaabtaas soo shaah iyo sheekaba tagta waxaa loo qeybaa laba; 1. Kuwo shaah raadis ah oo aan wax kale u dheereyn 2, kuwo shaaha ugu hoos duugan yahay haasaawe! Kuwa labaad, ee shaaha ku soo raadsada in ay kula sheekeysteen ama kula haasaawaan xataa haddii aysan shaah cabbid ka hayn, badanaa waa WAAJIB in ay dalbadaan shaaha, is ag dhigaan oo ay koobkaas saacad, laba ama saddex uu horyaal ama kabashada u beekhaamiyaan si joogista maqaayada ugu dheeraado! SHAAHAAS WAA MIDKA LOO BIXIYEY SHAAH DAN LEH! Hadaba, soo lama oran karo SIMINAARADA ku cusub siyaasadda Soomaaliyeed, dowladdana ka daali weysay is hortaagooda, xisbiyadana ka nasan waayeen qabashadiisa, waa SIMINAARRO DAN LEH!? Danta siminaaradaas waa xaajo kale oo qofba si ula muuqato, balse waxaa xaqiiq ah in xisbiyada iyo dowladda iska dhex arkeen biyaha hoostooda oo ay sheekaduba ka gudo ballaaran tahay caburin iyo arrimo kale! W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  10. War-saxaafadeed Sahanka Qaran ee Nafaqada Yaryar oo lagu daah-rogey Soomaaliya Muqdisho, 16 Jannaayo 2019 – Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta daah-rogtey Sahanka Qaran ee Nafaqada Yaryar ee Soomaaliya iyada oo ay la shaqeynayaan UNICEF iyo la-hawlgalayaal kale. Sahankan waa kii ugu horreeyey ee mug leh oo la xiriira nafaqada ee uu dalku sameeyo tan iyo 2009kii. “Afarta bilood ee soo socda, waxaan ururin doonnaaa xog muhiim ah oo ku saabsan caafimaadka, nafaqada iyo hab-dhaqanka dadka ee xiriirka la leh nafaqada yaryar ee heer qoys taas oo gacan innaga siin karta in aan si ka wanaagsan sida hadda u fahamno xaaladda caafimaad iyo nafaqo ee carruurta iyo haweenka ee Soomaaliya,” ayaa ay tiri Dr Fawsiya Abiikar, oo ah Wasiirka Caafimaadka. “Waxaa laga yaabaa in ay hawshu culus tahay, laakiin natiijooyinka ka soo baxaya ayaa ahaan doona kuwo u qalma dadaalka lagu bixinayo: waxaa ay ina siin doonaan macluumaad wanaagsan oo ku saabsan dhibaatooyinka caafimaad ee ina haysta, waxaana ay gacan innaga siin doonaan in aan la nimaadno istiraatiijiyado ka habboon kuwa hadda, kana kharash yar oo lagu dhisayo dadweyne caafimaad qaba, oo nafaqadoodu wanaagsan tahay maanta iyo ummad baraare ku nool berri.” Nafaqada yaryar, sida maaddada ayodhiinta (iodine), fitamin A iyo birta (iron), ayaa ah waxyaabaha aasaasiga ah ee dhisaya caafimaad wanaagsan. Yaraanta ay maaddooyinkan ku yar yihiin jirka ayaa halis weyn ku ah caafimaadka iyo koboca ee dadweynaha, gaar ahaan carruurta iyo haweenka uurka leh, waxaana ay taasi saameyn weyn ku leedahay saameyn ba’an oo muddada fog oo ay ka mid tahay in aaney si buuxda u xaqiijin awoodahoodii garasho, bulsho iyo dhaqaale ee ay lahaayeen. Cilmibaaris la sameeyey ayaa muujisey iyo yaraanshaha nafaqada yaryar ay hoos u dhigeyso awoodda waxbarasho iyo wax-soo-saarka shaqo iyo in ay si ba’an hoos ugu dhigi karto dakhliga qofka, qoyska iyo dalka. “UNICEF waxaa ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku bogaadineysaa hoggaanta ay hoggaamineyso Sahanka. Tani waxaa ay ka dhigan tahay tallaabo weyn oo loo sii qaadey sii wanaajinta xaaladda caafimaad iyo nafaqo ee carruurta iyo haweenka dalka,” ayaa uu yiri Jesper Moller, oo ah Ku-simaha Wakiilka UNICEF Somalia. “Waxaa sharaf weyn inoo ah in aan qayb ka nahay hawshan. Waxaan dhammaan wada-hawlgalayaasha caafimaadka ugu baaqeynaa in ay sii wadaan maalgelinta xog-ururinta si ay gacan innooga siiso in aan si sax ah u qiimeyno oo aan wax uga qabanno baahiyaha caafimaad iyo nafaqo ee carruurta. Marka aan sidaa sameyneyno waxaan gacan ka geysaneynaa dhisidda shaqaale xooggan oo caafimaad qaba iyo aasaaska dhaqaalaha Soomaaliya.” Tan iyo 2010kii, Wasaaradda Caafimaadka, UNICEF iyo la-hawlgalayaashooda ayaa ka wada shaqeeynayey dadaallo badan oo muhiim ah oo la xiriira nafaqada yaryar, oo ay ka mid tahay in sanadkiiba laba jeer fitamiin A dheeri ah la siiyo carruurta ay da’doodu u dhaxayso 6-59 bilood, nafaqo-yaryar oo badan oo dheeri ah oo la siiyo haweenka uurka leh iyo kuwa carruurta nuujinaya, in qoysaska la siiyo budada nafaqada yaryar ay ku badan tahay, iyo dhiirrigelinta nafaqada yaryar iyo naasnuujinta iyada oo loo marayo barnaamijka Quudinta Carruurta Yaryar iyo Carruurta Roon-roon / Infant and Young Child Feeding (IYCF) programme. Sahanka waxaa uu muhiimad weyn u leeyahay sii wanaajinta dadaalladan iyo gacan ka geysashada diyaarinta jawaab iskudhafan oo la bixiyo si wax looga qabto yaraanshaha nafaqada yaryar ee Soomaaliya. Maclumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir: Kheyriya Maxamed, Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Dadka, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya kheiriasom@gmail.com Kun Li, UNICEF Somalia kli@unicef.org, +254 715581365 Barnaamijkani laftiisa ayaa maanta lagu qabtay Somaliland waxana lagula soo dhuuntay xafiiska madaxweyne Ku xigeenka iyada oo mashruucaasi laga hagaayo magaalada Muqdisho, xukumadda hada ee Kulmiye ayaa dad gaar ah ku shaanbadaysa in ay Somaliweyn doonayaa xaga maanta xukumadda Muuse Biixi dhex dabaalanayso mashaariicda laga hagaayo Muqdisho Qaran News
  11. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-16012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Raysal wasaarada Ingiriiska ayaa ku guulaysatay codkii kalsoonida ee Aqalka Baarlamaanku u qaaday caawa. Dood dheer oo in ka badan 7 saac socotay ayaa aqalka [...] Source
  13. Nairobi (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa xog dheeri ah ka bixiyay weerarkii ay ka geysteen hotelka Dusit ee xaafadda Westland, kaasi oo ay sheegeen inay ku dileen inka badan 47 ruux. Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa saacado kadib ka hadlay weerarka iyo ujeedada laga lahaa, isaga oo sheegay inay ku dileen dad badan oo Kenyan ah iyo ajaaniib kale. Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in howlgalkaasi ay ugu magac dareen Labeyka Yaa Qudus, islamarkaana laga gaaray guulihii laga doonayay. Cali Dheere, wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ahaa jawaabta Donald Trump ee aqoonsiga Qudus uu u aqoonsaday caasimada Maamulka Yahuuda ee Israel, isaga oo sheegay inay difaacayaan Shacabka Falastiin. Guuto loogu magac daray Katiibada Saalax Nabhaan ayuu sheegay inay weerarkaasi ka fuliyeen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi. Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay warbixinta Cali Dheere, iyaga oo shaaciyay inay soo bandhigi doonaan shirka Jaraa’id ee Cali dheere oo uu xog badan kaga bixinayo weerarka ka dhacay Nairobi. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  14. Waa Muuse Biixi oo fadhiya balakoonka sare ee Madaxtooyada, waxa la fadhiyey ninka la yidhaahdo Rodol ee duulista iyo Ina Cali bile waxa u yimi Cabdiraxmaan faarax barwaaqo. Barwaaqo: salaan ka dib ku ye. Madaxweyne Indr ma ogtahay in aan saaka awaamiir badan bixiyey oo xagga Warfaafinta ku saabsan. Intaan Muuse jawaabin ayuu hadalkii boobay Rodol. ‘Haa. Anba haddaan u sheegayey waxiyaabo badan oo aan faray dhammaan shaqaalihii hawada qaarna waaban eryey. Hhhhh. Muuse: kkkkkk. Haye waar belaayaa tihiine. Haye. Ina Barwaaqo ayaa ku noqday: Adeero een sannadkaa maanta ah ma jiro weriye kale oo meel kale u shaqaynayaa, innagii bay rabaan inay laba mushahar isku qaataan. Midda kale waxaan aad u daba galnnay warbaahinta oo waxa jira qaar badan oo intaa ina dhalliilaya. Xataa adiga Adeero handaraab ayay kuu bixiyeen. Halkaa markii ay marinayeen ayaa waxa u soo galay Maayirkii Hargaysa. Soltelco: “Bal warrama adeero” waar waa khayre. Dabeed Muuse ayaa yidhi. Maasha allaah war muxuu naaxay ina Caydiid isagoo yar oo qori qallalan ah ayaa iigu dambaysay. Ina Barwaaqo iyo Rodolnna qosol ayay u dhaceen. Kkkkkkkkk waa run intii Siilaanyo ayuu naaxay imikana wuuba ka sii daray. maasha allaah weeye. Muuse ayaa kula sii kaftamay oo adeer maad GYM gashid ama sidayda yara Ororoddid subixii. Kkkkk hhhhh. Soltelco ayaa sii watey: Adeero waddooyinkan badan ee xaafaddeenna ah. Markaa magacyadii ayaa ka dhiman ee maxaynu u bixinnaa.? Muuse Biixi: dee adeer Ehlul -Bayt ayaynu nahaye reereheennaas mid ahaan ugu magac dar. Haye adeero mid waxaan u bixinayaa Abaa Hurayra. Muuse Biixi: waar adeer Abaa Hurayra inaga daayoo isaga qabiilkooda reer DAWS ayaa la yidhaahdaaye, Cali-ibnu Abii Daallib u bixi. Meelo badan ayaynu wax isaga ahayn isagee, miyaanad Shiikh Aadan Siiro ka dhegaysan. Waxa dhashay islaan ayeeyo inoogu beegne. Halkaas markii ay sheekadii maraysay ayaa waxa taleefan la soo baxay Muuse Biixi. Dabeed waxa uu Missed-Call u diray ina Kaahin. Maxamed Kaahin oo ku soo celiyey: hello. War Muuse niyow miyaan teleefanka lacagi kuugu jirin waa maxay Missed-Callkan yar ee catada ahi. Muuse Biixi: waar Maxamed indr mayee kii Sacad Cali Shire ayaan ku idhi inoo dhaqaalee lacagtoo maalintii Hal Dollar ayuu iigu soo shubaa halkiina anoo Farmaajo la hadllaya ayuu iga go’aye. Ii warran.- “dee bahalka Free ayaa laga dhigtaa yaa ku xisaabinaya”. Waar bal horta dee noogu kaalaya halkeennii waannu joognnaa annaguye idinkuun baa naga maqane. Haye. Haye. Dabeeto waxa yimid Maxamed Kaahin oo wata. Ina Gaafaadhi, Hinda, iyo Afartiisii wasiir ee kale. Maxamed Kaahin: Waar bal dalkii ka warrama. Muuse Biixi: waar kuwii oo iska qaylqaylinaya maahane dalku wuu kala socdaaye haye. Bal idinku iska warrama, wlhi waynu dhannahay. Qarankii ma cid baa inaga maqan. Waaba Jeegaantii kulli. Maxamed Kaahin: mayee cid kale inagama maqnee waxa maqan oo keli ah. Labadii reer Sool iyo Labadii Reer Boorame iyo Shukrri Bandare. Ee shirka inoo wada hadhow ayaynu u sheegaynnaa iyagana wixii aynu soo saarnnee. Muuse Biixi ayaa hadalkii qaatay: “Nimanyohow dalkii waakaas oo waynu haysannaa, dadkanina way waalanyihiin oo intaa way buuqayaan, meeshiiba imika wada mucaarad iyo waxbay u eekaatay ee ka taliya. Maxamed Kaahin: waar niyow miyaad waalan tahay waar dadkani way iska hadllaan, imisaa la inagu qaylinayey waxoodu hadalkaas ma dhaafayo ee hawsheenna waynu wadanaynnaa. Dee reeraha kalena cid metasha waayi maynno. Muuse Biixi: haa waar mar haddii aynu haysanno Ina Warancadde iyo Faysal Cali Waraabe. Arrinku waa isku fadhiyaa. Labadaas ayuun baynu Casho u samaynaynaa markaynu wax ka garan weynoo iyagaa shir jaraa’iid taageero ah qabanayee. Halkaas markii ay maraysay ayaa Nuux Taani soo galay. intaanuu hadalkii bilaabin ayaa Soltelco soo booday. Ku ye “Nuuxow adeer meeshan TUKA-RAQ la yidhaahdaa horta xaggay XARAF ka xigtaa, Ina Cali Bilaa igula murmay waa Bari iyo xaggaase.!!! Intii Taani qosol ku maqnaa, ayuu Muuse Biixi dhirbaaxay. BAB. Oo ku yidhi waar naga saara ciyaalkan Adeer miyaanan ku odhan adigu Hargaysa sheekadeeda ha dhaafin….. Muuse Biixi oo Cadhaysan ayaa ku soo gabagabeeyey. Nuux Taaniyow bal niyow Doorashooyin ayaa soo socdee naga war hay dee. Xagga Ammaanka. Dabeeto Shirkii Jaraa’id ee ay Wadajirka u qabteen waxay ka soo saareen warmurtiyeed sidan u dhignnaa. “Hagbbaddu waa laba gacmood Hantidu waa nagu annaga, Xilalka cidda ugu habboon Hayb baa lagu xulanayaa, Kuwaas handaraab leh iyo Ninkii hadlayaa danee, Horaa loo soconayaa.” Source
  15. Muqdisho (Sh.M.Network) – Imaam Cumar Macalin Abshir ayaa ka hadlay weerarkii ay ciidamada Kenya ku gubeen xarun ay shirkada Isgaarsiinta Horumuud ku leedahay Cali-guley ee gobolka Jubada Hoose. Imaamka, kaasi oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho, oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa ugu horeyn sheegay inuu murugada la qaybsanayo maamulka shirkada Horumuud. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu si kulul ucambaareeyay falkaan soo laab-laabtay, wuxuuna cod dheer kaga codsaday madaxda qaranka inay Guddi usaaraan arrintaan, si loola xisaabtamo ciidamadii ka dambeeyay. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Share.mp3 The post Waxgarad cambaareeyay weerarkii Kenya ee xarunta Hormuud appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Munaasabad lagu soo dhaweynayey Dr Axmed Mursi oo ku taqasusay cudarada Haweenka ayaa ka dhacday Xarunta Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ee magaalada Muqdisho. Xafladan oo si heer Sare loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Cisbitaalka, Dhaqaatiir, qaar kamid ah Howlwadeenada Caafimaadka iyo Marti Sharaf kale. Agaasimaha guud ee Isbitaalka, Cabdirashiid Maxamed C/laahi, oo madasha ka hadlay ayaa ugu bishaareeyay Haweenka xamaalida ah in muddo bil ah oo Isbitaalka ufidinayo adeegyo bilaash ah. Isaga oo sii hadlaya ayuu Agaasimaha soo dhaweeyay dhaqtarka cusub Axmed Mursi kaasi oo adeegan bilashaka ah ama la’cag la’aanta ah mudada 30 cisho ka shaqayn doono, isaga oo haweenka ugu baaqay inay ka faa’ideystaan. Dhinaca kale, qaar ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ayaa soo dhaweeyay adeegan uu Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ugu deeqay dadka danta yar, kuwaasi oo ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Isbitaalka Taqasusiga Somali Syrian ayaa bixiya adeegyo caafimaad oo tayo leh, kuwaasi oo uu ugu deeqo bulshada danta yar oo ay inta badan horay uga faa’iideesteen dadka aan awoodin qarashaadka. The post Isbitaalka Somali Syrian oo daahfuray adeegyo bilaash ah appeared first on Shabelle. View the full article
  17. President Bihi of Somaliland President Farmajo of Somalia Two Pictures Showing The Reality In The Horn Of Africa. These two pictures are of President Muse Bihi Abdi of Somaliland and the head of the federal entity in Mogadishu, Mr. Farmajo. Both men are in vehicles. President Muse Bihi is in a normal car driving through the streets of Somaliland, meanwhile, Farmajo is in an armored military vehicle. President Muse Bihi is standing clear for all to see, whilst Farmajo is covered head to toe in armored uniform. President Muse Bihi is being guarded by Somaliland officials, on the other hand, Farmajo’s bodyguards are entirely AU forces. Therefore, the question is, which one of these men was elected directly by his voters? Which one is the democratically elected leader? And which one is hiding behind outside forces? These two pictures clearly display the distance between Somaliland and Somalia. It is not a gap that can be easily bridged. Somaliland is built on dialogue, discussion and consensus. The people of Somaliland are united in their determination for sovereignty and fully support the reclamation of independence. Although, Somaliland still has some way to go in terms of fully mature democracy, it is nevertheless in a better position than many places in the Horn of Africe, the rest of Africa and even the Middle East. Somaliland enjoys de-facto status with regard to its relationship with the international community and in the fullness of time will attain de-jure recognition. Somaliland is a strong believer in the old proverb “learn to walk, before you can run”. We do not complain to sovereign nations or international bodies about “who got what in the region” or “who did what”. With great maturity, we debate the issue. What has occurred? What are reasons behind this matter? What can do or say about the matter? And so on. It is this kind of free and frank debate, that has made Somaliland, Africa’s Best Kept Secret. But, not secret for long. The international community has finally realized that after billions of dollars spent, and all manner of assistance; politically, Somalia is a lost cause. No doubt the ordinary people of Somalia are grateful for and worthy of all the assistance offered to them by the UN, EU, AU and other international organisations and nations, but it’s political leadership is both morally and intellectually bankrupt. This has dawned on the international community after the fiasco of the United Nations representative, Nicholas Haysom’s, undignified and diplomatically incorrect expulsion, along with the events in Baidoa, that nothing will ever change in Somalia. It is the same old same, with just new faces. The bereft of leadership in Somalia is encapsulated by the meeting held in Villa Somalia, Mogadishu, to discuss the response by the visit of UK Defence Secretary, Gavin Williamson’s historic visit to Somaliland. The Somalia PM, a neophyte in terms of politics and international diplomacy advocated the severing of ties with the UK and the UN. The very same UK and UN that keep the weak federal entity in place in Mogadishu!. Ergo, if Farmajo makes this fool his PM, then surely, he deserves to be driven around in an armored military vehicle. Qaran News
  18. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax ka dhacay inta udhaxaysa isgoysyada Banaadir iyo Digfeer ee magaalada Muqdisho. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle in qaraxa uu ka dhashay Miino lagu soo xiray gaari nooca ay Soomaalidu utaqano Qooqanta oo wadada marayay. Ugu yaraan hal askari oo qaybta dambe ee baabuurka saarnaa iyo qof shacab ah oo wadada marayay ayaa ku dhaawacmay qaraxa. Wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga uu leeyahay mudane ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyada weerarkaan oo kusoo aadaya xili amniga Muqdisho si wayn loo sugayo. The post Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Baydhaba (Caasimada Online) – Isaga oo ka hadlayo munaasabad maanta lagu caleema saareyay madaxweynaha Koonfur Galbeed ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sameeyay balan qaad cusub oo ku aadan wada shaqeynta dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada. Madaxweyne Farmaajo ayaa carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in dowladda dhexe ay wada shaqeyn wanaagan la yeelato dowlad goboleedyada, waxa uuna intaas ku daray in loo baahanyahay in si wadajir ah ay danaha shacabka Soomaaliyeed uga wada shaqeeyaan. “Waxaan balan qaadayaa in xiriir wanaagsan oo wada-shaqeyneed aan la yeelan doono maamul goboleedyada, wayna ii muuqataa in xiriirka uu soo hagaagayo” ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe, isagoona hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay wadashaqayn buuxda, si buu yiri loo ilaaliyo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed. Balan qaadkaani cusub ee Madaxweyne Farmaajo uu ka sheegay Munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa waxa uu ifafaalo wanaagsan ka bixinayaa xiriirka dowladda dhexe iyo dolwad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-16012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article