Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,271
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga dhismaha garoonka kubada cagta Mirre Awaare ee Garowe, ayaa maanta soo bandhigay dhaqaalihii soo galay tan iyo markii guddigas la magacaabay sanadkii hore. Guddigu [...] Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Guddiga golaha guurtida Somaliland u xil saareen ka soo tallo-bixinta muddo kordhinta la doonayo in loo sameeyo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa saaka waxa ay la kulmeen guddiga doorashooyinka Somaliland. Guddiga doorashooyinka ayaa waxa ay saaka subixii hore kulan albaabadu u xidhan yahay la yeesheen golaha guurtida, ma jiro warar faah-faahsan oo ka soo baxay kulan iyo arrimaha lagaga wada hadlay. Guddigan ayaa waxa ay shalay kulan la yeesheen saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ayaa waxa ay ka wada-hadleen arrimaha muddo kordhinta. Waxa jira muran ka taagan xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland oo u dhexeeya xisbiyadda KULMIYE UCID oo dhinac ah iyo xisbiga WADDANI dhinac ah iyada oo WADDANI uu doonayo in la kala diro komishanka halka labada xisbi ee kalana ay ku adkaysanayaan in komishankani uu qabto doorashada soo socota. Cabdicassis Maxamed Samaale ayaa sidan ka sheegay mar shalay wax laga waydiiyay kulan xisbiga KULMIYE la yeeshay Golaha Guurtida waxaana uu yidhi “Anagu waxa aanu qabnaa in Koomishanka Doorashooyinka yahay mid qaran oo lagu ammaanay Doorashadii Madaxtooyadda ee ay qabteen, waajibkoodii ayayna guteen, cid kala diri kartaana ma jirto oo sharci siiyay in ay kala dirto. Sabab lagu kala diraana ma taallo, waxaana aanu qabnaa in Koomishanka Doorashooyinka yahay mid madax bannaan sida loo soo xulo shuruucdeena ayay ku qoran tahay.” Dhankiisa xisbiga WADDANI kama hadal kulankii ay shalay la yeesheen golaha guurtida Somaliland. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday 68 gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, kadib munaasabad ka dhacday dekada magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya, taliyaha ciidamada xooga dalka iyo saraakiil amaan oo dowladda Qatar ka socotay, kuwaasi oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho. Munaasad kooban oo ka dhacday dekada magaalada Muqdisho ayaa masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar ay ku kala wareegeen gaadiidka gaashaaman. Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya oo gaadiidkaan ka gudoomay dowladda Qatar ayaa sheegay inay kaga mahadcelinayaan dowladda Qatar taageerada iyo garab istaaga ciidamada dowlada. Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in gadiidkaan la gaarsiin doono ciidamada xooga dalka meel kasta oo ay joogaan, isaga oo sheegay inay ka mahadcelinayaan taageerada dowladda Qatar. Saraakiil ka socotay dowladda Qatar ayaa dhankooda sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada dowlada Soomaaliya. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  4. (SLT-Hargeysa)-Faarax Jaamac Cali waa arday 20 snano jir ah oo sanadkii hore ee 2018 dhammeeyay fasalka shanaad ee dugsiga hoose, hase ahaa imika ma hayo fasal uu waxbarashadiisa ku sii wato. Faarax wuxuu ku nool yahay tuulada Ceel La-helay, oo 92 km dhanka bari kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, tuuladani waxa ay dhibaato ka haysataa adeegyadda aasaasiga ah ee ay ugu mihiimsan yihiin waxbarashada iyo caafimaadku. Faarax Jaamac Cali waxa uu ka warramaya sidii uu wax ku bartay muddadii shanta sanno aheyd ee uu waxbaranayay waxaanu yidhi “Dhagax ayaan ku fadhiisan jiray, waanse ku qanacsanaa inaan wax ku barto, laakiin dhibka hadda jira waa meel aan u sii dhaafo ayaanan ba haysan oo fasal ma jiro” Sidaasi oo ay tahay wiilkan iyo ardayda kale ee ay isku fasalka ahaayeenba iyaga oo geedkaasi hoostiisa wax ku baranayay mudada intaas le’eg waxaa uu geedka hoostiisi isu badelay fasal ay soo galeen ardaydii kale ee soo baxday iyagana ma jirto meel kale oo ay uga gudbaan si ay u gaalan fasalka kan xiga ee lixaad. Geedkan oo ah ka kaliya ee ku yaalla tuuladan waxaa hoostiisa wax loogu dhigaa arday tiradoodu dhan tahay 80-arday, waxaana wax lagu baraa labada gelin ee maalintii, waxayna fasalkii oo ka kooban 20 arday wax bartaa hal saac iyo 45 daqiiqo, ardaydan ayaa isugu jira 30 gabdhood iyo 50 wiil. Cali Carab Yuusuf oo ka mid ah macallimiinta wax bara ardaydaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in aanu jirin wax dhisme ah oo ardayda wax lagu bari karo oo ku yaalla tuulada, sidaas darteedna ay sanadkii 2012-kii hindiseen in geedka hoostiisa ay wax ugu dhigaan ardayda. Cali Carab Yuusuf kana mida barayaasha ardaydan geedka hoostiisa wax ku barata ayaa sheegay in geedka kaliya ee tuuladani ku yaala uu yahay midka ay ubadkani wax ku baraan waxaanu yidhi “Degaankani waa dhul qallalan, geedo badan ma laha, geedkan oo galool ah ayaana ah midka keliya ee hadda ku yaalla meesha, shan fasal ayaan ku dhignaa oo ardayda ay isu beddelaan gelinka hore iyo kan danbe, halka fasalkii lixaad ardaydii u gudubtay aan wakhti loo hayn,” Dadka deegaankani ku nooli tiro ahaan waxa ay dhan yihiin 500 oo qoys, badina ubadka qoysaskani waa kuwo danyara oo dadkoodu ay ku xoola beeleen abaarihii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay, Hooyo Xaliimo Faarax Xasan waxay ka mid tahay waalidiinta ku nool tuuladan 8-ka mida 12 carruura oo ay dhashay ayaa wax ka barta geedkan hoostiisa. “Carruurtu si wanaagsan ayay wax noogu bartaan, wax lacag ahna nalagama qaado, carruurteyda kan ugu sarreeya wuxuu dhigtaa fasalka shanaad, kan u hooseeyana fasalka koowaad,” ayay tidhi hooyo Xaliimo. Waalidiinta iyaga ayaa carruurtooda u iibiya agabka waxbarashada sida buugaagta iyo qalimada, mana laha dhar gaar ah oo ay carruurtu wax ku bartaan. Saddex macallin ayaa wax bara ardayda, waxaana ay wasaaradda waxbarashada ee Somaliland mushahar siisaa hal macallin oo keliya, labada kalena waxay ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah. Source
  5. (SLT-Nairobi)-Booliska Kenya ayaa aqoonsaday labo ka mid ah raggii fuliyay weerarkii Talaadadii lagu qaaday dhismaha Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, kaddib markii la soo afjaray howlgal qaatay 19 saacadood. Kaamirooyina qarsoon ee CCTV ayaa soo bandhigay dableyda hubeysan oo qaarkood wajiyadooda la garanayay, waxaana markii howlgalka soo dhamaaday oo la dilay jeebabkooda laga helay aqoonsigooda. Labada dabley ee la aqoonsaday ayaa la sheegay inay ahaayeen Kenyan dhowaan soo Muslimay. Baarayaashu waxay ku mashquulsanaayeen sidii ay u heli lahaayeen faah faahin buuxda, waxaana mid ka mid ah magaciisa lagu sheegay Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo ka yimid deegaanka Ngecha ee Limuru, halka midka kalena magaciisa lagu sheegay Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee magaalada Nairobi. Sidoo kale Booliska ayaa raadinaya nin lagu arkay Kaamirada CCTV, kaasoo la qadeynayay lixda nin ee ka qeyb qaadatay weerarka, agagaarka maqaayad ku taal wadada Limuru, saacado ka hor weerarka. Khabiiro kala duwan oo reer Galbeed iyo Kenyan isugu jira ayaa baaraya faraha labada nin ee lagu dilay howlgalka Hotelka DusitD2, sidoo kale waxaa kooxo khubaro loo diray deegaanada ay ka soo jeedaan, si heybtooda oo dhameystiran loo helo. Labada nin ee u dhashay Kenyanka ayaa la sheegay inay Soomaaliya aadeen oo ay tababar la soo qaateen Al-Shabaab, kaddib markii ay Diinta Islaamka qaateen. Source
  6. (SLT-China)-Arrimo badan oo la xidhiidha Nolosha Aadamaha ayaa waxa si laxaad leh ugu muuqataa Tiknoolajiyada, Dalka China ayaa waxa uu ka mid yahay Dalalka Ugu horreeya dhinaca wax soo saarka Tiknoolajiyada waxaana dalkaasi laga hirgeliyay arrin cajiib oo ah in Ardayda wax ka barata Dugsiyada dalkaasi loo sameeyay direys gaar ah oo sheegaya xilliga uu ardaygu soo galay Dugsiga iyo waliba xilliga uu ka baxay. Close up fashion shirt on hangers on shelf in cloth store Direyskan ayaa waxa ku jira laba kaadh oo yaryar oo si toos ah ula shaqaynaya Qalab iyo Kamarado ku xidhan Albaabka Dugsiga, sidoo kalena waxa uu qalabkaasi xaqiijinayaa wajiga Ardayga iyo inuu yahay ardaygii direyskaa lahaa iyo in kale. Sida lagu baahiyay Golobal Times Direyskan ayaa waxay ardaydu isticmaalayaan laba sanadood, sababaha loo sameeyeyna waa in lagula dagaalamo habsanka faraha badan ee Ardayda iyo Muranka ka dhasha habsankaasi. Shirkadda soo saartay Direyskani oo magaceeda la yidhaahdo Guizhou Guanyu ayaa waxay sheegtay in direyskani ardaydu meydhan karaan 500 oo jeer, sidoo kalena waxay shirkadu xaqiijisay in direyskan ay isticmaali karaan ardayda ku nool meelaha heer kulkoodu aadka u sareeyo, direyskan ayaa waxa kale oo uu ximmili karaa kuleylka xaddigiisu yahay 150 degree. Source
  7. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa degmada Dhoobley kaga dhowaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, isaga oo sheegay in ay gaari doonaan ciidanka maamulkiisa deegaannada gacantooda ka maqan. Axmed Madoobe ayaa sheegay iney gaari doonaan degmooyin ay ka mid tahay Bu’aale oo ah xarunta Jubbaland, halkaasi oo sanado badan ay haystaan Al-shabaab. Wuxuu tilmaamay iney ka go’an tahay xoreynta deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbaland waa sida uu hadalka u dhigaye. Ciidamada ayuu faray iney ilaaliyaan shacabka, sidoo kalena aysan dhabarka soo aaddin Al-shabaab. Waxaan Bilaabaynaa Howlgal Dib u Xoreyn Ah, ciidamadu ha ilaaliyaan shacabka, cadowgana ha iska celiyaan, Dhoobley waa meeshii aan ka bilownay halgankii dheeraa wuuna soconayaa Jubbaland ayaa isku diyaarineysa howlgal ballaaran oo ay ku dooneyso iney Al-shabaab kaga saarto Jubbooyinka iyo Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda eek a faaiideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalah iyo hay’adaha dawladda ee CIP ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland. Shirka ayaa waxaa lagu lafo guray qorshaha mashruucaan ay wadaagaan qayb kamid ah hay’adaha dawladda ee sannadkaan cusub iyo waxyaabihii qabsoomay sannadkii tegey ee 2018ka iyadoo laysla qaatay in sannadkaan cusub uu noqdo mid looga faa’iideysto si ka duwan sannadihii hore. Shirka oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan agaasimeyaasha iyo xubno kamid ah shaqaalaha hay’adaha ka faaiideysanaya mashruuca iyo xubno ka socda guddiga filinta mashruuca ee PCU ayaa lagu gorfeeyey sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira hay’adahaasi ee uu mashruucu ka taageeri karo. The post Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca CIP oo Garoowe ka qabsoomay appeared first on Puntland Post.
  9. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay Dable Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim oo ka tirsanaa xoogga dalka islamarkaana hore u dilay askari kale oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya. Dable Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa lagu helay in uu hore u dilay Alifle Salaad Xassan Maxamed oo isna ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliya. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/sare Xassan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday eedaysanahan oo ah qisaasta Alifle Salaad Xassan Maxamed. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. PUNTLAND POST The post Maxkamadda ciidamada qalabka side ee Soomaaliya oo xukun dil ah riday appeared first on Puntland Post.
  10. (SLT-Jigjiga)-Tan iyo markii ay isbadalladu ka dhaceen dalka Itoobiya, gaar ahaanna Dowlad Deegaanka Soomalida ee dalkaasi ayaa waxaa dalka ku soo qulqulayay qurba jog badan kuwaas oo markoodii hore dalka ka qaxay. Inkastoo dadkani ay ka qaxeen xaaladihii ka jiray gudaha, haddana qurba joogta ayaa intooda badan HIIL IYO HOOBA ku kala taageerayay dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi, gaar ahaanna xukuumaddii hore ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo jabhaddii hubeysneyd ee ONLF. Dadka qurba joogta ahi ee hadda soo laabtay waxaa ka mid ah Maxamed Dayib Sheekh Xusssen oo ka mid ah ururka Aqooyahanka Deegaanka oo dhawaan laga abaabulay waddanka Ingiriiska. Source
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay heshay magacyada dadkii weeraray hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa. Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen qaar kamid ah ragga weerarka geystay Baasabooradooda, islamarkaana halkaasi ay ka ogaadeen magacyada dadka weerarka geystay. Laamaha amaanka ayaa sheegay inay baaritaanka marka uu dhamaado kadib ay soo bandhigi doonaan dadka weerarka geystay magacyadooda iyo halka ay wadanka Kenya ka galeen,sida warbixinta ay ku sheegeen. Laakiin waxay sheegeen inay ogaadeen magacyada labo kamid ah dadka weerarka geystay waxaana la sheegay in midka koowaad magaciisa uu yahay Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo ka yimid deegaanka Ngecha ee Limuru, halka midka kalena magaciisa lagu sheegay Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee magaalada Nairobi. Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa shalay sheegay inay qaban doonaan cid walbaa oo raad ku yeelata weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo sheegay inay doonayaan inay amaan ku wada noolaadaan. “Cid kastaa oo taageertay, dhaqaalo ku taageertay, soo dhaweysay waa la qaban doonaa, mana la aqbalayo inay nagu dhex dhuuntaan”ayuu yiri Kenyatta oo ka hadlayay weerarkii ka dhacay xaafadda Westland. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, waxaana ay sheegeen inay kaga jawaabayeen aqoonsiga madaxweynaha Mareykanka uu aqoonsaday in magaalada Qudus tahay caasimada Yahuuda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  12. Nairobi ( Sh. M. Network):-Khasaraha dimashada ee ka dhashay weerarkii Al Shabaab ay maalin ka hor ku qaadeen Hotelka Dusitd2 ayaa la sheegay in au korortay sida ay sheegeen masuuliyin ka tirsan dowladda Kenya. Dadka kudhintay weerarkaasi ayaa la sheegay in haatandhimashadu gaarayso 21 qof waxaana lala’yahay 50 qof kale kuwaasi oo la rumaysan yahay in ay hoteelakasi ku jireen sida ay xaqiijisay hay’adda Bisha Cas ee dalka Kenya. Ciidamada Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen labo qof oo lagu eedeyay in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi kuwaasi oo haatan gacanta ugu jira laamaha ammaanka dalka Kenya. Xarakkada Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaasi waxaana ay xuseen in weerarka ay ku qaadeen Xarunta Kenya ee Nairobi islamarkaana ay ku dileen 47 qof oo ku sugnaa halkaasi. Al Shabab ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi ay ku qaadeen hoteelka ku yaalla magaalada Nairobi uu ahaa mid ay uga jawaabayeen go’aankii madaxweynaha Mareynakanka Donald Trump uu caasimada is real ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Qudus ee dhulalka la heysto ee falastiin. Salaasadii aynu ka soo gudubnay ee taariikhdu ku asteysaneed 15ka January 2019 ayey ahayd markii weerar waqti badan qaatay rag hubaysan ay ku qaadeen hotel raaxo oo ku yaalla magalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. The post Khasaaraha Ka dhashay weerarkii Kenya oo sii korortay. appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Mali)-Dabley hubeysan oo watay mootooyin ayaa la sheegay inay dadkaasi ku dileen Waqooyiga dalkaasi, halkaasi oo ay ka dhacaan iska horimaad dhinaca dhulka iyo biyaha. Duqa Degmadda Menaka , Nanuut Kotiya oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in dadkaasi lagu dilay labo weerar oo lagu qaaday dhowr Tuullo oo isku dhowdhow. Dableyda weerarkaasi weli lama aqoonsanin, iyadoo dadka la dilay ka soo jeedaan Qabiilka Tuwaariq, wuxuuna weerarkaasi imaanayaa iyada oo in ka badan 40 qof oo ka tirsan qabiilkaasi lagu dilay isla Tuullooyinkaasi bishii December ee la soo dhaafay. Source
  14. (SLT-Israa’iil)-Booliska isra’iil ayaa xabsiga u taxaabay garyaqaan heersare ah arrintaas oo qayb ka ah baadhitaan ku aadan eeda ah in magacaabista jagooyinka garsoorka lagu helo galmo. Garyaqaankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa warbaahinta waxaa laga mamnuucay inay tebiyaan xog dheeraad ah oo kiiskan ku saabsan. Balse booliiska ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay magacaabista haweeney loo magacaabay inay xaakim ka noqoto maxkamad madani ah iyo iskuday in nin xaakim ah loo dalacsiiyo maxkamad degmo. Xeer ilaaliyaha guud, Avichai Mandelblit, ayaa lagu soo waramayaa in naftiisa uu ka bedbaadiyay kiiskan sababtoo ah waxa ay saaxiib yihiin eedeysanaha ugu weyn. Wasiirka cadaaladda, Ayelet Shaked, iyo gudoomiyaha Maxkammada Sare Esther Hayut, oo qayb ka ah Guddiga shaqaaleysiinyta garsoorka ayaa la filayaa inay ka hor muuqdan guddiga baaritaanka sameynaya si ay u markhaati furan. Booliska ayaa warbixin ku sheegay in waaxda booliska u qaabilsan ka hortagga musuqmaasuqa ay laba usbuuc ka hor bilaabeen baaritaan kaddib markii lagu wargeliyay shaqooyinka garsoorka. Subixii hore ee maalinti Arbacada waxaa xabsiga loo taxaabay nin garyaqaan ah halka booliiskana ay hore su’aalo u weydiiyeen labo qof oo laga shakisanyahay, labadaas qofna waxa ay kala ahayeen haweeeney garsoore ka ah maxkamadda iyo gabadh qareen ah. Booliska ayaa sidoo kale sameeyay howlgalo baaritaano ah waxayna gacanta ku dhigeen dikumeentiyo muhiim ah. Source
  15. Kenya (Puntlandi) Saboolnimada iyo rajo la’aanta, ayaa kumanaan dhalinyaro ah oo reer Kenya ah ku sababtay inay ku biiraan kooxda al-Shabaab sanadihii lasoo dhaafay. Badi [...] Source
  16. Nairobi ( Sh.M.Network):-Afhayeenka Xarakadda Al Shabaab Sheikh Cali Dheere ayaa ku tilmaamay Weerarkoodii Maaagalada Nairobi mid jawaab u ahaa Tallaabadii uu madaxweynaha Mareykanka Donald trump uu Magaaladda Qudus ugu magacaabay Caasimadda Yahuudda. Waxaana uu sheegay weerarkooda in uu ahaa mid loogu aargudayo muslimiinta Falastiin sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Al Shabaab. Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa sheegay in illaa 50 ruux ay ku dileen weerarkii lagu qaaday Hotel ku yaalla Galbeedka magaladda Nairobi kuwaas oo 17 ruux ka mid ah ay ahaayeen ajaanib kasoo jeeda dalal aysan Kenya ku jirin. Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa shaacisay in weerarkaasi ay uga geeriyoodeen 14 ruux islamarkaan ay Ciidamada Kenya goobta ku dileen dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday. The post Al Shabaab oo ka hadlay weerarkii dagaalamayaashoodu ku qaadeen Hoteel ku yaalla dalka Kenya. appeared first on Shabelle. View the full article
  17. (SLT-Muqdisho)-Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim oo ahaa dable ka tirsan ciidammada Soomaaliya ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye iyadoo markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa. Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018. Ciidamada amniga ayaa ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna 24-ka bishii 12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto. Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Source
  18. Afmadow ( Sh.M.Network):-Wararka laga helayo deegaanka Goobeeyo oo hoostaga dagmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhexeysa Labo Maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay deegaankaasi. Dagaalkii shalay ayaa la soo warinayaa in ay ku dhinteen 6 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoo dirirtooda la sheegay in ay salka ku hayso aanooyin qabiil. Waaxaana dadka deegaanku intaas ku dareen in ay soo food saartay cabsi iyo wal wal ay ka qabaan in mar kale food is daraan dhinacyada labada maleeshiyo Beeleed ee ishorfadhiya. Ma jirto cid kala dhex gashay labadaasi maleeshiyo ee xiisadu ka dhex aloosantahay , marka laga reebo in dadallo xal doon ah haatan ay bilowdeen The post Faah Faahinno laga helayo Xiisad beeleed ka taagan duleedka degmada Afmadow. appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu haatan guda galeyso sidii loo soo Afjari lahaa Khilaafka kala dhexeeyo Madax Goboleedyada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Khilaafka haatan ka dhex aloosan dowladda iyo maamul Goboleedyada uusan dun ugu jirin shacabka oo Madaxdooda uga fadhiya wax qabad la taaban karo. Sidaas daraadeed ayuu sheegay in uu hoosta ka xariiqay sidii loo soo gaba gabeyn lahaa Khilaafkaasi islamarkaana uu doonayo in labada dhinac ku wada gorfeeyaan arrimaha ay isku maandhaafsan yihiin miiska wada hadalka. Madax Goboleedyada ayaa horay ugu dhawaaqay Golo Iskaashi ka dhan ah dowladda dhexe ee Somalia , walow qaar ka mid ah Hoggaamiyayaashii Majaraha u hayay golahaasi waji gabax kala kulmeen doorashooyin Madaxweyne oo ka dhacay deegaanadooda. The post Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in uu soo afjarayo Khilaafka u dhexeeya DF iyo Maamul Goboleedyada. appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Nairobi)-Al-Shabaab oo soo saartay war qoraal ah waxay sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa waxa ay ku tilmaantay “hadalka aan xikmadda ku dhisnayn” ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Al-Quds ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel. Al-Shabaab waxay kaloo sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa xadgudubka dawladda Israel ay ku hayso Muslimiinta reer Falastiin. Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarkaas loogu magacdaray, “Al-Quds marna noqon mayso magaalo Yuhuud”. Madaxweynaha Kenya ayaa shalay sheegay in weerarkii huteelka Dusit D2 lasoo af-jaray isla markaana la dilay argagixisadii weerarka soo qaadday. Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof oo aan waxba galabsan. Source
  21. Baydhabo ( Sh.M.Network):-Mudane Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash) Madaxweyne ku xigeenka Cusub ee Puntland oo shalay hadal ka jeedinayay Munaasabaddii Caleemo saarka Madaxweynha Cusub ee maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxa’ed Lafta Gareen ayaa ka dhawaajiyay in maamulka Puntland ay haatan wax Badan kaga duwanaan doonaan marka loo eego hab dhaqamada madaxdii iyaga ka horeeyay ee maharaha u hayay puntland. Mr Karaash ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland hadda ay ka jilcanthy sidiii hore ,Siyaasad ahaan ayna meel iska dhigi doonaan Siyaasaddii Qallafsaneed ee madaxdii ka horeysay taas oo ragaadisay Soomaalida inteeda kale. Waxaana uu Ku nuux nuuxsaday in ay u tafa xeedan doonaan sidii ay hormuud uga noqon lahaayeen ka shaqeynta isku duubnimada Bulsho weynta Soomaaliyeed islamarkaana meel looga soo wadajeesto Tafaraaruqa hareeyay umadda Soomaaliyeed. Hadalka Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa yimid xilli si weyn looga dhur sugayo hanaan maamulka Puntland iyo isbedelada ka hana qaadi kara halkaas kadib doorashadii hoggaanka maamulkaas ee dhawaaan ka dhacday magaalada Garoowe. Shacabka Soomaaliyeed ayaa u hamuun qaba is faham LA taaban karo oo u dhexeeya Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada hoostaga si looga Mira dhaliyo howlaha horyaala Madaxda Soomaaliyeed taas oo dalka gaheysiin karta Soo celinta Heykalkii dowladnimo ee horay u bur buray.. Ugu dambeyn Indheer garadka ayaa rumeysan in ay muuqanayso ififaalo wanaagsan taas oo timid kadib markii Masuuliyiinta sar sare ee dowladda Federaalka Gaashaanka u daruureen in ay aqbalaan damacii hungoobay ee Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyad ay Ku doonYeen in ay Ku wiiqaan dowladda dhexe ee uu majaraha u hayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo. The post Puntland oo DF kala shaqeyneysa soo celinta Iskaashiga iyo Midnimada Somalia. appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye iyadoo markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa. Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018. Ciidamada amniga ayaa ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna 24-ka bishii 12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto. Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Imaam Cumar Macalin Abshir oo ka hadlayay weerarkii ay ciidamada Kenya ku gubeen xarun ay shirkada Isgaarsiinta Horumuud ku leedahay deegaanka Cali-buuley oo qiyaas ahaan 30-km dhanka galbeed kaga beegan dagmada afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Imaamka, oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku sugan Muqdisho, oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa ugu horeyn sheegay in uu murugada la qaybsanayo maamulka shirkada Horumuud Telecom. Sidoo kale Imaamka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu si kulul ucambaareeyay falkaan soo noq noqday kuna tilmaamay in uu yahay mid gar-daro qaawan ah oo cidamada Kenya ku beegsanayaan xarrumaha hormuud. Ciidamada Kenya ayaa dhowr jeer gubay xarumo Shirkadda Hormuud ay ku leedahay deegaano hoostaga gobollada Jubooyinka iyo Gedo mana jirto wax war ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay Kenya ee ku aadan sababta ay u bartilmaamsanayaan xarrun shirkad Isgaarsiin oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed. The post Waxgarad si kulul u Cambaareeyay Weerar Ciidamada Kenya ku bur buriyeen Xarun Shirkadda Hormuud ku leedahay J.Hoose. appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Nairobi (Caasimada Online)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saaray weerarkii Al Shabaab ay ka fuliyeen xaafadda Westland ee magaalada Nairobi kaasi oo dad badan ay ku dhinteen. Qoraal kasoo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu cambaareeyay weerarka ka dhacay hotelka ku yaala magaalada Nairobi, waxaana ay tacsi ugu direen ehelada dadka ku dhintay weerarka. Ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayay ku amaaneen sida dhaqsida leh ee ay kaga jawaabeen weerarka Al Shabaab ku qaadeen Hotelka DUsit ee magaalada Nairobi, waxaana la bogaadiyay dadaalka ciidamada Kenya. “Xubnaha golaha ammaanka waxay carabka ku adkeynayaan in argagixisada noocee doonto ha noqoto, muuqaalkii ay doontana ha yeelatee ay weli tahay halista ugu weyn ee nabadda iyo amniga dunida ay wajahayaan” ayaa lagu yiri qoraalka. “Xubnaha golaha ammaanka waxay hoosta ka xariiqayaan in baahi loo qabo, in fuliyayaasha, agaasimayaasha iyo maali-geliyayaasha ficillada argagixiso la horkeeno caddaaladda” ayaa lagu yiri qoraalka. Xubnaha golaha ammanaka ayaa mar kale ku celiyey in ficil kasta oo argagixiso uu yahay dambi aan cudur daar lahayn, sababtuu doono ha yeeshee, cidii doonatana ha fulisee. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  25. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-170119.mp3 The post Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. appeared first on Shabelle. View the full article