Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,274
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Qadar ayaa ugu deeqday dowladda Federaalka Soomaaliya 68 kamid ah gaadiidka gaashaaman ee dagaalka. Munaasabad ka dhacday gudaha dekadda magaalada Muqdisho ayaa gaadiidkan kula wareegtay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana goobjoog ka haa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyaha ciidamaada xooga iyo saraakiil ka socotay dalka Qadar. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo gaadiidkan dagaalka gudoomay ayaa sheegay inay uga mahadcelinayaan dowladda Qadar taageerada iyo garab istaaga ciidamada dowladda. Sidoo kale Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Indha-qarshe ayaa u mahadceliyay dowladda Qadar, wuxuuna sheegay in gadiidkan la gaarsiin doono ciidamada xooga dalka meel kasta oo ay joogaan. Masuuliyiin ka socday dowladda Qadar ayaa sheegay in gaadiidkan gaashaaman ee ay ugu deeqeen dowladda Soomaaliya loogu tala-galay in ciidanka Soomaaliya kula dagaalamaan ururada argagixisada ah. Maahan markii ugu horeysay oo dowladda Soomaaliya ay dalal shisheeye ugu deeqaan gaadiid dagaal, dhowr jeer oo horre ayaa lagu wareejiayay gaadiid dagaal. PUNTLAND POST The post Qadar oo gaadiid dagaal ku wareejisay dowladda Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb-galay munaasabad xalay ka dhacday Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo lagu caleema saaray Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ku siineyso maamulka Koonfur Galbeed arrimaha amniga, dib u heshiisiinta iyo baahinta adeegyada dadweynaha. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa ugu horreyntii waxa uu uga tacsiyeeyey ummadda Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Maxamuud Yuusuf Muuro oo ahaa halgamaa ka tirsanaa ururkii gobonnimo doonka ee SYL. Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa shakhsi u huray naftiisa iyo waqtigiisa sidii Soomaaliya ay isaga tuuri lahayd heeryadii gumeystaha. Intaas keddib, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Koonfur Galbeed masuuliyadda loo dhiibay, wuxuuna caddeeyay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso Madaxweynaha cusub hawlaha muhiimka ah ee horyaalla maamulkiisa. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid ahmiyad weyn u leh daadajinta adeegyada bulshada, isaga oo intaas ku daray in sanadkan cusub ay ka wada shaqeynayaan Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada sidii loo dardargelin lahaa hawlaha hortabinta u leh geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya. “Ummadda Soomaaliyeed waxay naga sugayaan inaan uga shaqeyno dantooda guud iyo inaan sharafkoodii u soo celinno. Haddii aan intaas isla fahamno khilaafaad ma imaanayaan. Waxaan rajaynayaa sanadkan in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada aysan shacabka Soomaaliyeed marnaba ka maqlin in la is haysto.” “Waxaan wada fahamsannahay annaga oo idil in shacabka Soomaaliyeed ay na wakiisheen oo ay leeyihiin dowlanimadan iyo qarankaba, annaguna aan u nahay adeegayaal ka shaqeeya maslaxooda iyo dantooda guud, sharafkooda iyo karaamadoodana aan soo celinno. Intaas haddii ay mabaadii’ noo tahay ma imaan karto khilaafaad iyo iska hor imaad.” Waxa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in argagaxisada Alshabaab ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ay yihiin caqabadda ugu weyn ee ku hor gudban horumarka iyo barwaaqada, isaga oo muujiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojineyso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo wali ku sugan Baydhabo ayaa kulamo gaar ah la yeeshay wufuudda ka socota Dowlad Goboleedyada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulsho weynta reer Koonfur Galbeed. DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Farmaajo “Waxaan sare u qaadi doonaa wada-shaqeynta maamul goboleedyada” appeared first on Puntland Post.
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Dhowr iyo toban saacadood oo cabsi, argagax iyo sugnaasho la’aan ah kaddib Robert iyo Patrick iyo qaar kaloo iyagoo kale ah ayaa ugu dambeyn laga soo badbaadiyey dhismaha DuSitD2 ee magaalada Nairobi, halkaasoo weerar argagaxisanimo lagu qaaday casarkii Talaadada. Waxaan kula kulmay albaabka DuSitD2 hotel ee 14 Riverside Drive. Waxay iiga sheekeeyeen wixii ay u soo joogeen dhowr iyo tobanka saacadood ee ay dhismaha rasaasta iyo qaraxyada ka socdeen ay ku dhex xayirnaayeen. “Waxaan iska dhigay sidii wax dhintay oo kale. Waan joojiyay inaan nolol ka fekero,” ayuu yiri Patrick oo sidoo kale lagu naaneyso Pat. “Markuu habeenku dumay, waxaan bilaabay inaan duceysto illaa laga gaaray 4am subaxnimadii (Arbacada) markaasoo aan maqlay dhawaqa askarta oo dadka badbaaday u sheegeysa inay soo baxaan si loo samatabixiyo. Laakiin, sida badiyaa dhacdaba, Pat ma uusan aaminin dhawaqa— oo wuxuu u maleynayey kooxdii weerarka waday oo iska dhigeysa askar si ay dadka u khaldaan. Wuxuuse markii dambe aqoonsaday qaab hadalka lahjadda ay adeegsanayeen askarta taasoo keentay inuu bannaanka u soo baxo ugu dambeyn. Mid kasta oo ka mid ah wuxuu leeyahay sheeko gaar ah: Kamau, oo 41 jir ah wuxuu sugayey wareysi shaqo uu filayey inay noqon doonto tii noloshiisa horumar u horseedi lahayd, hase yeeshee kursigii uu ku sugayey wareysiga shaqo (job interview) waxaa beddelay inuu ku dhuunto musqusha [suuliga] illaa ugu dambeyn uu indhaha saaray mid ka mid ah argagixisadii oo rasaas ku ridaya dadkii kala firxanayey. Weerarkan qofba si buu u taabtay. Waxaa dadka naftooda qaaliga ku waayey ka mid ah Feysal Axmed iyo Cabdalla Daahir, oo ah labo nin oo dhalinyaro ah oo Soomaalida Kenya ka mid ah, kana shaqeynayey mashruuc dib u dhis iyo horumarin loogu sameynayo Soomaaliya. Labada saaxiib waxay markaa wada sugayeen qado ay ka dalbadeen maqaayadda, waxayna ku wada dhinteen isla goobtaa. Waxaa kaloo ku jira James Odour oo ah wariye sports iyo ciyaaryahan kubbada cagta, haddana u shaqeynayey shirkadda LG. SHEEKADA SILVIA Goobta meydadka la dhigo ee Chiromo, Silvia oo 30 jir ah ayaa baadi goobeysay saaxiibkeed (ay is guursan rabeen) oo maalmo kahor uun ka yimid Australia. Wuxuu qol ka degey hotelka DuSitD2. Daqiiqada weerarku dhacayo ayey khadka telefoonka ku wada hadlayeen, waxaase kala gooyey dhawaqa jugtii u horreysay. Wixii markaa ka dambeeyayna wax war ah kama aysan helin. “Markii aan imid halkan [qolka meydka] waxaa la i tusay dharkii laga saaray dhammaan dadkii la keenay goobta. Waxaan aqoonsaday dharkiisa. Welina la iima oggolaan inaan arko meydka.” ayey ii sheegtay. Isla markiiba waxa soo galay koox hal qoys ka kooban. Iyaguna sida Silvia, ayey raadinayaan qof ehelkooda ah oo loo maleynayo inuu geeriyooday. Waxaase saraakiisha qeybta meydadka maamusha ay u sheegeen in kaliya booliska loo oggol yahay inay gudaha galaan, meydkana ku wareejiyaan ciddii ehel u ah kaliya marka si rasmi ah loo xaqiijiyo aqoonsiga qofka geeriyooday iyo dadka sheeganaya inay ehel yihiin intuba. Qof kasta oo ka mid ah dadkan wuxuu lahaa rajo iyo nolol uu doonayey inuu meel gaarsiiyo. Qaar waxay ahaayeen aabbeyaal, sey iyo saaxiibo la jecel yahay. Mid kastana wuxuu cidleeyay dad iyo guri laga jeclaa!!! Waxaa Qoray: Abdalle Ahmed Mumin
  4. Guddiga dhismaha garoonka kubada cagta Mirre Awaare ee Garowe, ayaa maanta soo bandhigay dhaqaalihii soo galay tan iyo markii guddigas la magacaabay sanadkii hore. Guddigu [...] Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddiga golaha guurtida Somaliland u xil saareen ka soo tallo-bixinta muddo kordhinta la doonayo in loo sameeyo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa saaka waxa ay la kulmeen guddiga doorashooyinka Somaliland. Guddiga doorashooyinka ayaa waxa ay saaka subixii hore kulan albaabadu u xidhan yahay la yeesheen golaha guurtida, ma jiro warar faah-faahsan oo ka soo baxay kulan iyo arrimaha lagaga wada hadlay. Guddigan ayaa waxa ay shalay kulan la yeesheen saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE ayaa waxa ay ka wada-hadleen arrimaha muddo kordhinta. Waxa jira muran ka taagan xubnaha komishanka doorashooyinka Somaliland oo u dhexeeya xisbiyadda KULMIYE UCID oo dhinac ah iyo xisbiga WADDANI dhinac ah iyada oo WADDANI uu doonayo in la kala diro komishanka halka labada xisbi ee kalana ay ku adkaysanayaan in komishankani uu qabto doorashada soo socota. Cabdicassis Maxamed Samaale ayaa sidan ka sheegay mar shalay wax laga waydiiyay kulan xisbiga KULMIYE la yeeshay Golaha Guurtida waxaana uu yidhi “Anagu waxa aanu qabnaa in Koomishanka Doorashooyinka yahay mid qaran oo lagu ammaanay Doorashadii Madaxtooyadda ee ay qabteen, waajibkoodii ayayna guteen, cid kala diri kartaana ma jirto oo sharci siiyay in ay kala dirto. Sabab lagu kala diraana ma taallo, waxaana aanu qabnaa in Koomishanka Doorashooyinka yahay mid madax bannaan sida loo soo xulo shuruucdeena ayay ku qoran tahay.” Dhankiisa xisbiga WADDANI kama hadal kulankii ay shalay la yeesheen golaha guurtida Somaliland. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa dowladda Soomaaliya ugu deeqday 68 gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, kadib munaasabad ka dhacday dekada magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya, taliyaha ciidamada xooga dalka iyo saraakiil amaan oo dowladda Qatar ka socotay, kuwaasi oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho. Munaasad kooban oo ka dhacday dekada magaalada Muqdisho ayaa masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo dowladda Qatar ay ku kala wareegeen gaadiidka gaashaaman. Wasiirka gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya oo gaadiidkaan ka gudoomay dowladda Qatar ayaa sheegay inay kaga mahadcelinayaan dowladda Qatar taageerada iyo garab istaaga ciidamada dowlada. Taliyaha ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in gadiidkaan la gaarsiin doono ciidamada xooga dalka meel kasta oo ay joogaan, isaga oo sheegay inay ka mahadcelinayaan taageerada dowladda Qatar. Saraakiil ka socotay dowladda Qatar ayaa dhankooda sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siinayaan ciidamada dowlada Soomaaliya. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Faarax Jaamac Cali waa arday 20 snano jir ah oo sanadkii hore ee 2018 dhammeeyay fasalka shanaad ee dugsiga hoose, hase ahaa imika ma hayo fasal uu waxbarashadiisa ku sii wato. Faarax wuxuu ku nool yahay tuulada Ceel La-helay, oo 92 km dhanka bari kaga beegan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, tuuladani waxa ay dhibaato ka haysataa adeegyadda aasaasiga ah ee ay ugu mihiimsan yihiin waxbarashada iyo caafimaadku. Faarax Jaamac Cali waxa uu ka warramaya sidii uu wax ku bartay muddadii shanta sanno aheyd ee uu waxbaranayay waxaanu yidhi “Dhagax ayaan ku fadhiisan jiray, waanse ku qanacsanaa inaan wax ku barto, laakiin dhibka hadda jira waa meel aan u sii dhaafo ayaanan ba haysan oo fasal ma jiro” Sidaasi oo ay tahay wiilkan iyo ardayda kale ee ay isku fasalka ahaayeenba iyaga oo geedkaasi hoostiisa wax ku baranayay mudada intaas le’eg waxaa uu geedka hoostiisi isu badelay fasal ay soo galeen ardaydii kale ee soo baxday iyagana ma jirto meel kale oo ay uga gudbaan si ay u gaalan fasalka kan xiga ee lixaad. Geedkan oo ah ka kaliya ee ku yaalla tuuladan waxaa hoostiisa wax loogu dhigaa arday tiradoodu dhan tahay 80-arday, waxaana wax lagu baraa labada gelin ee maalintii, waxayna fasalkii oo ka kooban 20 arday wax bartaa hal saac iyo 45 daqiiqo, ardaydan ayaa isugu jira 30 gabdhood iyo 50 wiil. Cali Carab Yuusuf oo ka mid ah macallimiinta wax bara ardaydaan ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in aanu jirin wax dhisme ah oo ardayda wax lagu bari karo oo ku yaalla tuulada, sidaas darteedna ay sanadkii 2012-kii hindiseen in geedka hoostiisa ay wax ugu dhigaan ardayda. Cali Carab Yuusuf kana mida barayaasha ardaydan geedka hoostiisa wax ku barata ayaa sheegay in geedka kaliya ee tuuladani ku yaala uu yahay midka ay ubadkani wax ku baraan waxaanu yidhi “Degaankani waa dhul qallalan, geedo badan ma laha, geedkan oo galool ah ayaana ah midka keliya ee hadda ku yaalla meesha, shan fasal ayaan ku dhignaa oo ardayda ay isu beddelaan gelinka hore iyo kan danbe, halka fasalkii lixaad ardaydii u gudubtay aan wakhti loo hayn,” Dadka deegaankani ku nooli tiro ahaan waxa ay dhan yihiin 500 oo qoys, badina ubadka qoysaskani waa kuwo danyara oo dadkoodu ay ku xoola beeleen abaarihii kala danbeeyay ee dalka ka dhacay, Hooyo Xaliimo Faarax Xasan waxay ka mid tahay waalidiinta ku nool tuuladan 8-ka mida 12 carruura oo ay dhashay ayaa wax ka barta geedkan hoostiisa. “Carruurtu si wanaagsan ayay wax noogu bartaan, wax lacag ahna nalagama qaado, carruurteyda kan ugu sarreeya wuxuu dhigtaa fasalka shanaad, kan u hooseeyana fasalka koowaad,” ayay tidhi hooyo Xaliimo. Waalidiinta iyaga ayaa carruurtooda u iibiya agabka waxbarashada sida buugaagta iyo qalimada, mana laha dhar gaar ah oo ay carruurtu wax ku bartaan. Saddex macallin ayaa wax bara ardayda, waxaana ay wasaaradda waxbarashada ee Somaliland mushahar siisaa hal macallin oo keliya, labada kalena waxay ku shaqeeyaan si mutadawacnimo ah. Source
  8. (SLT-Nairobi)-Booliska Kenya ayaa aqoonsaday labo ka mid ah raggii fuliyay weerarkii Talaadadii lagu qaaday dhismaha Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, kaddib markii la soo afjaray howlgal qaatay 19 saacadood. Kaamirooyina qarsoon ee CCTV ayaa soo bandhigay dableyda hubeysan oo qaarkood wajiyadooda la garanayay, waxaana markii howlgalka soo dhamaaday oo la dilay jeebabkooda laga helay aqoonsigooda. Labada dabley ee la aqoonsaday ayaa la sheegay inay ahaayeen Kenyan dhowaan soo Muslimay. Baarayaashu waxay ku mashquulsanaayeen sidii ay u heli lahaayeen faah faahin buuxda, waxaana mid ka mid ah magaciisa lagu sheegay Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo ka yimid deegaanka Ngecha ee Limuru, halka midka kalena magaciisa lagu sheegay Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee magaalada Nairobi. Sidoo kale Booliska ayaa raadinaya nin lagu arkay Kaamirada CCTV, kaasoo la qadeynayay lixda nin ee ka qeyb qaadatay weerarka, agagaarka maqaayad ku taal wadada Limuru, saacado ka hor weerarka. Khabiiro kala duwan oo reer Galbeed iyo Kenyan isugu jira ayaa baaraya faraha labada nin ee lagu dilay howlgalka Hotelka DusitD2, sidoo kale waxaa kooxo khubaro loo diray deegaanada ay ka soo jeedaan, si heybtooda oo dhameystiran loo helo. Labada nin ee u dhashay Kenyanka ayaa la sheegay inay Soomaaliya aadeen oo ay tababar la soo qaateen Al-Shabaab, kaddib markii ay Diinta Islaamka qaateen. Source
  9. (SLT-China)-Arrimo badan oo la xidhiidha Nolosha Aadamaha ayaa waxa si laxaad leh ugu muuqataa Tiknoolajiyada, Dalka China ayaa waxa uu ka mid yahay Dalalka Ugu horreeya dhinaca wax soo saarka Tiknoolajiyada waxaana dalkaasi laga hirgeliyay arrin cajiib oo ah in Ardayda wax ka barata Dugsiyada dalkaasi loo sameeyay direys gaar ah oo sheegaya xilliga uu ardaygu soo galay Dugsiga iyo waliba xilliga uu ka baxay. Close up fashion shirt on hangers on shelf in cloth store Direyskan ayaa waxa ku jira laba kaadh oo yaryar oo si toos ah ula shaqaynaya Qalab iyo Kamarado ku xidhan Albaabka Dugsiga, sidoo kalena waxa uu qalabkaasi xaqiijinayaa wajiga Ardayga iyo inuu yahay ardaygii direyskaa lahaa iyo in kale. Sida lagu baahiyay Golobal Times Direyskan ayaa waxay ardaydu isticmaalayaan laba sanadood, sababaha loo sameeyeyna waa in lagula dagaalamo habsanka faraha badan ee Ardayda iyo Muranka ka dhasha habsankaasi. Shirkadda soo saartay Direyskani oo magaceeda la yidhaahdo Guizhou Guanyu ayaa waxay sheegtay in direyskani ardaydu meydhan karaan 500 oo jeer, sidoo kalena waxay shirkadu xaqiijisay in direyskan ay isticmaali karaan ardayda ku nool meelaha heer kulkoodu aadka u sareeyo, direyskan ayaa waxa kale oo uu ximmili karaa kuleylka xaddigiisu yahay 150 degree. Source
  10. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa degmada Dhoobley kaga dhowaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab, isaga oo sheegay in ay gaari doonaan ciidanka maamulkiisa deegaannada gacantooda ka maqan. Axmed Madoobe ayaa sheegay iney gaari doonaan degmooyin ay ka mid tahay Bu’aale oo ah xarunta Jubbaland, halkaasi oo sanado badan ay haystaan Al-shabaab. Wuxuu tilmaamay iney ka go’an tahay xoreynta deegaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin Jubbaland waa sida uu hadalka u dhigaye. Ciidamada ayuu faray iney ilaaliyaan shacabka, sidoo kalena aysan dhabarka soo aaddin Al-shabaab. Waxaan Bilaabaynaa Howlgal Dib u Xoreyn Ah, ciidamadu ha ilaaliyaan shacabka, cadowgana ha iska celiyaan, Dhoobley waa meeshii aan ka bilownay halgankii dheeraa wuuna soconayaa Jubbaland ayaa isku diyaarineysa howlgal ballaaran oo ay ku dooneyso iney Al-shabaab kaga saarto Jubbooyinka iyo Gedo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda eek a faaiideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalah iyo hay’adaha dawladda ee CIP ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Puntland. Shirka ayaa waxaa lagu lafo guray qorshaha mashruucaan ay wadaagaan qayb kamid ah hay’adaha dawladda ee sannadkaan cusub iyo waxyaabihii qabsoomay sannadkii tegey ee 2018ka iyadoo laysla qaatay in sannadkaan cusub uu noqdo mid looga faa’iideysto si ka duwan sannadihii hore. Shirka oo ay goob joog ka ahaayeen inta badan agaasimeyaasha iyo xubno kamid ah shaqaalaha hay’adaha ka faaiideysanaya mashruuca iyo xubno ka socda guddiga filinta mashruuca ee PCU ayaa lagu gorfeeyey sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha ka jira hay’adahaasi ee uu mashruucu ka taageeri karo. The post Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta mashruuca CIP oo Garoowe ka qabsoomay appeared first on Puntland Post.
  12. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay Dable Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim oo ka tirsanaa xoogga dalka islamarkaana hore u dilay askari kale oo ka tirsanaa Booliiska Soomaaliya. Dable Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa lagu helay in uu hore u dilay Alifle Salaad Xassan Maxamed oo isna ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliya. Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/sare Xassan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu riday eedaysanahan oo ah qisaasta Alifle Salaad Xassan Maxamed. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. PUNTLAND POST The post Maxkamadda ciidamada qalabka side ee Soomaaliya oo xukun dil ah riday appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Jigjiga)-Tan iyo markii ay isbadalladu ka dhaceen dalka Itoobiya, gaar ahaanna Dowlad Deegaanka Soomalida ee dalkaasi ayaa waxaa dalka ku soo qulqulayay qurba jog badan kuwaas oo markoodii hore dalka ka qaxay. Inkastoo dadkani ay ka qaxeen xaaladihii ka jiray gudaha, haddana qurba joogta ayaa intooda badan HIIL IYO HOOBA ku kala taageerayay dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi, gaar ahaanna xukuumaddii hore ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo jabhaddii hubeysneyd ee ONLF. Dadka qurba joogta ahi ee hadda soo laabtay waxaa ka mid ah Maxamed Dayib Sheekh Xusssen oo ka mid ah ururka Aqooyahanka Deegaanka oo dhawaan laga abaabulay waddanka Ingiriiska. Source
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay heshay magacyada dadkii weeraray hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa. Laamaha amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay inay heleen qaar kamid ah ragga weerarka geystay Baasabooradooda, islamarkaana halkaasi ay ka ogaadeen magacyada dadka weerarka geystay. Laamaha amaanka ayaa sheegay inay baaritaanka marka uu dhamaado kadib ay soo bandhigi doonaan dadka weerarka geystay magacyadooda iyo halka ay wadanka Kenya ka galeen,sida warbixinta ay ku sheegeen. Laakiin waxay sheegeen inay ogaadeen magacyada labo kamid ah dadka weerarka geystay waxaana la sheegay in midka koowaad magaciisa uu yahay Eric Kinyanjui oo 26 jir ah oo ka yimid deegaanka Ngecha ee Limuru, halka midka kalena magaciisa lagu sheegay Faaruuq oo ku dhashay Xaafada isku raranka ah ee Majengo ee magaalada Nairobi. Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa shalay sheegay inay qaban doonaan cid walbaa oo raad ku yeelata weerarkii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isaga oo sheegay inay doonayaan inay amaan ku wada noolaadaan. “Cid kastaa oo taageertay, dhaqaalo ku taageertay, soo dhaweysay waa la qaban doonaa, mana la aqbalayo inay nagu dhex dhuuntaan”ayuu yiri Kenyatta oo ka hadlayay weerarkii ka dhacay xaafadda Westland. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka, waxaana ay sheegeen inay kaga jawaabayeen aqoonsiga madaxweynaha Mareykanka uu aqoonsaday in magaalada Qudus tahay caasimada Yahuuda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  15. Nairobi ( Sh. M. Network):-Khasaraha dimashada ee ka dhashay weerarkii Al Shabaab ay maalin ka hor ku qaadeen Hotelka Dusitd2 ayaa la sheegay in au korortay sida ay sheegeen masuuliyin ka tirsan dowladda Kenya. Dadka kudhintay weerarkaasi ayaa la sheegay in haatandhimashadu gaarayso 21 qof waxaana lala’yahay 50 qof kale kuwaasi oo la rumaysan yahay in ay hoteelakasi ku jireen sida ay xaqiijisay hay’adda Bisha Cas ee dalka Kenya. Ciidamada Amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay xireen labo qof oo lagu eedeyay in ay ku lug lahaayeen weerarkaasi kuwaasi oo haatan gacanta ugu jira laamaha ammaanka dalka Kenya. Xarakkada Al Shabab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaasi waxaana ay xuseen in weerarka ay ku qaadeen Xarunta Kenya ee Nairobi islamarkaana ay ku dileen 47 qof oo ku sugnaa halkaasi. Al Shabab ayaa sidoo kale sheegay in weerarkaasi ay ku qaadeen hoteelka ku yaalla magaalada Nairobi uu ahaa mid ay uga jawaabayeen go’aankii madaxweynaha Mareynakanka Donald Trump uu caasimada is real ugu aqoonsaday magaalada barakaysan ee Qudus ee dhulalka la heysto ee falastiin. Salaasadii aynu ka soo gudubnay ee taariikhdu ku asteysaneed 15ka January 2019 ayey ahayd markii weerar waqti badan qaatay rag hubaysan ay ku qaadeen hotel raaxo oo ku yaalla magalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya. The post Khasaaraha Ka dhashay weerarkii Kenya oo sii korortay. appeared first on Shabelle. View the full article
  16. (SLT-Mali)-Dabley hubeysan oo watay mootooyin ayaa la sheegay inay dadkaasi ku dileen Waqooyiga dalkaasi, halkaasi oo ay ka dhacaan iska horimaad dhinaca dhulka iyo biyaha. Duqa Degmadda Menaka , Nanuut Kotiya oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay in dadkaasi lagu dilay labo weerar oo lagu qaaday dhowr Tuullo oo isku dhowdhow. Dableyda weerarkaasi weli lama aqoonsanin, iyadoo dadka la dilay ka soo jeedaan Qabiilka Tuwaariq, wuxuuna weerarkaasi imaanayaa iyada oo in ka badan 40 qof oo ka tirsan qabiilkaasi lagu dilay isla Tuullooyinkaasi bishii December ee la soo dhaafay. Source
  17. (SLT-Israa’iil)-Booliska isra’iil ayaa xabsiga u taxaabay garyaqaan heersare ah arrintaas oo qayb ka ah baadhitaan ku aadan eeda ah in magacaabista jagooyinka garsoorka lagu helo galmo. Garyaqaankan oo aan magaciisa la shaacin ayaa warbaahinta waxaa laga mamnuucay inay tebiyaan xog dheeraad ah oo kiiskan ku saabsan. Balse booliiska ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay magacaabista haweeney loo magacaabay inay xaakim ka noqoto maxkamad madani ah iyo iskuday in nin xaakim ah loo dalacsiiyo maxkamad degmo. Xeer ilaaliyaha guud, Avichai Mandelblit, ayaa lagu soo waramayaa in naftiisa uu ka bedbaadiyay kiiskan sababtoo ah waxa ay saaxiib yihiin eedeysanaha ugu weyn. Wasiirka cadaaladda, Ayelet Shaked, iyo gudoomiyaha Maxkammada Sare Esther Hayut, oo qayb ka ah Guddiga shaqaaleysiinyta garsoorka ayaa la filayaa inay ka hor muuqdan guddiga baaritaanka sameynaya si ay u markhaati furan. Booliska ayaa warbixin ku sheegay in waaxda booliska u qaabilsan ka hortagga musuqmaasuqa ay laba usbuuc ka hor bilaabeen baaritaan kaddib markii lagu wargeliyay shaqooyinka garsoorka. Subixii hore ee maalinti Arbacada waxaa xabsiga loo taxaabay nin garyaqaan ah halka booliiskana ay hore su’aalo u weydiiyeen labo qof oo laga shakisanyahay, labadaas qofna waxa ay kala ahayeen haweeeney garsoore ka ah maxkamadda iyo gabadh qareen ah. Booliska ayaa sidoo kale sameeyay howlgalo baaritaano ah waxayna gacanta ku dhigeen dikumeentiyo muhiim ah. Source
  18. Kenya (Puntlandi) Saboolnimada iyo rajo la’aanta, ayaa kumanaan dhalinyaro ah oo reer Kenya ah ku sababtay inay ku biiraan kooxda al-Shabaab sanadihii lasoo dhaafay. Badi [...] Source
  19. Nairobi ( Sh.M.Network):-Afhayeenka Xarakadda Al Shabaab Sheikh Cali Dheere ayaa ku tilmaamay Weerarkoodii Maaagalada Nairobi mid jawaab u ahaa Tallaabadii uu madaxweynaha Mareykanka Donald trump uu Magaaladda Qudus ugu magacaabay Caasimadda Yahuudda. Waxaana uu sheegay weerarkooda in uu ahaa mid loogu aargudayo muslimiinta Falastiin sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Al Shabaab. Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa sheegay in illaa 50 ruux ay ku dileen weerarkii lagu qaaday Hotel ku yaalla Galbeedka magaladda Nairobi kuwaas oo 17 ruux ka mid ah ay ahaayeen ajaanib kasoo jeeda dalal aysan Kenya ku jirin. Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa shaacisay in weerarkaasi ay uga geeriyoodeen 14 ruux islamarkaan ay Ciidamada Kenya goobta ku dileen dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday. The post Al Shabaab oo ka hadlay weerarkii dagaalamayaashoodu ku qaadeen Hoteel ku yaalla dalka Kenya. appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Muqdisho)-Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim oo ahaa dable ka tirsan ciidammada Soomaaliya ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye iyadoo markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa. Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018. Ciidamada amniga ayaa ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna 24-ka bishii 12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto. Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Source
  21. Afmadow ( Sh.M.Network):-Wararka laga helayo deegaanka Goobeeyo oo hoostaga dagmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xiisad dagaal oo u dhexeysa Labo Maleeshiyo Beeleed oo ku dagaalamay deegaankaasi. Dagaalkii shalay ayaa la soo warinayaa in ay ku dhinteen 6 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoo dirirtooda la sheegay in ay salka ku hayso aanooyin qabiil. Waaxaana dadka deegaanku intaas ku dareen in ay soo food saartay cabsi iyo wal wal ay ka qabaan in mar kale food is daraan dhinacyada labada maleeshiyo Beeleed ee ishorfadhiya. Ma jirto cid kala dhex gashay labadaasi maleeshiyo ee xiisadu ka dhex aloosantahay , marka laga reebo in dadallo xal doon ah haatan ay bilowdeen The post Faah Faahinno laga helayo Xiisad beeleed ka taagan duleedka degmada Afmadow. appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dowladdiisu haatan guda galeyso sidii loo soo Afjari lahaa Khilaafka kala dhexeeyo Madax Goboleedyada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Khilaafka haatan ka dhex aloosan dowladda iyo maamul Goboleedyada uusan dun ugu jirin shacabka oo Madaxdooda uga fadhiya wax qabad la taaban karo. Sidaas daraadeed ayuu sheegay in uu hoosta ka xariiqay sidii loo soo gaba gabeyn lahaa Khilaafkaasi islamarkaana uu doonayo in labada dhinac ku wada gorfeeyaan arrimaha ay isku maandhaafsan yihiin miiska wada hadalka. Madax Goboleedyada ayaa horay ugu dhawaaqay Golo Iskaashi ka dhan ah dowladda dhexe ee Somalia , walow qaar ka mid ah Hoggaamiyayaashii Majaraha u hayay golahaasi waji gabax kala kulmeen doorashooyin Madaxweyne oo ka dhacay deegaanadooda. The post Madaxweyne Farmaajo oo ku dhawaaqay in uu soo afjarayo Khilaafka u dhexeeya DF iyo Maamul Goboleedyada. appeared first on Shabelle. View the full article
  23. (SLT-Nairobi)-Al-Shabaab oo soo saartay war qoraal ah waxay sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa waxa ay ku tilmaantay “hadalka aan xikmadda ku dhisnayn” ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu magaalada Al-Quds ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel. Al-Shabaab waxay kaloo sheegtay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa xadgudubka dawladda Israel ay ku hayso Muslimiinta reer Falastiin. Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarkaas loogu magacdaray, “Al-Quds marna noqon mayso magaalo Yuhuud”. Madaxweynaha Kenya ayaa shalay sheegay in weerarkii huteelka Dusit D2 lasoo af-jaray isla markaana la dilay argagixisadii weerarka soo qaadday. Uhuru Kenyatta waxa uu sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen 14 qof oo aan waxba galabsan. Source
  24. Baydhabo ( Sh.M.Network):-Mudane Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash) Madaxweyne ku xigeenka Cusub ee Puntland oo shalay hadal ka jeedinayay Munaasabaddii Caleemo saarka Madaxweynha Cusub ee maamulka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxa’ed Lafta Gareen ayaa ka dhawaajiyay in maamulka Puntland ay haatan wax Badan kaga duwanaan doonaan marka loo eego hab dhaqamada madaxdii iyaga ka horeeyay ee maharaha u hayay puntland. Mr Karaash ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland hadda ay ka jilcanthy sidiii hore ,Siyaasad ahaan ayna meel iska dhigi doonaan Siyaasaddii Qallafsaneed ee madaxdii ka horeysay taas oo ragaadisay Soomaalida inteeda kale. Waxaana uu Ku nuux nuuxsaday in ay u tafa xeedan doonaan sidii ay hormuud uga noqon lahaayeen ka shaqeynta isku duubnimada Bulsho weynta Soomaaliyeed islamarkaana meel looga soo wadajeesto Tafaraaruqa hareeyay umadda Soomaaliyeed. Hadalka Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa yimid xilli si weyn looga dhur sugayo hanaan maamulka Puntland iyo isbedelada ka hana qaadi kara halkaas kadib doorashadii hoggaanka maamulkaas ee dhawaaan ka dhacday magaalada Garoowe. Shacabka Soomaaliyeed ayaa u hamuun qaba is faham LA taaban karo oo u dhexeeya Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada hoostaga si looga Mira dhaliyo howlaha horyaala Madaxda Soomaaliyeed taas oo dalka gaheysiin karta Soo celinta Heykalkii dowladnimo ee horay u bur buray.. Ugu dambeyn Indheer garadka ayaa rumeysan in ay muuqanayso ififaalo wanaagsan taas oo timid kadib markii Masuuliyiinta sar sare ee dowladda Federaalka Gaashaanka u daruureen in ay aqbalaan damacii hungoobay ee Golihii Iskaashiga maamul Goboleedyad ay Ku doonYeen in ay Ku wiiqaan dowladda dhexe ee uu majaraha u hayo Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo. The post Puntland oo DF kala shaqeyneysa soo celinta Iskaashiga iyo Midnimada Somalia. appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa loo heystaa dilka Marxuum Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay. Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa si jees-jees ah u dilay AUN Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxa ayna dad goob joogayaal ah sheegeen in marxuumka loogu yimid gootiisa shaqada oo aheyd Ex, Kontorool Afgooye iyadoo markaatiyaasha ku dareen in Marxuumka uu horay ninkan u handadi jiray sida marar kala duwan uu ugudbiyay madaxda ka sarreysa. Intaas kadib ayay u suura gashay in uu baxsado Eedeysane Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim isagoo gaaray degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeelada Hoose, waxa uu garowsanaa inaan la soo qaban Karin uu ka dheeraday gacmaha Hey’adaha amniga ee dowladda balse ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanaha 28-ka bisii 10-aad sandii 2018. Ciidamada amniga ayaa ku wareejiyay xafiiska Xeer Ilaalinta waxa ayna 24-ka bishii 12-aad ee sanadii tagtay dalbadeen in la muddeeyo dhageysiga dacwadda. Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo. Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa ku dooday in ay iska bixiyaan magta marxuumka, sidoo kale waxa ay codsadeen in loo naxariisto. Maanta ayaa ugu dambey Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim lagu xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Ex, Alifle Bol Salaad Xasan Maxamed, sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsanaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qanci xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Goobjoog News Source: goobjoog.com