Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,271
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa xaaladda dalka iyo muran cakiran ee ka taagan xalaalnimada guddiga doorashooyinka iyo muddo kordhinta doorashooyinka golleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxaanu sheegay in xisbiga WADDANI haddii uu ka cawday guddiga doorashooyinka inay xaq u leeyihiin in laga bedelo Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa wareysi siiyay BBC-da waxaa uu ku sheegay in haddii ay labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ay ku tashadeen in masiirka Somaliland ay kaligood ka taliyaan oo doorasho kaligood galaan in la kala tashan doono oo aanu xisbiga WADDANI daawade ka noqon doonin doorasho u gaar ah labadaas xisbi. Guddoomiye Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay ku sii socoto nidaamka kali taliska taasina ay horseed u noqon doonto dhawac ku yimaada Nabad galiyada iyo xasiloonida Somaliland, waxaanu ka warramay madaxda beesha caalamka oo kulamo la yeeshay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. Saldhigga Axmed-Dhagax iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay: Suuliyadii Dirxiga Lahaa! Habeennimo ayaa la igu xidhay xarunta taraafikada ayaa subaxnimadii la ii qaaday xeer-ilaalinta iyo maxkamadda Maroodijeex. Waxaana maxaabiista lagu kala celinayay xarumihii ay ku xidhnaayeen. Markii gaadhigu marayay Saldhigga Axmed-Dhagax oo maxaabiis lagu dejinayo ayaa la yidhi “Kanna xareeya”. Waan ka cudur-daartay, aniga oo jeclaa in la fuliyo amarkii geynta Saldhigga Dhexe, haddii goob kale la ii walwaalayo waxa aan jeclaa Saldhigga New Hargeysa oo ii dhawaa. Lama yeelin codsigayga, si jujuub ah ayaa la igu rogay. Waan is-giijiyay, markii ay qarka u fuushay in la guulo ayaan guddoomay in la igu handaraabo Axmed-Dhagax. Suunkii iyo kabihii ayaan isku xidhay. Furihii gaadhiga oo aan watayna waa aan u dhiibay. “Ninkaas bannaanka fadhiisiya. Xanuunka macaanka ayuu leeyahay. Ma xammili karo qolalka” ayay taraafikadi yidhaahdeen. Sidaas awgeed ayaa judhiiba la ii geeyay geed ay hoos seexdaan dhawr maxaabiista ka mid ah oo isugu jiray odayaal, da’yar iyo nin aan u maleeyay in uu qabo xanuunnada dhimirka oo ay katiinadi ku xidhnayd. Waxa la-yaab ah in maxaabiistu isa sii gumaysto. Kuwo la bahdilay ayaa isa sii budeeya/bireeya. Cusaybka ayay maangaabku waadaaliyaan. Oday magaciisu ahaa Digaale oo aan nin weyn u maleeyay ayaan cawdiisa xagga dambe kaga fadhiistay. Gadhka iyo cirrada ayaan mooday in uu duqayti ama waxgarad yahay, sidaas ayaan ugu dhawaaday. Taleefan ayuu haystay, ma se weydiisan. Wiil xagga maxkamadda nalaga wada keenay ayaan ka wacay hal qof, oo aan u sheegay in Axmed-Dhagax la igu rogay. Waayeelkii ayaa markiiba igu yidhi “Gogosha iiga kac” “Haye” ayaan idhi, tii ku xigtay ayaan u durkay aniga oo raba in aan jiifsado inta aan meesha la qabsanayo. Waxa uu ku xigsiiyay “Ha na ag seexan. Waan qayilaynnaa. Halkaas shishe tag” “Waayahay” baan idhi, inta aan ka fogaaday ayaan is duudduubay. Intaas waxa aan ka feejignaa in uu dhaco khilaaf sababa in nala abudho oo qolalka na loo dhaadhiciyo. Ma rabin in aanu hawada isu xisdino. Waxa uu haddana yidhi “Xaggeed u seexanaysaa?. Keen kiradii bannaanka, haddii kale waan ku xerayn”. Maxaan is-daadraaciyay “Waa af aan wax ka gartay. Waa in lacagta la soo shubo markaan ummadda la hadlo, igu hallee. Taleefankana keen” ayaan idhi. Moobil haawanaya ayuu ii dhiibay oo goostay. In aan dadka ku waco adeegga laga naxo ila-wadaag ayay ka fursan weyday. Ninkii aan rabayna laba jeer ayuu igu jaray khadka, mar saddexaadkii ayuu dirqi iyo tu’ baas ku qabtay, illeen waa nin aan lacagtiisa kula hadlayo’e. Waxa aan wacay dukaan si ku-hadal loogu shubo, markii taasi hirgashay ayaan walaalkay wacay. Isaga oo aan iga qaban ayay xaaladdi mar qudha is beddeshay, waxaana soo galay askari hore uga tirsanaa taraafikada oo loo beddelay Saldhigga Axmed-Dhagax iyo koox ciidan ah oo la socota. Hugunkooda waxa aan ka dareemay inay igu jihaysan yihiin. Ilma is-daba-yaac aniga ayay diiradda igu hayeen. Waxa hormood u ahaa Xiddigle Abshir Madaxa baadhista ee Saldhigga Axmed-Dhagax. “Muxuu ahaa kaas bannaanka fadhiyaa?. Xareeya” ayuu yidhi. Waxa aan u sheegay sababta la ii fadhiisiyay daaradda, laakiin wuxuu ku adkaystay in la i bannado. Odaygii maxbuuska ee taleefankiisa ii dhiibay ayuu ku yidhi “Digaalow ma taleefankaagi ayaad dadka u dhiibaysaa? Keen”. Gidaar ayuu la dhacay oo wuu jejebiyay, markii horena wuu ogaa in duqu uu moobil haysto. Ninkaasi far ma saarin taleefan kale oo muuqday ama yaallay halka uu kala wareegayo kan uu igu arkay. Halkaas waxa aan ka dareemay in il gaar ah la igu hayo. Kama nixin in agabkaas la burburiyo, waayo marka horeba waxa la iigu dhiibay in la igu baado. Mar dambe ma codsan in la ii sama-falo. Aniga oo ninkaas si niyad-sami ah ugu ducaynaya, waxa aan idhi: “Ilaahay siduu ii bannaday, beerka haw jaro’e Bahdilaadda wuxuu moodayaa, baawar sharafeede Baras kugu dhac weligii dulmigu, baaqi noqon waaye” Qol uu ku jiray maxbuus aanu maxkamadda iska soo raacnay oo reer magaal ahi ayaan horraanba “daf” idhi. Duhurkii waxa ii yimi laba ka mid ah walaalladay iyo niman aanu saaxiib nahay. Isla galabnimadiina waxa la soo rogay banddoo iyo cunaqabatayn. Waxa lagu dhaartay in aanay cidina dhaayaha na saarin. Dhammaan dadka waxa la tumay dibadda. Wixii intaas ka dambeeyay malaha hal qof oo gogol ii sida iyo qof kale ayaan arkay. Dadka loo diiday in ay i arkaan waxa ka mid ahaa: Hooyaday Walaalkay Walaashay Awowgay Adeerraday Garyaqaanno Walaalkay Mahad Maxamuud Gahayr ayaa Taliyaha Axmed-Dhagax ku yidhi “Ma tegayo. Celintuna nama qabato Waa in aan ogaado waxa uu walaalkay ku xidhan yahay. Ama war iiga keen ama gudaha ayaan u gudbayaa”. Taliyaha Axmed-Dhagax ayaa iigu yimi qolkii igu bannadnaa, waxaanu yidhi “Siciidow waxa bannaanka jooga qoyskaagii, waxaanay rabaan inaad uga warranto waxa ka jira kiiska laguu haysto. Annagu kiiskaaga ma haynno, waxaanu yaallaa Taraafikada. Keliya annagu halkan ayaannu kugu haynnaa. Ma qado tegin illaa hadda oo waxa aan albaabka u joogaa in aan nidaamiyo dadka. Adduunka waa laga tegayaa, haddii aad jiidhay askariga waa laga heshiin karaa. Wax weyn ma qabo. Feedhaha iyo madaxa ayay jugi ka gaadhay, berri (Isniinta) ayuu cusbitaalka ka soo baxayaa. Waanan arkay xaaladdiisa. Haddii aanad samaynna wax aanad falini ku qaban maayo. Maxaan ku idhaahdaa?”. Waxa aan u maray saddexda magac Alle in aanan shilkaas falin, waddadaasna aanan marin maalinta wax dhaceen, in aanan aqoon u lahayn dhibbanaha iyo in aanan dooc iyo dareen midna uga ogayn waxa la ii tuhmayo/tirinayo. Dhawr qof ayaa Taliyaha ku yidhi “Miyaad bannaanka keentid?”. Waxa uu yidhi “Waa nin dhib badan, wax buu qorayaa. Ciidanka oo dhan ayaa khaati ka taagan”. Maalintaas aan maxbuuska ahaa, awood uma lahayn in aan wax ka qoro saldhigga Axmed-Dhagax, laakiin maanta ha ku raaxaysto reenka kaaraha. Daqiiqadahaas oo qudha ayaan arkay Taliyaha Axmed-Dhagax, uma yimaaddo kamana war helo maxaabiista. Keliya waxa uu ka shaqeeyaa celinta dadka cuntada sida iyo kuwa na soo booqanaya. Siduu dadkaas u addoonsayo ayuu xitaa ku cunto-seegaa isagu. Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandeella) ayaa ku yidhi Taliyaha “Ma xeerka ayaa dhigaya in aan maxaabiista la booqan, mise waa sharci aad jeebkaaga kala soo baxday?”. Inta uu hadalki ka taagtaagmay ayuu Taliyihi doonay in uu la dagaallamo Garyaqaanka iyo Enigeer Maxamed Beddel Maxamed oo la socday. Dirqi ayaa lagu kala kaxeeyay, weliba wuxuu gaabsaday markuu maqlay iyada oo “Garsoore” la leeyahay Jamaal. Mar dambe ayuu Garyaqaanku la xidhiidhay Cabdiraxmaan Fooxle oo ka raalli-geliyay jidgooyada loo galay. Ma shil baa la ii haystaa? Haddaa maxaa keenay gocashada wixii utumo na dhex yaallay booliska? Ma nin tuhun loo haysto ayaa sidan loo go’doomiyaa? Ma awood ciidan baa lagu aarsanayaa? Maxaa loo hadal hayaa dhaliishayda ciidanka? Ma caano ayay ii lisi jireen markay bilaha i af-duubayeen? Weedha aan ku duro iyo waabayda xabsigooda kee daran?. Cabaadkooda waan ku raaxaysan jiray… Xayiraaddoodana in xorriyadi ka dambayso ayaan ogaa, waanan xammilayay….. Saacaddaa hadday doonaan ha i qafaashaan.. Dadka cuntada noo sida bannaanka ayay askartu kaga soo qaadayeen. Keliya bac ordaysa iyo caagado xiimaya ayaa ka soo geli jiray afaafka. Hurdadu waa nagu yarayd, waayo waxa habeennimada sida roobka noogu daadan jiray dukhaanka, kaas oo ay qaniinyadiisa necbaayeen dar ila xidhnaa. “Anigu waxa aan dhiiggayga ugu deeqay dukhaanka/kutaanta iyo kaneecada” ayaan odhan jiray. Gidaarrada saldhiggu waa kuwo nugul, waxaana fudud in la xordo oo laga daato. Qolka afraad ee aan ku jiray waxa ka muuqday dayac-tir lagu sameeyay dalool weyn uu maxbuus ka sameeyay gidaarka. Isaga oo ku dhaw in uu fakado ayaa la ogaaday, kaddibna feedhaha ayaa la isku celiyay. Sidaas awgeed, mar walba waxa toosh nagu eegi jiray heeganka ilaalada u leh habeenkaas. Haddii aanu cabbaar sheekaysanno, waxa la moodi jiray in aanu daadanaynno. Waan arkay in uu gidaarku yahay xarshoosh dumaya haddii la faqo, wax aanu u fadhnaa se ma jirin. Saddex god/suuli ayay u kaltamaan maxaabiista ku kala jirta afarta qol ee saldhiggu. Subaxa iyo galabnimada ayaa loo oggolaadaa in ay saxaroodaan. Wakhtiga kale inta caagad lagu talleejiyo ayaa jirikaan lagu shubaa. Neecawda afar iyo labaatanka kuu baxaysaa waa urta kaadida. Saddexda god waxa afka jooga saxaro, kaadi iyo caagado. Marka lagu shubo kaadidii jirikaannada, waa ay fatahaan markaas ayay qudhunka iyo qashinku sabbeeyaan. Mid ka mid ah wallaahi dirxi ayaa ka buuxay oo dul sabbayn jiray oo dibadda uga soo baxay. Wuu dinnisayaa oo kabbacayaa. Ma aannu haysan kabo, baco ayaannu lugaha ku xidhan jirnay. Haddii aanu baco weyno, annaga oo cagaagan ayaannu dirxigaas dacal kaga joogsan jirnay! Waxa nalagu dhibayaa, ma aha baahi dheeraad ah. Waa abuurtii Alle noolaha ku uumay. Qashin-saarku waxa uu ka mid yahay astaamaha noolaha. Ma maqasheen “wax dhintay ma dhuuso”. Askari qori sita ayaa irridka taagan. Daqiiqadda ama labada aanu ku jirno wuu na hiifayaa, haaramayaa oo hanjabayaa. Mararka qaarkood in uu qoriga cabbeeyo ayuu ku siganayaa. Galab Axad ah ayaan dhaansaday laba maya-saxo oo waaweyn si aan ugu meydho. Mid joornaati-ku-sheeg ah baa yidhi “Hayaay, kaasi wuu meydhanayaa. Lama oggola”. Nadal fooqal nadal buu ahaa. Ilaahay if iyo aakhiraba ha ku dulleeyo! Ma nijaas iyo dhafad ayuu nala rabaa? Garan iyo nigis ayaan xidhnaa. Inta aan garankii tuuray oo aan nigiskii isku reebay, ayaan labadii caagadood isku foorariyay oo ku qubaystay iyada oo bannaanka la joogo. Maadaama oo ay xilli qaboobe ahayd oo aan biyaha isku shubay aniga oo bannaan jooga, waa aan qadhqadhay. Waxa ku arjunnaa la-haysteyaal aan toban cisho dhibic biyo ah korkooda marin. Qaar ayay ka guurtay baahidii saxaradu oo siddeed cisho aan godka u hollan. Ma nin keeb lagu hayo ayaa saxaroon kara! La soco waxyaabihii aan xabsiga ku soo arkay! Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu dhallinyarada ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag Bari ku guubaabiyey in ay Somaliland wax la qaybsadaan oo dalkan leeyihiin cidina aanay ka xigin ee ay ujeedadu tahay hadba sida uu qofku isku soo saaro ee wax u qabsado isaga oo ku booriyey in ay wax la qaybsadaan dadka kale ee reer Somaliland oo aanay meelo kale u han qal taagin. Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo qoraal uu ku baahiyey Degelka uu ku leeyahay Mareegta xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa uu ku sheegay in isaga oo da’ yar uu ku soo biiray siyaasadda mudada intaasi le’eg ee uu Somaliland siyaasaddeeda ku dhex jiray oo uu xilal aad u badan ka soo qabtay aanu waligii la kulmin cid reernimo iyo hayb ku garbisa ee loo baahan yahay in dadka deegaankiisu ay aaminaan Somaliland meel kale oo ay dadkooda iyo dalkooda ku doorsan karaana aanay jirin. Farriintan oo uu si gaar ah dhallinyarada ugu socodsiiyay waxa uu wasiir Koore ku yidhi sidan: “1993 ilaa maanta oo aan Somaliland joogo oo aan ku imi da’yari oo aan ahaa waliba ergadii Boorame raggii ugu yara da’ahaan hadana waligay intaan Somaliland joogay anigoo mansab walaba/jago kasta ka soo qabtay aan ahyn Madexweynenimo!. Waligay reernimo iyo isirnimo toona la iiguma diidin Jago/Xil aan anigu damcay. Jagooyinka faraha badan ee aan soo qabtay cid reer Laas-caanooda oo waligay igu tageertay ma jirin, Rag baanse “ilkahooda gowska ugu danbeeya kala soo baxay” Waliba marka da’dayda loo eego ma jirio nin heerka siyaasada aan da’ahaan ka gaadhay igula dhigma Waayo 30jir waan ka yaraa markaan Ka mid ahaa Dawaladii u horeysay ee Maxamed Xaaji ibrahim Cigaal “AHN” Oo aan jagooyin badan ka soo qabtay. Waxaan sidaa u leeyahay hadaan shalay Dhalinyaro ahaa maanta idinka Dhalinyara, aniga waliba waxa iigu darnaa oo ii dhibi jiray intaan nimankan waxayga la dhacsanyey hadan reer Sool uun baa dhib igu hayey. Maanta se jaanis baa idinka idiin banaan weyn ee maaha inaad intaad qol isku soo xidhaan aad jaaniskiinina ragga siisan; ee waa inaad waxa la yeelataan oo Hormuud ka noqotaan Somaliland. Waxaan ogahay fursada dhalinyaranimo oo aad kartideeda la timaada waa raggnimo waxaan garnayaa anigoo wefti walaba iyo kulan walaba ninka ugu yara meesha! Markaan komishineerka ahaa 29jir baan ahaa yaraan baan ku qabtay Xilalkan oo dhan: -Gudoomiyihii gudida dib u furista iyo ansixinta qaranka. -Maareeye Guud -Ergaygii gaarka ee Madexweyne gobolada bari -la taliye Madexweyne -Afar jago wasiirnimo -Xildhiban Baarlamaan Iyo waliba xilal kale oo aan soo koobi karin. Inanka reer Sool’oow Somaliland xaq iyo xuquuq iyo deegaan baad ku leedahay waxaan waxa idinala wadaagya inaad ogaataan inaad dalkan leedahiin oo dadkan wax wada la-haansho idinka dhexeeyo ee maaha inaad Gobolada dhexe uga hadhaan, ma jiro nin deegaankeena oo sidan idiin tilmaamayo waxa idiinku sheegaya. Anigu waxaan aaminsanahy in ninku uu ragganimadiisa kaga karti roonyahay reernimadiisa, ee kaalintiina deegaanimo buuxiya oo la qaybsada oo la tartma oo ku suntanaada. Waan soo dhaweynyaa nin kastoo dhallinyaro iyo talo iyo tusaaleba iiga baahda oo raggnimadiisa isku wada”. Ayuu Yidhi Sulaymaan Yuusuf Cali “Koore” Source
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay tiro cusub oo ah khasaraaha dhimasho ee ay sheegtay inuu ka dhashay weerarkii ay talaadii ku qaadday xarunta DusitD2 ee magaalada Nairobi. Al-Shabaab oo markii hore sheegtay in 47 qof ay weerarka ku dishay ayaa waxaa hadda warbaahintooda ay werinayaan in dhimashada ay tahay 74 qof. Warbaahinta Al-Shabaab ayaa arrintan caddeyn uga dhigay in 21 qof ay qirteen Kenyan-ka, sidoo kalena hay’adda Laanqayrta Cas ay shaacisay in 50 qof la la’yahay, halka meydadka 3 qof oo dheeri ah la helay. “Macluumaadkan cusub ee soo baxaya islamarkaana cadeynaya in dhimashadu ka badan tahay 50 qof ayaa fadeexad ku ah Uhuru Kenyatta oo shalay warbaahinta u sheegay in weerarka lagu dilay 14 qof” ayaa lagu yiri qoraalka warbaahinta Al-Shabaab. Al-Shabaab waxa ay sidoo kale sheegtay in saraakiil caddaan oo Reer Galbeed ah iyo ciidamada la dagaallanka argagixisada ay gudaha ugu jiraan goobta weerarku ka dhacay, si ay u qariyaan, bay tiri, xaqiiqda. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkii talaadadii ka dhacay magaalada Nairobi uu jawaab u ahaa hadalkii go’aankii madaxweyne Donald Trump uu magaalada Qudus ugu aqoonsaday inay tahay caasimadda Israel. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. (SLT-Ankara)-Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu, ayaa aqbalay casuumaadda uu u fidiyay Wasiirka amniga ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dhamaadka bisha March ama billowga bisha April uu imaan doono Muqdisho. Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuuakar Islow (Ducaale) iyo Suleyman Soylu oo ah Wasiirka Arrimaha gudaha dalka Turkiga ayaa ku kulmay magaalada Ankara. Kulanka labada Wasiir waxaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo hubinta heshiisyadii hore u dhexmaray labada dowladood. Wasiir Islow ayaa Suleyman Soylu u fidiyay casuumaad la xidhiidha inuu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho, isagoo balanqaaday inuu iman doono Somaliya. Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga ayaa sheegay in xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu dhaafsiisanyahay diblomaasiyad, Isagoo ku sifeeyay Shacabka Soomaliyeed kuwo u damqada Dowladda iyo Shacabka Turkiga. Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in shacabka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay garab istaagaan shacabka Turkiga maalinta ay timaaddo middii ay Soomaaliya ku garab istaageen oo kale. Source
  7. Madaxweynaha dowladda Puntland mudane Siciid C/laahi Deniya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Dabagalka iyo Tirakoobka Hantida Dawladda’ Guddigaas oo loogu tagalay inay gollaha hor keenaan warbixin [...] Source
  8. (SLT- Cumming)-Hay’adda FBI-da Mareykanka ayaa xidhay nin la tuhunsan yahay inuu taageero kooxda Daacish, oo sida la tuhmayo qorsheynayey inuu gantaallada lidka taankiyada ku weeraro Aqalka Cad ee Mareykanka. Ninkan oo lagu magacaabo Hasher Jallan Taheb oo degan magaalada Cumming ee gobolka Georgia, ayaa wakiilada FBI-da waxay arbacadii ku xidheen meel u dhow magaalada Atlanta. Waxa uu wajahayaa dacwad federal oo ah inuu isku dayey inuu burburiyo ama waxyeeleeyo dhisme ay leedahay dowladda Mareykanka, isaga oo adeegsnayaa waxyaabaha qarxa. FBI-da ayaa xirtay Hasher Jallan Taheb isaga oo isku dayay inuu baabuurkiisa waxyaabaha qarxa uga bedesho nin si qarsoodi ah ugu shaqeynayey FBI-da. Baarayaasha ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan jirin wax tilmaam ah oo muujinaya in Taheb uu ka tirsan yahay urur argagixiso. Sida ay sheegtay dowladda, qof yaqaana Taheb ayaa booliska u dusiyey sanadkii tagey in Taheb uu noqday xagjir, islamarkaana qorsheynayey inuu safro. Booliska ayaa kadib ku war-geliyey FBI-da, waxaana Taheb sida la tuhunsan yahay uu wakiil ka tirsan FBI-da oo qof kale isaga dhigay u sheegay inuu doonayo inuu iibiyo baabuurkiisa, si uu helo lacag uu ku aado dhulka ay maamuusho kooxda Daacish. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu wakiilka u sheegay inuu doonayey inuu weeraro Aqalka Cad, Taallada Statue Liberty, iyo Taalla Lincoln Memorial. Source
  9. Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland MudaneSiciid Cabdullaahi Deni, ayaa looga hadlay arimaha kala ah amniga, Warbixinaha Wasaaradaha iyo Warbixino [...] Source
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu dab qabsaday kaalin Shidaal oo u taalla halkaasi. Lama ogga waxa dhaliyay Dabka, kaasi oo lagu soo waramayo inuu yahay mid baaxad leh, oo qaybo kale kusii baahaya. Khasaaro ubadan mid hantiyadeed ayaa lasoo sheegayaa inuu geystay, inkasta oo aanan la haynin tirakoobka rasmiga ah. Gaadiidka dab-damiska ayaa ku howlan sidii ay ubaq-tiijin lahaayeen Dabkaasi, iyaga oo durba meesha gaarey. Wixii kusoo kordha kula soco wararkeena dambe Insha Allah The post Dab qabsaday kaalin Shidaal oo ku taala Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  11. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Mawqifkiisa Wakhtiga Ay Qabsoomayso Doorashadu, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay aragtidooda ku saabsan mawqifka uu Xisbigoodu qaatay, iyo go’aanka labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye ka qaateen Doorashada. Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika Ayaa ugu horeyn Xildhibaan Abubakar Cabdiraxmaan Good, wuxuu hadalkiisi ku bilaabay “Go’aanka ay qaateen Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, waa go’aan aad iyo aad loola yaabo, waa go’aan riyo ah oo aan sinaba suurtagal ku noqon Karin, Xisbiga Waddani, wuxuu tabanayo, ee uu rabo in laga qanciyo, waxaa haboon in laga qanciyo, laakiin in go’aan aan suurtagal noqonayin in la iska qaato maaha, in laba Xisbi oo qudha ay Doorasho qabsadaan, wax suurtagal ah, maaha, wax soconayana maaha, waa iska hadal iyo go’aan aan soconaynin”. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac, ayaa isna yidhi “Xisbiga Kulmiye waxaa la gudboon inuu oofiyo oo uu yeelo wixii dalka u dan ah, Komishankana waxa lagaga dhagan yahay ee lagu haysto garan maayo, inay is casilaan ayey ahayd, maxaa yeelay lama doonayo, nimanka kala saari waayey laba Xildhibaan, ma kala saari karaan boqolaal kun oo qof, waxay Komishankani meesha kaga dhagan yihiin, Madaxweynuhuna kaga dhagan yahay garan maayo, ee haddii ay is casili waayan waa inuu Madaxweynuhu kala diraa, ee Madaxweyne adigoo Kulmiye markaad diiday Komishankii, waa kii Daahir Rayaale kala diray, ee mar haddii Xisbigii Waddani, uu maanta wax ka tirsanayo Komishankan inay meesha sii joogaan maaha, ee kala dira, danta dadka iyo danta dalkuna waxay ku jirtaa in la kala diro Komishankan”. Source
  13. (SLT-Caynaba)-Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Saraar Oo Cabasho Ka Muujiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidanka Qaranka Iyo Baaq Ay U Direen Madaxweyne Biixi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay hawlo ugaadhsi ah ka joojisay niman u dhashay dalka Imaaraadka Carabta, oo dhawaan socdaal ku yimid dalka. Nimankan u dhashay Imaaraadka Carabta, ayaa waxay socdaal ku tageen deegaano ka tirsan gobalka Saaxil, iyadoo dalxiisayaal u muuqday, waxase la sheegay inay hawlo ugaadhsi dhinaca shimbiraha ah ka bilaabeen deegaanadaas, waxaana la sheegay inay hay’adaha ammaanka ee xukuumadu ka joojiyeen hawsha ugaadhsiga, ka dib markii ay dadka deegaanku soo wargeliyeen ciidamada ammaanka. Kooxdan oo uu weheliyay wakiilka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa shalay gelinkii dambe ka dhoofay madaarka Cigaal iyagoo ay tiradoodu ahayd 18 ruux. Inkastoo ay nimankani ka dhoofeen qolka VIP ee madaarka Hargeysa, haddana waxa la dareemayay in bixitaankoodu u muuqday qarbo-qarbo. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon, ayuu Geeska Afrika wax ka weydiiyay warar sheegaya in nimankaas la masaafuriyay, waxaanu Wasiirku yidihi“Anigu cid la mustaafiyey iyo cid kale ma aqaano, mana maqal cid xoog lagu mustaafuriyey, laakiin waxa jiray nin Imaaraadka ah oo dalka joogay, oo arin yar la isku afgaran waayey, ee ciddina ma mustaafurin, xoogna laguma mustaafurin, ee isaga ayaa iskii u tagay”. Wasiirka waxa uu Geeska Afrika weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in nimankaasi ugaadhsanayeen qaar ka mid ah duur-joogta gobalka Saaxil, xukuumaduna ka joojisay, waxaanu Wasiir Faratoon yidhi “Waxay doontaba ha noqotee, haddii uu ninkaasi tagay, isaga ayaa iskii u tagay, kolay Dawladdu xoog kumay mustaafurin, mana maqal” Source
  15. Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsade u dhashay Israel hayeeshee heystay Dhalashada Mareykanka ayaa ka mid ahaa dadkii 21ka qof ahaa ee ku dhintay weerarkii Talaadadii ka dhacay magaalada Nairobi. Ninkan waxaa lagu magacaabi jiray Jason Spindler, waa Ganacsade u dhashay Israel, degganaana Gobolka Texas ee dalka Mareykanka. Waxaa uu ka hor weerarkii 2001dii ka dhacay Mareykanka ahaa falanqeeye ka tirsan Waregeyska Wall Street Journal. Weerarkii Mareykanka ay u bixiyeen 9/11 ee sanadkii 2001dii ka dhacay Mareykanka ayuu ka mid ahaa dadkii ka badbaaday. Waxaa uu kaddib go’aansaday in uu sharikad ka shaqeysa horumarinta Ganacsiga ka hirgeliyay Nairobi Kenya. Hooyada dhashay Ninka Mareykanka ahaa oo lagu magacaabo Sarah Spindler, ayaa TV-ga NBC u sheegtay in wiilkeeda uu Dunida 3aad u tagay sidii loo horumarin lahaa. Meydkiisa ayaa loo qaaday Dalka Mareykanka,halkaas oo la sheegay in lagu aasayo gaar ahaanna Gobolka uu ku dhashay ee Texas. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  16. Maxaa Keena Dhimashada Afka? Xeel-dheerayaasha afafku sababo badan ayey ku sheegaan inuu afku u dhinto, balse waxa jira sababo waaweyn oo keena inay afafku deg-deg u dhintaan, horan loogu daro xaabaha. Aqoonyahanada ku takhakhusay cilmiga luuqadaha(Linguistics) waxa ay hoosta ka xariiqeen inuu afku dhintu markay dhammaan wada dhintaan bulshadii ku hadli jiray. Qormadan waxa aynu dul-istaagi doonaa sababaha ugu waaweyn: ü Dhimashada afku wuxuu ka bilaabmaa marka bulshadii afkeedii iyo dhaqankeedii aanay kuna hadal waxba ku baran ficil ahaan iyo af-ahaanba, (Gradual death). Dhimashadaasina waxa ay ka soo unkataa marka la joojiyo ku hadalka luuqada ee guriga, islamarkaana aan lagu dhigan dugsiyada waxbarashada, dugsiyadana aan lagaga hadal (Bottom-to-top death). ü Dhimashada afku waxa kale oo ay ku timaadaa marka afkii laga waayo dad ku hadla, oo uu ka dabar-go’o deegaankii lagaga hadlayey. Waana dhimasho ka timid xaalad deegaan (Top-to-bottom death). Siday doonto ha ku timaado saamayntu. ü Dhimashada afku waxa ay ku timaadaa marka ay bulshadii ku hadlaysay afkaasi go’aansato inay joojiso ku hadalkii afkooda. Si xor ah u joojiyaan ama ah lagu khasbo midkay doonto ha noqoto. Ka dibna ay qaataan ku hadalka luuqad kale. Inta badan waxa ay arrintaasi ku dhacdaa dadka laga tirada yahay oo ku dhexmilma bulsho ka fara badan. ü Luuqadu waxa ay ku dhimataa marka ay madhaan ama dabar-go’aan dhammaan dadyowgii ku hadli jiray, oo ay u dhintaan sababo kala duwan sida, xasuuq, xannuuno ama masiibo dabiici ah oo ku habsata. ü Luuqadu waxa ay ku dhimataa bulshadii ku hadlaysay oo afkoodii soo dhexgelisa erayo ay ka soo qaateen luuqado kale oo aan afkoodii ahayn. Eraygaa cusubina wuxuu meeshaa ka saarayaa eray kale oo afkoodu leeyahay (Loss of word-formation productivity). Mark ay bataan erayadaasi waxa imanaysa badh-xan, taasina waxa ay dhalisaa inay waax luuqada ka mid ahi dhimato (partial death), aakhirkana waxa ku xigta inay si rasmi ah u dhimato. ü Luuqado badana ayaa ku dhintay gacanta gumeystayaasha, wakhtiyadii ay reer Yurub gumeysteen meelo badan oo adduunka ka mid ah. Markaad eegto dalal badan oo ku yaala woqooyiga Maraykanka afafkoodii waxa xoog ku bedelay gumeystayaashii. Sida oo kale dalka Irland luuqadoodii lama dabar jarin wakhtiyadii gumeysiga ingiriiska, balse hoos-u-dhac ayaa ku yimid, oo saamayn dadban ayey ku yeelatay. ü Luuqadu waxa ay ku dhimataa marka bulshada ku hadashaa ka baqanayso in lagu ciqaabo ku hadalka luuqadaasi. Tusaale ahaan kacaankii MSBarre muu ogolayn in afka Mayga lagaga hadlo Idaacadaha Af-soomaaliga ku hadla, qofkii lagu arko isaga oo doodaasi ka hadalayana wuxuu mutaysan jiray ciqaabo kala duwan. Afafka Dabar-Go’ay Warbixino badan ay soo saartay hayada Qaramada midoobay u qaabilsan afafka ee la yidhaa UNESCO, sannadihii 1993, 2012 iyo 2015-kii, ayaa lagu sheegay afafka dhintay iyo kuwa sii dhimanaya. Qaybta waxa aynu dul-joogsan doonaa, qaar ka mid aha dalalka afrika iyo afafka ka dabar-go’ay ama sii dhimanaya. ü Kwadi oo meelo mid ah dalka Angola lagaga hadlo ü Shabo iyo Argobba oo meel ka mid ah Itoobiya lagaga hadlo ü Duli, Gey, Nagumi iyo Yeni oo meelo ka mid ah Camaroon ka mid ah lagaga hadlo ü Mbaru, Horo iyo Muskum oo meel dalka Chad lagaga hadlo ü Ju, Shu iyo Shiki oo meelo ka mid ah dalka Naygeeriya lagaga hadlo ü Kango, Mittu iyo Homa oo meelo ka mid ah dalka Suudaan lagaga hadlo ü So iyo Singa oo meelo ka mid ah dalka Yugaandha lagaga hadlo ü Ngasa oo meelo ka mid ah dalka Tansaaniya lagaga hadlo ü Biri oo meelo ka mid ah badhtamaha Suudaan Luuqada Af-soomaaliga markaan eegno, marka laga yimaado Maayga iyo Maxaa, waxa jira luuqado yar-yar oo ay ku hadlaan dad aanay tiradoodu badnayd. Sida kuwa lagaga hadlo Soomaaliya meelo ka mid ah, gaar ahaan gobolka Banaadir, Shabeelada Hoose iyo Jubbooyinka. Waxaana ka mid ah, Banaadiriga, Baajuunta, Galadiga Dabaraha, Boonta iyo kuwa kale. Dhammaantood way sii dhimanayaan qaarkoodna way dhinteen. Xogtan waxa qoraal ka sameeyey Deeq Col-U-Jooga. Dhinaca kale luuqadaha Colowe ee ay ku hadlaan bulshada laga tirada badan yahay ayaa halis ugu jira inay dhintaan. Af-soomaaliga oo ay xeel-dheerayaashu ku tilmaameen Af aad u da’weyn, sidoo kalena hodan ku ah dhaqanka iyo suugaanta ayey dhib badani ka haystaa eray bixin la’aan ku socota mudooyinkii dambe. Tusaale ahaan eray-bixin sax ah looma hayo kelmadaha cusub ee ay soo kordhisay Tiknoolajiyadu, sida, Remote, Mouse, Flash, Screen, Receiver, Hard dish, Key-board IWM. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
  17. Habeennimo ayaa la igu xidhay xarunta taraafikada ayaa subaxnimadii la ii qaaday xeer-ilaalinta iyo maxkamadda Maroodijeex. Waxaana maxaabiista lagu kala celinayay xarumihii ay ku xidhnaayeen. Markii gaadhigu marayay Saldhigga Axmed-Dhagax oo maxaabiis lagu dejinayo ayaa la yidhi “Kanna xareeya”. Waan ka cudur-daartay, aniga oo jeclaa in la fuliyo amarkii geynta Saldhigga Dhexe, haddii goob kale la ii walwaalayo waxa aan jeclaa Saldhigga New Hargeysa oo ii dhawaa. Lama yeelin codsigayga, si jujuub ah ayaa la igu rogay. Waan is-giijiyay, markii ay qarka u fuushay in la guulo ayaan guddoomay in la igu handaraabo Axmed-Dhagax. Suunkii iyo kabihii ayaan isku xidhay. Furihii gaadhiga oo aan watayna waa aan u dhiibay. “Ninkaas bannaanka fadhiisiya. Xanuunka macaanka ayuu leeyahay. Ma xammili karo qolalka” ayay taraafikadi yidhaahdeen. Sidaas awgeed ayaa judhiiba la ii geeyay geed ay hoos seexdaan dhawr maxaabiista ka mid ah oo isugu jiray odayaal, da’yar iyo nin aan u maleeyay in uu qabo xanuunnada dhimirka oo ay katiinadi ku xidhnayd. Waxa la-yaab ah in maxaabiistu isa sii gumaysto. Kuwo la bahdilay ayaa isa sii budeeya/bireeya. Cusaybka ayay maangaabku waadaaliyaan. Oday magaciisu ahaa Digaale oo aan nin weyn u maleeyay ayaan cawdiisa xagga dambe kaga fadhiistay. Gadhka iyo cirrada ayaan mooday in uu duqayti ama waxgarad yahay, sidaas ayaan ugu dhawaaday. Taleefan ayuu haystay, ma se weydiisan. Wiil xagga maxkamadda nalaga wada keenay ayaan ka wacay hal qof, oo aan u sheegay in Axmed-Dhagax la igu rogay. Waayeelkii ayaa markiiba igu yidhi “Gogosha iiga kac” “Haye” ayaan idhi, tii ku xigtay ayaan u durkay aniga oo raba in aan jiifsado inta aan meesha la qabsanayo. Waxa uu ku xigsiiyay “Ha na ag seexan. Waan qayilaynnaa. Halkaas shishe tag” “Waayahay” baan idhi, inta aan ka fogaaday ayaan is duudduubay. Intaas waxa aan ka feejignaa in uu dhaco khilaaf sababa in nala abudho oo qolalka na loo dhaadhiciyo. Ma rabin in aanu hawada isu xisdino. Waxa uu haddana yidhi “Xaggeed u seexanaysaa?. Keen kiradii bannaanka, haddii kale waan ku xerayn”. Maxaan is-daadraaciyay “Waa af aan wax ka gartay. Waa in lacagta la soo shubo markaan ummadda la hadlo, igu hallee. Taleefankana keen” ayaan idhi. Moobil haawanaya ayuu ii dhiibay oo goostay. In aan dadka ku waco adeegga laga naxo ila-wadaag ayay ka fursan weyday. Ninkii aan rabayna laba jeer ayuu igu jaray khadka, mar saddexaadkii ayuu dirqi iyo tu’ baas ku qabtay, illeen waa nin aan lacagtiisa kula hadlayo’e. Waxa aan wacay dukaan si ku-hadal loogu shubo, markii taasi hirgashay ayaan walaalkay wacay. Isaga oo aan iga qaban ayay xaaladdi mar qudha is beddeshay, waxaana soo galay askari hore uga tirsanaa taraafikada oo loo beddelay Saldhigga Axmed-Dhagax iyo koox ciidan ah oo la socota. Hugunkooda waxa aan ka dareemay inay igu jihaysan yihiin. Ilma is-daba-yaac aniga ayay diiradda igu hayeen. Waxa hormood u ahaa Xiddigle Abshir Madaxa baadhista ee Saldhigga Axmed-Dhagax. “Muxuu ahaa kaas bannaanka fadhiyaa?. Xareeya” ayuu yidhi. Waxa aan u sheegay sababta la ii fadhiisiyay daaradda, laakiin wuxuu ku adkaystay in la i bannado. Odaygii maxbuuska ee taleefankiisa ii dhiibay ayuu ku yidhi “Digaalow ma taleefankaagi ayaad dadka u dhiibaysaa? Keen”. Gidaar ayuu la dhacay oo wuu jejebiyay, markii horena wuu ogaa in duqu uu moobil haysto. Ninkaasi far ma saarin taleefan kale oo muuqday ama yaallay halka uu kala wareegayo kan uu igu arkay. Halkaas waxa aan ka dareemay in il gaar ah la igu hayo. Kama nixin in agabkaas la burburiyo, waayo marka horeba waxa la iigu dhiibay in la igu baado. Mar dambe ma codsan in la ii sama-falo. Aniga oo ninkaas si niyad-sami ah ugu ducaynaya, waxa aan idhi: “Ilaahay siduu ii bannaday, beerka haw jaro’e Bahdilaadda wuxuu moodayaa, baawar sharafeede Baras kugu dhac weligii dulmigu, baaqi noqon waaye” Qol uu ku jiray maxbuus aanu maxkamadda iska soo raacnay oo reer magaal ahi ayaan horraanba “daf” idhi. Duhurkii waxa ii yimi laba ka mid ah walaalladay iyo niman aanu saaxiib nahay. Isla galabnimadiina waxa la soo rogay banddoo iyo cunaqabatayn. Waxa lagu dhaartay in aanay cidina dhaayaha na saarin. Dhammaan dadka waxa la tumay dibadda. Wixii intaas ka dambeeyay malaha hal qof oo gogol ii sida iyo qof kale ayaan arkay. Dadka loo diiday in ay i arkaan waxa ka mid ahaa: Hooyaday Walaalkay Walaashay Awowgay Adeerraday Garyaqaanno Walaalkay Mahad Maxamuud Gahayr ayaa Taliyaha Axmed-Dhagax ku yidhi “Ma tegayo. Celintuna nama qabato Waa in aan ogaado waxa uu walaalkay ku xidhan yahay. Ama war iiga keen ama gudaha ayaan u gudbayaa”. Taliyaha Axmed-Dhagax ayaa iigu yimi qolkii igu bannadnaa, waxaanu yidhi “Siciidow waxa bannaanka jooga qoyskaagii, waxaanay rabaan inaad uga warranto waxa ka jira kiiska laguu haysto. Annagu kiiskaaga ma haynno, waxaanu yaallaa Taraafikada. Keliya annagu halkan ayaannu kugu haynnaa. Ma qado tegin illaa hadda oo waxa aan albaabka u joogaa in aan nidaamiyo dadka. Adduunka waa laga tegayaa, haddii aad jiidhay askariga waa laga heshiin karaa. Wax weyn ma qabo. Feedhaha iyo madaxa ayay jugi ka gaadhay, berri (Isniinta) ayuu cusbitaalka ka soo baxayaa. Waanan arkay xaaladdiisa. Haddii aanad samaynna wax aanad falini ku qaban maayo. Maxaan ku idhaahdaa?”. Waxa aan u maray saddexda magac Alle in aanan shilkaas falin, waddadaasna aanan marin maalinta wax dhaceen, in aanan aqoon u lahayn dhibbanaha iyo in aanan dooc iyo dareen midna uga ogayn waxa la ii tuhmayo/tirinayo. Dhawr qof ayaa Taliyaha ku yidhi “Miyaad bannaanka keentid?”. Waxa uu yidhi “Waa nin dhib badan, wax buu qorayaa. Ciidanka oo dhan ayaa khaati ka taagan”. Maalintaas aan maxbuuska ahaa, awood uma lahayn in aan wax ka qoro saldhigga Axmed-Dhagax, laakiin maanta ha ku raaxaysto reenka kaaraha. Daqiiqadahaas oo qudha ayaan arkay Taliyaha Axmed-Dhagax, uma yimaaddo kamana war helo maxaabiista. Keliya waxa uu ka shaqeeyaa celinta dadka cuntada sida iyo kuwa na soo booqanaya. Siduu dadkaas u addoonsayo ayuu xitaa ku cunto-seegaa isagu. Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandeella) ayaa ku yidhi Taliyaha “Ma xeerka ayaa dhigaya in aan maxaabiista la booqan, mise waa sharci aad jeebkaaga kala soo baxday?”. Inta uu hadalki ka taagtaagmay ayuu Taliyihi doonay in uu la dagaallamo Garyaqaanka iyo Enigeer Maxamed Beddel Maxamed oo la socday. Dirqi ayaa lagu kala kaxeeyay, weliba wuxuu gaabsaday markuu maqlay iyada oo “Garsoore” la leeyahay Jamaal. Mar dambe ayuu Garyaqaanku la xidhiidhay Cabdiraxmaan Fooxle oo ka raalli-geliyay jidgooyada loo galay. Ma shil baa la ii haystaa? Haddaa maxaa keenay gocashada wixii utumo na dhex yaallay booliska? Ma nin tuhun loo haysto ayaa sidan loo go’doomiyaa? Ma awood ciidan baa lagu aarsanayaa? Maxaa loo hadal hayaa dhaliishayda ciidanka? Ma caano ayay ii lisi jireen markay bilaha i af-duubayeen? Weedha aan ku duro iyo waabayda xabsigooda kee daran?. Cabaadkooda waan ku raaxaysan jiray… Xayiraaddoodana in xorriyadi ka dambayso ayaan ogaa, waanan xammilayay….. Saacaddaa hadday doonaan ha i qafaashaan.. Dadka cuntada noo sida bannaanka ayay askartu kaga soo qaadayeen. Keliya bac ordaysa iyo caagado xiimaya ayaa ka soo geli jiray afaafka. Hurdadu waa nagu yarayd, waayo waxa habeennimada sida roobka noogu daadan jiray dukhaanka, kaas oo ay qaniinyadiisa necbaayeen dar ila xidhnaa. “Anigu waxa aan dhiiggayga ugu deeqay dukhaanka/kutaanta iyo kaneecada” ayaan odhan jiray. Gidaarrada saldhiggu waa kuwo nugul, waxaana fudud in la xordo oo laga daato. Qolka afraad ee aan ku jiray waxa ka muuqday dayac-tir lagu sameeyay dalool weyn uu maxbuus ka sameeyay gidaarka. Isaga oo ku dhaw in uu fakado ayaa la ogaaday, kaddibna feedhaha ayaa la isku celiyay. Sidaas awgeed, mar walba waxa toosh nagu eegi jiray heeganka ilaalada u leh habeenkaas. Haddii aanu cabbaar sheekaysanno, waxa la moodi jiray in aanu daadanaynno. Waan arkay in uu gidaarku yahay xarshoosh dumaya haddii la faqo, wax aanu u fadhnaa se ma jirin. Saddex god/suuli ayay u kaltamaan maxaabiista ku kala jirta afarta qol ee saldhiggu. Subaxa iyo galabnimada ayaa loo oggolaadaa in ay saxaroodaan. Wakhtiga kale inta caagad lagu talleejiyo ayaa jirikaan lagu shubaa. Neecawda afar iyo labaatanka kuu baxaysaa waa urta kaadida. Saddexda god waxa afka jooga saxaro, kaadi iyo caagado. Marka lagu shubo kaadidii jirikaannada, waa ay fatahaan markaas ayay qudhunka iyo qashinku sabbeeyaan. Mid ka mid ah wallaahi dirxi ayaa ka buuxay oo dul sabbayn jiray oo dibadda uga soo baxay. Wuu dinnisayaa oo kabbacayaa. Ma aannu haysan kabo, baco ayaannu lugaha ku xidhan jirnay. Haddii aanu baco weyno, annaga oo cagaagan ayaannu dirxigaas dacal kaga joogsan jirnay! Waxa nalagu dhibayaa, ma aha baahi dheeraad ah. Waa abuurtii Alle noolaha ku uumay. Qashin-saarku waxa uu ka mid yahay astaamaha noolaha. Ma maqasheen “wax dhintay ma dhuuso”. Askari qori sita ayaa irridka taagan. Daqiiqadda ama labada aanu ku jirno wuu na hiifayaa, haaramayaa oo hanjabayaa. Mararka qaarkood in uu qoriga cabbeeyo ayuu ku siganayaa. Galab Axad ah ayaan dhaansaday laba maya-saxo oo waaweyn si aan ugu meydho. Mid joornaati-ku-sheeg ah baa yidhi “Hayaay, kaasi wuu meydhanayaa. Lama oggola”. Nadal fooqal nadal buu ahaa. Ilaahay if iyo aakhiraba ha ku dulleeyo! Ma nijaas iyo dhafad ayuu nala rabaa? Garan iyo nigis ayaan xidhnaa. Inta aan garankii tuuray oo aan nigiskii isku reebay, ayaan labadii caagadood isku foorariyay oo ku qubaystay iyada oo bannaanka la joogo. Maadaama oo ay xilli qaboobe ahayd oo aan biyaha isku shubay aniga oo bannaan jooga, waa aan qadhqadhay. Waxa ku arjunnaa la-haysteyaal aan toban cisho dhibic biyo ah korkooda marin. Qaar ayay ka guurtay baahidii saxaradu oo siddeed cisho aan godka u hollan. Ma nin keeb lagu hayo ayaa saxaroon kara! La soco waxyaabihii aan xabsiga ku soo arkay! Source
  18. (SLT-Hargaysa) Madaxweynaha somaliland muuse Biixi Cabdi ayaa garsoorayaal iyo xeer ilaaliyayaal cusub u magacaabay maxkamada ciidamada somaliland. Madaxtooyada somaliland ayaanu ka soo bixin warsaxaafeedka lagu shaaciyey magacaabista cusub, balse warar ay Heshay Hadhwanaagnews ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Muuse Biixi uu magacaabay xubnahan cusub. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa inta badan xilalkii ka qaaday garsoorayaashii iyo xeer ilaaliyayaashii ka hawl galayey maxkamada ciidamada, iyada uu haatan u magacaabay gudoomiyaha maxkamada ciidamada gaashaanle Maxamed Cabdillaahi Aadan (Aar). Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada u magacaabay Gaashaanle dhexe Yaasiin Maxamed Cabdi. L/Xidigle, Xasan Abiib Cumar, garsoore ka tiraan maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad. L/Xidigle, Jimcaale Jaamac Muxumed, garsoore ka tirsan Maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad. L/Xidigle, Xasan Cige Jaamac, garsoore ka tirsan maxkamada Ciidamada ee derejada koowaad. Gaashaanle Axmed Saalax Cabdi, Ku-Xigeenka Xeer-Ilaaliyaha Guud Ee Maxkamada Ciidamada Somaliland Gaashaanle Siciid Cali Cilmi, Xeer ilaaliye maxkamadda ciidamada Somaliland Xiddigle, Cabdillaahi Maxamed Axmed, Xeer ilaaliye Maxkamadda ciidamada Somaliland. Source
  19. Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ayaa waxa ay siyaabo uga hadleen dhibaatada uu Qaadku ku hayo bulshada Soomaaliyeed , haday ahaan lahayd dhan dhaqaalaha iyo [...] Source
  20. Dowladda Qatar ayaa maanta gaadiidka nooca gaashaaman ee dagaalka waxa ay ku wareejisay xukuumada ay hogaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali kheyre . Gaadiidkaas maanta [...] Source
  21. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka maqnaa musaanadda Caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed. Warar Caasimada Online ay heshay ayaa sheegaya in labo arrin ay sabab u tahay in Axmed Madoobe uu ka maqnaado caleemo saarka Lafta Gareen, waxaana arrinta koowaad ay tahay isaga oo sheegay in howlgalo iyo safaro uu ku tagayo Jubbooyinka uu ku mashquulsan yahay. Arrinta labaad ayaa ah in Axmed Madoobe uu diiday safarka Baydhabo, maadaama madaxweynaha Soomaaliya oo aysan wali heshiin uu ka qeyb galayay munaasabada ka dhacday magaalada Baydhabo. Warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu gogol dib u heshiisiineed uu u fidiyay madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo madaxweynaha Jubbaland. Axmed Madoobe ayaana aqbalay dalabka madaxweynaha Saciid Deni, waxaana qorshaha uu ahaa inay ku kulmaan munaasabadda Caleemo saarka madaxweynaha Puntland. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in munaasabadaasi u dirto wasiirka arrimaha gudaha ama arrimaha dibadda, taasi oo ka careysiisay Axmed Madoobe. Madaxweynaha Soomaaliya haddii uu ka qeyb galo munaasabadaasi ayaa waxaa la filayaa inay magaalada Garowe isku arkaan Axmed Madoobe, si loo dhameeyo khilaafka kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  22. Gudoomiyaha degmada Xumbays ee gobolka bari Axmed Yuusuf Cismaan oo maanta la soo xiriiray warsidaha Puntlandi.com ayaa waxa uu sheegay in ay cilad kutimid Ceel [...] Source
  23. Waxaa caawa Telefishinka Goobjoog ka bilaabanaya barnaamij loogu magacdaray “OGAAL”, barnaamijkan uu daadihin-doono Prof. Cabdullahi Maxamed Shirwac ayaa dadka Soomaaliyeed lagu bari-doonaa xuquuqdooda iyo dowladnimadda. Barnaamijkan oo noociisa ah waxaa uu sidoo kale ka bixi-doonnaa dhammaan qeybaha kala duwan ee Goobjoog Media Group. Marka laga soo tago daadihaya oo khabiir ah, kana tirsan bulshada rayidka waxaa barnaamijka marti u noqon-doona haldoorka umadda Soomaaliyeed, kuwaas oo qeyb ka noqon-doono xal u helista arrimaha looga hadlayo. Ujeedada barnaamijkan oo ah sida aan sheegnay barashada dowladnimada ayaa sidoo kale umadda loo faahfaahin-doonaa sidii ay uga wada noolaan lahaayeen is ixitraam iyo walaaltinimo, barashada sharciga dalkaan u yaala iyo in dadka xalistaan khilaafyada iyo muranada soo wajaho. Dowladnimada Soomaaliya, oo laga soo maray dhib badan oo ay dad badana u dhinteen, qaarkoodna ay xabsi u galeen, dadka kalana ku hantibeeleen isla markaasna loo soo dagaalamay qarniyaal kala duwan taasi ayaan keeneysa muhiimadda ay leedahay barashada dowladnimada Soomaaliya waqtigan madaama ay muhiim u tahay in dadka soomaaliyeed isku xirmaan. Barnaamijkan ayaa waxaa lagu baran doonaa xaquuqda uu muwaadinka Soomaaliyeed ku leeyahay dowladnimadda Soomaaliya iyo waajibaadka lagu leeyahay, xaqa siyaasiga lagu leeyahay iyo waxa uu isaga leeyahay taasi oo ay dadku waqtigan si fiican u fahamsaneyn dowladdnimada madaama haddana dadku ay aad u jecelyihiin dowladnimadda, iyaddoo dowladdnimadana ay tahay heshiis bulsho dhexmaray. Barnaamijkan ayaa xoogga saari doono noocyada iyo heerarka kala duwan, oo ay dowladnimo leedahay iyo sidoo kala noocyada dowladnimada Soomaaliya soo maray tan iyo 1960-kii, oo ay ka mid aheyd tii Kalitalisnimada(Dictatorship) tii SHUUCIYADA iyo sidoo kala noocyada dowladnimada kala ee jirta Dunida. Barnaamijkan ayaa waxaa lagu lafaguri doonaan arrimaha dastuurka Soomaaliya iyo ku dhaqanka dimiqoraadiyada iyo fahamka dowladdnimada Soomaaliya, oo ay dadku wax badan ka faa’iidi doonaan. Sidoo kala barnaamijkan ayaa xoogga lagu saari doonaa nooca dowladdnimo ee Soomaaliya u baahantahay iyo sida uu uga shaqeyn karo dalka, iyaddoo Soomaalida la ogyahay in ay yihiin dad reer guuraa ah. Barnaamijkan ayaa xooga saari doono barashada dowladnimada Soomaaliya iyaddoo isla markaasna uu ka bixi doono Televisionka Goobjoog todobaadkiiba hal mar gaar ahaan khamiis kasta saacadu marka ay tahay 9ka fiidnimo, waxaana lagu soo celin-doonaa maamlmo iyo saacado kala duwan. Haddaba, Barnaamijka “OGAAL” daawo caawa 9:00 fiidnimo, una sheeg asxaabtaada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyay xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi. Taliye ku xigeenka saldhigga Booliska ee degmada Afgooye Dhame C/laahi Axmed Xalane oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi. Waxaaana uu sheegay in lagu soo qab qabtay illaa 10 Qof oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Afgooye ka dhacayay weeraro xoogan oo Al Shabaab ay ka fulinayeen gudaha magaaladaasi. The post Ciidamada amniga Oo howlgallo ka sameeyay Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Akhriste waa kuma Maxamuud Yusuf Adan ( Muro ) oo ahaa 98 jir Soomaali ah ,kuna geeriyooday shalay dalka Kenya ? Maxaad ka taqaan Taariikh nololeedkiisa [...] Source