-
Content Count
207,274 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Ee Somaliland Xildhibaanadda Deegaanka Somaliland Tiradoodu Waxay Gaadhaysaa 300 Xildhibaan, Ugu Yaraan Xildhibaankastaaba Wuxuu Kharash Ahaan Isticmaalayaa Maalintii 200 Dollar, Maalintii Wuxuu Kharashkooda Guud Noqonayaa 60,000 Dollar, Lixdan Kun Oo Dollar!!! 300*200= 60,000 Usdollar!!!!!!!!!. Bishii Wuxuu Kharashkoodu Noqonayaa 1800,000 Usdollar, Milyan Iyo Sideed Boqol Oo Kun Oo Dollar, 60,00030= 1800,000 Usdollar, Sanadkii Wuxuu Kharashkoodu Noqonayaa 21,600,000 Usdollar, Kow Iyo Labataan Milyan Iyo Lix Boqol Oo Kun Oo Dollar!!!!!!!, 1800,00012= 21,600,000 Usdollar!!!!!!!!!!!!!!!, Shanta Sano Wuxuu Kharashkoodu Noqonayaa 108,000,000 Usdollar!!!!!!!!, Boqol Iyo Sideed Milyan Oo Dollar, 21,600,000*5= 108,000,000 Usdollar!!!!!!!!!!!!!!!. Shacabwaynaha Somaliland Waxaa La Gudboon Inay Cod Midaysan Oo Ay Ku Diidayaan Golayaasha Deegaanka Inay U Gudbiyaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Sidii Golayaasha Deegaanka Loo Kala Diri Lahaa Wadankana Laga Mabnuuci Lahaa Doorashadda Golayaasha Deegaanka, Xukuumadda Dhexena Ay Soo Doorato Maayar, Iyo Xoghaye Keliya Si Deegaankastaba Uu U Helo Maayar Waxqab Leh, Oo Aan Ka Dhisan Boqolaal Guri, Iyo Ganacsiyo Kala Duwan!!!!. Xildhibaanadda Golayaasha Deegaanku Damiir Xumadooda Waxay Samaysteen Shirkaddo Xashiishka Gura, Gawaadhida Xashiishka Gurana Waa Dhaqaalihii Ama Cashuurtii Laga Soo Uruuriyay Ganacsatada, Iyo Danyarta Suuqyadda Ka Ganacsada Ee Aan Haysan Biyo Nadiifa, Caafimaad, Waxbarasho Bilaasha, Laydh Jaban. Xildhibaanadda Golayaasha Deegaanka Yagoo Sifo Xaaraana Oo Ay Ku Boobeen Dhaqaalihii Deegaankastaba Wax Loogu Qaban Lahaa Ay Ka Dhisteen Guryo Waawayn, Iyo Ganacsiyo Waawayn Oo Ay Kula Shiraakoobeen Ganacsatadda Dhexe Qaarkood, Shirkadaha Gaarka Loo Leeyahay Ee Ay Ka Midka Yihiin Shirkadaha Laydhka, Shirkadaha Shidaalka, Shirkadaha Xawaaladaha Qaarkood, Karakshano Ama Warshadaha Jayga Sameeya, Gawaadhida Xamuulka Qaada. Dawladaha Hoose Cashuuraha Ay Qaadeen Ee 75% Ay Lunsadaan, Waxaa U Sii Dheer Dhaqaalaha Kabka Ah Ee Ay Bixiso Xukuumadda Dhexe Iyo Hay’adaha Ajaanibka. Xildhibaanadda Deegaanka Ee Iskaga Kala Dambeeyey Laba Doorasho Deegaan Oo Kala Ah Xildhibaanaddii Deegaanka Ee 2002 ILaa Xildhibaanadda Deegaanka Ee 2012 Ee Muddo Xileedkoodu Dhamaaday Labadaas Golayaasha Deegaanka Iskaga Kala Dambeeyey Marka Laysu Geeyo Waxay Ka Hanti Boob Badan Yihiin 1000% Shantii Xukuumadood Ee Iskaga Kala Dambeeyey Wasiiradoodii, Agaasimayaashoodii Guud, Maareeyayaashoodii, Badhasaabyadoodii Iyo Xildhibaanaddii Barlamaanka. Xildhibaanadda Deegaanku Guryaha Ay Xaaraanta Ku Dhisteen Ee U Kiraysan Cashuur Sanadeedka Maaliyaddu Xakha U Leedahay Ma Bixiyaan, Oo Ay Diidaan Yagoo Adeegsanaya Awood Xildhibaan, Hantidan Uu Qaranka Ka Dhacayna Isu Haysta Inuu Xakh U Leeyahay Oo Tacab Fara Badani Kaga Baxeen. Dhaqaalaha Faraha Badan Ee Xildhibaanadda Deegaanku Lunsadeen Haddii La Helayo Xukuumad Awood Leh, Oo Ku Dhac Leh, Sharcigana Ku Adag, Kuna Shaqaysa Waxaa Odhad Ama Baadhitaan Buuxa La Gelin Lahaa Golayaasha Deegaanka Hantiday Qaranka Ka Dhaceena Mood Iyo Noolba Waa La Soo Celin Lahaa, Ama Dhaqaalaha Faraha Badan Ee Ay Lunsadeen Boqolkii Dollarba 12 Dollar Loogu Cashuuro, Balse Haddaan Talaabaddaas Adag Lagu Dhici Karin Waa In Hantida Qaranka Ee Ay Dhaceen Sanadkii Mar Ay Wasaaradda Maaliyaddu Cashuurtaa. Madaxwaynaha Waxaan Talo Ugu Soo Jeedinayaa In La Laalo Tiraddii Xildhibaanadda Wakiiladda Ee Gobolkastaba U Qoondaysnaa, Waana In La Badiyo Xildhibaanadda Wakiiladda Oo Laga Dhigo 275 Xildhibaan, Tiradaas Guudna Aan Loo Qaybin Goboladda Somaliland Balse Laga Dhigo Kor U Hay Ama Tiro Guud Oo Gobolkastaaba Wuxuu Ka Helo Uu Wakiiladda Kaga Mid Noqonayo, Tiradda Ugu Badan Ee Xildhibaankasta Laga Doonayaa Ay Noqdaan 5000 Cod, Gobolka Codadka Tirada Guud Noqdo 50,000 Konton Kun Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa 10 Xildhibaan, Toban Xildhibaan, Gobolka Codadka Tirada Guud Noqdo Boqol Kun, 100,000 Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa 20 Xildhibaan, Gobolka Tirada Codadka Tiradda Guud Noqdo Boqol Iyo Konton Kun, 150,000, Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa 30 Xildhibaan, Gobolka Codadka Tiradda Guud Noqdo Laba Boqol Oo Kun, 200,000 Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa 40 Xildhibaan, Sadexda Xisbi Qaran Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Isu Soo Sharxaya Waa Inay Noqdaan Dad Diin Leh, Oo Aan Balwadlahayn, Aqoontiisuna Ay Gaadhsiisan Tahay Quraanka Tafsiirkiisa, Xadiista Micnahooda, Aqoonta Maadigana Ugu Hoosayn Inuu Dhameeyey Dugsiga Sare, Ugu Sarayna Heer Jaamacadeed!!!!!!!!!!!. Xildhibaanadda 85% Waa Inaanay Noqon Qurbo Joog, Ee Ay Noqdaan Wadan Joog Ama Qolqol joog, Xildhibaanadda Wakiiladda Ee Qurbajooga Ahi Waxay Noqonayaan 41 Xildhibaan, Xildhibaanadda Wakiiladda Ee Qolqoljooga Ahi Waxay Noqonayaan 234 Xildhibaan. ahmedsakatouri@hotmail.com Source
-
Isaga garashadiisa inta xukuumadda taageertaa waa u Qaran-doonno, inta xukuumadda dhalliisha ee khalad jira farta ku fiiqda ama mucaaridka ahina waa u Qaran-dumisyo. Waxa iskaga khaldamay malahayga Qaran iyo Xukuumad. Qarankii dhammaa waxa uu ka soo qaaday xukuumadda uu ka tirsan yahay. Alle qabey afkana waa yaqaan waana ka agnaan. Shaqaalihii xukuumadda ayaa loogu gooddiyey in aan loo dulqaadan doonin in laga faqo habeenkii oo la xanto gacantii ku quudinaysey ee wax ku siinaysey: xukuumaddii ku biilinaysey. Hadda biilintu waa mushaharkii shaqaalaha! Aar dawladi ma sidanaa Ma dukaan nin leeyaa?! Kaaga sii darane, dhallinyaradii ayaa labadaas xero la doonayaa in lagu kala xareeyo: koox ku xidhnaata madaxtooyada Somaliland iyo koox lagu dhufto shaambad qallalan oo ay ku xardhan tahay Villa Soomaaliya. Waa olole la doonayo in lagu qariyo dalba-juuqaha iyo fashilka xukuumadda, oo waxaas dellegan ee melmelan, ayaa dharaarahan la inagu dhego-barjaynayaa. Hubanti waa neecaw dellegan oo ay urteedu doorsoon tahay, waxana ka dhalan karta falcelin xadhkaha goosan karta. Looma baahna in dadka lagu mashquuliyo wax aan waxba ugu filnayn waxyeello mooyaane. Waxa se loo baahan yahay in dadka laga qanciyo tabashooyinkooda, lagana jawaab celiyo baahidooda wixii hadba suurta gal ah. Waa se iska shay dabiici ah in marka bulshada talisyada fashilmaa qancin kari waayaan in ay mashquuliyaan. Xanaftii iyo dhaawacyadii ay bulshada kaga tagtay doorashadii madaxtooyada ayaa kor-ka-baqay oo cuncunistoodu jidhka bulshada ku sii fogaanayaan. Waxa kala qaybsanaanta bulshada sii badhitaaraya maamul xumaanta xukuumadda iyo talo-qabeennimo la’aanteeda. Waxa aan weli laga jawaabin tabashooyin badan oo qaarna ka dhasheen xukuumaddii la dhisay, qaarna ka horreeyeen oo laga dhaxlay xukuumaddii hore. Saami-qaybsiga wakiillada ayaa ka mid ah kuwa qol-ku-raagga ah. In doorashadii golayaasha wakiillada iyo dawladaha hoose qabsoomi waayeen ayaa fashilka ka mid ah. Hay’adihii fulinta iyo sharci-dejinta oo isla xisaabtan iyo is dheellitir looga baahnaa ayaa u caano shubanaya isirro dhabarka isku xoqaya. Somaliland waxa ay u muuqataa in ay baallaha ka soo rifmayso, dhexdana uu xar ka soo gelayo. Heshiisyada Khaatumo iyo Somaliland ee muhiimka ahaa, tacabka badanina galay ayaa u muuqda in ay ku dul bakhtiyeen waraaqihii lagu qoray, oo iyana fashil kale noqonaya. Waxa kala qaybsanaanta bulshada sii badhitaaraya maamul xumaanta xukuumadda iyo talo-qabeennimo la’aanteeda. Aaway maamul wanaaggii lagu hadaaqi jirey xilligii kursiga loo hamuunsanaa: u xeebashada sharciga iyo sarrayntiisa, caddaaladda loo xisho, xakamayn musuq, la dagaallan boob hanti ummadeed iyo qaraabokiil. Jiritaanka isirradan iyo maqnaanta in la la tacaalaa waa cudur halis ku ah dawladnimadeenna oo ina soo daashadey oo xukuumadiba ka dhaxasho ta ka sii dambaysa. Xaggee lagu socdaa? Wax walba waxa ka daran dhaqan dawladnimada ku xun oo inagu soo kordhaya: car juuq dheh iyo xadhig, hanjabaad iyo bulshadii oo loo kala qaybinayo labadaas xero: qaran-doon iyo qaran-dumis. Su’aasha ugu culusi waa: cirridkaas aynu arkayno ee sidaas ahi ilko ma ka soo jeedi karaan? Aaway se mucaaridkii sharciga ahaa ee arrimahaas dheelli-tirka ku samayn lahaa, qareenka iyo jid-bixiyeenkana bulshada u noqon lahaa?! Marka ay hoggaamini (xukuumadi) ka soo bixi weydo wixii loo igmaday, mucaaridkeeda ayaa laga quuddarreeyaa in uu buuxiyo kaalintii jihaynta, himilo iyo rejo-abuurka bulshada oo isu dhiga baddiilkii hoggaamintaas hallowday. Ayaan-darrada innaga ina haleeshay waa “isma dhaanto isu dhigan”. Waa ayse uuraysan oo wax kale ayuun bay dhali, illayn agaraadamtaas nafuhu kuma xasili doonaane. Geeddiga cagaha daaliyaa lagu geyoodaaye Gellimaadka hayskaga jirtiyo goosan habaqlaaye Gubuxsiga mar uun bay tirsiga meel ka soo geliye Gargaraaciddeediyo ha dayn geed ka didinteeda. Hadraawi: Gudgude 1990 W/Q: Maxamed Baashe X. Xassan Source
-
(SLT-Hargaysa) Dowladda Ghana ayaa lagu wadaa inay dhowaan dalka Soomaaliya u soo dirto in ka badan 160 askari oo Booliis ah, si ay ugu qayb qaataan howlaha nabad ilaalinta Midowga Afrika ay ka wadaan dalkeena ee AMISOM. Xukuumadda Accra oo ka jawaabeysa dalab uga yimid Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo uu tirsigiisu yahay 2431 (2018), ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya u soo dirto Ciidan Booliis ah, si kor loogu qaado tirada iyo tayada ciidanka Booliska ee howlgalka Midowga Afrika. Qaraarkan uu tirsigiisu yahay 2431, ayaa oggolaanaya in wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wataan hawlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM illaa 31-ka Maajo 2019 iyadoo ay ka qayb qaadanayaan 1,040 askari oo Boolis ah, walow ay haatanba jiraan cutubyo Booliska AMISOM ah oo ka shaqeeya dalka. Todobaadkan ayaa waxaa Magaalada Baydhabo gaaray Saraakiil ka socota Booliiska Dalka Gaana, si ay usoo qiimeeyaan halka ku habboon fariisinkooda, iyagoo Indha-indhayn kusoo sameeyay xaaladda amniga iyo jewiga guud, maaddaama uu qorshahu yahay in ay halkaasi ka dhigtaan Saldhig. Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Simon Mulongo, ayaa Saraakiisha gaadhay Baydhaba u sheegay Shalay oo Khamiis ahayd, in Gaana ay Gacan ka geysan doonto buuxinta baahida loo qabo howlaha Boliiska AMISOM. Mr. Mulongo, ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay Ghana ugu soo direyso Unug ka mid ah Booliskeeda, isaga oo sheegay in ay kor u qaadi doonto tayada AMISOM, kuwaas oo xoojinaya sharciga iyo kala dambeynta meelaha laga xoreeya cadowga Al-Shabaab. Ciidankan ayaa tababarka dhammaysanaya Bisha March ee Sanadkan, iyadoo qalabayn ka dibna loo soo duulin doono Muqdisho, waxaana loogu sii qaadi doonaa Baydhabo, sida ay sheegeen Saraakiisha hoggaamineysa Boliiska Gaana ee ka tirsan AMISOM. Source
-
(SLT-Washington ) Qaramada Midoobey waxay cambaareeysay sida ay ciidamada uga falceliyeen dibadbaxyada looga soo horjeedo qiimaha maciishadda oo sare u kacday. Laamaha amaanka ayaa xabsiga dhigay dad badan oo ka qeyb ka ahaa dibadbaxa, kooxaha u doodo xuquuqul insaanka waxay sheegeen in ugu yaraan 40 qof ay ku dhinteen dibadbaxyada tan iyo bishii lasoo dhaafay. Dalka Suudaan waxaa ka socdaa dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda, xalay agagaarka isbitaal ku yaalla Khartuum ka dhacay bannaanbaxyo lagu codsanayo inuu xilka ka dego madaxweyne Al Bashiir. Maalmihii lasoo dhaafay kumanaan qof ayaa dibadbaxyo ka dhigayay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Khartuum, Shalay nin dhalinyaro ah oo dhakhtar ahaa iyo wiil yar ayaa lagu toogtay magaalada Burri ee ku taalla Suudaan, bulshada rayidka waxay sheegeen in 9 qof ay ku dhaawacmeen dibadbaxyadii shalay dalkaasi ka dhacay. Muuqaal baraha bulshada lasoo geliyay ayaa muujinayay dibadbaxyaasha oo ku dhawaaqayo ‘Xilka ka deg madaxweyne Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu isku barbardhigayo deeqaha Imaaraadka Carabta iyo kuwa Qatar ay siiyaan dowladda Soomaaliya. Qoraalka Mahad Salaad ayaa u muquda mid uu ku muujinayo in deeqda Qatar ee Soomaaliya aysan u tayo badneyn sida tan Imaaraadka, wuxuuna qoralkiisa raaciyey sawirro muujinaya farqiga u dhaxeeya baabuurta ay Imaaraadka Carabta siiyeen Soomaaliya iyo kuwa Qatar. Hoos ka aqrio qoraalka Mahad Salaad. Dowladaha Qatar iyo Imaaraad Ka sokow in dowlada Imaaraadka Carabta (UAE) ay ciidamo u tababareen Soomaaliya una qalabeeyeen. Ka sokow in dowlada Imaaraadka Carabta (UAE) ay Isbitaalo u dhiseen dadka Soomaaliyeed adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ahna ay u fidiyaan. Ka sokow in dowlada Imaaraadka Carabta (UAE) ay soo dhaweeyeen ganacsatada Soomaaliyeed. Hanti badan oo Soomaaliyeedna ay taalo dalkooda. Hadana, bal maanta aan isbarbardhig ku sameyno Baabuurta Gaashaaman ee Dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Qatar ugu kala deeqeen dowlada Soomaaliya sida tayadoodu kala tahay! #RUNTA_CIDINA_MA_QARIN_KARTO.
-
Nine people have been arrested in Kenya following an attack on a luxury hotel compound in the capital Nairobi that killed at least 21 people. All five militants who stormed the DusitD2 hotel and business complex on Tuesday have been killed, officials say, and a major hunt is underway to find those who helped organise it. Somalia-based Islamist group al-Shabab says it was behind the attack. Kenya’s Red Cross says everyone who was missing has now been accounted for. Kenyan media reports that the wife of one of the suspected attackers has been arrested in Kiambu county, just north of Nairobi. Police said they had identified Ali Salim Gichunge, also known as Farouk, through the car used in the attack. The post Kenya arrests 9 suspects over bloody hotel siege appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ethiopian forces under the framework of African Union Mission (AMISOM) have engaged Al-Shabaab fighters in fierce fighting at a remote area near Burhakaba town on Friday. Heavily armed Al-Shabaab fighters have ambushed a convoy of Ethiopian troops traveling along Baidoa-Burhakaba road which prompted hours of fighting between the sides. According to locals, the fighting took place this morning in an area which lies about 15km West of the town. Two Ethiopian military trucks have reportedly been destroyed after they overran Improved Explosive devices (IEDs) buried on the road. Both AMISOM and Ethiopian commanders have not yet commented on the incident and its casualties. Meanwhile, Al-Shabaab through its affiliate online media claimed to have killed a number of Ethiopian soldiers and destroyed military vehicles. “We have attacked the Ethiopian troops near Burhakaba town. Our fighters killed Ethiopian soldiers and destroyed the number of their military vehicles,” reads a statement posted. Ethiopia was among the latest troop-contributing countries to the Africa Union Mission in Somalia (AMISOM). An advance team of 100 uniformed personnel arrived in Somalia in 2014 while the other three battalion-strong contingents deployed soon after. Over 4000 Ethiopian uniformed personnel are now operating in Somalia under the framework of African Union Mission in Somalia (AMISOM). The post Al-Shabab ambushes Ethiopian troops’ convoy in Somalia appeared first on Shabelle. View the full article
-
This is Mr. Abdifitah Ibrahim Gesey (Pictured on the left with the PM: Khaire). A former federal minister of public works, reconstruction & housing of the Federal Republic of Somalia who resigned on December 16, 2018. A courageous politician with real character, and integrity. In fact, he is the only Somali politician- That I know of in recent years-who officially resigned because of disagreements with the Somali government, especially over disagreements regarding how issues related to his constituent was being handled by the government. I must say he is very unique in this regard. I must say there was another Somali politician, Mr. Abdikarim Hussein Guled who officially resigned on 24 May 2014, as a National Security Minister, following an attack by the Al-Shabaab militant group on the parliamentary building in Mogadishu. He did that just because he wanted to give a chance to those who might do a better job than him. That itself was an honorable decision, but instead of commending him for that, some Somalis called him a failed politician, just because they never saw a Somali politician resigning, let alone from a ministerial post. I say this because normally Somali politicians don’t resign over anything. They agree with the government on everything just to keep their post, or at least go along with the government when they disagree, but once they are removed from the government post, they shamefully start saying all sorts of negative staff against the government, even over issues they should have resigned bravely. I will not despise-As I always do to such politicians- if and when he says anything negative about the government/N&N, especially over the issue on which he courageously resigned. Indeed Mr. Abdifitah Ibrahim Gesey was absolutely different. Remember! We must admit the good stuff we see in each other, even when we are at the opposite sides of the aisle. A DISCLAIMER I must admit that I am a hardcore/die hard supporter of the government/N&N. I also dislike saying good stuff about those who oppose the government on every single thing or the so-called opposition, but I couldn’t resist to say good things about this man whom I don’t know personally at all. I must also declare that this post is not intended to say anything negative about my friends who worked for the government/N&N before, and “Practice their freedom of speech” NOW, after being removed from their government posts. By: Abdulkadir M. Osman (Abdi Boqor) BBA, MBA, PhD (Candidate) Minnesota-USA DISCLAIMER! The views and opinions expressed here are those of the authors and do not necessarily reflect the editorial position of Caasimada Online.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Baydhabo waxa uu kula kumay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo kamid ahaa waftigii ka qayb galay caleemo saarkii madaxweynaha Koonfur Galbeed. Farmaajo iyo Karaash ayaa ka wadahadlay sidii loo hagaa jin lahaa xiriirka dowladda federalka iyo Maamulka Puntland oo mudoo yinkii udambeeyay aan wanaagsanayn . Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujisay haladlkii ka soo yeeray madaxweyne Siciid C/lhaahi Deni ee ahaa in uu raacayo Dastuurka Puntland iyo waxa uu ka qabo xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland . Tan iyo intii uu xilka hayay madaxweynihii hore ee Puntland C/wali Cali Gaas ,waxaa aad uxumaa xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ,waxayna maamul goboleedyadu ay dowladda ku dhaliilayeen in ay baal martay Dastuurkii dalka ayna xaqirtay xuquuqdii maamul goboleeedyada . Caleema saarkii madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa waxaan ka qayb galin Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Jubbaland Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Baydhabo (PP) ─ Ugu yaraan 10-ruux oo dhinacyadii dagaalamay u badan ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo Al-shabaab maanta ku dhex-maray deegaan ku dhaw Daynuunaay oo u dhexeysa Baydhabo iyo Buur-haaba. Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta aya asheegay inay arkeen dhimashada iyo dhaawac ciidammo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay, sidoo kalena ay ku arkeen goobta lagu dagaalamay laba gaari oo kuwa ciidanka ah oo la gubay. Dagaalka ayaa Qarxay kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ciidamada Itoobiya ah oo ku socday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana dhinacyadu ay isku adeegsadeen hub kala duwan oo dhawaqiisa laga maqlayay deegaannada ku dhaw-dhaw halka uu dagaalku ka dhacay. “Waxaan arkay dhimashada tiro badan Toban ruux oo u badan dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ka tirsanaa, waxaana sidoo kale arkay dhaawacyo badan oo lasii waday,” ayuu u sheegay warbahainta mid ka mid ah dadka deegaanka oo intaas ku daray in tiro shacab ah ay waxyeello kasoo gaartay dagaalka. Sidoo kale, Tiro dhaawacyo ah oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee AMISOM ayaa la geeyay xarunta ciidamada Midowga Afrika ay ku leeyihiin Baydhabo oo ah xarunta maamulka Koonfur-galbeed, halkaasoo lagu daweynayo, balse taliska ciidamadu ma sheegin tirada dhaawacyada lasoo gaarsiiyay. Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab sheegtay inay dagaalkaas ku dileen in ka badan 57 askari oo Itoobiyaan ah, sidoo kalena ay gubeen qaar ka mid ah gaadiidkii ay wateen, inkastoo aysan sheegin khasaarihii dhankooda kasoo gaaray dagaalka oo ahaa mid culus. Ugu dambeyn, Inkstoo aysan Taliska Ciidanka AMISOM ka hadlin khasaaraha uu dhaliyay dagaalka maanta ku dhexmaray ciidamadooda iyo kuwa Ururka Al-shabaab dulleedka Baydhabo, ayaa haddana wuxuu imaanayaa xilli laba casho ka hor ay Baydhabo ka dhacday caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee maamulkaas C/casiis Lafta-gareen. PUNTLAND POST The post Dagaal khasaara fara badan dhaliyay oo ka Dhacay Deegaanka Daynuunay ee Gobolka Bay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa lagu waramayaa inay ku dhawaaceen Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada degmada Hodan ee gobolka Banaadir qaybo kamid ah degmadaasi. Gudoomiyaha oo magaciisa lagu soo koobay Xuseen Hadafow ayaa la sheegay inay rasaasta ka haleeshay qaybaha sare ee Jirdkiisa, isaga oo loola cararay goobaha caafimaadka, halkaasi oo lagu dhabiibayo. Wararka ayaa intaas ku daraya in dhaawaca Gudoomiye Xuseen uu yahay mid halis ah, maadaama dhowr xabadood ay haleeshay. Kooxihii falkaan ka dambeeyay ayaa lasoo wariyay inay ka baxsadeen goobta ay wax ka dhaceen kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amniga. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo ku aadan toogashadda lagu dhaawacmay Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada kamid ah degmadaasi. The post Kooxo hubeysan oo dhaawacay mas’uul ka tirsan D/Hodan appeared first on Shabelle. View the full article
-
Addis Ababa (PP) ─ Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa maanta oo Jimco ah meel-mariyay sharci cusub oo Qaxootiga ku nool dalkaas siinaya xuquuqo dheeri ah oo ay ka mid tahay inay ka shaqeynsan karaan gudaha dalkaas. Sharcigan ayaa waxaa qodobbada ku xusan ka mid ah; In Qaxootiga dalkaas ku nool ay xaq u leeyihiin in Itoobiya ka shaqeystaan iyo in carruurtoodu ay wax ka bartaan iskuulada dowladdu ay leedahay, In Qoxootiga Itoobiya ku nool ay ku dhex-safri karaan gudaha dalkaas oo ay tegi karaan meel walba oo ay doonaan, halka markii hore ay xeryawha ku jiri jireen. Waddanka Itoobiya ayaa axaa ku nool qoxooti ka badan hal milyan oo ay ku jiraan Soomaali fara badan, waxaana sidoo kale xeryaha Qoxootiga dalkaas ku jira laba milyan oo qof oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo deegaannadoodii uga soo barakacay siyaabo kala duwan. Sidoo kale, Sharcigan la ansixiyay ayaa waxaa ayiday inta badan Xubnaha baarlamaanka Itoobiya, inkastoo ay jiraan xildhibaanno yar oo kasoo hor-jeestay, kuwaasoo sheegay inay ka walaacsan yihiin inay la wareegaan gabi ahaan shaqooyinka Itoobiya. Tallaabadan ayaa waxay dhabbaha u xaaraysaa in dadka Qoxootiga ah ay ka shaqeeyaan warshadaha dalkaas. Iyadoo Qoxootiga Itoobiya ku nool ay soo dhaweeyeen sharcigan cusub ee u ogolaanaya inay ka shaqeynsan karaan meel walba oo ay doonaan. Dhanka kale, Tallaabadan ayaa waxay albaabada u furaysaa inay ka baxaan ku tiirsanaanta ay ku tiirsan yihiin hay’adaha qoxootiga caawiya ee dalkaas ka shaqeeya, iyagoo heli doona dhaqaale ka badan midka ay hadda helaan. Itoobiya ayaa ah dalka labaad ee Qaaradda Afrika ku yaalla ee ay ku nool yihiin Afrika ugu badan marka laga yimaado Uganda, waxaana inta badan qoxootiga ku nool ay u badan yihiin kuwo ka cararay Coladaha ka taagan dalalka dariska ah oo ay ka mid tahay Somalia. Qaar ka mid ah Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Itoobiya oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay soo dhaweynayaan sharcigan ay maanta ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka Itoobiya, taasoo ay xuseen inay suuro-gelinayso inay u shaqo tagaan meel ka baxsan xeryaha qoxootiga ee ay muddada dheer ku noolaayeen. Ugu dambeyn, Sharciga Qoxootig ee la ansixiyay ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee uu baarlamaanka Itoobiya meel-mariyay, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa isbedellada uu la yimid Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya, Abiy Ahmed. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Itoobiya oo Ansixiyay Sharci Xuquuq Dheeri ah u Ogolaanaya Qoxootiga appeared first on Puntland Post.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee mamaulka Koonfur Galabeed Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi la geeyay dhaawacyo badan oo ciidan Itoobiyaan ah. Ciidankan ayaa ku soo dhaawacmay dagaal saaka ka dhacay inta u dhexaysa dagmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo oo halkaasi ku dhaxmaray Al-Shabaab iyo ciidanka Itoobiyaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in dhaawaca lageeyay xarunta taliska Amisom ee magaalada Baydhabo, si looga dabiibo dhaawacyada ay qabaan. Lama shaacin tirada rasmiga ah ee dhawacyada hase yeeshee waxaa la sheegay in dhowr baabuur lagu geeyey. Dhanka kale ciidamo Itoobiyaan ah oo gurmad ugu socday halka dagaalku saaka ka dhacay yaa la kulmay miinooyin waddada lagu saasay, waxaana xigay dagaal toos ah sida ay ku waramayaan dadka deegaanka. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ciidamada Itoobiya ay ka dishay 57 askari. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya markii jabka uu gaaray ay dhibaato u gaysteen dad shacab ah oo ka agdhawaa halka dagaalku ka dhacay oo ay sheegeen in ay ahaayeen beeralay iyo xoola dhaqato. Ciidanka Amisom ayaa dhibaato gaarsiiya shacabka Soomaaliyeed marka ay dhibaato kala kulmaan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dagaal kula jira dowlada Soomaaliya iyo Amisom. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
بسم الله الرحمن الرحيم اللهم ولي أمورنا خيارنا و لا تولي امورنا شرارنا يا رب العالمين. MAXAA UARAYA?? MARYA ALOOL/ MELEESHIYA?? Madaxweynuhu wuxuu la mid yahay aabo baha badan leh oo bahina bah la baaxad ahayn lana baahi ahayn. Waxaanu ilaah ku abaalariyaa sidaa uu ugu qasooraa Waxaana ku waajib ah in bahina saloogin sida xeedhada loo wadaagayo. Waxaa ku waajib ah inaanu bahna bah u maqal. Waxaa ku waajib ah inuu bahaha wax boobaya kuwa laba gacmoodinaya kuwa hoosta wax ka siibaya kuwa meel laba bahood fadhiisanlahayd keligood fadhiistay iyo kuwa debada meeraya oo meel ay maraanba waayay iyo qaar weligoodba quus ahaa inuu cadaalad ku simo. Tabashada Bahda West Burco Clan: Beeshani si mug iyo miisaan leh aya gacan libaax ugu shirtay Waxaa ka soo baxay go’aan Gobolada oo dhan laga soo dhaweeyay oo lagu amaanay. Waxay samaysteen Guddi hormood ah oo loo xilsaaray inay la kulmaan ugu horrayn Madaxweynaha JSL. ayaga oo kala hadlidoona murtidii 8 qodob ee la goaamiyay. DAREENKA KA DHASAHY INUU MADAXWEYNUHU LA SHIRIWAAYO GUDDIDII SHIKRA LAGA MAGAACAABAY EE UU LA SHIRO QAYB KA MID BULSHADII SOO MAGACAWDAY. Kulankani wuxuu bulshadii West Burco Clan ugu muuqday inaan madaxweynuhu shirkii Bahda West Burco Clan , guddidii la magacaabay iyo go’aamadii ka soo baxay aanu midna tixgelin u hayn. Shirkan balaadhani ay madaxdhaqameedku hogaaminayaan wuxuu cilmi ku fadhiyilahaa ayada oo ay Madaxweyanha iyo Guddidii Bahda West Burco Clan is mariwaayeen. Taasina sida la sheegay may dhicin waayo Guddidu way hadashay ayaga oo aad u diidan sida madaxeynuhu tasarrufay. Haddaba halkee sartu ka qudhuntay? Ma madax dhaqameedka ayaa ka dulbooday Guddiddi sharafta weyn lahayd ee shirka taariikhig ah laga magacaabay? Ma madaxweynaha JSL ayaa guddida diidanoo sidan doortay? Taasi waxay keentay in bahda West Burco Clan ay madaxweynaha ka qaataan dareen ah : TAA DOONTAAN MAAHA EE WAA TAAN DOONAA. Waxaa run ah in awoodda fulineed ee qaranak ay madaxweynaha gaar u tahay. Ha yeeshee waxay bahaha somalilaand oo dhami ka simanyihiin isu tanaasulka iyo isqancinta: Xikmadda eebeheen siiyay bulshada JSL waxay salka ku haysaa: WAAR YAADHAHEEN ITAAL KEENNI WAA KAA SIDAASAANA WAX IIGULA MUUQDAAN EE MAXAY IDINLA TAAHAy. Waxaa hubaal ah in qof waliba isga oo raaliya oo qanacsan uu albaabka ka bixilahaa. Xikmadddan Waata Somaliland ku caana maashay ee ay cidwalba dheertahay ee ay dhiidhiwalba kaga baxdo. Dhibaatooyinka Jira: Shirkii gudidaa sharafta mudan la iska baydhiyay waxaa loo qaatay iska horkeen bahdan West Burco Clan. Mujaahidkii weynaa ee Maxamed Abdilqaadir ma dhabaa Caarruu ku beeray? WAR HASHU MAANKAYGI GADEE MA MAANSAARBAY LIQDAY . SIDEEBAAN U RUMAYSTAA: Madaxweynaha JSL Mudane Muse Bixi Abdi oo ka mid ahaa sarakiishii dalkan naftooda u horay ee dhib waliba ka soo martay ee dhaqanka ummaddiisa aan cidi uga aqoon badnayn ee aan arkay isaga oo hadalku ku dhego oo ilmo iska duugaya markuu ka sheekaynayo mujaahidiinta shaheedday Iyo goobaha la isku weeraray. Ayaa mabda’ ka dhigtay kala dhawayso bahahan aad sidii waalidkood xilkooda ilaah ku saaray . Hadday dhab tahay WAA IF IYO AAKHIRO SEEG ,HADDII KALENA WAXBA KU QAADANMAYSO XALINTOODU. Ma waxaan rumaystaa kala qaybsanaantii SNM ta iyo dhacdooyin ka dambeeyay ayaa raadad kaaga sii hadhsanyihiin adiga oo ah Madaxweynaha JSL?. Maxay tilmaamaysaa,Madaxweyne, Mujaahidkii weynaa ee Casayr Abdilqadir baa Jabhaddii Caarre taageeray waqti JSL u halgamayso ictiraaf raadin?? Isfahamkii axsaabta siyaasadeed maxaa adkeeyay?. Madaxweyne ninka ka soo horjeesta ee xikmaddan hoose ku qanciwaayaa isagaa xun dibna aan wax loo weydiinayn. Haddii se ay adiga oo Madaxweyna ay kugu adkaato inaad bahahan ilaahay madaxda kaaga dhigay aad sidan oo kale u qanciso oo aad ficiltanto ama aad hansalba ka qaadiweydo WAXAAN ISLEEYAHAY WAA WAX QARANIMADEENAN CURDINKA AH EE CADAWGA BADAN LEH AAD U WIIQIKARTA. Waa inaad qofwalba uga baqasho badataa ilaalinta danta qaran ee JSL. Taageero igu filan , dood iyo dagaalba, waan haystaa oo cidii I raaciweydana dani igama hayso cilmi iyo caqlitoona kuma fadhido. Xikmaddan hoose waa mid eebeheen inagu guulaystay. “WAAR YAADHAHEEN WAXAA I WEYDIISEEN WAA WAXAA ITAAL KEENINA WAA KAA, SIDAASAANA WAX IIGULA MUUQDAAN EE MAXAY IDINLA TAHAY” Madaxweyne bal xikmaddan sare MAAD ku tijaabi Guddida West Burco Clan ee lagu soo magaacaabay shirkii baalaadhnaa ee taariikhiga ahaa ee Gacan libaax. Waxaan filayaa in dhibaatooyinka jira ay dhamaantood hal u tahay. Waxaanan filayaa inaan waddadaa waddo aan ahayn aan xal waara lagu gaadhayn. Waxaan filayaa wasiiro cusub oo la magacaabo ama si kale hoos hoos oo rag loola kulmaa inaanay manta waxba tarayn. Wa billahi towfiiq. Xil. Hussein Ismail Yusuf Source
-
Guddoomiyaha WADDANI oo la hadlaayey Idaacadda BBC qeybteeda Af Soomaali ga ayaa waxa uu yidhi: Somaliland talo wadaag baa lagu waday, waana ayaan darro in laba Xisbi yidhaahdaan anaga ayaa Doorasho qabsanayna, arrintaasina waxa ay dhaawac ku keeni doontaa midnimada iyo wada-jirka shacbiga. Waxay dhaawac weyn ku keeni doontaa xasiloonida iyo nabad-gelyada dalka. Waxaana ay taasi ku tusinaysaa in Somaliland u socoto xaggii keli talisnimada. Laba Xisbi haddii ay go’aansadaan in ay 50% ka tashadaan dadka waxa iman doonta markaana in la kala tashado. Xisbiga WADDANI na noqon maayo daawade in laba Xisbi ay dalka Doorasho ka qabsadaan. Source
-
Gedo (Sh.M.Network) – In ka badan 300 Barakacyaal oo horleh ayaa gaarey degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Bakaracyaashaan oo halkaaso dib udejin loogu sameeyay ayaa wajahaya xaalado adag oo dhinaca nolasho ah. Mid kamid ah dadka kusoo barakacay degmada Buurdhuubo oo la hadlay idaacada Shabelle ayaa codsaday in gargaar deg deg lala soo gaaro. Hoos ka dhageyso codka http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/DF.mp3 The post Xaalada Barakacyaasha Buurdhuubo oo laga deyriyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Cameron)Hay’adda samafalka caalamiga ah ee Médecins Sans Frontières MSF ayaa waxa ay sheegtay in kumannaan qof ay isaga qaxeen waqooyi bari waddanka Nigeria iyagoo u cararay dalka dariska ah ee Cameroon, kaddib markii uu Isniintii halkaasi ka dhacay weerrar argagixiso. Sida ay sheegayso hay’adda MSF, 8000 oo qof ayaa waxa ay isaga carareen magaalada Rann ee gobolka Borno kaddib markii ay halkaasi la wareegeen maleeshiyaadka. Bayaan ay soo saartay Arbacadii ayaa MSF waxa ay ku sheegtay in dadkii weerrarka ka badbaaday ay bilaabeen inay lug ku soo gaaraan magaalada Bodo ee waqooyiga dalka Cameroon, kaddib weerrarkii Isniintii. Dadkaas ayaa soo qaxay kaddib markii maleeshiyaadka ku sugan magaalada Rann ay gubeen guryo iyo bakhaaradda cuntada lagu kaydiyo. Macluul daran oo ka taagan dalka Ma ay kala cadda in weerrarka uu soo qaaday garab ka tirsan ururka Boko Xaraam ee gacansaarka la leh Daacish ama in kooxda kale ee uu hogaamiyo Abuubakar Sheekau. Walow milaterigu uu sheegay inuu magaaladaasi dib u qabsaday maalintii Talaadadii, haddana MSF waxa ay rumaysan tahay in tirada qaxootiga ay gaari doonto 15,000 oo qof. Magaalada Rann, oo hoy u ah dadka gudaha ka soo barakacay ee dalkaasi ayaa dhowr jeer la weerraray sanadkii tegay. Maleeshiyaadka ayaa bishii Maarso waxa ay dileen saddex qof oo ka tirsan howlwadeennada gargaarka halka ay saddex kalana afduubteen; kuwaas oo laba ka mid ah ay markii dambe dileen. Magaalada Rann ayaa waxaa markale la bartilmaameedsaday bishii Diseembar ee sanadkii aynu ka soo gudubnay. Source
-
Popular Contributors