Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,274
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdusho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Siroodnka Qaranka ayaa lagu sheegay in 18-kii bishan la soo qabtay xubin ka tirsan Xrakada Al Shabaab, kadib howlgal laga sameeyay magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo la soo dhigay bogga Twitter-ka ee NISA ayaa lagu shaaciyay in howlgal qorsheysabn lagu soo qabtay sarkaal sare oo Amniyaadka u qaabilsanaa Al Shabaab ”Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay taliska NISA. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamada ammaanka howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ay ka wadeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. The post NISA Oo shaacisay in la qabtay xubin ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  2. Nairobi ( Sh. M. Network )-Maxkamadda ku taalla Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa la soo taagay illaa 5 qof oo lala xariirinayo in ay ku lug lahayeen weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotel-ka DusitD2 oo ku yaalla galbeedka magaaladaasi. Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa dalbatay in ay u baahantay waqti dheeraad ah oo ay ku soo dhameystirto eedeymaha loo heysto raggaasi muddo 30 cisho ah. Eedeysanayaashani oo la sheegay in la xiray, kadib markii la soo gabagabeeyay weerarkii waqtiga badan qaatay ee Nairobi ayaa lagu kala magacaabaa Joel Nganga, Oliver Muthee, Osman Ibrahim, Gladys Kaari iyo Guleid Abdihakim, kuwaas oo la sheegay in laga soo qabtay xaafadahaa Eastleigh iyo Ruaraka oo ka tirsan magaaladaasi. Dhinaca kale dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa walaac xoogan ka muujiyay weerarkaasi oo lagu dilay 21 qof , kaas oo masuuliyadiisu ay sheegatay Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya. Ganacsatada Soomaalida ee ku nool xaafadda Eastleigh ee Nairobi ayaa xiray ganacsidooda maalinimadii shalay, waxaana ay sheegeen in ay ka xun yihiin weerarkaasi. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya ayaa inta badan dareema walaac xoogan xilliyada weerarada lagu qaado gudaha dalkaasi. The post Kenya Oo maxkamad soo taagtay Rag loo heysto weerarkii M/ Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Magacayada 5-Eedeysane oo 2-Somali yihiin oo loo qabtay weerarkii Hotel Dusit2-Nairobi oo la soo bandhigay,Maxkamadna la soo taagay+Sawirro Waxaa lasoo taagay maxkamad ku taal magaalada Nairobi shan ruux oo kenyaati ah kuwaas oo lagu eedeeynayo in ay xidhiidh la lahaayeen weerarkii maalmo ka hor ka dhacay hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobo ee caasimadda dalka Kenya. Shantan ruux ayaa waxaa ku jira labo ruux oo asal ahaan soomaali ah, balse Kenya kasoo jeeda, waxaana lagu kala magacaabaa Joel Ng’anga Wainaina, Oliver Kanyango Muthee, Gladys Kaari Justus, Guleid Abdihakim iyo Osman Ibrahim (Canadian) . Ruux ka mid ah ayaa waxaa uu haystaa dhalashada dalka Canada, sida ay baarayaashu xaqiijiyiin. Madaxa dambi baadhista (The Director of Public Prosecutions) oo lagu magacaabo Noordin Haji ayaa maxkamada ka codsaday in eedeysanayaashan lagu hayo xabsi mudo 30 casho ah, si booliska iyo baadhayaasha kiiska si ay xog iyo macluumaad dheeri ah u helaan. Maxkamadda ayaa ku raacday, waxaana ay amartay in xabsi la dhigo eedeysanayaasha mudada 30-ka casho si baadhis dheeraad ah loou sameeyo. Labo ka mid ah eedeysanayaasha oo asal ahaan soomaali ah ayaa waxaa laga soo kala qabtay maalinimadii Arbacada xaafadda ay soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh iyo Ruaka, waxaana saddexda kale laga soo qabtay magaalada Mombasa. Dowladda Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in dhammaan raggii weerarka ku qaaday hotelka ay ahaayeen Kenyati xidhiidh la leh Al-Shabaab. Akhri Qoraal Rasmiya:- Qaran News
  4. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay fuliyeen Rag la socday Mooto Bajaaj, kuwaas oo la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay qaraxaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, waxaana la sheegay in ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah. Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo saraakiisha amniga Koonfur Galbeed ay ka soo saareen qaraxaasi. Ammaanka Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid dagan, iyadoona Ciidamada Boolisku ay howlgallo ka wadeen gudaha magaaladaasi. The post Qarax khasaaro geystay Oo ka dhacay M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Kadib markii jimcihii Sheikh Kenyaawi uu kumanaan dad ah kula hadlay garoonka kubbadda cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho ayaa kooxaha mucaaradka ee dhaliilsanaa marka hore waxay u muujiyeen taageero. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xubno kale oo ka tirsan Mucaaradka ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan muxaadarada iscafiska ah ee uu Sheikh Kenyaawi Shalay ka jeediyay magaalada Muqdisho. “Laba maalmood ka hor ayaan la kulmay Sheekha, waxaana ka muuqday daacadnimo iyo qalbi wanaag, iyo inuusan siyaasad gaar ah ama koox gaara toona uusan la qorshe ahayn” “Waxaa Muhiim ah in “diiinteena islaamka” oo dadkeenu ay aaminsan yihiin oo kooxo ay ka mid tahay Alshabaab ay magac-dileen in la helo culimo kooxahaas ka Madax banaan oo u darban in diinta gacanta dadka Soomaaliyeed lagu soo celiyo, lana helo culimo dadku ay ku kalsoon yihiin oo wax u sheegi kara” ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi. Dhinaca kale wasaaradda Diinta iyo awqaafka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay kordhin doonaan taageerada culumada Soomaaliyeed ee la hadlaysa shacabka magaalada Muqdisho oo u diyaarsan inay faham buuxa ka qaataan Diinta islaamka. Wasiirka Diinta iyo awqaafka oo la kulmay Sheikh Kenyaawi ayaa mahad u celiyay, waxaana uu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay sii wadi doonto muxaadarooyinka mashaa’iqda ka jeedin doonaan magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Afgooye ( Sh. M. Network )-Sida ay ugu warrameen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ilo deegaanka ah waxaa saaka Aroortii Ciidamada AMISOM ee ku sugan duleedka degmada Afgooye ay tiro Madaafiic ah ku Garaaceen deegaanno hoostaga duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Dadka deegaanka ayaa soo wariyay in ku dhawaad 10 Madfac ay ku kala dhaceen deegaanno ay ka mid yihiin Baladul Amiin , Yunbit, Sabiib Caanoole, Bangaleey. Lama Oga sababta iyo Khasaaraha ka dhashay weeraradaasi Madaafiicda ah , xiliga oo Aoor hore ahayd awgeed , balse deegaanadaasi ayaa waxaa ka arrimiya dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Ciidamada AMISOM ayaa horay weeraro nuucaani ah waxa ay ugu qaadeen isla deegaanadaasi , kadib markii ay dareemeen dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay halkaasi ka sameeyeen Al Shabaab. Ma jiro dhinacooda wax war ah oo illaa iyo haatan ay ka soo saareen Al Shabaab weeraradaasi ka dhanka ahaa saaka deegaanada ay ka arrimiyaan. The post AMISOM Oo weerar madaafiic ah ka fulisay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-190119-W.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Wasiirka Warfaafintu Ku Lahaa, “Bur Iyo Biyaa Loo Kala Baxayaa!” Dadkii Waxa Uu Ku Gurey Laba Xero Oo Iska Soo Horjeeda…” … Maxamed Baashe Isaga garashadiisa inta xukuumadda taageertaa waa u Qaran-doonno, inta xukuumadda dhalliisha ee khalad jira farta ku fiiqda ama mucaaridka ahina waa u Qaran-dumisyo. Waxa iskaga khaldamay malahayga Qaran iyo Xukuumad. Qarankii dhammaa waxa uu ka soo qaaday xukuumadda uu ka tirsan yahay. Alle qabey afkana waa yaqaan waana ka agnaan. Shaqaalihii xukuumadda ayaa loogu gooddiyey in aan loo dulqaadan doonin in laga faqo habeenkii oo la xanto gacantii ku quudinaysey ee wax ku siinaysey: xukuumaddii ku biilinaysey. Hadda biilintu waa mushaharkii shaqaalaha! Aar dawladi ma sidanaa Ma dukaan nin leeyaa?! Kaaga sii darane, dhallinyaradii ayaa labadaas xero la doonayaa in lagu kala xareeyo: koox ku xidhnaata madaxtooyada Somaliland iyo koox lagu dhufto shaambad qallalan oo ay ku xardhan tahay Villa Soomaaliya. Waa olole la doonayo in lagu qariyo dalba-juuqaha iyo fashilka xukuumadda, oo waxaas dellegan ee melmelan, ayaa dharaarahan la inagu dhego-barjaynayaa. Hubanti waa neecaw dellegan oo ay urteedu doorsoon tahay, waxana ka dhalan karta falcelin xadhkaha goosan karta. Looma baahna in dadka lagu mashquuliyo wax aan waxba ugu filnayn waxyeello mooyaane. Waxa se loo baahan yahay in dadka laga qanciyo tabashooyinkooda, lagana jawaab celiyo baahidooda wixii hadba suurta gal ah. Waa se iska shay dabiici ah in marka bulshada talisyada fashilmaa qancin kari waayaan in ay mashquuliyaan. Xanaftii iyo dhaawacyadii ay bulshada kaga tagtay doorashadii madaxtooyada ayaa kor-ka-baqay oo cuncunistoodu jidhka bulshada ku sii fogaanayaan. Waxa kala qaybsanaanta bulshada sii badhitaaraya maamul xumaanta xukuumadda iyo talo-qabeennimo la’aanteeda. Waxa aan weli laga jawaabin tabashooyin badan oo qaarna ka dhasheen xukuumaddii la dhisay, qaarna ka horreeyeen oo laga dhaxlay xukuumaddii hore. Saami-qaybsiga wakiillada ayaa ka mid ah kuwa qol-ku-raagga ah. In doorashadii golayaasha wakiillada iyo dawladaha hoose qabsoomi waayeen ayaa fashilka ka mid ah. Hay’adihii fulinta iyo sharci-dejinta oo isla xisaabtan iyo is dheellitir looga baahnaa ayaa u caano shubanaya isirro dhabarka isku xoqaya. Somaliland waxa ay u muuqataa in ay baallaha ka soo rifmayso, dhexdana uu xar ka soo gelayo. Heshiisyada Khaatumo iyo Somaliland ee muhiimka ahaa, tacabka badanina galay ayaa u muuqda in ay ku dul bakhtiyeen waraaqihii lagu qoray, oo iyana fashil kale noqonaya. Waxa kala qaybsanaanta bulshada sii badhitaaraya maamul xumaanta xukuumadda iyo talo-qabeennimo la’aanteeda. Aaway maamul wanaaggii lagu hadaaqi jirey xilligii kursiga loo hamuunsanaa: u xeebashada sharciga iyo sarrayntiisa, caddaaladda loo xisho, xakamayn musuq, la dagaallan boob hanti ummadeed iyo qaraabokiil. Jiritaanka isirradan iyo maqnaanta in la la tacaalaa waa cudur halis ku ah dawladnimadeenna oo ina soo daashadey oo xukuumadiba ka dhaxasho ta ka sii dambaysa. Xaggee lagu socdaa? Wax walba waxa ka daran dhaqan dawladnimada ku xun oo inagu soo kordhaya: car juuq dheh iyo xadhig, hanjabaad iyo bulshadii oo loo kala qaybinayo labadaas xero: qaran-doon iyo qaran-dumis. Su’aasha ugu culusi waa: cirridkaas aynu arkayno ee sidaas ahi ilko ma ka soo jeedi karaan? Aaway se mucaaridkii sharciga ahaa ee arrimahaas dheelli-tirka ku samayn lahaa, qareenka iyo jid-bixiyeenkana bulshada u noqon lahaa?! Marka ay hoggaamini (xukuumadi) ka soo bixi weydo wixii loo igmaday, mucaaridkeeda ayaa laga quuddarreeyaa in uu buuxiyo kaalintii jihaynta, himilo iyo rejo-abuurka bulshada oo isu dhiga baddiilkii hoggaamintaas hallowday. Ayaan-darrada innaga ina haleeshay waa “isma dhaanto isu dhigan”. Waa ayse uuraysan oo wax kale ayuun bay dhali, illayn agaraadamtaas nafuhu kuma xasili doonaane. Geeddiga cagaha daaliyaa lagu geyoodaaye Gellimaadka hayskaga jirtiyo goosan habaqlaaye Gubuxsiga mar uun bay tirsiga meel ka soo geliye Gargaraaciddeediyo ha dayn geed ka didinteeda. W/Q: Maxamed Baashe X. Xassan Qaran News
  9. Kismaayo (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa saakay aroortii hore weerarro isugu jiray Qaraxyo iyo kuwo toos ah ku qaaday saldhig ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 45-km dhanka waqooyi kaga beegan Kismaayo. Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalka oo ahaa mid culus ay labada dhinac kasoo gaareen khasaare, inkastoo aan la ogeyn inta uu le’eg yhaay, iyadoo weli uu dagaalku ka socdo Baar-sanguuni. waxaana la sheegayaa in gaadiid badan oo qaraxyo ay ka buuxaan ay weli yaallaan hareeraha saldhiggaas. Goobjoogayaal ku sugna deegaanka uu dagaalku ka socdo ayaa warbaahinta u sheegtay in dagaalku uu ku billowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay oo lala beegsaday saldhigga, kaddibna ay billaabatay is-rasaasey xooggan. Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay la wareegtay saldhigii ay weerartay, isla markaana ay dileen tiro ka mid ah ciidamada Jubbaland ee saldhiggaas ku sungnaa, inkastoo aysan sheegin khasaaraha dagaalkaas ka dhashay. Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin dagaalka, waxaase wararka laga helayo Kismaayo ay sheegayaan in ciidammo gurmad ah ay la ambabaxeen magaalada Kismaayo, iyagoo ku sii jeeda halka uu dagaalku ka socdo, kaas oo weli ka socda saldhigyadii la weeraray. Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay inaysan jirin wax war ah oo ay ka bixin karaan dagaalka, balse waxay xaqiijiyeen in dagaalku uu yahay mid culus oo u dhexeeya ciidamadooda iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab. Dhanka kale, Weerarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan ay madaxda Jubbaland sheegeen inay dagaal ku qaadayaan Al-shabaab, ayna doonayaan inay la wareegaan degmooyinka Bu’aale iyo Xagar oo ka kala tirsan Jubbaland Dhexe iyo Jubbada Hoose. Ugu dambeyn, Illaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dagaalkaan ka dhashay, basle wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya inay dhimasho iyo dhaawac fara badan soo kala gaartay dhinacyada hardamaya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Weerarro culus la beegsatay Saldhig ku yaalla Deegaanka Baar-Sanguuni appeared first on Puntland Post.
  10. Ciidanka ammmaanka ayaa sheegay in jimcihii ay soo qabteen xubin ka tirsan amniyaadka kooxda Al-shabaab. Warkan oo ay hay’adda Nabad sugidda Qaranka ee NISA ku shaacisay boggeeda Twitter-ka, ayaa lagu yiri” Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.” NISA ayaa barteeda inta badan ku qorta howl-gallada ay ka sameeyaan gudaha Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Nairobi (Caasimada Online)- Guddoomiyaha gobolka Tana River ayaa qaatay go’aan ka dhan ah Soomaalida, kadib markii uu ka carooday weerarkii Al Shabaab ay ka geysteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Guddoomiyaha gobolka Tana river ee dalka Kenya ayaa ku amray Soomaalida ku sugan gobolkaasi inay isaga baxaan dalka Kenya, gaar ahaan gobolka kadib markii uu ka carooday weerarkii ka dhacay Nairobi oo Al Shabaab ay sheegteen masuuliyadiisa. Dhadho Kodhana, guddoomiyaha Tana River ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu hadda amaan yahay, islamarkaana uu ku amrayo Soomaalida inay dib dalkooda ugu laabtaan. Wuxuu sheegay in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya inay halis ku yihiin amaanka dalka kenya, waxaana uu sheegay in la gaaray waqtigii ay ku laaban lahaayeen dalkooda. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidmada AMISOM ay wax badan ka qabteen xaaladda guud ee amaanka dalka Soomaaliya, isaga oo cadeeyay in hadalkiisa uusan ku wajahneyn dad gaar ah oo uu ula jeedo dhamaan SOomaalida ku nool dalka Kenya. Marka laga yimaado in Al Shabaab sheegteen weerarka, waxaa dadka ugu badan ee weerarka ka dambeeyay ay ahaayeen dad u dhashay dalka Kenya, kuwaasi oo Al Shabaab ku biiray 2011 ilaa 2015. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  12. Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qabatay sarkaal katirsan Al-shabaab. Nisa ayaa barteeda tiwitterka ku shaacisay in howlgal qorsheeysan ay ku qabtay sarkaal dhanka dilalka Al-Shabaab u qaabilsanaa. “Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay ayaa Ciidamada Amaanku 18-ka bishaan, kusoo qabteen xubin hogaamiye u ahaa koox amniyaad ah oo ka howlgala magaalada Muqdisho.” Nisa ma sheegin magaca sarkalkaasi iyo halka ay howlgalka ka fulisay howlgalkaasi. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa baryihii ugu dambeeysay sameeyayay howlgalo lagu soo qabanayay dagaalamayaal Al-Shabaab katirsan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post NISA oo sheegtay in ay qabatay sarkaal katirsan Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  13. Shalay waxa ay dowladda Federal-ka ah kala wareegtay dalka Qadar 68 gaawirda Gaashaaman ah oo ay deeq ahaan u siisay. Gawaaridan oo ah kuwa aan xabaddu Karin ayaa la filayaa in ay dowladda ka caawin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Hase ahaatee, waxaa dhici karta tallaabo ay qaado dowladda oo wiiqi kara awoodda Federal-ka ah. Dowladda waxaa dhici karta in ay Gawaaridaas u qeybiso ama wax ka siiso maamula gobolleedyada taas oo dhaawac weyn u geysan karta awoodeeda. Ma aha wax cusub, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidan oo kale Gawaari noocan ah oo ay dowladda ka heshay Imaaraadka xilligisii u qeybisay Maamulada Jira. Tallaabadaas waxa ay si toos ah u wiiqeysaa awoodda dowladda dhexe halka Maamulada ay ka dhigeyso kuwo xoogan oo ka horimaan kara nidaamka dhexe. Si taas looga hortago, dowladda waxaa waajib ku ah in Gawaarida noocaas ah ay ku koobto ciidanka Militariga ah ee Fedeal-ka ee aysan u gacan galin Maamulada. Haddii Maamulada ay doonayaan in ay la diriraan Al-Shabaab, iyaga oo hubkooda caadiga ah wata haka garab dagaalameen ciidamada Militariga ah ee dowladda. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay hoggaamiye sare oo ka tirsan sirdoonka kooxda Al-Shabaab. Qoraal kooban oo lasoo dhigay twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in sarkaalka la qabtay uu madax u ahaa koox sirdoon ama amniyaat oo Al-Shabaab uga howl-gasha magaalada Muqdisho. Sida qoraalka lagu yiri, sarkaalkan ayaa lagu qabtay “Howlgal qorshaysan oo si taxader leh loo fuliyay oo ay ciidamada ammaanku ka fuliyeen Muqdisho 18-ka bishaan” NISA ma aysan shaacin magaca sarkaalkan, mana bixin faah-faahin dheer ah oo ku saabsan qaabka loo soo qabtay. Kooxda Al-Shabaab ayaan sidoo kale, sida looga bartay, ka hadlin warka kasoo baxa NISA. NISA ayaan inta badan shaacin, soona bandhigin muuqaallada xubnaha ay sheegto inay ka qabato kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. Beirut (Caasimada Online) – Shirka ka furmay Magaalada Beyruut ee Caasimadda Dalka Lubnaan waxaa looga hadlayay sidii Sanduuqa Jaamacadda loogu furi lahaa Falastiin iyo Deyn Cafinta Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlayo Hormarka Maaliyadeed ee Dalka. Sidoo kale waxaa berri furmaya shirka guud ee Jaamacadda Carabta kaa oo lasoo gaba-gabeyn doono Maalinta Axadda oo ku beegan 20-ka Janaayo. Waxaa sidoo kale looga hadlayaa Ammaanka, Dhaqaalaha iyo isbadal lagu sameynayo Xubno katirsan Ururka. Madaxda ayaa falanqeyn doonto Waxyaabaha kasoo baxay shirkii maanta ka dhacay Beyruut ee u dhaxeeyay Wasiirada dalalka Xubnaha ka ah Ururkaan. Marka lasoo gaba-gabeeyo shirka waxaa la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku xusan Ajendayaasha fadhiga oo ay ku jirto deyn Cafinta Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe ay u mareyso shuruudo lahor dhigay si looga daafo Deynta lagu leeyahay Muddo fog. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo isna ka qaybgalay kulanka Wasiirada Dalalka ku jira Ururka Jaamacadda Carabta waxa uu ka hadlay Xaaladda Soomaaliya. Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda Soomaaliya ayaa Kulamo gaar gaar ah Caawa la qaadanaya Wasiirada ka qayb galay kulanka.
  16. Dr Abiy Axmed: Dameeraha Adari Ninka Foofiya Ayaa Soo Xareeya:W/Q Cabdiraxmaan Cadami Kacdoonkii qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromadu wuxuu horseeday iscasilaaddii ra’isal wasaarihii Itoobiya Hailemariam Deselagn oo isagu ka soo jeeday qoomiyadaha koonfurta. Haddaba si xiisadahaa kacsan loo dejiyo xisbiga talada haya ee EPRDF wuxuu bishii April 2018 ra’isal wasaare u magacaabay Dr Abiy Axmed oo isagu ka soo jeeda qoomiyadda Oromada. Doorashadiisa waxa loo doorbiday saddex arrimood oo kala ah: In uu keeno isbedello ka turjumi kara ama jawaab u ah tabashada dadweynaha, In lagu raalli geliyo qoomiyadda Oromada oo qarniyo tirsanaysay in la gacan bidixeeyay, Ugu dambeyn in lagaga hor tago damaca qoomiyadda Axmaarada oo qoomiyadaha kale oo dhammi sas ka qabaan xukunkooda. Si kastaba ha ahaatee ra’isal wasaaraha cusub wuxuu mar kaliya si degdeg ah u qaaday arrimo u baahna in la kala horaysiiyo, tusaale ahaan isaga oo marka hore aan abbaarin ama xal u helin dhibaatadii iyo xasaradihii ka aloosna dalka gudihiisa iyo isaga oo aan weli xukunkiisu adkaan ayaa wuxuu xoogga saaray heshiiskii Ereteriya iyo arrimaha Geeska Afrika. Ra’isal wasaaruhu wuxuu ku baaqay in uu isku soo dhaweynayo dalalka Gobolka kadibna la midayn doono mustaqbalka laakiin, isaga oo burinaya aragtidiisii hore wuxuu sameeyay isbahaysi (alliance) ka kooban Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya. Runtii waa tallaabo shaki ku abuurtay xubnihii kale ee urur goboleedka IGAD, waxaana suurto gal ah in ay iyaguna ku dhawaaqan isbahaysi jawaab u ah xulafada Abiy Axmed iyo Afewerki. Hase ahaatee Dr Abiy Axmed khaladkii ugu weyna wuxuu sameeyay markii uu si degdeg ah oo aan laga fiirsan u ogolaaday in jabhadihii hubaysna dib ugu soo noqdaan dalka sida: GIMBOT 7(Axmaaro), OLF(Oromo) iyo ONLF(Soomaali) oo muddo dheer dagaal kula jiray Itoobiya iyo xukunka xisbiga EPRDF. Ma xumo in lala heshiiyo waxayse ahayd in ay marka hore ka tanaasulaan fikradaha xagjirka ah ee ku dhisan qoomiyadaha oo ay u noqdaan ururo u taaggan Qarannimada Itoobiya. Haddaba iyada oo ay adag tahay in ay maamul la wadaagan xisbiyadii ka talin jiray kilallada ay ku soo laabteen. kilalka Oromiya waxa ka qarxay dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeya OLF iyo xisbiga ODP ee talada hayay waana xisbiga Abiy Axmed ku metelo xisbi weynaha EPRDF. Iska hor imaadyadu inta badan waxay ka socdaan gobolka Wollega. Kilalka Axmaarada isagana waxa ka jira mudaharaadyo iyo rabshado goosgoos ah oo u dhexeeya Jabhadda GIMBOT 7 iyo maamulkii hore u joogay. GIMBOT 7 waxay ka soo horjeeda nidaamka Federalism-ka, waxa kale oo ay wataan ajande ah in la soo nooleeyo meeqaamkii saraynta Axmaarada iyo taariikhdii Imbiraadooriyaddii Itoobiya. Bannaan baxyada waxay ku soo bandhigaan calankii iyo calaamadihii boqor Haile Selasse. Kilalka Soomaalida waxa lagu soo dhaweeyay ONLF oo ka sii fog jabhadaha kor ku xusan, haddii aanay hadda wax ka bedelin mawqifkoodii ahaa in dhulka Soomaalidu yahay Mustacmarad u baahan in laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya, sidaa daraadeed u saadaalin maayo waa se wax la fili karo in jabhadda soo guryo noqotay ee ONLF iyo dawlad degaanku iskaga horyimaaddan aayaha iyo talada Kilalka Soomaalida. Guntii iyo Gabogabadii Hereriyiinta ayaa ku maahmaaha ‘Dameeraha Adari ninka foofiya ayaa soo xareeya’. Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed isaga ayaa ka masuul ah oo looga fadhiya xoog iyo xeeladba furdaaminta jabhadaha xagjirka ah ee uu oodda ka soo qaaday oo halis galin kara xasilloonida iyo midnimada Itoobiya iyo xataa dalalka gobolka oo dhan. Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Qaran News
  17. Waxa todobaadkani xabsiga magaalada Hargeisa loo taxaabay abwaan dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo Abdirahman Ibrahim Adam, oo haysta dhalashada UK. Xadhiga Abdiraxmaan ayaa yimid kadib markii uu todobaadkii hore uu ka hadlay xaflad balaadhan oo dhalinyaradu isugu timid oo ka dhacday Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeisa, halkaasi oo uu dhaliil kulul uga soo jeediyay ciidanka Booliska ee Hargeisa siiba saldhiga degmada Koodbuur ee magaaladaasi, halkaasi oo uu sheegay xili lagu xidhay in uu ku soo arkay nolol argagax leh oo aanu marnaba filaynin. Waxa uu sheegay in uu arkay haweenay lugta ay silsiladi kaga xidhantahay iyo caruur xabsiga dadka waaweyn kula xidhan. Waxana uu goobtaasi ka tiriyay gabay aad u qiiro badan oo soo jiitay badiba dhagaha shicibka Somaliland. Madaxda sare ee Booliska oo iyana Ka hadlay xadhiga abwaan Abdiraxmaan Adam ayaa sheegay in ay ku xidheen Abdiraxmaan Adan kicin shacab iyo hadalo aflagaadado iyo dacaayado xanbaarsan, hase ahaatee kama ay hadlin xaalada nololeed ee xabsiyada dalka gudahooda gaar ahaan saldhiga Booliska ee Koodbuur ee uu aadka uga dayriyay Abdiraxmaan Ibrahim Adam. Dhanka kalana waxa jira dhaqdhaqaaq xoogan oo ay wadaan bahda fanka ee Somaliland ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibadiisa taasi oo loogu ololaynaayo sidii loo sii dayn lahaa abwaanka Qaran News
  18. African Development Bank and ICRC join forces to accelerate economic resilience in fragile contexts Abidjan, 18th January 2019 – The African Development Bank Group and the International Committee of the Red Cross (ICRC) signed a letter of intent on Wednesday 16th January 2019 at the Bank’s headquarters in Abidjan. The letter commits the institutions to increase their collaboration to accelerate gender equality, build resilience, and provide improved economic opportunities in Africa’s transition countries. “We recognise that security issues cannot be divorced from development. And that sustainable, healthy, inclusive, and humanitarian economic development is not possible without security. We have agreed to bring together our respective strengths and expertise to build resilience, gender equality, economic opportunity and ultimately to improve the lives of millions of Africans in fragile environments,” said the Bank’s Vice-President for Agriculture, Human and Social Development, Jennifer Blanke. During the signing ceremony Peter Mauer, President of the ICRC, emphasised the importance of leveraging both institutions’ complementary mandates. “The Bank’s main stakeholders are [African] states, and we work in places and regions where the state is absent for various reasons. This complementarity can bridge the security-development gap, producing more sustainable results and enhancing development impact”. The letter, signed by Blanke and Mauer, followed several strategic and technical engagements between the two institutions. The African Development Bank’s Director of Gender, Women and Civil Society, Vanessa Moungar, recently joined a joint mission in Niger at the invitation of Peter Mauer and the ICRC. The objective of the mission, which saw the delegation travel across the country from Diffa to Agadez, was to meet displaced people affected by shocks such as economic crises, conflicts or natural disasters and explore the potential for income-generating activities for women, girls and youth. The collaboration with the ICRC helped the Bank to contact remote communities and review its projects and initiatives in the region. During the joint mission stops in Diffa and Agadez, Moungar engaged with the ICRC and the National Society of the Red Cross teams who are giving direct support to women by providing income-generating activity skills. The new Bank-ICRC agreement opens the way for collaborative opportunities under the Bank’s Affirmative Finance Action for Women in Africa (AFAWA) programme. AFAWA is a pan-African initiative with the overarching objective of bridging the finance gap for women in Africa and unlocking their entrepreneurial capacity. About the African Development Bank The African Development Bank Group is Africa’s premier development finance institution. It comprises three distinct entities: the African Development Bank, the African Development Fund and the Nigeria Trust Fund (NTF). On the ground in 37 African countries, the Bank promotes and contributes to the economic development and the social progress of its 54 regional member states. Qaran News
  19. Kacdoonkii qoomiyadaha Axmaarada iyo Oromadu wuxuu horseeday iscasilaaddii ra’isal wasaarihii Itoobiya Hailemariam Deselagn oo isagu ka soo jeeday qoomiyadaha koonfurta. Haddaba si xiisadahaa kacsan loo dejiyo xisbiga talada haya ee EPRDF wuxuu bishii April 2018 ra’isal wasaare u magacaabay Dr Abiy Axmed oo isagu ka soo jeeda qoomiyadda Oromada. Doorashadiisa waxa loo doorbiday saddex arrimood oo kala ah: line- 107%; font-family: Arial,sans-serif;”>In uu keeno isbedello ka turjumi kara ama jawaab u ah tabashada dadweynaha, In lagu raalli geliyo qoomiyadda Oromada oo qarniyo tirsanaysay in la gacan bidixeeyay, Ugu dambeyn in lagaga hor tago damaca qoomiyadda Axmaarada oo qoomiyadaha kale oo dhammi sas ka qabaan xukunkooda. Si kastaba ha ahaatee ra’isal wasaaraha cusub wuxuu mar kaliya si degdeg ah u qaaday arrimo u baahna in la kala horaysiiyo, tusaale ahaan isaga oo marka hore aan abbaarin ama xal u helin dhibaatadii iyo xasaradihii ka aloosna dalka gudihiisa iyo isaga oo aan weli xukunkiisu adkaan ayaa wuxuu xoogga saaray heshiiskii Ereteriya iyo arrimaha Geeska Afrika. Ra’isal wasaaruhu wuxuu ku baaqay in uu isku soo dhaweynayo dalalka Gobolka kadibna la midayn doono mustaqbalka laakiin, isaga oo burinaya aragtidiisii hore wuxuu sameeyay isbahaysi (alliance) ka kooban Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya. Runtii waa tallaabo shaki ku abuurtay xubnihii kale ee urur goboleedka IGAD, waxaana suurto gal ah in ay iyaguna ku dhawaaqan isbahaysi jawaab u ah xulafada Abiy Axmed iyo Afewerki. Hase ahaatee Dr Abiy Axmed khaladkii ugu weyna wuxuu sameeyay markii uu si degdeg ah oo aan laga fiirsan u ogolaaday in jabhadihii hubaysna dib ugu soo noqdaan dalka sida: GIMBOT 7(Axmaaro), OLF(Oromo) iyo ONLF(Soomaali) oo muddo dheer dagaal kula jiray Itoobiya iyo xukunka xisbiga EPRDF. Ma xumo in lala heshiiyo waxayse ahayd in ay marka hore ka tanaasulaan fikradaha xagjirka ah ee ku dhisan qoomiyadaha oo ay u noqdaan ururo u taaggan Qarannimada Itoobiya. Haddaba iyada oo ay adag tahay in ay maamul la wadaagan xisbiyadii ka talin jiray kilallada ay ku soo laabteen. kilalka Oromiya waxa ka qarxay dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeya OLF iyo xisbiga ODP ee talada hayay waana xisbiga Abiy Axmed ku metelo xisbi weynaha EPRDF. Iska hor imaadyadu inta badan waxay ka socdaan gobolka Wollega. Kilalka Axmaarada isagana waxa ka jira mudaharaadyo iyo rabshado goosgoos ah oo u dhexeeya Jabhadda GIMBOT 7 iyo maamulkii hore u joogay. GIMBOT 7 waxay ka soo horjeeda nidaamka Federalism-ka, waxa kale oo ay wataan ajande ah in la soo nooleeyo meeqaamkii saraynta Axmaarada iyo taariikhdii Imbiraadooriyaddii Itoobiya. Bannaan baxyada waxay ku soo bandhigaan calankii iyo calaamadihii boqor Haile Selasse. Kilalka Soomaalida waxa lagu soo dhaweeyay ONLF oo ka sii fog jabhadaha kor ku xusan, haddii aanay hadda wax ka bedelin mawqifkoodii ahaa in dhulka Soomaalidu yahay Mustacmarad u baahan in laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya, sidaa daraadeed u saadaalin maayo waa se wax la fili karo in jabhadda soo guryo noqotay ee ONLF iyo dawlad degaanku iskaga horyimaaddan aayaha iyo talada Kilalka Soomaalida. Guntii iyo Gabogabadii Hereriyiinta ayaa ku maahmaaha ‘Dameeraha Adari ninka foofiya ayaa soo xareeya’. Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed isaga ayaa ka masuul ah oo looga fadhiya xoog iyo xeeladba furdaaminta jabhadaha xagjirka ah ee uu oodda ka soo qaaday oo halis galin kara xasilloonida iyo midnimada Itoobiya iyo xataa dalalka gobolka oo dhan. Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Source