Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,274
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray oo ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa si weyn naqdiyay hab-dhaqanka ciidammada booliska Somaliland, isaga oo si toos ah u weeraray hoggaanka booliska gaar ahaan taliyaha ciidammada booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan. Cali Guray ayaa qoraal oo soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook waxa uu ku yidhi “Haye Bilayskeenu waa kaa taliye Fadal silcinayo. Xataa waaxdii socdaalka ayuu sadheeyay. Waa kaa ka doonaya , warbaahintii oo dhan, halabuurkii oo dhan iyo dhalinyaradii Somaliland oo dhan inu dawladda ka horkeeno Dal Bilayskiisa taliskiisi casaabad qawlaysto ah noqday kob caleen leh in aanu ka soo durdurinayn waa la garanayaa ee bal aan sugno halkay ay Bilayska Somaliland dhigaan Fadal iyo kooxdiisu” Source
  2. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa horey u ahaa qoys, balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas Doolow oo ay deganaayeen eheladeeda. Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guurstay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay. Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi). Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baarista dambiyada ee CID. Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali. Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, marqaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda. Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa weydiistay Garsoor in loo naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii hore. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Source: goobjoog.com
  3. A loud explosion was heard last night in the downtown Baidoa, the interim capital city of Southwest State of Somalia, police, and witnesses said. The explosion has resulted from a grenade bomb carried out by men riding on an auto rickshaw who managed to escape the scene before the arrival of the local security forces. There were reports of arrests made following the blast, which did not cause any casualties on civilians as well as the soldiers. No group has so far claimed responsibility for the attack which comes days after Somali president Mohamed Abdullahi Farmajo visited the strategic city, situated 250Km southwest of Mogadishu. Baidoa has been relatively stable since last year and the government forces have been conducting operations in the city to flush out Al-Shabab sympathizers and sleeping cells. The post Bomb explosion reported in Baidoa town, no casualties appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Five suspects, including a Canadian citizen, appeared in a Kenyan court on Friday in connection with an Islamist attack on a Nairobi hotel complex that left 21 dead. A magistrate granted a request from the prosecution to detain the four men and one woman for 30 days while investigations continue. The suspects are accused of “possible involvement in the almost 20-hour siege of the DusitD2 hotel and office complex by a suicide bomber and four gunmen who were all killed by security forces, a court document said. “The investigations into this matter are complex and transnational and would therefore require sufficient time and resources to uncover the entire criminal syndicate,” a statement from Director of Public Prosecutions Noordin Haji said. A total of 11 suspects were arrested after Tuesday’s attack, however investigations into the others were still ongoing. Those who appeared in court include Joel Ng’ang’a Wainaina, a taxi driver who ferried the attackers around on several occasions, and Oliver Kanyango Muthee, a taxi driver who drove one of the assailants to the scene of the attack. Gladys Kaari Justus is being investigated over the transfer of money while Guleid Abdihakim — who holds Canadian citizenship — is being probed over suspicious communication. The other suspect Osman Ibrahim is alleged to have met with one of the attackers on January 8. Two suspects yet to appear in court, Ali Salim Gichunge and Violet Kemunto Omwoyo possessed SIM cards that were in “constant communication” with numbers in Somalia, court documents revealed. The attack was claimed by Somali Islamist group Al-Shabaab, an affiliate of Al-Qaeda which has repeatedly targeted Kenya over the presence of its troops in Somalia. In 2013 an attack on the Westgate mall in Nairobi left 67 dead, while in 2015 Shabaab killed 148 people at a university in Garissa, eastern Kenya. The post Five suspects in court over Nairobi hotel attack appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa waxa ay maanta ku dhawaaqeen wakhtiga la qabanayo shirweynaha golaha dhexe xisbigaasi. Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay in 23 bisha Labaad ee sannadkan 2019-ka ay qabanayaan shirkoodii golaha dhexe. Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa ay sheegeen in uu ka dhacaayo shirkaasi. Shirkan ayaa waxa la filayaa in lagu dooran doono hoggaanka cusub ee shanta sanno ee soo socota. Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa hore ka digay in shirka xisbiga KULMIYE la geeyo magaalada Boorama, waxaanu ku taliyay in haddii aan la doonayn in xisbigaas la baabiiyo shirkiisa lagu qabto magaalada Hargeysa ee caasimadda ah. Muuqaalka warkan goor dhaw la soco Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Guddigii golaha guurtida Somaliland u xil saareen ka soo tallo bixinta muddo kordhinta loo samaynayo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa waxa ay saaka yeesheen kulankoodii ugu dambeeyay. Guddiga ayaa waxa ay hore kulamo gooni gooni ah ula yeesheen saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, sidoo kale waxa ay kulan la yeesheen xubnaha guddiga doorashooyinka Somaliland. Guddigan ayaa waxa la filayaa inay maalinta bari ah ku dhawaaqi doonaan muddada kordhinayo doorashooyinka inagu soo waajan. Somalilandtoday/Hargeysa/Office Xamse Maxamed Iiman Source
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar waaberigii saaka ka bilowday deegaanka Baar Sanguuni oo ciidamada Jubbaland ay saldhig ku leeyihiin. Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, kadibna waxaa xigay in xubno ka tirsan Al Shabaab ay gudaha u galaan saldhiga Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Warbaahinta ku hadashada afka maamulka Jubbaland ayaa iyada oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi, waxa ay baahisay in Dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray saldhigooda ay khasaare xoogan gaarsiiyeen. “Shabaab waxaa weerarkii saakay kaga dilnay 73 askari waxaana sidoo kale ka fashilinay oo aan ka hor tagnay gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen, waana qarxinay gaarigaai ugu dambeyn” ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka Maamulka Jubbaland. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka waxa ay ku shaaciyeen in saakay deegaanka Baar-Sanguuni la wareegeen,isla markaana ay qabsadeen Saanad Millateri oo halkaasi yaallay. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  8. Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa magaaladda Jigjiga iyo meelo kale oo kamid ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya isagu soo baxay boqolaal dadweyne kuwaasoo ka banaanbaxay dhib ay sheegeen in lagu hayo Soomaalida kunool dhulka hoostaga Ismaamulka Canfarta ee dalka Itoobiya. Shacabka Soomaaliyeed in ee kuhool nool Maamulka Qawmiyadda Canfar ayaa caburin iyo gumaad kala kulmay Ciidamadda Liyuu Police ee Maamulkaas. Ciidamaddaas Liyuu Police ee Ismaamulka Canfarta ayaa waxay dad badan ku dileen Magaalooyinka Cadayti, Cundhufo, Garba Ciise, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkaasi oo banaanbaxa ka qeyb galay. “Shacabka waxay aad uga caraysnaanayeen in Ciidamadda Federal oo ka agdhowaa meelaha dadka lagu laayey aysana waxba u qabanin dadkii dhibka loogaystay. Waxayna Ciidamada ugu baaqeen in ay dhowr Xuquuqda Aadanaha, Fuliyaana waajibaadka Dastuurka kaasoo amraya in Ciidamada Federalka ilaaliyaan Amniga dadweynaha” ayay yiraahdeen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha. Shacabka banaanbaxay ayaa waxay ugu baaqeen Maamulka deegaanka Soomaalida iyo waliba shacabka Soomaaliyeed in ay caawimaad u fidiyaan Soomaalida lagu laayey ismaamulka Canfarta. Ugu dambayntii, Shacabka banaanbaxayey waxay dawladda Federalka ka dalbadeen in ay ilaaliso Dastuurka, siddoo kalena gudi dhexdhexaada arinka u magacowdo si arinka xal looga gaaro. Waxay ahayd Sanadkii 2014 oo dhul ay Soomaalidu leedahay la hoosgeeyey Ismaamulka Anfarta iyaggoon wax wadda tashi ah laga samaynin shacabkii u dhashay deegaan, Ciidamadda Liyuu police ee Ismaamulka Zcanfarta ayaa bilaabay in dadka ka soo cayriyaan dhulka, walina majirto cid ka hadashay dhibaatadda shacabka lagu hayo.
  9. (SLT-Hargeysa)-Baarlamaanka Ingiriiska ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba xidhiidhkooda oo aan wanaagsananayn. Warbixintan ayaa sidoo kale waxa lagu soo hadal qaaday socdaalkii uu dhawaan Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska iyo arrimo kale. Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo la doortay 8 February 2017 ay shacabka Soomaaliay rajo badan ka muujiyeen doorashadiisii, isagoo wakhtigiisii ololaha balan qaaday inuu wada hadal la furi doono Al-Shabaab, laakiin laba sannadood ka dib waxay warbixintu tilmaamtay inuu u muuqdo in la tijaabiyay. Waxay warbixintu sheegtay in Maxamed Farmaajo uu caqabado kala kulmay nidaamka federal ee dalka Soomaaliya, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo dawladiisa iyo maamul goboleedyada, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhibaatadii ka dhex dhacday dhawaan dawladda Farmaajo iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed, “Dhawaan waxa uu qalalaase siyaasadeed ka dhex jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada oo la yidhaahdo Koonfur Galbeed. Doorashadii Madaxtoyada waxa la qabtay December 2018. Markii tartanka lagu jaray dawladda Soomaaliya waxay dhibaato kala kulantay hoggaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar roobow oo sidiisa ugu dhawaaqay inuu yahay murashax.” Ayay tidhi warbixinta oo intaas raacisay “Roobow waxa la xidhay 13 December, maalmo uun ka hor doorashada taas oo meesha ka saartay tartankiisii albaabadana u furtay murashaxii Farmaajo uu doonayay. Xadhiga Roobow wuxuu keenay degenaansho la’aan ay 5 ruux ku dhinteen. Xadhigii Roobow ayay warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku tilmaantay inay abuurtay culaysyo siyaasadeed oo caalami ah kuwaas oo ay ka mid yihiin caydhitna ergaygii Qaramada midoobay, mooshino kala duwan oo markii dambe wada hadal lagu dhammeeyay. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Soomaaliya dhibaato iyo dhaawacyo siyaasadeed kala kulantay markii ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka wadamada Khaliijka, laakiin waxay xustay inay Soomaaliya natiijo togan kala kulantay isbedelada uu sameeyay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xaliyay khilaafka xuduudeed ee Ereteriya, taas oo keentay inuu meesha ka baxo dagaalkii ay Itoobiya iyo Ereteriya isku herdiyayeen ee ka socday gudaha Soomaaliya, waxase ay warbixintu sheegtay in guul uu farmaajo gaadhaa ku xidhantahay hadba sida uu wax uga qabto xaaladda ammaan ee gudaha Soomaaliya. Dhinaca ammaanka Soomaaliya, sannadkii 2018, waxa ay warbixintu sheegtay inay Al-Shabaab xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, “September waxay ahayd bil gaar ah oo xun weerarada Muqdisho. Oktoobar waxay weerarareen kolonyo gaadiid milatari oo uu Midowga Yurub leeyahay oo lagu dilay saddex ruux oo meel taagnaa. Sannadka 2019 wuxuu isna ku bilaabmay si la mid ah. January 1 Al-Shaaab waxay xaqiijisay inay dib u heshay awoodda inay weeraro ka fulin karto saaxiibada Farmaajo la jaarka ah, markii ay weeraro ku qaadeen Nayrobi ee ay dileen ugu yaraan 21 ruux. Wuxuu ahaa weerarakani kii ugu balaadhnaa ee ay Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo weerarkii jaamacadda Garisa ee 205 oo lagu dilay 150 ruux.” Somaliland Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka Ingiriisku waxay xoogay ka taabatay xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo ilaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xidhiidhka Somaliland “Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda guul kamuu gaadhin wanaajinta xidhiidhka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay November 2017 qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Murashaxii laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii.” sidaas ayay warbixintu tidhi. Waxa kale oo ay warbixintu soo hadal qaaday xiisadda mar walba ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukoraq oo ay dad badani ku dhinteen, “Dedaal wada xaajood oo si rasmi ah loogu samayn lahaa xabad joojin ayaan guulaysan.” Ayay tidhi warbixintu. Warbixintu waxa kale oo ay soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay, “Madaxweyne Biixi ayaa dib u dhigtay March 2018 wada hadalada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in dib loo bilaabo markii ay hakad ku jireen muddo. Ilaa hadda, ma muuqato calaamad muujinaysa inay wada hadaladu dib u bilaabmaan.” Warbixintu waxay sheegtay in dawladda Ingiriisku taageero kala duwan u fidiso Somaliland iyo Soomaaliya labadaba, waxaanay soo hadal qaaday socdaalkii uu dhawaan Hargeysa ku yimid xogyahaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson, “Xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson ayaa horaantii January ee sanandkan wuxuu socdaal ku tagay Somaliland. Waxa jiray warar ay saxaafadu baahisay oo aan la xaqiijin oo ah in mid ka mid ah qodobada laga wada hadlay ahaa sidii uu Ingiriiska saldhig milatari ugu samaysan lahaa dekedda Berbera. In sidan la sameeyaa waxay sii adkaynaysa xaqiiqda ah in dawladda Farmaajo ee Muqdisho ay si adag uga hor iman karto..” Ayay tidhi warbixintu. Source
  10. (SLT-Muqdisho)-Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa horey u ahaa qoys balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas iyo Doolow oo u deganaa ehelkeeda. Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guursatay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay. Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi). Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baadhista dambiyada ee CID. Baadhistooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali. Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, markhaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada. Source
  11. (SLT-Washington)-Ilhan Cumar oo ka mid ah aqalka Kongresska dalka Maraykanka ayaa loo doortay inay xubin ka noqoto guddiga u qaabilsan arrimaha dibada Kongresska dalka Maraykanka. Afhayeenka Kongresska Nancy Pelosi ayaa u dooratay Ilhan xubinimada iyadoo weliba ka mid ah xubnaha ku cusub Kongresska Maraykanka. Magacaabida loo magacaabay Ilhan Cumar inay ka mid noqoto xubnaha Guddiga Arrimaha Dibada ee Aqalka Kongresska ayaa waxaa aad uga naxay maamulka Israel oo u arka in Ilhan ay tahay qof dhuunta u geli karta siyaasada Israel ee dalka Maraykanka. Wargeyska The Times Of Israel ayaa daabacay in ay Ilhan hore looga soo xigtey ereyo ay ku cambaareyneyso Yuhuuda ayna tahay qof dhibaato ku noqon karta xiriirka Israel iyo Maraykanka. Guddiga Arrimaha Dibadda Aqalka Kongresska ayaa ah mid awood ballaaran leh waxana uu dusha kala socdaa dhamaan gargaarka dibada ee dowlada Maraykanku bixiso,ammaanka qaranka ee saameynta ku leh siyaasadda dibadda,heshiisyada,nabad ilalaalinta iyo wadamada awoodda leh ee dunida. Source
  12. (SLT-Nairobi)-Booliska Kenya ayaa aqoonsaday mid ka mid ah raggii isku qarxiyay weerarkii Talaadadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka DusitD2 ee magaalada Nairobi, iyadoo Maxkamad la soo taagay shan ruux oo lala xidhiidhayo weerarkaas. Ninka isku qarxiyay gudaha DusitD2 ayaa magaciisa lagu sheegay Mahir Khalid, kaasoo ka soo jeeda magaalada Mombasa, waxaa la sheegay inuu ka tirsanaa Guutada loo yaqaano Jaysh Ayman ee ka dagaalanta Keymaha Boni ee Gobolka Xeebta Kenya. Muuqaal laga arkayay Kaamirada CCTV ayaa muujinayay ninkan oo taleefan ku hadlayay, dabadeedka isku hor qarxiyay maqaayad ku dhex taal DusitD2, ka hor inta aanu is qarxin waxaa uu ku hadlayay taleefan. Shan ruux oo lala xiriirinayo weerarka Nairobi ayaa maalintii u horeysay Maxkamad la soo taagay, waxaana magacyadooda soo bandhigay dacwad oogaha dalka Kenya. Ragga la qabtay oo shan ahaa ayaa qaarkood ahaa Taksiilayaal meelo kala duwan geeyay kooxdii weerarka fulisay iyo rag la macaamilay. Mid ka mid ah shanta ruux oo heysta dhalashada Canada ayaa la sheegay inuu xiriir la lahaa kooxdii weerarka fulisay, waxaana magaciisa lagu sheegay C/xakiim Mohamed Guled. Afarta kale ayaa ahaa Kenyan, waxaa labo ka mid ah ay ahaayeen Taksiilayaal, halka mid ay qabatay Kaamiro, isagoo la kulmay mid ka mid ah raggii weerarka fuliyay 8-dii bishan Janaayo, halka midka kale uu lacago u diray ragga wax weeraray. Magacyada shanta ruux ee Maxkamadda la soo taagay ayaa waxay kala yihiin:- 1.Joel Ng’ang’a Wainaina 2.Oliver Kanyago Muthee 3.Gladys Kaari Justus 4.Abdihakim Mohamed Guleid 5.Osman Ibrahim Source
  13. Cali guray oo ka mid ahaa tageerayaasha Muuse Biixi ayaa barta uu ku leeyahay Facebook-a waxa uu si kulul u dhaliilay ciidanka Booliska, halkan Hoose ka akhriso waxa uu qoray. Qaran News
  14. Ganacsatadii ku hanti beeshay dab habeen ka hor ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa ka dalbaday dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed iney caawiyaan si ay shaqooyinkooda dib ugu bilowdaan. Qaar ka mid ah ganacsatadaasi oo la hadlay Goobjoog waxay sheegeen in hanti badan ay uga gubatay dabkaasi, islamarkaana hadda aysan waxbo haysan. Sidoo kale ganacsatadan ayaa sheegay in wax walbo oo noloshooda ku maareyn jireen ay halkaasi ku baaba’day. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/GANACSATADA-AFGOOYE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu iska fogeeyay warbixin lagu sheegay inuu isagu amray qareenkiisii xilligaas, Michael Cohen, inuu been u sheego Kongareeska. Warbaahinta Buzzfeed ayaa waxa ay sheegtay in Mr Trump uu Cohen faray inuu been ka sheego qorshihiisa uu magaalada Moscow uga dhisayo dhismaha Trump Tower. Cohen ayaa bishii la soo dhaafay waxaa loo xukumay kiiskaasi. Mr Trump ayaa waxa uu sheegay in qareenkaasi uu been ka sheegay mashruucii uu ka fulinayay Moscow si uu “hoos ugu dhigo waqtiga uu xabsiga ku qaadanayo”. Siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ayaa waxa ay sheegayaan inay baari doonaan eedaha lagu daabacay warbaahinta Buzzfeed. Maxay warbixintu sheegaysaa? Warbaahinta Buzzfeed ayaa waxa ay sheegaysaa in warbixinteedu ay ku salaysan tahay marqaati kac ay sameeyeen laba askari oo arrintaasi baarayay. Warbixinta ayaa waxa ay sheegaysaa in Mr Trump 10 jeer xog shakhsiyadeed oo ku saabsan qorshaha uu dhisme uga dhisayo magaalada Moscow ka helay Cohen, xilligaas oo uu Trump diiday inuu wax xiriir ganacsi la leeyahay Ruushka. Gabadha Mr Trump, Ivanka, iyo wiilkiisa, Donald Jnr, ayaa sidoo kale xogta ugu dambaysay la siiyay, warbixinta ayaa sidaas lagu sheegay. Robert Mueller oo ah qareen si gaar ah u baaraya arrimaha federaalka Mareykanka ee ku aaddan eedaha ah in Ruushku uu ku lug lahaa doorashadii madaxtinimada ee waddankaasi iyo in xogta ololihii Trump si sharcidarra ah ay dad kale ugu lug lahaayeen, ayaa waxa uu goorhoraba shaaciyay in Cohen uu been ka sheegay taariikhda uu dhammaaday mashruuca dhismaha Trump Tower ee Moscow. Lahaanshaha sawirkaREUTERS Image caption Xukunka Cohen ayaa bishii la soo dhaafay waxa uu ka dhacay magaalada New York Cohen ayaa waxa uu Kongareeska u sheegay in wadahadallada qorshahaasi ay dhaceen intii u dhaxaysay bishii Sibteembar 2015 iyo Janaayo 2016, hasayeeshee dikumintiyada lagu kaydiyo cabashada dambiyada ayaa waxa ay muujinayaan in wadahadalladaasi ay socdeen ilaa bishii Juun. Cohen ayaa waxa uu sheegay in qorshahaasi la hakiyay goor sii horraysay iyadoo la isku dayayo in “la yareeyo xiriirka ka dhaxeeya qorshaha Moscow iyo Mudanaha Koobaad” intii uu socday ololaha doorashada. Mudanaha Koobaad ayuu Cohen goor sii horraysay waxa uu ku tilmaamay inuu yahay Mr Trump. Warbaahinta Buzzfeed ayaa waxa ay sheegaysaa in Cohen uu baarayaasha u sheegay in Mr Trum uu “shakhsiyan isaga u sheegay inuu been ka sheego” taariikhda ay wadahadalladu soo dhammaadeen “si humaag loo geliyo ku lug lahaanshiyaha Trump”. Warbixinta ayaa waxa sheegaysaa in Mr Mueller uu hayo caddeyn kale, oo uu ka mid yahay wareysiyo uu la yeeshay qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda Trump iyo xog uu ka helay emaillada gudaha shirkadda, si loo xaqiijiyo dhacdooyinka uu Cohen sheegay. Warbixinta ayaa sheegaysa in Mr Trump uu Cohen ku dhiirigeliyay inuu qorsheeyo safar uu kula kulmo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin intii uu socday ololaha doorashada. Cohen ayaa waxaa bishii Diseembar lagu xukumay 36 bilood kaddib markii uu qiray inuu been Kongareeska uga sheegay qorshaha Trump Tower. Waxaa kale oo uu qiray in lagu xadgudbay dhaqaalaha lagu bixiyo ololaha iyo canshuur lala baxsaday. Maxkamadda ayuu ka hor sheegay in “daacadnimada indha la’aanta ah ee uu u hayay Trump ay taagdarraysay” kaas oo “ficilladiisii xumaa” ee shaqada looga dhigay inuu u raad gado. Source
  16. (SLT-Jidda)-Qurbo-joog Soomaali ah oo ku noolaa dalka Sacuudiga ayaa la sheegay inuu iska tuuray Dabaqa 4-aad dhismo ka kooban 5 Dabaq oo ku yaalla magaalladda Jidda ee dalkaasi. Muwaadin Sacuudiyaan ah oo marayey halka uu maydku yaalla, ayaa ku wargeliyey Hay’addaha Ammaanka, kuwaasi oo soo gaadhay isla goobtii. Ciiddan Roondo oo ka tirsan Boliska Degmadda Samiir iyo Ciiddanka Difaaca Maddaniga iyo Kooxaha ku takhasusay Dembi-baarista ayaa gaaray goobta uu yaalla maydka, waxayna ururiyeen dhamaan wixii macluumaad ah oo ku saabsan qaabka uu Ninkaasi isaga soo tuuray Dhismaha Dabaqyadda. Boliska Sacuudiga ayaa bilaabay baaritaanka sababaha uu Ninka Soomaalida isaga soo tuuray Dhismahaasi, iyadoo maydka Marxuumkaasi la dhigay Isbitaal ku yaalla Jidda, sida uu qoray Wargeyska Gulf Digital Online ee ka soo baxa dalka Baxrayn, Wargeyska ma uusan sheegin magaca Marxuumka Soomaalida ee dhacdadaasi ku geeriyooday. Source
  17. Taliska ciidanka Booliiska degmada Afgooye ayaa faah faahinno dheeraad ah wuxuu ka bixiyey howlgallada ay ciidamada dowladda ka wadaan degmadaasi. C/qaadir Nuunow oo ah taliyaha degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog in ciidanku ay wax badan ka qabteen falal amni darri. Waxa uu tilmaamay in ciidamo dheeraad ah ay dejiyeen duleedyada degmada Afgooye, kuwaasi oo baara dadka soo galaya degmadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/TALIYAHA-BOLISKA-AFGOOYE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay beello walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanno ka mid ah Hirshabelle iney nabadda qaataan oo xabadda ay joojiyaan. Xildhibaan Nuur Xaashi warsame oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dagaal beeleedyadaas wax faa’ido ah dadka aysan ugu jirin islamarkaana muhiim ay tahay in la joojiyo, isagoo tilmaamay in ay socdaan dedaallo ku aaddan sidii loo dhammeyn lahaa. Waxa uu sheegay xildhibaanka in waxgaradka iyo sidoo kale madaxda Hirshabelle ay mas’uuliyad ka saaran tahay joojinta colaadahan. Dagaalladan ka socda deegaanno ka mid ah Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayuu sheegay in hadda lagu mashquulsan yahay sidii xal nabadeed looga gaari lahaa. Dagaal beeleedyo ayaa kusoo noq-noqday deegaannada Hirshabelle, iyadoo weli aanu jirin xal laga gaaray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Japan)-Haweeneyda u dhaxday madaxweynihii booliska adduunka ee Interpol, Meng Hongwei, oo tan iyo bishii Sitembar ku xidhan dalka Shiinaha, ayaa magangalyo siyaasadeed ka dalbatay waddanka Faransiiska, si loo sugo amniga iyada iyo labadeeda carruurta ah, oo mataano ah. Grace Meng iyo mataaneheeda oo 7 jir ah ayaa hadda ku nool magaalada Lyon, oo ay ku taallo xarunta dhexe ee booliska adduunka. Meng Hongwei ayaa war iyo wacaalba laga waayay xilli uu booqanayay waddanka Shiinaha. Bishii Oktobar ayey mas’uuliyiinta dalka Shiinaha sheegeen in Mr Meng lagu wado baadhitaanno ku saabsan laaluush-qaadasho lagu tuhmay. Xaaskisa iyo carruurtiisa ayaa hadda ku jira gacanta booliska, kuwaasoo amnigooda sugaya ka dib markii loogu hanjabay in la dilayo. Idaacadda France Inter, shalay Jimce ahayd wareysatay ayaa sheegtay iney tidhi, “Waxaan ka baqayaa iney i afduubtaan”. “Waxaa taleefanno iga soo wacay dad aanan garaneyn. Xitaa gaarigeyga waa la waxyeelleeyay. Labo qof oo shiineys ah, nin iyo haweeney, ayaa i daba socday ilaa inta aan hoteelka ka imaanayay”, ayey tiri. Xilliga ay wareysiyada la yeelanayeen warbaahinta ayey diidday iney wajigeeda muujiso, iyadoo amnigeeda u baqeysay. Maalintii seygeeda la waayay, waxay sheegtay inuu barta xiriirka bulshada ugu soo qoray farriin uu ku leeyahay “I sug int aan kusoo wacayo”, markii dambena wuxuu u soo diray sawir mindi ah oo muujinaya inuu khatar ku jiro. Maxaa laga ogyahay xaaladda Meng Hongwei? Tan iyo markii warkiisa la waayay 25-kii bishii Sitembar, ma jirin wax macluumaad ah oo laga helay xaaladda uu xabsiga dhexdiisa ku wajahayo ama xitaa dacwadaha lagu soo oogay. 65 jirkan ayaa shaqadiisa ahayd inuu madax u yahay booliska adduunka waxay ku saabsaneyd inuu caalamka oo idil u dhexeeyo, mana uusan ku khasbaneyn inuu wakhti kasta ku laabto shiinaha. Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa 6 ruux oo wasiir ku xigeenno awood badan ka soo noqday wasaaradda amniga qaranka ee dalka Shiinaha, isagoo khibrad 40 sano ahna u lahaa hannaanka caddaaladda dambiyada ee waddankaas. Meng Hongwei waxaa madaxweynaha booliska adduunka ee Interpol loo doortay bishii Nofembar ee sannadkii 2016-kii, wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyay ee u dhashay Shiinaha oo xilkaas loo dhiibay, qorshuihuna wuxuu ahaa inuu shaqada wado ilaa sannadka 2020-ka. Dowladda Shiinaha ayaan wax caddeymo ah ku soo bandhigin eedeymaha loo heysto Mr Meng. Xaaskiisa Waxay iyadu aaminsan tahay in aanu nooleyn. Sidey Interpol uga jawaabtay xarigiisa? Shiinaha ayaa sheegay in Mr Meng uu warqad iscasilaad ah u qoray xog hayaha guud ee Interpol Jürgen Stock, kaasoo isagana sheegay inuu warqaddaas helay 7-dii bishii October. “Ma jirin wax sabab ah oo aan uga shakiyo in wax la khasbay ama ay si khalad ah ku dhaceen” ayuu yiri xog hayaha guud. Wakaaladda wararka ee Associated Press oo soo xigatay Mr Stock ayaa sheegtay inuu hoosta ka xariiqay in xeerarka Interpol uusan u oggolaaneyn inuu baaritaan ku sameeyo sababta uu u maqan yahay Mr Meng. Maamulka Interpol ayaa aqbalay iscasilaadda iyagoo aan wax faahfaahin dheeraad ahna bixin. Bishii Nofembar ayey Interpol madaxweyneheeda cusub u dooratay nin u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed oo lagu magacaabo Kim Jong-yang, waxayna ku gacan seyreen iney doortaan musharax u dhashay dalka Ruushka. Maxay tahay Interpol? Hay’adda booliska caalamiga ah ee dambiya adduunka ayaa magaalada Vienna ee dalka Austria lagu aasaasay sannadkii 1923-kii, waddamadii ugu horreeyay ee xubnaha ka ahaana waxaa ka mid ahaa Jarmalka, Faransiiska iyo Shiinaha. Dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa goor dambe ku biiray. Sannadkii 1956-kii ayuu si rasmi ah magaceeda u noqday Interpol waxaana markaas ka dib xubno ka noqday ilaa 194 waddan. Ujeeddada ugu weyn ee Interpol waa iney wada shaqeyn la yeeshaan macluumaadkana la wadaagaan booliska dhammaan dalalka xubnaha ka ah. Source
  20. Nairobi (Caasimada Online)-Booliska dalka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay xog dheeri ah oo laga helay dadkii weerarka ka geystay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaasi oo Al Shabaab ay sheegteen. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay ogaadeen ruuxii isku qarxiyay hotelka Dusit ee dalka Kenya iyo haweeney la sheegay inay Al Shabaab u heysay hubkii ay ku weerareen Nairobi. Saraakiisha ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa lagu yaqaano Argagixiso la dagaalanka ayaa sheegay in Haweeneyda lagu magacaabo Maryan Cabdi ay aheyd haweeneydii u heysay Al Shabaab hubka ay hotelka ku weerareen. Haweeneyda ayaa la sheegay inay kasoo jeedo deegaan u dhow magaalada Mombasa kaasi oo lagu magacaabo Bondeni, waxaana la sheegay in lagu raad joogo maadaama aan wali gacanta lagu dhigin. Sidoo kale ciidamada amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ruuxii isku qarxiyay albaabka hotelka in lagu magacaabo Maahir Khaalid, kaasi oo Al shabaab ku biiray markii uu masaajid kula kulmay Ramadan Xasimi Kufunwa oo Al Shabaab hadda ka tirsan. Dalka Kenya wali waxaa ka socda baaritaanka Weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Hotelka Dusit 2 ee Magaaladda Nairobi kaasi oo ay ku dhinteen 21 ruux, tiro ka bandanna ay ku dhawacmeen. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
  21. Sawirka Todobaadka Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qaraxyo ku bilowday oo Al Shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidan oo ku yaala gobolka Jubbada Hoose. Wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab weerar ay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo waaberigii saaka ka dhacay saldhiga. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay saacado kooban gacanta ku hayeen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni, waxaana weerarka uu ku bilowday gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa. Waxaa adag in la ogaado khasaaraha ka dhashay deegaanka Baar Sanguuni, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in khasaaro u badan yahay maadaama, gaari lagu bilaabay weerarka, kadibna rasaas lagu furay ciidamada Jubbaland. Al Shabaab ayaa sidan oo kale sanadkii hore u weeray xeradan ciidanka Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni, waxaana weerarkii hore ka dhashay khasaaro badan oo ciidamada Jubbaland kasoo gaaray weerarkaasi. Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarada kaga yimid AL Shabaab, waxaana sarkaal u hadlay Jubbaland uu sheegay in Al shabaab ay khasaaro gaarsiiyeen. La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah. Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  23. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in xalay weerar culus Al Shabaab ay ka fuliyeen gobolkaasi. Weerarka mid qorsheysan ayaa waxaa la sheegay in lagu qaaday fariisin Ciidanka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka kadib dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi. Lama ooga illaa iyo hadda khaaaraha ka dhashay weerarkan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Al Shabaab oo weli ku xoogan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya ayaa had iyo jeer weeraro ka fuliya gobolladaais. The post Al Shabaab Oo weerar ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa horey u ahaa qoys balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas iyo Doolow oo u deganaa ehelkeeda. Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guursatay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay. Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi). Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baarista dambiyada ee CID. Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali. Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, markhaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda. Qareenada u doodayay eedeysnayaha ayaa weydiistay Garsoor in loo naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii hore. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com