-
Content Count
207,274 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka ayaa ku bilowday weerar Al Shabaab ay ku qaadeen fariisin Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyhiin gudaha deegaankaasi. Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhawaad 80 ka tirsanaa Al Shabaab lagu dilay dagalkaasi oo saacado badan qaatay. Sidoo kalena la fashiliyay Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kadib markii ay gacanta ku dhigeen Ciidamada huwanta. Al Shabaab ayaa dhankooda dagaalkaasi guulo ka sheegtay, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi iyo dagaalka xigay ay ku dileen 41 Askari, islamarkaana ay gabi ahaan la wareegeen deegaanka Baarsanguuni. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dha dhaqaaqyo iska soo hor jeeda laga dareemayo duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. The post Ku dhawaad 80 ka tirsanaa Al Shabaab Oo lagu dilay J/Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Maryan Cabdi oo la rumeysan yahay in dowr muhiim ah ay ka qaadatay weerarkii dhawaan Al Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka DusitD2 M/ Nairobi ee dalkaasi. Haweeneydan ayaa la sheegay in hub ay u geysay Raggii fuliyay weerarkaasi oo dhacay Talaadadii la soo dhaafay. Ciidamada ayaa haatan ka baadi goobaya Haweeneydaasi magaalooyinka Bandoni iyo Mombasa, halkaasi oo la rumaysan yahay in ay ku sugan tahay. Sidoo kale sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Haweeneydani ay ka timid degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo la rumeysan yahay in weerarka laga soo abaabulay. Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda wararkaasi, waxaana ay tilmaameen in ay uga jawaabayeen go’aankii Trump ee uu Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel. The post Kenya Oo ku raad joogto Haweeney ku lug laheyd weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal saakay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah. Abaanduulaha Qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Sare Maxamed Ibraahim Buulle oo u warammay Goobjoog ayaa sheegay in ay iska caabiyeen Al-shabaab islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen…. Waxa uu tilmaamay in ay ka hortageen Saddex gaari oo ismiidaamin ah, islamarkaana ciidamada ay rasaas ku qarxiyeen. Sidoo kale, waxa uu sheegay Abaanduulaha in ay dileen 7 ka mid ah Al-shabaab, dhankoodana ay Labo askari ka geeriyootey. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-ABAANDUULAHA-QEYBTA-43-AAD-EE-CIIDANKA-XOOGGA-DALKA-GAASHAANLE-SARE-MAXAMED-IBRAAHIM-BUULLE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerarkii ay ku qaaday sakldhigga Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, oo ay ku sugnaayeen ciidamada Jubaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya. War ka soo baxay taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Shabaab ay si buuxda ula wareegeen xerada, ayna halkaas ku dileen ugu yaraan 41 askari. Al-Shabaab waxa ay sheegtay in weerarka ay ku bilowday qarax aad u xoogan oo ka dhacay bartamaha Xerada, kadibna ay ciidamo hubeysan ay ku daateen saldhigga, kuwaas oo, sida ay sheegtay laayey ciidamadii ka bad-baaday qaraxa. Warka Al-Shabaab ayaa ka duwan kan maamulka Jubaland. Warbaahinta ku hadashada afka maamulka Jubbaland ayaa iyada oo soo xiganaya Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi, waxa ay baahisay in Dagaalyahanadii Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray saldhigooda ay khasaare xoogan gaarsiiyeen. Jubaland waxa ay sheegtay in 73 askari oo Shababab ah dileen, islamarkaana ay sidoo kale ka hortageen gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen. Sarkaal u hadlay Al-Shabaab ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada ka bad-baaday weerarka oo isku dayey in ay u baxsadaan dhanka Buula-Gaduud iyaguna lala eegtay qarax gaari oo lagu diyaariyey wadada dhinaceeda. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Boosaaso( Sh. M. Network )-Laamaha ammaanka ee Puntland ayaa soo bandhigay qaraxyo ay ku qabteen gudaha suuqa weyn M/ Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Ciidamada amniga ayaa sheegay in ay fashiyeen isku day lagu doonayay in lagu dhibaateeyo, sida ay tilmaameen shacabka ku ganacsada suuqaasi. Guddoomiyaha degmada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan oo ku sugnaa goobta ay Ciidamadu ku soo bandhigayeen qaraxyadaasi ayaa sheegay in ay baari doonaan shaqsiyaadka ku lugta lahaa falkaasi. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Ciidamadu ay heegan ugu jiraan ilaalinta amniga shacabka Boosaaso. Lama oga cida ku lugta leh walxahan qarxa, balse Al Shabaab iyo Daacish ayaa inta badan sheegta falalka noocaan oo kala ah ee ka dhaca deegaanada Puntland. The post Ciidamada Puntland Oo qaraxyo ku qabtay magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
-
Heavily armed Al-Shabaab fighters have launched a daring attack on Somali military base located in a small village on the outskirts of Kismayo on Saturday morning. In a statement, Al Shabaab said it has overrun the base and killed at least 41 government soldiers, a claim rejected by Jubbaland state army commander Aden Goojaar as baseless. Al Shabaab added that its fighters stormed the camp in Baar-Sanguuni, approximately 50 kilometers north of Kismayo port city after detonating a massive car bomb at the gates. Meanwhile, Jubbaland claimed it killed 77 militants in the attack and an airstrike conducted by suspected US warplanes in support of the local forces attack by the militants. There was no independent source verifying both claims as the area is remote and villagers unwilling to speak to the media outlets, fearing their safety. The post Al-Shabaab launches attack on military base near Kismayo city appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa maanta ku dilay gudaha Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Daawada laba ruux oo mid ka mid ah uu ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Dilkan ayaa yaa yimid, kadib markii rag ku hubeysnaa Bastoolado ay weerareen marxuumka oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamuud Nuur Abiikar. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daaraya in qof ka kale ee la dilay uu la socday marxuumka. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo gaaray meesha ay wax ka dhaceen ayaa baaritaano ka sameeyay halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Howlwadaag oo ku aadan dilkaasi. Shalay ayey aheyd markii guddoomiyaha dhalinyarada Hodan lagu dhaawacay gudaha degmadaasi, kaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawac ahaan. The post Rag hubeysan Oo Guddoomiye Waaxeed ku dilay Bakaaraha appeared first on Shabelle. View the full article
-
19/01/2019 Go’aan Uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex Soo Saaray Oo Uu Ku Durrayo Magdhawgii Shirkadda Haatuf Media Network Hargeisa, January 1, 2019 (Haatuf) – “Ugu horayn go’aankan kasoo baxay maxkamadda gobolka Maroodi jeex ee ku taariikhaysan 16/01/2019, waa mid aan ka jawaabayn kana turjumaynin dacwadii magdhawga ahayd ee ay Shirkadda Haatuf Media Network ka furatay Maxkamadda. Dacwadda aanu furanay waxay ku saabsanayd Ciidanka Bilayska ee xooga ku qabsaday xaruntii soo saari jirtay saddexda Wargeys ee Haatuf, The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi, iyagoo aan u haysanin amar maxkamadeed. Qabsashadaasna waxa ka dhashay khasaare laxaad leh oo maad iyo macnawi iskugu jira. Dacwadda aanu furanay waxa uu ahaa khasaarihii ka dhashay xoog ku haysashada meherad iyo hanti gaar ah oo haatan ay ciidamadaasi dul fadhiyeen mudo 5 sanadood ku dhawaad ah. Hadaba garsooruhu wuxuu majaro-habaabiyey cadaaladii iyo wixii ay dacwadu ku saabsanayd oo uu meel kale oo aanay dacwadu ku saabsanayn ula kacay. Maxaa yeelay, waxa uu ka hadlay xukunkii ciqaabta ahaa ee guddoomiyaha shirkadda Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafatiraha Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige ( bishii June 2014) lagu xidhay ka dibna qoraal amar Madaxwayne lagu sii daayey. Xukunkaasi isagu halkaas ayuu ahaa. Balse dacwadayadu xukunkaasi lamay xidhiidhaynin ee waxay la xiidhiidhaysay xukun amar ah oo ka horeeyey oo isla garsoore Axmed Dalmar soo saaray 07/04/2014, isagoo xayiraad saaray in aanu Wargeyska Haatuf soo bixi karin, iyadoo xayiraadaasi lagu socodsiiyey dhamaan madbacadaha dalku inaanay soo saari karin wargeyskaa oo kaliya. Xukunkaasi waxa kale oo uu xambaarsanaa ruqsad-laalis wargeyska ah. Balse marna muu dhigaynin in ciidanku xoog ku qabsado xaruntayada ganacsi. Dacwadayada magdhawga ahayd waxay ku saabsanayd qabsashadaasi aanay jirin maxkamad amartay ee ciidankaasi ku haysteen xafiisyadayadii isla markaana khasaaraha laxaadka leh naga soo gaadhay. Markaa guddoomiyaha maxkamadda gobolku wuxuu gadhka isku galiyey laba dacwadood oo kala duwan oo aan shaqo isku lahayn, iyadoo aanu u aragno in aqoon darro xaga sharciga ahina ka muuqato go’aankaas, maadaama oo dacwad meesha aan oolin uu soo galiyey. Eeg:- Qaraarka Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex 7/4/2014 meel qudha kagama qorna in ciidanku qabsado oo uu mudo shan sano ku dhawaad ah dul-fadhiyo. Xitaa markii qabsashadaasi aanu dacwad ka furanay, garsoorihii u horeeyey ee xarunta booqday ciidankaasi way u diideen inuu xarunta gudaha u gallo, waxaana dhacdadaasi laga daawaday Telefishanada dalka. Ka dib garsoorahaasi cabsi awgeed ayuu dacwadii iskaga wareejiyey. Aakhirkii galkii dacwadan waxa gacanta ku dhigay guddoomiye Dalmar, waxaana dhacday in isaga laftigiisu maalintii uu goobtaas noo raacay ay ciidanku u diideen inuu gallo xarunta Haatuf Media Network, ilaa taliyaha qaybtu goobta noogu yimid sidaasna aanu ku galnay. Hadaba qofkasta oo caqli lihi wuxuu garankaraa khasaaraha baaxada leh ee na soo gaadhay, laakiinse waxa muuqata in garsoore Axmed Dalmar uu ka habraday inuu cadaalada u hiiliyo”. Afhayeenka Haatuf Media Network Maxamed Ibraahim Sagax Qaran News
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-19012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maagalada Muqdisho ka furidoono koob lagu xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa haldoorayaasha ugu wanaagsanaa ee soo maray warbaahinta dalka. Wariye Cawil Daahir Salaad iyo Saddex kale oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV ayaa u dhintey Qaraxyadii 22-December 2018 ee ka dhacay nawaaxiga Tiyaatarka Qaranka ee magaalada Muqdisho. Dabayaaqadii siddeetanmeeyadii ayuu weriye Cawil Daahir Salaad ka shaqeynayay raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho oo ahaa halka raadiye ee wadanka jiray. Markii uu dalka burburka galay wuxuu weriyaha ka mid ahaa dhalinyaradii isku dayay dib u soo nooleynta warbaahinta wuxuu soo saari jiray mid ka mid ah wargeysyadii tirade yaraa ee gacanta lagu daabici jiray. tartankan waxaa ka qeyb galaya kooxaha kubbadda cagta ee kala ah Elman,Heegan,Jeenyo iyo kooxda dowladda hoose ee Muqdisho City Club. Isku Aadka Koobka 19-01-2019-Muqdisho City Club VS Elaman 20-01-2019-Heegan VS L.L.P Jeenyo 22-01-2019 oo ah maalinta Talaadada ayaa la dheelidoonaan fiinaalaha koobka lagu xusayo Allaha Unaxariiste Wariye Cawil Daahir Salaad oo ka mid ahaa shaqaalaha Universal TV. Source: goobjoog.com
-
Somalia’s National Intelligence and Security Agency [NISA] said it captured an Al-Shabab member during a covert operation carried out in Mogadishu on 18th January 2019. NISA announced the arrest in a statement on its Twitter account on Friday, seen by Radio Shabelle. “In a careful and planned operation, the security forces detained a member leading Al-Shahab Amniyat operation in Mogadishu,” said NISA in the Twitter post. The spy agency did not disclose the identity of the militant but said he was the kingpin of Al-Shabab’s Amniyat wing operating in the Somali capital. Al-Shabab has stepped up attacks in the capital as part of its struggle to topple the Western-backed Somali Federal government based in Mogadishu and fighting AMISOM. The post NISA says Al-Shabab operative arrested in Mogadishu appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa loo heystaa dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax oo aheyd Xaaskiisii hore, dilkaas oo ka dhacay degmada Yaaqshiid taariikhdu markey aheyd 19-12 sanadkii tegay. Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali iyo Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax ayaa horey u ahaa qoys, balse mar dambe ayay kala tageen, wixii xilligaas ka dambeeyay ayay u baxday dhankaas Doolow oo ay deganaayeen eheladeeda. Muddo kadib ayay soo noqotay waxa ayna guurstay nin kale, Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali ayaa isna dadaal ugu jiray sidii uu markale u heli lahaa xaaskiisii hore, waxa uu isticmaalay xeelado kala duwan oo ku heli karo markale, waxa uuna ogaaday in ay reer kale leedahay. Halkii ay daganeyd ayuu ugu tegay isagoo isku dayay in uu xoog ku soo kaxeysto balse dadka deegaanka iyo ninkii qabay ayaa ku soo baxay, waxa uuna go’aansaday in uu dhaafiyo nolosha isagoo ku dilay Toorey (Mindi). Ciidamada Amniga degmada Yaaqshiid ayaa isla xilligaas oo aheyd habeen soo qabtay eedeysanaha, waxa ayna ku wareejiyeen Hey’adda baarista dambiyada ee CID. Baaristooda kadib ayay ku soo wareejiyeen 23 bishaas Xafiiska Xeer-Ilaalinta, waxa ayna codsadeen Xeer-Ilaalinta in loo gudbiyo xabsiga dhexe si loo soo dhameystiro cadeymaha dambi ee lagu soo eedeeyay Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali. Muddo kadib ayay codsadeen xafiiska Xeer-ilaalinta 5- bishan aynu ku jirno, waxa ayna shan cisha kadib lagu ballamay fadhiga Maxkamadda. Xafiiska Xeer-Ilaalinta ayaa hor keenay fadhiga Maxkamadda Qiraalka eedeysanaha, marqaatiyaal sedax shaqsi ah oo goob joog u ahaa dhacdada, Sawirka Marxuumka, Warqadda Dhakhtarka ee cadeyneysa dhimashada. Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed oo kamid ah xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku dooday in eedeysanaha uu u bareeray dilka Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, waxa uu sidoo kale fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha uu dadaal badan geliyay dilka Marxuumadda. Qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa weydiistay Garsoor in loo naxariisto eedeysanaha maadaama uu jiray rabitaan uu u qabay xaaskiisii hore. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lagu xukumo Xidigle NISA Maxamed Cabdiraxmaan Cali dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuumad Sacdiyo Khaliif Faarax, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Xukunsaha ayaa heysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan hadii uusan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. The post Sarkaal dilay Haweenay ay kala tageen Oo la xukumay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo saakay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah. Sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil xoogga dalka ah, Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaddey fariisin ciidanku ku leeyihiin deegaankaasi. Saddex gaari oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayeey Al-shabaab ku bilaabeen weerarkooda, iyadoo saraakiisha DFS ay sheegeen in qaraxyadaasi ka hortageen. Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, iyadoo xaaladda hadda ay tahay midda aad u deggan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ku dhowaad Seddex Boqol oo qoys oo ah Beeraley wax soosaarkii ay ku tiirsanaayeen ay ragaadiyeen Roob yaraan ayaa waxay kasoo kala barakaceen deegaanno hoostaga degmooyinka Bardaale iyo Qansaxdheere ee Gobolka Baay, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyey gaarey degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo sida Goobjoog u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga xeryaha barakacayasha ee Buurdhuubo. Cabdulaahi Rashiid waxaa uu ka mid yahay Guddi ay leeyihiin dadka Barakacayaasha ee deggan duleedka Buurdhuubo, wuxuuna sheegay tan iyo bilowgii bishan January in degmada ay soo gaareen Qoysas barakacayaal hor leh oo ka kala yimid degaanno ka kala tirsan gobolka Baay, isagoo sheegayna qoysaskaasi oo tiradoodu ay gaareyso ilaa 300 qoys in ay Qaarkood dejiyeen ilaa 4 xero oo ku yaalla duleedka degmada. Sababaha qoysaskani ay ugu soo barakaceen deegannaadooda ayuu sheegay beerihii ay ku tiirsaneyd noloshooda oo baaqdey roob yaraan darteed, taasi oo keentay in ay nolosho ay ku adkaato kadibna ay maciin bidaan xeryaha Barakacayaasha. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/Barakacayaal-hor-leh-oo-ka-soo-kala-barakacay-deegaano-ka-tirsan-Gobolka-Bay-oo-soo-gaarey-Buurdhuubo.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors