-
Content Count
207,282 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-190119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kolkaa ma ka filaysaa in abtirsiin-raac faaido cid u keeno, halka Afrika oo dhami ka baqatay isir-raac (ethnicity). Marka ay timaado xuduudaha taariikhiga ah, ma aha xuduudii isticmaarku ka tegay oo keliyi, inay tahay mid taariikhi ah. Waxa kale oo xuduudo taariikhi ah noqon kara 8dii gobol ee ka jiray dalka 1960kii ilaa 1972dii. Ogow, sannado tirsan mooyee, isku gobol ma noqon Garoowe iyo Lascaanood; Buuhoodle waxay ku jiri jirtay Burco; Badhan iyo Laasqoray-na Ceerigaabo. Bal aan yar xusno iraadada dadka ku nool degmooyinkaa kor ku taxan. Waxa kuu soo bixi in qudhoodu ku kala feker duwan yihiin mustaqbalka degaankooda ku dambaynayo: qaar u janjeedha Garoowe iyo kuwo Hargeyasa u xagliyaba way leeyihiin. Waxa se ay aqalabiyadoodu ganafka ku dhufteen ama werewer weyn ku haya gooni goosashada Somaliland, cabsi ay ka qabaan aqaliyad ay ku noqdaan Somaliland, kana xadhig furmaan tolkood. Taas oo loo macnayn karo ma diidana Somaliland ee gooni- is-taagga Somaliland ayaa qalaynaya. Ururka Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Gallayr– oo iyagu markii hore qabay inay ka madax banaan yihiin Puntland iyo Somaliland ba, waxaay talo ku deysteen in maamul hoosaad la sameeyo, hoos taga Somaliland; iyadoo aanay ka tanaasulin midnimada Jamhuuriyaddii Soomalida. Cali waxa uu is tusay in fursadda Somaliland aqoonsi caalami ah ku heshaa aad iyo aad u yar tahay; kol ay ahaatana mar uun ku soo noqonayso xayndaabka Jamhuuriyah Somaliyah; sidaa darteed lagu sii nasto Somaliland. Nuxurka munaaqashadani waxay ku soo arooraysaa maamul abtirsiin ku salaysani waa derbi dab ka holcaayo. Marka aad la deris noqoto maamul doonaya in uu kaa goosto dadkii aydin isku abtirsiinta sheeganayseen waa dabkii holcayey oo bensiin lagu sii shubay. Haddii Somaliland, fekrad ama mabda’ ahaan, si uun, ay ugu soo noqoto xayndaabka Jamhuuriyah Somaliyah, waxa aan qabaa in la demin karo dabkaas; lana baajin karo dhiig, naf iyo barakac dambe oo ka dhex-dhaca Puntland iyo Somaliland. Haddii taa la helo, ma jirto sabab caqli gal ah oo ay Puntald muran iyo colaad ku sii wadaa. Puntland iyo Somaliland waa labo maamul oo ahaa muddo dheer labo nuur oo Somalidu ku soo hirato. Laakiin haddii ay sii socota colaadda ka dhex aloosani waxa looga aayi doonaa waa iftiinkaas ka shidan Garoowe iyo Hargeya oo isla dama. Ilaah baan ka magansanay. Inta muran iyo colaadi ka dhex aloosan tahay labadan maamul, Somaliland aqoonsi caalami ahi ka dheer, Puntland-na dawladnimo si wacan u shaqaysaa ka dheer. Wadahadalada Xamar iyo Hargeysa ee la filayo inay dhacaan, ma ku soo celin doonaan Somaliland xayndaabka jamhuuriyaddi Soomaliyeed ee dhalatay 1960kii? Haddii jawaabtu haa tahay, waa sida keliya ee Hargeysa Ingiriis kaga baaqanayso, Garoowe-na Talyaani, nabad waartana lagu heli karo (Idan Alle). Wa Bilahi Towfiiq Maxamuud Cabdillahi Axmed London, UK Maxamuudaxmed@live.com 18/01/2019 Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in in kabadan 60 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab lagu dilay duqeyn lagula eegtay inta u dhaxeysa Sanguuni iyo buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose. Maleeshiyada duqeynta lagu dilay ayaa qeyb ka ahaa maleeshiyooyin badan oo saaka waabarigii weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin xerada Baar Sanguuni oo qiyaastii 50 dhinaca waqooyi kaga began magaalada Kismaayo. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in xaradaasi uu kadhacay dagaal culus oo dhexmaray labada dhinaca, khasaare dhimashada dhaliyay. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay muddo kooban qabsadeen xerada, balse markii danbe laga saaray kadib markii ciidanka federaalka iyo jubbaland uu gurmad u yimid. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in DIYAARAD loo malaynayo in Maraykanku uu leeyahay ay beegsatay baabuur ay saarnaayeen maleeshiyada al-Shabaab oo marayay meel u dhow deegaanka Sanguuni iyo Buundada Araare. Warbaahinta kooxda al-Shabaab ayaa iyaguna dhinacooda sheegay in maleeshiyadu ay qabsadeen xerada Baar Sanguuni, halkaasina ay ku dileen sida ay sheegteen 41 ka tirsan ciidanka federaalka iyo kuwa Jubbaland, sidoo kalena qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan ayaa sheegay in isaga uu ka mid yahay dadka sida weyn wax looga sheegto, hase yeeshee uu dalbanayo in la cafiyo. “Waxaan dalbanaa in la i cafiyo waxaan ahay qofka ugu badan ee wax laga sheegto, aniga waan idin cafiyey ee shacbaka Soomaaliyeedow idinkana i cafiya” ayuu yiri Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan. Hadalakan ayaa ku soo aadaya saacado kadib markii garoonka kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee magaalada muqdisho uu Muxaadaro Ciwaankeedu ahaa ”Cafi walaalkaa” uu ku qabtay Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim (Kenyaawi) Hoos ka daawo Muqaalka oo dhameystiran
-
Somali National Army (SNA) backed by the international partners on Saturday killed 73 al-Shabab militants and destroyed armored vehicles in southern Somalia. Jubbaland said the joint forces foiled an attack from al-Shabab at a military base at Bar-Sanguni neighborhood near Kismayo town. The news agency said international partners conducted airstrikes in the area that targeted al-Shabab militants. Independent sources said that there were heavy casualties on both the army and the militants. Residents reported hearing airstrikes targeting the militant group early Saturday. They said several strikes hit the militants and their battlewagons in an area between Araare and Muse Haji. The attack came hours after the group said on Friday that their fighters killed 57 Ethiopian troops under the framework of African Union Mission in Somalia (AMISOM) in an ambush near Burhakaba town in southern Somalia. The al-Qaida allied terrorist group continues to hold parts of the country’s south and central regions after being chased out of Mogadishu several years ago. Somali and African Union peacekeeping forces have also intensified military operations against the insurgents, flushing them in their Lower and Middle Shabelle region bases as part of efforts to stabilize the Horn of Africa nation. The post Nearly 80 militants killed in Lower Jubba region appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ururka Al-Shabaab ayaa asbuucii lasoo dhaafay weerar ku bilowday qarax ku qaaday hotelka DusitD2 kaasoo ku yaal Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya. Weerarkaas ayaa la aaminsan yahay inay ku dhinteen dad aad u badan oo tiradooda gaarayo illaa 24 qof inkastoo laga yaabo inay dhimashada intaas ka badan tahay Haddaba waxaan warbixintaan idinkugu soo gudbin doonaa afar qodob oo laga dhaxli doono weerarkaas ay Al-Shabaab ku qaadeen Caasimadda dalka Nairobi. 1) Cadaadis dhanka shacabka ah Dowladda Kenya ayaa weerarkii hotel DusitD2 kadib cadaadis xoog leh kala kulmi doonto shacabkeeda. Cadaadiskaan ayaa noqon doono inay Dowladda Kenya ka codsadaan inay ciidamadeeda kala soo baxdo Soomaaliya si ay uga badbaadaan halista uga imaaneyso Kooxda Al-Shabaab ee ka dhisan dalka Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa horey cadaadis xoog leh kala kulmeysay shacabkeeda kadib markii ciidamo badan oo Kenyaan ah lagu dilay Gudaha Soomaaliya kadib markii ay weerareen Kooxda Al-Shabaab. Weeraradii Soomaaliya loogu geystay CIidamada Kenya ayaa weli lagu la’yahay ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Joogo Soomaaliya waxayna shacabka Kenya dowladooda ka codsadeyn inay usoo gudbiso tirada lagu dilay Soomaliya iyo magacyadooda. Weerarkaan hadda ka dhacay Nairobi ayaa la aaminsan yahay inay cadaadiska kusii badin doonto Dowladda Kenya. 2) Dhaqaalaha Kenya Dowladda Kenya ayaa dhaqaalo tiro badan ka hesho dadka usoo dal xiis tago dalkeeda waxaana laga yaabaa inuu dhaqaalaha Kenya hoos u dhaco kadib weerarkii lagu qaaday hotelka DusitD2 maadaama ay banaanka usoo baxday halista lagala kulmi karo Kooxda Al-Shabaab. Weerarkaan ayaa hoos u dhigi doono dadka dalkaas usoo dalxiis tagi jiray waana ujeedada ugu weyn oo Al-Shabaab ka leeyihiin weerarada ay ku qaadayaan dalkaas. 3) Dowladaha dariska la ah Kenya Kadib weerarkii Hotel DusitD2 waxay cabsi soo wajahday Dowladaha ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya ee dariska la ah Dowladda Kenya sida Uganda, Ethiopia iyo Jabuuti. Dowladahaas ayaa hadda dareemayo halista ay leedahay inay Kooxda Al-Shabaab dhulalkooda ka geystaan weeraro noocaan oo kale ah waxaana lasoo sheegayaa in heegan culus la geliyey ciidamada Booliska ee Uganda iyo Ethiopia si looga hortago weeraro ay halkaas ka geystaan Kooxda Al-Shabaab. 4) Awoodda Al-Shabaab Waxaa mar kale banaanka usoo baxday awoodda ay Al-Shabaab u leedahay inay weeraro ka geystato meelo ka baxsan Soomaaliya xilli ciidamo badan oo ka tirsan Midowga Africa loo keenay Soomaaliya inay cirib tiraan Al-Shabaab balse waxaa weli muuqato 10 sano kadib inay Al-Shabaab leedahay awood aad u halis badan oo ay dhibaasto ku geysan karto Gudaha iyo Debadda Soomaaliya.
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee Barlamaanka Cabdi wali Sheekh Ibraahim muudeey Ayaa Kulan Is Xog-wareysi Ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka KG kuwaasi oo Laf dhabar u ah Hogaanka Bulshada Koonfur-galbeed, Gudoomiyaha Ayaa Warbixinno La Xiriirta Xaaladaha Koonfur-galbeed Ka Dhageystay Qaar Kamid ah Odayaasha Iyaga Oo Ka Hadlay Arimahii Ka Dhacay Koonfur-galbeed Maadaama Ay Yihiin Dadkii Qeyb Lexaad Leh Ka Qaatay Dhismihii Maamuladii Soo maray Koonfur-galbeed, Odayaasha Ayaa Soo Jeediyay In Ay Diyaar u Yihiin Nabadeenta iyo Garab Istaagga Maamulka Koonfur-galbeed Hogaanka Cusub Ee Uu Yeeshay Maadaama Ay Filaayaan Inuu Wax Badan Oo Horumar ah uu Gaarsiinayo Shacabka KG soomaaliya, Odayaasha Waxay Qireen in Wixii Dhibaata ah Ee Ka Dhacay Koonfur-galbeed Shacabka Ay Ka Gudbeen Ayna Diyaar u Yihiin Xal waliba inay Ka Qeyb qaataan Intaas Ka Dib Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa Odayaasha Dhaqanka Kala Hadlay Arimihii Ay Soo Jeediyeen Waxaana Uu U Jeediyay In Si Deg Deg ah Ay u xalindoonaan Dhamaan Howlaha Wax Ka Qabashada U Baahan, “Waxaan Si Gaar ah U Dhinac Istaagi Doonaa Dadka Tabashooyinka Qaba Iyo Dhamaan Dhinacyada U baahan Inay Nala Shaqeeyaan Si Daawa Loo Helo Waa In Marka Hore Wixii Dhibka Keenay Aan Ka Bilownaa , Gudoomiyaha Ayaa Intaasi sii Raaciyay ” Waxaa Jiri doona Kulamo Joogta ah Oo Wada Tashi Ku Saabsan Oo aan La yeelan doono sidoo Kalena Laga Warqabi Doono Odayaasha Dhaqanka , Sidoo Kale Wuxuu Gudoomiyuhu Qiray Sida Lagama Maarmaanka Ay U tahay Dhinaca Amniga Oo Uu Sheegay In shacabka Looga baahanyahay in deeganadooda Ay Nabadeeyaan, “Runtii Waxaa Muhiim Ah Talada Ku Saabsan Amniga inaan Idinku Garab siino Waana Muhiimadda Koobaad Ee Dhismaha Dawladnimada Shacabka Iyo Maamulkan KG Ay Inay Wada Shaqeeyaan , Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Ayaa Odayaasha Dhaqanka U Balanqaaday Inay Gaar ahaan Iyo Guud ahaanba Ay Heli Doonaan Garab Istaag Odayaasha dhaqanka ” Mar waliba Waa In La xusuusnaadaa Inaad Tihiin tiirarkii Dawladnimadda Runtii Waana La idin baahanyahay Waa In la idinka warqabaa Anagoo Ah Madaxdii Fedraalkana Waan Ka Shaqeen Doonaa Inaan Xuquuqdiina Heshaan, “Ayuu Hadalkiisa Kusoo Gabagabeeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaam, The post Guddoomiyaha BFS Oo la kulmay Waxgaradka K/ Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
AMISOM ayaa qorsheyneysa in 160 ka tirsan booliiska Ghana ay ku soo daraan ciidamada jooga, kuwaas oo qeyb ka noqon-doona xasiloonida Soomaaliya. Sida ay AU sheegtay wafdi ka socda Booliiska Ghana ayaa booqasho todobaad ah ku joogay magaalada Muqdisho iyaga oo ujeedkoodu ahaa sidii ciidamo booliis ah oo hor leh u keeni lahaayeen caasimadda. “Ghana waxaa ay qorsheyneysaa in 160 booliis ah ku xoojiso howlagalka booliiska AMISOM, oo lagu keenayo qorshaha kala-guurka ee golaha ammaanka meel mariyey qaraar NO 2372 (2017), kaas oo ka hadlayey in la yareeyo militariga, lana xoojiyo booliiska oo la gaarsiiyo 1,040”. AMISOM ayaa lagu wadaa in amniga magaalooyinka ay ku wareejiso Soomaalida, arrintan oo qeyb ka ah qorshaha kala guurka ee lagu heshiiyey. Ghana waxaa hadda ka jooga 39 Booliis ah, shaqadoodu waa tababar iyo inay gacan siiyaan booliiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Balcad ( Sh. M. Network )-Isbaarooyin hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay la soo dhigay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Darawallada gaadiidka isticmaala waddadaasi ayaa sheegay in acago fara badan oo sharci darro ah looga qaado Jidgooyooyinkaasi. Sidoo kalena jirdil iyo handaad xoogan ay kala kulmaan kooxahaasi oo ku labisan dareeska Ciidamada dowladda. Dhawaan ayey aheyd markii Ciidamo uu horkacayay abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka ay Isbaarooyin dhowr ah ka qaadeen waddada xiriirisa Muqdisho iyo Sh/Hoose. The post Isbaarooyin hor leh Oo la soo dhigay Shabeelaha Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe (Caasimada Online) – Waa cusub ayaa u baryey 8 January ee sanadkaan dowlad Goboleedka Puntland kadib markii Madaxeyne loo doortay Siciid Cabdullahi Deni. Deni ayaa booska ka badalay Cabdiweli Gaas oo horey u ahaa Madaxweynaha Puntland kaasoo xiriirka u jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya. Haddaba su’aalaha ugu badan ee la is waydiinayo ayaaa ah midkee u roon Dowladda Federaalka Soomaliya Cabdiweli Gaas iyo Deni? Dadka sida weyn u garanayo Siciid Cabdullahi Deni ayaa sheegayo inuu yahay nin siyaasad ahaan adag isla markaasna lagu tuhmayo inuu xiriir dhow la leeyahay Xisbiga Xasan Shiikh Maxamed. Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online Deni ayaa qorsheenayo inuusan xiriir toos ah la yeelan Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna uusan muujin dabacsanaan siyaasadeed. Maalintii la doortay ayuu BBC u sheegay inuu sii jiri doono Iskaashigii Maamul Goboleedyada ayna tahay arrin dastuuri ah oo aan marnaba laga gudbi doonin. Taas ayaa banaanka soo dhigtay siyaasadda cusub ee uu Deni kala hortagi doono Dowladda Federaalka Soomaliya waxayna taas muujisay in Dowladda Dhexe looga adkaaday loolankii siyaasadeed ee Puntland. Cabdiweli Gaas ayaa la aaminsan yahay inuu siyaasad ahaan u fiicnaa Dowladda Soomaaliya maadaama uusan la safneyn siyaasiyiinta ku kacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna uu ahaa Siyaasi danley ah. Dowladda Soomaaliya ayaa meel cidlaa kusoo dhacday waxayna ka shaqeysay sidii Cabdiweli Gaas meesha looga saari lahaa balse waxaa usoo baxday natiijo middii hore kasii daran. Dadka sida weyn u garanayo Deni ayaa sheegayo inuu Deni yahay nin ad adag waxaana lagu xasuustaa inay iska dhaceyn isaga iyo Madaxweynihii hore ee Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud markaas oo loo diiday Wasiir uu doonayo in loo magacaabo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
In ka badan 80 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta lagu dilay duqeyn ka dhacday inta u dhexaysa tuulooyinka Araare iyo Muuse Xaaji ee gobolka Jubada Hoose. Diyaaradaha dagaalka Maraynkanka ayaa duqeyn culus la beegsaday malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka qeyb qaatay dagaal ay saaka degaanka Baar-sanguuni kula galeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubaland sida ay sheegeen saraakiil ciidan. Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ayaa iska caabiyay weerarka Al-shabaab inkastoo uu jiray khasaare kala gaaray labada dhinac hase yeeshee dhimashada ugu badan ee Al-shabaab ayaa ka dhalatay duqeynta ay diyaaradaha dagaalka la beegsadeen kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen malayshiyaadku. Diyaaradaha Maraykanka ee duqeynta geystay ayaa la sheegayaa in ay gurmad u ahaayeen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubaland ee saaka lagu weeraray Baar-sanguuni balse dowladda Maraynkanka ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin duqeynta halkaasi ka dhacday. PUNTLAND POST The post In ka badan 80 dagaallame oo Al-shabaab looga dilay duqeyn cirka ah appeared first on Puntland Post.
-
Sababta shirweynaha Boorama loogu qabanayo iyo waxa waakhtigan loola beegay: waa laba arrimood mid xiisadda u dhexeysa booliska iyo shacabka ee hadhi wayday looga leexiyo oo jiho kale loo jiheeyo dadka iyo mid siyaasiyiinta hanka ka qaba hogaanka xisbiga lagaga takhalusayo. Shaacinta shirweynaha Kulmiye ee lagu qabayo Boorama waxay daaran tahay in lagu damiyo eedaha taagan ee booliska iyo xukuumadda lagu haysto ee maalmahan aad ka loogu talaxtagayey, isla markaana warkan cusubi wuuxuu jihaynayaa dadkii oo lagu mashquulinaya su’aalaha ka dhalan doonna shirkan oo ay ka mid yihiin: maxa Boorama loola doontay, maxa ka soo bixi doono, ragii hanka lahaa ee sugayey hogaanka ma ka mid bay noqon doonaan hogaanka, hogaanku yuu noqonaya. Doodaasi iyo hadal hayntaasi ayaa la wadi doona ilaa inta ka hadhsan shirweynaha oo laga yara raysan doonaa maagista xukuumada iyo booliskaba. Talabaad, sababta Hargeysa oo awalba lagu qaban jirey looga daayey waxay tahay si rag waaweyn loo tukhaantukhiyo oo KULMIYE wuu iska yaqaana marka uu raga gawracayo inuu la fogaado shirweynaha, oo Siilaanyaba waagii uu odayaashii waaweyna hawada u dirayey waa kii Burco la tagay, ee dariiqa qulquleen Cabdiraxmaan Aw cali, Ibraaham Dhego weyne, Cadami, siciid Cilmi Rooble, Abgaal iyo rag kale oo badan, khilaaf walba cid baa ka faa’iidee arrintaasi waxa fursad fiican ka helay waagaasi Muuse Biixi oo wakhtigaasi Siilaanyo ugu hanjabay inuu ragaasi raaci doonno hadii isna lagu wareejin xisbiga marka uu madaxweyne noqdo, Siilaanyo waa kii aqbalay ee sidii madaxweyne Biixi salaanka madaxtinimo ku soo fuulay. Doorkan waataas lala fogaaday waxaynu sugnaaba waa rag waawayn oo fajidii Qaaxo loo dhigay oo iska hulayli doona, waana iska caado in mar kasta oo kulmiye shirweyne qabsado inuu rag waaweyni muraaro dilaac guryaha hoosta ka soo xidhaan oo shalayba ragbaa masaajidkoodii dib ugu soo noqday oo khudbadii jicmaha akhriyaayey. W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
-
(SLT-Muqdisho)-Raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Sheekh Maxamed Ibraahim Cali (Kenyaawi) oo kamid ah culimada Soomaaliyeed, maalahaanna Muqdisho ka weday wacyi-gelin uu bulshada Soomaaliyeed ugu dhiirri gelinayay in is cafiyaan. Ra’iisul wasaarha ayaa Sheekh Maxamed Ibraahim Cali kala hadlay ololaha uu sheekhu ku doonayo in bulshada Soomaaliyeed isku cafiso, waxa uunna ku dhiirri geliyay in uu sii laba jibbaaro, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Qaahira)-Iyadoo dalka Masar uu noqonayo dalkii ugu horreyay ee Carab ah ee meelmariya soo saaridda iyo ka ganacsiga daawada kordhisa dareenka haweenka, ayaa weriyaha BBC-da Sally Nabil waxay u kuur gashay in dawadaasi ay suuq ka leedahay dalkaasi shacabkiisu dhaqanka ku dhagan yahay. “Waxaan dareemay dawaqsanaan, wadnahayguna aad buu u garaacmayay” Waa sida ay Leyla dareentay kaddib markii ay qaadatay kaniinkii ugu horreeyay, oo loo yaqaanno flibanserin. Isticmaalka daawada ayaa markii ugu horreysay laga oggolaaday Mareykanka saddex sano kahor, haatanna shirkad farmashi ayaa ku sameysa gudaha Masar. Leyla – ma aha magaceeda saxda ah – waa haweeney gurijoog ah oo ku jirta da`da soddomeeyada. Waxay doorbideysaa inay is qariso sida haween badan oo Masar ku nool oo kale, ka hadalka dhibaatooyinka galmada iyo baahida la xidhiidhaba weli wax aad looga xishoodo ayay ka tahay dalkaasi. Kaddib ku dhowaad muddo toban sano ah oo la qabay, waxay go`aansatay inay daawadaasi tijaabiso. Leyla, oo aan qabin wax dhibaato caafimaad ah, ayaa soo iibsatay daawada iyadoo aanu dhakhtar u qorin – tan oo dhaqan caadi ah ka ah Masar, halkaas oo ay dadku iska soo iibsadaan daawada. “Qofka farmashiyaha iibinayay wuxuu ii sheegay inaan kaniinka qaato habeen walba muddo dhowr toddobaad ah. Wuxuu ii sheegay in aanu wax dhibaato ah lahayn,” ayay tidhi Leyla. “Seygeyga iyo aniguba waxaan dooneynay inaan aragno waxa dhici doona. Hal mar baan isku dayay, dib dambana uma qaadan doono.” Furriinka ayaa aad ugu badan Masar, warbaahinta gudaha qaarkood ayaana arrintan ku sababeeyay inay tahay dhibaatooyin dhanka galmada ah ee lammaanayaasha u dhaxeeya. Shirkadda soo saarta daawada flibanserin ayaa sheegtay tobankii haween ee Masar ku noolba uu saddex ka mid ah dareenkoodu hooseeyo. Balse tiradaasi waa uun qiyaas – in tiro sax ah laga helo dalkaasi aad bay u adag tahay. “Daawadan aad baa halkan looga baahnaa – waa horumar,” ayuu yidhi Ashraf Al Maraghy oo wakiil ka ah shirkadda. Maraghy ayaa sheegay in daawadu aysan wax dhib ah lahayn isla markaana ay waxtar leedahay, wuxuu xusay in dawaqsanaantu ay suuli doonto muddo kaddib – balse farmashiistayaal iyo dhakhaatiir kale kuma raacsana arrintaasi. Farmashiiste aan la hadalnay ayaa ka digaya in kaniinka uu hoos u dhigo cadaadiska dhiigga, wuxuuna qabaa inuu u daran yahay dadka qaba dhibaatooyinka wadnaha iyo beerka la xidhiidha. Murad Sadiq, oo farmashi ku leh waqooyiga Qaahira, ayaa sheegay inuu mar walba macaamiishiisa u sharxo dhibaatooyinka uu leeyahay kaniinka, balse ay ku adkeystaan inay iibsadaan. “Qiyaastii 10 qof ayaa maalintii ibsada kaniinka. Badankoodna waa rag. Haweenku aad bey uga xishoonayaan inay ku weydiiyaan.” ‘Wax walba waa maskaxda’ Gudaha farmashiga Sadiq, waxaan ku xardhan xayeysiis loo sameeyay kaniinka flibanserin oo loogu magac daray “kaniinka basaliga ah”. Waa nooca haweenka loogu talo galay oo la mid ah “kaniinka buluugga ah” – waa magaca kaniinka kordhiya dareenka ragga looga yaqaanno Masar . Balse shirkadda ayaa sheegtay inay qalad tahay in la adeegsado erayga “female Viagra” oo loola jeedo kaniinka kordhiya dareenka haweenka. “Warbaahinta ayaa magacaas la timid, annaga maaha,” ayuu yidhi Maraghy. Halka kaniinka Viagra ee ragga loogu talogalay kordhinta dareenkooda, flibanserin wuxuu ka hortagaa walbahaarka wuxuuna xoojiyaa dareenka haweenka isagoo isku dheellitiraya kiimikada maskaxda ku jirta. “Female Viagra’ waa eray marin-habaabin ah,” ayay tidhi Heba Qotb, oo ah dhakhtarad arrimahaasi ku takhasustay, waxayna diidday inay isticmaalka kaniinkaasi kula taliso bukaannadeeda. “Waxba kama tarayo haweeney ay haysato dhibaato maskaxeed iyo mid jireedba,” ayay tidhi. “Haweenku, wax walba maskaxdooda ayay la xidhiidhaan. Haweeneydu xidhiidh galmo oo caafimaad qaba lama wadaagi karto seygeeda haddii uu si xun ula dhaqmo. Wax daawo ah oo arrintaasi wax ka taraya ma jirto.” Heba Qotb ayaa sheegtay in waxtarka flibanserin uu aad u yar yahay, isla markaana aysan mudneyn in halis la isku geliyo. “Inuu hoos u dhigayo cadaadiska dhiigga waa dhibaato weyn oo khatar ah,” ayay ka digtay. Haweenka Masar weli uma dhowa inay si saraaxad leh uga hadlaan arrimaha la xiriira galmada. Leyla waxay sheegtay inay garaneyso haween badan “oo furriin dalbaday kaddib markii xiriirkooda galmo uu xumaaday sababo la xiriira dhibaatooyin ku gedaaman guurkooda”. “Haddii uu seygaaga daciif yahay, waad caawineysaa daaweyn caafimaad ayaadna la raadineysaa, haddiiba uu yahay sey wanaagsan. Balse haddii uu yahay qof xun, waad ka xiiso dhaceysaa, xitaa haddii uu sariirta ku wanaagsan yahay. Raggu uma muuqdaan kuwo arrintan fahmaya.” Inkastoo weli lagu jiro maalmihii ugu horreeyay, Sadiq ayaa sheegaya in iibka kaniinka uu wanaagsan yahay wuxuuna aaminsan yahay inuu sare u sii kici doono. Balse Heba Qotb, oo ah dhakhtarad arrimaha galmada ah, ayaa ka walaacsan dhibaatooyinka ka dhex jira lammaanaha is qaba. “Markii uu nin dareemo inaysan waxba ka soo naaso caddeyn xaaskiisa, iyadoo xitaa qaadaneysa kaniinka, iyada ayuu eedeynayaa, ee ma eedeynayo waxtar la`aanta kaniinka amaba xiriirkooda xun. Wuxuuba xitaa tan u arkaa fursad uu ku xumeyn karo.” BBC Somali Source
-
Prof.Cali Ciise iyo Cashar Siyaasadeedkii Puntland Loogu Dhigay 2018kii Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley) 19kii Janaweri 2018kii Prof Samatar 2012dii ayuu Garwaaqsaday in aanay reer Somaliya doonaynin,midnimo Somaliweyn, caddaalada,talawadaag,waxwada yeelasho,Somalinimo,Sinnaan & walaalnimo toono isagu Cali Ciise Puntland muxuu ka bartay? Caliyoow Jikraar lama hadlee jaalkaybaad tahaye, Dadka kale ka jeestaye adaan jaari kuu ahaye Junne weeye ruuxaan ahayn jaadka aan ahaye Waxan kaa jarraysimayahaa samada Jiilaal Waxan kaaga jiidh diirayaa doorashada jaane Sidii Jaawa dhane loo shubaan jeelka kaa bi’ine Waxaan kugu jalbeebinahayaa sheeko jowhara ahe, Jawaawida Majeerteen haddey jalowdi kuu yeedhay Jabkaaga iyo Fool Xumadan kula jeclaayeene Jawaabtayda maqal Jaalle waan kuu jidh naxayaaye Saaxiibayaal sheekaba sheekey keentaaye,waxan jecleystay inaan idinku jabeebiyo dhacdooyin siyaasadeed oo dad badan kaa yaabiyay,tusaale ahaan anaga oo madal Hargeysa ah xaafadda Jigjiga yar fadhinay. Wakhti 6 sano laga joogo goor duhur dabadii ah ayuu furmay fadhigii ay baarlamaankii Somaliya ay ku dooranayeen,madaxweynihii bedelayay Sheikh Shariif Axmed,intii aan lala bilaabin codbixinta ayaanu faalaynay,ama odorosnay sida ay u dhici karto natiijadii doorashadu, garyaqaan Aadan ayaa qalin iyo warqad qaatay,oo ragayagii madasha joogay,su,aal isku mid ah na weydiiyay,hebeloow adigu afarta nin, ee aad filayso inay wareegga 2aad iskusoo hadhayaan,sheeg qofkasta ku odhanayay,Illeen iyaduba waa mucjisee,waxaan xusuustaa in uu ninba afartii ay la ahayd uu Aadan warqaddii kaga qoray. Markii uu Aadan warqaddii yeedhiyay,ee rayigayagii kala caddaaday,afar nin oo madashaas joogay,uu midkasta waxa magaciisa 4tii ugu sarreysay kusoo daray,Barfasoor Axmed Ismaaciil Samatar,nin isagu iska aamusnaa oo Cumar la yidhaahdo ayaan anigu xaggiisa u jeedsaday,oo aan ,su,aalay Cumaroow maxaad adigu rayigaaga u sheegi weyday? Isaga oo aan isba dhibin ayuu yidhi,waan idin dhegeysanayay,waanan idinla yaabanaa,waxaanan lasii yaabanaa,qolyihii qiyaasay,inuu Dr Axmed Ismaaciil Samatar uu ka mid noqon doono, raga wareega 2aad soo gaadhi doono,kuwaas way khaldan yihiin auu yidhi,kadibna nin meesha fadhiyay ayaa ku yidhi,Cumaroow adigu maxaad odhan lahayd?,miyaanu Samatar soo gaadhi Karin wareegga 2aad?,anigu waxan amainsanahay inuu Samatar yahay ninka ugu aqoonta badan musharixiintaas oo dhan,teeda kale ururkiisii HIIL QARAN ayaa Xamar ama Somaliya sii joogay oo u ololaynayay,sidaas darteed wareegga 2aad daayoo uu madaxweynanimada ku guulaysan doono oo uu rajo fiican yeelanayo ayay aniga ila tahaye,maxaad adigu sidaas u leedahay? Qaran News
-
Nairobi ( Sh. M. Network )-Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa dowladda ugu baaqay in dalkooda dib loogu celiyo qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalkaasi Dhadho Godana oo laga soo doorto magaalada Tana River ee dalka Kenya ayaa sheegay in qaxootiga Soomaalida ay halis ku yihiin ammaanka dalkaasi. Waxaana uu soo jeediyay in Soomaaliya ay ka jirto dowlad, isla markaana ay wanaagsan tahay xaaladda ammaan ee Soomaaliya Mudanahaasi ayaa xusay in haddii qaxootiga Soomaalida ee ku nool gudaha Kenya ay dib ugu noqdaan dalkooda uu isbedal ku imaan lahaa ammaanka dalkaasi. Mr Dhadho ayaa sheegay in qaxootiga Soomaalida ay leeyihiin xuquuq, balse waxaa uu xusay in la joogo xilligii dib loogu soo celi lahaa dalkooda. Dowladda Kenya ayaa sanadkii 2013-kii amar ku bixisay in ay xireyso Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo ay ku nool yihiin nus malyuun qaxooti Soomaali ah. The post Kenya Oo laga dalbaday in ay dib u soo celiso qaxootiga Dhadhaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors