-
Content Count
207,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Rome)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay 270 ah muhaajiriin ay ku qaraqmeen badda Mediterranean-ka maalmihii u dambeeyay. Diyaarad ay leeyihiin ciidamada badda Taliyaaniga ayaa soo gaartay goobta ay musiibadda ka dhaacday ee biyaha Liibiya. Doon ka samaysan caag ayaa sii quusaysay markii ay diyaaradaasi goobta soo gaartay. Shaqaalihii saarnaa diyaaradda ayaa waxaa u suuragashay in ay badda ka soo badbaadiyaan saddex qof ,balse waxaa halkaasi ku dhintay dad badan oo doonta saarnaa. Dadka la soo badbaadiyay ayaa labo waxa ay u dhasheen dalka Sudan ,halka midka kale uu u dhashay dalka Gambia. Dadkan badbaaday ayaa waxay sheegeen in doonta ay saarnaayeen 120 qof. Afhayeen u hadashay hay’adda qaxootiga ee UNHCR Liz Throssel ayaa sheegtay in dadka muhaajiriinta ah ay u baahan yihiin caawin. Qaramada Midoobay ayaa rumaysan in loo baahan yahay in wax dadaal ah aan lala harin marka ay soo yeerto qaaylo dhaan lagu badbaadinayo dadka ku qaraqmaya badda. Waxa ay sidoo kale Jimciyada Quruumaha ka dhaxeysa ay ku baaqday in la caawiyo maraakiibta badbaadinta muhaajiriinta si ay shaqadooda u gutaan. Flavio Di Giacomo waa afhayeen hay’adda socdaalka Qaramada midoobay ee IOM ayaa sheegay in loo baahan yahay in la furo marin ay soo maraan dadka doonaya in ay ka soo tallaaban badda Mediterranean-ka: Balse dowladda Taliyaaniga ayaa waxaa ka go’an in ay joojiso in muhaajiriinta ay soo gaaraan xeebaheeda. Waxa ay dowladda Taliyaaniga rumaysan tahay in maraakiibtaa samatabixinta ee hay’adaha ay gacan wayn siiyaan muhaajiriinta. Xukuumadda Taliyaaniga ayaa ku dooday in arrintan ay dhiirigalinayso in dad badan ay naftooda galiyaan halis. Sanaddii 2018, 2,262 qof ayaa ku dhimatay iyaga isku dayaya in ay ka soo tallaabaan badda Mediterranean si ay u gaaraan dalalka Yurub. Source
-
Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay ilaa 52 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku dileen duqeyntii shalay ka dhacday gobolka Jubada Hoose ee Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan Afrikom ayaa lagu sheegay duqeyntu ay jawaab u aheyd weerar subaxnimadii hore ee shalay Al-shabaab ku qaadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee ku sugan degaanka Baar-sanguuni. Talisku wuxuu intaasi raaciyay in gantaal lala beegsaday gaari ay saarnaayeen malayshiyaadka oo marayay meel u dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose balse aan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah.. Dhinaca kale saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ee ku sugan degaankaasi ayaa sheegay in isu’geyn wax ka badan 80 dagaallame Al-shabaab looga dilay dagaalkii shalay iyo duqeyntii ku xigtay ee lala beegsaday. Sawirro laga soo qaaday halka duqeyntu ka dhacday ayaa muujiyay gaari nooca xamuulka ah oo gebi ahaanba burburay iyo maydad badan oo dushiisa iyo hareerihiisa waran kuwaasoo qaarkood ay si ba’an u gubteen. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo war ka soo saaray duqeyntii Araare appeared first on Puntland Post.
-
Taliska Mareykanka ee Africa(AFRICOM) oo qoraal ka soo saaray duqeyn ay sheegeen inay sabtidii ka fuliyeen gobolka Jubadda dhexe, meel u dhow Jilib ayey ku shaaciyeen in Al-shabaab ay halkaasi uga dileen ilaa 52 qof. Mareykanka waxaa ay intaasi ku dareen in duqeyntan ay jawaab u aheyd weerar ay Al-shabaab ku qaadeen fariisinta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay halkaasi ku lahaayeen. AFRICOM waxaa ay leedahay ujeedkeenna waa ka hortagga in Al-shabaab aaney helin gabbaad iyo inay caqabad ku noqdaan howlaha banii’aadnimada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dawladda Itoobiya oo ku dhawaaqday go’aan culus oo ka dhan ah Dagaal-yahanka Al-Shabab Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhowaaqay in howl-gal ballaadhan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab inay dhowaan ka billaabi doonaan gudaha Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay ciidmada difaaca qaranka Itoobiya ee loo yaqaan ENDF ayaa lagu xaqiijiyey inuu jiro weerar Al-Shabaab ay sheegatay oo jimcihii lala beegsaday gobolka Baay, waxayna ballan-qaadeen jawaab buuxda. “Ciidamada Itoobiya waxay diyaarinayaan weerar baaxad weyn oo jawaab ah” ayaa lagu yidhi bayaanka ciidamada Itoobiya. Bayaanka ayaa dhinaca kale ku gacan saydhay sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in 57 Iaskari oo Itoobiyaana lagu dilay weerarka oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay, oo u dhaxeeya Baydhaba iyo Buur Hakaba ee gobolka Baay. Itoobiya ma aysan shaacin goorta ay qaadi doonto weerarkan ka dhanka ah Al-Shabaab, mana cadda in Amisom ay qeyb ka tahay iyo in kale. Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ka kooban laba qeybood, qeyb hoos-tagta Amisom, iyo qeyb hoos tagta taliska ciidamada Itoobiya. Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa qoraal usoo saaray sabtidii ku sheegay in weerarka lala beegsaday ciidamada Itoobiya lagu dhaawacay saddex askari. Caasimada Online Qaran News
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Itoobiya ayaa ku dhowaaqay in howl-gal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab inay dhowaan ka billaabi doonaan gudaha dalka Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay ciidmada difaaca qaranka Itoobiya ee loo yaqaan ENDF ayaa lagu xaqiijiyey inuu jiro weerar Al-Shabaab ay sheegatay oo jimcihii lagula beegsaday gobolka Baay, waxayna ballan-qaadeen jawaab buuxda. “Ciidamada Itoobiya waxay diyaarinayaan weerar baaxad weyn oo jawaab ah” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Itoobiya. Bayaanka ayaa dhinaca kale ku gacan seeray sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in 57 askari lagu dilay weerarka oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay, oo u dhaxeeya Baydhaba iyo Buur Hakaba ee gobolka Baay. Itoobiya ma aysan shaacin goorta ay qaadi doonto weerarkan ka dhanka ah Al-Shabaab, mana cadda in Amisom ay qeyb ka tahay iyo in kale. Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa ka kooban laba qeyb, qeyb hoos-tagta Amisom, iyo qeyb hoos tagta taliska ciidamada Itoobiya. Howl-galka ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa qoraal usoo saaray sabtidii ku sheegay in weerarka lala beegsaday ciidamada Itoobiya lagu dhaawacay saddex askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Baarlamaanka UK ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha Soomaaliya iyo dhowaad laba sano kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo waxa iska beddelay Soomaaliya. Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay 8 February 2017 ay shacabka Soomaaliay rajo badan ka muujiyeen doorashadiisii, isagoo wakhtigiisii ololaha balan qaaday inuu wada hadal la furi doono Al-Shabaab, laakiin laba sannadood ka dib waxay warbixintu tilmaamtay inuu u muuqdo in la tijaabiyay. Waxay warbixintu sheegtay in Farmaajo uu caqabado kala kulmay nidaamka federal ee dalka Soomaaliya, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo dawladiisa iyo maamul goboleedyada, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhibaatadii ka dhex dhacday dhawaan dawladda Farmaajo iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed. “Dhawaan waxa uu qalalaase siyaasadeed ka dhex jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada oo la yiraahdo Koonfur Galbeed. Doorashadii Madaxtoyada waxa la qabtay December 2018. Markii tartanka lagu jaray dawladda Soomaaliya waxay dhibaato kala kulantay hoggaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar roobow oo sidiisa ugu dhawaaqay inuu yahay murashax.” Ayay tiri warbixinta. Wxaay ay intaas raacisay “Roobow waxa la xiray 13 December, maalmo uun ka hor doorashada taas oo meesha ka saartay tartankiisii albaabadana u furtay murashaxii Farmaajo uu doonayay. Xariga Roobow wuxuu keenay degenaansho la’aan ay 5 ruux ku dhinteen. Xarigii Roobow ayay warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku tilmaantay inay abuurtay culaysyo siyaasadeed oo caalami ah kuwaas oo ay ka mid yihiin cayritna ergaygii Qaramada midoobay, mooshino kala duwan oo markii dambe wada hadal lagu dhammeeyay. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Soomaaliya dhibaato iyo dhaawacyo siyaasadeed kala kulantay markii ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka wadamada Khaliijka, laakiin waxay xustay inay Soomaaliya natiijo togan kala kulantay isbedelada uu sameeyay Raysalw asaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xaliyay khilaafka xuduudeed ee Ereteriya, taas oo keentay inuu meesha ka baxo dagaalkii ay Itoobiya iyo Ereteriya isku herdiyayeen ee ka socday gudaha Soomaaliya. Si kastaba waxa ay warbixintu sheegtay in guul uu madaxweyne Farmaajo gaaraa ku xiran tahay hadba sida uu wax uga qabto xaaladda ammaan ee gudaha Soomaaliya. Dhinaca ammaanka Soomaaliya, sannadkii 2018, waxa ay warbixintu sheegtay inay Al-Shabaab xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya. “September waxay ahayd bil gaar ah oo xun weerarada Muqdisho. Oktoobar waxay weerarareen kolonyo gaadiid milatari oo uu Midowga Yurub leeyahay oo lagu dilay saddex ruux oo meel taagnaa. Sannadka 2019 wuxuu isna ku bilaabmay si la mid ah. January 1 Al-Shaaab waxay xaqiijisay inay dib u heshay awoodda inay weeraro ka fulin karto saaxiibada Farmaajo la jaarka ah, markii ay weeraro ku qaadeen Nairobi ee ay dileen ugu yaraan 21 ruux. Wuxuu ahaa weerarakani kii ugu balaarnaa ee ay Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo weerarkii jaamacadda Garisa ee 205 oo lagu dilay 150 ruux.” Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka UK waxay sidoo kale taabatay xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, tan iyo markii uu xukunka qabtay Farmaajo, oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo ilaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xiriirka Somaliland. “Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda guul kamuu gaarin wanaajinta xiriirka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay November 2017 qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Murashaxii laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii.” sidaas ayay warbixintu tiri. Waxa kale oo ay warbixintu soo hadal qaaday xiisadda mar walba ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukoraq oo ay dad badani ku dhinteen, “Dedaal wada xaajood oo si rasmi ah loogu samayn lahaa xabad joojin ayaan guulaysan.” Ayay tiri warbixintu. Warbixintu waxa kale oo ay soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay, “Madaxweyne Biixi ayaa dib u dhigtay March 2018 wada hadalada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in dib loo bilaabo markii ay hakad ku jireen muddo. Ilaa hadda, ma muuqato calaamad muujinaysa inay wada hadaladu dib u bilaabmaan.” Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday go’aan yaab leh, oo ah in ay hubeyn doonto ganacsatada dalkaas, ayada ilaalada gaarka ah ee xarumaha ganacsiga, oo hadda aan hub haysan la siin doono, kadib weerarkii talaadadii ka dhacay Hotelka DusitD2 ee xaafada Riverside ee Nairobi. Go’aankan ayaa durba waxaa shaki ka muujiyey dad badan, ayaga oo sheegay in tani ay keeni karto halis kale oo ah in ilaada ay hubka si qaldan u adeegsadaan kuna waxyeeleeyaan shacabka. Howlgalka ay ciidamada amniga kenya uga falceliyeen weerarkaan ayaa qaatay 18 saac waxaana ku dhintay 21 ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha dalka xiriirna la leh ururka al Qaacida ayaa sheegatay mas,uuliyada weerarkan. Agaasimaha waaxda ilaalada amniga gaarka ah Mr Fazul Maxamed ayaa sheegay in la hubeyn doono waardiye yaasha si ay u sugaan amniga dadweynaha. Balse waxaa tababaro iyo dib eegis lagu sameyn doonaa goobaha u baahan iyo mushaarka ay qaataan waardiye yaasha si uusan dhib uga dhalan mustaqbalka Fog. Weerarkii talaadada ayaa waxaa kaloo ku dhintay laba nin oo ka mid ahaa ilaalada aan hubeysneyn ee ku sugnaa dhismaha la weeraray. Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo sanadihii la soo dhaafay uu sii kordhayay baaqa loo jeedinayo xukuumada kenya ee ku aadan in ay hubka u sharciyeyso ilaalada xarumaha iyo shrikada Ganacsi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Ku dhawaad 30 sano iyo halgan dheer oo ka horreeyey, Gobolada Waqooyi ee Somaliland hadda loo yaqaan ee Soomaaliya waxaa u suuragashay in ay ka madax bannaanaadaan maamulka Koonfurta Soomaaliya. Waxa ay 1961-kii isku dayeen afgambi noqon lahaa kii ugu horreeyey ee ka dhaca Qaaradda Africa balse fudeyd iyo waayo aragnimo yari ayaa ka dhiciseeyey. Hase ahaatee, halgan ay la galeen Kacaankii oo ay uga daydeen kagana dhiirgalin qaateen SSDF ayaa u suuragaliyey in ay 1988 gudaha u soo galeen dhawr magaalo oo dhulkaas ka mid ah sida Burco iyo Hargeysa, yeelkeede, Kacaankii oo itaal yari kulansaday oo laga eryey Koonfurta Soomaalida iyo Caasimada Muqdisho ayaa u fududeeyey in dhistaan bilowgii sagaashamaadkii maamul ay markii dambe ku sheegeen in ay aqoonsi uga raadinayaan dunida! Qolada aan ka hadlayo waa nidaamka hadda ka jira Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi oo ka mid ahaa dableydii falaagada (Jabhad/rebel group ) ahayd ee loo yaqaanay SNM. Falaagadaas , siyaasiyiin iyo odayaasha dhaqanka ee qaar ka mid ah gobolladaas shirar ay isugu yimaadeen Burco iyo Boorame waxa ay ku yegleeleen maamul ay u bixiyeen Somaliland iyaga oo ujeedoodu ahaa in ay soo celiyaan wax ay ugu horreen dal uu Ingiriis dhaxal ahaan uga tagay balse ay sal fudeed ugu hadiyeeyeen Koonfurta Soomaaliya oo ay la midoobeen! Hadaba maxaa seegay oo ay eedeen? Waa dhab oo waxaa ilaa iyo manta ay raadinayaan aqoonsi aduunka kale, balse waxaaba dhib ku noqday magacii ay la bexeen. Somaliland – magacaas waxa uu leeyahay saddex macno oo haddii lagu darayo magacyo saddex dal oo Yurub ah kaliya ku kala duwan wadamadaas reer Yurub! Waa British Somaliland, French Somaliland iyo Italian Somaliland! Saddexdaas dal waa kuwii kala guumeysanayey dhulalkaas Soomaaliyeed waagii adoosiga. Garashada magaca Somaliland waa dhulkii Soomaalida! Oo haddii ay sidaas tahay, soo kama habbooneyn si looga sooco Soomaaliya, midda Koonfureed in ay la baxaan magac fududeynaya arrintaas? Muxuu noqon karay? Puntland! Haa, Puntland haddii ay qaadan lahaayeen, waxaa hubaal ah in maanta xoogaa arrintooda sida hadda tahay ka gedisnaan lahayd. Soo hadda maamul looma yaqaan magacaas? Haa, balse waagaas maamulka hadda adeegsada ma abuurneed oo waliba ma soo dhaweyn! Waxaa turuqa loo aasay 1998-kii halka qolada uu seegay la dhisay 1991-kii. Magaca Puntland ugu yaraan waxa uu ka taageeri lahaa, iska daa dadyowga aduunka kale ee, xataa dhallinyarada Soomaalida ah ee aan siyaasadda garashada wacan ka haysan oo ilaa iyo maanta u haysta Somaliland ama gobol maamulka Muqdisho hoos yimaada ama la mid ah Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland! Miyeysan run ahayn in fallaagadii gundhigga u ahayd in Somaliland la dhiso seegay oo ay eedeen magaca PUNTLAND! W/Q: Nuur Axmed Ciise Nairobi, Kenya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Dhalinyaradu waa jiilka mustaqbalka ay ummad kasta ku tashato. Waxay muhiim u yihiin dadka iyo dalka. Sidaas daraadeed, ayey waddamada horumaray, waxay amin iyo enerji geliyaan dhalinyarada, sida caafimaadkooda, waxbarashadooda iyo mustaqbalka waxa ay noqon lahaayeen. Dhalinyaradu, waxaa laga ilaaliyaa inay siyaasadda faraha lasoo galaan, maxaa yeelay waxey leeyihiin awood balaaran oo aan loo babac dhigi Karin. Si looga weeciyo, ayaa lagu mashquuliyaa, waxbarashadada, xirfadaha, sportis-ka sida, ciyaaraha kubada cagta, sido kale waxaa lagu jeediyaa waxyaabaha maadda ah sida, daawashada aflaamta, muusikada, tartamada IWM. Soomaaliya, tan iyo buburkii dowladdii kacaanka, dhalinyaradu waxay ahaayeen kuwa loo adeegsaday duminta dowladnimada, dagaaladii dalka ka dhacay, sidoo kale colaadihii sokeeya ee dalka soo maray. Waxayna inta badan ahaayeen kuwa loo adeegsado qaab qabiil iyo qaab kooxo diimeed. Haddaba waayahan danbe, waxaa si aad ah usoo batay dhalinyaro si xowli ah uga qeyb qaadanaya siyaasadda dalka af iyo adinba. Qaarkood ayaa xilal ka haya dowladda, qaar waa mucaarad, qaarna si toos iyo si dadban ayey uga qeyb yihiin siyaasadda. Dhaba ahaanti, waa wax fiican in dhalinyaradu siyaasadda soo galaan xilalna ka qabtaan, laakin waqtigan la joogo sidaas si ka duwan ayey ugu milanyihiin siyaasadda. Waxa ay weli dhibane u yihiin siyaasiyiin daneysta ah, Iyadoo keliya tixgelin la siiyo xilliyada loo baahnyahay. Waxa ay noqdeen hubka loo adeegsado xasaradaha markaas dalka ka taagan. Sido kale Waxay noqdeen xaabo dabka lagu sii holciyo. Haddaba maxaa sababay inay dhalinyaradu si khaldan ugu milmaan siyaasadda? 1) – Qabyaalad Qabyaaladda oo ah cudurka ugu daran ee soomaalida ku habsaday ayaa misana noqday mid dhalinyarada saameyn weyn ku yeeshay. Tusaale; waxaad ku arkeysaa baraha bulshada, dhalinyaro si indho la’aan ah u garab taagan siyaasi ku heyb ah, iyagoo amaantiisa iyo difaaciisa har iyo habeen heegan uga jira khalad iyo saxba. Danta guudna waxaa kala weyn danta gaarka ah ee beeshooda. Waxeyna noqdeen qaar u adeega iyo qaar u alalaasa. Waxaana taas ugu wacan, iyadoo aysan dhalinyaradu helin dowlad baahidooda daboosha. 2) – Shaqo la’aan Somaaliya, oo dhalinyarada lagu qiyaaso inay yihiin %70, haddana waxaa dalka ka jirta shaqo la’aan aad u baaxad weyn, taasoo sababtay, dhalinyaradu inay noqdaan kuwa ku mashquulay howlo kale. Waxayna dhalinyarada qaar ku milmeen siyaasadda iyagoo u arkay fursad ay xil iyo xoolaba ku heli karaan. Waxay sido kale keentay in qaarkood inay shaqaaleysiiyaan siyaasiyiin iyaga ku heyb ah, si fikirkooda u faafiyaan amaba afkooda iyo aqoontooda wax loogu dhaliilo ama loogu dumiyo, xoogaa dhaqaale ahna lagu siiyo. Qaarna ciddii dhaqaalo siisa ayey u carab laalaadiyaan, hadba howshii la doono ayaana loo adeegsadaa. 3) – Duruufo dhaqaale Maadaama shaqo la’aan baahsan dalka ka jirto, dhalinyarada waxaa heysta duruufo dhaqaale, sidas daraadeed, qaarkood ayaa si dadban iyo si toos ayey dhaqaalo uga hela siyaasiyiin ku heyb ah. Tusaale; dhalinyarada qaarkood ayaa waxaa dhaqaalaha waxbarashada ka bixiya siyaasiyiin ay isku heyb yihiin, sido kale qaarkood waxaa shaqooyin usoo dhameeya isla siyaasiyiinta. Waxayna arrintaas keentaa, in dhalinyaradaas ay toos ugu milmaan siyaasadda, iyagoo usoo ceel joogsada difaacidda iyo amaanta siyaasigaas, maadaama uu ka caawiyay dhaqaalaha waxbarasho iyo geynta goobo shaqo. MAXAA XAL AH? Dhabcan xalka ma ahan mid shaqsi, qabiil ama koox gaar ah ay keeni karto, laakin waa mid looga fadhiyo dowladda Soomaaliya inay dhalinyarada xal u keento, si looga faa’ideysto awoodooda. Waxaana xalka kusoo koobay qodobadan, iyadoo ka badan ay jiri karaan. A) – In dhalinyarada lagu wacyigeliyo qiimaha dowladnimada, sido kale lagu dhiirrageliyo ka shaqeynta danta guud. Lana tuso in reerkiisa in soomaali oo dhanba wax u qaban karo haddii uu si dhab ugu soo jeesto. B) – In shaqooyin loo abuuro. Dhabcan, shaqa abuuristu waxay keeneysaa in dhalinyaradu dareemaan mas’uuliyad, taasoo ka dhigan in waqtigooda ay inta badan ku bixiyaan baraha bulshada iyo ka hadalka micnadarada ay soo yaraan karaan. Waxaa ay dhalinyarada helayaan dhaqaalo ay kaga maarmaan inay cid gaar hoos joogaan, laguna fushado dano gaar ah. C) – In laga caawiyo waxbarashada. Waxbarashadu waa waxa keliya dhalinta ka saari kara jahliga, misana gaarsiin kara inay wax istaraan bulshada waxtaraan. Sido kale, in loo furo goobo waxbarasho oo lacag la’aan ah ama ka jaban kuwa gaarka loo leeyahay. W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.com Facebook: Abdinasir.safaana Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
War hada nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in isku shaan dhayn lagu sameeyey Golaha wasiirada ee xukumadda Farmaajo lana badalay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir. Isku-shandheyn Golahu Wasiirada. Ra’ Wasaare Ku-xigeenka Xil. Maxamed Cabdi Xayir maareeye 1. Wasiirka Gaashaandhiga Xil. Xuseen Carab Ciise 1. Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xil. C/wahab Ugaas Khalif 3. Wasiirka Haweenka Xil. Fowzia Maxamed Sheekh 4. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xil. Khalif Cabdi Cumar 5. Wasiirka Arrimaha Gudaha C/samed Macalin Maxamuud 6. Wasiirka Amniga Cabdi Jiibow Calasow 7. Wasiirka Cadaalada Xuseen Cusmaan Xuseen 8. Wasiirka Tamarya Macdanta iyo Biyaha Xil. Daahir Amiin Jeesow 10. Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federalka Xil. Zakariye Xaaji Maxamuud 11. Wasiirka Ganacsiga it Warshadaha Prof. Xuseen Warsame Wasiiru Dowlayaal 1. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Amniga Fahad Yasin Daahir 2. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Bishaar Ugaas Ibraahim 3. Wasiiru Dowlaha kaluumeysiga Xil. C/karim dhalac 4. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dastuurka Dr. Maxamed Beekoos 5. Wasiiru Dowlaha Xukuumadda & xiriir ka Baarlamanka C/qaadir Maxamed Nuur Jaamaca 6. Wasiiru Dowlaha Arrimaha bii’adda Prof. C/laahi sheekh Cali Qaloocow 7. Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha Cabdi-Saciid Muuse Wasiirka Ku-xigeeno 1. Wasiirka Ku-xigeenka Wasaarada Diinta Xil. Xasan jimcaale 2. Wasiirka ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Xil. C/Rashid xidig 3. Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Xil. Yusuf Xayle 4. Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xil. Xuseen Qaasin Yuusuf iidow 5. Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda howlaha Guud Xil. C/saabir Shuuriye 6. Wasiirka Ku-xigeenka Ganacsiga Xil. C/qaadir Carabow Ibraahim 7. Wasiirka Ku-xigeenka Warfaafinta & hanuuninta Dr. Liibaan Aadan Obsiye Taliyaha Ciidanka Xooggan Dalka General Maxamed Cali Catoosh Taliyaha Ciidanka Sirdoonka General Khalif Axmed Ereg Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Amb. Maxamed Cali Nuur Qaran News
-
Cali Guray oo sheegay in SNM laga istaaqfurulaysto haddii sidan wax u sii socdaan. Hoos ka akhriso qoraalka uu ku baahiyay Bartiisa Facebook. SNM dembiilayaal Qaran bay ahaayeen baa lagu socdaa haddii intii Siyaad Barre samayn jirayba ay xalaal tahay Maanta oo lagu faanayo. Hee, daacad shalay markii la i xidhayayna cadaalad bay ahayd ayaa ka dhiman xuuto warkiisa. Muxuu ka hadlayaa dalku sharci buu leeyahay cidda sharciga ku xadgudubtay ma bilayskaa mise waa Cali Seenyo?. Dawladnimadu waa in sharcigu shaqeeyo oo xukunku uu noqdo qaynuunka ee aanu noqonin qofka. Yaa yidhi Ina Fadal adiga ayaa qaynuunka ka sareeya. Ina Fadal waa u caado ee ceeb kuma aha inu sharciga ka hiilayo sharci darradana u hiilyo. Waryaada dhegaysta Siyaad Barre sax buu ahaa ee SNM baa gardarnayd oo dawlad dhan iyo dal dhan burburisay anigu qaadan kari maayo marka wixii Siyaad Barre aan ku diiday oo dhan maanta la igu yidhaa sax bay ahaayeen ee la xalaashado. Hadii wixii Siyaad Barre lagu diiday ee dalka dhan loo burburiyay sax ahaayeen aynu qirano in SNM dembiilayaal qaran ahayd waa taa ta lagu socdaaye ee la isu qurxinayo sacabkana la isugu tumayaaye. Qaran News
-
(SLT-Hargaysa)Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) oo ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ka hadlay talaabooyinka xadhiga ah ee ay xukuumadu qaadayso. Siyaasi Cali Guray oo fariin ku baahiyey bogiisa Facebook ayaa sheegay in haddii la xalaashado wixii Siyaad Bare samayn jiray ay dembiilayaal qaran lagu sheegi doono jabhadii SNM, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:- SNM DEMBIILAYAAL QARAN BAY AHAAYEEN BAA LAGU SOCDAA HADII INTII SIYAAD BARRE SAMAYN JIRAYBA AY XALAAL TAHAY MAANTA OO LAGU FAANAYO Hee daacad shalay markii la i xidhayayna cadaalad bay ahayd ayaa ka dhiman xuuto warkiisa. Muxuu ka hadlayaa dalku sharci buu leeyahay cidda sharciga ku xadgudubtay ma bilayskaa mise waa Cali Seenyo?. Dawladnimadu waa in sharcigu shaqeeyo oo xukunku uu noqdo qaynuunka ee aanu noqonin qofka. Yaa yidhi Ina Fadal adiga ayaa qaynuunka ka sareeya. Ina Fadal waa u caado ee ceeb kuma aha inu sharciga ka hiilayo sharci darradana u hiilyo. Waryaada dhegaysta Siyaad Barre sax buu ahaa ee SNM baa gardarnayd oo dawlad dhan iyo dal dhan burburisay anigu qaadan kari maayo marka wixii Siyaad Barre aan ku diiday oo dhan maanta la igu yidhaa sax bay ahaayeen ee la xalaashado. Hadii wixii Siyaad Barre lagu diiday ee dalka dhan loo burburiyay sax ahaayeen aynu qirano in SNM dembiilayaal qaran ahayd waa taa ta lagu socdaaye ee la isu qurxinayo sacabkana la isugu tumayaaye. Source
-
(SLT-London)Arsenal ayaa guul dahabi ah garoonkeeda Emirates Stadium kaga gaadhay kooxda ay magaalada London ka wada dhisan yihiin ee Chelsea waxaana Gunners guushan muhiimka ah ku hogaamiyay Lacazette iyo Laurent Koscielny oo qaybtii hore ee kulankan min hal gool dhaliyay. Arsenal ayaa tubta guusha ku soo laabatay waxayna ka soo kabsatay guuldaradii West Ham ka soo gaadhay todobaadkii hore iyada oo Gunners sare u soo qaaday rajadeeda kaalinta afraad ee Premier league. Arsenal ayaa yeelatay 44 dhibcood waxayna wali isku dhibco yihiin Man United oo iyaduna guul ka gaadhay Brighton. Laakiin Manchester United ayaa sidoo kale faa’iido ka heshay guusha ay Arsenal gaadhay maadaama oo ay saddex dhibcood oo kaliya ku soo koobtay farqiga dhibcaha ee ay kaalinta afraad u jirto waxayna hadda si buuxda u muuqataa in Man United, Chelsea iyo Arsenal ay noqdeen saddex kooxood oo kaalinta afraad si waali ah ugu dagaalami doona. Arsenal ayaa hadda heshay guul ay kalsoonida kooxdeeda dib ugu soo celin karto iyada oo waliba saddex dhibcood oo kaliya u soo jirsatay Chelsea oo kaalinta afraad ku jirta waxayna Gunners heshay fursad ay dagaalka kooxdeeda ee kaalmaha sare ku sii xoojisay. SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KKULANKAN: CHELSEA (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, David Luiz, Marcos Alonso; N’Golo Kante, Jorginho, Mateo Kovacic; Pedro, Eden Hazard, Willian. KAYDKA: Ross Barkley, Willy Caballero, Olivier Giroud, Callum Hudson-Odoi, Andreas Christensen, Emerson, Ethan Ampadu. ARSENAL (4-3-3): Bernd Leno; Hector Bellerin, Sokratis Papastathopoulos, Laurent Koscielny, Sead Kolasinac; Lucas Torreira, Granit Xhaka, Matteo Guendouzi; Aaron Ramsey, Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang. KAYDKA: Petr Cech, Mohamed Elneny, Mesut Ozil, Ainsley Maitland-Niles, Alex Iwobi, Nacho Monreal, Shkodran Mustafi. Arsenal ayaa heshay goolkeeda furitaanka ee dhibaatada wayn ku noqday Chelsea kadib markii uu Lacazette awooday in uu dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay difaaca midig ee Hector Bellerin wuxuuna Lacazette ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Gunners si qurux badan ciyaarta ugu bilaabtay. Laakiin Chelsea ayaa isku dayday in ay jawaab ka bixiso goolka looga naxsaday balse waxaa hor taagnayd koox si buuxda ugu soo diyaar garowday in ay saddexda dhibcood ee kulankan ku hesho garoonkeeda isla markaana dagaal xoogan ku jirtay. Daqiiqadii 39 aad Arsenal ayaa jamaahiirta kooxdeeda Emirates Stadium qaab qiiro ah ku riday kadib markii uu difaaca dhexe ee Koscielny uu awooday in uu dhaliyo goolka Blues wadnaha sii gooyay ee labaad waxaana caawinta goolkan sameeyay Sokratis waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Arsenal ku heshay goolka labaad ee kalsoonida. Chelsea ayaan qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigin Emarites Stadium qaybtii hore ee kulankan laakiin daqiiqadii 45 aad Blues ayaa ugu dhawaatay in ay shaqa Gunners gaadho kadib markii uu Marcos Alonso birta u garaacay Arsenal waxayna kooxda Sarri la kulantay nasiib daro ay iskaga soo yarayn kartay goolasha laga dhaliyay. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid u socotay qaabkii uu Unai Emery ka doonayay iyada oo qaybtii hore lagu kala nastay 2-0 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku haysay isla markaana uu Blues culayska ugu wayni saarnaa in ay soo laabto. Daqiiqadii 63 aad ee qaybtii labaad ee ciyaarta markii ay Chelsea wax horumar ah samayn wayday ayuu Sarri ciyaarta soo galiyay Ross Barkley isaga oo saaray M. Kovačić laakiin Arsenal ayaa wali ahayd kooxda sida xoogan u joojinaysay weerarka Blues ee soo laabashada ugu hawl jiray. Laakiin daqiiqadii 68 aad Emery ayaa shaxdiisa laba isbadal oo isku mar ah sameeyay wuxuuna ciyaarta ka saaray Lacazette iyo Aaron Ramsey isaga oo kooxdiisa ku soo xoojiyay A. Maitland-Niles iyo Alex Iwobi waxayna ciyaartu sii ahayd qaabkii qaybtii hore lagu kala nastay ee ay Gunners labada gool hogaanka ku haysay. Sarri ayaa isla waqtiga badalka Arsenal isna ciyaarta ku soo tuuray xidigii hore ee Arsenal ee Olivier Giroud si uu iskugu dayo in uu goolal ku raadiyo kooxdiisii hore ee Gunners waxaana la saaray Willian. DAQIIQADII 72 aad Arsenal ayay musiibo dhaawac ahi soo gaadhay waxaana garoonka dhaawac culus looga dhex qaaday difaaca midig ee Hictor Bellerin waxaana ciyaarta la soo galiyay Mohamed Elneny. Arsenal ayaa baroosinka sii adkaysatay waxayna cadho ku abuurtay Chelsea oo garan la’ayd qaabkii ay shabaqa Leno ku gaadhi lahayd. Tobankii daqiiqo ee ciyaart ugu danbeeyay Sarri ayaa da’yarka C. Hudson-Odoi ciyaarta soo galiyay wuxuuna saaray Pedro Rodriguez oo aan saamayntii looga bartay ciyaarta ku yeelan waxayna Gunners markan awoodeeda iskugu gaysay in ay natiijada ilaashato. Wax walba oo ay Chelsea iskugu dayday in ay goolal keensato ayaa noqday fashil waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-0 ay Arsenal ku garaacday kooxda Sarri iyada oo waliba Gunners saddex dhibcood u soo jirsatay kaalinta afraad ee Blues ku jirto. Source
-
Sanguuni (Caasimadda Online) – Maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa goordhow baahiyey sawirrada weerarkii aroornimo ee saaka lagu qaaday saldhigga ciidamada Jubbaland iyo kuwa Federalka ee deegaanka Baar-Sanguuni. Waxaa la arkayaa holac iyo uuro ka baxeysa xerada, Meydadka askar daadsan goobihii lagu dagaalamay, iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo hub iyo saanad ciidan ka daabulanaya saldhigga. Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 41 askari, laguna soo furtay gaari Cabdi Bile ah oo ku rakibnaa qori dhashiike ah iyo saanad ciidan oo hub iyo agab military u badnaa. Sarkaal u hadlay Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii ka bad-baaday weerarka oo isku dayey in ay u baxsadaan dhanka Buula-Gaduud iyaguna lala eegtay qarax gaari oo lagu diyaariyey wadada dhinaceeda. Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___Qubanaha-190119.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Turkey ayaa kulan la qaatey ku simaha agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka dalka Turkey. Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen agaasimaha guud wasaaradda amniga, u qeybsanaha socdaalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey safaaradda Soomaaliya ayaa looga wada hadley iskaashi laga yeesho socdaalka, isdhaafsiga xogaha iyo khibradaha. Xariirka Soomaaliya iyo Turkey ayaa ah mid sii xoogeysanaya oo dhinacyo badan leh, waxaana jira isku socod dhinacyada dadka iyo ganacsiga ah oo ka dhaxeeya labada dal. Agaasimaha guud ayaa sidoo kale booqdey safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Turkey, isaga oo kulamo la qaatey madaxda safaaradda iyo saraakiisha socdaalka ee ka howlgala. Dowladda Soomaaliya ayaa xoojineysa xariirka iyo wadashaqeynta dalalka caalamka. The post Soomaaliya iyo Turkiga oo iskaashi ka yeelanaya socdaalka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa qoraal ay soos aartay goor-dhow ku sheegtay sidii uu ku yimid weerarkii cuslaa ee maanta ay ku dileen dagaal-yahanno badan oo ka tirsan Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka Africa ee Africom ayaa lagu sheegay in weerarkaas oo ka dhacay meel u degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, lagu taageerayey dowladda Soomaaliya. Waxaa qoraalka lagu sheegay in weerarka uu yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kadibna Mareykanka uu taageero deg deg ah u fidiyey. Mareykanka waxa ay sheegeen in weerarka ay ku dileen 52 ka tirsan maleeshiyada ururka Al-Shabaab. Mareykanka waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in ayaga oo kaashaanaya dowladda Soomaaliya ay Shabaab ka hor-istaagaan inay helaan gabbaad ay ku dhisaan awood ay ku fulin karaan weeraro ka dhan ah shacabka Soomaaliya. Waxaa qoraalka lagu sheegay in si gaar ah, Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay yihiin halka ugu xooggan ay Shabaab ay ku diyaariyaan shirqooladooda, laguna beegsan doono. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
-
Baarlamaanka Ingiriiska ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba xidhiidhkooda oo aan wanaagsananayn. Warbixintan ayaa sidoo kale waxa lagu soo hadal qaaday socdaalkii uu dhawaan Hargeysa ku yimid xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska iyo arrimo kale. Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo la doortay 8 February 2017 ay shacabka Soomaaliay rajo badan ka muujiyeen doorashadiisii, isagoo wakhtigiisii ololaha balan qaaday inuu wada hadal la furi doono Al-Shabaab, laakiin laba sannadood ka dib waxay warbixintu tilmaamtay inuu u muuqdo in la tijaabiyay. Waxay warbixintu sheegtay in Maxamed Farmaajo uu caqabado kala kulmay nidaamka federal ee dalka Soomaaliya, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo dawladiisa iyo maamul goboleedyada, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhibaatadii ka dhex dhacday dhawaan dawladda Farmaajo iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed, “Dhawaan waxa uu qalalaase siyaasadeed ka dhex jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada oo la yidhaahdo Koonfur Galbeed. Doorashadii Madaxtoyada waxa la qabtay December 2018. Markii tartanka lagu jaray dawladda Soomaaliya waxay dhibaato kala kulantay hoggaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar roobow oo sidiisa ugu dhawaaqay inuu yahay murashax.” Ayay tidhi warbixinta oo intaas raacisay “Roobow waxa la xidhay 13 December, maalmo uun ka hor doorashada taas oo meesha ka saartay tartankiisii albaabadana u furtay murashaxii Farmaajo uu doonayay. Xadhiga Roobow wuxuu keenay degenaansho la’aan ay 5 ruux ku dhinteen. Xadhigii Roobow ayay warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku tilmaantay inay abuurtay culaysyo siyaasadeed oo caalami ah kuwaas oo ay ka mid yihiin caydhitna ergaygii Qaramada midoobay, mooshino kala duwan oo markii dambe wada hadal lagu dhammeeyay. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Soomaaliya dhibaato iyo dhaawacyo siyaasadeed kala kulantay markii ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka wadamada Khaliijka, laakiin waxay xustay inay Soomaaliya natiijo togan kala kulantay isbedelada uu sameeyay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xaliyay khilaafka xuduudeed ee Ereteriya, taas oo keentay inuu meesha ka baxo dagaalkii ay Itoobiya iyo Ereteriya isku herdiyayeen ee ka socday gudaha Soomaaliya, waxase ay warbixintu sheegtay in guul uu farmaajo gaadhaa ku xidhantahay hadba sida uu wax uga qabto xaaladda ammaan ee gudaha Soomaaliya. Dhinaca ammaanka Soomaaliya, sannadkii 2018, waxa ay warbixintu sheegtay inay Al-Shabaab xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, “September waxay ahayd bil gaar ah oo xun weerarada Muqdisho. Oktoobar waxay weerarareen kolonyo gaadiid milatari oo uu Midowga Yurub leeyahay oo lagu dilay saddex ruux oo meel taagnaa. Sannadka 2019 wuxuu isna ku bilaabmay si la mid ah. January 1 Al-Shaaab waxay xaqiijisay inay dib u heshay awoodda inay weeraro ka fulin karto saaxiibada Farmaajo la jaarka ah, markii ay weeraro ku qaadeen Nayrobi ee ay dileen ugu yaraan 21 ruux. Wuxuu ahaa weerarakani kii ugu balaadhnaa ee ay Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo weerarkii jaamacadda Garisa ee 205 oo lagu dilay 150 ruux.” Somaliland Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka Ingiriisku waxay xoogay ka taabatay xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo ilaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xidhiidhka Somaliland “Madaxweyne Farmaajo ilaa hadda guul kamuu gaadhin wanaajinta xidhiidhka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay November 2017 qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Murashaxii laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii.” sidaas ayay warbixintu tidhi. Waxa kale oo ay warbixintu soo hadal qaaday xiisadda mar walba ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukoraq oo ay dad badani ku dhinteen, “Dedaal wada xaajood oo si rasmi ah loogu samayn lahaa xabad joojin ayaan guulaysan.” Ayay tidhi warbixintu. Warbixintu waxa kale oo ay soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay, “Madaxweyne Biixi ayaa dib u dhigtay March 2018 wada hadalada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in dib loo bilaabo markii ay hakad ku jireen muddo. Ilaa hadda, ma muuqato calaamad muujinaysa inay wada hadaladu dib u bilaabmaan.” Warbixintu waxay sheegtay in dawladda Ingiriisku taageero kala duwan u fidiso Somaliland iyo Soomaaliya labadaba, waxaanay soo hadal qaaday socdaalkii uu dhawaan Hargeysa ku yimid xogyahaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson, “Xoghayaha gaashaandhiga Ingiriiska Gavin Williamson ayaa horaantii January ee sanandkan wuxuu socdaal ku tagay Somaliland. Waxa jiray warar ay saxaafadu baahisay oo aan la xaqiijin oo ah in mid ka mid ah qodobada laga wada hadlay ahaa sidii uu Ingiriiska saldhig milatari ugu samaysan lahaa dekedda Berbera. In sidan la sameeyaa waxay sii adkaynaysa xaqiiqda ah in dawladda Farmaajo ee Muqdisho ay si adag uga hor iman karto..” Ayay tidhi warbixintu. Source Geeska Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-190119.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kolkaa ma ka filaysaa in abtirsiin-raac faaido cid u keeno, halka Afrika oo dhami ka baqatay isir-raac (ethnicity). Marka ay timaado xuduudaha taariikhiga ah, ma aha xuduudii isticmaarku ka tegay oo keliyi, inay tahay mid taariikhi ah. Waxa kale oo xuduudo taariikhi ah noqon kara 8dii gobol ee ka jiray dalka 1960kii ilaa 1972dii. Ogow, sannado tirsan mooyee, isku gobol ma noqon Garoowe iyo Lascaanood; Buuhoodle waxay ku jiri jirtay Burco; Badhan iyo Laasqoray-na Ceerigaabo. Bal aan yar xusno iraadada dadka ku nool degmooyinkaa kor ku taxan. Waxa kuu soo bixi in qudhoodu ku kala feker duwan yihiin mustaqbalka degaankooda ku dambaynayo: qaar u janjeedha Garoowe iyo kuwo Hargeyasa u xagliyaba way leeyihiin. Waxa se ay aqalabiyadoodu ganafka ku dhufteen ama werewer weyn ku haya gooni goosashada Somaliland, cabsi ay ka qabaan aqaliyad ay ku noqdaan Somaliland, kana xadhig furmaan tolkood. Taas oo loo macnayn karo ma diidana Somaliland ee gooni- is-taagga Somaliland ayaa qalaynaya. Ururka Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Gallayr– oo iyagu markii hore qabay inay ka madax banaan yihiin Puntland iyo Somaliland ba, waxaay talo ku deysteen in maamul hoosaad la sameeyo, hoos taga Somaliland; iyadoo aanay ka tanaasulin midnimada Jamhuuriyaddii Soomalida. Cali waxa uu is tusay in fursadda Somaliland aqoonsi caalami ah ku heshaa aad iyo aad u yar tahay; kol ay ahaatana mar uun ku soo noqonayso xayndaabka Jamhuuriyah Somaliyah; sidaa darteed lagu sii nasto Somaliland. Nuxurka munaaqashadani waxay ku soo arooraysaa maamul abtirsiin ku salaysani waa derbi dab ka holcaayo. Marka aad la deris noqoto maamul doonaya in uu kaa goosto dadkii aydin isku abtirsiinta sheeganayseen waa dabkii holcayey oo bensiin lagu sii shubay. Haddii Somaliland, fekrad ama mabda’ ahaan, si uun, ay ugu soo noqoto xayndaabka Jamhuuriyah Somaliyah, waxa aan qabaa in la demin karo dabkaas; lana baajin karo dhiig, naf iyo barakac dambe oo ka dhex-dhaca Puntland iyo Somaliland. Haddii taa la helo, ma jirto sabab caqli gal ah oo ay Puntald muran iyo colaad ku sii wadaa. Puntland iyo Somaliland waa labo maamul oo ahaa muddo dheer labo nuur oo Somalidu ku soo hirato. Laakiin haddii ay sii socota colaadda ka dhex aloosani waxa looga aayi doonaa waa iftiinkaas ka shidan Garoowe iyo Hargeya oo isla dama. Ilaah baan ka magansanay. Inta muran iyo colaadi ka dhex aloosan tahay labadan maamul, Somaliland aqoonsi caalami ahi ka dheer, Puntland-na dawladnimo si wacan u shaqaysaa ka dheer. Wadahadalada Xamar iyo Hargeysa ee la filayo inay dhacaan, ma ku soo celin doonaan Somaliland xayndaabka jamhuuriyaddi Soomaliyeed ee dhalatay 1960kii? Haddii jawaabtu haa tahay, waa sida keliya ee Hargeysa Ingiriis kaga baaqanayso, Garoowe-na Talyaani, nabad waartana lagu heli karo (Idan Alle). Wa Bilahi Towfiiq Maxamuud Cabdillahi Axmed London, UK Maxamuudaxmed@live.com 18/01/2019 Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in in kabadan 60 ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab lagu dilay duqeyn lagula eegtay inta u dhaxeysa Sanguuni iyo buundada Araare ee gobolka Jubbada Hoose. Maleeshiyada duqeynta lagu dilay ayaa qeyb ka ahaa maleeshiyooyin badan oo saaka waabarigii weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin xerada Baar Sanguuni oo qiyaastii 50 dhinaca waqooyi kaga began magaalada Kismaayo. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in xaradaasi uu kadhacay dagaal culus oo dhexmaray labada dhinaca, khasaare dhimashada dhaliyay. Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada al-Shabaab ay muddo kooban qabsadeen xerada, balse markii danbe laga saaray kadib markii ciidanka federaalka iyo jubbaland uu gurmad u yimid. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegaya in DIYAARAD loo malaynayo in Maraykanku uu leeyahay ay beegsatay baabuur ay saarnaayeen maleeshiyada al-Shabaab oo marayay meel u dhow deegaanka Sanguuni iyo Buundada Araare. Warbaahinta kooxda al-Shabaab ayaa iyaguna dhinacooda sheegay in maleeshiyadu ay qabsadeen xerada Baar Sanguuni, halkaasina ay ku dileen sida ay sheegteen 41 ka tirsan ciidanka federaalka iyo kuwa Jubbaland, sidoo kalena qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan ayaa sheegay in isaga uu ka mid yahay dadka sida weyn wax looga sheegto, hase yeeshee uu dalbanayo in la cafiyo. “Waxaan dalbanaa in la i cafiyo waxaan ahay qofka ugu badan ee wax laga sheegto, aniga waan idin cafiyey ee shacbaka Soomaaliyeedow idinkana i cafiya” ayuu yiri Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan. Hadalakan ayaa ku soo aadaya saacado kadib markii garoonka kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee magaalada muqdisho uu Muxaadaro Ciwaankeedu ahaa ”Cafi walaalkaa” uu ku qabtay Sheekh Maxamed Sheekh Ibraahim (Kenyaawi) Hoos ka daawo Muqaalka oo dhameystiran
-
Popular Contributors