-
Content Count
207,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa shaaciyey in ugu dambeyntii shacabka Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay Isgoyska Zoobe ee Muqdisho looga aarguday Al-Shabaab. Axmed Madoobe ayaa sheegay in jabkii gaaray Shabaabkii soo weeraray shalay xerada Baar Sanguuni, oo looga dilay ku dhowaad 70 askari, uu aargud u ahaa shacabkii ay ku laayeen isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale Axmed Madoobe, ayaa markale shaaciyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, saacado uun kadib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhiga Baar Sanguuni. Isaga oo ku sugan degmada Dhoobleey ayuu sheegay in ciidamada Jubbaland ay ku jiraan heegan adag, islamarkaana dhawaan ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in Al-Shabaab saacadaha soo socda ay ka saari doonaan deegaano badan oo ka tirsan Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaana ahmiyadooda koowaad ka dhigay sidii ay u qabsan lahaayeen degmada Bu’aale. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu Dhoobleey kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. “Waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Al-Shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada” “Wuxuu ku dheeraday Madaxweynahu in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka” ayaa lagu yiri qoraalka Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday saldhiga ciidamada ee aaga deegaanka Dhoobley ka howlgala. Mudane Madoobe oo ciidanka la hadlay ayaa sheegay in howlgalka xoraynta deegaanada maqan ay diyaar u yihiin oo dhaqaaq uu sugayo, wuxuuna intaas ku daray in dhowaan ay gacanta soo galayaan Degmooyinka Xagar iyo Badhaadhe iyo Gobolka Jubbada Dhexe oo Ciidamadii shaqadaas qaban lahaa ay diyaar ku yihiin meelahii loogu tala galay. Madaxweynaha Jubbalabd waxaa uu ka hadlay in Al-Shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen Ciidamadu isla markana ay tuseen kharaarka ay leedahay guul darada iyo dhimashada kadib mudo badan oo ay dhiiga umada macno daro ku daadinayeen, isaga oo ammaanay Ciidamada Saldhiga Baarsanguuni ee Degmada Jamaame kuwaas oo uu sheegay in Al-shabaab ay dharbaaxo adag ku dhufteen. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, wuxuu ku dheeraday in Howlgalada ay bilaabanayaan Ciidamaduna ay guulaysan doonan isagoo Siyaasiyiinta Soomaalida ku booriyay in dagaalka Argagixisada loo midoobo oo wakhtiga Siyaasda la galinayo lagu bixiyo xoraynta wadanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online)-Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen labo ruux oo Soomaali ah oo la sheegay inay doonayeen inay gudaha Kenya hub geliyaan. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in labada ruux ee la qabtay ay kireysteen gaari ayna doonayeen in la marsiiyo waddooyin qardo jeex ah, si ay gudaha dalka u geliyaan hub ay wateen. Aadan Xasan Maxamed oo 22 sano jir ah iyo Ibraahim Cali Guyo ayaa la qabtay kadib markii darawalkii waday uu qiyaanay, islamarkaana uu geeyay saldhig ciidan, kadib markii uu ka shakiyay waddooyinka ay doonayeen inay gudaha Kenya ka galaan. Labada ruux ee Soomaalida ayaa la sheegay inay ka tageen deegaanka Hosingow ee gobolka Jubbada Hoose, islamarkaana ay doonayeen deegaan ku dhow xuduuda, balse darawalka ay la heshiiyeen ayaa dul geeyay saldhig ciidan. Bastoolado iyo hub kale ayaa lagu qabtay labada ruux iyaga oo doonayay inay gudaha u geliyaan gudaha dalka Kenya, laakiin booliska ma aysan sheegin halka hubka loo waday. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Ingiriiska ayaa ka hadashay go’aan dowladda Mareykanka ay ka qaaday Soomaaliya kaasi oo la xiriira inay dhimeyso ciidamada ka joogo Soomaaliya. Kadib weerarkii ay Alshabaab isbuucii hore ka geysteen Hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi, waxaa soo baxayay warar sheegaya in Mareykanka uu dhimayo ciidamada kaga sugan Soomaaliya. Wargeyska The Telegraph oo kasoo baxa magaalada London ayaa baahiyay in saraakiil u dhalatay Ingiriiska ay kala hadleen Mareykanka ka laabashada qorshaha uu ku dhimayo ciidamada ka joogo Soomaaliya. Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon waxay bishii June ee sanadkii hore sheegeen inay kala-bar dhimi doonto tirada Ciiddanka Khaaska ee Maraykanka ee Hawlgalladda ka wada qaaradda Afrika seddexda sanno ee soo socta. Ku dhawaad 500 oo askari ayaa Mareykanka ka jooga dalka Soomaaliya, kuwaasi oo tababara ciidamada dowladda, waxaana saldhig weyn ay ku leeyihiin deegaanka Bali Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Difaaca ee dalka Britain waxa uu ka gaabsaday haddii ay Codsi rasmi ah u direen Maraykanka, ama ay kala hadleen arin la xiriirta Hawlgalaldda Ciiddanka Gaarka ee Maraykanka ka fuliyaan Somalia. Wargeyska The Telegraph waxaa kale oo uu qoray inay Dowladda Britain marmarka qaarkooda qaadaan inay hoggaamiyaan sidii looga hortegi lahaa khatarta ka jirta Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Qoysas hor leh ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay Biyo la’aan darteed ay uga barakaceen deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Deegaanada ay Biyo la’aantu ka jirto ayaa waxaa ka mid ah Daabley, Girinley iyo Faxfaxdhuun oo ka wada tirsan gobolkaasi. Xaalado aad u daran oo la xariira dhinca nolosha ayaa laga soo sheegayaa deegaanadaasi, taas oo sababtay in dadku ay ka hayaamaan halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax gaar gaar ah ama caawimaad ah oo ay heleen dadkaasi dhibaateysan. Gobolka Gedo oo hoostaga maamulka Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka dhinaca nolosha, gaar ahaan Biyo la’aanta. The post Biyo la’aan baahsan Oo ka jirta gobolka Gedo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garbahaarey ( SH. M.Network )-Kulankan oo uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayna ka qeyb galeen, wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda amniga maamulkaasi Maxamed Cabdi Kaliil iyo Saraakiil Ciidan ayaa fashil ku soo dhamaaday. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa la sheegay in shirkan uu ku soo bandhigay arrimo ku aadan siyaasadda Madaxweyne Axmed Madoobe, qorshahaasi oo ay caroodeen xubnihii ka qeyb galayay kulankaasi. Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in waxyaabihii uu isku casilay ay ka mid aheyd maamul xumida haatan ka jirta deegaanada maamulkaasi, islamarkaana uu ka soo horjeedo in markale xilkaasi loo doorto Madaxweyne Axmed Madoobe. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gobolka Gedo ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeeday madaxda uu watqiga ka sii dhamaanayo ee Jubbaland. The post Kulan ka dhacay Garbahaarey Oo fashil ku soo dhamaaday appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( SH. M. Network )-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi (Ameerico ) ayaa saacadihii la soo dhaafay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Taliye Ameerico ayaa kormeer ugu tagay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo ku jira Xero ku taalla magaaladaasi. Waxaana uu uga digay in ay ka qeyb qaataan dagaallada la xariira aanooyinka qabiil ee ka taagan deegaano ka tirsan K/ Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/COD-MAHAD-BOOLISKA-.mp3 The post Taliye Ameerico Oo kormeer ku tagay magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
London (Caasimada Online)-Saraakiil u hadashay dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in cabsi darteed ay dalka Kenya kaga saarayaan askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska ee badbaadada dadka la afduubto iyo la dagaalanka Argagixisada oo loo yaqaan Special Air Service (SAS). Askarigan ayaa la arkay wajigiisa, kadib markii Al shabaab ay weerareen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay in loo baqayo xaaladiisa dhanka amaanka sidaasina looga saarayo dalka Kenya. Askariga ayaa la sheegay in xiliga weerarka dhacayay uu ku maqnaa dukaameysi, balse markii uu maqlay weerarka ayaa la sheegay inuu soo qaatay qalabkiisa, waxaana la arkay isaga oo dad kasoo badbaadinaya hotelka. Mid kamid ah Kaamirooyinka wariyaasha ay wateen ayaa si qalad ah u qabatay muuqaalka askariga ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska, waxaana uu qabsaday baraha bulshada, taasi oo dhalisay in loo cabsado amaankiisa, maadaama la arkay wajigiisa. Askariga ayaa la arkay isaga oo gudaha u galay goobta la weeraray, waxaana durba uu bilaabay inuu soo badbaadiyo dad badan oo ku go’doonsanaa Hotelka, gaar ahaan dabaqa hoose. Baraha Bulshada ayuu caan ka noqday, waxaana la sheegay inuu noqday geesi soo badbaadiyay dad badan noloshooda. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Xildhibaan Shire Cabdi Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay kala xiran yihiin inta badan waddooyinka gobolka Gedo. Xildhibaankan oo ku sugan degmada Garbahaarey ayaa sheegay in muhiim ay tahay isku furka waddooyinkan iyo in laga saaro Al-shabaab. Meelaha qaar ayuu sheegay in gaadiid aan la isga gudbi karin, islamarkaana diyaarad un loo raacayo. Waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaan Shire in shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ay dhibaatooyin kala kulmaan Al-shabaab xilliyada ay safrayaan. “Al-shabaab ayeey dadka dhibaato kala kulmaan, waddooyinka ma ahan kuwo si caadi ah loo mari karo, waxaa muhiim ah in la furo” Al-shabaab ayaa xirtay in badan oo ka mid ah waddooyinka deegaannada gobolka Gedo, iyadoo meelaha qaar shacabka xitaa aanay mari karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dawladda hoose ee magaalada Hargeysa ayaa saaka burburisay ganacsiyada yaryar ee waddada hareeraheeda ee suuqa, waa goob ku taalo bartamaha magaalada. Maamulka magaalada waxaa uu sheegayaa inay sidan u sameeyeen si ay waddada u baneeyaan, laakin arrintaas waxaa dood ka keenay ganacsatada. Dadka halkan ku ganacsada oo u badan danyar ayaa ku doodaya in iyadoo aan la siin ogeysiis la burburiyay ganacsiyadoodii. Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa dadkan ka qaadan jirtay canshuurro kala duwan, waxayna intooda badan sheegayaan in aanay jirin meel kale oo ay uga maarmi karaan waddada hareeraheeda. Horey ayaa sidan oo kale loo burburiyay ganacsiyadan yaryar, balse muddo kooban ka dib halkoodii ayay kusoo noqdaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baladweyne ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Baladweyne ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay gudaha magaaladaasi. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga, loogana hortagayay falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi. Ku dhawaad 10 ruux ayaa la sheegay in lagu soo qab qabtay howlgalkaasi, kuwaas oo lagu xiray Saldhigga Baladweyne. Inta badan Ciidamada amniga ayaa howlgallo xoogan ka sameeya degmada Baladweyne iyo nawaaxigeeda. The post Howlgal ballaaran Oo xalay laga sameeyay Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka geysteen gobolka Jubbada Hoose, taasi oo la shaaciyay in dagaalyahano badan lagu dilay. Jubbaland ayaa sheegtay in duqeyntaasi lagu dilay ku dhawaad 70 dagaalyahan oo ka tirsan AL shabaab, waxaana saraakiisha ciidamada DANAB ee kusugan Jubbooyinka ay sheegeen in duqeynta lagu burburiyay gaadiid Al shabaab lahayeen. Duqeynta ayaa dhacday kadib markii ciidamada Al shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo saldhiga kala soo baxay gaadiid iyo saanad ciidan. Iyaga oo la socday gaari Shabaqle ah ayaa lagu duqeeyay meel duleedka ka ah deegaanka Baar Sanguuni, waxaana la arkaayay meydad gubtay, gaadiid burbursan iyo waxyeelada ka dhalatay weerarka. Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Africa ayaa sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al shabaab, waxaana ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose. Waxaa sidoo kale soo baxaya in duqeyn kale ay ka dhacday meel u dhow degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Hoose, taasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay Al shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in uu magaalada Addis Ababa kulamo kula qaadanayo masuuliyiin dawladda dhexe ee Itoobiya ah iyo kuwo dawlad degaanka Soomaalida ah. “Xalay waxa aan soo gaadhay Magaalada Addis Ababa oo aan muddo kooban joogayo si aan ula kulmo saraakiil ka mid ah dawladda dhexe ee Itoobiya iyo madax ka mid ah madaxda Kililka Soomaalida ee Itoobiya,” Dr Cirro ayaa sidaas ku sheegay qoraal uu ku faafiyay boggaggiisa baraha bulshada. Guddoomiyaha Waddani waxa uu todobaadadii u dambeeyay ku sugna magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya halkaas oo uu kulamo kula lahaa wakiillada beesha caalamka ee daneeya doorashooyinka oo muran ka taagna muddooyinkii u dambeeyay. Waraysi uu dhawaan siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in uu daneeyeyaasha caalamiga ah kala hadlay mawqifkiisa arrimaha doorashooyinka. Arrimahan ayaa imanaya xilli ay taaggan yihiin ismari waa u dhexeeya xisbiyada waxaana daawaha saaran muddo kordhinta wakiillada. Dr Cirro ayaa u muuqda in uu dhinaca beesha caalamka kaga firfircoon yahay madaxweyne Biixi marka la eego socdaalladiisa u dambeeyay iyo kulamada danjireyaasha caalamka. Source
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-200119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Washington (PP) ─ Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wuxuu u muuqdaa inuu kasoo dabcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ah ee dalkiisa soo galaya, gaar ahaanna kuwa iyagoo da’yar sharci-darrada lagu geeyay Mareykanka. Trump ayaa wuuxu weli dalbanayaa ku dhawaad 6-bilyan oo Doollar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in laga dhiso xadka ay leeyihiin Mareykanka iyo Mexico. Sidoo kale, Madaxweyne Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ayaa sheegay in muhaajiriinta iyagoo da’yar sharci-darrada lagu keenay Mareykanka. Ay sii joogaan muddo saddex sano oo dheeraada ah ayna ka shaqeystaan. Khilaafkii u dhexeeya Trump iyo xisbiga Dimuquraadiga ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii dhawr casho ay xirmeen shaqooyinkii Muhiimka ah ee dowladda Mareykanka, waxaana Madaxweyne Trump uu hadda waddaa dadaallo kala duwan. Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa ku gacan-seyray dalabka uu soo gudbiyay Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaas. Waxaana la sheegayaa in hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ay ku yeesheen saameyn 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha ahaa. Ugu dambeyn, In kabadan 300,000-qof oo ka kala yimid dalalka colaaduhu ay ragaadiyeen ayaa haatan si KMG ah loogu ogol yahay inay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan Gudaha Mareykanka, Waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo. PUNTLAND POST The post Isbeddel ballaaran oo ku yimid fikirkii Trump uu ka qabay Qaxootiga galaya Mareykanka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Washington)-Madaxweyne Trump ayaa shaaciyay hindiseyaal cusub oo ku saabsan gidaarkii uu doonayay in uu ku kala xiro xudduudaha waddamada Mareykanka iyo Mexico. Hindesiyaashani cusub ayuu uga gol-leeyahay sidii loo soo afjari lahaa hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda Mareykanka oo xirnaa muddo ka badan afar usbuuc. Trump ayaa sidoo kale u muuqda in uu ka soo debcay mowqifyadii adkaa ee uu ka taagnaa dadka muhaajiriinta ahi, gaar ahaanna kuwa iyaga oo da’yar sharcidarro lagu geeyay Mareykanka balse wali waxa uu dalbanayaa ku dhawaad lix bilyan oo doolar oo uu doonayo in lagu kharash gareeyo dhismaha gidaarka uu doonayo in lagu kala xiro Mareykanka iyo Mexico. Xildhibaanada xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku gacan seyray dalabka Trump ee ah in uu dhaqaale u helo dhismaha gidaarkaasi. Hakadka ku yimid hawlaha qaar ee dowladda ayaa saameeyay 800,000 oo qof oo ah shaqaalaha dowladda dhexe. Trump oo ka hadlayay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in muddo saddex sano ah oo dheeraad ah loo ogolaanayo in ay Mareykanka sii joogaan oo ay ka shaqeystaan muhaajiriinta iyaga oo da’yar sharcidarro lagu keenay gudaha Mareykanka. Dadkani ayaa hadda aanan waddanka laga musaafurin karin isla markaana loo ogol yahay in ay waddanka ka shaqeystaan balse aanan loo ogolayn in ay qaadaan dhalashada Mareykanka. Madaxweyne Trump ayaa isku dayay in muhaajiriintani markii hore Mareykanka sharcidarrada ku galay dalka laga musaafuriyo. Trump ayaa sidoo kale sheegay in dadka soogalootiga ahi ee sida kumeel gaarka ahi loogu ogolaaday in ay dalkaasi ku sii noolaadaan uu siinayo muddo kordhin saddex sano ah. Inkabadan 300,000 oo qof oo ka kala yimid waddamada ay colaaduhu ragaadiyeen ayaa haatan si ku meel gaar ah loogu ogol yahay in ay ku noolaadaan isla markaana ka shaqeystaan gudaha Mareykanka, waxaana madaxweyne Trump uu in muddo ah doonayay in dadkaasi dalka laga musaafuriyo. Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay guddoomiyaha aqalka Kongareeska, Nancy Pelosi, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga ayaa lagu sheegay in qorshaha Trump uu yahay mid aan la aqbali karin oo horeyba loo diiday isla markaana uusan daacad ka ahayn. Source
-
Warar dheeraad ah ayaa kusoo kordhay dagaal xooggan oo shalay ka dhacay deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo u dhaxeeyey ciidanka DFS oo garabsanaya kuwa Jubbaland iyo Al-shabaab oo dhinac ah. Gaashaanle Sare Maxamed Ibraahim Buulle, abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka oo saakay la hadlay Goobjoog, waxa uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi uu kordhay. Waxa uu tilmaamay in Al-shabaab ay ka dileen 77 qof, kana gubeen gaadiid dagaal, isaga oo sheegay in sidoo kale ay jirto duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka. Abaanduulaha ayaa tilmaamay sidoo kale, in dhankooda ay ka geeriyootey Lix askari islamarkaana dhaawac uu soo gaaray Afar kale. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAREYSI-ABAANDUULAHA-QEYBTA-43AAD-EE-XOOGGA-DALKA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Taliska Mareykanka ee Qaarada afrika ee (Africom) ayaa soo saaray warbixin la xidhiidha duqeyn dhinaca cirka oo shaly diyaaradahooda aan duuliyaha laheyn ay ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose. Qoraalka kasoo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo saakay waabarigii hore weerar xoogan ku qaaday Saldhig Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni. Sidoo kale Africom ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay 52 dagaalame oo ka tirsanaa Al-shabaab,isla markaana lagu bur buriyay gaari ay lahaayeen Shabaabkii saakay weeraray Saldhiga Baar Sanguuni sida ay sheegtay Africom. Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa saakay weerar ku bilowday qaraxyo xoogan waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-Sanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac. Dhinaca kale Saraakiisha Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhiga Baar-Sanguuni ku dileen 73 ka mid ah Al-Shabaab,sidoo kalena weerar dhinaca cirka ah ay Gaadiid uga gubeen sida ay hadalka u dhigeen. Source
-
(SLT-Nairobi)-Xaaska iyo aabaha dhalay ninkii isku qarxiyay weerarkii Salaasadii la soo dhaafay lagu qaaday Dhismaha DusitD2 ayaa lagu xidhey magaalada Mombasa sida ay sheegeen Booliska dalka Kenya. Mahir Khalid oo la sheegay inuu ahaa qofkii isku qarxiyay afaafka hore ee Dhismaha DusitD2 ayaa aabihii Khalid Riziki iyo xaaskiisa waxaa su’aalo weydiinaya kooxaha baaraya weerarkii DusitD2. Booliska ayaa waxa ay sheegeen in xaaska Mahir oo magaceeda lagu sheegay Suhaila Mwalim Bakari ay xiriir toos ah la lahayd Mahir kahor weerarkii Talaadadii. Sida ay Booliska Kenya sheegayaan Mahir ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Mombasa,waxana uu ka soo laabtay dalka Soomaaliya 13kii bishan kadib markii uu tababar muddo sanad ah soo qaatay. Wararka la xidhiidha baadhitaanka dadkii xidhiidhka la lahaa raggii weeraray Hotel Dusit2D ayaa sheegaya in ay Booliska Kenya ay baadigoob ugu jiraan haweeney magaceeda la yiraahdo Kemunto Omwoyo taasoo ahayd xaaska mid kamid ah dadkii weerarka ka geystey magaalada Nairobi Cali Salim Gichunge. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Afhayeenka dhanka dagaalada Al Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay waxa uu ka dhignaa weerarkii Al shabaab ay la eegteen ciidamo Ethiopian ah. Ciidamada Ethiopia ayaa weerar gaadmo ah kala kulmay ciidamada Al shabaab xili ay ku sugnaayeen inta u dhaxeyo magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba, sida uu sheegay afhayeenka u hadlay Al shabaab. Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 57 askari Ethiopian ah, ayna ku gubeen todobo gaadiidka dagaalka ah, sida uu hadalka u dhigay afhayeenka dhanka howlgalada Al shabaab. Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkaasi uu Jawaab u ahaa heshiisyada madaxweyne Farmaajo uu la galay Ethiopia, gaar ahaan heshiisyadii dhanka dekadaha oo Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Ethiopia iyo Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa dadka ciidamada Ethiopia ay ku dileen gudaha Soomaaliya iyo dhibaatada Soomaali galbeed ay la kulmaan. Sheegashada Al Shabaab ee ah inay inka badan 50 askari ku dileen Buurhakaba ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Ethiopia iyo saraakiishooda oo xaqiijinaya khasaaraha weerarkaasi. Al shabaab ayaa weerarkii Nairobi ay ka fuliyeen sheegay inuu jawaab u ahaa aqoonsiga Qudus Mareykanka u aqoonsaday inay tahay caasimada maamulka Yahuuda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
United States military forces carried out an airstrike Saturday against Islamist group Al-Shabaab, killing 52 militants, according to a statement from US Africa Command. “US Africa Command conducted the airstrike in response to an attack by a large group of al-Shabaab militants against Somali National Army Forces. We currently assess this airstrike killed fifty-two militants,” read the statement. Military officials and local elders in Somalia said heavily-armed Shabaab militants had launched a dawn raid on a military camp, followed by a heavy exchange of gunfire which lasted hours. “The terrorists attacked Bulogagdud military base using heavy weaponry and explosives. The Somali military and Jubaland forces resisted the enemy before later retreating back from the base,” Mohamed Abdikarin, a Somali military official told AFP by phone. “Six soldiers were killed during the attack and two others died after a booby-trapped vehicle was detonated when the forces retook control of the base,” he added. Sources at nearby villages said the militants looted the camp and took a military vehicle. “Al-Shabaab fighters secured control of the base and looted everything. They have set fire to the arms depots and took a military vehicle, but there were two choppers which carried out air strikes during the attack,” traditional elder Hassan Rashid told AFP. The Pentagon has increased the rate of strikes in Somalia in recent years, partly because President Donald Trump loosened constraints on when the US military can take action against alleged terrorists. Suleyman Isse, another witness at a nearby village, said the Somali forces later regrouped after receiving reinforcement from Kismayo and returned to the base. “The Somali forces retook control of the base with the assistance of military helicopters belonging to the US special forces which were hovering over the area even after the attack,” he said. Shabaab militants claimed responsibility for the attack and claimed to have killed 42 soldiers. The incident came a day after Shabaab said it had attacked Ethiopian troops in Somalia in an ambush attack on the road between the capital and the southwest town of Baidoa. The Shabaab have been fighting to overthrow the internationally-backed government in Mogadishu and on Tuesday carried out a deadly attack in neighbouring Kenya, which it has regularly targeted since Nairobi sent troops into Somalia. Four gunmen and a suicide bomber left 21 dead and injured 28 in Nairobi. Source: AFP The post US MILITARY SAYS 52 SOMALI ISLAMISTS KILLED IN AIRSTRIKE appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Congo)-Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo ayaa ku gacan seyrtay dacwad ka dhan ahayd natiijada doorashada madaxtinimada ee dhawaan dalkaasi ka dhacday. Sidaa awgeed hoggaamiyaha mucaaradka Felix Shisekedi ayaa la filayaa in loo dhaariyo xilka madaxweyneniamda. Martin Fayulu oo ah musharax mucaarad ah oo dacwaddaasi geeyay maxkamadda isla markaana ku doodayay in wax-is-dabamarin badan ay hareysay doorashada ayaa go’aanka maxkamadda ka dib sheegay in isagu uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee dalkaasi. La yaab ma laha in maxkamaxadda dastuuriga ay go’aamiso in aysan jirin caddeyn ku filan oo qiil looga dhigi karo in codadka dib loo tiriyo sidii uu codsaday Martin Fayulu. Waxa uu ku andacooday in si wayn uu ugu guulaystay doorashada taasi oo ku salaysan macluumad aan la xaqiijin oo la soo dusiyay oo ka yimid guddiga doorashada iyo korjoogayaasha. Felix Tshiskedi oo lagu wado in loo dhaariyo xilka madaxwaynaha ayaa isna ka socday mucaaradka,balse dadka ka soo horjeeda waxa ay ku doodayaan in uu heshiis hoose la galay madaxwaynaha xilka ka sii dagaya Joseph Kabila. Martin Fayulu ayaa isaga markiiba ku gacan seyray go’aanka maxkamadda Datuuriga. Midowga Afrika ayaa dhawaan ku biiray wadamada galbeedka Afrika oo sheegay in shaki badan uu ku jiray codbixinta waxayna ku baaqeen in la hakiyo natiijada kama dambaysta ah. Ergo madaxwaynayaasha qaar ka mid ah dalalka afrika ayaa isniinta lagu wadaa in ay gaaraan caasimada Kinshasa si ay u xaliyaan ismariwaaga, balse maadaama go’aanka maxkamada uu yahay mid aan la laali Karin ma cadda guulaha ay gaari karaaan. Source
-
Popular Contributors