-
Content Count
207,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qaran News
-
Sawirro: Askari British ah oo Al-Shabab kula dagaalamay hotelka DusitD2-Nairobi oo Khalad dhacay Darti Kenya looga saarayo Saraakiil u hadashay dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijiyay in cabsi darteed ay dalka Kenya kaga saarayaan askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska ee badbaadada dadka la afduubto iyo la dagaalanka Argagixisada oo loo yaqaan Special Air Service (SAS). Askarigan ayaa la arkay wajigiisa, kadib markii Al shabaab ay weerareen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay in loo baqayo xaaladiisa dhanka amaanka sidaasina looga saarayo dalka Kenya. Askariga ayaa la sheegay in xiliga weerarka dhacayay uu ku maqnaa dukaameysi, balse markii uu maqlay weerarka ayaa la sheegay inuu soo qaatay qalabkiisa, waxaana la arkay isaga oo dad kasoo badbaadinaya hotelka. Mid kamid ah Kaamirooyinka wariyaasha ay wateen ayaa si qalad ah u qabatay muuqaalka askariga ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Ingiriiska, waxaana uu qabsaday baraha bulshada, taasi oo dhalisay in loo cabsado amaankiisa, maadaama la arkay wajigiisa. Askariga ayaa la arkay isaga oo gudaha u galay goobta la weeraray, waxaana durba uu bilaabay inuu soo badbaadiyo dad badan oo ku go’doonsanaa Hotelka, gaar ahaan dabaqa hoose. Baraha Bulshada ayuu caan ka noqday, waxaana la sheegay inuu noqday geesi soo badbaadiyay dad badan noloshooda. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, labada sano ee soo socoto lama qaban doono mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo sida ay ku heshiiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo Madaxweyne Farmaajo. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo sheegay in labada mas’uul ay ku heshiiyeen in muran siyaasadeed oo kale uu dhaawac xooggan gaarsiin doono dowladnimada, sidaas darteed la isku raacay inaan la qaban mooshin ka dhan ah Madaxweynaha ama Guddoomiyaha Baarlamaanka inta ka dhiman waqtiga Dowldda Nabad iyo Nolol. Guddoomiye Mursal ayaa beddelkeeda loo ballan qaaday in kaalin weyn laga siiyo go’aanada siyaasadeed ee dowladda, oo markii hore uu u muuqday nin dibad joog ka ah, sidoo kalena dad ku dhow xilal loo magacaabo. Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale loo saxiixay in hadda wixii ka dambeeyo lagala tashan doono go’aanada ay dowladda ka qaadan doonto Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiye Mursal ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu kasoo bixi doono heshiisyadaas isla markaasna uu si wanaagsan ula shaqeyn doono Dowladda Soomaaliya. Mursal ayaa sidoo kale loo xil saaray in Beelaha diiday Madaxweyne Lafta Gareen lagu qanciyo inay taageeraan, wuxuuna durba bilaabay inuu la kulmo odayaasha Beelaha Koonfur Galbeed. Heshiiskaan ayaa imaanayo xilli dhawaan uu dhashay khilaaf xooggan oo ku saabsanaa Mooshin uu qabtay Mursal kaasoo ka dhan ahaa Madaxweyne Farmaajo. Guddoomiye Mursal ayaa mooshinkaas qabtay kadib markii Dowladda Soomaaliya ay soo xirtay Mukhtaar Roobow iyadoo aan lagala tashan Guddoomiye Mursal oo deegaan ahaan halkaas kasoo jeedo, sidoo kalana waxaa la isku qabtay kala diristii Guddigii Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya. Khilaaf dheer kadib Guddoomiye Mursal ayaa lagu qanciyey inuu burburiyo mooshinka kadib kulan xasaasi ah oo dhex maray isaga iyo madaxda ugu sareyso dalka. Mursal oo markii horeba ay keentay Dowladda Soomaaliya ayaa ka cabanayey inaysan Dowladda kala tashan go’aankii ay ka qaadatay Maamulka Koonfur Galbeed. Lama ogo sida uu heshiiskaan ku hirgeli karo maadaama ay dowladda leedahay mucaarad aad u xooggaan oo mar kasta isku dayi karo inay mooshin ka keenaan madaxda ugu sareyso dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shir dhaqaale loogu uruurinayo Somalia oo ka furmay Lubnaan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Beyruut ( Sh. M. Network )-Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah madax ka socota ururka Jaamacada Carabta ayaa ka furmay magaalada Beyruut ee caasimada dalka Lubnaan. Waxaana diirada lagu saarayay sidii dhaqaale loogu uruurin lahaa dalalka ay dagaallada la dageen ee Jaamacadda Carabta, sida uu sheegay xoghayaha ururkaasi. Shirka ayaa la filayaa in sii gaar ah diirada loogu saaro dalalka Siiriya, Soomaaliya,iyo Yemen oo ka mid ah dalalka ugu daran ee ay ragaadiyeen colaadaha iyo dagaaalada sokeeye. Axmed Aboul Gheit xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa xusay in dhaqaalaha ka soo baxa dalalka Jaamacada Carabta lagu gargaari doono dadka ay saameyeen colaadaha ka taagan saddexdaasi dal. Sidoo kale wax uu xusay in dhaqaalahan qeyb ka mid ah loo adeegsan doono dib u dhiska dalalkaasi oo si weyn ugu burburay dagaalada. Dalalka Jaamacadda Carabta ayaa si weyn u garab istaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoona ka tageera dhinacyo kala duwan. The post Shir dhaqaale loogu uruurinayo Somalia oo ka furmay Lubnaan appeared first on Shabelle. View the full article -
Nairobi ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen labo nin oo Soomaali ah, islamarkaana hubeysan, kuwaas oo doonayay in ay gudaha u gaalaan dalkaasi. Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in Raggani nin Dawaral ah uu ka soo qaaday deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose, islamrakaana ay ka codsadeen in uu geeyo deegaanka Hamay ee xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ku dareen in markii ay tageen halkaasi ay dalbadeen in markale la geeyo deegaanka Xagadheera ee Kenya, islamarkaana uu marsiiyo wado qardo jeex ah arrintaasi oo shaki galisay Dawaralkii waday Gaariga oo Booliska Kenya aysan shaacin magaciisa sababo amni darteed. Booliska ayaa sheegay in Darawalkii uu labadaasi nin si lama filaan ah uu u geeyay saldhig ay lahaayeen Ciidamada Booliska, kuwaasi magacyadooda lagu kala sheegay Aadan Xasan Maxamed iyo Ibraahim Cali Guyo. Saraakiisha Booliska ayaa xusay in Raggaasi lagu qabtay Hub ay ka mid yihiin Bistoolado iyo sidoo kale Raasaas fara badan iyo Budo Cad, taas oo ay haatan u direen Sheybaarka si baaritaano loogu sameeyo. Ugu dambeyn Booliska ayaa sheegay in xubanahani looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya Dhawaantan ayey aheyd markii Al Shabaab ay weerareen hoteel nuuca raaxada ah oo ku yaalla magalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. The post Kenya Oo Rag hubeysan ku qabatay xadka Soomaaliya appeared first on Shabelle. View the full article
-
The U.S. military on Saturday said it had carried out its deadliest airstrike in Somalia in months, killing 52 al-Shabab extremists after a “large group” mounted an attack on Somali forces. The U.S. Africa Command said the airstrike occurred near Jilib in the Middle Juba region. There were no reports of Americans killed or wounded. The U.S. statement did not say whether any Somali forces were killed or wounded by the al-Qaida-linked extremists. Al-Shabab via its Shahada news agency asserted that its attack on two Somali army bases killed at least 41 soldiers. It described the location as the Bar Sanjuni area near the port city of Kismayo. There was no immediate comment from Somalia’s government. In neighboring Ethiopia, state television cited the defense ministry as saying more than 60 al-Shabab fighters had been killed and that four vehicles loaded with explosives had been “destroyed.” Ethiopia contributes troops to a multinational African Union peacekeeping mission in Somalia and has troops there independently under Ethiopian army command. A Somali intelligence officer said al-Shabab had been amassing fighters for more than a week to launch a major attack against Somali and Kenyan forces in order to disrupt a planned offensive against the extremists. The officer said some 400 extremists, including foreign ones, had been prepared, including two suicide car bombers. The officer spoke on condition of anonymity because they were not authorized to speak to reporters. Al-Shabab controls large parts of rural southern and central Somalia and continues to carry out high-profile suicide bombings and other attacks in the capital, Mogadishu, and elsewhere. The Islamic extremist group claimed responsibility for the deadly attack on a luxury hotel complex in the capital of neighboring Kenya on Tuesday, the latest high-toll assault inside that county in retaliation for Kenya sending troops to Somalia to fight al-Shabab. The extremist group finds itself under pressure at home on a number of fronts, including from a small presence of rival fighters linked to the Islamic State organization, which has begun challenging al-Shabab in recent months. The United States has dramatically stepped up airstrikes against al-Shabab in Somalia since President Donald Trump took office, carrying out at least 47 such strikes last year. Some have targeted top al-Shabab leaders or key financial officials; the extremist group funds its attacks with an extensive network of “taxation” and extortion. In October, the U.S. said an airstrike killed about 60 fighters near the al-Shabab-controlled community of Harardere in Mudug province in the central part of the country. The airstrikes hamper the extremist group but have not “seriously degraded al-Shabab’s capability to mount strikes either inside or outside Somalia,” Matt Bryden of Sahan Research, an expert on the extremists, told The Associated Press after the Nairobi hotel attack. Airstrikes alone cannot defeat the extremists, Bryden said, and must be combined with more ground-based attacks as well as a non-military campaign to win over residents of extremist-held areas. The U.S. on Saturday said it is committed to “preventing al-Shabab from taking advantage of safe havens from which they can build capacity and attack the people of Somalia.” Source: AP
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Garoonka Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee M/ Muqdisho ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay nin Ajnabi ah oo looga shakiyay in uu sido walxaha qarxa lagu qabtay Garoonkaasi. Ninkan ayaa la sheegay in lagu qabtay qeybta ugu dambeysa ee baarista Garoonka, xilli uu doonayay in uu ka dhoofo halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ninkani uu ku qornaa Flight-ka diyaarada Ethiopian Airlines, iyadoona la soo warinayo in laga reebay duulimaadkaasi. Ciidamada amniga ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi, iyagoona u soo gudbiyay qeybta dambi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkani dhalasho ahaan uu ka soo jeedo dalka Koonfur Africka. Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha amnigu ka bixiyeen ninkaasi. DFS ayaa wax badan ka bedashay amnigao Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, si loola socda dhaq dhaqaaqa dadka ka dhoofaya Garoonka iyo kuwa ka soo dagaya intaba. The post Nin Ajnabi ah Oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay beello ku dagaallamaya gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe in ay xabadda joojiyaan. Guudlaawe ayaa sheegay in dedaal walbo ku bixinayaan sidii loo soo gabagabeyn lahaa colaadahaasi, isaga oo dhanka kale waxgaradka ugu baaqay iney ku baxaan beelahan is haya. Sidoo kale, madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin sidii gogol nabadeed loogu fidin lahaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya xadka gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan. Dagaal beeleedyo ayaa kusoo noq-noqday deegaanno ka mid ah Hirshabelle, welina ma jirto wax xal ah oo laga gaaray. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/WAR-JOWHAR-CALI-GUUDLAAWE-OO-KU-BAAQAY-IN-LAJOOJIYO-DAGAAL-BEELEEDKA-XADKA-HIIRAAN-IYO-SH-DHEXE.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliska ciidanka Asluubta ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney ku raad Joogaan Maxaabiis ka baxsatay Xabsiga magaalada B/weyne. Taliyaha ciidanka Asluubta ee Hiiraan, Korneel Faarax Cali Macow ayaa u sheegay Goobjoog in maxaabiistaasi oo gaareysa Lix ay jabsadeen Darbiga sidaasina ugu suurtagashay iney baxsadaan. Waxa uu sheegay taliyaha in hadda ay raadinayaan maxaabiistaan, islamarkaana ay dib ugu soo celin doonaan xabsiga. Dhanka kale, taliyaha ayaa sheegay in xabsiga dhexe ee B/weyne uu yahay mid u baahan dayactir xooggan, islamarkaana xilli walbo la filan karo in falalkan oo kale dhacaan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/CODKA-XABSIGA.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiracmaan oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kulan gaar ah la qaatey Guddi Ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee koonfur Galbeed. Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo wajihi lahaa howlaha dib u heshiisiinta ee Maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu ka bilaabay deegaanada maamulkan. Odayaasha dhaqanka ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed u gudbiyay xaaladaha guud ee deegaanadan iyo sida ay muhiim u tahay dib u heshiisiin dhab ah oo deegaanada maamulkan ka hirgasho. Sidoo kale odayaasha dhaqanka waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii loo xalin lahaa tabashooyinka ay qabaan dadka deegaanadan iyo la shaqeynta Madaxweynaha cusub iyo maamulkiisa. Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa odayaasha dhaqanka uga mahad celiyay Sida ay uga go’antahay horumarka iyoMaamul wanaaga deegaanadan, Isagoo balan qaaaday in mamulkiisa uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid walba oo tabasho qabta si loo xaliyo deganaanshaha deegaankana looga wada shaqeeyo. Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa u mahad celiyay odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshada deegaanadan, Wuxuuna kula dardaarmay in wax walba laga horumariyo danta dadka deegaanka ayna la shaqeeyaan maamulka cusub ee dowlad goboleedka koonfur Galbeed, si dadka dowlad Goboleedkan ay u helaan nabad gelyo waarta iyo maamul wanaagsan. The post Guddoomiyaha G/Shacabka Oo kulamo ka wada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxa ay kusoo qabteen waxyaabaha Maanka dooriya. Ciidamadan oo ahaa kuwa Booliiska ayaa qabtay nin la sheegay inuu waday 28 KG oo ah maandooriyaha loo yaqaan xashiishka. Saraakiisha Booliiska Kismaayo oo maanta la hadlay saxaafadda waxa ay sheegeen in cadaaladda la horkeeni doono shaqsigii waxyaabahan watay. Marar badan ciidamada Jubbaland ayaa sidan oo kale waxa ay usoo qabteen rag watey waxyaabaha Maanka dooriya. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa ( Sh. M. Network )-Milateriga dalka Itoobiya ayaa sheegay in Ciidamadooda ku sugan gudaha Soomaaliya ay ka qeyb qaateen howlgal ka dhan ahaa Al Shabaab oo shalay ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubbada Hoose. Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya ayaa xusay in howlgalkaasi ay iyagu iyo Ciidamada DFS oo iskaashanaya ay ku dileen 60 Dagaalyahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Telefishinka Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in xilliga uu howlgalka dhacayay ay Al Shabaab doonayeen in weerar qorsheysan ay ka fuliyeen deegaanadkaasi. Sidoo kale wasiirka Difaaca Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay dhawaan qaadayaan duulaan ka dhan ah Al Shabaab. Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga illaa iyo afar kun oo Askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMSIOM. Al Shabaab ayaa dhawaan weerar khasaare geystay ku qaaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo marayay degmada Buurhakaba ee gobalka Baay. The post Itoobiya Oo ka qeyb qaadatay howlgalkii Baarsanguuni appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaaliyeed ayaa lagu xiray degmada Gaashaamo ee Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya. Wariye Coldoon ayaa lagu yaqaano nin si weyn uga hadlay dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ay kala kulmeen maamulkii Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Cabdi Maxamuud Cumar. Maalmihii lasoo dhaafay ayuu ku sugnaa Magaalada Jigjiga, waxaana uu soo tabinaayay warar ku saabsan tacadiyadii loo geystay Soomaalida degan Itoobiya. Isaga iyo labo wariye oo kale ayaa dhawaan laga qabtay degmada Gaashaamo, waxaana xiray Ciidanka Liyuu Boolis, ugu dambeyntiina waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka Federaalka Itoobiya. Qaar ka mid ah waxgaradka Gaashaamo ayaa warbaahinta u sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay , islamarkaana Ciidanka Federaalka ay u sheegeen in ay su’aallo ay weydiinayaan ka dibna ay soo deyn doonaan. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
-
Kismaayo( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay gacanta ku dhigay waxyaabaha Maanka-Dooriya, kadib howlgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada Kismayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha amniga ayaa 28 KG oo ah waxyaabaha Maanka-Dooriya iyo ninkii siday ku soo bandhigay xarunta Booliska ee magaaladaasi. Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in la qabtay Raggii Maan-Dooriyahaasi soo galiyay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland. Kaptan Cumar Xujaale Cabdi oo ah madax baarista ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ka warbixiyay howlgalkaasi, Waxaana uu sheegay in Maandooriyaha ay gacanta ku dhigeen laga keenay gudaha magaalada Muqdisho. Ammaanka Kismaayo ayaa maalmihii la soo dhaafay si aad ah loo adkeeyay, iyadoona Ciidamada amnigu ay howlgallo ka wadeen magaaladaasi. The post Jubbaland Oo Kismaayo ku soo bandhigtay Maandooriye appeared first on Shabelle. View the full article
-
New York ( Sh. M. Network )-Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyntii shalay ka dhacday deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubadda Hoose, taas oo lagu dilay xubno ka tirsanaa Dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. War qoraal ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay duqeyntan ay jawaab u aheyd weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidan oo ku yaalla deegaankaasi. Mareykanka ayaa shaaciyay in duqeyntaasi ay ku dileen 52 ka tirsanaa Al Shabaab, kadib markii gantaal lala helay Gaari ay saarnaayeen, sida lagu yiri qoraalkan Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in uu sii wadi doono duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Muddooyinkii la soo dhaafay dowladda Mareykanka ayaa kordhisay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gudaha Soomaaliya. The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 52 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-200119-sx.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Qaran News
-
Wabiga Shabelle oo sanadkan biyo yareeyay roobabkii xilliga deyrta awgeed ayaa sababay in deegaanno badan ay ka dhacdo biyo la’aan kuwaas oo hoos yimaada goballada shabeellaha dhexe iyo Hiiraan. Iyadoo dadku ay biyaha ka heli jireen wabiga iyo barkado biyaha roobka lagu keydiyo ayaa waxaan jirin ceelal riigag ah oo ku yaala dhulka uu maro wabiga Shabelle ee labadasi gobal marka laga reebo magaalada Jowhar ee xarunta Shabellaha dhexe. Agaasimaha wasaaradda biyaha, macdanta iyo tamarta dowlad gobaleedka Hirshabelle Cabdiwali Maxamed Jaabir oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka warbixiyay xaaladda biyo la’aaneed ee ka jirta gobalalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe waxa uu sheegay in dadka cabitaan u yahay biyaha wabiga wax waliba ay u isticmalaan dadka deggan tuulooyinka ka fog wabiga ay biyaha roobka ay ku keydsadaan barkadaha dhulka laga qodo. ‘Dadku waxa ay cabaan tubooyin laga soo jiiday wabiga oo kaloorina lagu daray, magaaladda Balaweyne biyaha wabiga laga soo jiido ayaa haamo lagu shubaa kadibna xaafadaha ayaa loo qeybiyaa, sidoo kale waxaa jiro warshadaha biyaha sameeyo kuwaas oo fiil-tareyo biyaha wabiga, dadkana dib uga sii iibiya, waxana iibsada dadka awoodda, mana jiro wax ceel riig ah oo ka qodan magaalada Baladweyne” sidaasi waxaa yiri Cabdiwali Maxamed Jaabir. Sidoo kale Agaasimaha oo warkiisa sii wato ayaa sheegay in dadka kale ee ku nool tuulooyinka wabiga uu maro ay cabaan biyaha wabiga iyo barkado biyaha roobka lagu keydiyo marka wabiga uu biyo yareeyo ama roobka la waayo isaga oo yiri “Dadka tuulooyinka ku nool sidoo kale waa ay cabaan aadna u isticmaalaan biyaha wabiga iyo baraagaha kaydiya biyaha ilaa sanadka danbe laga gaarayo ayey is ticmaalaan, sida aan ognahay sanadkan wabiga oo biyo yareeyay iyo roobabka oo aad u yaraaday waxa ay kaliftay in biyo la’aan weyn laga dareemo tuulooyin iyo dagmooyin hoos yimaada gobalada Hiiraan iyo Shabellaha dhexe waxana naga soo gaarayo cabasho sida Matabaan, Maxaas iyo Far libaax oo ay ka jirto xaalad biyo la’aaneed maadama dadka reer guuragaa sanadkaan ayna helin roobabkii Deyrta” Dhanka kale Agaasimaha ayaa hadlay uga qorshesan mustaqbalka dhow xaaladda biyo la’aan ee marwaliba ay wajahaan labadan gobal sida ay rabaan in ay u maareeyaan hadii ay yihiin maamuka Hirshabelle. “Hadda waxaan bilaawnay inaan biyo u dhaaminno tuulooyinkii ay cabashada naga soo gaartay, waxaana lageeyay booyado biya ah maadama maamulka uu yahay maamul curdun ah, wasaaraddu wax badan ayey qabatay dowladda dhexe wax badan ayaan ka sugaynaa , waxaa inoo qorsheesan sanadkaan inaan samayno biyo xireeno kuwaas oo looga faa-iidaysanayo inay kaydiyaan biyaha baxa xiliyada wabiga uu fataho. Sidoo kae waxaa inoo qorshaa inaan deegaano badan saarno ceelal riig ah kuwaas oo qeyb ka qaata in laga gudbo biyo yarida in badan ku soo laablaabata labadaan gobal wabigana laga qaado culeeska si mudo dheer biyaha uu u hayo loona is ticmaalo waraabka beeraha oo kaliya” Deegaanada hoos yimaada maamulka Hirshabelle ayaa marwaliba waxa ay wajahaan biyo la’aan waqtiyada wabiga uu biyo yareeyo iyo marka la waayo roobka ayoo ayna jirin wax ceelal riig ah oo hada ka shaqeeyo deegaanada uu maro wabiga shabelle ee labada gobal marka laga reebo magaalada jowhar Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Virtually all pastureland has disappeared and most water sources have dried up in Somalia’s southern region of Gedo, increasing the likelihood of malnutrition and disease. Hundreds of families fled their villages due to the crisis and migrated to nearby areas in search of water and food, according to the local authorities. Gedo has a population of 375,280, according to the United Nations World Health Organization [WHO] figures. Reports from the region indicate that the little water available was contaminated, exposing an already weakened population to many water-borne diseases. The post Severe water shortage reported in Gedo region appeared first on Shabelle. View the full article
-
The Somali Police Force Commander, Bashir Abdi (Ameeriko) arrived in Baidoa, the capital of Bay region as part of his regional tour. The commander, accompanied by several senior officers have visited the Somali Police Forces stationed in town. He warned the police against participating in clan conflicts in tribal areas of regions they are operating at the moment and work on the maintaining of peace and order. The city has hosted Somali president and speaker of the national assembly who attended the inauguration of the newly elected Southwest State president, Abdulaziz Lafta Garen. The post Somali police chief pays visit to Baidoa city appeared first on Shabelle. View the full article
-
The security forces in Beledweyne town, central Somalia have conducted a massive operation overnight in response to the latest insecurity incidents. The planned operation by the forces was carried out in several neighborhoods in Beledweyne town, the regional capital of Hiraan, according to the local residents. The purpose of this operation was to ensure the security and the fight against elements linked to the Al-Qaeda-linked Al-Shabab. Nearly 10 people were reportedly arrested in the operation, who have been arrested at the city’s main police station and are under questioning. Beledweyne has been stable in the past few years compared to other towns in the region, where Al-Shabab imposed a blockade on its former strongholds currently under Somali government control. The post Somali forces carry out security sweep in Beledweyne town appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors