-
Content Count
207,282 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Masuuliyiinta xilka ummadda u haysa qaarkood markay xilka qabtaan waxay markaba bilaabaan inay laba liqaan xoolaha ummadda oo qaab xaaraan ah u isticmaalaan. Masuulkii xilka hayey hantidii ummadda ayuu ku tagri falayaa intuu xilka hayey, markaasuu keyd ka dhigtaa oo ku shubtaa xiaabaad uu gaar u leeyahay (personal account). Xanuunka Xilka Qaadista ka dib Tuaaal ahaan masuulka ayaa keyd ahaan u dhigtay lacag dhan oo qadarkeedu yahay $600,000. Isagoo ku faraxsan lacagta badan ee uu helay ayaa xilkii laga qaadayaa, ka dib wuxuu is odhanayaa imika ayaad fursad u heshay inaad lacagtii waxa ku qabsato. Ha noqoto inuu guro ku dhisto amma ganacsi ku furto. Markaa xilka laga qaado ayuu xanuun xaga ilaahay k yimid ku dhacaa. Markaba waxa la dhigaa dhakhtar gaar loo leeyahay oo lacag badani ku baxayso. In muddo ah ayuu ku jiraa. Hadana waxa la odhanayaa halkan waxba waa lagaga qaban waayey ee dibada ha loo qaado. Tikidhkii, baasaaboorki iyo diyaaradii ayey lacag badani ku baxaysaa. Waxa loo qaaday dalka Hindiya dhakhtarkii la gee, muddo ka dib hadana waxa la yidhi halkan waxa ka dhakhtar fiican maleesiya ha loo qaado, maleesiya la gee muddo ayaa halkaasi lagu daweeyaa, hadana waxa la yidhi dhakhtarka ugu fiicani ee xanuunka dawayn lahaa waxa laga helayaa Jarmalka. Jarmalkii la gee muddo halkaasi lagu dawee. Masuulkii ilaahay xaaraan kaga jarayo ifka ee ajali u dambayso wuxuu soo noqdaa isagoo caato ah oo aan shilin ka hayn lacagtii ahayd $600,000, ee xoolaha ummadda ahayd. Ka kalena intuu xanuunsado ayuu ku dhintaa, aakhirkana ilaahay ayaa la xisaabtama. Madaxda qaarkood iyagoo xilka haya ayey toos guryo ugu dhistaan xoolaha ummadda, markay xilka laga qaado ayey xanuusadaan gurihii xaaraanta ahaa ayaa dib loogu xarashaa si loogu daweeyo. Cunista iyo ciqaabta ka dhalanaysa xoolaha ummadda Ilaahay SWT wuu xaaraantimeeyey cunis xoolaha agoonta, siday sheegayso aayadda 10-naad ee suuradda Al-Nisaa “kuwa xoolaha agoonta ku cunaya dulmi, waxay calooshada gelinayaan naar”. Qofka madaxda ahi waxa uu ka baxay ballankii uu ilaahay la galay, marka uu xoolaha ummadda cunaayo. Sidoo kale wuxuu ilaahay SWT suuradda Isra aayadda 34 ilaahay wuxuu ku sheegay kuna amray dadka muslimiinta ah” Oofiya ballanka, waayo qiyaamaha ballanku waa mid lays wediinaayo”. Ma jirto khiyaamo ka weyn in xoolaha ummadda la cuno. Xadiis saxeexa ah ayuu Nabigu(NNKHA) ku yidhi” Qofka na khiyaamaa naga mid maaha”. Waxa soo saaray Muslim, waxaana weriyey Abu-Hurayra. Suuradda Aali Cimraan aayadda 161-naad ayuu ilaahay SWT ku yidhi” Qofka wax xada amma khiyaameeya, qiyaamaha waxa uu la iman waxa uu xaday amma khiyaameeyey.” Dhammaan aayadahaasi iyo axaadiistaasi wax ay inoo caddaynayaan inay xaaraan tahay in xoolaha ummadda xaq daro lagu cuno. Ilaahay xaqa ha na waafaqiyo. Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah. Hargaysa, Soomaalilaan Calicoomay@gmail.com Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-20012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu arkay meydadka 4 qof oo la soo dhigay. Dad ku sugan Ceelasha ayaa sheegay in laamiga dhinaciisa lasoo dhigay 4 ruux oo meyd ah, oo indhaha ka xiran, kuwaas oo aan weli la ogeyn dadka ka dambeeyay dilkooda. “Dilka ka sokow, waxaa dadka aad uga yaabiyey qaabka loo dilay ee kadibna indhaha looga xiray” Waxaa sidaas yiri qof ka mid ah dadka deegaanka. Waxaan weli caddeyn in dadkan ay yihiin dad degan xaafadda Ceelasha iyo in magaalada Muqdisho meelo ka mid ah laga soo kaxaystay kadibna markii la dilay halkaas la dhigay. Dadweyne farbadan oo ku nool Ceelasha Biyaha ayaa tegay goobta meydadka ay yaalaan, ayada oo dadka ay isku dayayaan inay aqoonsan karaan iyo in kale. Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta meydadka lasoo dhigay, kuwaas oo wada baaritaano ku aadan cidda ay yihiin dadka la dilay iyo cidda fulisay dilka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Hargaysa) Proff Cabdi Cali Jaamac oo jawaab qoraal ah ka soo saaray hadalka gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay inaanay jirin wax digniin ah oo la soo gaadhsiiyey ka hor Intii aan la shaacin in laga saaray xisbiga Kulmiye, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi :- Marka aad sharci darro aad samaysay, aad raaciso been indho-adayg ah, oo aad ka xishoon waydo ummaddaada waxay noqonaysaa in Ilaahay garabkaaga ka baxo oo kar-kaarka ku waydaariyo!!! Ku lahaa nimanka xisbiga laga saaray waa la mariyey dariiqii sharciga; waa loo yeedhay; digniin waa la siiyay; waxa kaliya ee u hadhsanaa waa ganaax; taasi ayuun baan la marin eriga ka hor!!! Waxa ka daran sharciyada aan jirin ee uu daliishanayo; ku lahaa qofku xisbiga haddii uu dibadda ka dhaliilo, waa eri; waa jeebkiisa; xagguu ka keenay!!!; aragtiyada kala duwan ee xubnaha xisbigu warbaahinta waa laga sii deyn karaa; ma aha sir; bal, waa ba xaq ay leeyihiin muwaadiniinta la matalayaa si ay u ogaadaan in dantooda la isku hayo iyo in kale; in loo maqan yahay iyo in kale; cidda gardaran; cidda laga gardaran yahay; dukaankaaga ama gruigaaga ayaa hoosta laga soo xidhaa; xisbi dhan oo ummadi leedahay ma handaraabi kartid!!! Yaa miskiin!!! Wallahi, maanta kuwani iigama baahna in aan caayo ama ceebeeyo, maxaa yeelay waxa ceeb ugu filan beenta intan le’eg ee ay halkan ku duubeen; bal dhegayso Link-gan; tolow maxaa ku kallifay been abuurka iyo masabidka intan le’eg; miyay kala quusteen Ilaahay iyo dadkiisa. Source
-
(SLT-Tokyo)Maanta waxaa dunida isaga tagay oo geeriyooday mid kamid ah ragii ugu cimriga dheeraa adduunka inta la ogyahay. 259 cisho oo kaliya ayaa laga jogaa markii la gudoonsiiyay shahaadada ninka dunida ugu da’da weyn, diiwanka lagu qoro waxyaabaha dhif iyo naadirka ah ayuu sidaasi ku galay (Guinness World Records). Waxaa lagu magacaabi jiray Masazo Nonaka waxaa uuna u dhashay dalka Japan oo uu iminkaba ku geeriyooday, waxuu dhashay July 25, 1905. waaberigii saakay ayuu ku geeriyooday gurigiisa xili uu hurdaaye sida ay Daily Mail u xaqiijiyeen ehelkiisa, waxa uuna jiray 113 sano. Source
-
Garowe (Sh.M.Network) – Afhayeenka Gollaha Wakiilada Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo] ayaa maanta magacaabay Guddiga doorashada ee Guddiyada joogta ah ee Baarlamaanka maamulkaasi. Xubnaha Guddiga uu magacaabay Gudoomiyaha ayaa ka kooban saddex xubnood oo ah Xildhibaano oo ka tirsan Gollaha Sharcidejinta. Mudanayaasha xubinta ka ah Guddiga ayaa kala ah; Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Muuse Xasan iyo Cali Axmed Saalax. Xubnaha Guddiyada joogatada ah ee Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa inay ka koobnaadaan min 10 xubnood, oo leh saddex Gudoomiye, oo lagu xulayo hanaan awood qaybsiga gobolada dowlad goboleedkaan. The post Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Guddi magacaabay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Sh.M.Network) – Maxamed Jaamac Abgaal, oo horey usoo noqday Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee maamulka Somaliland, xukuumadii Axmed Siilaanyo, ayaa qirtay inuu lunsaday hanti dadwayne. Mr Abgaal oo wareysi siiyay mid kamid ah TV-yada ku hadla afka Soomaaliga ayaa daboolka ka qaaday in talaabadaasi uu qaaday uu ka dhex-lay cuduro, kuwaasi oo uu xusay inuu haatan la tacalaayo sidii uu uga soo kaban lahaa. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu si cad u sheegay inaanu dib dambe uqaban doonin xil, wuxuuna sababta ku sheegay in mushaarka uu qaato aanu ku filneyn, taasoo ku qasbeysa inuu gacan-bidaxeeyo hantida Umadda, siduu hadalka udhigay. Waa mas’uulkii ugu horeeyay guud ahaan Soomaaliya kaasi oo xilka Wasiir soo qabtay ee qirtay inuu lunsaday lacago musuq-maasuqay. Dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxwayne Farmaajo ayaa ku howlan sidii ay uciribtiri lahayd musuq-maasuqa oo la sheego inuu kamid yahay waxyaabaha hoos udhigay dowladnimada dalka. The post Wasiir hore oo qirtay inuu lacago musuq-maasuqay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-20012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda boostaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay in uu xanuuno ka qaadey lacago xaaraan ah oo uu qaatey muddadii uu wasiirka ka ahaa wasaaraddaasi. Wuxuu sheegay in tiro Saddex jeer ah uu tagay dhaqtar, islamarkaana loo sheegay inay xanuunayaan meelo kala duwan oo halis ah. Waxa uu cafis ka dalbaday Shacabka Somaliland, waxa uuna sidoo kale ka codsaday in ay usoo duceeyaan si xanuunada uu ka qaaday lacagaha uu sheegay in ay xaaranta yihiin. “Markaan sannad shaqeeyay waaban xanuunsaday dhakhtar baan tagoo dhakhtarkii wuxuu i yiri kalliduu dhagax kaaga jiraa yaabay, dabadeedna sannadkii labaad waan xanuunsaday dhakhtar baan tagoo wuxuu igu yiri dhiig-kar baad qabtaa, sannadkii saddexaad baan shaqeeyay waan xanuunsaday dhakhtarkii baan tagay dabadeedna wadnihii ayaaban sidiisii u shaqeynayn” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku daray “Macnuhu waxaa weeye wax ka badan mushaharkii laguu qorey ayaa kusoo galay waa xaaraan dee, waar xaaraantii hore illaahay ha iga cafiyo xanuunadii iyo dhibaatadii aan ka qaadey ayaan mashquul ku ahay”.sidaasi waxaa sheegay Maxamed Abgaal. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Maxamed Jaamac Abgaal oo ahaa wasiirka hore ee boostada iyo isgaarsiinta Somaliland ee xukuumdii Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay inuu xanuuno uu weli la tacaalaayo ka qaaday lacaggo si aan haboonayn ugu baxsaday mudadii uu ahaa wasiirka, wuxuuna umadda Somaliland iyo Illaahayba weydiistay cafis. ” Anigu waxba ma qarsan karaayee, war xanuuno badan oo aan ka qaaday tii hore ayaan dawadoodii la tacaalayaa, sababtoo ah markii lagu yiraahdo xil wasiir baad haysaa lacagaha ku qoran macal marka lagu daro gunno xileedka waa kun iyo shan boqol oo doolar iyo wax noocaasay noqonaysaa, dabadeed waxaa laguu dhiibayaa miisaaniyad shay walba iyo lacag walba ku qoran tahay taas oo ay tahay in arimo gaara lagu qabto, marka lacagahaa noo qoraa noloshayada makafayn karin sidaa darteed dollarkii dheeriga ahaa ee aan halkaas ka qaadanay waa xaaraan” ayuu yiri wasiir Abgaal. Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal ayaa sheegay inuu xanuusaday markii uu muddo yar shaqaynaayey, markii uu baaray arintaasna uu ogaaday in xanuunadan ay sabab u tahay lacaggo xaaraana oo uu ka qaatay wasaaradii uu masuulka ka ahaa. Abgaal ayaa sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu qabto masuuliyada danbe, wuxuuna Illaahay waydiistay inuu ka cafiyo xaaraantii uu horay u qaatay. Siyaasigan ayaa tilmaamay in xanuunadan aysan kaligiis ku koobnayn balse ay jiraan siyaasiyiin kale oo xanuuno lagu imtixaamo marka ay xoolaha dadweynaha si aan haboonayn ugu takri falaan, wuxuuna tusaale usoo qaatay inay jiraan kuwo uu midabkoodu isbadelo oo loo malaynaayo inay cadaadeen oo ay qurux badnaadeen hase ahaate ay arimahaas xanuuno sababeen. Masuuliyiinta Soomaalida ayaa la sheegaa inay hantida dadweynaha ee ay gacanta ku hayaan u isticmaalaan si lamida hantidooda gaarka ah, waase adag tahay siyaasi Soomaaliyeed oo sidan oo kale cafis uga dalbada umadda iyo Illaahay. PUNTLAND POST The post Siyaasi sheegay inuu ku xanuusaday lacaggo xaaraana oo uu qaatay mar uu xil Dawladeed hayey appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay nin ajnabi ah oo la sheegay in laga shakiyey, sida ay ilo-wareedyo ku sugan u sheegeen Caasimada Online. Ninkan oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa wararka ay sheegayaan inuu u dhashay dalka Mareykanka, una socda magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo raaci lahaa diyaaradda Ethiopian Airlines. Sida ay ilo-wareedyo, lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, boorso uu watay ninkan ayaa laga helay gasacado ay ku jiraan sunta dadka ka ilmaysiisa, lamana yaqaan waxa uu ka damacsanaa. Ninkan ayaa waxaa hadda loo gudbiyey xarunta dambi-baarista booliiska ee CID-da, halkaasi oo kiiskan baaritaan dheeri ah lagu samaynayo. Dowladda Soomaaliya ayaan illaa iyo hadda wax faah-faahin ka bixin arrintan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Lix wariye oo ka howl-gala warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Somaliland ayaa loo haystaa in ay Like, Comment iyo share ku sameeyeen qoraallo ay xukuumadda Somaliland dhibsatay. Wariyeyaashan ayaa la sheegay in ay u yeedheen guddida anshax marinta wasaaradda warfaafinta Somaliland. Kooxdan weriyeyaasha ayaa magacyadooda lagu sheegay: Cabdicasiis Maxamed Maydhax, Siciid Faarax Cagjar, Nuura Maxamed Nuur, Muna Ibraahim Dhakhtar, Nasiim Maxamed iyo Mubaarik Yuusuf Cabdi. Dhammaan warieyayaashan waxaa ay ka hawl-galaan Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan iyo TV-ga Somaliland. Wariyeyaashan ayaa sugaya go’aanka ay ka qaadan doonto wasaaradda warfaafintu, iyadoo horey mushaharka looga jaray wariyeyaal kale oo iyagana lagu qabsaday arrimaha noocan oo kale ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Nairobi)-Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Koox ka tirsan Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi ee baadhitaanka ku haya Weerarkii Hotelka Dusit D2 ay ballaariyaan Baadhitaankooda, kadib, markii ay Boliska Degmadda Kituya ee W/bari ee dalkaasi sheegeen inay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo isugu jiray somali iyo Kenyan oo ku sugnaa 2 Hotel oo ku yaalla Degmadaasi. Wargeysku waxa uu qoray in mid ka mid ah dadka la qabtay uu ka mid yahay Muwaadin Somali haysta Baasaboorka dalka Britain, waxaana Ninkaasi magaciisa lagu sheegay Muxiyadiin Xasan oo 47-jir ah. Taliyaha Boliska Degmadda Kituya, Antooni Kamiyu waxa u u sheegay inay Ninkaasi ku soo qabteen Hawlgal ay shalay subax ka fuliyeen Hotellka lagu magacaabo Parkside Villa Hotel oo ku yaalla Degmadaasi, waa sida uu hadalka u dhigay. Taliyahaasi waxa uu magacyadda saddex kale ee ay hawlgalkaasi ku qabteen ku kala sheegay Muuse C/qaadir oo 25-jir ah, Axmed Idris Maxamed oo 24-jir ah iyo Maxamed Cabdi Cali oo 25-jir ah. Wuxuuna intaasi ku daray inuu Muuse C/qaadir haystay dhalashadda Kenya, halka labada kale aysan wax aqoonsi wadanin. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Cirbixiyeenada ayaa soo uruurinaya macluumaadka dayax madoobaad la sheegay in uu dhacayo, kaas oo ay dadka qaar sheegayaan in uu la mid yahay kii bishii July dhacay oo loo bixiyay “Bil-dhiig”. Dayax madoobaadku waxaa si fiican looga arki karaa waqooyiga iyo koonfurta Ameerika, qeeybo ka mid ah galbeedka Yurub oo ay ka mid tahay UK iyo waqooyiga Afrika. Dayax madoobaadku wuxuu dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan, taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa. Dayax Madoobaanshuhu wuxuu dhacaa marka uu dayaxu galo hooska dhulka. Habeenka uu dhacayo dayax madoobaadka, waxaa kaloo la socda wax la yiraahdo “Bil dhiig”, sababta loogu bixiyeyna waa midabka guduudan ee uu yeelanayo dayaxa. Tani waxaa loo aanaynayaa iftiinka ka dhasha marka dahaarrada dhulka ka sarreeya (atmosphere) uu sii dhex maro iftiinka qorraxda oo uu yeesho midab u eg kan burtuqaalka (oranjada) ama casaan, kaasoo ku dhaca dayaxa. Waxaa intaa dheer in dayax madoobaadkan uu dhici doono, ayadoo dayaxu uu marayo halka ugu shishaysa ee dhabbaha wareegga ah ee uu ku socdo. Dayax madoobaadku waxa uu billaabanayaa Isniinta oo ay taarikhdu ku beegantahay 21 Janaayo, iyadoo marka hore qeeyb ka mid ah dayaxa madoobaan doono. Dayax madoobaadkan ayaa waxaa sidoo kale laga arki doonaa Waqooyi Galbeeed ee Faransiiska, Waqooyi Galbeed ee Spain, Portugal iyo qeeybo ka mid ah Galbeedka Afrika. Waxaa sidoo kale laga arki doonaa dhammaan Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika, bariga Pacific iyo Waqooyi-bari Ruushka. Eegidda dax madoobaadka adigoon qalab ku eegeeynin waxba dhib ah malahan balse waxaa aad u khatar badan in la eego qorax madoobaadka. Dhacdadaan ayaa ah fursaddii ugu dambeeysay ee ay cirbxiyeenada UK arkayaan dayax madoobaad tan iyo inta laga gaaro sanadka 2029-ka. Xigasho;BBC Source
-
(SLT-Hargeysa)-Shacabka ayaa si weyn u sugaya nooca ay noqon doonto muddo kordhinta ay golaha guurtidu u samayn doonaan golaha wakiilada iyo wakhtiga ay ku salayn doonaan. Guddigii ay golaha guurtidu u saareen inay ka soo tallo bixiyaan muddo kordhinta loo samayn karo golaha wakiilada iyo weliba wakhtiga ugu haboon ee ay doorashada golaha wakiiladu dhici karto, ayaa la filayaa inay maanta soo gunaanadaan tallo ururintooda. Guddiga ayaa sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, waxa ay ku dhex jiraan dood iyo tallo urursi dhexdooda ah, ka dib markii ay dhagaysteen dhinacyadii ay doorashadu khusaysay ee saddexda xisbi iyo guddiga doorashooyinka qaranka. KULMIYE iyo UCID ayaa iyagu guddiga golaha guurtida ah waxay u bandhigeen inay muddo kordhintooda waafajiyaan is afgaradka ay labada xisbi ka gaadheen qabsoomida doorashada oo ah in doorashadu qabsoonto dabayaaqadda sannadkan 2019. Labada xisbi ayaa ku doodaya inay danta Somaliland ku jirto inaanay doorashada wakiiladu dhaafin sannadkan 2019. Xisbiga Waddani, ayaa isna la sheegay inuu aaminsanyahay inay doorasho qabsoomi karto marka la kala diro guddiga doorashooyinka. Guddiga doorashooyinka oo aan iyagu wax xidhiidh iyo wada shaqayn ah la lahayn xisbiga Waddani, ayuu wakhtigoodu ku eegyahay dabayaaqadda sannadka 2019. Muddo kordhintn la filayo in loo sameeyo golaha wakiilada Somaliland, ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu lumay xidhiidhka iyo wada shaqaynta xisbiyada dhexdooda iyo weliba xidhiidhka iyo wada shaqaynta guddiga doorashooyinka iyo xisbiga ugu balaadhan mucaaradka ee Waddani. Si kastaba ha ahaate muddo kordhinta golaha guurtida oo loo wada dheg taagayo ayaa waxa la isweydiinayaa inay ku salayn doonaan heshiiska labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ee ah in doorashadu qabsoonto dabayaaqadda 2019 iyo inay sameeyaan muddo kordhin ka baxsan heshiiska UCID iyo KULMIYE oo ay sameeyaan muddo kordhin ka baxsan sannadka 2019. Source
-
Beryahan waxaynu maqlaynay in shirkad dahab qodaysa oo sharcigi wasaarada macdanta haysata buuq laku abuuray degaanka ceeldibir . DADKA buuqa ku abuuraya ay yihiin Qurba joog oo doonaya in ay nabada gelyada khalkhal galiyan Kuna isticmaalaya lacago ay soo d irayaan OO Lee yihiin shacabka ku dirira shirkadana gacan hadal ku sameeya ayey Qurba joogu samaynayaan , Bahasha baqayada la yidhi ma dhasho wixii dhalana way ka xanaaqta ,Hada Qurba jooga degaanka C eeldibir waxana degaanki u soo kordhinmayan CIDII WAX soo kordhisana rabshado ayey ku abuurayan, Waar Ama wax la yimaada Ama dadka wax soo kordhiyey xaasidnimada ka daaya .cheif caqillada iyo suldaanka iyo xildhibaanada iyo waxgaradkuba arrinka iyo shirkadaba way soo dhaweeyen heshiish degaanka ahna way la galeen inta degaanka ka talisaana waa cuqaasha suldaanka xildhibaanada ,wasaaradu inta ayey degaanka wax ka waydiinaysa LAKIIN niman debeda casiirka ku cabaya OO qaxootiya, hadaba waraaqay so qoraan lama dhagaysanayo xukuumaduna yaanay dheg jalaq usiin , Raga sidaa samaynaya ee Qurba jooga ahi waa ragii markii jabhadu buurta soo gashay in jabhadu joogto buurta Tageerayey, waxayna ka shaqeeyan xumaanta iyo nabad gelyo xumada Wanaagana kama shaqeeyan Wasaaradu ha tixgaliso cuqaasha iyo suldaanka iyo xildhibaanada ogolaashahoda , waraaq Qurba joog qaxootiya hadalkoda ayaan dheg jalaq loo siin . Qurba jooga waxan Lee yahay WAAR meelaha qoxootiga ku joogtan wax ka noqda oo horimarka indhaha u fura iyo x idhiidhka bushada . Halgan intii joogta ayaa go,aankeda iyo aayaheeda wax laga waydiinayaa ee shaqo idiin Taal maaha ,by mire cali xasan. mohamedhassan3867@gmail.com Source
-
Popular Contributors