Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,301
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Rajada fiicani waxay mar kasta ka wanaagsantahay wax aad haysto isla markaas, Somaliland waxay 27 sano ku soo jirtay beri ayaa ka wanaagsanaan doonta maanta iyadoo aan loo samayn ama la hayn qorshe horumarineed oo la hiigsanayo balse ay qabeen oo qudha shacabku yididiilo ah wanaag waa danbeeyaa. Hargeisa waa Caasimad Somaliland wax ku nool dad ka badan 1.5 million (hal malyan iyo badh) oo shacab ah , dadkaasi waxay noloshoodu u qaybsantahay Sadex dabaqadood oo midna aanay mid shaqo ku lahayn amse aanay ka war qabin. Qaybta kowaad waa dad isugu jira Siyaasiin (politicians ) maal qabeeno ku noqday xoolaha umada iyo Ganacsato (Bussiness men) ay heshiis yihiin Dawlad cashuurtna si fiican u bixiya balse aan ka fikirin danta shacabka iyo awooda wax iibsi ee qofka miskiinka ah , waxaana ka dhexeyeeya xidhiidh adag oo ah ” dhibane yeelkiise inoo qaybi dheefta”. Qaybta labaad waa shaqaalaha u kala dareera goobaha dawlad iyo kuwa Ganacsiga , waxayna bixiyaan labad ugu muhiimsan noloshooda oo ah Wakhti(Time) badan oo aanay wax u qalma helin, waxay bixiyaan maskaxdooda hadana dhiiri gelin ma helaan (Motivation) xaaldooduna waa “hadii aan la geeryoon gugu waa da’aayaa”. Qaybta sadexaad waa halka ugu hoosaysa dhaqaale ahaan ,aqoon ahaan, caafimad ahaan iyo shaqo ahaanba , waxayna bulshada ka noqonayaan 50 % bulshada , Sadexda waqti ka ugu badani wuxuu helaa laba jeer , waa qadaa ma dhergaan aan la maqal codkiisa . Dadka noocaas ahi waxay quutal yoomka ka raadsadaan kaaryoomo ay soo saarteen in yaroo Cadar ah , Kabo yar_yar , Dharka Nooca loo yaqaano Huudhaydhka , Sharabaado yar_yar , Makiinado iyo Cidiyo guro , Garmaan iyo wax yaalkale oo aas’aasiya bay bariiska kala soo baxaan. Qaar kalena waxay ku maararoobaan in ay kariyaan cuntooyin jaban sida Bariis iyo Baasto ama Shaah si ay ugu deberaan nolol maalmeedka iyo duruufaha haysta Xaaladooduna waa ” dhibka laguma waaree waa laga dhamaadaa”. Nasiib daro dadka noocaas ah baa maalin walba Suuqyada Hargisa wax laga qaadaa cashuur labad gelin ah , ha lag qaadee hadana maalin kast wax lagula kacaa dulmi cad iyo khasaare joogto ah, hantidoodna wax laga dhigaa qaar la qubo iyo qaar la qaato , sharcigu uma hiiliyo ,suxufina uma hadlo , waa dhibaneyaal ku nool dhulkoodii. 21 lagu qasaaray ,ayaa ah kuwo calooshooda u shaqaysataal ah balse aan marna ka fikirin dhibka haysta dadkooda iyo maskiinta tuur ku xamaalotada ah . Ugu danbayn waxaan soo jeedin lahaa Qaranimadu waa dalad (umbrella) uu hadhsado muwaadinku , difaac iyo daryeelna u ah , sidaa awgeed dadkaa masaakiinta ah hala daryeelo , meelo hala dejiyo ay ku ganacsadaan ama ku xamashan oo ku haboon waxay u baahanyihiin. Wa billahi tawfiiq. W/Q: Kayse Abdullahi Dhisaaye Qaran News
  2. Kampala ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska dalka Uganda ayaa lagu armay in ay xoojiyaan ammaanka magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi, si ay ugu hortagaan weeraro laga cabsi qabo in Dagaalyahannada Al Shabaab ay ka geystaan gudaha Uganda. Ciidanka gaarka ah ee ilaalada Dalxiisayaasha Uganda lagu wargaliyay in ay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, islamarkaana ay si weyn uga taxadaraan goobaha ay dadku ku badany ihiin, sida hoteelada iyo meelaha kale ee loo Dalxiis tago. Ku xigeenka Afhayeenka Booliska Kenya Mr Luke Owoyesigyire ayaa sheegay in haatan ay diyaariyeen Askar badan oo ka mid ah Ciidamadooda, si ay u xoojiyaan ammaanka goobaha ay isugu yimaadaan dadweynaha. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ay diyaar u yihiin ilaalinta amniga guud ee Uganda, islamarkaana ay ka hortagi doonaan wax walibo qatar dalkooda. Tallaabadani ayaa imaaneysa, xilli todobaadkii hore Al Shabaabay ay weerar ku qaadeen Hoteel ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. The post Uganda Oo ka feejigan Weeraro kaga yimaada Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  3. The Federal Government of Somalia and aid agencies operating in the country have today launched the 2019 Humanitarian Response Plan (HRP) and called on donors to provide sufficient and early funding to sustain aid operations in Somalia in 2019. The response plan seeks $1.08 billion to provide life-saving assistance and livelihood support to 3.4 million Somalis affected by conflict, climatic shocks, and displacement across the country. The improvements in the food security situation due to good 2018 Gu showers of rain, the sustained humanitarian response throughout 2018 and a more focused definition of needs have resulted in a 32 percent decline in the number of people in need of humanitarian assistance, from 6.2 million in 2018 down to 4.2 million in 2019. However, continued conflict and climatic shocks threaten to reverse these gains. In addition, humanitarian needs remain above the pre-crisis level from two years ago. Over 1.5 million people, mainly IDPs and rural populations, face acute levels of food insecurity (IPC 3 and above) and require immediate assistance for their survival. Malnutrition rates across the country have remained persistently high. Over 2.6 million people are internally displaced persons (IDPs) and live in difficult circumstances, are highly vulnerable and in need of multiple basic services and protection. “Unless aid agencies can sustain the aid operation or immediately scale it up in some worst drought-hit areas early in the year, the progress made thus far is under severe threat, as Somalia remains in the grip of one of the most complex and long-standing crises in the world. Climatic shocks such as the recent poor Deyr rains coupled with the cumulative effects of years of the ongoing conflict and the resultant displacements continue to cause suffering and destroy people’s livelihoods,” said Peter de Clercq, the Humanitarian Coordinator for Somalia. “I urge the international community to continue providing early and sufficient humanitarian funding. Alongside life-saving support, a substantial investment in resilience-building and development solutions will be critical to ultimately end need and allow people to fend for themselves with dignity.” The Federal Government of Somalia applauded aid agencies for prioritizing saving lives and ending need through community resilience-building. “This year’s response plan clearly articulates the government’s position that humanitarian needs in Somalia cannot be addressed by the delivery of life-saving assistance alone and it recognises that there are opportunities for development actors to contribute to strengthened resilience of Somalis,” said Mr. Hamza Said Hamza, the Minister of Humanitarian Affairs and Disaster Management. “I call on donors to also prioritize programmes that tackle structural and chronic development challenges in Somalia. We are committed to work with all partners to move ahead with implementing durable solutions through the Resilience and Recovery Framework for Somalia, while the humanitarian response plan focuses on the immediate needs of the most vulnerable – IDPs, host communities, returnees to Somalia and refugees from neighbouring countries.” Despite operational challenges, insecurity and access restraints, aid agencies reached an average of three million people every month with life-saving assistance in 2018. The 2019 HRP targets 3.4 million people, or 81 per cent of the 4.2 million people in need of assistance; and the HRP financial requirements were reduced from $1.5 billion in 2018 to $1.08 billion this year, also in light of increasing engagement of resilience and development actors. Guided by the Humanitarian Country Team’s Centrality of Protection Strategy for 2018-2019, the humanitarian operations will focus on four core strategic objectives: providing life-saving assistance, nutrition, protection and resilience support to the most vulnerable. The post $1.08 billion required to support 3.4 million Somalis appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Wararka ka imaanaya degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay maanta ku dagaallameen ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Ciidamadan ayaa la sheegay iney kala ahaayeen Booliis iyo Milatari, waxaana dagaalkan uu yimid kadib muran ku dhexmaray suuqa degmadaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintey Hal qof, iyadoo Saddex kale ay ku dhaawacmeen, inkastoo khasaaraha uu intaan ka badan karo. Goobta dagaalkan uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda ah kuwaasi oo kala dhexgalay askartii dagaallantay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho ( Sh. M Network )-Wararka Idaacadda Shabelle ay ka heleyso degmada Kaaraanee gobolka Banaadir ayaa ku warramaya in maanta Rag ku labisan dareeska Ciidamada dowladda ay wiil dhalinyaro ahaa ku dileen gudaha degmadaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Xaaji, waxaana la sheegay in uu ka mid ahaa Ardayda wax ka barata mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla M/ Muqdisho. Dilkan ayaa yimid, kadib markii Marxuumka iyo Raggaasi ay ku murmeen Mobile Gacanta ah oo uu watay, kadibna rasaas ay ku fureen uu u dhintay Ardaygaasi, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in kooxahaasi ay horay uga sii qaateen Mobile-kii uu watay Marxuumka. Sidoo kale waxaa saacadihii ugu dambeeyay dilal kale oo ahaa kuwa qorsheysan ay ka dhaceen isla degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo loo geystay 2 Qof oo la sheegay in ay ahayeen Askar ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya. Dilka Askartan ayaa baraqanimadii maanta ka dhacay Xaafadda Halima Hiiti ee degmadaasi. Dhinaca kale xiriiro ay la sameysay Shabelle maamulka degmada Kaaraan, gaar ahaan guddoomiyaha degmadaasi C/fitaax Nuur Cali Yaanyo ayaa diiday in uu ka hadlo dhacdooyinkaasi is xig xigay ee maanta ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir. Guddoomiye Yaanyo ayaa inta badan ka hadlin dhibaatooyinka shacabka ku dhaqaan Kaaraan loogu geysto gudaha degmadaasi. Arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli muddooyinkii dambe ay taagneyd cabasho xoogan oo dhinaca amniga ay ka muujinayeen shacabka degmadaasi. The post Ku dhawaad 5 Qof Oo lagu dilay degmada Kaaraan appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Nairobi ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ayaa soo saaray liiska 7 ruux oo la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen weerarkii 15 bishan lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalkaasi. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in todobadaasi ruux oo badankood Kenyaan ah ay ka baadi goobayaan gudaha dalka Kenya. Booliska ayaa soo bandhigay Sawirrada iyo magacyada dadkaasi ay raadinayaan oo kala ah Dido Mohamed Fugicha Alias Dingdong, Hussein Adan Hussein Alias Etto, Gadaffi Alias Munene, Boru Abdi Bidu, iyo Ramadhan Wario Bonaya Alias Rasho . Sidoo kale ayaa waxaa Booliska ay sheegeen in ay jiraan labo ruux oo Somali oo AY aysan u suura galin in ay helaan magacyadooda, balse ay soo bandhigeen Sawirradood. Taliyaha Ciidamada Booliska ee dalka Kenya Joseph Boinet ayaa shacabka Kenya ka dalbaday in Booliska ay kala shaqeeyaan sidii raggaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa. Laamaha ammaanka ee Kenya ay gacanta ku dhigay dhowr ruux oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeeen weerarkii lagu qaaday hoteelka DusitD2 oo ku yaala magaalada Nairobi, kaas oo lagu dilay dad ka badan 20 ruux. Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya ayaa hore u sheegatay in ay ka dambeysay weerarkaasi. The post Kenya Oo soo bandhigtay magacyada rag loo heysto weerarkii Nairobi appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadahoose ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay xalay gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuyac–Garoon oo ka tirsan degmada Salagle ee gobolka Jubbada Hoose. Qof ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo waqtigaa ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay in ay ciidamadu dibedda uga saareen kaddibna halkaa ku bur buriyeen Dhismihii, agabkii yeelay iyo Anteennadii shirkadda intaba, ciidamada ayaa bur burinta xarunta u adeegsaday Miino ama walxaha qarxa. Xarunta ayaa qeyb ka ah xarumihii dhawaan hawadda ka baxay markii sidan oo kale loo gubay xaruntii Isgaarsiinta ee deegaanka Calibuley. Waxaa hawadda ka maqan oo aan shaqeyn sida lagu soo waramayo qeybo ka mid ah deegaannada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo xiriirka isgaarsiinta ka qaadan jiray xarumaha la bur buriyay waxaana Deegaannadaasi ka mid ah: Calibuley, Diif, Dhuyac-garoon, Geriley Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo jubbada Hoose. Lix maalmood ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale ciidamada Kenya u bur buriyeen xaruntii Isgaarsiinta shirkadda Hormuud ee deegaanka Calibuley, waxaana hawadda ka maqan Isgaarsiinta qeybo ka mid ah deegaanno hoos taga Ceelwaaq ilaa Dhoobley, waxaana marka laga soot ago isticmaalka isgaarsiinta dadku u adeegsan jireen isku gudbinta lacagaha EVC Plus Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah o oka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland oo la xiriira tacaddiyadan ay geysanayaan ciidanka keyna oo qeyb ka Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISO.
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ayaa ku warramaya in Meydadka illaa afar Qof saaka lagu arkay duleedka degmadaasi. Meydadkan oo ay korkoodu ka muuqatay rasaas ayaa la sheegay in xalay la soo dhigay halkaasi , sida ayShabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sawirro laga soo qaaday Meydadka ayaa muujinaya in toogasho lagu dilay dadkaasi, kadibna la soo dhigay goobtaasi, iyaga oo gacmaha iyo indhaha ka xiran. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in laba ka mid ah Marxuumintaasi ay xirnaayeen tuutaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Dyniile ayaa gaaray halka la soo dhigay Meydadkaasi, inkastoo maamulkaasi degmadaasi uusan ka hadlin dhacdadaasi. Arrintan ayaa walaac iyo wal wal xoogan ku beertay dadka deegaanka oo saaka ku soo waabariistay dhacdadaasi argagaxa leh. The post Meyadka 4 Qof Oo laga helay duleedka degmada Dayniile appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/War-Duhur-210119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Sharikadda diyaaradaha dalka Itoobiya ee Ethiopian Airline, ayaa la sheegayaa in ay hakad kooban gelisay duullimaadyadeedii Muqdisho iyo Addis Ababa. Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii nin u dhashay dalka Koonfur Afrika lagu qabtay boorso uu watay garoonka Aadan Cadde, taas oo uu doonayay in uu ula dhoofo magaalada Addis Ababa. Boorsada ninkaas ayey ciidamada ammaanka ka heleen gaaska dadka ka ilmeysiiya, sidoo kalena loo adeegsan karo qaraxyada, waxaana markii ay ciidanka qabteen kaddib la wareegay ciidamo ajannabi ah. Ninkan ayaa waxaa hadda ku socda baaritaan la xiriira walxaha gaaska ah ee qarxi kara oo uu damacsanaa in uu la raaco diyaaradda. Maamulka Ethiopian Airlines ayaa maamulka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo weydiistay in uu faah faahiyo waxa ninkaasi ahaa iyo walxaha laga shakiyay ee lagu qabtay. Sharikadda diyaaradaha Itoobiya ayaa Soomaaliya ka shaqa billowday bishii November ee sanadkii la soo dhaafay, waxaana duullimaadkaasi billowday 40 sano kaddib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo safar shaqo dalka dibaddiisa ayaa maanra waxa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa. Guddoomiye Cirro warramay kulamo uu la yeeshay beesha Caalamka iyo arrimaha ay ka wada hadleen, waxa uu mar kale ku celiyay mawqifka xisbiga WADDANI ka taagan yahay guddiga doorashooyinka, Halakn hoose ka DAAWO Source
  12. (SLT-Israa’iil)-Qirasho naadir ah oo ay samaysay ayaa Israel waxa ay maanta ku xaqiijiysay inay duqeysay bartilmaameedyo Iran ay leedahay oo ku yaalla gudaha dalka Syria. “Waxaan billownay inaan weerarno bartilmaameedyada ciidamada Qudus ee Iran ee gudaha Syria. Waxaan uga digaynaa ciidamada Syria inay isku dayaan inay waxyeeleeyaan ciidamada ama dhulka Israel” ayaa lagu yiri qoraal milatariga Israel ay soo dhigeen barta twitter-ka. Ma aysan bixin faah-faahin intaas dheer. Hase yeeshee Israel ayaa duqeymaha billowday kadib markii ay dhexda ka qabatay gantaallo lagu soo tuuray buuraha Golan Heights, saacado kadib markii Syria ay sheegtay inay ahaayeen gantaallo lagu soo tuuray garoonka diyaaradaha Damascus. Israel ayaa inta badan qiran ficilladeeda milatari ee gudaha dalka Syria, hase yeeshee ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu oo booqahso ku jooga dalka Chad ayaa yiri “waxaan leenahay siyaasad qeexan oo ah inaan waxyeelleeno saldhigyada Iran ee Syria iyo cid kasta oo isku dayda inay na waxyeeleyso” Israel ayaa dooneysa inay ka fogaato inay ku lug yeelato dagaalka sokeeye ee Syria. Waxa ay ka codsatay Ruuska iyo xulafadisia dowladda Syria, in ciidamada iran ay ka fogeeyeen meelaha u dhow xuduudda Syria iyo Israel. Source
  13. Golaha wakiilada ee dowladda Puntland ayaa maanta waxa ay doorteen oo ay yeesheen guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 8 xubnoon . [...] Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Maareeyaha cusub ee madbacada qaran Maxamuud Raage ayaa waxa uu ka hadlay qorsheyaal cusub oo lagu soo kordhin doono madbacada qaran, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabayaaan waan-waan Somaliland la gelayso kornayl Siciid Cawil Caarre, oo ciidamada Somaliland hore uga goostay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Gudoomiyaha gobolka bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo iyo waxgaradka degmada Carmo ayaa ku guulaystay soocelinta gaadiid xamuul ah oo horaantii bishan lagu dhacay degmada Carmo [...] Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa bishii April balanqaaday in bilowga bishii May ee sanadkii tagay la bilaabayo dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye iyo tan xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar. Markale Bishii May ayuu sameeyay balanqaad kale oo ah in la bilaabi doono dhismaha waddooyinkaasi ka baxa Caasimada Soomaaliya balse wali ma jirto wax dhismo ah oo la bilaabay, waxaana dhismahaasi ka taageereysa dowladda Qatar. Qatar ayaa marar badan sameysay balanqaadyada dhismaha xarumo badan oo Muqdisho ku yaala, balse ilaa iyo hadda ma jirto hal meel oo la dhagax dhigay, waxaana balanqaadyadaasi dowladda Soomaaliya ay heshay markii go’aan dhexdhexaad ah oo u muuqday inuu Qatar u hiiliyay ka qaadatay khilaafkii Khaliijka. Ilaa iyo hadda lama cadeyn sababaha balanqaadyada Qatar ay kaga fuli la’yihiin magaalada Muqdisho, balse waxaa muuqata inay ahaayeen balanqaadyo xiligaasi la sameeyay iyo heshiisyo lala galay. Qatar ayaa heshiisyo badan u saxiixday xukuumadihii kala duwanaa ee dalka Soomaaliya, waxaana aad u yaraa fulinta balanqaadyadaasi. Waxaa kaloo jirta cabsida Al shabaab laga qabo oo la xiriirta dhismaha waddooyinkaasi, taasi oo u baahan in xal laga gaaro. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/01/Reysul-Wasaare-Kheyre-waxa-uu-Balan-Qaaday-Bishi-April-ee-Sanadkii-hore-in-Bi.mp4 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargeysa)-7 xildhibaan oo ka mid ah guddidii loo saaray muddo kordhinta golaha wakiillada Somaliland ayaa loo diidey in ay galaan xarunta golaha guurtida, sida ay ii xaqiijiyeen qaar ka mid ah xildhibaannada loo diidey inay golaha soo galaan. Toddobada xildhibaan ee loo diidey golaha ayaa kala ah; Xildhibaam Maxamed Dheeg Xildhibaan Cabdicasiis Booshcade Xildhibaan Axmed Shide Xildhibaan Sheekh Cabdiraxmaan Xildhibaan Axmed Dirir 6.Xildhibaan Xirsi Xildhibaan Axmed Gacan. Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxaa ayaa ku dhawaaqay muddo kordhin ay u samayeen golayaasha wakiilada iyo Guurtida . Guurtida ayaa ku dhawaaqdey in ay doorashada golaha wakiiladu ay dhici doonto bisha 12 ee sanadka 2019 , sidoo kale na ay doorashada golaha guurtida ay dhici doonto bisha 12 ee sanadka 2020. Muddo kordhintan kumay jirin lagumana soo hadal qaadin golayaasha deeganka oo muddo xileedkoodu dhamaanyo bisha saddexad ee sannadkan. Source
  20. (SLT-Muqdisho)-Faah faahin ayaa ka soo baxaya Nin Ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo boorsadiisa laga helay walxo qarxa, xilli uu raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines. Ninkan ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Koofur Afrika, waxaana boorso uu watay laga helay Gaaska qarxa. Ciidamada Ammaanka Garoonka ayaa ninkan gacanta ku dhigay, waxaana markii dambe la wareegay Ciidamo Ajnabi ah oo Garoonka ku sugan. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan uu u shaqeynayay Shirkad Ajnabi ah oo xarunteeda tahay yahay Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha. Diyaaradda Ethipian Airlines ayaa si KMG ah u hakisay baajisay duulimaadkeeda Muqdisho, sababo la xiriira ninka ka midka ahaa rakaabka diyaaradda ee boorsadiisa laga helay walxaha Gaaska qarxa. Ilo ku dhow dhow Garoonka diyaaradaha ayaa sheegaya in Maamulka Shirkadda ay soo weydiisatay Maamulka Garoonka Muqdisho inay faah faahiso ninka watay walxaha qarxa ee la qabtay sababtiisa iyo waxa uu damacsanaa, inkastoo ninkaas gacanta ugu jiro ciidamo aan aheyn kuwa Ammaanka Soomaaliya. Diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeeda Muqdisho bilowday bishii November ee sanadkii hora ayaa isbuucii timaadaa afar jeer maalmaha Sabti, Isniin, Arbaco iyo Jimco. Source
  21. (SLT-Lubnaan)-Shirka Carabta ee Dhaqaalaha iyo Horumarinta Bulshada ee ka furmay caasimadda dalka Lubnaan, ayaa waxaa hareeyay xasarado siyaasadeed, iyadoo waddamada Carabta qaarkood ay ka baaqsadeen ka qayb galka shirkaasi. Shirka ayaa ku soo beegmay xilli xasilooni darro siyaasadeed iyo mid dhaqaale ay ka jirto dalka Lubnaan, oo martigeliya boqollaal kun oo qaxooti Suuriyaan iyo Falastiiniyiin isugu jira. Haddaba, dalalka ka qayb galay shirkaasi waxaa ka mid ah Soomaaliya oo dooneysa in dalalka Carabta qaarkood ay deymaha ka cafiyaan, wasiirka maaliyadda xukuumadda federalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo shirkaasi Soomaaliya u matalayay ayaa ka warramay Source
  22. (SLT-Mali)-Maleeshiyaad la sheegay inay gacan saar la leeyihiin ururka Al Qaacidda ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen waqooyiga dalka Mali halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ku sugan dalkaasi. Waxaana ku dhintay weerarka 10 ka tirsan ciidamada Chad ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta dalka Mali halka 25 ciidan ah uu dhaawac soo gaaray Maleeshiyaadka waxay sheegeen in weerarka ay jawaab u aheyd booqashada ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku maraya dalka Chad iyo go’aanka madaxweyne Idris Deby uu xiriirka diblumaasiyadeed kula yeelanayo Israa’iil. Weerarka Axaddii ayay kooxda u adeegsadeen gawaarida dagaalka iyo hub culus oo ay kula beegsadeen saldhiga ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey eek u sugan magaalada waqooyiga ku taalla ee Kidal. Qaramada Midoobey waxay ku tilmaantay weerarkaasi ficil dambi ah oo laga xumaado. Sannadkii 2013-kii ayay Qaramada Midoobey ciidamo u dirtay dalka Mali si ay dagaal ula galaan maleeshiyaadka Islaamiyiinta ah ee dalkaasi ka howlgala. Source