Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    207,312
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Jubadda-Hoos)Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadahoose ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay xalay gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuyac–Garoon oo ka tirsan degmada Salagle ee gobolka Jubbada Hoose. Qof ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo waqtigaa ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay in ay ciidamadu dibedda uga saareen kaddibna halkaa ku bur buriyeen Dhismihii, agabkii yeelay iyo Anteennadii shirkadda intaba, ciidamada ayaa bur burinta xarunta u adeegsaday Miino ama walxaha qarxa. Xarunta ayaa qeyb ka ah xarumihii dhawaan hawadda ka baxay markii sidan oo kale loo gubay xaruntii Isgaarsiinta ee deegaanka Calibuley. Waxaa hawadda ka maqan oo aan shaqeyn sida lagu soo waramayo qeybo ka mid ah deegaannada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo xidhiidhka isgaadhsiinta ka qaadan jiray xarumaha la bur buriyay waxaana Deegaannadaasi ka mid ah: Calibuley, Diif, Dhuyac-garoon, Geriley Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo jubbada Hoose. Lix maalmood ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale ciidamada Kenya u bur buriyeen xaruntii Isgaarsiinta shirkadda Hormuud ee deegaanka Calibuley, waxaana hawadda ka maqan Isgaarsiinta qeybo ka mid ah deegaanno hoos taga Ceelwaaq ilaa Dhoobley, waxaana marka laga soo tago isticmaalka isgaarsiinta dadku u adeegsan jireen isku gudbinta lacagaha EVC Plus Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland oo la xiriira tacaddiyadan ay geysanayaan ciidanka kenya oo qeyb ka Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Source
  2. (SLT-Hargaysa)Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa ay ku xidhan yihiin xabsiga weyn ee Hargeysa, iyaga oo ay dembi ku weyday maxkamadda gobolka Maroodijeex. Muddo ku dhaw sagaal bilood ayay xayiran yihiin, isla markaana ay waayeen xorriyaddoodii qofnimo ee ay xaqa u lahaayeen. Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo dhegaystay dacwadda loo haysto ayaa amartay in oodda laga qaado 29kii Oktoobar 2019ka, waxaanay weli gudaha ku jiraan laba bilood iyo labaatan cisho, iyaga oo aan wax dembi ah lagu helin. Maxaa Loo Haystaa Macallinka iyo Abwaanka? Waxa ay la xidhnaayeen laba eedaysane lagu eedeeyay in ay jarjareen xadhigga SOMCABLE ee mara gobolka Daad-madheedh. Maxkamaddu waxa ay dembi ku heshay labadii qof ee la xidhnaa, kuwaas oo lagu xukumay xadhig toddoba sanno ah iyo mag-dhawga dhibtii ay geysteen. Waxa ciidanka ka baxsaday mid ka mid ah labadaas qof ee la xukumay, waxaana la rabaa in dad aan waxba galabsan la dul-saaro gefka uu sameeyay qofka ka fakaday ciidanku. Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa ay ku xidhan yihiin rafcaan ay ka qaadatay Xeer-ilaalintu. Illaa haddana lama horkeenin Maxkamadda Rafcaanka. Xeer-ilaalinta iyo dhibbanaha ayaa duray garsoorihii maxkmadda rafcaanka ee lagu qoray gar-naqa dacwadda, waxaanay rabaan in lagu qoro garsoore ay iyagu soo xusheen oo ku maqiiqa waxa ay rabaan. Tallaabadani waxa ay lid ku tahay madax bannaanida Golaha Garsoorka Somaliland. Ma aha in qof aan waxba galabsan loo haysto madax-furasho iyo in uu bixiyo khasaare aanu gacantiisa ku fulin. Qof ahaan ma taageersani in waxyeello loo geysto ganacsi uu leeyahay muwaaddin reer Somaliland ahi iyo mid uu shisheeye leeyahay midnaba. Waanan ka xumahay waxyeellada loo geystay SOMCABLE. Laakiin dembiga dhaca waa in lagula xisaabtamo cidda geysatay. Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa loo xidhay in ay ka tirsanaayeen madal Whatsp ah oo la yidhaahdo “Hal-doorka Garaxajis”, halkaas oo xubnaha ku jira ay qaarna indho-la’aan ku taageereen jarista xadhigga SOMCABLE, kuwo kalena ay ka horjeesteen dhibaatada loo geysanayo ganacsiga sharciga u haysta in laga furo gobolladda dalka. Waxa laga qabtay magaalada Hargeysa, xitaa ma ay tegin gobolka Daad-madheedh ee dembigu ka dhacay. Ma aha in ay dadka shacabka ah loo bannado dacwado ay soo oogeen dad hantiileyaal ah oo loo habranayo iyo dad masuuliyiin ah oo ku tagri-falaya xilka ay qaranka u hayaan. Waxa xabsiyada ku jira muwaaddiniin ay eedeeyn rag ganacsato ahi, kuwaas oo aan hubo in aan dembi lagu helin, isla markaana aan maxkamadda la horgeynnin muddo laba sanno ah. Markaas saldhigyada iyo xabsiyadu ma bakhaarro ay ganacsatadu leeyihiin baa? Ugu dambayntii waxa aan Xeer-ilaalinta iyo Shirkadda SOMCABLE ugu baaqayaa in ay ka laabtaan rafcaanka ay ka qaateen labada muwaaddin ee dembiga lagu waayay. WQ/Siciid Maxamuud Gahayr Source
  3. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelkle-21012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Madaxa Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda Puntland ee Capacity Injection Project ee Soomaaliya Mr Georgy oo safar shaqo ku yimi Puntland ayaa ugu horrayn kulan la qaatay Xafiiska Xiriirka Mashruuca ee Project Coordinating Unit (PCU) isagoona ka dhegeystey warbixino dheeraad ah oo la xiriira habka ay u socoto shaqada mashruuca iyo waxyaabaha loo baahan yahay in la dardar geliyo. Sidoo kale waxa uu kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soof oo uu isaga hoos tago mashruucani isla markaana waxa uu ka xog waraystay waxyaabihii uu soo kordhiyey mashruucaani muddadii uu shaqaynayey iyo sidoo kale waxyaabaha la doonayo in wax laga beddelo haddii ay jiraan. Mr Georgy ayaa dhinaca kale waxa booqasho ku tegey Hay’adda Shaqaalaha rayidka aee Puntland, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta iyo Jaamacadda Puntland State University isagoona dhammaan goobahaasi kula kulmay Masuuliyiintii ugu sarraysey hay’adahaas. Waxaana uu kala xaajoodey waxyaabihii qabsoomay muddadii uu mashruucu ka shaqaynayey Puntland iyo caqabadihii lasoo gudboonaadey muddaasi iyo qorsheyaasha la hiigsanayo sannadkaan cusub in la hirgeliyo iyadoo lagu salaynayo baahiyaha rasmiga ah ee ka imaanaya hay’adaha dawladda. Mr Georgy Ayaa dhowaan lasoo magcaabay kaddib markii uu xilkiisu dhammaaday Mr Alex oo isaga xilkaan uga horreeyey waxaana ajandaha socdaalkiisa qayb muhiim ah kamid ahayd u kuur gal iyo is barasho maadaama uu ku cusub yahay shaqada. The post Madaxa Mashruuca CIP oo booqasho ku yimi Puntland, kulamona la qaatay hay’adaha dawladda appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo dhaqaatiir ay la socdeen. Seddex Dhaqtar ayaa la sheegay in gaariga ay la socdeen waxaana qaraxa uu ka dhacay gelinkii dambe ee maanta degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in seddexda dhaqtar ee la socotay gaariga labo kamid ah ay ahaayeen kuwo dhashay dalka Syria halka ruuxa seddexaadna uu ahaa dhaqtar Soomaali ah oo la socday. Qaraxa gaariga ayaa aad looga shaki qabaa in dhaqaatiirta loogu xiray gaarigooga xili ay kubbad ku ciyaarayeen garoon kubbada Cagta ah oo ku yaala degmada Hodon, waxaana ay ka howlgalaan isbitaalka Mogadishu City. Waxyeelada qaraxaasi ayaa lagu sheegay inay tahay dhaawaca shan ruux oo labo kamid ah ay yihiin Syrian, halka seddexda kale ay Soomaali yihiin, waxaana la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhaawaca dhaqaatiirta ajaaniibta ah ay aad u daran yihiin yihiin. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashay Miino lagu soo rakibay gaari ay la socdeen Dahkhaatiirta mid kamid ah Isbitaalada caasimada. Inta la xaqiijiyay saddex dhakhtar ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi oo labo kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Suuriya. Wararka ayaa intaas ku daraya in kamid ah dhakhaatiirta Suuriyaanka ah ay xaaladiisa tahay mid aad halis u ah oo liidata. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle in gaari la qarxiyay uu ahaa nooca lagu soo daabulay dhaawacyada ee Ambulance-ka loo yaqaano. Dhakhaatiirta ayaa markii qaraxa lala beegsaday waxay kasoo laabteen ciyaar kubada cagta ah oo ay kusoo dheeleen garoon aan ka fogeen goobtooda shaqo. The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Genel Energy issued an update on its ongoing activities in Africa, specifically onshore Somaliland and offshore Morocco. In Somaliland on the SL-10-B/13 block, where Genel holds a 75% stake and is operator, the company completed seismic processing. The company said that analysis and interpretation is underway. Initial indications confirm Genel’s view that the block has hydrocarbon potential. Genel continues to develop a prospect inventory and assess next steps ahead of a farm-out process and potentially spudding a well in 2020. On the Odewayne block, further seismic processing is being considered in order to complete the company’s understanding of the prospectivity of the block On the Sidi Moussa block offshore Morocco, the acquisition of around 3,500 sq km of multi-azimuth broadband 3D seismic completed in November. PSTM and PSDM processing will continue through 2019. Genel has no additional work commitments relating to the license. A decision will be made on whether to drill a well, and the appropriate equity level, once processing has progressed sufficiently Source: Petroleum Africa Qaran News
  8. Income inequality also called Social inequality is the unequal distribution of individual income or individual household across the various levels of the society or various participants in an economy. It refers to disparities in the distribution of economic assets and income in the overall quality and luxury of each person’s existence within a society. It is proved that high income inequality of a nation or in a society has a negative impact in the microeconomic development of that society, and has a negative long-term effect on economic growth. This effect is persistent implying that increasing Inequality may have different negative impacts in the poor sector of a society. In Somaliland, household income Inequality is among the highest in the region and is increasing year after year at an alarming rate, especially for the last decade. Additionally, inequality in access to basic services such as maternal health care, education, water and shelter were also increasing drastically year after year and are likely to sustain in the same situations in future generations. Though such situation exists in Somaliland, there were no government interventions, efforts and programs to target and reduce this relatively high inequality rate of income as well as basic services access inequality over these years. The wide gap in wage growth and value between the highest income-earning officers and the lowest income-earning workers in Somaliland is expanding day after day and remains unchecked. For example, the wages of the top government income earners of somaliland (Ministers, Vice-ministers, Mps of the two Houses, Head of Agencies, DGs, Managers, Governors, and the holders of other government honored top posts) were increased in between 400% to 1000%, in the last eight years or Kulmiye’s governing period; with more benefits or other benefits received for holding such posts like luxury & very expensive vehicles, budgets with much lump sum allocations designed to use their authority for private gain and can freely spent for their personal use. On the other hand the wages of the bottom government income earners of Somaliland (the soldiers, the teachers, the common civil servants, the subordinates, the technicians etc) were increased only in between 10% to 20% within the same period. This income inequality is a phenomenon that enriches the government officials; negatively affects the livelihoods of those with lower wages and don’t have the opportunities to advance themselves. The government’s budget allocation structure which seems as a technical assemblage opening for corruption also enriches some private companies, businesses and individuals who obtain a larger share of public benefits. Always the government better-connected individuals, companies and businesses, who belong mostly to high-income groups in the society, receive or accrue the benefits from government corruptions. At the same time, there is a regional budget distribution inequality among the regions of the country. This current budget allocation inequality among the regions is also indirectly increasing the income inequality between the communities in the regions; causing great Economic disparities between the regions of the country. The government’s unfair system of employing citizens based on tribalism, favoritism and illegal preference; that the ministers and head of agencies invite their relatives and their favored ones to the vacant posts of the ministries and institutions they lead, accelerates the speed of income inequality among Somaliland society. Unemployment and underemployment to be born into the larger groups of the society; while few favored groups are enjoying with special income advantages and benefits of being employed; are also among the factors that contribute the widening income inequality; causing many people and families live in poverty when they are unable to find a job at all, or to find a job that does not pay a living wage. In Somaliland’s present situation, the privilege of being part of the governing authority, the privilege of accruing the budget benefits and the privilege of being in access to employment opportunities were designed to go together into few groups of Somaliland society. That means, those at the top posts of Kulmiye governments are thinking only about themselves, practicing huge naked selfishness, and not caring the majority common people and those at the bottom of their society. The government nurturing corruption of budget benefits and the partiality in the access to employment distorted the government’s resource allocation responsibility, took a major role in the income inequality among the citizens and widened the range of poverty expansion in our society. Economic Inequality or a wide gap between rich and poor Stifles Growth, increases the un-affordability of food prices, decreases education opportunities and health care availability, tends to reduce law enforcement spending in low-income communities. Therefore economic inequality increases the incentive to commit crimes. A high level of economic inequality means a higher level of poverty. In Somaliland the few rich groups maintain the economy of the country. And when wealth distribution becomes concentrated in a small number of hands; then the political power tends to become skewed in favor of that small wealthy group compared to the common people and more to the poor citizens. This high level of economic inequality leads to imbalances in political power; as those at the top use their economic weight to shape our politics in ways that give them more economic power. That is why the high-income groups are always able to manipulate the government functions in their favor through both legal processes and through corrupt practices. And this unequal opportunity to political power increases political hegemony; then initiates political instability and threatens security and property rights among the society. In order to work for the betterment of those of us under relative poverty or even in absolute poverty; those who govern this country should believe in humanism; should think about the groups at the bottom of their society; think about how the poor feel and live; treat them with care and look after by helping them to stand up on their feet. We – the people have to speak out where ever we see the majority poor of our society suffering with inequality or injustice or not caring by their government. All citizens should have an equal chance to survive well in the society. “As long as gross economic inequality, injustice and poverty persist in our society none of us can truly feel at rest”. Nelson Mandela Adam Ali Younis Email: aayonis@hotmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com . Qaran News
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa shaaciyay in dowladdu ay su’aalo waydiineyso nin ajnabi ah oo Axadii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Ninkaan oo looga shakiyay inuu watay waxyaabo qarxa ayuu wasiirku daboolka ka qaaday markii baaritaan ay ku sameeyeen kadib ay ogadeen inuu waxa laga shakiyayay ahaayeen sunta indha dadka ka keenta ilmada. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirku balanqaaday in fahfaahin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka haatan socda ay lasoo wadaagi doonan warbaahinta iyo waliba shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa xusay in arrintaan aysan wax saameyn ah ku yeelan howlihii garoonka, oo uu ku nuux-nuux saday inay si caadi ah usocoto, islamarkaana ay duulimaadyadii shaqaynayaan. The post DF: “Baaris ayaa ku socota Ajnabigii lagu qabtay garoonka” appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta Xarunta Wasaaaradda Arrimaha gudaha waxaa uu kula Kulmay Safiirka Dowladda Turkiga ee dhawaan lasoo magacaabay iyo ku-xigeenkiisa. Waxaa labadda dhinac ka wada hadleen sidda loo sii xoojin karo wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaaradda Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya,kuwaas oo si toos ah isaga kaashada dhinacyo badan. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Safiirka Dowladda Turkiga ku qaabilo Xafiiskiisa kaas oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah. “Waxaaan soo dhaweeyey Safiirka Turkiga iyo sidoo kale kuxigeenkiisa waxaan ka wada hadnay arrimaha wada shaqeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Safaaradda maadaama aan wadaagno Shaqooyin badan iyo waliba sidoo kale Xiriirka ka dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Soomaaliya, Waxaa kale oo aan kawadalnay sidda loo wajahayo Mashaariicda xiliyada qaar imaanka iyo qaabka loo maareynayo” sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha. Safiirka cusub Dowladda Turkiga Mr. Yilmaz ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabka Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen waxaana uu sheegay in wado shaqeyn dhow la yeelanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Ugu danbeyntii kulanka waxaa sidoo kale joobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dalka. The post Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo la kulmay safiirka Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska Daily Nation ee Nairobi, ayaa qoray in saddex ka mid ah shanti qori ee toddobaadkii lagu fuliyey weerarkii lagu qaaday hotelka Dusit ee magaalada Nairobi ay ahaayeen kuwa ay soo iibsatay dowladda federaalka Soomaaliya. Wargeyska ayaa qoray in baaritaan horudhac ah uu muujinayo in lambarka taxanaha (serial number) ee qoryaha uu la mid yahay kan ciidamada dowladda Soomaaliya. Labada qori ee kale, ayaan weli la xaqiijin cidda iska lahayd. Dowladda kasta waxay leedahay lambar aqoonsi oo hubkeeda ku dheggan, waxaana sida Daily Nation uu daabacay, qoryihii lagu fuliyey weerarka 14 Riverside ay lahaayeen caalamadda “SO” oo ay isticmaalaa ciidamada Soomaaliya. “Weli waxaan isku dayaynaa inaan ogaano sida argagixisada ay ku heshay hubkan, balse waxaan u malaynayaa inay ku qabsadeen mid ka mid ah weerarada tirada badan ee Al-Shabaab ay ku qaaddo ciidamada dowladda Soomaaliya” ayuu yiri sarkaal ka tirsan qeybta-dambi baarista Kenya ee DCI. Waxa uu sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo booliska adduunka ee Interpol, si ay xog badan uga helaan hubkan iyo sida ay kusoo galeen Kenya. “Golaha ammaanka QM ayaa ka digay bishii November ee sanadkii hore in qalabka milatari ee dowladda Soomaaliya loo weeciyo kooxaha hubeysan” ayuu qoray Daily Nation. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in hub badan oo ay leedahay dowladda Soomaaliya hadda ay gacanta ugu jiraan ganacsatada hubka ee magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Baydhaba. Sida Daily Nation qoray, weerar kale oo la fishiliyey bishii Febraayo ee 2018, kaasi oo ka dhici lahaa magaalada Isiolo ee dalka Kenya, ayaa hubkii laga soo qabtay waxaa laba ka mid ah ay noqdeen kuwa dowladda Soomaaliya. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Sh.M.Network) – Akhristayaasha idaacada Shabelle eek u taxan website-keena waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-21012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacada Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Guddiga joogtada ah ee maanta ladooraty oo ka kooban 10 xubnood, lagan soo xulo 66ka xunood ee Baarlamaanka ayaa kala ah sagaal rag ah iyo [...] Source
  14. Wariye Mooge: Ma maqashay in Golihii Guurtidu kordhiyeen, todoba xildhibaanna laga hor joogsaday fadhigii? Sharci-doon: Kordhintu ha ii joogtee, aniga waxa ii daran sharciyadda lagaga horjoogsaday xildhibaanada in ay soo galaan; tani waa ugub; ka saaristu way jirtay; maan arag xeer hoosaadkooda; laakiin Gole waan soo maray; xildhibaan baan soo ahaa; ka saaristu ha ii joogto, laakiin ka hor istaag sina macquul uma aha in lagu daro xeer hoosaad ka; hadduu ku jirana waa qalad!!! Wariyihii: oo maxaad ku talin lahayd? Sharci-doon: intay goori goor tahay xaal marin ha waydiistaan shirguddoonka; haddii laga garaabi waayo sharciga ha u ashkatoodaan; dee haddii kale, berina golaha wakiilada ayaa loola imanayaa taasoo kale; eesh qiyaasak; xisbiyadiina maxay samayn shirarkooda; Allaa yahdiik!!!! Cabdo; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga. Source
  15. (SLT-Boorama)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samater ayaa waxa uu soo dhaweeyay in shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE lagu qabtay magaalada Boorama, waxaanu jawaab ka bixiyay hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarka ee waddanka ka shaqeeya maanta waxa ay ku dhawaaqeen Qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019. Dowladda iyo Hay’adahu waxa ay hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo deeq degdeg ah si howlaha gurmadka loo sii wado. Qorshaha maanta la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad naf-badbaadis ah iyo kaalmo dhanka hab nololeedka ah loo gaarsiiyo 3.4 milyan oo ah dad ay saameeyeen colaado, is bedello dhanka cimilada ah iyo barakac. Horumarka laga gaaray dhanka sugnaanta cuntada kadib xilli roobaadkii Gu-ga ee 2018 oo si wanaagsan u da’ay iyo gargaarka bini’aadamnimada ee 2018 oo la joogteeyay waxaa ka dhalatay in tirada dadka u baahan kaalmo bini’aadamnimo uu hoos uga soo dahco 6.2 milyan oo qof oo uu u dego 4.2 milyan oo qof, hoos u dhacan ayaa u dhigma boqolkiiba %32. Si kastaba ha ahaatee, colaado soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo deegaanka dartood waxaa laga cabsi qabaa in horumarkaas habac uu ku yimaado. Intaas waxaa wehliya, baahiyaha bini’aadamnimadu waxay weli ka sarreeyaan halkii ay joogeen laba sano ka hor intii aysan bilaaban mashaqooyinka bini’aadamnimada la xiriira. In ka badan 1.5 milyan oo qof oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya xaalad cunta yari oo aad u adag (IPC 3) waxayna u baahanyihiin kaalmo aan soo daahin si naftooda loo caymiyo. Nafaqa darradu aad ayay u sarreysaa guud ahaan waddanka. In ka badan 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha dalka ku barakacsan oo ku nool duruufo aad u adag. Dadkani aad ayay u nugulyihiin waxayna u baahanyihiin adeegyada aasaasiga ah iyo daryeel. “Haddii aysan hay’aduhu sii wadin gargaarka bini’aadmnimada oo aysan sara u qaadin howlaha caawinaadda sannadkan horraantiisa waxaa halis loogu jiraa in guulihii la gaaray la xajin waayo, maadaama Soomaaliya ay tahay waddan ay soo daashadeen aafooyin iyo colaado socday waqti dheer. Mashaakilka ay keentay is bedelka cimilada sida xilli-roobaadka deyrtii dhoweyd oo aan wanaagsanayn oo ay wehliso colaado iyo barakac mudo lugu soo jiray ayaa sababi kara natiijooyin aan la mahadin, burburinna kara hab nololeedka dadka” ayuu yiri Peter de Clerq, xiriiriyaha arrimaha bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “Waxaan ugu yeerayaa beesha caalamka iney bixiyaan deeqo deg deg ah oo wax looga qaban karo baahiyaha jira. Mashaariicda maalgashiga iyo in la dhiso u adkeysiga aafooyinka ee dadka ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro si ugu danbeyn loo cirib tiro baahiyahan dadkuna ugu noolaadaan si sharaf leh” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa dadaallada hay’adaha gargaarka ee lugu badbaadinaayo dadka Soomaaliyeed, baahiyahana lagu yareynayo ayadoo loo maraayo in la dhiso adkaysiga dadka. “Qorshaha sannadkan wuxuu si cad u qeexayaa in aan baahiyaha bini’aadamnimada la cirib tiri karin ayadoo aan lugu barbar wedin mashaariicda horumarinta, sidaas daraadeed waxaa loogu baaqayaa hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda horumarinta in ay kaalin mug leh ka qaataan arrintan” ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Federaalka ah. “Waxaan ka codsaneynaa deeq bixiyeyaasha in mudnaan la siiyo mashaariicda lagula tacaalayo caqabadaha ku gudban horumarinta. Waxaan diyaar u nahay ina aan la shaqeyno dhammaan saaxiibada caalamka si loo gaaro xal waara ayadoo la dhaqan gelinayo hannaanka kasoo kabashada nugeylka (Recovery and Resilience Framework) Ayadoo ay jirto caqabadaha amniga, hay’adaha gargaarku waxa ay kaalmo gaarsiinayeen celcelis ahaan saddex milyan oo qof bishiiba sannadkii 2018. Qorshaha (HRP) ee 2019 waxaa lagu talo galay in la gaaro 3.4 milyan oo qof (oo boqolkiiba %81 ka ah 4.2ka milyan ee kaalmada u baahan), halka dalabka qorshaha HRP uu hoos uga soo dhacay 1.5 bilyan oo doolar 2018kii sannadkanna uu yahay 1.08 bilyan oo doolar. Howlaha gargaarka wuxuu sanadkan xoogga saarayaa naf badbaadinta, nafaqaynta, daryeelka iyo soo kabashada dadka nugul. The post DFS iyo hay’addaha samafal oo dalbaday 1 bilyan oo gargaar ah appeared first on Shabelle. View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Waxaa baraha bulshada ka socda xujo-fur, taas oo dadka ay isku xujeynayaan in uu qof kasta soo dhigo sawir toban sanno ka hor ah, balse arrinta layaabka leh ayaa ah waxyaabaha aan innaba isbaddalin tobankaasi sano. Dadka ku nool dunida qeybaheeda kala duwan ayaa baraha bulshada soo dhigayay sawirro toban sano ka hor ah, iyagoo ugu magac daray #10yearChallenge, laakiin waxaa iska cad in adduunka uusan wali isbedelin. Marka la eego waddamo badan, waxaa wali haya talada madaxdii hogaamineysay waddamadaasi tobbankii sanno ee lasoo dhaafay. Waxay isugu jiraan kuwo ka badbaaday rabshado, kuwo isbddal ku sameeyay dastuurka iyo kuwo ku guuleystay doorashooyin ku celis ah. Inkasta oo isbeddello badan ay ka dhaceen dunida, gaar ahaan marxaladaha siyasadeed ayaa haddana waxay ahayeen kuwo ku dhagganaa hoggaanka tobankii sano ee la soo dhaafay. Tusaale ahaan, dalka Switzerland waxaa tobankii sanno la soo dhaafay ay yeelatay toban madaxweyne oo kala duwa oo dalkaasi soo maray, waxaana ugu wacan dastuurka dalkaasi oo dhigaya in madaxweynaha uusan hal sanno ka badan sii hayn karin hoggaanka dalka. Faysal Cali Waraabe – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland. Sanadkii 2000 wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga mucaaradka ee UCID halka guddomiyaha xisbiga loo doortay sannadkii 2001-dii. Labo jeer oo hore ayuu u tartamay doorashooyinkii madaxweynaha Somaliland ee sannadihii 2003-dii iyo 2010-kii oo ku guuldareystay. Siyaasigan ayaa weli ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID. Aadan Barre Ducaale – Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Sanadkii 2007-dii, ayaa markii ugu horeysay loo doortay inuu xildhibaan ka noqdo degmada Dhuujis ee ismaamulka Gaarisa. Bartamihii sanadkii 2008-dii, madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa u magacaabay ku xiigeenka wasiirka xannaanada xoolaha, isagoo markaasi matalayay xisbiga ODM. Sanadihii 2013-kii iyo 2017-kii ayaa waxaa markale loo doortay xildibaanka bartamaha magaalada Gaarisa. Sidaas awgeed 10-kii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa xildhibaan. Ismaaciil Cumar Geele – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti. Wuxuu talada dalka Jabuuti la wareegay sannadkii 1999-kii ka dib markii uu ku guuleystay doorashooyin dalkaasi ka dhacay. Ismaciil ayaa saddex jeer oo kale loo doortay jagada madaxtinimo, waxayna kala ahaayeen sannadihii 2005-tii, 2011-kii iyo 2016-kii. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa sidoo kale ah guddoomiyaha dalladda ay ku mideysan yihiin xisbiyada bah-wadaagta ah ee UNP. Waxyaabo kale oo dabiici ah ayaa is baddalay, waxaana tusaale u ah heer kulka dunida oo sii kordhay 10-kii sano ee lasoo dhaafay. Source: BBC Source
  18. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Sadiiq Cabdinaasir oo ah wiil dhowaan caruus galay, ayaa ku dul ooyey xafladdii arooskiisa ayada oo dadka qaarkood ay sheegeen inuu la ooyey “jaceylka uu xaaskiisa Ilhaan u qabo”. Sadiiq Cabdinaasir oo wareysi siiyey BBC Somali ayaa sheegay inuu la ooyey farxad darteed iyo hanashada xaaskiisa. “Qof walbo bini’aadam ah oo qalbi leh maalin ayuu ooyaa, waxaan la ooyay farxad darteed, sida ay qoyskeeyga uga soo qeyb galeen xaflada arooskeyga iyo inaan hantiyay qofkaan dunida ugu jeclaa”, ayuu yiri Sadiiq Cabdinasir oo BBC-da la hadlay. Waxay ahayd habeen xasuus ku reebtay dadka ka soo jeeda gobolka Mudug oo arrintan siyaabo kala duwan uga falceliyay qaarkood ayaa waxayba aaminsanihin in reer Mudug ay yihin dad aanan lagu aqoonin calool jileec. “Wiilka wuxuu la ooyay jaceeyl uu u qabo xaaskiisa, laakiin waxay ahayd inuu qarsado oo markay isku soo haraan uu iyada kali ah u u muujiyo jaceylkiisa, reer Muduga laguma ogeyn calool jileecaas” ayuu yiri Cabdirisaaq Dhilood oo Garoowe jooga. Hoos ka dhageyso wareysiga BBC Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo caasimada@live.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa waxa uu maanta kulan la qaatay qunsulka cusub ee dawladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland Shamsudiin Axmed. Wasiir Faratoon ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitter-ka waxa uu sheegay in kulankaasi uu ahaa mid isbarasho ah oo lagu sii adkaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Source
  20. Hal ruux ayaa ku dhintay,laba kalena waa ku dhaawacmeen, dab ka dhashay haan nooca gaaska keydisa oo duhurnimadii maanta ku qaraxday, meherad ku taalla bartamaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Goobjoogayaal ku sugan Garoowe ayaa warbaahinta u sheegay, in haantu qaraxday kadib markii ay haleeshay xabad uu riday askari ka tirsan ciidamada Puntland oo qof shacab ah ay is-af dhaafeen, islamarkaana uu dab qabsaday gudaha meheradda. Askarigii falka geystay oo goobta ka baxsaday, ayaa gacanta lagu soo dhigay,wuxuuna haatan ku xiranyahay saldhiga dhexe ee Garoowe,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Dab ka kacay Garoowe oo dhimasho iyo dhaawac dhaliyay appeared first on Puntland Post.
  21. (SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi ayaa waxa sharci-darro ku tilmaamay muddo kordhin ay maanta golaha guurtidu u sameeyeen golaha wakiillada, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Hal qof ayaa ku dhintay Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay Maqaaxi cunto oo ku taalay magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland [...] Source
  23. (SLT-London)-Baarlamaanka UK ayaa warbixin sannadle ah oo uu soo saaray wuxuu kaga hadlay xaaladaha dalkaasi Soomaaliya iyo ku dhowaad laba sano kadib doorashadii madaxweynaha maamulkaasi Soomaaliya Farmaajo waxa iska beddelay dalkan dagaaladu aafeeyeen. Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay 8-dii February sannadkii 2017 ay shacabka Soomaaliya rajo badan ka muujiyeen doorashadiisii, isagoo wakhtigiisii ololaha ballan qaaday inuu wada hadal la furi doono Al-Shabaab, laakiin laba sannadood ka dib waxay warbixintu tilmaamtay inuu u muuqdo in la tijaabiyay. Waxay warbixintu sheegtay in Farmaajo uu caqabado kala kulmay nidaamka federal ee dalka Soomaaliya, iyadoo uu khilaaf u dhexeeyo dawladiisa iyo maamul goboleedyada, waxaanay warbixintu tusaale u soo qaadatay dhibaatadii ka dhex dhacday dhawaan dawladda Farmaajo iyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed. “Dhawaan waxa uu qalalaase siyaasadeed ka dhex jiray mid ka mid ah maamul goboleedyada oo la yidhaahdo Koonfur Galbeed. Doorashadii Madaxtoyada waxa la qabtay December 2018. Markii tartanka lagu jaray dawladda Soomaaliya waxay dhibaato kala kulantay hoggaamiyihii Al Shabaab Mukhtaar roobow oo sidiisa ugu dhawaaqay inuu yahay murashax.” Ayay tidhi warbixintani. Waxa ay intaasi raacisay “Roobow waxa la xidhay 13-kii December, maalmo uun ka hor doorashada taas oo meesha ka saartay tartankiisii albaabadana u furtay murashaxii Farmaajo uu doonayay. Xadhiga Roobow wuxuu keenay degenaansho la’aan ay 5 ruux ku dhinteen. Xadhigii Roobow ayay warbixinta Baarlamaanka Ingiriisku tilmaantay inuu abuuray culaysyo siyaasadeed oo caalami ah kuwaas oo ay ka mid yihiin caydhitna ergaygii Qaramada midoobay, mooshino kala duwan oo markii dambe wada hadal lagu dhammeeyay. Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay inay Soomaaliya dhibaato iyo dhaawacyo siyaasadeed kala kulantay markii ay sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka waddamada Khaliijka, laakiin waxay xustay inay Soomaaliya natiijo togan kala kulantay isbedelada uu sameeyay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo xaliyay khilaafka xuduudeed ee Ereteriya, taas oo keentay inuu meesha ka baxo dagaalkii ay Itoobiya iyo Ereteriya isku herdiyayeen ee ka socday gudaha Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee waxa ay warbixintu sheegtay in guul uu madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo gaadhaa ku xiran tahay hadba sida uu wax uga qabto xaaladda ammaan ee gudaha Soomaaliya. Dhinaca ammaanka Soomaaliya, sannadkii 2018, waxa ay warbixintu sheegtay inay Al-Shabaab xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya. “September waxay ahayd bil gaar ah oo xun marka laga hadlayo weerarada Muqdisho. Oktoobar waxay weerarareen kolonyo gaadiid milatari oo uu Midowga Yurub leeyahay oo lagu dilay saddex ruux oo meel taagnaa. Sannadka 2019 wuxuu isna ku bilaabmay si la mid ah. January 1-deedii kooxda Al-Shaaab waxay xaqiijisay inay dib u heshay awoodda inay weeraro ka fulin karto saaxiibada Farmaajo la jaarka ah, markii ay weeraro ku qaadeen Nairobi ee ay dileen ugu yaraan 21 ruux. Wuxuu ahaa weerarakani kii ugu balaadhnaa ee ay Al-Shabaab ka fuliso Kenya tan iyo weerarkii jaamacadda Garisa ee 205 oo lagu dilay 150 ruux.” Warbixintan uu soo saaray Baarlamaanka UK waxay sidoo kale taabatay xidhiidhka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, tan iyo markii uu xukunka qabtay Farmaajo, oo ay tilmaantay inuu hoos u dhacay, waxaanay sheegtay inaanu Farmaajo illaa hadda ku guulaysan inuu xoojiyo xidhiidhka Somaliland. “Madaxweyne Farmaajo illaa hadda guul kamuu gaadhin wanaajinta xidhiirka Somaliland. Ka dib dhawr dib u dhac, Somaliland waxay November 2017 qabatay doorashadii madaxtooyada, waxaana ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka socda xisbiga KULMIYE. Murashaxii laga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo Waddani ka socday ayaa ku andacooday in wax la is dabo mariyay laakiin maxkamadda sare ayaa ansixisay natiijadii.” sidaas ayay warbixintu tidhi. Waxa kale oo ay warbixintu soo hadal qaaday xiisadda mar walba ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee deegaanka Tukoraq oo ay dad badani ku dhinteen, “Dedaal wada xaajood oo si rasmi ah loogu samayn lahaa xabad joojin ayaan guulaysan.” Ayay tidhi warbixintu. Warbixintu waxa kale oo ay soo hadal qaaday wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay, “Madaxweyne Biixi ayaa dib u dhigta March 2018 wada hadalada Soomaaliya, kuwaas oo la filayay in dib loo bilaabo markii ay hakad ku jireen muddo. Ilaa hadda, ma muuqato calaamad muujinaysa inay wada hadaladu dib u bilaabmaan.” Source