-
Content Count
207,301 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Pakistan ayaa qaarkood waxa ay cabasho ka muujiyeen hannaanka ay u shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi. Cali C/samad Maxamed oo ka mid ah ardaydan ayaa isaga oo ku sugan dalkaasi u sheegay Goobjoog iney aad ugu adkaatay xiriirka safaaradda xilli uu doonayey gurmad caafimaad. Waxa uu sheegay in guri uu deganaa uu Gaas ku qarxay islamarkaana ay isaga soo gaaray dhaawac xooggan, loona sheegay in loo baahan yahay ciddii isaga dalka ku mataleysay “Saafaradda” balse uu waayey. Sidoo kale, Cali ayaa sheegay inuu u baahday in uu tago xarun kale oo caafimaad si wax loogu laakiin lagu xujeeyey safaaradda iney timaado balse aan loo jawaabin. Dhanka kale, wuxuu sheegay inuu wacay safiir Khadiija markii uu la hadlay kadibna una sheegay xaaladdiisa ay u sheegtay iney lasoo hadli doonto, wixii ka dambeeyeyna ay taleefanka ka qaban weysay si loo muujiyo in safaaraddiisa u bar-bar taagan tahay, damaanadna u helo in xarun kale caafimaad uu tago. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/ARDAY-Cali-Cabdi-Samad-Maxamed-PAKISTAAN-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Odoyaasha dhaqanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo kulan la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa dalbaday in lasii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo u xiran DFS sidoo kalena la bixiyo magdhowga dadkii ku dhintey qalalaasihii magaalada Baydhabo ka dhacay. Waxa ay sheegeen iney aad uga xunyihiin weli inuu sii xiran yahay Mukhtaar Roobow, waxaana ay sheegeen in ay doonayaan in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Roobow. Guddoomiye Mursal oo la hadlay waxgaradkan wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre isla fahmeen in lasii daayo Mukhtaar Roobow. Wuxuu tilmaamay in haddii isaga iyo madaxweyne Lafta-gareen inta yimaadaan Muqdisho misane lasii deyn waayo Roobow ay kuraasta ay ku fadhiyaan arrin kale tahay. Halkaan hoose ka dhageyso. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/BAYDHABA-WARCADE-WAR-MURSAL.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hubkii lagu fuliyey weerarkii Dusit-Hotel Naiorbi oo noqday mid ay leedahay Dawlada Somalia Wargeyska Daily Nation ee Nairobi, ayaa qoray in saddex ka mid ah shanti qori ee toddobaadkii lagu fuliyey weerarkii lagu qaaday hotelka Dusit ee magaalada Nairobi ay ahaayeen kuwa ay soo iibsatay Soomaaliya. Wargeyska ayaa qoray in baadhitaan hordhac ah uu muujinayo in lambarka taxanaha (serial number) ee qoryaha uu la mid yahay kan ciidamada Soomaaliya.Labada qori ee kale, ayaan weli la xaqiijin cidda iska lahayd. Dawladda kasta waxay leedahay lambar aqoonsi oo hubkeeda ku dheggan, waxaana sida Daily Nation uu daabacay, qoryihii lagu fuliyey weerarka 14 Riverside ay lahaayeen caalamadda “SO” oo ay isticmaalaa ciidamada Soomaaliya. “Weli waxaan isku dayaynaa inaan ogaano sida argagixisada ay ku heshay hubkan, balse waxaan u malaynayaa inay ku qabsadeen mid ka mid ah weerarada tirada badan ee Al-Shabaab ay ku qaaddo ciidamada Soomaaliya” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan qeybta-dambi baarista Kenya ee DCI. Waxa uu sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan ciidamada Soomaaliya iyo booliska adduunka ee Interpol, si ay xog badan uga helaan hubkan iyo sida ay kusoo galeen Kenya. “Golaha ammaanka QM ayaa ka digay bishii November ee sanadkii hore in qalabka milatari ee Soomaaliya loo weeciyo kooxaha hubeysan” ayuu qoray Daily Nation. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in hub badan oo ay leedahay dawladda Soomaaliya hadda ay gacanta ugu jiraan ganacsatada hubka ee magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Baydhaba. Sida Daily Nation qoray, weerar kale oo la fishiliyey bishii Febraayo ee 2018, kaasi oo ka dhici lahaa magaalada Isiolo ee dalka Kenya, ayaa hubkii laga soo qabtay waxaa laba ka mid ah ay noqdeen kuwa dawladda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan. Qaran News
-
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Oo Muuse Biixi Ugu Baaqay In Golaha Guurtida La Kala Diro +Sababaha Uu Daliishaday Wasiirkii hore ee maaliyada somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay mudo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen. Eng Maxamed Xaashi sharci daro ku tilmaamay inay mudo kordhin sameeyaan xildhibaanada golaha guurtida oo uu xusay inaanay iyagu sharci ku fadhiyin, isaga oo madaxweynaha ugu baaqay inuu kala diro mudanayaasha golaha guurtida. Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Golahan imika doorashadii dib u dhigayaa isagii ayaan sharci ahayn, dadkii la soo doortay iyo aqoontii lagu soo doortay midna ma laha xaga da’dana qaarkood waabay ka yar yihiin, kolkaa maaha wax la aqbali karo, dhaartiina way ka baxsan yihiin oo kitaabkii ay gacanta saareen ayey ka baxeen.”ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi oo waramay Horyaaltv. Sidoo kale waxa uu sheegay in mudo kordhintu ay tahay dan ka dhaxaysa dhinacyada ay khusayso isla markaana ay isla ogyihiin waxaanu yidhi “Waxay qabaan inay lacaguun helayaan oo ay ku sii joogayaan iskuguna danaynayaan mudo kordhintan oo laysla ogolyahay in sidaa la wada yeelo,laakiin ta xuni waxa weeyaan marka aanu ilaahay cibaado kaa aqbalayn khasaare weyn ayaan ku jirtaa.” Dhinaca kale Eng Maxamed Xaashi ayaa madaxweynaha somaliland kula taliyey in la kala diro golaha guurtida “Madaxweynaha waxaan anigu odhan lahaa mudo kordhin dambe umadani uma baahna, sharci daro socotana umadani way ka soo daashay, waxa ka dhibyar adiga oo kala dira golaha guurtida oo la soo doorto dad u qalma xilkan loo dooranayo.” Qaran News
-
Westfield (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ciidamada ilaalada qaranka gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka, ayaa loo qabtay xaflad sagootin ah, ayaga oo isku diyaarinaya inay soo aadaan dalka Soomaaliya. In ka badan 130 askari oo saldhigoodu yahay magaalada Westfield, ayaa muddo laba toddobaad gudahood ugu soo safri doona Soomaaliya. Arteste Ruffin oo ah 22 jir ka mid ah ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ayaa yiri “Aad baan u walaacsanahay, balse taliyahayga wuxuu ii sheegay in haddii aan walaacin ay wax iga qaldan yihiin” “Gacalisadayda iyo qoyskaygaba kuma faraxsana safarka” ayuu yiir. Ciidamada ayaa la sheegay in Soomaaliya ay ka fulin doonaan howl-gal adag oo aad xasaasi u ah, balse aan laga bixin faha-faahinta intaas dhaafsan. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo la rumeysan yahay in tiradooda ay dhan tahay 500 oo askari, oo badankood saldhigoodu yahay gegida Bali-Doogle ee gobolka Sh/Hoose, halkaasi oo ay ku caawiyaan kuna tababaraan ciidamada Soomaaliya. Tan iyo markii uu xukunka qabsaday madaxweyne Donald Trump, Mareykanka ayaa xoojiyey howl-galkiisa Soomaaliya, iyo duqeymaha lala beegsanayo kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Columbus caasimada@live.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa muddo Todobaad ah ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa kulamo kala duwan la qaatay Odayaasha, Dhalinyarada, waxgaradka, Haweenka iyo Culumada. Sidoo kale Guddoomiye Mursal ayaa kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana su’aasha ugu badan ee la weydiinayay ay aheyd xilliga la soo deynayo Muqtaar Roobow. Hadal maanta uu ka jeediyay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ku sheegay in uu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha iyi Ra’iisul Wasaaraha, islamarkaana ay u sheegeen in la sii deynayo Roobow. “Waxaan idin balan qaadayaa in xuriyadiisa uu heli doono Muqtaar Roobow arrintaas intii aan soo bixin ayaan ka wada hadalnay Madaxweynaha Iyo Ra’iisul Wasaaraha, taasna waan idin kugu bishaaraynayaa.” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Odayaasha iyo qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay ku qanciyay in aysan cidna raali ka aheyn qaabkii loo maray xariggii Muqtaar Roobow, wuxuuna tilmaamay hadii Roobow la soo deyn waayo inuu xilka isaga tagayo. “Waad ogtihiin aniga ahaan dhawr mar ayaan ka hadlay in Muqtaar Roobow uu lamid yahay musharixiinta kale farahana laga qaado xitaa waxaan dalbaday in doorashada dib loo dhigo xaalad walboo Muqtaar lagula dhaqmay aniga raali kama aheyn, waxaan idin balan qaadayaa in Muqtaar uu banaanka soo bixi doono.” ayuu markale yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey guri muddo ka maqnaa ayaa sheegay in Maamulka Gobolku ay ku guuleysteen soo celinta hanti muddo ka maqnayd muwaadiniin kala duwan. Guddoomiyaha ayaa xafiiskiisa si wada jir ah ugu qaabilay labadii qoys ee loo kala celiyey guriga, isagoona ku bogaadiyey qoyskii horey u deganaa sida wanaagsan ay u wareejiyeen una soo dhaweeyeen walaalahooda lahaa mulkiyadda guriga. “Waxaan idiin ka mahadcelinayaa sida aad isu cafiseen, una garawsateen muhiimadda ay leedahay walaaltinimada idin ka dhaxeysa ee aan dhammaanayn. Tallaabadan aad wada jirka u qaadeen waxa ay waji cusub u tahay xal u helista murannada dhulka iyo hantida maguurtada ah ee ka dhaca Gobolka Banaadir.” Dhankooda, labada qoys ee loo kala celiyey guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen xal u helista murankii ka dhaxeeyey iyo sida isfahanka iyo walaaltinnimada leh ee ay ku dhammaatay. Kulanka waxaa goob joog ku ahaa Guddoomiyaha Degmada Shibis Marwo Safiyo Sheekh Cali oo degmadas uu ku yaallo guriga loo soo celiyey qoyskii mulkiyadda u lahaa.
-
Galmudug, waxaad moodaa in uu si gaar ah iyada saameyn ugu yeesheen khilaafkii soo kala dhexgalay dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada. Tan iyo murankaas, waxaa is bedelay siyaasaddi Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland, kaliya Galmudug iyo Jubbaland ayaa halkoodii u muuqda kuwo taagan ama gelin hore laga tagay. Hase ahaatee, Galmudug ma aha sida Jubbaland oo ka dhisme horreeysay, haysata Deked, taas oo sahleysa in ay ugu yaraan muddo jiri karaan dowladda la’aanteed. Galmudug waxa ay u kala jabtay saddex garab, Xaaf, Shikeh Shaakir iyo Cadaado. Muddo hadda sanad ah, xaaladda Galmudug waa mid qasan oo aan lahayn meel loo raaco, xataa waxaa shaki la gelinayaa in maamulba ka dhisan yahay. Xaaf ma tegi karo Cadaado, kooxda Cadaado ma imaan karaan Dhuusomareeb halka Shiekh Shaakir uu fartuu doono qorno, yacni meel loogu hagaago ma leh. Galmudug, sida muuqata xaalkeeda ma aha mid ay cidi dani ugu jirto, dowlad, maamulka dhexdiisa iyo kooxaha mucaaradka ah. Dowladda Dowladda dhibta ka jirta Galmudug wey saameyneysaa maadama haddii xaalka sidan sii ahaado ay adkan doonto sidii doorasho uga dhici lahayd ama kala qeybsanaanto ku sii fogaan karto. Caano daatay dabadood ayaa la qabtaa, dowladda waxaa u habboon intii Galmudug meel fog laga dooni lahaa in hadda arrinteeda la dhammeeyo. Galmudug dhexdheeda Waxaan maqli jiray asaagii ka hare! Galmudug waxa ay u muuqataa mid asaageed wax badan ka hari doonta haddii ay sidaas isu sii surnaanto. Tanaasul haddii ay isu sameyn waayaan, iska daa Puntland ee, waxa ay ku diimi doonaan sidii ay horumarka maamul ahaan kula tartami lahaayeen Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. Si Galmudug ugu yaraan u bilowdo dowlad dhisidda dhexdeeda ah waxaa quman in waaqaca loo soo laabto. Kooxaha Mucaaradka ah Waxaad moodaa in kooxaha mucaaradka ah ay bohol ka ridayaan madaxda Galmudug. Lama hayo madaxda ka soo jeeda maamulkaas ee ku jira dowladda dhexe ama aanan xilalka hay nee Muqdisho tuban iyaga oo ka arrinsanaya xalinta mushaakilka Galmudug. Waxaaba yaab leh, kala sii fogaanshaha mamaulkaas dhexdiisa ah in ay u arkayaan dhibco u kordhay si ay ugu xumeeyaan dowladda dhexe! Mucaaradka waa in ay ogaadaan, Galmudug oo dhisan, haygal maamul leh ayaad idinka wax ku noqon doontaa ee maamul aad afar sano dhibco siyaasadeed si aad u heshaan aad god ugu tuurteen kuma heshaan mansabka aad dooneysaan. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa ay ku xidhan yihiin xabsiga weyn ee Hargeysa, iyaga oo ay dembi ku weyday maxkamadda gobolka Maroodijeex. Muddo ku dhaw sagaal bilood ayay xayiran yihiin, isla markaana ay waayeen xorriyaddoodii qofnimo ee ay xaqa u lahaayeen. Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo dhegaystay dacwadda loo haysto ayaa amartay in oodda laga qaado 29kii Oktoobar 2019ka, waxaanay weli gudaha ku jiraan laba bilood iyo labaatan cisho, iyaga oo aan wax dembi ah lagu helin. Maxaa Loo Haystaa Macallinka iyo Abwaanka? Waxa ay la xidhnaayeen laba eedaysane lagu eedeeyay in ay jarjareen xadhigga SOMCABLE ee mara gobolka Daad-madheedh. Maxkamaddu waxa ay dembi ku heshay labadii qof ee la xidhnaa, kuwaas oo lagu xukumay xadhig toddoba sanno ah iyo mag-dhawga dhibtii ay geysteen. Waxa ciidanka ka baxsaday mid ka mid ah labadaas qof ee la xukumay, waxaana la rabaa in dad aan waxba galabsan la dul-saaro gefka uu sameeyay qofka ka fakaday ciidanku. Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa ay ku xidhan yihiin rafcaan ay ka qaadatay Xeer-ilaalintu. Illaa haddana lama horkeenin Maxkamadda Rafcaanka. Xeer-ilaalinta iyo dhibbanaha ayaa duray garsoorihii maxkmadda rafcaanka ee lagu qoray gar-naqa dacwadda, waxaanay rabaan in lagu qoro garsoore ay iyagu soo xusheen oo ku maqiiqa waxa ay rabaan. Tallaabadani waxa ay lid ku tahay madax bannaanida Golaha Garsoorka Somaliland. Ma aha in qof aan waxba galabsan loo haysto madax-furasho iyo in uu bixiyo khasaare aanu gacantiisa ku fulin. Qof ahaan ma taageersani in waxyeello loo geysto ganacsi uu leeyahay muwaaddin reer Somaliland ahi iyo mid uu shisheeye leeyahay midnaba. Waanan ka xumahay waxyeellada loo geystay SOMCABLE. Laakiin dembiga dhaca waa in lagula xisaabtamo cidda geysatay. Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa loo xidhay in ay ka tirsanaayeen madal Whatsp ah oo la yidhaahdo “Hal-doorka Garaxajis”, halkaas oo xubnaha ku jira ay qaarna indho-la’aan ku taageereen jarista xadhigga SOMCABLE, kuwo kalena ay ka horjeesteen dhibaatada loo geysanayo ganacsiga sharciga u haysta in laga furo gobolladda dalka. Waxa laga qabtay magaalada Hargeysa, xitaa ma ay tegin gobolka Daad-madheedh ee dembigu ka dhacay. Ma aha in ay dadka shacabka ah loo bannado dacwado ay soo oogeen dad hantiileyaal ah oo loo habranayo iyo dad masuuliyiin ah oo ku tagri-falaya xilka ay qaranka u hayaan. Waxa xabsiyada ku jira muwaaddiniin ay eedeeyn rag ganacsato ahi, kuwaas oo aan hubo in aan dembi lagu helin, isla markaana aan maxkamadda la horgeynnin muddo laba sanno ah. Markaas saldhigyada iyo xabsiyadu ma bakhaarro ay ganacsatadu leeyihiin baa? Ugu dambayntii waxa aan Xeer-ilaalinta iyo Shirkadda SOMCABLE ugu baaqayaa in ay ka laabtaan rafcaanka ay ka qaateen labada muwaaddin ee dembiga lagu waayay. Siciid Maxamuud Gahayr“Abwaan Baashe iyo Macallin Cabdiqaaddir Waxa ay Xidhan Yihiin 9 Bilood, Iyaga oo Maxkamadda Maroodijeex Dembi Ku Weyday”. W/Q Siciid Gahayr Qaran News
-
(SLT-Riyaad) Sheekh Axmed Al-camaari oo horey u ahaa Hormuudkii hore ee Kulliyadda Qur’aanka Kariimka ee Jamaacadda Madiinah Al-munawarah ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Xabsiga Sacuudiga, sida ay shaaciyeen Koox u dooda Xuquuqda Maxaabiista ku xidhan dalkaasi. Qoraal ay Kooxdaasi soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka waxay ku sheegeen inuu Marxuumku u geeriyooday dayacaadda dhinaca daaweyntiisa, waxayna ku eedeeyeen Madaxda Xabsiyadda dalkaasi inay mas’uul ka yihiin geeridiisa. Marxuumka waxaa la filayaa in maanta lagu aaso magaalladda Maka Al-mukarama, sida ay sheegeen Kooxda u dooda Xuquuqda Maxaabiista ku xiran Sacuudiga. Dowladda Sacuudiga weli kama hadlin Warbixintan ku aadan geerida Marxuum Sheekh Axmed Al-camaari oo isaga Xabsiga ku jiray tan iyo bishii August ee sannadkii hore. Source
-
(SLT-Jubadda-Hoos)Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadahoose ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay xalay gubeen xaruntii shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Dhuyac–Garoon oo ka tirsan degmada Salagle ee gobolka Jubbada Hoose. Qof ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo waqtigaa ku sugnaa xarunta ayaa la sheegay in ay ciidamadu dibedda uga saareen kaddibna halkaa ku bur buriyeen Dhismihii, agabkii yeelay iyo Anteennadii shirkadda intaba, ciidamada ayaa bur burinta xarunta u adeegsaday Miino ama walxaha qarxa. Xarunta ayaa qeyb ka ah xarumihii dhawaan hawadda ka baxay markii sidan oo kale loo gubay xaruntii Isgaarsiinta ee deegaanka Calibuley. Waxaa hawadda ka maqan oo aan shaqeyn sida lagu soo waramayo qeybo ka mid ah deegaannada gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo xidhiidhka isgaadhsiinta ka qaadan jiray xarumaha la bur buriyay waxaana Deegaannadaasi ka mid ah: Calibuley, Diif, Dhuyac-garoon, Geriley Khadiijo Xaaji, Ceelbaande iyo Dhamase oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo jubbada Hoose. Lix maalmood ka hor ayeey aheyd markii sidan oo kale ciidamada Kenya u bur buriyeen xaruntii Isgaarsiinta shirkadda Hormuud ee deegaanka Calibuley, waxaana hawadda ka maqan Isgaarsiinta qeybo ka mid ah deegaanno hoos taga Ceelwaaq ilaa Dhoobley, waxaana marka laga soo tago isticmaalka isgaarsiinta dadku u adeegsan jireen isku gudbinta lacagaha EVC Plus Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland oo la xiriira tacaddiyadan ay geysanayaan ciidanka kenya oo qeyb ka Ciidanka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM. Source
-
(SLT-Hargaysa)Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa ay ku xidhan yihiin xabsiga weyn ee Hargeysa, iyaga oo ay dembi ku weyday maxkamadda gobolka Maroodijeex. Muddo ku dhaw sagaal bilood ayay xayiran yihiin, isla markaana ay waayeen xorriyaddoodii qofnimo ee ay xaqa u lahaayeen. Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo dhegaystay dacwadda loo haysto ayaa amartay in oodda laga qaado 29kii Oktoobar 2019ka, waxaanay weli gudaha ku jiraan laba bilood iyo labaatan cisho, iyaga oo aan wax dembi ah lagu helin. Maxaa Loo Haystaa Macallinka iyo Abwaanka? Waxa ay la xidhnaayeen laba eedaysane lagu eedeeyay in ay jarjareen xadhigga SOMCABLE ee mara gobolka Daad-madheedh. Maxkamaddu waxa ay dembi ku heshay labadii qof ee la xidhnaa, kuwaas oo lagu xukumay xadhig toddoba sanno ah iyo mag-dhawga dhibtii ay geysteen. Waxa ciidanka ka baxsaday mid ka mid ah labadaas qof ee la xukumay, waxaana la rabaa in dad aan waxba galabsan la dul-saaro gefka uu sameeyay qofka ka fakaday ciidanku. Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa ay ku xidhan yihiin rafcaan ay ka qaadatay Xeer-ilaalintu. Illaa haddana lama horkeenin Maxkamadda Rafcaanka. Xeer-ilaalinta iyo dhibbanaha ayaa duray garsoorihii maxkmadda rafcaanka ee lagu qoray gar-naqa dacwadda, waxaanay rabaan in lagu qoro garsoore ay iyagu soo xusheen oo ku maqiiqa waxa ay rabaan. Tallaabadani waxa ay lid ku tahay madax bannaanida Golaha Garsoorka Somaliland. Ma aha in qof aan waxba galabsan loo haysto madax-furasho iyo in uu bixiyo khasaare aanu gacantiisa ku fulin. Qof ahaan ma taageersani in waxyeello loo geysto ganacsi uu leeyahay muwaaddin reer Somaliland ahi iyo mid uu shisheeye leeyahay midnaba. Waanan ka xumahay waxyeellada loo geystay SOMCABLE. Laakiin dembiga dhaca waa in lagula xisaabtamo cidda geysatay. Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa loo xidhay in ay ka tirsanaayeen madal Whatsp ah oo la yidhaahdo “Hal-doorka Garaxajis”, halkaas oo xubnaha ku jira ay qaarna indho-la’aan ku taageereen jarista xadhigga SOMCABLE, kuwo kalena ay ka horjeesteen dhibaatada loo geysanayo ganacsiga sharciga u haysta in laga furo gobolladda dalka. Waxa laga qabtay magaalada Hargeysa, xitaa ma ay tegin gobolka Daad-madheedh ee dembigu ka dhacay. Ma aha in ay dadka shacabka ah loo bannado dacwado ay soo oogeen dad hantiileyaal ah oo loo habranayo iyo dad masuuliyiin ah oo ku tagri-falaya xilka ay qaranka u hayaan. Waxa xabsiyada ku jira muwaaddiniin ay eedeeyn rag ganacsato ahi, kuwaas oo aan hubo in aan dembi lagu helin, isla markaana aan maxkamadda la horgeynnin muddo laba sanno ah. Markaas saldhigyada iyo xabsiyadu ma bakhaarro ay ganacsatadu leeyihiin baa? Ugu dambayntii waxa aan Xeer-ilaalinta iyo Shirkadda SOMCABLE ugu baaqayaa in ay ka laabtaan rafcaanka ay ka qaateen labada muwaaddin ee dembiga lagu waayay. WQ/Siciid Maxamuud Gahayr Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelkle-21012019.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Madaxa Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda Puntland ee Capacity Injection Project ee Soomaaliya Mr Georgy oo safar shaqo ku yimi Puntland ayaa ugu horrayn kulan la qaatay Xafiiska Xiriirka Mashruuca ee Project Coordinating Unit (PCU) isagoona ka dhegeystey warbixino dheeraad ah oo la xiriira habka ay u socoto shaqada mashruuca iyo waxyaabaha loo baahan yahay in la dardar geliyo. Sidoo kale waxa uu kulan la qaatay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soof oo uu isaga hoos tago mashruucani isla markaana waxa uu ka xog waraystay waxyaabihii uu soo kordhiyey mashruucaani muddadii uu shaqaynayey iyo sidoo kale waxyaabaha la doonayo in wax laga beddelo haddii ay jiraan. Mr Georgy ayaa dhinaca kale waxa booqasho ku tegey Hay’adda Shaqaalaha rayidka aee Puntland, Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Qorshaynta iyo Jaamacadda Puntland State University isagoona dhammaan goobahaasi kula kulmay Masuuliyiintii ugu sarraysey hay’adahaas. Waxaana uu kala xaajoodey waxyaabihii qabsoomay muddadii uu mashruucu ka shaqaynayey Puntland iyo caqabadihii lasoo gudboonaadey muddaasi iyo qorsheyaasha la hiigsanayo sannadkaan cusub in la hirgeliyo iyadoo lagu salaynayo baahiyaha rasmiga ah ee ka imaanaya hay’adaha dawladda. Mr Georgy Ayaa dhowaan lasoo magcaabay kaddib markii uu xilkiisu dhammaaday Mr Alex oo isaga xilkaan uga horreeyey waxaana ajandaha socdaalkiisa qayb muhiim ah kamid ahayd u kuur gal iyo is barasho maadaama uu ku cusub yahay shaqada. The post Madaxa Mashruuca CIP oo booqasho ku yimi Puntland, kulamona la qaatay hay’adaha dawladda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo dhaqaatiir ay la socdeen. Seddex Dhaqtar ayaa la sheegay in gaariga ay la socdeen waxaana qaraxa uu ka dhacay gelinkii dambe ee maanta degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in seddexda dhaqtar ee la socotay gaariga labo kamid ah ay ahaayeen kuwo dhashay dalka Syria halka ruuxa seddexaadna uu ahaa dhaqtar Soomaali ah oo la socday. Qaraxa gaariga ayaa aad looga shaki qabaa in dhaqaatiirta loogu xiray gaarigooga xili ay kubbad ku ciyaarayeen garoon kubbada Cagta ah oo ku yaala degmada Hodon, waxaana ay ka howlgalaan isbitaalka Mogadishu City. Waxyeelada qaraxaasi ayaa lagu sheegay inay tahay dhaawaca shan ruux oo labo kamid ah ay yihiin Syrian, halka seddexda kale ay Soomaali yihiin, waxaana la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhaawaca dhaqaatiirta ajaaniibta ah ay aad u daran yihiin yihiin. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu waramayaa inuu ka dhashay Miino lagu soo rakibay gaari ay la socdeen Dahkhaatiirta mid kamid ah Isbitaalada caasimada. Inta la xaqiijiyay saddex dhakhtar ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi oo labo kamid ah ay kasoo jeedaan dalka Suuriya. Wararka ayaa intaas ku daraya in kamid ah dhakhaatiirta Suuriyaanka ah ay xaaladiisa tahay mid aad halis u ah oo liidata. Goobjoogayaal ayaa u sheegay idaacada Shabelle in gaari la qarxiyay uu ahaa nooca lagu soo daabulay dhaawacyada ee Ambulance-ka loo yaqaano. Dhakhaatiirta ayaa markii qaraxa lala beegsaday waxay kasoo laabteen ciyaar kubada cagta ah oo ay kusoo dheeleen garoon aan ka fogeen goobtooda shaqo. The post Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Genel Energy issued an update on its ongoing activities in Africa, specifically onshore Somaliland and offshore Morocco. In Somaliland on the SL-10-B/13 block, where Genel holds a 75% stake and is operator, the company completed seismic processing. The company said that analysis and interpretation is underway. Initial indications confirm Genel’s view that the block has hydrocarbon potential. Genel continues to develop a prospect inventory and assess next steps ahead of a farm-out process and potentially spudding a well in 2020. On the Odewayne block, further seismic processing is being considered in order to complete the company’s understanding of the prospectivity of the block On the Sidi Moussa block offshore Morocco, the acquisition of around 3,500 sq km of multi-azimuth broadband 3D seismic completed in November. PSTM and PSDM processing will continue through 2019. Genel has no additional work commitments relating to the license. A decision will be made on whether to drill a well, and the appropriate equity level, once processing has progressed sufficiently Source: Petroleum Africa Qaran News
-
Income inequality also called Social inequality is the unequal distribution of individual income or individual household across the various levels of the society or various participants in an economy. It refers to disparities in the distribution of economic assets and income in the overall quality and luxury of each person’s existence within a society. It is proved that high income inequality of a nation or in a society has a negative impact in the microeconomic development of that society, and has a negative long-term effect on economic growth. This effect is persistent implying that increasing Inequality may have different negative impacts in the poor sector of a society. In Somaliland, household income Inequality is among the highest in the region and is increasing year after year at an alarming rate, especially for the last decade. Additionally, inequality in access to basic services such as maternal health care, education, water and shelter were also increasing drastically year after year and are likely to sustain in the same situations in future generations. Though such situation exists in Somaliland, there were no government interventions, efforts and programs to target and reduce this relatively high inequality rate of income as well as basic services access inequality over these years. The wide gap in wage growth and value between the highest income-earning officers and the lowest income-earning workers in Somaliland is expanding day after day and remains unchecked. For example, the wages of the top government income earners of somaliland (Ministers, Vice-ministers, Mps of the two Houses, Head of Agencies, DGs, Managers, Governors, and the holders of other government honored top posts) were increased in between 400% to 1000%, in the last eight years or Kulmiye’s governing period; with more benefits or other benefits received for holding such posts like luxury & very expensive vehicles, budgets with much lump sum allocations designed to use their authority for private gain and can freely spent for their personal use. On the other hand the wages of the bottom government income earners of Somaliland (the soldiers, the teachers, the common civil servants, the subordinates, the technicians etc) were increased only in between 10% to 20% within the same period. This income inequality is a phenomenon that enriches the government officials; negatively affects the livelihoods of those with lower wages and don’t have the opportunities to advance themselves. The government’s budget allocation structure which seems as a technical assemblage opening for corruption also enriches some private companies, businesses and individuals who obtain a larger share of public benefits. Always the government better-connected individuals, companies and businesses, who belong mostly to high-income groups in the society, receive or accrue the benefits from government corruptions. At the same time, there is a regional budget distribution inequality among the regions of the country. This current budget allocation inequality among the regions is also indirectly increasing the income inequality between the communities in the regions; causing great Economic disparities between the regions of the country. The government’s unfair system of employing citizens based on tribalism, favoritism and illegal preference; that the ministers and head of agencies invite their relatives and their favored ones to the vacant posts of the ministries and institutions they lead, accelerates the speed of income inequality among Somaliland society. Unemployment and underemployment to be born into the larger groups of the society; while few favored groups are enjoying with special income advantages and benefits of being employed; are also among the factors that contribute the widening income inequality; causing many people and families live in poverty when they are unable to find a job at all, or to find a job that does not pay a living wage. In Somaliland’s present situation, the privilege of being part of the governing authority, the privilege of accruing the budget benefits and the privilege of being in access to employment opportunities were designed to go together into few groups of Somaliland society. That means, those at the top posts of Kulmiye governments are thinking only about themselves, practicing huge naked selfishness, and not caring the majority common people and those at the bottom of their society. The government nurturing corruption of budget benefits and the partiality in the access to employment distorted the government’s resource allocation responsibility, took a major role in the income inequality among the citizens and widened the range of poverty expansion in our society. Economic Inequality or a wide gap between rich and poor Stifles Growth, increases the un-affordability of food prices, decreases education opportunities and health care availability, tends to reduce law enforcement spending in low-income communities. Therefore economic inequality increases the incentive to commit crimes. A high level of economic inequality means a higher level of poverty. In Somaliland the few rich groups maintain the economy of the country. And when wealth distribution becomes concentrated in a small number of hands; then the political power tends to become skewed in favor of that small wealthy group compared to the common people and more to the poor citizens. This high level of economic inequality leads to imbalances in political power; as those at the top use their economic weight to shape our politics in ways that give them more economic power. That is why the high-income groups are always able to manipulate the government functions in their favor through both legal processes and through corrupt practices. And this unequal opportunity to political power increases political hegemony; then initiates political instability and threatens security and property rights among the society. In order to work for the betterment of those of us under relative poverty or even in absolute poverty; those who govern this country should believe in humanism; should think about the groups at the bottom of their society; think about how the poor feel and live; treat them with care and look after by helping them to stand up on their feet. We – the people have to speak out where ever we see the majority poor of our society suffering with inequality or injustice or not caring by their government. All citizens should have an equal chance to survive well in the society. “As long as gross economic inequality, injustice and poverty persist in our society none of us can truly feel at rest”. Nelson Mandela Adam Ali Younis Email: aayonis@hotmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com . Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya, Maxamed Salaad Oomaar ayaa shaaciyay in dowladdu ay su’aalo waydiineyso nin ajnabi ah oo Axadii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho. Ninkaan oo looga shakiyay inuu watay waxyaabo qarxa ayuu wasiirku daboolka ka qaaday markii baaritaan ay ku sameeyeen kadib ay ogadeen inuu waxa laga shakiyayay ahaayeen sunta indha dadka ka keenta ilmada. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu wasiirku balanqaaday in fahfaahin dhameystiran oo ku saabsan natiijada baaritaanka haatan socda ay lasoo wadaagi doonan warbaahinta iyo waliba shacabka Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa xusay in arrintaan aysan wax saameyn ah ku yeelan howlihii garoonka, oo uu ku nuux-nuux saday inay si caadi ah usocoto, islamarkaana ay duulimaadyadii shaqaynayaan. The post DF: “Baaris ayaa ku socota Ajnabigii lagu qabtay garoonka” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta Xarunta Wasaaaradda Arrimaha gudaha waxaa uu kula Kulmay Safiirka Dowladda Turkiga ee dhawaan lasoo magacaabay iyo ku-xigeenkiisa. Waxaa labadda dhinac ka wada hadleen sidda loo sii xoojin karo wadashaqeynta ka dhaxeysa Wasaaaradda Arrimaha Gudaha iyo sidoo kale Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya,kuwaas oo si toos ah isaga kaashada dhinacyo badan. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Safiirka Dowladda Turkiga ku qaabilo Xafiiskiisa kaas oo ay kawada hadleen arrimo dhowr ah. “Waxaaan soo dhaweeyey Safiirka Turkiga iyo sidoo kale kuxigeenkiisa waxaan ka wada hadnay arrimaha wada shaqeynta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Safaaradda maadaama aan wadaagno Shaqooyin badan iyo waliba sidoo kale Xiriirka ka dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Soomaaliya, Waxaa kale oo aan kawadalnay sidda loo wajahayo Mashaariicda xiliyada qaar imaanka iyo qaabka loo maareynayo” sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha. Safiirka cusub Dowladda Turkiga Mr. Yilmaz ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay qaabka Dowladda Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed u soo dhaweeyeen waxaana uu sheegay in wado shaqeyn dhow la yeelanayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Ugu danbeyntii kulanka waxaa sidoo kale joobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin kale oo kamid ah Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Dalka. The post Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo la kulmay safiirka Turkiga appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors