-
Content Count
207,312 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Hirshabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhawaad 10 qof oo Ganacsato ah ku xirayM/Jowhar ee xarunta maamulkaasi. Ganacsatadan ayaa lagu eedeeyay in ay hoggaasimeen awaamiir ka soo baxday Al Shabaab, islamarkaana ay bixiyeen lacago ay ka dalbadeen. Dadkan oo tiro ahaan gaaraya illaa 6 Qof ayaa haatan ku xiran xabsiga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhex. Sidoo kale taliska nabad sugida ee maamulka HirShabelle ayaa uga digay Ganacsatada kale in ay u hoggaan samaan awaamiirta Al Shabaab. Al Shabaab ayaa la sheegaa in inta badan lacago isugu jira canshuuro iyo sakawaad ka qaada Ganacsatada ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe. The post Ku dhawaad 10 Ganacsato ah Oo lagu xiray M/ Jowhar appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Saddex Eedeysane oo lagu tuhunsan yahay inay Telefoon kula hadleen dad ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa shalay la soo taagay Maxkamad, waxayna Ciiddanka Boliska codsadeen in loo oggolaado inay Eedeysanayaasha sii hayaan muddo 30 maalmood ah. Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray inay Boliska ku tuhunsan yihiin Eedeysanayaashaasi weerarkii ay Al-Shabaab isbuucii hore ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi, ee ay 21-qof ku geeriyootay. Wargeyska waxa uu qoray in La-tuhunsanayaasha la xiray uu ku jiro Iimaam Masjid ku yaalla Mandhera iyo Nin Ethiopian ah iyo Haweeney Kenyan ah, kuwaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Mukhtaar Cali, Zakiina Cabdalla oo Kenyan ah iyo Isaaq Xuseen oo Ethiopian ah. Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda, oo lagu magacaabo MONIKA GATHAYGA ayaa sheegay in saddexdaasi qof laga duubay Codad, xilli ay Telefoonka kula hadlayeen dad ku sugan gudaha Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay. Si kastaba ha ahaatee, Hay’addaha Ammaanka ee Kenya waxay maalmihii la soo dhaafay wadeen Hawlgalo ay ku soo qabteen dad lagu tuhunsan yahay Weerarkii Hotelka DUsit D2, iyadoo qaar ka mid ah La-tuhunsanayaasha la sii daayey, halka kuwa kalena weli ay ku jiraan Xabsiyadda. Source
-
(SLT-Afghanistan)-Kooxda Taliban ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in wadahadalo ay kula yeesheen dalka Qadar danjiraha Mareykanka ee dalkaasi, Zalmay Khalilzad. Arrintan ayay Taliban ku dhawaaqeen saacado uun ka dib markii ay fuliyeen weerar ay dad kud hinteen. Dadaalada waadaxaajoodka ayaa dhawaan hakad galay ka dib markii Washinton ay ka biya diiday kooxda Daalibaan oo iyagu sheegay ina ysan wadaxaajod la galayn dowlada Afqanistaan. Kooxda ayaa ku adkaysanaysa in cidda ay wadaxaajoodka la galayaan ay tahay Mareykanka oo aysan dowlada Afqanistaan la fariisan doonin. Kooxda Taliban ayaa mar walba diida in ay la kumaan dowladda Afqanistaan oo ay ku tilmaamaan mid daba dhilif u ah reer Galbeedka. Diidmada Taliban ay diideen in ay la kumaan dowladda Afqanistaan ayaa ah mid waji gabax ku ah xukuumadda madaxwayne Ashraf Ghani, oo horey u sheegay in ergo uu u diri doona kulanka Taliban. Wareegii hore ee wadahadalada ayaa ka dhacay dalka Imaaraadka markaasi oo ay sidoo kale Taliban diideen ina y la kulmaan dowladda Afqanistan. Weerarkii ugu dambeeyay ee ay qaadaan kooxda Taliban oo dhacay shalay ayaa waxa ku dhintay 20 qof . Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa la jiirsiiyay bar-koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Afqabistaan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dowlada Kenya oo wada baaritaano dhinacyo badan ah oo la xidhiidha weerarkii toddobaadkii hore lagu qaaday dhismaha DusitD2 ee magaalada Nairobi ayaa waxaa la xaqiijiyay in saddex ka mid ah qoryihii ay isticmaalayeen dableyda weerarka geysatay ay ahaayeen kuwo ay dowlada federalka Soomaaliya ka soo iibsatay dibadda. Sida uu daabacay mid kamid ah warbaahinta Kenya DailyNation waxaa ay ciidamada Kenya gacanta ku hayaan shan qori oo ay isticmaalayeen dableydii gudaha u gashay hotelka DusitD2, lana ogaaday in saddex ka mid ah oo laga tirtiray sumada ama lambarka qoriga ay yihiin kuwo la mid ah kuwa ay isticmaalaan ciidamada Millatariga Soomaaliya. Hase yeeshee labada qori ee kale oo ay wateen dableydii weerartay Nairobi toddobaadkii hore ayaan la xaqiijin halka ay ka heleen ururka Al-Shabaab. “Dowlad kasta waxa ay leedahay sumad ay u isticmaasho hubkeeda qoryihii laga helay 14 Riverside Drive waxaa ka muuqday sumadda ‘SO’ oo ah calaamada ay isticmaalaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.”ayaa lagu daabacay wargeyska DailyNation. Qoryaha AK-47 ee laga helay Dhismaha 14 Riverside ayaa la rumeysan yahay in haweeney aan la garanayn ay soo gelisay gudaha dalka Kenya. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa bishii November ee sanadkii hore waxa uu ka digey in hubka ay Dowlada Soomaaliya soo iibsato ay u gacan galaan kooxaha ka soo horjeeda. Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay in shan qori oo AK ah oo lagu qabtay howlgalo laga sameeyay gudaha dalka Kenya labo ka mid ah ay ahaayeen hub ay dowlada Soomaaliya soo iibsatay sanadkii 2013 kadib markii qeyb ahaan laga qaaday cunoqabataynta ganacsiga. Source
-
Waxgaradka magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan oo kulan ku yeeshay magaaladaasi ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ka socda deegaanno ku yaalla xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Waxa ay sheegeen waxgaradkan in dagaal aanu waxbo soo kordhineyn, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabadda iyo isku imaanshiyaha. Sidoo kale, waxgaradkan ayaa ka dalbaday dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabelle iney dhexda u xirtaan sidii loo damin lahaa colaaddaasi. “Dowladda dhexe iyo Hirshabelle waxaan idin leenahay kaalaya oo kaalintiina ka qaata xasilinta colaadahan” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkii halkaasi ka hadlay. Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Hirshabelle waxaa kasoo cusboonaaday dagaallo sokeeye, iyadoo weli aan xal laga gaarin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay halkaasi qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa milatariga dowladda federaalka Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Ciidankaasi, xilli ay marayeen waddada xeebta ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada milatariga ,halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen Ciidankaasi, walow aysan shaacin inta uu la’egyahay. Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka. The post Al Shabaab Oo sheegtay Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hey’adaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay qorshaha ka Falcelinta Baahiyaha Bini’aadamnimada ee 2019. Qorshaha la shaaciyay waxa uu codsaday 1.08 bilyan oo doolar si caawinaad naf-badbaadis ah iyo kaalmo dhanka hab nololeedka ah loo gaarsiiyo 3.4 milyan oo ah dad ay saameeyeen colaado, is bedello dhanka cimilada ah iyo barakac. Horumarka laga gaaray dhanka sugnaanta cuntada kadib xilli roobaadkii Gu-ga ee 2018 oo si wanaagsan u da’ay iyo gargaarka bini’aadamnimada ee 2018 oo la joogteeyay waxaa ka dhalatay in tirada dadka u baahan kaalmo bini’aadamnimo uu hoos uga soo dahco 6.2 milyan oo qof oo uu u dego 4.2 milyan oo qof, hoos u dhacan ayaa u dhigma boqolkiiba %32. Si kastaba ha ahaatee, colaado soo noqnoqday, isbedel ku yimid cimilada iyo deegaanka dartood waxaa laga cabsi qabaa in horumarkaas habac uu ku yimaado. Intaas waxaa wehliya, baahiyaha bini’aadamnimadu waxay weli ka sarreeyaan halkii ay joogeen laba sano ka hor intii aysan bilaaban mashaqooyinka bini’aadamnimada la xiriira. In ka badan 1.5 milyan oo qof oo u badan barakacayaal iyo reer miyi ayaa wajahaya xaalad cunta yari oo aad u adag (IPC 3) waxayna u baahanyihiin kaalmo aan soo daahin si naftooda loo caymiyo. Nafaqa darradu aad ayay u sarreysaa guud ahaan waddanka. In ka badan 2.6 milyan oo qof ayaa gudaha dalka ku barakacsan oo ku nool duruufo aad u adag. Dadkani aad ayay u nugulyihiin waxayna u baahanyihiin adeegyada aasaasiga ah iyo daryeel. “Haddii aysan hay’aduhu sii wadin gargaarka bini’aadmnimada oo aysan sara u qaadin howlaha caawinaadda sannadkan horraantiisa waxaa halis loogu jiraa in guulihii la gaaray la xajin waayo, maadaama Soomaaliya ay tahay waddan ay soo daashadeen aafooyin iyo colaado socday waqti dheer. Mashaakilka ay keentay is bedelka cimilada sida xilli-roobaadka deyrtii dhoweyd oo aan wanaagsanayn oo ay wehliso colaado iyo barakac mudo lugu soo jiray ayaa sababi kara natiijooyin aan la mahadin, burburinna kara hab nololeedka dadka” ayuu yiri Peter de Clerq, xiriiriyaha arrimaha bini’aadamnimada ee Soomaaliya. “waxaan ugu yeerayaa beesha caalamka iney bixiyaan deeqo deg deg ah oo wax looga qaban karo baahiyaha jira. Mashaariicda maalgashiga iyo in la dhiso u adkeysiga aafooyinka ee dadka ayaa loo baahanyahay in xoogga la saaro si ugu danbeyn loo cirib tiro baahiyahan dadkuna ugu noolaadaan si sharaf leh” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadineysaa dadaallada hay’adaha gargaarka ee lugu badbaadinaayo dadka Soomaaliyeed, baahiyahana lagu yareynayo ayadoo loo maraayo in la dhiso adkaysiga dadka. “Qorshaha sannadkan wuxuu si cad u qeexayaa in aan baahiyaha bini’aadamnimada la cirib tiri karin ayadoo aan lugu barbar wedin mashaariicda horumarinta, sidaas daraadeed waxaa loogu baaqayaa hay’adaha ka shaqeeya mashaariicda horumarinta in ay kaalin mug leh ka qaataan arrintan” ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukuumadda Federaalka ah. “Waxaan ka codsaneynaa deeq bixiyeyaasha in mudnaan la siiyo mashaariicda lagula tacaalayo caqabadaha ku gudban horumarinta. Waxaan diyaar u nahay ina aan la shaqeyno dhammaan saaxiibada caalamka si loo gaaro xal waara ayadoo la dhaqan gelinayo hannaanka kasoo kabashada nugeylka (Recovery and Resilience Framework) Ayadoo ay jirto caqabadaha amniga, hay’adaha gargaarku waxa ay kaalmo gaarsiinayeen celcelis ahaan saddex milyan oo qof bishiiba sannadkii 2018. Qorshaha (HRP) ee 2019 waxaa lagu talo galay in la gaaro 3.4 milyan oo qof (oo boqolkiiba %81 ka ah 4.2ka milyan ee kaalmada u baahan), halka dalabka qorshaha HRP uu hoos uga soo dhacay 1.5 bilyan oo doolar 2018kii sannadkanna uu yahay 1.08 bilyan oo doolar. Howlaha gargaarka wuxuu sanadkan xoogga saarayaa naf badbaadinta, nafaqaynta, daryeelka iyo soo kabashada dadka nugul. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Baydhabo (PP) ─ Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa shalay kula kulmay Baydhabo Odayaasha, Wax-garadka, Dhallinyarada, Haweenka, Culummada iyo Xillibaannada kasoo jeeda beesha uu ka dhashay Sheekh Mukhtaar Rooboow, ayaa u sheegay inay ka go’an tahay inay soo daayaan Wadaadkan oo u xiran Dowladda Somalia. Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda soo jeediyay qodobbo dhawr ah oo la xiriira xaaladihii ka dhacay Baydhabo Intii lagu guda jiray doorashadii ka dhacday Koonfur-galbeed iyo shaqaaqooyinkii lagu xiray Rooboow. Sidoo kale, odayaasha ayaa warbixinnadii ay siiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaddib, waxay dalbadeen inay diyaar u yihiin ayna soo dhaweynayaan dib u heshiisiinta uu wado maadaama uu yahay mas’uulka labaad ee ugu sarreeya dalka , isla makraana matala oonfur-galbeed. Dhanka kale, odayaasha ayaa codsaday in Guddoomiyaha uu ka shaqeeyo sidii uu xorriyadiisa u heli lahaa Sheekh Roobow, sidoo kalena ay u baahan yihiin in sida ugu dhaqso badan looga shaqeeyo sidii loo soo dayn lahaa. Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia, Maxamed Mursal ayaa intaas kaddib odayaashii uu la kulmay u ballan-qaaday in qodobbadii ay soo jeediyeen uu si deg-deg ah wax uga qaban doono. “Waxaan maanta idiin ballan-qaadayaa in xorriyadiisa uu heli doono Sheekh Mukhtaar Rooboow, arrintaas intii aan soo bixin ayaan ka wada-hadalnay madaxweynaha Iyo ra’isul wasaaraha, arrintaas ayaana idiin kugu bishaareynayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Afhayeenka ayaa sidoo kale odayaasha iyo qaybihii kala duwanaa ee kulanka kasoo qayb-galay ku qanciyay inaysan cidna raalli ka ahayn qaabkii loo maray xariggii Mukhtaar Roobow. “Waad og-tihiin aniga ahaan dhawr mar ayaan ka hadlay in Rooboow uu la mid yahay musharraxiinta kale, farahana laga qaado xitaa waxaan dalbaday in doorashada dib loo dhigo xaalad walboo Mukhtaar lagula dhaqmay aniga raalli kama ahayn,” ayuu hadalkiisa ku daray Gudoomiye Mursal Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Barlamaanka DF ayaa u ballan-qaaday odayaasha dhaqanka in Mukhtaar Roobow uu banaanka keei doono haddii kalena ay isaga iyo madaxweynaha Koonfur-galbeed C/casiis Lafta-gareen ka dagi doonaan kuraasta ay ku fadhiyaan. DHAGEYSO; Hadalka Afhayeenka BF So malia uu ka jeediyay Baydhabo; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/DHAGEYSO_Mursal_Roobow_sii_dayntiisa.mp3 PUNTLAND POST The post GUDDOOMIYE MURSAL: Mukhtaar Roobow waan soo daynayaan ama waan is-casilayaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Subax-220119.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha keenay in EThiopian Airline dib u dhigto duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho. Wasiirka wuxuu sheegay in diyaaradaasi markii hore ay dalbatay in seddex duulimaad todobaadkii ku timaado magaalada Muqdisho, balse markii dambe ay kordhisay duulimaadyadeeda oo ay ka dhigtay todobaadkii oo dhan, kadib markii ay aragtay rakaabka tirada badan ee u baahan duulimaadyada. Wuxuu sheegay in muddo kadib diyaaradda ay dareentay in hoos u dhac uu ku yimid rakaabkii adeegsan jiray diyaaradaasi, sidaasi daraadeedna ay dib ugu dhigtay duulimaadyadeeda qaar, sida uu hadalka u dhigay. Laakiin ma uusan cadeyn in diyaaradda ay hakad gelisay duulimaadyadeeda magaalada Muqdisho, maadaama sida xogaha aan ku heleyno ay dib u bilaabi rabto bilowga bisha Febraayo ee sanadkaan. Wasiirka waxaa kale uu meesha ka saaray in shirkadda ay duulimaadyadeeda u joojisay markii ruux ajnabi ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo wata sunta dadka ka ilmeysiisa oo diyaaradaha ay mamnuuc ka tahay in lala raaco, maadaama lagu afduuban karo diyaarada, marka gudaheeda lagu adeegsado. “Waxaa isku soo aaday iyadoo nagu wargelisay in rakaabka oo yaraaday darteed duulimaadyada ay u joojiyeen iyo dhacdada oo dhacday”ayuu yiri wasiir Oomaar. Wararka ayaa sheegaya in ruuxaasi uu maalintaa raaci lahaa diyaarada Ethiopian Airline. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa wrabahinta u sheegay in dowladda Somalia ay la socoto ganacsato Soomaaliyeed oo dhaqaale ku taageera Al-shabaab, isagoo xusay in sababta ay ganacsatada dhaqaalaha u bixiyaan ay tahay sidii ay naftooda u badbaadsan lahaayeen. Wasiirka waxaa uu sheegay in ay tahay wax cad oo aan qarsooneyn in Al-shabaab goob kasta oo furan ay ka qaataan dhaqaallo joogto ah, taasoo uu ku tilmaamay inay qayb ka tahay dhibaatooyinka ay kooxdan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo. “Runtii waa mid cad in ganacsatada Soomaaliyeed ay bixiyaan dhaqaale ay ku furanayan naftooda, cid walba waa og-tahay. Waana la og-yahay in Al-shabaab ay dhaqaale ka qaadato goobta kasta oo furan,” ayuu hadalkiisa ku daray Maareeye. Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Maareeye ayaa sheegay in Wasaaradda Amniga DF looga fadhiyo inay wax ka qabato dhaqaallaha ay Al-shabaab ay ka hesho ganacsatada Soomaaliyeed, si buu yiri loo curyaamiyo dhaqaalaha ay kooxdan hesho. “Ganacsatada way nooga sheekeeyaan dhibaatooynika ay kooxdan xagjirka ah ku hayso, balse waxaan uga baahannahay ganacsatada inay mar kaliya iska diiwaan dhaqaalaha ay siiyaan Al-shabaab, taasoo soo afjari karta gabi ahaan awoodda kooxda,” ayuu hadalkiisa ku daray. Dhanka kale, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha DF, ayaa ku eedeeyay Golaha Wasiirrada Somalia inay ka gaabiyeen Meel-marinta Guddiga Tayo-dhowrka badeecadaha Somalia la keeno oo ay soo gudbisay Wasaaradda Ganacsiga, isla markaana muddo bilooyinka ah uu yaalla xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre. Ugu dambeyn, Hadalka wasiirka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo horay ay Dowladda Somalia u sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ruux walba oo dhaqaale siiya Al-shabaab, inkastoo amarkaas aysan jirin wax ka fulay tan iyo markii lagu dhawaaqay. DHAGEYSO; Codka Wasiirka Gancsiga iyo Warshadaha Soomaaliya; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2019/01/DHAGEYSO_Wasiir_Maareeye_Al-shabaab.mp3 PUNTLAND POST The post WASIIR MAAREEYE: Dowladdu way la socotaa in Ganacsatadu ay Lacago siiyaan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Pakistan ayaa qaarkood waxa ay cabasho ka muujiyeen hannaanka ay u shaqeyso safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi. Cali C/samad Maxamed oo ka mid ah ardaydan ayaa isaga oo ku sugan dalkaasi u sheegay Goobjoog iney aad ugu adkaatay xiriirka safaaradda xilli uu doonayey gurmad caafimaad. Waxa uu sheegay in guri uu deganaa uu Gaas ku qarxay islamarkaana ay isaga soo gaaray dhaawac xooggan, loona sheegay in loo baahan yahay ciddii isaga dalka ku mataleysay “Saafaradda” balse uu waayey. Sidoo kale, Cali ayaa sheegay inuu u baahday in uu tago xarun kale oo caafimaad si wax loogu laakiin lagu xujeeyey safaaradda iney timaado balse aan loo jawaabin. Dhanka kale, wuxuu sheegay inuu wacay safiir Khadiija markii uu la hadlay kadibna una sheegay xaaladdiisa ay u sheegtay iney lasoo hadli doonto, wixii ka dambeeyeyna ay taleefanka ka qaban weysay si loo muujiyo in safaaraddiisa u bar-bar taagan tahay, damaanadna u helo in xarun kale caafimaad uu tago. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/ARDAY-Cali-Cabdi-Samad-Maxamed-PAKISTAAN-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Odoyaasha dhaqanka magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo kulan la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa dalbaday in lasii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo u xiran DFS sidoo kalena la bixiyo magdhowga dadkii ku dhintey qalalaasihii magaalada Baydhabo ka dhacay. Waxa ay sheegeen iney aad uga xunyihiin weli inuu sii xiran yahay Mukhtaar Roobow, waxaana ay sheegeen in ay doonayaan in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Roobow. Guddoomiye Mursal oo la hadlay waxgaradkan wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre isla fahmeen in lasii daayo Mukhtaar Roobow. Wuxuu tilmaamay in haddii isaga iyo madaxweyne Lafta-gareen inta yimaadaan Muqdisho misane lasii deyn waayo Roobow ay kuraasta ay ku fadhiyaan arrin kale tahay. Halkaan hoose ka dhageyso. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/01/BAYDHABA-WARCADE-WAR-MURSAL.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hubkii lagu fuliyey weerarkii Dusit-Hotel Naiorbi oo noqday mid ay leedahay Dawlada Somalia Wargeyska Daily Nation ee Nairobi, ayaa qoray in saddex ka mid ah shanti qori ee toddobaadkii lagu fuliyey weerarkii lagu qaaday hotelka Dusit ee magaalada Nairobi ay ahaayeen kuwa ay soo iibsatay Soomaaliya. Wargeyska ayaa qoray in baadhitaan hordhac ah uu muujinayo in lambarka taxanaha (serial number) ee qoryaha uu la mid yahay kan ciidamada Soomaaliya.Labada qori ee kale, ayaan weli la xaqiijin cidda iska lahayd. Dawladda kasta waxay leedahay lambar aqoonsi oo hubkeeda ku dheggan, waxaana sida Daily Nation uu daabacay, qoryihii lagu fuliyey weerarka 14 Riverside ay lahaayeen caalamadda “SO” oo ay isticmaalaa ciidamada Soomaaliya. “Weli waxaan isku dayaynaa inaan ogaano sida argagixisada ay ku heshay hubkan, balse waxaan u malaynayaa inay ku qabsadeen mid ka mid ah weerarada tirada badan ee Al-Shabaab ay ku qaaddo ciidamada Soomaaliya” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan qeybta-dambi baarista Kenya ee DCI. Waxa uu sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan ciidamada Soomaaliya iyo booliska adduunka ee Interpol, si ay xog badan uga helaan hubkan iyo sida ay kusoo galeen Kenya. “Golaha ammaanka QM ayaa ka digay bishii November ee sanadkii hore in qalabka milatari ee Soomaaliya loo weeciyo kooxaha hubeysan” ayuu qoray Daily Nation. Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in hub badan oo ay leedahay dawladda Soomaaliya hadda ay gacanta ugu jiraan ganacsatada hubka ee magaalooyin ay ka mid yihiin Muqdisho iyo Baydhaba. Sida Daily Nation qoray, weerar kale oo la fishiliyey bishii Febraayo ee 2018, kaasi oo ka dhici lahaa magaalada Isiolo ee dalka Kenya, ayaa hubkii laga soo qabtay waxaa laba ka mid ah ay noqdeen kuwa dawladda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan. Qaran News
-
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi Oo Muuse Biixi Ugu Baaqay In Golaha Guurtida La Kala Diro +Sababaha Uu Daliishaday Wasiirkii hore ee maaliyada somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay mudo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen. Eng Maxamed Xaashi sharci daro ku tilmaamay inay mudo kordhin sameeyaan xildhibaanada golaha guurtida oo uu xusay inaanay iyagu sharci ku fadhiyin, isaga oo madaxweynaha ugu baaqay inuu kala diro mudanayaasha golaha guurtida. Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Golahan imika doorashadii dib u dhigayaa isagii ayaan sharci ahayn, dadkii la soo doortay iyo aqoontii lagu soo doortay midna ma laha xaga da’dana qaarkood waabay ka yar yihiin, kolkaa maaha wax la aqbali karo, dhaartiina way ka baxsan yihiin oo kitaabkii ay gacanta saareen ayey ka baxeen.”ayuu yidhi Eng Maxamed Xaashi oo waramay Horyaaltv. Sidoo kale waxa uu sheegay in mudo kordhintu ay tahay dan ka dhaxaysa dhinacyada ay khusayso isla markaana ay isla ogyihiin waxaanu yidhi “Waxay qabaan inay lacaguun helayaan oo ay ku sii joogayaan iskuguna danaynayaan mudo kordhintan oo laysla ogolyahay in sidaa la wada yeelo,laakiin ta xuni waxa weeyaan marka aanu ilaahay cibaado kaa aqbalayn khasaare weyn ayaan ku jirtaa.” Dhinaca kale Eng Maxamed Xaashi ayaa madaxweynaha somaliland kula taliyey in la kala diro golaha guurtida “Madaxweynaha waxaan anigu odhan lahaa mudo kordhin dambe umadani uma baahna, sharci daro socotana umadani way ka soo daashay, waxa ka dhibyar adiga oo kala dira golaha guurtida oo la soo doorto dad u qalma xilkan loo dooranayo.” Qaran News
-
Westfield (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah ciidamada ilaalada qaranka gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka, ayaa loo qabtay xaflad sagootin ah, ayaga oo isku diyaarinaya inay soo aadaan dalka Soomaaliya. In ka badan 130 askari oo saldhigoodu yahay magaalada Westfield, ayaa muddo laba toddobaad gudahood ugu soo safri doona Soomaaliya. Arteste Ruffin oo ah 22 jir ka mid ah ciidamada loo soo dirayo Soomaaliya ayaa yiri “Aad baan u walaacsanahay, balse taliyahayga wuxuu ii sheegay in haddii aan walaacin ay wax iga qaldan yihiin” “Gacalisadayda iyo qoyskaygaba kuma faraxsana safarka” ayuu yiir. Ciidamada ayaa la sheegay in Soomaaliya ay ka fulin doonaan howl-gal adag oo aad xasaasi u ah, balse aan laga bixin faha-faahinta intaas dhaafsan. Mareykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo la rumeysan yahay in tiradooda ay dhan tahay 500 oo askari, oo badankood saldhigoodu yahay gegida Bali-Doogle ee gobolka Sh/Hoose, halkaasi oo ay ku caawiyaan kuna tababaraan ciidamada Soomaaliya. Tan iyo markii uu xukunka qabsaday madaxweyne Donald Trump, Mareykanka ayaa xoojiyey howl-galkiisa Soomaaliya, iyo duqeymaha lala beegsanayo kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Columbus caasimada@live.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa muddo Todobaad ah ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa kulamo kala duwan la qaatay Odayaasha, Dhalinyarada, waxgaradka, Haweenka iyo Culumada. Sidoo kale Guddoomiye Mursal ayaa kulamo la qaatay siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed, waxaana su’aasha ugu badan ee la weydiinayay ay aheyd xilliga la soo deynayo Muqtaar Roobow. Hadal maanta uu ka jeediyay Magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ku sheegay in uu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha iyi Ra’iisul Wasaaraha, islamarkaana ay u sheegeen in la sii deynayo Roobow. “Waxaan idin balan qaadayaa in xuriyadiisa uu heli doono Muqtaar Roobow arrintaas intii aan soo bixin ayaan ka wada hadalnay Madaxweynaha Iyo Ra’iisul Wasaaraha, taasna waan idin kugu bishaaraynayaa.” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Odayaasha iyo qeybihii kala duwanaa ee uu la kulmay ku qanciyay in aysan cidna raali ka aheyn qaabkii loo maray xariggii Muqtaar Roobow, wuxuuna tilmaamay hadii Roobow la soo deyn waayo inuu xilka isaga tagayo. “Waad ogtihiin aniga ahaan dhawr mar ayaan ka hadlay in Muqtaar Roobow uu lamid yahay musharixiinta kale farahana laga qaado xitaa waxaan dalbaday in doorashada dib loo dhigo xaalad walboo Muqtaar lagula dhaqmay aniga raali kama aheyn, waxaan idin balan qaadayaa in Muqtaar uu banaanka soo bixi doono.” ayuu markale yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo qoys Soomaaliyeed ku wareejiyey guri muddo ka maqnaa ayaa sheegay in Maamulka Gobolku ay ku guuleysteen soo celinta hanti muddo ka maqnayd muwaadiniin kala duwan. Guddoomiyaha ayaa xafiiskiisa si wada jir ah ugu qaabilay labadii qoys ee loo kala celiyey guriga, isagoona ku bogaadiyey qoyskii horey u deganaa sida wanaagsan ay u wareejiyeen una soo dhaweeyeen walaalahooda lahaa mulkiyadda guriga. “Waxaan idiin ka mahadcelinayaa sida aad isu cafiseen, una garawsateen muhiimadda ay leedahay walaaltinimada idin ka dhaxeysa ee aan dhammaanayn. Tallaabadan aad wada jirka u qaadeen waxa ay waji cusub u tahay xal u helista murannada dhulka iyo hantida maguurtada ah ee ka dhaca Gobolka Banaadir.” Dhankooda, labada qoys ee loo kala celiyey guriga ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir dadaalka joogtada ah ee ay ku bixiyeen xal u helista murankii ka dhaxeeyey iyo sida isfahanka iyo walaaltinnimada leh ee ay ku dhammaatay. Kulanka waxaa goob joog ku ahaa Guddoomiyaha Degmada Shibis Marwo Safiyo Sheekh Cali oo degmadas uu ku yaallo guriga loo soo celiyey qoyskii mulkiyadda u lahaa.
-
Galmudug, waxaad moodaa in uu si gaar ah iyada saameyn ugu yeesheen khilaafkii soo kala dhexgalay dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada. Tan iyo murankaas, waxaa is bedelay siyaasaddi Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Puntland, kaliya Galmudug iyo Jubbaland ayaa halkoodii u muuqda kuwo taagan ama gelin hore laga tagay. Hase ahaatee, Galmudug ma aha sida Jubbaland oo ka dhisme horreeysay, haysata Deked, taas oo sahleysa in ay ugu yaraan muddo jiri karaan dowladda la’aanteed. Galmudug waxa ay u kala jabtay saddex garab, Xaaf, Shikeh Shaakir iyo Cadaado. Muddo hadda sanad ah, xaaladda Galmudug waa mid qasan oo aan lahayn meel loo raaco, xataa waxaa shaki la gelinayaa in maamulba ka dhisan yahay. Xaaf ma tegi karo Cadaado, kooxda Cadaado ma imaan karaan Dhuusomareeb halka Shiekh Shaakir uu fartuu doono qorno, yacni meel loogu hagaago ma leh. Galmudug, sida muuqata xaalkeeda ma aha mid ay cidi dani ugu jirto, dowlad, maamulka dhexdiisa iyo kooxaha mucaaradka ah. Dowladda Dowladda dhibta ka jirta Galmudug wey saameyneysaa maadama haddii xaalka sidan sii ahaado ay adkan doonto sidii doorasho uga dhici lahayd ama kala qeybsanaanto ku sii fogaan karto. Caano daatay dabadood ayaa la qabtaa, dowladda waxaa u habboon intii Galmudug meel fog laga dooni lahaa in hadda arrinteeda la dhammeeyo. Galmudug dhexdheeda Waxaan maqli jiray asaagii ka hare! Galmudug waxa ay u muuqataa mid asaageed wax badan ka hari doonta haddii ay sidaas isu sii surnaanto. Tanaasul haddii ay isu sameyn waayaan, iska daa Puntland ee, waxa ay ku diimi doonaan sidii ay horumarka maamul ahaan kula tartami lahaayeen Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle. Si Galmudug ugu yaraan u bilowdo dowlad dhisidda dhexdeeda ah waxaa quman in waaqaca loo soo laabto. Kooxaha Mucaaradka ah Waxaad moodaa in kooxaha mucaaradka ah ay bohol ka ridayaan madaxda Galmudug. Lama hayo madaxda ka soo jeeda maamulkaas ee ku jira dowladda dhexe ama aanan xilalka hay nee Muqdisho tuban iyaga oo ka arrinsanaya xalinta mushaakilka Galmudug. Waxaaba yaab leh, kala sii fogaanshaha mamaulkaas dhexdiisa ah in ay u arkayaan dhibco u kordhay si ay ugu xumeeyaan dowladda dhexe! Mucaaradka waa in ay ogaadaan, Galmudug oo dhisan, haygal maamul leh ayaad idinka wax ku noqon doontaa ee maamul aad afar sano dhibco siyaasadeed si aad u heshaan aad god ugu tuurteen kuma heshaan mansabka aad dooneysaan. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa ay ku xidhan yihiin xabsiga weyn ee Hargeysa, iyaga oo ay dembi ku weyday maxkamadda gobolka Maroodijeex. Muddo ku dhaw sagaal bilood ayay xayiran yihiin, isla markaana ay waayeen xorriyaddoodii qofnimo ee ay xaqa u lahaayeen. Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo dhegaystay dacwadda loo haysto ayaa amartay in oodda laga qaado 29kii Oktoobar 2019ka, waxaanay weli gudaha ku jiraan laba bilood iyo labaatan cisho, iyaga oo aan wax dembi ah lagu helin. Maxaa Loo Haystaa Macallinka iyo Abwaanka? Waxa ay la xidhnaayeen laba eedaysane lagu eedeeyay in ay jarjareen xadhigga SOMCABLE ee mara gobolka Daad-madheedh. Maxkamaddu waxa ay dembi ku heshay labadii qof ee la xidhnaa, kuwaas oo lagu xukumay xadhig toddoba sanno ah iyo mag-dhawga dhibtii ay geysteen. Waxa ciidanka ka baxsaday mid ka mid ah labadaas qof ee la xukumay, waxaana la rabaa in dad aan waxba galabsan la dul-saaro gefka uu sameeyay qofka ka fakaday ciidanku. Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa ay ku xidhan yihiin rafcaan ay ka qaadatay Xeer-ilaalintu. Illaa haddana lama horkeenin Maxkamadda Rafcaanka. Xeer-ilaalinta iyo dhibbanaha ayaa duray garsoorihii maxkmadda rafcaanka ee lagu qoray gar-naqa dacwadda, waxaanay rabaan in lagu qoro garsoore ay iyagu soo xusheen oo ku maqiiqa waxa ay rabaan. Tallaabadani waxa ay lid ku tahay madax bannaanida Golaha Garsoorka Somaliland. Ma aha in qof aan waxba galabsan loo haysto madax-furasho iyo in uu bixiyo khasaare aanu gacantiisa ku fulin. Qof ahaan ma taageersani in waxyeello loo geysto ganacsi uu leeyahay muwaaddin reer Somaliland ahi iyo mid uu shisheeye leeyahay midnaba. Waanan ka xumahay waxyeellada loo geystay SOMCABLE. Laakiin dembiga dhaca waa in lagula xisaabtamo cidda geysatay. Abwaan Baashe Xasan Maxamed iyo Macallin Cabdiqaaddir Nuur Maxamuud waxa loo xidhay in ay ka tirsanaayeen madal Whatsp ah oo la yidhaahdo “Hal-doorka Garaxajis”, halkaas oo xubnaha ku jira ay qaarna indho-la’aan ku taageereen jarista xadhigga SOMCABLE, kuwo kalena ay ka horjeesteen dhibaatada loo geysanayo ganacsiga sharciga u haysta in laga furo gobolladda dalka. Waxa laga qabtay magaalada Hargeysa, xitaa ma ay tegin gobolka Daad-madheedh ee dembigu ka dhacay. Ma aha in ay dadka shacabka ah loo bannado dacwado ay soo oogeen dad hantiileyaal ah oo loo habranayo iyo dad masuuliyiin ah oo ku tagri-falaya xilka ay qaranka u hayaan. Waxa xabsiyada ku jira muwaaddiniin ay eedeeyn rag ganacsato ahi, kuwaas oo aan hubo in aan dembi lagu helin, isla markaana aan maxkamadda la horgeynnin muddo laba sanno ah. Markaas saldhigyada iyo xabsiyadu ma bakhaarro ay ganacsatadu leeyihiin baa? Ugu dambayntii waxa aan Xeer-ilaalinta iyo Shirkadda SOMCABLE ugu baaqayaa in ay ka laabtaan rafcaanka ay ka qaateen labada muwaaddin ee dembiga lagu waayay. Siciid Maxamuud Gahayr“Abwaan Baashe iyo Macallin Cabdiqaaddir Waxa ay Xidhan Yihiin 9 Bilood, Iyaga oo Maxkamadda Maroodijeex Dembi Ku Weyday”. W/Q Siciid Gahayr Qaran News
-
(SLT-Riyaad) Sheekh Axmed Al-camaari oo horey u ahaa Hormuudkii hore ee Kulliyadda Qur’aanka Kariimka ee Jamaacadda Madiinah Al-munawarah ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Xabsiga Sacuudiga, sida ay shaaciyeen Koox u dooda Xuquuqda Maxaabiista ku xidhan dalkaasi. Qoraal ay Kooxdaasi soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Twitter-ka waxay ku sheegeen inuu Marxuumku u geeriyooday dayacaadda dhinaca daaweyntiisa, waxayna ku eedeeyeen Madaxda Xabsiyadda dalkaasi inay mas’uul ka yihiin geeridiisa. Marxuumka waxaa la filayaa in maanta lagu aaso magaalladda Maka Al-mukarama, sida ay sheegeen Kooxda u dooda Xuquuqda Maxaabiista ku xiran Sacuudiga. Dowladda Sacuudiga weli kama hadlin Warbixintan ku aadan geerida Marxuum Sheekh Axmed Al-camaari oo isaga Xabsiga ku jiray tan iyo bishii August ee sannadkii hore. Source
-
Popular Contributors